Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in dhowaan xaalada Soomaaliya ay wax weyn iska bedeli doonaan

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhowaan dalka ku soo gurya noqday ayaa mar uu warbaahinta qaar kula hadlayay Xarunta Madaxtooyada wuxuu ku celceliyay in dhowaan xaalada Soomaaliya weji kale yeelan doonto waa siduu hadalka u dhigaye.

Shariifku wuxuu sheegay in dowladiisu guud ahaan go'aan cad ka qaadatay kooxaha dagaalka kula jira sida Alshabaab, go'aankaasna wuxuu ku sheegay mid dagaal ah oo aan loo kala hari doonin ilaa dalka gudihiisa laga saarayo xoogagan uu colaada daran u qabo.

"Nabad ma ogola, dadki waa laayeen, dalki waxay doonayaan in ay cadaw gacanta u geliyaan marka waa noo dagaal" Hadalkaas waxaa laga soo xigtay Madaxweyne Shariif oo u goodinayay xoogaga Xafiiskiisa kaabiga ku haya ee Alshabaab iyo Xisbul islaam.

Madaxweyne Shariif wuxuu caan ku ahaa hadalo nasteexo xambaarsan waxqabad waa halkiisee waxaase uu hadda la soo baxay hadalo kulkulul oo u muuqda sida dad badani qabaan ku wax sii kala fogeynaya.

halgankanet@gmail.com 


Jenreal Nathan Mugisha; "Ciidamada Amisom waa in la gaarsiiyaa 40.000 oo askeri si ay wax uga qabtaan dhibaatada Soomaaliya"

$
0
0

Jeneral Nathan Mugisha oo ka mid ah saraakiisha hogaamisa Ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa daboolka ka qaaday in 40,000 oo askeri ka yar aysan waxba ka qaban karin mashaakilka ka taagan dalka Soomaaliya.

Mugisha oo warbaahinta kula hadlay dalka Yugaandha ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidamada loo qoondeeyay in Soomaaliya la geeyo ee guud ahaan gaaraya Sideeda Kun aysan waxba ku soo kordhin doonin xaalada hadda jirta sidaas darteed waxay isaga la tahay in 40,000 la geeyo Soomaaliya si ay nabad iyo kala dambeyn ugu soo celiyaan dalka mudada dheer dadkiisu dagaalayeen islamarkaana lagu dagaalayay.

"Sanado ka hor Sideed Kun wax waa qaban kareen laakiin hadda xaaladu waa ka sii dartay waxaana loo baahan yahay cudud milateri oo xoog leh" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Jeneral Mugisha oo sida ka muuqata hadalkiisa aan kalsooni ku qabin Ciidamada Afrikaanku u qoondeeyeen in ay Soomaaliya geeyaan.

Ciidamada Amisom ee hadda ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa in ay qeyb ka yihiin gumaadka arxandarada leh ee lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com 

 

Xibsul Islam iyo Alshabaab oo laga cabsi qabo in ay ku dagaalaan degmada Xarardheere. Maxey isku heystaan?

$
0
0

Ciidamo ka kala amarqaata Alshabaab iyo Xisbul islaam ayaa laga cabsi qabaa in ay isku fara saaraan gudaha degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa laga soo weriyay in saakay ay degmada Xaradheere daafaheeda soo gaareen ciidamo ka amarqaata Alshabaab kuwaas oo sida la sheegay ay u yeeratay mid ka mid ah beelaha dega degmada Xaradheere.

Ciidamada Xisbul islaam ayaa dhankooda bilaabay in ay difaac xoogan ka galaan gudaha magaalada iyo weliba wadooyinka soo gala waxayna aad uga baqayaan in talada magaalada gacantooda laga bixiyo.

Saansaantan colaadeed iyo bowda qaawiskan ayaa bilaabmay sida la soo werinayo ka dib markii beel ka mid ah beelaha degada degmada Xaradheere iyo ciidamada Xisbul islaam isku dhaceen khilaaf xooganna uu soo kala dhexgalay.

Dadku waa argagaxsan yihiin waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac wixii war ah ee soo kordhana dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.

halgankanet@gmail.com 

sh mustafa No.5

Aabe Adan ibraahim oo dhowaan qoyskiisa madfac ku dhacay oo welwel ka muujiyey qoyskiisa inta ka hartay oo dhaawac ah

$
0
0

Aaabe Aadan Ibraahim Xuseen oo ah aabaha dhalay afar caruur ah oo dhowaan uu
madfac ku dilay agagarka isbitalka Dikfeer ee degmada Hodan magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay lix qof oo kamid ah
qoyskiisa oo ku dhaawacmay madfacaasi ku dhacay gurigiisa.


Aadan ayaa sheegay in dadkaasi ka dhaawacan aanu heysan qarash u ku daweeyo xitaa aanu heli Karin qutul yoonkooda.
Aabahan ayaa sheegay in uu kamid yahay qoysaska deggan guryaha ka
sameysan cooshadaha ee ku yaala agagarka isbital Dikfeer waxaana halkaas
la daggan dad kale oo barakacayal ah isagoo sheegay in uu gabi ahaamba
gubtay gurigiisa oo xiligan aanu heysan hoy uu ku hoydo.


Dhibatada heysata qoyskan Soomaliyeed ayaa waxa ay la wadagaan boqolal
qoys oo Soomaali ah oo ay dhibaatooyin xoog leh gaarsiiyeen dagaalada
sokeeye ee mudada 20-ka sano ka socda Soomaliya.

Dowladda KMG ah ayaa dadka magaalada horey uga codsadeen iney xakameeyaan ciidamada AMISOM oo inta badan madaafiic waaweyn ku rida xaafado dad rayid ahi degan yihiin iyagoo aan wax ka qaba karin kan ey soo ridaan dhinacyada ey dagaaladu kala dhexeeyaan.

Shabaab oo la wareegtay bakhaaro raashin ah

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa wararku sheegayaan inay la wareegeen ilaa soddon bakhaar oo cunto ay ku jirtay oo ku yaalla magaalada Beledweyne.

 

Shabaab ayaa baaritaan ku sameysay goobaha ganacsiga ee magaalada
Beledweyne, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in furaayasha
bakhaarada ay kala wareegeen dadkii milkiilayaasha ahaa.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo BBC la hadlay ayaa
sheegay in raashinka aanu ahay mid mucaawino ah, balse ay ka soo
iibsadeen magaalooyin ku yaalla gobolka Galgaduudaysan, isla markaana
aanay ogeyn sababta raashinkooda loola wareegay.

Raashinka ayaa la sheegay inay ku taalay calaamadda hey'adda WFP oo ay Shabaab horey uga mamnuucday gobollada ay ka taliso.

Warar ayaa sheegaya in Xarakada Shabaab ay markii danbe raashinka u qeybisay dadweynaha magaalada.

Dagaal qaraar oo galabta ka dhacay buuraleyda Galgala

$
0
0

Ugu yaraan labo ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen maliishiyo uu hogaamiyo Maxamed Saciid Atam.

Dagaal u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka
Puntland iyo kuwo ka amar qaata Maxamed Saciid Atam, oo ka dhacay meel u
dhaw buurta Galgala ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba
ah.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo
ciidamada maamul goboleedka Puntland ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku
dhaawacmeen, markii ay weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen maliishiyada
Maxamed Saciid Atam.

Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso.

Labada dhinac oo ku dagaallamayay dhulka
buuraleyda ah ee u dhaw Galgala toddobaadyadii u danbeeyay, ayaa mid
walba waxa uu dhinaciisa sheegnayaa in ay gacanta ku hayaan deegaanka
Galgala.

 

Duqeyn dhimasho haween iyo carruur sababtay oo loo geeystay xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah

$
0
0

Waxaa galabta Casar liiqii madaafiic aad u xoogan oo aa la garaneyn sida la soo sheegay meesha laga soo ganay ay ku habsadeen dad barakacayaal ah oo ku noolaa markoodii hore nolol Alloow sahal ah.

Mafaadiicdan oo si darandoori ah ugu dhacay Xero ku taal Cusbitaalkii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa galaaftay nolosha Laba Haween ah halka dhaacna uu soo gaaray Afar kale oo carruur u badan.

Dadka dhintay waaba dhinteene intii dhaawacantay ayaa la dhigay Goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho waxaana qaarkood la leeyahay, waa liitaan.

Madaafiicdan ma jirto cid weli sheegatay in ay soo ganeen amaba ay ka soo fakadeen, laakiin waxaa la hubaa in cidii soo riday ay muujisay naxariis darada ay u hayaan shacabka Masaakiinta ah ee sooman.

halgankanet@gmail.com


Maxaad ka taqaan dalka loo aoonsaday kan dunida ugu mudan in lagu noolaado ama deganaado? Hoos ka aqriso

$
0
0

Jariidad waqtiyeedka NEWSWEEK ee ka soo baxda cariga Mareykanka oo dalalka aduunka kuwooda ugu wacan in lagu noolaado baaritaan iyo isbar-bar-dhig ku sameysay ayaa soo bandhigtay warbixin la rumeysan karo sida dad badani qabaan.

Dalka Finland oo ku yaal Qaarada Yurub ayaa markii lala baratansiiyay Boqol dal wuxuu galay kaalinta koobaad haddii si kale loo dhigana wuxuu noqday dalka ugu fiican ee lagu noolaado waqtigan aynu joogno.

Meelaha dalalkan laga eegay amaba laga qiimeeyay ayaa waxaa ka mid ah Caafimaad Bulshada, waxbarashada, adeegga Bulshada ee caamka ah iyo weliba tayada nolosha guud ee dadka u dhexeysa.

Dalka Sweden ayaa isna kaalinta Labaad ka soo galay baratankan la baratansiiyay dalalka ugu haboon in waqtigan lagu dhasho, wax lagu dhalo islamarkaana lagu noolaado.

Labadan dal ee kaalinta koobaad iyo labaad kala galay ayaa waxaa ku nool Soomaali badan waxaana su'aali ka taagan tahay Barwaaqadan la sheegayo ma waxay ku kooban tahay Dadka u dhashay dalalkan mise Soomaaliduna waa la qabtaa? Su'aashaas jawaabteeda waxaa laga sugayaa Soomaalida nasiibka u yeelatay in ay soo degaan dalalkan.

Xigasho: METRO-STT

halgankanet@gmail.com

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 8

Sheekh Mustafe Muxaadaro 5 / 5

Sheekh Mustafe Muxaadaro 4 / 5

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo dafiray in Alshabaab ku sugan yihiin Xarardheere

$
0
0

Af hayeenka Ururka Xisbul Islaam ee gobolada dhexe Shiikh Cabdinasir Gar
dhuub ayaa markii u horeeyay ka war bixiyay Xaaladda Degaanada ay ka
taliyaan ee gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Af hayeenka ayaa sheegey in degaanada ay ku sugan yihiin maamulkooda
inuu ku jiro amni iyo wada shaqayn xoog leh oo u dhaxaysa Bulshada
halkaa ku dhaqan iyo Maamulkooda.


Sheikh Gar dhiuub ayaa ka hadlay degaanka Xarar dheere oo ay gacanta ku
hayaan Ururkooda Xisbul Islaam wuxuuna sheegey in degaankaasi ay ka
jirto xaalad aad u wanaagsan isla markaana wada shaqay xoog leh ay kala
dhaxayso Bulshada Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan.


Af hayeenka ayaa sheegey in shacabku ay ka qayb qaataan Hawlaha lagu
horumarinayo degmada iyo dhinaca amaanka oo ay gacan ka geystaan
isagoona meesha ka saaray in halkaas ay ka jiraan wax is khilaaf ah oo u
dhaxeeya maamulkooda iyo dadka degaanka.


Af hayeenka ururka Xisbul Islaam ee Gobolada Dhexe Shiikh Cabdinaasir
Gar Dhuub oo ka hadlayay hadalo dhawaan ay baahiyeen war baahinta gudaha
Muqdisho ayaa sheegey in arrimahaasi ayan waxba ka jirin isla markaana
uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin
iyo Xisbul Islaam.


Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah war baahinta gudaha oo
xiganayay dadka Degaanka ay sheegeen inuu jiro dhaq dhaqaaq xoog leh oo
ka soconaya Daafaha degmada Xarar dheere ka gadaal markii ay halkaa soo
gaareen Ciidamo ka tirsan  Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.


Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa soo dul degaya sida la
sheegey Degmada xarar dheere kuwaasoo damacsan inay gudaha u galaan
Degmada oo ay maamulkeeda gacanta ku hayaan Xisbul Islaam arrintaas oo
uu sheegey af hayeenku in ay tahay mid aan sal iyo rood toona aan lahayn.

Si kasta ha ahaatee Af hayeenka Ururka Xisbul Islaam ee gobolada dhexe
ayaa sheegey inaysan jirin wax ciidama ah oo is kor fadhiya iyo wax
mashaakil ah oo ka jira Degmada xarar dheere ee Gobolka Mudug iyo
gobolka Gal gaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ururka Xisbul Islaam.

Golaha Nabadoonada Puntland oo Siweyn u Cambaareeyey Xarigii Agaasimahii Horseed Media.

$
0
0

Golaha Nabadoonada Gobolka Bari ayaa siweyn u cambaareeyey xarigii iyo
ganaaxii lacageed ee lagu ridday Agaasimahii Idaacadda Horseed Media
C/fataax Jaamac Mire.
Guddoomiyaha Golaha Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon C/qaadir Axmed
Ibraahim Xaraggo ayaa waxa uu noo sheegay mar uu khadka taleefanka
nagula soo xiriiray in Nabadoonada Gobolka Bari ay siweyn u
Cabmaaraynaayaan xarigii loo gaystay Agaasmahii Idaacadda Codka Nabadda
C/fataax Jaamac Mire waxaana uu Nabadoonku tilmaamay in xargaasi yahay
khalad cad oo lagula kacay Weriyaha.
Nabadoonka ayaa waxa sidoo kale Cambaareeyey sida deg dega ah ee ay
Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari xukunka u riday taasi oo
xukun gaaraaya 6-sano oo xarig ah iyo $500 oo ganaax.
C/qaadir Axmed Ibraahim ayaa waxa uu ku tilmaamay maxkamadda darajada
koowaad ee Gobolka Bari mid ay hadda ka hor kasoo yeereen eedaymo ku
aadan maxkamadda kuwaasi oo ku aadanaa in maxkamadda danbiyo hadda ka
hor lagu qaaday ay ka dhasheen muran ku aadan dhinaca caddaaladda
xukunkaasi loo maray oo dadka qaar ku tilmaameen mid caddaaladda ka fog.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa waxa uu ugu baaqay Dawladda Puntland in ay
xaq dhowrto saxafiyiinta Puntland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad u
adeega dadka iyo dalka isla markaana Dawladda Puntland looga baahan
yahay in ay ku taageerto agabyada ay u baahan yihiin meesha ay kaga
waddo hagardaamada saxaafadda taasi oo loo baahan yahay in laga daayo
xilligan saxafiyiinta Puntland oo iyagu muddooyinkii ugu dambeeyey falal
kala duwan kala kulmaayey Dawladda Puntland.
Ugu dambayntiina Nabadoonka ayaa waxa uu ku baaqay in meel looga soo
wada jeensado wax kasta oo keeni kara nabadgelyo darro waxaana uu
Dawladda iyo iyo bulshadaba ugu baaqay in ay ammaanka sugaan isla
markaana ka wada shaqeeyaan aayaha dalka.
Hadalka Nabadoonka ayaa waxa uu kusoo aaday xilli ay dhowaan soo
ifbaxday caddaadis xooggan oo ay Dawladda Puntland kusoo rogtay
saxafiyiinta ka hawlgasha Deegaanada Puntland kaasi oo ay kamid tahay in
ay ka mamnuucday wararka kooxaha Dawlada kasoo horjeeda isla markaana
qaar kamid ah weriyeyaashu xilligan ay xabsiga ugu jiraan danbiyo aan
lacadayn.

AMISOM oo beenisay in Gen Gabre Muqdisho joogo!

$
0
0

Waxaa aad isku soo tarayo warar xaqiiqda u dhaw oo muujinayo in sargaalkii ugu sareeyey duulaankii ciidamada EThiopia ay ku soo Somalia saddex sano ka hor uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho, mas'uuliyiinta ciidamada AMISOM-se way beeniyeen warkaas.

 Gen: Gabre oo aad isuku dhaw yihiin ra'iisal wasaaraha Ethiopia waxaa lagu waramayaa in uu toddobaadyadaba ku sugan yahay magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ka degan yahay mid kamid ah xeryaha ay AMISOM maamusho, imaanshiyahiisa waxaa warar hoose tibaaxayaan in ay salka ku heyso kormeeridda howlaha AMISOM, dejin qorshe dagaal oo ay dowladda KMG iyo AMISOM ku qaadeen kooxaha mucaaradka iyo arrimo badan oo kale.

 Gen: Gabre hadda wuxuu hadda kamid yahay saraakiisha xagga amniga ee urur goboleedka IGAD, dhowr mar ayuu Muqdisho yimid laakiin markan arrinta shakiga dhalisay waxay tahay in uu si dadban u maamulayo howlaha AMISOM.

 U qeybsanaha howlgalka Midowga Africa ee Somalia Wafula Wamayama oo shir jaraa'id shalay galinkii dambe ku qabtay Muqdisho ayaa war been iyo boro-bagaando ah ku tilmaamay in AMISOM ay ka amar qaadaneyso Gabre, islamarkaana uu xeelad dagaal u dejinayo.

 ''Gabre ninka la yiraahdo oo aan maqleyno AMISOM ayuu maamulayaa, taasu waa been, AMISOM way madax banaan tahay, shuqulna kuma lahan ninkaas'', ayaa yiri Mr Wamayama oo aan sheegin in Gabre uu jooga iyo inkale Muqdisho.

 Sargaalkan intii ay ciidamadii Ethiopia Muqdisho joogeen wuxuu tagay magaalooyin ay Kismaayo kamid tahay, si cadna wuxuu u sheegi jiray in Ethiopia ay Somalia saaxiib la tahay, mararka qaar waxaa la warin jiray in madaxdii dowladda KMG hoggaamineysay xilligaas aysan waxba fulin jiray isagoo aan ogeyn.


Alshabaab dab qabadsiiyey raashin ey sheegeen in uu dhacay!

$
0
0
Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta dab ku
qabadsiisay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho raashin ay laheyd
hay'adda cuntada adduunka ee WFP, taasoo ay ku sheegeen in uu dhacay.

 Meel
fagaare ah oo degmadaas kamid ah ayaa lagu gubay raashin isugu jirat
Galey iyo Bur laga soo dejiyey lix gaari oo nooca xamuulka qaado oo
cunnadan mucaawinada ah ay saarneyd.


 Sheekh
Cali Maxamed Xuseen, wakiilka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa
goobta ugu sheegay saxaafadda in raashinku uu dhacay, xilligii loogu
talagalay in la isticmaalana ay dhamaatay.


 ''Raashinkan
aad u jeedaan WFP baa u keentay in shacabka lagu waxyeeleeyo,
madaafiicda dadka lagu leynayo waxbo uma dhaanto raashinkan'', ayu yiri
Sheekhu oo u digay dadka leh Bakhaarada ay ku keydsan yihiin cuntada
gargaarka ah ee WFP leedahay.


 Maalin
ka hor ayey aheyd markii dagaalyahanno Shabaabka ka tirsan ay la
wareegeen in ku dhaw 30-Bakhaar oo cunnooyinka WFP ay ku jireen
magaalada Beledweyne, una qeybiyeen raashinkaas dadka deegaanka.


 Al-Shabaab horay ayey Somalia uga mamnuuceen in ay ka howlgasho WFP.

Waraysi - wasiirka gashaadhigga TFG

$
0
0

Wasiiro uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga ee dawladda kmg ee somalia ayaa beryhan shirar uga socdeen magalada addis Abeba.Yusuf-garad wuxuu waydiiyey wasirka gaashandhiga somalia Abuukar Abdi Osman wixii kulanadaas ahaayeen.

 

Wasiiro uu ka mid yahay wasiirka
gaashaandhiga ee dawladda kmg ee somalia, Abuukar Abdi Osman, ayaa
beryhan shirar uga socdeen magalada addis Abba ee Ethiopia. Khadka
telefoonka ayaa Yusuf Garaad wuxuu waydiiyey wasiirka wixii kulannadaas
looga hadlay, iyo cidii ay la hadleen ee la shireen ?

Warbixinta OCHA ee Somalia

$
0
0

Warbixintii toddobaadka ee hey'adda xidhiidhinta arrimaha bani'aadminnimo ee Somalia, OCHA, ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dagaallada magaalada Muqdishu.

Warbixintii toddobaadka ee
hey'adda xidhiidhinta arrimaha bani'aadminnimo ee Somalia, OCHA, ayaa ka
hadashay dhibaatooyinka dagaallada magaalada Muqdishu iyo Dhoobley ay u
geysanayaan dadweynaha rayidka ah, iyo barakaca ka dhasha. Waxayna
sheegtay in dad badani ay ku dhinteen, in badan oo kalena ay ku
dhaawacmeen dagaallaaasi, isla markaana ay barakaceen tobannaan kun.
Waxa kale oo kordhay qaxootiga Dhoobley ee iska diiwaangeliya xeryaha
Dhadhaab, bishan August.

 

Sheekh Mustafe Muxaadaro 2 / 5

Madaafiicyada taangiyada oo xalay lagu garaacay meelo kamid ah magaalada Muqdisho

$
0
0

Madaafiic xoogan ayaa xalay lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho xili xaafadaha ay madaafiicda ku dheceen laga hurdayay waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Abaaro 1:30 xalay ayaa madaafiic xoogan waxa ay ku hoobteen degmooyinka Dayniile iyo Hodon waxaana madaafiicdaas ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadahaas.

Ilaa 10 madfac ayaa la sheegay inay u gudbeen xaafado dayniile ee magaalada Muqdisho , iyadoo madaafiicda ay ahaayeen kuwa ka dhaca BM-ka waxaana mar qura hurdada ka kacay dad badan oo rayid ah.

Guuxa Madaafiicda BM-ka ayaa hareeyay xaafadaha Hodon iyo Dayniile, kuwaas oo kormarayay degmooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho, taas oo cabsi ku abuurtay dad badan oo ku sugan xaafadaha kala duwan ee Caasimada

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live