Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gudoomiyeyaasha dagmooyinka Gobolka banaadir ee ku...

$
0
0

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka walaacsan isbadal la filayo in lagu sameeyo Gudoomiyaasha degmooyinka, waxaana la saadaalinayaa in qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha hada shaqeeya shaqada laga eryi doono.
Gudoomiyaasha hada xaalka ku xun yahay ayaa ah kuwa intooda badan qurbaha ka yimid si aad ahna ugu dhawaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, waxa ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen foodadii dhawaan ka dhacday xarunta gobolka.
Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiyaasha xaalka ku xun yahay qaarkood ayaa hada bilaabay olole ay ku doonayaan in ay kusii joogaan Degmooyinka, waxa ayna raasid u galeen Gudoomiyaha gobolka iyo Xildhibaanada beelahooda.
Hotelo kuyaala Muqdisho ayaa lagu arkayay Gudoomiyaashan oo Hotelada ugu tagaya Xildhibaanada beeshooda iyo Xildhibaano kale oo saaxiib dhaw la ah Gudoomiyaha gobolka si arintooda loogala hadlo una sii joogaan Degmooyinkooda.
Inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa rajo beel lasoo daristay kadib markii si hoose loogu sheegay in isbdal la sameeyo aysan hureyn, waxa sidoo kale Gudoomiyaashan qaarkood albaabada ka xirtay xildhibaanada ku heybta ah.
Shacabka Muqdisho ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu isbadal deg deg ah ku sameeyo Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa oo ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday.
Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir haya ayaa la tilmaamaa in ay yihiin kuwii ugu liitay ee soo mara gobolka Banaadir dhoorkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana aad u yar Gudoomiye wax qabtay ama kasbaday Dadka uu Gudoomiyo.
Share this:
Related
storvideo: 


Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo furtay shir looga...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socoto Dowladd Goboleedyada dalka,xubno ka socda Gobolka Banaadir iyo Beesha caalamka sharkan oo socondoona mudada halka maalin ah aya diirada lagu saarayaa sida ugu haboon ee [...]
storvideo: 

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula kulmay Addis Ababa Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, labada Madaxweyne oo kasoo qeyb galay shir-Madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika ayaa kulan goonni ah yeeshay. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Suudaan horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada Amniga iyo dib u heshiisiinta, Sidoo kale Madaxweyne Albashiir [...]
storvideo: 

Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee...

$
0
0

Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee gobolka Benaadir oo ka socoto xarunta dowladda Hoose Munaasabad ay xilka kula wareegayaan hogaanka cusub ee Maamulka Gobolka Benaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku-xigeenadiisa ayaa caawa ka socoto xarunta dowladda Hoose ee Xamar. Munaasabadda xil wareejinta ayaa [...]
storvideo: 

                           Shirka Garxajis: Mashruuc...

$
0
0

Marka aan dib u jalleeco Xusuus-qorkayga waxay ahayd maalin Khamiis ah oo taariikhdu ay ahayd 9kii August 2016, waxaana aanu sii gelaynay Shirkii Todobaadlaha ahaa ee ay Golaha Wasiirradu ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada markii si gaar ah Xubnahayagii ka soo jeeday reerka Garxajid lagu wargeliyay in marka uu shirka golaha Wasiirradu uu dhamaado aanu shir-doceed gaar ah yeelan doono oo aanu soo hadhno.
Masuulyiin Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir-xigeeno aanan imika jeclayn inaan magacyadooda halkan ku xuso oo reerka Garxajis ka soo jeeda iyo Wasiirkii Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa kulanku na dhex maray oo fooda is darnay, waxaana si qoto dheer looga hadlay Xukuumad ahaan Go'aanka aanu ka qaadan lahayn Shir ay Beelaha Garxajiska qaybo ka mid ahi ay u ballan-sanaayeen inay Hargeysa ku qabtaan Sabtida 13 August 2016 oo ay markaas laba cisho naga xigeen.
Doodo iyo falan-qayno dhaadheer ka dib waxaanu isla garanay in Shirkaas Beeshu aanuu wax dhibaato ah soo wadin, beeluhuna ay si caadi ah shirar u qabsadaan goor kasta, kanina aanuu ka duwanayn shirarka ay Beelaha kale hore u qabsadeen, sidaas daraadeedna ay Xukuumadu ka gaabsato shirkaas. Hadana isla habeenkii ayaanu mar kale ka shirnay oo hadana aanu isla garanay inaan Xukuumadu wax faro-gelin ah ku samayn shirkaas.
Dabcan aad ayaanu u dareensanayn in Shirkaas uu dabada ka riixayay Xisbiga Wadani oo uu aad ugu lug lahaa qaban-qaabadiisa, hadana may jirin dariiq ay Xukuumadu ku horjoogsan karaysay shirkaas.
SHIRKA GARXAJIS ee APRIL 2018:
Haddii aynu dib u eegno taariikhda ama natiijooyinka Shir beeleed kasta oo Dalkeena lagu qabto oo ay Beelaha reer Somaliland qabsadaan waxaa nuxurkiisu uu ku soo ururaa warsaxaafadeed gunaanadka shirka laga soo saaro kaasoo had iyo goor u dhigma sidan:
1. Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa Muqadas.2. Beeshu waxay go'aansatay inay Beelaha reer Somaliland Nabad kula Noolaato3. Guddi ayay reerku samaysteen.
Run ahaan intaas ayuu ku soo ururaa nuxurka shirar beeleedyada Dalkeena ka dhacaa , waxaana beeluhu markay arrimahooda hoose ka wada hadlaan ee ay xallistaan ay baaqaas guud u diraan Ummada. Waana kaas ka aasaaska ah ee ina tusinaya in Beel meel ku shirtay aanay Xumaan iyo dhibaato soo kordhin ee badiyaa ay danahooda gaar ka wada hadlaan.
Madaxweyne Muuse iyo Shirka Garxajis:
Waxaan aaminsanahay in ay Madaxweyaha u tahay fursad qaali ah inuu arko Abtiyadii Garxajis oo isku dhan oo shiraya, waxaana la gudboon inuu shirkaas booqdo oo uu ka qudbadeeyo, la doodo, u baano oo uu u gudbiyo dareenkiisa ku aaddan Midaynta Shacbiga iyo isu soo dhawaynta bulshada dareenkoodu uu ku kala durkay Ololihii xamaasada badnaa ee doorashada. Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Aftahan Waayo-arag ah oo aad isugu kalsoon waxaan hubaal ah inuu hanan doono quluubta Abtiyaashii hadii uu Shirkaas dhex tago hiil iyo hoo na ka geysto qabsoomidiisa.
SHARWADAYAASHA WEJI KU MACAASHKA:
Burburka dhaqan ee aynu ka dhaxalnay dagaaladii Dalkeena ka dhacay ayaa waxa uu abuuray dhaqano xun-xun oo badan oo ay ka mid yihiin waxa loo yaqaan Weji ku macaashka.
Waa Kooxo Cumaamado sita oo qaarkood xilal dhaqan sheegta oo habeen iyo maalin huteelada waaweyn dhex fadhiya, ma shaqaystaan oo risiq xalaal ah uma kalahaan, waxay sugaan cid la soo hadasha oo ku tidhaa cid kale u jawaaba! Waxaanay caan ku yihiin in TV da inta loo ballamiyo waxoogay lacag ahna Zaadka loogu diro ka dibba lagu yidhaahdo u jawaaba reer Hebel ama Hebel. Waxaa kuwaas imika ku soo biiray kuwo siyaasada ku saaqiday oo ummadii ka xishoon waayay oo iyaguna Mashruuca Waji ku macaashka ku biiray. Dadka caynkaasi waa kuwa sii kala fogeeya Shacbiga iyo Xukuumada, waxaana muhiim ah in laga hor tago.
MADAXTOOYADU MADAXTOOYADII HORE MAAHA!
Waxaa Xusid mudan in la xasuusiyo Kooxihii Weji macaashka ku shaqaysan jiray in wakhtigu uu is bedelay, madaxtooyaduna aanay maanta ahayn Madaxtooyadii hore.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku socdaa siyaasad aad ugu duwan siyaasadihii hore ee soo jireenka ahaa, waxaana ka go'an in aan isaga iyo shacbigiisa aan loo kala sheekayn ama la isku khuukhin. Waa Madaxweyne Milatari soo maray oo firfircoon goob kasta iyo goor kastana si fudud u tagi kara goob kasta oo Tabasho ka jirto.
Waxaan Madaxweynaha usoo jeedin lahaa inaanuu dheg u dhigin kuwa Shirka Beesha Garxajis u tusaya uguna sawiraya Shir fidno keenaya. Waxaa hubaal ah Beel reer Somaliland ah oo shirtay in aanay marnaba soo saarayn wax Ummada ka nixiya oo dhib ku ah Qaranimadeena iyo Dawladnimadeena.
Ugu danbayn Shirkan Garxajis waxaa muuqata in ay kooxo Wadani ah iyo Kuwo Xukuumada ahiba ay u dhiilal culanayaan macaashna ka dhex raadinayaan iyaga oo qolo kastaa ka faaiidaysanayso caadifada inta u dhego nugul.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamedkaysar@diplomats.com
storvideo: 

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka qeyb galay xafladda xil...

$
0
0

Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee gobolka Banaadir oo ka socoto xarunta dowladda Hoose
Munaasabad ay xilka kula wareegayaan hogaanka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku-xigeenadiisa ayaa caawa ka socoto xarunta dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka aha Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Nuur Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Shacabka iyo Aqalka sare, Wasiiro, safiiro, marti sharaf iyo xubno kale oo lagu casuumay.
Waxaa Xilka hogaanka cusub ee Maamulka Gobolka la wareegaya Guddoomiyaha Gobalka, Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo dhamaan ku-xigeennada Guddoomiyaha cusub.
Cabdullaahi Xaaji Cilmi Ereg Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir oo furay xafladda ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay wareejiyaan xilka Maamulka, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hogaanka cusub.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo shir muhiim ah la yeeshay...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kadib Shir-Madaxeedkii Midowga Afrika ee maanta, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jabuuti dadaalka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta uu ka qaatay Soomaaliya, ilaa haddana [...]
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.


Shiinaha oo beeniyay inuu basaaso xarrunta midowga...

$
0
0

Dowladda Shiinaha ayaa beenisay warbixin lagu baahiyey wargeyska Le Monde ee kasoo baxa dalka Fransiiska oo aheyd in Shiinaha uu howlo basaasnimo ah ka wado dhismaha ururka midowga Afrika ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Dhismahan oo ka kooban 20 dabaq ayuu haddiyad ahaan Shiinuhu ugu deeqay Afrika, waxaana dhismahan la dhameeyey sannadkii 2012-ka, waxaana ku baxay lacag dhan laba boqol milyan oo doolar.
Sida uu kusoo warramay wargeyska Le Monde, shaqalaaha xarrunta midowga Yurub waxaa ay ogadeen in maclumaadka xarruntani lala baxay saqda dhexe, loona wareejiyay qalab yaalo magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, taaso ka dhigan baa la yiri in Shiinuhu uu si toos ah u helo maclumaadka sirta ee midowga Afrika.
Safiirka Shiinaha ee midowga Afrika ayaa warbixinta ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
storvideo: 

Shiinaha oo beeniyay inuu basaaso xarrunta midowga Afrika

$
0
0

Dowladda Shiinaha ayaa beenisay warbixin lagu baahiyey wargeyska Le Monde ee kasoo baxa dalka Fransiiska oo aheyd in Shiinaha uu howlo basaasnimo ah ka wado dhismaha ururka midowga Afrika ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Raila Odinga oo isna '' loo dhaarinayo'' xilka madaxtinimada ee Kenya

$
0
0

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga uu sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada.

Raila Odinga oo isna '' loo dhaarinayo&...

$
0
0

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga uu sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada.
Saraakiisha isbaheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay maanta ka dhici doonto beerta xorriyadda ee Uhuru Park, halkaa oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musyoka.
Mucaaradka Kenya ayaa warbixin ay dhawaan soo bandhigeen ku shegeen inay ku guuleysteen doorashadii bishii 8aad ka dhacday Kenya, taaso maxkamadda ugu sareysa dalka ay waxba kama jiraan kasoo qaaday.
Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo na isku gedaamay fagaaraha Uhuru Park.
Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sidookale sheegay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatay inay wax wadahadal ah la furto isbaheysiga mucaaradka.
Mucaaradka Kenya ayaa qaadacay ka qeyb galka doorashadii ku celiska ee bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacday Kenya, kadib markii ay shegeen in aysan ku qanancsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada ee IEBC.
storvideo: 

Farmaajo oo Muqdisho dib ugu laabtay kadib Shirkii...

$
0
0

Muqdisho, 30 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo shalay lagu soo gabogabeeyey magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeybgalayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.
Wafdiga Madaxweynuhu markii ay kusoo laabteen dalka, waxaa warfidiyeennada la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaaladda Addis Ababa, shirarkii uu ka qeyb galay dhammaantood ay miro-dhaleen.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynuhu dhowr khudbadood oo muhiim ah ka jeediyey inta uu socday Shir-madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika, waxa uuna intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo u caddeeyey Madaxda Afrika in Soomaaliya ay dagaal kula jirto Musuqmaasuqa, isaga oo Madaxweynuhu tusaale usoo qaatay xeerka la dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres iyo Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey Mudane Stefano Manservisi oo ah Madaxa Iskaashiga caalamiga iyo Horumarinta.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Shir-doceedyo la qaatay Madaxweynaha Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Kiiniya Mudane Uhuru Kenyatta.
storvideo: 

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS iyo Wafdi uu...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Dasuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta gaaray Magaaladda Jowhar ee Xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Wafdiga wasiirka uu hoggaaminayo ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid [...]
storvideo: 

Madaxweynaha Somalia oo Dalka dib ugu soo laabtay...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo shalay lagu soo gabogabeeyey magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeybgalayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.
Wafdiga Madaxweynuhu markii ay kusoo laabteen dalka, waxaa warfidiyeennada la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaaladda Addis Ababa, shirarkii uu ka qeyb galay dhammaantood ay miro-dhaleen.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynuhu dhowr khudbadood oo muhiim ah ka jeediyey inta uu socday Shir-madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika, waxa uuna intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo u caddeeyey Madaxda Afrika in Soomaaliya ay dagaal kula jirto Musuqmaasuqa, isaga oo Madaxweynuhu tusaale usoo qaatay xeerka la dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres iyo Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey Mudane Stefano Manservisi oo ah Madaxa Iskaashiga caalamiga iyo Horumarinta.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Shir-doceedyo la qaatay Madaxweynaha Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Kiiniya Mudane Uhuru Kenyatta.PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Somalia oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib Shirkii Ururka Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


RW Xasan Cali Kheyre oo jawaabo ka bixiyey dood su...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya
Ra'iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.
"Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay'adaha caawiya Soomaaliya.
"Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay'adaha caalamka.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaaraha DF oo ka Qayb-galay Dood ku...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.
Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya
Khayre ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.
Sidoo kale, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.
"Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay'adaha caawiya Soomaaliya.
"Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay'adaha caalamka. PUNTLAND POST
The post Ra'iisul Wasaaraha DF oo ka Qayb-galay Dood ku saabsan kasoo kabashada Abaaraha appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Warbixin: Xaaladda Dadka Juudaanka Qaba ee Soomaaliya

$
0
0

Boqollaal Soomaali ah ayaa qaba cudurka Juudaanka oo aan weli laga dabar goynin, inkastoo dhaqaatiirtu ay dhinaca kale sheegeen in si dhib yar loo daaweyn karo.

RW Kheyre oo Ku Baaqay Maal-gashiga Beeraha

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Clai Kheyre, aya aku baaqay maalgashi dheeraad ah oo lagu sameeyo beeraha si loo soo saaro cunto dheeraad ah oo qayb ka qaadata la dagaalanka abaaraha.

Kheyre ayaa hadalkan sheegey, maalin kadib, markii Qaramada Midoobay ay ka digtay khatarta abaarta, islamarkaasina ay sheegtay in ay korortay dadka u baahan gargaar degdeg ah. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

 

R/W Khayre oo ka Qayb galay Dood ku saabsan ka soo...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live