Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DUQA MUQDISHO: Waxaa naga go’an in dadka Muqdisho ay...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kula kulmay gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Inj Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimuqraadiyadda Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.
"Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ".Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.
"Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020". Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go'an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.
Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto Sannadka 2020-ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015-kii.PUNTLAND POST
The post DUQA MUQDISHO: Waxaa naga go'an in dadka Muqdisho ay soo doortaan Hoggaankooda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Guddoomiyaha gobolka Banaadir “Waxaa naga go’an in...

$
0
0

Muqdisho, 1 Feb, 2018--Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.
"Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ".Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.
"Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020". Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go'an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.
Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.
storvideo: 

Cargo plane crashes in southern Somalia, fate of...

$
0
0

A cargo airplane has crash landed in Somalia in territory controlled by Al Shabaab militants outside Wanlaweyn district in Lower Shabelle region, a government official said Thursday.
"We have confirmed a plane crash over Al Shabaab-controlled area in Lower Shabelle," Abdifitah Hajji Abdulle, told Radio Shabelle over the phone.
The wreckage of the aircraft and any survivors are assumed to have been seized by the militants as the crash site is located between Somali army base and Al Shabaab bastion.
There was no information as to what the plane had been carrying, and no immediate response from the Al Shabaab. Wanlaweyn lies about 90Km northwest of Mogadishu.
storvideo: 

Dhageyso Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye oo si kulul uga hadlay Hadal uu jeediyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ku aadan in Maamulka degmada Baraawe uu ka dhaxeeyo dhammaanumadda Soomaaliyee.
Mudane Shariif Sheekhuna Maye ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka degmada Baraawe ay xaq u leeyihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda degmadaasi.
Waxaana wax lala yaabo uu ku tilmaamay  aragtida Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil in Baraawe Soomaali oo dhan ay ka dhexeyso.
Hoos ka dhageyso Wareysi Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye uu siiyay Idaacadda Shabelle.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/Shariif-Sheekhuna-Maye-.mp3
The post Dhageyso Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye oo si kulul uga hadlay Hadal uu jeediyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Dhageyso Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye oo si...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ku aadan in Maamulka degmada Baraawe uu ka dhaxeeyo dhammaanumadda Soomaaliyee.
Mudane Shariif Sheekhuna Maye ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka degmada Baraawe ay xaq u leeyihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda degmadaasi.
Waxaana wax lala yaabo uu ku tilmaamay aragtida Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil in Baraawe Soomaali oo dhan ay ka dhexeyso.Hoos ka dhageyso Wareysi Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye uu siiyay Idaacadda Shabelle.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/Shariif-Sheekhuna-Ma...
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Canshuur kordhin aan adeeg kordhin waddan (wasiir...

$
0
0

Cabdiraxmaan Bayle wasiirka maaliyadda ee Dowladda Somalia wuxuu wali wadaa inuu kordhiyo canshuurta lagga qaaddo dadka ku nool hal-magaalo (Muqdisho), horta immisa magaallo ayuu wasiir u yahay ?.
Dadka caasimadda ku nool in cashuur laggu kordhiyo ma diidana laakiin midii hore loogga qaadi jiray wax ma loogu qabtaa?, lacagta Muqdisho kasoo xaroota 15% ayaa laggu celiyaa magaaladda inta kale yaa qaata ?.
Hadda Hotel-adda Muqdisho waxaa loo qeybiyay wargelin sheegeysa in qofkii ay 1$ koob shaah uga iibiyaan iney ku dalacaan $0.05 oo canshuur ah , 2 jeer intii Farmajo madaxweynaha ahaa waxaa la kordhiyay lacagaha lagga qaado dadka alaabta ugga soo dagto Dekadda Muqdisho ,sidoo kale haweenka ka ganacsadda Dahabka Jajabka ah ee reer Muqdisho canshuur xad dhaaf ah ayaa la saaray 3 bilood ka hor, ma xumma in Dowladdu ay canshuur qaaddo iyo iney kordhiso laakiin madaama go'aankan uu hal magaalo saameynaayo maxey ka faa'iidayaan dadka magaaladaas ku nool ?.
Hadii waddo 200m ah lagga dhisaayo Muqdisho waxey Dowladdu kaalmo ka rabtaa caalamka, hadii qashin jid lagga qaadayo caalamkey garab ka rabtaa, amniga beesha caalamka lacag ku bixisa, caafimaad lacag la'aan ah ma jiro, waxbarasho ,koranto iyo biyo nadiif ah midna lagama hayo Dowladda, hadanna wasiir Beyle labbo bilood kadiba lacag cusub ayuu ku dalacaa dadka reer Muqdisho.
Horta wasiir maxaa u hor taagan tahay in Muqdisho wixii kasoo xarooda lagga siiyo 25% meesha ay hadda ka qaadato 15%, oo hadii ay taasi kuggu adag tahay ma kari weysay inaadan lacag dambe ku kordhin dadkeedda, bal hadda midaan cusub ee aad soo kordhisay maxaa adeeg ah oo ay caasimaddu ka heli doontaa? , waa lacag kordhin aan la sheegi karin waxa ay ka faa'iidi doonaan dadka laggu kordhiyay.
Muqdisho waa magaalo dilan, waxaa illa quman madaama hal magaallo wax laggu kordhinaayo mar walba in Dowladdu ay ku dadaasho in dadku ay magaaladda ka dareemaan lacagta lagga qaaddo in wax looggu qabtay.
Wasiir Bayle wuxuu dhowaan sheegay in daqliga Dowladda uu 80% kasoo xarooddo Muqdisho, waxa ay dad badani aaminsan yihiin in hadii magaaladda Muqdisho laggu celiyo 50% waxa kasoo xaroodda iney wax badan iska badali doonna heerka ay maanta joogto.Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faaraxraafac22@gmail.com
storvideo: 

Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada...

$
0
0

Shirka Goloha Wasiiradda ee Xukuumadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir gudooominayay Ra'iisul Wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay, soo bandhigidda jadwal-howleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ku hadlaysa xaaladda Wabiyadda Daawad iyo Shabeelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qaybiyay goloha wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha Aduunka, Amniga dalka iyo arrimo kale.
Wasiirka Amnigga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan 37 caruur ah oo ay Shabaab qaataan kuwaas oo lagu tobobarayay gobolka Shabeelladda Hoose, si ay ugu adeeg sadaan qaraxyadda iyo fallalka argagaxnimo ugana dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna Wasiirku sheegay in lagu guulaystay dhamaantood in la soo qab-qabto, waxayna haatan ku jiraan gacanta dawladda.
Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay isku dhafka ciidamo qaran, waxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan habkii la iskugu dhafi lahaa ciidamada dalka, isgoona tilmaamay in lagu howl jiro xarumihii la dajin lahaa ciidamada. Sidoo kale waxuu sheegay in gobolka Shabeellada Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alshabaab, haatana la diyaarinayo qorshihii lagaga saari lahaa gobolka Shabeellada Hoose.
Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa laga dhagaystay warbixin ka hadlaysa shirkii dhawaan uu Ra'iisul Wasaarahu ugu qayb galay wadanka Switzerland ee ku saabsanaa dhaqaalaha Aduunka. Isagoona sheegay in ay ku shirka ku soo bandhigayn khayraadka Soomaaliya, sidoo kalena waxay codsadeen in laga cafiyo daymaha caalamiga ah ee lagu lee yahay dalka Soomaaliya.
Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa cadeeyay in Ra'iisul Wasaare Khayre uu si wayn madaxda caalamka ugu faah-faahiyay nabada iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliya, si ay u maalgashadaan dalka, shacabkuna ay ugu faa'iidaystaan. Sidoo kalena waxuu shacabka Soomaaliyeeda u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuurta, si daymaha aan iskaga bixino.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay shirar kala duwan oo uu kaga qayb galay dalalka Kenya, Itoobiya iyo sucuudiga, waxuuna soo bandhigay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) , waxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay barbar taagan dalalka Islaamka.
Dhanka kale waxuu faah-faahin ka bixiyay shirka Ururka AU, oo Madaxwaynaha Soomaaliya uga qayb galay Itoobiya, isgoona tilmamay in ay Soomaliya u tartamayso xilka xoog-haya fulinta ee Ururka goboledka IGAD, maadaama ay Soomaaliya markale saaxadda aduunka ku soo laabatay, ayna doonayso in ay kalinteeda ka qaadato.
Wasiirka Wasaarada Beeraha, ayaa madasha ka khriyay warbixin ka hadlaysa mashruuc biyo xireen ah oo ay iska kaashanayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya kaas oo laga dhisayo xadduudka ay la wadaagaan Soomaaliya. Waxuuna wasiirka iftiimiyaya saamaynta ay ku yeelan karaan wabiyadda Daawad iyo Shabeelle oo xadduud la wadaaga labada dal. intaas ka ka dib Ra'iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban Shan Wasaaradood oo kala ah, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Xanaaanadda Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, oo si dhow ula socondoona biyo xireenka labada dal.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goloha Wasiirada u qaybiyay Sharciga Shirkadaha Soomaaliya, si ay usoo akhristaan ka dibna loo ansixyo, waxuuna faah-faahiyay sharcigan iyo waxyaabaha uu ka hadlayo, isgoona qeexay faa'iidooyin uu shacabka u leeyahay. Sidoo kalena waxuu iftiimayay sida loogu bahaan yahay in la helo sharciga Warshadaha Soomaaliya.
storvideo: 


Mareykanka: Tallaabo milateri waa muhiim si looga hortago adeegsiga kiimikada ee Suuriya

$
0
0

Sarkaal sare oo katirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sheegay in meesha aan laga saari Karin tallaabo milateri oo uu Mareykanka ka qaado dowladda Suuriya, si looga hortago adeegsiga hubka kiimikada.

Mareykanka: Tallaabo milateri waa muhiim si looga...

$
0
0

Sarkaal sare oo katirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sheegay in meesha aan laga saari Karin tallaabo milateri oo uu Mareykanka ka qaado dowladda Suuriya, si looga hortago adeegsiga hubka kiimikada.
Sarkaal kan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweyne Bashar Al-Asad ay sii wadaan adeegsiga hubka wax gumaado ee kiimikada. Dowladda Mareykanka ayaa bishii April ee sannadkii hore waxaa ay lix gantaal ku weerartay saldhig ay leeyihiin ciidammada cirka ee Suuriya, iyadoo ka jawaabeyso adeegsiga hubka kiimikada ee la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay xiligaasi.
Dhanka kale isku xiraha howlaha gargaarka ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarku aanay awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan boqolaal kun oo xaalad rajo beel ah ku sugan, kuwaa oo ku go'doonsan deegaano katirsan dalka Suuriya.
Jan Egeland ayaa sidookale sheegay in xaaladu ay mareeyso halkii ugu xumeeyd tan iyo sanadkii 2015kii, waxaana uu dalbaday in hey'adaha gargarka loo ogolaado inay gargaar garsiyaan goobaha go'doonsan ee wadanka Suuriya.
storvideo: 

Kismaayo way dhaqaaqday ee siyaado Alle

$
0
0

Kn: Garoonka ciyaaraha Waamo ee magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horaysay caawa oo Jimce ah lagu ciyaaray mid ka mid ah tartanka xulalka magaalada ee heerka koobaad oo ka socda Kismaayo.
Arinta xiisaha leh ee u baahan in la bogaadiyo ma aha oo kaliya garoonka sida casriga ah loo dhisay ee waa sidoo kale amaanka magaalada oo suuro galiyay in xili habeen ah magaalada lagu qabto tartanka ciyaaraha oo ay ka soo qayb galaan dadweyne tiro badan oo ka kala yimid daafaha magaalada ayagoon naftooda cidna uga baqayn inay dilaan ama dhacaan.
Waa Alle mahaddii in magaalada Kismaayo ay noqoto magaalada ugu amaanka fiican magaalooyinka dhaca Koonfurta Soomaaliya. Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale uu fanaanka ku caanbaxay dhaantada, Cali Dhaanto uu amin habeen ah bandhig faneed ku qabtay hoolka balaaran ee Waamo Garden kaasi ooy isugu tageen wax ka badan kun ruux oo dhalinyaro u badan, wuxuuna socday bandhig faneedku ilaa iyo saq dhexe taasi oo ku tusinaysa amaanka magaaladu heerka uu gaarsiisanyahay.
Waxaan soo xusuustay hal-hayska Soomaaliyeed ee ahaa "nabad baa naas la nuugo leh", sidaasi darted, Reer Kismaayo waxaa la gudboon inay nimcadaasi Eebe xajistaan oo meel uga wada jeestaan cid kasta oo carqalad ku ah nabadda ay maanta ku naaloolanayaan.
F.G: Xuquuqda Sawirka waxaa leh Cabdiqaadir Gaboobe
storvideo: 

49 dagaal yahanno Kurdi ah oo lagu dilay weeraro...

$
0
0

Ciidanka Turkiga ayaa sheegay inay ku dileen 49 dagaalyahan oo Kurdi ah duullaan cirka ah oo ay ku fuliyeen dagaalyahanada ku sugan goobaha Kooxda PPK ee waqooyiga Ciraaq.
"Hawlgalkan ayaa ahaa laba weerar oo kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyada Qandil, Zab, Afashin-Basan iyo Harkurk," ayay wakaaladda wararka ee Anadolu ku sheegtay War ay ka soo xigatay Taliska Ciidanka Turkiga.
Wakaalada ayaa ku tilmaantay in xogta ku saabsan khasaaraha ku dhacay "PKK" laga helay ilaha maxaliga ah ee gobolka, taas oo tilmaamaysa suurtagalnimada macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tirada dhimashada kadib.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Hindiya: Maclimad Dab ku ciqaabtay arday

$
0
0

Booliiska dalka Hindiya ayaa bilaabay baaritaanka eedeeyn ku saabsan maclimad la sheegay in 13 arday ay ku qasabtay in ay gacanta dul dhigaan oo ay ku dhalaaliyaan Shumac olalaya.
Maamulahani oo lagu magacaabo Sushanti Hembrom, ayaa doonaysay in ay ka sheegsiiso ardaydan lacag laga xaday mid ka mid ah ardayda.
Dhacdadani ayaa Arbacadii ka dhacday iskuul si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla gobolka Jharkhand ee bariga dalka Hindiya.
Ms Hembrom ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay waalidiinta cabasho gudbiyeen.
Booliiska ayaa u sheegay laanta BBC ee luuqada Hindiga in maclimaddani ay sheegtay in ay doonaysay in ardayga dambiilaha ah uu is sheego marka uu dabka ka baqo.
Balse dhammaan ardaydii ayaa samaysay wixii lagu amray islamarkana gacmaha gashaday holaca dabkaasi.

  1. Atariisho lagu 'kufsaday' dalka Hindiya
  2. Tareen ku habaabay dalka Hindiya
  3. Shineemooyinka Hindiya oo lagu amray inay shidaan heesta calanka

Iyada oo qaar ka mid ah ay markiiba dabka gacanta kala boodeen ayaa haddana 7 ka mid ah waxaa ay ka gubteen gacmaha.
Mid ka mid ah ardaydaasi oo la sheegay in Ms Hembrom ay si xoog ah gacantiisa ugu qabatay dabka ayaa dhaawac halis ah soo gaaray.
Booliiska ayaa waxay sheegeen in Ms Hembrom, oo qiratay waxa dhacay ay sheegtay "in ay qalad wayn gashay " ayna ka raaligalisay ardayda iyo waalidiintooda.
Ciqaabaha sida garaaca ayaa laga mamnuucay iskuulada dalka Hindiya, balse wali waa mid si baahsan uga jirta dalka Hindiya.
storvideo: 

Daawo-Wasaarada Maaliyada waxaanu isku Qabsanaa...

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Wasaarada Maaliyada waxaanu isku Qabsanaa Cashuur Ururinta wadooyinka -- Masuul Dowlada Hoose.
Masuul sare oo ka tirsan dowlada hoose ee - somliland ayaa sheegay in wasaarada maaliyada somaliland iyo masuuliyiinta dowlada hoose ee magalada hargeya in mararka qaarkood ay iku khilaafaan cashuur ururinta wadooyinka - wadanka.
Daawo-
[embedded content]
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle


Sh. Axmed Cabdisamad muxuu Kismaayo ku soo arkay?

$
0
0

Kn: Waa anigii dhawaan culimada kala qaybgalay kulan-cilmiyeed ballaaran oo magaalada lugu qabtay, labo toddobaadna soo joogey. Booqashadaas oo kale way habboontahay in wax laga yiraahdo muuqaalladii iyo dareenadii laga qaatay, talooyin iyo afkaarna laga bixiyo.
Haddaba inta aanan u galin wixii aan la kulmay iyo dareenkayga aan hadal guud ka iraahdo dadka iyo dalka aan booqday.
Kismaayo waa magaalo weyn oo taariikhi ah, dad badana u hanqaltaagaan inay dagaan, kana shaqaystaan.
Waxaa la sheegaa in gobolka Jubbada hoose isku darsaday bad, wabi iyo xoolo nool. Khayraadka gobolku intaas kuma koobnee shidaalka ku jira awgi waa tan la sheegtay baddii Soomaaliyeed, shidaal dhuleed iyo macaadin kalana kama marna.
Xagga ganacsiga dakad iyo garoon waaweyn baa ku yaal, waxaana la daris ah qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ugu dadka badan, dakad dhuleed ku xiriirisa Kenya ayaa iyana u dhow. Dabcan dakad dhuleedka Itoobiya ku xiriirisana kama foga.
Waxyaabaha Kismaayo ay dheertahay magaalooyinka soomaalida badankooda waxaa ka mid ah kala duwanaanshaha dhalasho, midab, lahjad iyo qabiil ee dadka deegaanka oo haddii luqada cusub la raaco 4.5 baa ku dhan. Meelaha Kismaayo kaga hormari karto magaalooyinka kale waxaa ka mid ah qabiilka Baajuun oo aan lala wadaagin.
Taa oo macneheedu yahay reer Kismaayo waxay dhaqan iyo dhalasho wadaagaan Soomaali oo dhan (Dirirdhabe iyo Jabbuuti ilaa Boosaaso ilaa Gaarisa iyo inta u dhaxaysa). Arrintaasna waxay magaalada iyo deegaanka Jubba oo dhan siinaysaa qiime dheeraad ah; waayo dal waxaa dhisa dad, ninkii dad ku dheerna waxbuu ku dheeryahay.
Intaa waxaa dheer in magaaladu hadda dagan tahay colaado badan oo isdaba-joog ah ka dib, nabadgalyadeeduna aad u fiican tahay.
Si kale haddii loo yiraahdo waa magaalo haysata fursado badan oo lugu xaqiijin karo horumar weyn laakiin su'aashu waxay tahay fursadahaas dadka deegaanka iyo soomaalida kale ma ka faa'iidaystaan mise waa lugu faanaa kaliya?
Waa socotaa ee qaybta 2aad aynu wada sugno .
storvideo: 

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay...

$
0
0

Kismaayo, Feb, 2 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay ku qalin jabinayeen Dufcaddii 8aad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Kismaayo. Ardaydan oo ka qalinjabiyay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda waxaa ay in mudo ah ku jireen halgan waxbarasho oo wakhti dheer soo qaatay. Madaxweynaha Dowlad [...]
storvideo: 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho, Feb,2, 2018--Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.
Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas'uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.
Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.
Labada mas'uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go'antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMidowga Afrika oo cambaareeyay dhaarintii Railla Odinga

storvideo: 

Mareykanka oo mamnuucay in wax hub ah la geeyo South Sudan

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in wax hub ah loo daabulo dalka South Sudan. Tallaabadan ayuu Mareykanka ku sheegay in looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno ka taagan wadankaasi.

Mareykanka oo mamnuucay in wax hub ah la geeyo South...

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in wax hub ah loo daabulo dalka South Sudan. Tallaabadan ayuu Mareykanka ku sheegay in looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno qaadatay ee ka taagan waddankaasi.
Mareykanka ayaa gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku booriyay inay meelmariyaan qaraar cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu saarayo South Sudan.
Inkastoo Mareykanka aanu hub toos ah ka iibinin dalkaasi ayaa haddana xukuumadda Washington waxaa ay mamnuucay in shirkadaha Mareykanka ee arrimaha difaaca ay wax hub ah ka iibiyaan dowladda South Sudan.
Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sidookale walaac ka muujisay sida hogaamiyeyaasha dalkaasi ay ugu guuldareysteen inay soo afjaraan collaada ka taagan South Sudan.
Bishii hore ayay aheyd markii safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ay sheegtay in Mareykanka uu ka quustay madaxweynaha South Sudan, iyadoo sidookale ku tilmaamtay saaxiib aan ku habooneyn nabadda.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live