Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

In Shaqo loo Magacaabo qaraabadaada Argentina waa...

0
0

Madaxwaynaha Argentine Mauricio Macri ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dawlada eryi doono kuwa magacaaba qaraabadooda iyo kuwii horeba loo magacaabay.
Tani waxay ku saleysan tahay qaabka tallaabooyinka ay qaadey Xukuumadda Argentina si loo yareeyo kharashka loona yareeyo khalkhalka.
Tallaabooyinka sidoo kale waxaa ka mid ah dhimista kharashka dawladda iyo hoos u dhigista tirada shaqooyinka.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Daawo: Jiir U Maydhanaya Sida Bini Aadamka !!!!

0
0

Shabakadda internet-ka ayaa la soo dhigay fiidiyoow Jiir Maydhanaya kuna Taagan Cidhibta Cagahiisa kuna maydhaya Saabuun Jidhkiisa.
Nin reer Peru ah magaciisuna yahay Jose Correa ayaa soo qaaday muuqaalkan qariibka ah, warbaahinta ayaa ka soo xigatay isaga oo sheegaya sheeko sheegaysa in mar uu damcay inuu soo maydho uu dareemay jiir jooga barta qubeyska, Jiirkan oo u dhaqmey sidii bini-aadamnka, isaga oo ku nuuxnuuxsaday inuusan arkin wax la mid ah noloshiisa.
Ninkan ayaa sheegay mudadii uu maydhanayay Jiirku a dhamayd 30 ilbidhiqsi, ka dibna si kedis ah u cararay, isagoo tilmaamaya in uu rumaysan yahay inuu rabay uun oo kaliya inuu nadiifiyo naftiisa.
Laakiin khubaro jiirka wax ka taqaan ayaa ku tilmaamay sheeko aan la rumaysan karin professor Thomas Ivelo oo Wax ka dhiga Jaamacadda Finland ayaa yidhi in ay arrintu u eegtay inuu doonayo in uu ka takhaluso wax marsan dhibaatada haysataana ay tahay saabuunta lafteeda sida caadada ah Jiirku wuxuu ku nadiifiya jidhiisa ilkahiisa Ayuu yidhi.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Guddiga Doorashooyinka qaranka oo sheegay inay...

0
0

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in musharixiinta u tartamaya saddax kursi oo ka banaan Golaha shacabka looga baahan yahay inay isasoo diiwaan galiyaan ilaa 5-ta Bisha soo socota ee Febraury ,odayaasha dhaqankana looga baahan yahay inay soo gudbiyaam [...]
storvideo: 

Daraasad BBC: Taalibaan waxay halis ku yihiin 70%...

0
0

Dagaalyahanada Taliban oo xoogaga ay Mareykanka ay hogaamiyaan ay ku bixiyeen balaayiin doolar si looga adkaado ayaa waxa hadda si firfircoon uga howlgalaan 70% dalka Afqanistan, sida lagu ogaaday daraasad ay BBC samaysay.
Bilooyiin baaritaan laga samaynayay guud ahaan dalkaasi ayaa waxa ay natiijada muujinaysaa in kooxda Taliban ay imika haystaan dhul ka badan dhulkii ay haysteen markii ciidamada wadamada shisheeya ay halkaasi ka baxeen 2014.
Dowladda Afqanistaan ayaa ku gacan sayrtay warbixintan, waxayna sheegtay in ay maamusho dhulka Afqanistaan intiisa badan.
Balse qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afqanistan gaar ahaan Kabul iyo goobo kale ayaa waxa ku dhintay tira badan oo dad ah, waxaana masuuliyada sheegtay Taliban iyo IS.
Saraakiisha dalka Afqaanistaan iyo madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray wadahadal ay la galaan Talibam.

  1. Taliban oo qabsatay magaalo muhiim ah
  2. Maraykanka: Waanu ognahay in hogaamiyaha Taliban ka hawl galo Pakistan
  3. Malala oo buundo sare ka keentay Iskuulka ayaa Oxford laga aqbalay

Sanaddii aanu soo dhaafnay madaxwaynaha Mareykanka Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi doonaan dalka Afqanistaan.
Daraasada ay samaysay BBC ayaa sidoo kale lagu ogaaday in kooxda IS ay hadda kaga xoogan yihiin Afqanistaan sidii hore.
Balse kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS ayaa kaga awood yar dalka Afqanistaan marka Taliban loobarbar dhigo.
Baaxad intee la dhan ayuu leeyahay dhulka ay Taliban haystaan?
Daraasadda BBC ayaa muujinaysa in Taliban imika ay haystaan 14 degmo taasi oo u dhiganta 4% dalkaasi.
Waxa ay Taliban sidoo ay si muuqta oo firfircoon uga howlgalaan 263 degaan taasi oo u dhiganta (66%),islamarkana ka badan qiyastii la filayya ee awooda Taliban.
Ku dhwaad 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka dalkaasi ayaa ku nool dhulka ay Taliban haystaan ama ay si muuqata uga howlgalaan oo ay weerarda ka fuliyaan.
Dhulka ay dowladda sheegtay in ay haysato intuu la dhan yahay baaxadiisa?
Madaxwaynaha Afqanistaan oo la hordhigay daraasada BBC , ayaa afhayeenka Mr Ashraf Ghani oo lagu magacaabo Shah Hussain Murtazavi waxa uu sheegay : "degmooyiinka qaar ayaa laga yaabaa in marba dhinac ay qabsadaan , balse marka aad eegto xaaladda sanadkii [2017/18] howlaha Taliban iyo IS waa la yareeyay.
"Ciidamada ammaanka ee Afqanistaan waxay ku guulaysteen dagaalada ka socda tuuloyiinka , suuragal ma aha in imika Taliban ay gobol dhan la wreegaan ."ayuu intaa ku daray afhayeenka.
storvideo: 

Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo dhiira gelin u...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho-(Caasimadda Online) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud, kaasoo ka mid ahaa arday shalay ka qalin jebisay Jaamacadda SIMAD.
Shalay ilaa Maanta ayaa Ismaaciil waxaa si aad ah u qabsaday Baraha ay Bulshadu isticmaasho sawiro laga soo qaaday xili uu ka qalin jebinayay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaabilaada Ismaaciil Raage oo ah qof qaba baahiyo gaar ah hadana shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xafiiskiisa ku qaabilo Ismaaciil Axmed oo ka qalin jebiyay Kuliyadda Bankigga iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD.
"Waaxan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismael_Raage oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD_University..Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad.
madax siyaasiyiin iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ayaa ugu soo hambalyeeyay Ismaaciil Axmed Maxamuud oo kaqalin badashay jaamacadda simad.
Ismaaciil Axmed Maxamuud ayaa tusaale u noqday dhammaan dadka baahiyda gaarka ah qaba ee Soomalaiyeed, isla markaana muujiyay dhabar adeeg ah in aysan baahiyada gaarka aheyn jirka ee ay tahay doonista iyo Go'aanka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

R/W ku xigeenka oo Shir guddoomiyay kulan ku Saabsan...

0
0

Muqdisho (S0NNA), 31 January 2018, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta daah-furay shirkii xogwaraysiga ahaa ee mashruuca Horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, sida Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga, Maaraynta &Masiibooyinka, Maaliyada,Kaluumaysiga, Howlaha guud, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Haweenta & Xuquuqul insaanka iyo Qaybta gargaarka dawladda. Waxaana lagu soo bandhigay shaxda wax-qabad ee mashruucyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka soo qayb galayaasha u sheegay in sanadkan 2018 uu yahay sanadkii wax qabadka, loona baahan yahay guud ahaan in loo istaago sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha horyaaala xukuumadda, sidoo kalena loo fulin lahaa mashaariicda iyo balan qaadyada Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha dalka.
"Inta aan la gaarin sanadka 2019 waan in aan soo bandhignaa howlaha aan qabanayno iyo qorshaha Horumarinta qaranka, si bulshada loogu soo bandhigo howlaha dawlada ka dibna ay ula jaan qaadaan." Ayuu R/W Khader.
Iintaas ka dib madaxda Wasaaradda Gargaarka ayaa soo bandhigay shax ku saabsan dhismaha iyo isuduwidda arrimaha gargaarka iyo tiirarka horumarineed ee qorshaynta qaranka oo ka kooban sagaal tiir oo kala ah, Siyaasad loo dhan yahay, Amniga, Tiirka Cadaalda iyo sareyntasharciga, Koboca haqaalaha, Dhisida Hay'ado Dowladeed oo hufan, Dib u dhiska , Horumarinta Bulshada, Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Dhismha Qaranka.
Ra'iisul Wasaare Khader oo ka hadlayay sagaalka tiir ayaa sheegay sida shaqada loo kala leeyahay isagoo tilmaamay in wasiiradda ay khusayso ay qaataan doorkooda shir-gudoonka tiir walbo oo halkan lagu soo bandhigay, sidoo kalena waxuu ku dhiiri galiyay in ay la xisaabtamaan hay'addaha deeq bixiyayaasha ee Soomaaliya caawiya.
Ugu danbayntii, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiiradii ka soo qaybgalay shirka in ay joogteeyaan shirarka loogo hadlo barnaamijyada Horumarinta iyo Qorshaynta qaranka.

storvideo: 

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo...

0
0

Jowhar (SONNA), Wafdiga uu hoGgaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Jowhar oo ay kamid yihiin Xubnaha labada Guddi ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay shaqo wadaaga yihiin ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Ku Simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimadda kulanka iyo waxqabadka Wasaaradda.
"Runtii maanta muhiimad gaar ah ayay noo leedahay inaan kulankan la yeelanno Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle, Wasaaradda iyo Guddiyada ay wadashaqeeyaan waxa ay ku heshiiyeen in Dawlad Goboleedyada laga talageliyo Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda waxa ay mar horeba bilowday wadatashiyadan iyada oo gaarsiisay qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada" ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Guddiyada ayaa ka codsaday Wasiiradda Dowlad goboleedka Hirshabeelle in ay talooyinkooda ay soo jeediyaan.
Dhanka kale, Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxa ay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.
Gabagabadii, Wasiir Cabdi Xoosh, ayaa ka mahadnaqay niyad wanaagga Ku-simaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda Hirshabeelle ay u muujiyeen wafdiga uu hoggaaminayo.
storvideo: 

Dowladda Kenya: way sii xirnaan doonaan Telefishinadii hawada laga saaray

0
0

Saddex ka mid telefishanada dalka Kenya ayaa hawada ka sii maqnaan doona ilaa amar danbe.


Dowladda Kenya: way sii xirnaan doonaan...

0
0

Saddex ka mid telefishanada madaxa banaan ee dalka Kenya ayaa hawada ka sii maqnaan doona ilaa amar danbe.
Telefishanadani ayaa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maanlintii shalay ahayd.
Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang'i ayaa wariyayaasha u sheegay in xarumahani warbaahinta ay sii xirnaan doonaan ilaa baritaanada laga soo gabagabaynayo.
Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo.
Bayaan ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in baahinta xafladaasi ay u dhiganto "Isku day dowladda lagu afgembinayo taasi oo sababi lahayd in kumannaan Kenyan aan waxba galabsan ay ku naf waayaan".
Hasa yeeshee saxafiyiinta Kenyanka ayaa qaadacay tillaabadda lagu xirey telefishinada.

  1. Waa kuma Raila Odinga?
  2. Raila Odinga oo loo dhaariyay "madaxweynimo"
  3. Kenya: Afar arrimood oo dhci kara ka dib go'aankii Raila

Waxa ay suxufiyiinta ku baaqeen "in dastuurka la xushmeeyo lana soo afjaro cagajuglaynta lagu hayo suxufiyiinta".
Wasaarada arrimaha gudaha Kenya ayaa ku tilmaamtay tillaabada ay qaadeen telefishanadani in ay tahay "mid xadgudub ku ah arrimaha ammanka ".
"Iyada oo laga duulayo wixii shalay dhacay , waxa aan bilaawnay baaritaan lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad, xarumaha warbaahintana way sii xirnaan doonaan ilaa baaritanka laga soo afmeerayo." Ayuu yiri Mr Matiang'i
Mr Odinga ayaa shalay isu dhaariyay madaxwaynaha dadka Kenyanka ah ka dib markii uu ku andacooday in uu yahay qofka saxda ah ee doorashada ku guulaystay.
storvideo: 

5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka...

0
0

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galkiisa Shirka 30aad ee Madaxda Afrika ayaa muhiimad gaar ah lahaa, maadama uu yahay shirkii ugu horreeyey ee Madaxda Afrika ay isugu yimaadeen oo uu ka qeyb galayo Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay.
Haddaba Shirkaasi Maxay Soomaaliya ka faa'iiday

  1. Soomaaliya markii ugu horreysay ayaa lagu casumay shirka dhaqaalaha wadamada Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ka dhici doona dalka Burindi bisha Afaraad ee sanadkan.

Arrinkan ayaa yimi kaddib shir gaar ah ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne K/xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo.
Shirkan ayaa fursad u noqon doona ganacsatada Soomaalida ah madama Dowladu ay ka qeyb galkeeda ku soo gudbindoonto fursadaha ganacsi ee dalka iyo iskaashiga ganacsatadu ay la sameyn karaan dalalka ku baheynsan uruka dhaqaalaha ee COMESA oo ah dalalka ugu badan ee ay ka shaqeystaan ganacsatada Soomaaliya.

  1. Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in isbaheysi ay ka sameysato Afrika oo ku aadan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka ka dib markii uu soo dhammaado howlagalka AMISOM.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dadaal u galay in Afrika ay ka qeyb qaadato dib u dhiska Ciidanka Qaranka, iyaddoona uu kulamo ku aaddan arrinkan la qaatay Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti, Suudaan, Yugaandha, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale, taasi oo keentay in Madaxdaasi ay kala hadlaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska Ciidamada Qaranka.

  1. Aragtida hoggaanka Afrika ay ka aaminsanaayeen dalka ee ahayd in Soomaaliya ay hooy u tahay musuq maasuqa ayuu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay, kaddib khudbaddi uu goobta ka jeediyey oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay dagaal ballaaran kula jirto la dagaalanka musuq maasuqa iyadoona dhabaha u xaareysa hannaan maamul oo lagu kalsoonaan karo, muddadii koobneyd ee dowladdani ay jirtayna ay ku tallaabsatay guul ku saabsan la dagaalanka musuq maasuqa, oo qaar ka mid ah ay ka markhaanti kaceen beesha caalamka gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka.

4.Farriimaha kale ee laga dhix karo ka qeyb galka shirkan ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay sii adkaysatay codka ay ku lahayd go'aan ka gaarista arimaha Qaaradda Afrika, iyadoona Madaxweyne Farmaajo ay ka waa hadleen in badan oo ka mid ah Madaxda Afrika sidii dib loogu habeyn lahaa Hay'adaha iyo shaqada ururka Midowga Afrika taas oo ka tarjumaysa muhiimadda iyo kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto ururkan.

  1. Waxaa la dar dar geliyey qorshaha Dowladeed ee ku saabsanaa ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Afrika oo Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah u gala dar daarmay madaxdii uu la kulmay, sida Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfakeer Mayaardiit oo uu kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkiisa iyo in la ilaaliyo hantidooda iyo maalkoodaba, iyaguna ay qeyb ka noqdaan horumarka iyo iskaashi wanaagsan oo dhex mara labada dal.

Guud ahaan wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galay shikan waxa ay muujiyeen fir fircooni iyo biseyl ku saabsanaa arrimihii shirka lagu soo qaatay taas oo noqotay mid ay si weyn u tilmaamaan dadkii indhaha ku hayey Shir Madaxeedka 30aad ee Wadamada Afrika ee Addiis 2018.
storvideo: 

Xildhibaanno iyo aqoon-yahano soo dhoweeyay...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu qiimeynayo booqashadii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Puntland iyo Galmudug iyo saamaynta ay ku leedahay siyaasadda dalka( Fursadaha iyo Taxadiyaadka).
Madasha ay ka qeyb-galeen Xildhibaanno ay ka mid yihiin Axmed Macalin fiqi, Zakariye Maxamud Xaaji, Fowsiyo Xaaji iyo Caasho Koos ayaa si fiican loo falan-qeeyay booqashada madaxweyne Farmaajo.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maxamed Nuur Tarsan, Kamaal Guutaale, Cabdiqadir Barnaamij General Cabdirahman Tuuryare iyo mas'uuliyiin.
Inta badan dadka doodayey waxaa ay soo dhoweeyeen booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagay gobollada dalka iyo sida uu u dhageystay baahidooda, laakin waxaa jirtay in qaarkood shaki ka muujiiyeen hirgelinta iyo gacanta dowladda ku leedahay fulinta mashaariicda uu dhagac-dhigay madaxweynaha.
La-taliyaha madaxweynaha ee dhanka siyaasadda mudane Maxamed Nuur Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa difaacay mashaariicda uu dhagax-dhigay madaxweyne Farmaajo isaga oo intaasi raaciyay in dowladda ay qeyb bixin-doonto halka inta hartana ay bulshada deegaanka isku-xil-qaami-doonaan.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shacabka reer Somaliland oo si midaysan uga hor...

0
0

Shacabka reer Somaliland oo si midaysan uga hor yimid Muse Bixi iyo xukuumaddiisii Jeegaantii oo laga cabsi qabo in ay bur burto. ( Si fiican uga bogo qoraalkan )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jan 31st, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Dhaqankii Somaliland ee ku salaysnaa beel wadaagta, oo weliba aan heshiis lagu ahayn saami-qaybsiga maamulka Somaliland, ayaa waxaba ka sii daray, habkan kale ee maamulkiiba gacanta loo geliyey labada beelood. Lana baxay isbahaysiga Jeegaanta.
Muse Bixi oo ah hoggaamiyaha Jeegaanta, ayaa immiga uun ka war helay in wax badani ay ka qaldan yihiin, waxanu rabaa in uu khayaamo iyo taaktiko kale cayaaro, oo uu beesha Habar Yonis immiga soo dhaweeyo, taasi oo ah khiyaamo uu yaqaanno ama lagu yaqaanno askarta mititka ah. Laakiin runtu waa tii hore ee ku salaysnayd maamulka Jeegaanta. Waana la og yahay, maantana waxa Hargeysa ku wada shiraya oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda
beelaha ka biyo diiday Jeegaanta iyo kuwa kale oo dhammaantood isaga kala yimid gobollada Somaliland.
Waxa kale oo uu Muse isaga oo aan 40 cashoba joogin faraha la galay arrimaha dhaqaalaha Somaliland oo xadhka goostay. Sharciyo aan soconayn iyo sidii uu doller u urursan lahaa ayaanu u tafa xaytay. Taasina waxa ay ku keentay in shacabka intii samirka badnayd immiga ka sii fogaadaan.
Dhinaca kale waxa ugu sii daran gobollada galbeed iyo bari ee Somaliland, oo aanu Muse Bixi maanta Muse farxad kala kulmayn. Sababtuna ay tahay sida uu og yahay ee uu dawladdiisa u dhistay, ee uu dalkiiba uga dhigay meel ay Jeegaantu dego, balse aanay cid kale la deggenayn.
Dagaallada ehliga ah iyo ka xuduudda ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa iyaguna ah kuwo la kawsaday maamulka Jeegaanta, oo aanay shacabka reer Somaliland ku faraxsanayn. Muse-na wax xal ah uma hayo, oo aan ahayn in uu sii huriyo dagaalkaasi.
Awdalpress
La tashi la'aanta ummadda iyo deg degga amma fudaydka askari nimo ayaana ugu wacan sababta uu qaladaadka badan u samaynayo. Mas'uuliyadda culus ee uu boobka ku helayna, waa mid Ilaahay, ummadda Somaliland iyo caalamkuba kula xisaabtami doonaan.
Awdalpress
This post has been viewed 40 times.
storvideo: 

Carabey “Waxaan si adag uga hortagi doonaa Colaadaha ka jira Galmudug”

0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi “Carabey” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor tagi doonaan dagaal Beeleedyada ka dhaca deegaanada maamulkaasi.
Waxaana uu tilmaamay in ay dhisi doonaan Ciidamo gaar ah oo ka hortaga colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Mr Carabey ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee maamulkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/xaashi.mp3
 
 
The post Carabey “Waxaan si adag uga hortagi doonaa Colaadaha ka jira Galmudug” appeared first on Shabelle.

Kenya: Maxkamad Hakisay Xayiraad War-baahinta Qaar Lagu Soo Rogey

0
0

Maxkamadda Saree ee Kenya ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso xayiraad ay dowladda ku soo rogtay saddex telefishin oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer ee gaarka loo leeyahay dalka Kenya.

Boqolaal qof oo lagu xiray dalka Itoobiya

0
0

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in boqolaal qof la xiray xilli ay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda ay ka dhigayeen waqooyiga gobolka Amxaarada.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay guri guri u baarayeen halkaasi iyaga oo dadka xiraya.
Dibadbaxyada ayaa bilaabmay bishii aanu soo dhaafnay ka dib markii booliiska ay rasaas ku fureen dad masiixiyiin ah oo goob ku cibaadaysanayay.
Rasaasta ay booliiska fureen ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 5 qof.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaqday in ay xabsiga ka siidaynayso kumannaan qof oo u xirnaa arrimo siyaasadeed.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay ku dhawaad muddo saddex sano ah oo ay mucaaradka dibadbaxyo dhigayeen.
storvideo: 


Carabey “Waxaan si adag uga hortagi doonaa Colaadaha...

0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi "Carabey" oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor tagi doonaan dagaal Beeleedyada ka dhaca deegaanada maamulkaasi.
Waxaana uu tilmaamay in ay dhisi doonaan Ciidamo gaar ah oo ka hortaga colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Mr Carabey ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug in ay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka ee maamulkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/xaashi.mp3
storvideo: 

QM oo wada qorshe lagu samata bixinayo...

0
0

Muqdisho( Sh. M. Network )-Qaar ka mid hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa wada qorshe la doonayo in lagu caawiyo dadka Barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay bilaabayaan barnaamij lagu horumarinayo dhalinyarada ka soo jeeda Qoysaska Barakacayaasha, si looga samata bixiyo dhibaatooyinka heysta.
Madaxa hay'adda horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada loo abuuro mashaariic, si loo Baro xirfado ay ku shaqeystaan , taaas oo wax badan ka tari karta noloshooda iyo mida Qoysaskooda.
Barnaamijyada horumarinta ah ee loo sameynayo dhalinyarada Barakacayaasha ah ayaa waxaa ka faa'iideysan doono Barakacayaasha hore ugu sugnaa dalka iyo weliba qaar ka mid ah dadka Qaxootiga ee dalka dib ugu soo laabtay.
Dhawaan ayaa waxaa m/ Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir ay ka soo qeyb galeen mas'uulilyiin ka tirsan DFS iyo madax ka socotay hay'adaha gargaarka ee QM, kaas oo looga hadlayay sidii loo Xadida lahaa dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ku dhuftay dalka.
Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay warbixin hore u soo saartay ku sheegtay in dad ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaark Bani'aadinimo, kuwaas oo ay sheegeen in ay saameeyn daran ku yeesheen abaaro iyo colaado ka taagan Soomaaliya.
storvideo: 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir “Waxaa naga go’an in...

0
0

Muqdisho, 1 Feb, 2018--Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.
"Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ".Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.
"Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020". Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go'an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.
Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.
storvideo: 

Kenya: Maxkamad Hakisay Xayiraad War-baahinta Qaar...

0
0

Maxkamadda Saree ee Kenya ayaa soo saartay go'aan ay ku joojineyso xayiraad ay dowladda ku soo rogtay saddex telefishin oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer ee gaarka loo leeyahay dalka Kenya.
Hadalka maxakamadda ayaa yimid ka dib markii masuuliyiinta Kenya ay sheegeen in xarumihaasi warbaahin ee la xiray Talaadadii ay sii xirnaan doonaan inta uu socodo baaritaan la xiriira baahinta dhaartii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ee Raila Odinga ay taageerayaashiisa u caleema saareen 'madaxweynaha dadka ee Kenya' Talaadadii.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku hanjabay inay dad u soo xir xiri doonaan dhaarintii Raila Odinga.
Nuur Xassan Nuur ayaa arrintan ka wareystay, wariyeheenna Nayroobi, Maryan Maxameud Barre.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:30
0:00:00 /0:04:30
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya Kala Hadashay Dib-u-billaabidda Wadahadalladii

0
0

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladdii hakadka galay ee labada dhinac iyo xisadda ka taagan Tukarraq.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live