Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kooxo burcad ah oo dil iyo dhac ka geystay M/ Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan oo Burcad ah ayaa Duhurnimadii maanta dil iyo dhac ka geystay xarun ay Shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in Kooxdaasi ay toogteen mid ka mid ah howlwadeenada Laanta Hormuud ay ku leedahay Nawaaxiga Buunda Koowaad ee degmadaasi Waabari.
Sidoo kalena waxaa ay xaruntaasi ka qaateen Lacago fara badan, sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Qof goobjooge ah.
Waxaana uu tilmaamay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dil.mp3
storvideo: 


Sanbaloolshe in la aamusiyo ayuu rabaa (Faalo...

$
0
0

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hadaladda ka imaanaya Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Dad badan ayaa ku tilmaamay inuu isu rogay mucaarad ,laakiin taas dood ka duwan ayaa muuqata.
Ilaa 4 wareysi oo kulul ayuu bixiyay ,wareysiyadda qaar wuxuu Dowladda ku dhaliilay gaar ahaan madaxtooyadda iney dagaal xoogan la gashay oo ay dhaafisay kursigiisii, wuxuu yiri madaxweynaha waxaa uggu jira faraanti jin ah, wuxuu diiday inuu si toos ah ugga hadlo arinta dhiibista Qalbi Dhagax inkastoo uu sheegay inuu isagu ahaa qof ku shaqeynayay amar madaxda kore ka yimid, wuxuu u muuqday nin wax badan og ,wuxuu mar walba isku dayaayay inuusan madaxweynaha dhaliisha saarin, , hadaba muxuu u hadlaya Sanbaloolshe?.
Dalka waxaa ka dhacday dhowr kiis oo aaney madaxdu ilaa hadda toos ugga hadal, Sanbaloolshe wuxuu hayaa sirta Qaranka gaar ahaan Dowladda hadda jirta, arinta Qalbi Dhagax waa u tun ku taagan madaxda hadda joogta, ma jiro qof ku dhiiran kara inuu sheegto inuu amarkaas bixiyay, wararka sheegaya in madaxtooyaddu lacag ku bixisay musharaxii la tartamaayay waxey u badan yihiin kuwa saxan.
Sanbaloolshe oo xilkii lagga qaaday ,midkii kalana lagga riixday waxaa u muuqata fursad uu xil kale ku raadsan karo oo ah inuu hadlo isagoo cabsi galinaya madaxdda sare, hadii uu Sanbaloolshe sheego cidii bixisay amarkii laggu dhiibay Qalbi Dhagax uuna cadeymo la yimaado waxaa dhici karta dhiiqo siyaasadeed, wareysiyadda nuucaan ah waxaa la yiraahdaa "i aamusi" oo la micno ah boos ii raadi .
Villa Somalia waxa ay ku qasban tahay in aamusiddo Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uggu yaraan loo raadiyo safaarad waliba waa inuu noqdaa safiir aan la badalin waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo sida ay qabaan dadka siyaasadda faaqidda, wareysiyadiisu waxey u muuqdaan fariin , hadii aan si deg deg ah loola hadal Sanbaloolshe wareysiyadda xigga ee uu dhiibi doonno waxey noqon karaan dacar siyaasadeed.
Sanbaloolshe waxaa laggu tilmaamaa nin aan gamban inta badan, Is bad baadintu waa qeyb ka mid ah fahamka siyaasadda fiyoow.Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faaraxraafac22@gmail.com
storvideo: 

Xukuumadu Waa Inay Dib-U-Hawgeliso Guddiga Ka-Soo...

$
0
0

Xukuumadu Waa Inay Dib-U-Hawgeliso Guddiga Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo Dhaqaale Gacanta Ku Hayey.Maxamuud Cali Walaaleeye.
Hargeysa- Guddiga Ka Soo Kabashada Abaaraha oo la dhisay badhtamahii sannadkii dhamaaday ayaa loo xilsaaray inay isku-dubaridaan qaababkii loo taakulayn lahaa dadkii ku tabaaloobay abaarahii dalka ka dhacay sannadkii hore iyo kuwii ka horeeyey.
Madaxweynahii hore JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo ayaa shaaciyey inaan la qaban doonin munasibad lagu maamuuso dabaaldegga maalinta Qaranimada 18 May sannadkii hore isla markaana lagu bedelay xaflad qaadhaan loogu uruurinayo dadkii ku tabaaloobay saamayntii abaaraha.
Khudbad uu Madaxweyne Md. Siilanyo jeediyey hebeenimadii 18 May 2017 ayuu ku sheegay, Si looga midha dhaliyo mashruucan qiimaha badan waxaan magacaabay guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee bulshada, culimo-aw-diin, ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan xukuumada.
Guddidan waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururinta ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May ilaa 26-ka June 2017.
Qaadhaan ururinta oo socon doonta muddada 45-ka cisho waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha kuwaas oo ay kamid yihiin:-
In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.
In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.
In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.
In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xiliga jiilaalka.
In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xili roobaadkan.
Qaadhaankii isla habeenkaa lagaga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ayaa lagu qiyaasay lacag caddadkeedu gaadhayey ilaa saddex milyan oo dollar, wallow, ay ahayd ballanqaad ay sameeyeen dadkii ka soo qeybgalay munaasibadu.
Bishii November, sannadkii hore ayaa Guddiga Ka Soo Kabashada Abaaraha oo lagu eedeeyey inay lunsadeen lacagahii loo dhiibay oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ku shaaciyey in lacagta rasmiga ah ee gacantooda soo gashay gaadhayso hal milyan iyo dhowr boqol, isla markaana ay ka codsadeen dadkii hore ugu ballanqaaday lacagahu inay bixiyaan.
Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Guddiga ka tirsana ayaa sheegay in xafladii 18kii May lagu yaboohay lacag ka badan saddex milyann oo dollar, balse waxaa la helay oo kaliya ayuu yiri hal milyan iyo labo boqol oo kun dollar
"Markaanu dadkii dhexgalnay lacagtii yaboohda lacagtii ka soo xerootay waxa ay noqotay Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton ( $ 1, 273,252), Lacagtaas waxa kharash ku baxay boqol iyo afar iyo todobaatan kun boqol iyo sideed iyo sideetan ($174,188), kharashkaasi wuxuu u badnaa Tiifiiyadii la isticimaalay, oo qaatay ilaa lacag ku dhawo konton kun oo doolar, sideed iyo toban kun ayey waxa ku baxeen kharashkii habeenkii 18 May, lacagtaas kharashaaka ah marka laysku geeyo waxay noqonaysaa boqol iyo afar iyo todobaantan kun, lacagtii soo ururtayna waxay ahayd Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton, marka intaa la kala jaro waxa soo hadhay Milyan iyo sagaal iyo sagaashan kun iyo afar iyo lixdan doolar ($1, 099,064.) lacagtaasi waa inta aanu imika hayno ee xaasilka ah." ayuu yiri Sheekh Maxamed.
Sheekh Maxamed ayaa raaciyey in xubanaha guddidaasi ka soo kabashada Abaaraha lacagta hayaan aan loo isticimaali doonin guud ahaan wax mashruuc ah isla markaana la hakiyey , ilaa wakhtiga kala guurka ee doorashada, isla markaana, marka Xukuumad cusbi ay dhalato, lacagtaasi loo isticmaali doono mashaariicdii loogu talo galay.
Xilligan oo dalka ay taagan tahay abaar saamayn ku yeelay bulsho badan oo ku kala nool dhamaan deegaanada dalka, isla markaana dhowaan Faysal Cali Sheekh, Guddoomiyaha Gudiga ka Hortaga Masiibooyinka Somaliland ayaa sheegay in hal milyan iyo todoba boqol oo qof ay ku dhufatay abaar baahsan oo ka jirta deegaanada Somaliland kuwaasi oo u baahan in lala gaaro gargaar deg deg ah.
Dadka ay abaartu saameysay ayaa ku sheegay Mr. Faysal in 47% shacabka ku nool deegaanada Somaliland gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah, wuxuuna Gudoomiyaha uu sheegay in hay`adaha aysan waxba ka qaban dhibaaatda taaagan ee xooluhu ay la dhimanayaan.
Haddaba, waxa la gudboon Xukuumada Madaxweyne Md. Muuse Biixi inay bilowdo talaabooyin wax loogu qabanayo dadka xilligan dhibaatadu weheliso intii awoodooda, isla markaana degdeg dib-ugu-hawlgeliso Guddida Ka Soo Kabashada Abaaraha oo haya qaadhaan lacageed hore shacabku ugu yabooheen taakulaynta dadkii abaarahu saameeyeen, sidoo kale, waa muhiim, in xukuumadu soo saarto baaq ay caalamka ugu gudbinayaan saamaynta abaaraha ka jira dalka, iyo inay degdeg taakulayntooda uga geystaan xaalada taagan, intaanay meel xun sii gaadhin.
storvideo: 

Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ku saleeyay...

$
0
0

Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ku saleeyay magacaabista golihiisa xukuumadda?.
. Ma habka beelaha
. Ma xisbinimo
. Ma jeegaan
. Mise beel & codkeed, neef & sarartii.
Muxuuse ahaa miqyaaska uu ka duulayay ee u ahaa merjeca biyo kama dhibcaan-ka ah.
Isagoo miqyaaskiisa uu ka duulayaana ahaa beel heblaayo xisbiga waddani ma kaaga badisay haddiiba doorashada lagu kala heli-laa codka beeshaa/gobolkaa/degmadaa & tuule heblaayadaa.
Wallee ninkii aan dhimani inuu tuwal-ba arki.
Hadaba Xukuumadda Cusub & xilalka uu bixiyay-ba waxay ku bays-gareysanyihiin reer & codkii, neef & sarartii. Isagoo mansabyada xukuumaddiisa u bixinayay jaa'iso ahaa & abaal celin.
Marka laga reebo lix mansab Oo Kala ah:
1. Wasiir Ku xigeenka waxbarashada. Cabdiqadir dhagaweyne. Oo uu ku magacaabay cadar muxumed darteed.
2. Wasiirka gaashaandhiga ciise Axmed. Oo uu u magacaabay kuna sharfay suldaan Siciid cabdisalaan Oo ah suldaanka guud ee beelaha warsangali.
3. Wasiirka caafimaadka dr. Xasan. Oo uu u magacaabay mid ka mid ah shanta ardaa ee deegaanka burco (reer caynaashe). Isagoo ku dedeyay magaca jeegaanta oo hadal hayntiisu ku badnayd deegaanka burco.
4. Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha Mr. Boos. Oo uu u magacaabay mid ka mid ah labada ardaa ee dega gobolka sanaag (Muuse Ismail Cabdale xaamud, reer Ibraahim). Isagoo ku bakhtiinayay shirkii lagaga dhawaaqay qabashadiisa deegaanka ceerigaabo.
Markay halkaa mareysay ayaa waxa hadlay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo daboolka ka qaaday jeegaantii uu madaxweynuhu dedeyay kuna dedey wasiirka caafimaadka. Halkaas Oo uu wasiirkii caafimaadka xoojin uga dhigay.
5. Badhasaabka gobolka togdheer Oo isna ka mid ah ardaayada deegaanka burco (reer wayd). Oo ay kala noqonayaan caynaashe & xirsi bari. Halka uu ku xoogiyay wasiirka ciyaarahana
6. Afhayeenka madaxtoyada oo isna noqonaya (cismaan xaamud).
Markay halkaa mareyso bulshada qaarkeed waxay is waydiinayaan su"aalo door ah kuwaas Oo ay ka mid yihiin:
1. Maxaa laga filan karaa xukuumad ku dhisan reer & codkii, neef & sarartii?.
2. Mase laga filan karaa in mashaariicda dawladda iyana lagu saleeyo calaa beel & codkeed?.
3. Suuragal-se ma tahay in khayraadka wadanka isna ay bays u noqoto in wax lagu qaybsado codkii uu ka kala helay qaybaha bulshada & deegaanada?.
4. Xaq-se ma u leeyahay inaan idhaahdo runtii may ahayn markuu lahaa kii ii codeeyay & kii iga codeeyay-ba madaxweynaan u ahay?.
5. Mase odhan karaa haddiiba alla ku simo inuu mar kale isasoo sharaxo kalsoonidii shacabka wuu iska lumiyay oo wuu ku tagri falay, isla markaana abaar dhawrta cararay?.
Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.
Tu kaloo ka daran baa jirta"e taana bal aan sheego.
6. Shacabka qaarkii kalsooni intee leeg ayay ku qabi karaan xukuumadda madaxweyne muuse, ee uu seeska uga dhigay neef & sarartii?.
Ugu denbeyntii:
7. Ma odhan karaa wuxuu meel uga dhacay dastuurkii dalka & axdi qarameedadii burco & borama?.
Horaa loo Soconayaa .
Qalinkii: garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.
storvideo: 

Waxbarashada dalalka soo koraya oo loogu deeqay...

$
0
0

Hogaamiyayaasha caalamka ee ka qeybqaadanaya shir caalami ah oo ka soconaya waddanka Senegal ayaa waxa ay ku deeqeen in ka badan 2.3 bilyan oo doolar si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka soo koraya.
Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen wadammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya markii la barbar dhigo 1.3-da bilyan ee doolar ee waxbarashada lagu bixiyay saddexdii sanno ee la soo dhaafay.
Dalalka soo koraya ayaa la ahaantooda waxa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada.
Kharashka ugu badan ee lagu deeqayna waxaa ku yaboohay Britain, Midowga Yurub iyo Norway.
Madaxa hay'adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay Alice Albright ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal.
storvideo: 

Ummad aan yool lahayn waxa uu wakhtigu kaga lumaa...

$
0
0

Marka aanay ummaddu lahayn yool mideeya iyo hadaf ka dhexeeya oo ay si siman ugu heellan yihiin in ay si wada jir ah uga midho-dhaliyaan, kolba waxa ay dedaalkooga oo dhan iyo maskaxdoodaba ku bixiyaan waxyaabo raqiis ah oo aan sidaas u sii ridnayn, waxaana ay buunbuuniyaan waxyaabo aan u qalmin xataa in hal daqiiqo oo wakhti ah lagu bixiyo, iyaga oo si fudud iskaga baal maraya waxyaabo kale oo badan oo ay ahayd in xoog badan iyo dedaalba loo huro. Wakhti badan oo qaali ahaa iyo fursado dahabi ahaa oo aan soo noqod lahayn ayaa kaga hallaaba iska-daba-wareeg, xintan, isku-meeraysi aan u jeeddo lahayn iyo is-qabqabsi aan macno lahayn. Shay aad u kooban ayaa kala fogeeya, si fududna uma midoobaan maadaama oo aanay jirin himilo u muuqata oo ay ka lib-keeniddeeda u wada guntan yihiin ama jid ay wadaagaan oo idaylkood midaynayaa. Yool la'aantaasi waa xuddunta ay ku soo biyo-shubato kala qaybsanaanta bulshadu, waana sababta keenta in ay bulsho isku duubani mar kaliya u kala tafaraaruqdo sida dab dhagax lagu dhuftay, maadaama oo aanu awalba jirin hadaf ay gaadhiddiisa u midaysnaayeen. Waagii dillaacaba waxa ay ummaddaasi dul yuururtaa meel aanay dani ugu jirin, waxaana ka habaaba hadafka ay ka leeyihiin ummadnimadooda iyo jiritaankoogaba. Bulshadaasi waxa ay ku jah-wareertaa xintanka ka dhexeeya qofaf dantooda gaarka ah isku seegay oo aan iyaga waxba u soo tarin, una tari doonin, waxa aanay ku daba-faylaan qofafkaas iyaga oo kula kala safanaya kaliya inay wadaagaan ab-tirsi. Waxaaba iska caan ah in qofafkaasi ay ab-tirsiga u adeegsadaan danahooga gaarka ah, danahaas gaarka ah oo inta badan liddi ku ah danaha bulshada ay wadaagto, iyada taas la og yahay ayaa haddana lagu daba galaa!
Bal Soomaalilaan uun sidaas u eeg! Maxaa lagu mashquulsan yahay? Maxaa la isku haystaa? Ma dantii bulshada mise dan shakhsiyaad? Goorma ayaa innoogu dambaysay in aynu aragno qof ka hadlaya danta bulshada? Immisa jeer ayaad maalintii aragtaa qofaf dantooda gaarka ah oo ay waayeen awgeed gafuurka u taagaya, bulshadana iskaga hor-keenaya? Maxaa danta bulshada raqiiska ka dhigay, danta qofafkaasna qiimaha illaa xadkaas ah u yeeley, ma bulshada mise iyaga?
Inkasta oo masiibada jahligu ay tahay sababta aynaan isku weydiinayn su'aalo badan oo innagu xeeran amaba ay maskaxdeennu uga xishooto inay fikirto, haddana taas waxa sii xoojiyey ab-tirsiga midaynaya laba aan isku dan ahayn ee kala kaxaynaya laba dan-wadaag ahaa. Bulshadu hadba waxa ay isku urursataa sida ay isku dan uz tahay, waayo qayb kasta oo bulshada ka mid ah oo leh dan isku mid ah, waxa ay wadaagtaa caqabado isku mid ah, waxaana wada saameeya hadba sida loo xalliyo caqabadahaas ay wadaagaan. Balse ninka milyaneerka ah iyo ninka kaariyoonka ku xammaasha ee haddana isku reerka ahi, isku duruuf ma'aha, warna iskuma hayaan, waxna iskama oga! Waxa war isku haya oo isku duruuf ah labada kaariyoonka ku wada xammaasha ee kala reerka ah, iyagu in ay danahooga wada difaacdaanna waxa ku jirta sii noolaanshahooga! Intaas oo la fahmaa waxa ay innaga gudbin lahayd dhibaatooyin tiro badan, balse inta labadaas kaariyoonka ku wada xammaashaa ay u colloobayaan isa-seegga dhex mara labada milyaneer ee ay ab-tirsiimada wadaagaan, waa inta ay bulshadu talada seeggan tahay, gudcurkuna uu xididdo adag dhexdeenna ku sii mudanayo. Tusaalahani waa mid bulshada kale oo dhanna sawir innaga siinaya oo aan ku koobnayn intaas aan tusaalaha u soo qaatay oo qudha.
Inta aan la murmin ee aan la is-qabqabsan, horta waa maxay ujeeddada aynu ka leennahay ummadnimadeenna? Maxaynu u jirnaa? Maxaynu dal u nahay? Ma is-qabqabsi? Ma muran? Ma qabyaalad? Ma inaynu shakhsiyaad u danayno? Maxaynu doonaynaa? Maxaynu hiigsanaynaa? Halkee ayeynu u soconnaa? Yaa mudan in la taageero? Yaa se mudan in aan la taageerin? Marka aynu jawaabo waafi ah u helno su'aalahan iyo kuwo kale oo badan ayeynu doodi karnaa, ugu yaraanna sidaas ha la yeelo iyo yaan yeelin isku qabsan karnaa, waayo markaas waxa jira cabbir aynu wax walba ku dhererinayno oo ah yoolkeenna wixii ina gaadhsiin kara iyo waxa aan ina gaadhsiin karin. Balse inta aynaan garanayn yoolka aynu leennahay, maba jirto wax aynu ku murannaa ama isku qabqabsannaa, waayo cabbirba ma lihin aynu wax ku qiyaasno.
Qore: Maxamed Sharma'arkeSharmaake91@gmail.com
storvideo: 

Boqolaal muhaajiriin ah oo xuduuda Maraykanka lagu qabtay

$
0
0

Dowladda Mexico ayaa sheegaysa in la badbaadiyay oo la qabtay labo boqol oo qof oo muhaajiriin ahaa.

Boqolaal muhaajiriin ah oo xuduuda Maraykanka lagu...

$
0
0

Dowladda Mexico ayaa sheegaysa in la badbaadiyay oo la qabtay labo boqol oo qof oo muhaajiriin ahaa.
Dadkan ayaa lagu soo waramayaa inay safrayeen biyo iyo cunto la'aan iyagoo saarnaa labo gaari oo kuwa waawayn ah
Waxayna dadkani u socdaalayeen xuduuda koonfureed ee gobolka Taxes iyagoo doonayay inay galaan dalka Maraykanka.
Labo gaari oo kuwa waawayn ah ayay dadkani saarnaayeen oo lagu soo dhexqariyay waxaana la sheegay inuu xaalkoodu aad u liitay.
Dadkan muhaajiriinta ah ayaa ka kala yimid wadamada Honduras, Guatemala iyo El Salvador
Sadax qof ayaa loo xiray oo looga shakisan yahay inay dadkani safrinayeen kuwaasoo ahaa muqalasiin dadka safriya
Bishii la soo dhaafay waxaa sidoo kale la qabtay dad ka badan boqol qof oo iyagana haajirayay
Kumanaan qof ayaa u safra dalka Maraykanka kuwaasoo sharci la'aan ku doonaya inay wadankaasi ku gallaan.
storvideo: 


Isku Day Dil Iyo Dhaawac Culus Oo Wiil Uu Adeer U...

$
0
0

Isku Day Dil Iyo Dhaawac Culus Oo Wiil Uu Adeer U Yahay Madaxwayne Muse Biixi U Gaystay Xaaska Saleebaan Xuquuq Iyo Booliska Oo Diidan In Ay Soo XidhaanJAMHUURIYADDA SOMALILANDTaar: February 3, 2018KU: MUDANE MUUSE BIIXI CABDI MADAXWAYNAHA JSLXARUNTA MADAXTOOYADA SOMALILANDHARGEYSAOG: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA JSLOG: TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OG: GUDOOMIYAHA GOBOLKA MAROODIJEEX OG: WARBAAHINTA DALKA IYO TAN DIBADA UJEEDO: CODSI WAX KA QABASHO ISKUDAY DIL IYO DHAAWAC CULUS & BARO-KICIN LOOGU QOYSKAYGII - HARGEYSAMUDANE MADAXWAYNE Anigoo ah muwaadin Somalilander ah haatana ku nool dalka Maraykanka, magacayguna yahay Saleebaan Ismaaciil Bulaale kuna magac dheer (Saleebaan Xuquuq). Mudane Madaxwayne markii Xilka Madaxwaynaha dalka laguu dhaariyayba Cadaabtii Ifka ayaa u bilaabmay Qoyskayga oo ka kooban 18 oo isugu jira caruurtayda oo badankoodu aanay waliqaangaadhin, ooridaydii iyo waalidkay oo Ku defense Xaafada JIGJIGAYAR ee HARGEYSA ka dib markii Nin lagu magacaabo Fuaad Ismaaciil Cumar uu s badheedh ah isugu dayay in uu qudha ka jaro Ooridayda isagoo u gaystay dhaaw Culus Waxa kale oo uu isku dayay in uu Aqalka Ku Gubo.Hayadihii Sharci fulinta dalku gaar ahaan Ciidankii Booliska way diideen in la soo xidho ninkaasi oo awood badan Ku Dhex leh xafiiska Xeer Ilaanta Gobolka Maroodijeex iyo Ciidanka Booliska, Mudane Madaxwayne Hal wiig kadib markii laguu dhaariyay xilka Madaxwaynaha JSL ayaa ninkaasi isku dayay goor maqrib ah uu dab qabadsiiyo 2 ee ay kuna nool yihiin qoyskayga kuwaasi oo ku yaala degmada Koodbuur gaar ahaan xaafada Jigjigayar ee - Hargeysa. Nasiibwanaag dad banaanka guryaha marayay iyo dabaysha oo ka hiilisay in dabku gaadho daaqadaha guriga ayaa dabkaasi ka badbaadiyay in ay halkaasi ku gubtaan 20 ruux oo isugu jiray dumar iyo caruur oo guriga ku sugnaa. Rugta Booliska Jigjigayar oo dacwada xaaskaygu gaadhsiisay waxa sarkaalkii rugta joogay ugu jawaabay ninkan aad leedahay gurigayga ayuu gubayay xashiish yar ayuu Meesha ku gubay. Markale 7 January 2018, Ninkiisi gudaha aqalkayga ayuu ugu galay xaaskaygii oo uu dhaawac culus ugu gaystay, isagoo isku dayay in uu dilo balse dad marti ah oo guriga joogay ayaa ka badbaadiyay. Saldhiga Koodbuur ayay tagtay iyadoo dhaawacii qabta balse waxa loo diiday in dhaawacmuujin la siiyo, 2 maalmood ayay ku qaadatay in dhaawac muujintii looga baryo Saldhiga Koodbuur Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu soo cadeeyay in Dhaawacyo culus ay qabto xaaskaygu. Nasiibdaro Taliyaha Saldhiga Koodbuur oo lagu magacaabo Ganay, waxa uu bilaabay in uu dacwada isku dayga dilka xaaskayga iyo dhaaawaca culus ee ay qabtoba in uu baabi'iyo waxa uu ilaa wakhtigan xaadirka ah diidan yahay kiiska dambi baadhe uu ku qoro cadaymaha iyo maragyada lagu dhagaysto saldhiga koodbuur isla markaana in uu soo xidho dhibgaystihii oo ay walaaladii ku qarinayaan gudaha - Hargeysa. Marka xaaskaygii oo dhaawac qabtaa u tagto waxa uu ku odhanayaa marka aad ninkii ku dilay aad soo aragto anaga noo kaalay aanu sharciga kuu horkeenee, walaalkii oo ka wayn dhibgaystaha ahna ninka fakinaya ayay booliska saldhigu soo xidheen laakiin Taliyaha Saldhiga Koodbuur Mr. Ganay waxa culays saaray qoyska uu ka soo jeedo dhibgaysuhu oo uu u sii daayay, xataa walaalkii dhaawacyo culus ayuu gaystay ee keena muu odhan. Mudane Madaxwayne, anigu awood kale maan helin balse waxan la soo hadlay Taliyaha Booliska Somaliland General Fadal, Taliyaha Hawlgalinta Booliska Somaliland, Wasiirka Arimaha Gudaha JSL iyo Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha JSL, dhamaantood inkastoo ay ii balanqaadeen in ay wax ka qabanayaan mashaqadan ma jirto ilaa hada wax ay ka qabteen xataa waxa ugu yar oo ay qaban karayeen oo ah in ay amar ku siiyaan Taliyaha Saldhiga Booliska Koodbuur in uu dhibgaystaha soo qabto ma ay samaynin. Mudane Madaxwayne, markii adeegii sharci ee dalka lanaga maanacay, waxan isku dayay bal in ay dhibaatada qoyskayga haysta iyo isku dayga qudhgooyada ah ee loo gaysanayo waxan la xidhiidhay in odayaasha beesha uu ka soo jeedo dhibgaystuhu in aan la xidhiidho waxana ay si buuxda iigu sheegeen in aanay dhibgaystaha iyo qoyskiisu aanay u qabsoomaynin.Arimaha kor ku xusan Mudane Madaxwayne waxay sababeen in ay Khasab Qoyskaygii ku noqoto in ay ka qaxaan hantidoodii maguurtada ahayd ee Guryaha ahayd oo ay iigu dhasheen 10 caruur ah isla markaasina aan deganaa kuna noolaa 25 sanadood ee ugu dabeeyay, waxana ay haatan caruurtaydii iyo xaaskaygii oo dhaawacyo culus qabtaa qaxooti ku tahay xaafadaha kale ee - Hargeysa. Mudane Madaxwayne Ninkii Isku dayga dilka iyo dhaawacyada culculus noo gaystay isagoo taageero buuxda ka haysta qoyskooda iyo tolkii uu ku naaloonayaa werwer la'aan caasimadda Hargeysa halka qoyskaygii oo dhibanayaal ah qabo argagax iyo dhaawacyo culus ay maanta qaxooti ku yihin Hargeysa. Mudane Madaxwayne dhibaato ka wayn majirto marka dalkaaga gudihiisa adigoo dhibane ah laguu diido adeegii aasaasiga ahaa ee qanuun iyo sharci in uu kuu shaqeeyo. Mudane Madaxwayne waxan ku xasuusinayaa in aad masuul ka tahay amaanka iyo nabadgalyada Qoyskayga, waxanan kaa codsanayaa in dhibaatada na haysta aad kala xisaabtanto hay'addaha ay khusayso ee sharcifulinta gaar ahaa Booliska Dalka oo Musuqmaasuq, eex iyo qaraabokiil qayrkii ka reebay. Mudane Madaxwayne waxan nasiibdaro u arkaa in amaankaygu Ku xidhmo oday ama nin Reer Miyi ah oo Calaydh jooga.Mudane Madaxwayne Waxan si naxariisle kaaga codsanayaa in:1- Aad Ku amarka hay'adaha sharci fulinta dalku gaar ahaan Booliska iyo Xeer Ilaalintu in ay Waajibaadkooda Sharci ka gutaan dacwadayada isla markaasina ay sharciga horriisa Keenaan dhibgaystaha ama xubnaha qoyskiisa ee ka masuulka ah.2- Xukuumada Somaliland waxan ka codsanayaa in ay qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo ninkaasi Fuaad Ismaaciil Cumar iyo qoyskiisu in hantida maguurtada ahi ka nabadgalyso gaar ahaan guryahayga Ku yaal xaafada Jigjigayar ee Magaalada Hargeysa hantidaasi oo ka kooban 2 guri oo dhagax ah hantidaasi oo haatan qoyskaygii uga qaxeen amaan daradaasi awgeed.3- Xukuumada Somaliland waxan kale oo ka codsanayaa in qaado talaabo kasta oo ay Ku xaqiijinayaan nabadgalyada caruurtayda maadaama Qoyska Reer Ismaaciil Cumar uu u soo haliilayo dhiiga caruurtayda.SULEIMAN ISMAIL BOLALEH (Saleban Xuquuq)
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo Kenya ugu baaqday inay ilaaliso...

$
0
0

New York-(SONNA)- Hay'adda Qaramada midoobay u qaabbilsan xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqday inay tixgeliso ammarka ka soo baxay maxkamadda sare ee Dalkaasi, dibna u howl geliso warbaahintii hawada laga saaray dhawaan.
Dowladda Kenya ayaa albaabbada isugu dhufatay Taleefishinnada kala ah ,Citizen, NTV Inooro iyo KTN, markii ay baahiyeen dhaarintii Railla Odinga loo dhaariyay inuu Kenya ka yahay madaxweyne, xilli doorasho ku celis ahayd oo dhawaan ka dhacday Dalkaasi looga adkaaday xisbiga uu hoggaamiyo ee NASA.
Dowladda Maraykanka, iyo midowga Yurub ayaa horay ugu soo jeediyay xukuumadda Kenya inay dib u howl geliso warbaahinta ay xayiraadda kusoo rogtay, iyagoo ugu baaqay inaanan la caburin xorriyadda saxaafadda kuna xadgubin xeerka ka yaalla warbaahinta caalamka.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Dalka Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladdooda inay jebisay sharciga dhigayaa in warbaahintu ay leedahay xorriyad, taasi oo ay horay u ballanqaaday Dowladda haatan ka arrimiso Kenya inay ilaalin doonto xorriyadda saxaafadda.
Dowladda Kenya ayaanan weli u hoggaansamin ammarka Maxkamadda sare ee Dalkaasi iyo baaqa ka imaanaya Qaramada midoobay iyo waddamada saaxiibbada la ah Kenya, waxaana Maalintii Saddexaad hawada ka maqan qaar ka mid ah Taleefishinnada ugu caansan gudaha Dalka Kenya.
Isha/ Daily Nation
storvideo: 

Waxbarashada dalalka soo koraya oo loogu deeqay balaayiin doolar

$
0
0

Hogaamiyayaasha caalamka ee ka qeybqaadanaya shir caalami ah oo ka soconaya waddanka Senegal ayaa waxa ay ku deeqeen in ka badan 2.3 bilyan oo doolar si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka soo koraya.

Wasiirada Ganacsiga XFS iyo Dowlad Goboleedyada oo...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Kulalankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo horumarin lahaa waxsoo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,iyo madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaliay oyo kuwa maamul Goboleedyada,iyadoo intii uu kulankaasi socday siweyn loogu gurfeeyey sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada Dalka ay hesho suuqyo Caalami ah loona dhoofin lahaa.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in looga baahanyahay Ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay in ka wasaarada ahaan ay qaadanayaan dowrkoodi ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhianacyo badan leh oo ganacsiga ah.
Sido kale waxaa halkaasi ka hadlaya Wasiiradii ganacsiga Dowlad Goboleedyada,Jubbaland,Fariid Jaamaca Suleymaan,K/Galbeed Warsame Dhoofane Dhaqane,Hirshabeele,Yaxye Ismaaciil Maxamed,Galmudug Cabdiladhiif C/llaahi Warsame,kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay aqabadaha horyaala dhinaca ganacsiga Dalka oo ay kamid yihiin in ganacsatadu ay ogaadaan in mas'uuliyad weyn ay ka saran tahay bulshadooda.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadad dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo ay raadinayso fursado dalka lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.
storvideo: 

Gunmen kill a civilian in Mogadishu

$
0
0

Unknown assailants armed with pistols have shot and killed a civilian in Mogadishu, the Somali capital on Saturday night, witnesses and relatives confirmed.
The shooting took place at Arafat area in Mogadishu’s Yaqshid district after the gunmen tried to take a mobile phone from a young man, who was shot after refusing to the order.
Somali security forces sealed off the crime scene later and launched an investigation, but, no arrest has been reported. The killers escaped the area before the arrival of the Police.
Mogadishu has been hit by targeted killings and bombings in the past few years as the government forces were deployed to the all main streets for security measures.
The post Gunmen kill a civilian in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Gunmen kill a civilian in Mogadishu

$
0
0

Unknown assailants armed with pistols have shot and killed a civilian in Mogadishu, the Somali capital on Saturday night, witnesses and relatives confirmed.
The shooting took place at Arafat area in Mogadishu's Yaqshid district after the gunmen tried to take a mobile phone from a young man, who was shot after refusing to the order.
Somali security forces sealed off the crime scene later and launched an investigation, but, no arrest has been reported. The killers escaped the area before the arrival of the Police.
Mogadishu has been hit by targeted killings and bombings in the past few years as the government forces were deployed to the all main streets for security measures.
storvideo: 

UAE ambassador meets new Mayor of Mogadishu

$
0
0

Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, UAE Ambassador to Somalia, Thursday met with Abdul-Rahman Omar Othman, the new Mayor of Mogadishu.
The UAE ambassador expressed his best wishes of success to the Somali official in his new duties, noting the importance of developing bilateral relations to the higher good of both countries.
The Somali Mayor during the meeting which was held in the UAE embassy premises here, commended the deeply-rooted relations between the two countries and their peoples, hailing the developmental projects carried out by the UAE in different fields in Somalia.
The two sides mulled over the possibility of developing a twinship between Abu Dhabi and Mogadishu, with Al Hammadi expressing UAE's readiness to provide all forms of support to the brotherly people of Somalia.
storvideo: 


VIDEO & SAWIRO: Siyaasi caan ah gabadhiisa oo...

Macalimiin ka yimid Wadanka Sudan oo lagu soo...

$
0
0

Macalimiintan ayaa muddo bil ah duruus taxane ah ka bixin doona qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master) gaar ahaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo labo sano ka hor hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa.
Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha Barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa sheegay in Macalimiintan ay muddo bil ah duruus taxane ah siin doonaan dufcadii labaad ee iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka kuwaasoo tiradoodu gaareyso 52 arday, isagoo xusay in cidii ka faaideysaneysa ay weli isqoristu socoto.
"Heshiiska labada Jaamacadood ayaa suurageliyey in dufcadii ugu horeysay ee dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir ay sanadkii hore dhameystaan taqasuska waxbarashada heerka labaad (Master) iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda International University of Africa, waxaana nasiib wanaag ah iney horteyda fadhiyaan dufcadii labaad ee sanadkan ka faaideysanaya taqaqsuskan qiimaha badan" ayuu intaa ku daray Dr. Mohamed Xaaji oo u mahad celiyey masuuliyiinta labada Jaamacadood oo uu xusay iney dedaal badan u galeen arintan.
Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Dr. Gasamalah Abdi Gafaar, Dr. Abdalla Bashiir iyo Magdi Mahguub Al-Zabayr oo iyana ka hadlay xafladan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.
Sidoo kale, Macalimiintan ayaa sheegay in mudada ay dalka joogaan duruus taxane ah ka bixin doonaan taqasuska Qaanuunka iyo shareecada ee ay iskaashanayaan labada Jaamacadood, ayna ku dedaali doonaan intii karaankood ah iney aqoontooda uga faaiideyaan ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuskan.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Jaamacada Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka Dr. C/raxmaan Xasan Cumar ayaa isna ku dheeraaday dedaalka Jaamacada Banaadir u gashay sidii dalka loo keeni lahaa taqasuskan oo uu sheegay markii hore dalka dibediisa loo aadi jiray, qarash iyo dhibaato badana laga mudan jiray balse taas ay hadda dhamaatay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa isna u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir sanadkii labaad.
"Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay macalimiin noo soo diraan, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto xiriirka labada Jaamacadood' ayuu yiri Dr. Dalmar.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwa horey u dhameystayba looga fadhiyo mustaqbalka dhow iney wax ka bedelaan dhibaatooyinka ka jira garsoorka iyo cadaalada marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka, taasoo uu xusay iney tahay ujeedada ugu weyn ee taqasuskan loo keenay dalka.
Prof. Cismaan Max'uud Dufle oo ah Senator guddoomiye ka ah guddiga Waxbarashada iyo Caafimaadka u qaabilsan aqalka sare, isla markaana ah Madaxa Qeybta taqasuska ee Jaamacadda Banaadir ayaa isna xafladaas ka sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Jaamacadda Banaadir u xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan.
"Walaalaheen macalimiinta Sudan nooga yimid ee maanta nala fadhida ayaan mahad celin ballaaran u jeedinayaa kuwaasoo runtii ku soo dhiiraday iney yimaadaan dal aysan weligood iman oo dagaalo iyo burbur ay ka jireen muddo badan, si ay aqoontooda uga faa'iideeyaan walaalahood Soomaaliyeed" ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale kula dardaarmay dufcada labaad ee sanadkan iska diiwaan gelisay qeybta taqasuska shareecada & Qaanuunka iney ka faaiideystaan Macalimiintan qaaliga ah ee iyaga awgood kumanaan meyl uga soo safray dhulkoodii.
Ardayad Anisa Salaad oo ku hadleysay magaca dufcada labaad ee sanadkan isku diiwaan geliyey barashada taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celisay macaliminta reer Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacada Banaadir oo suuragelisay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadan, waxayna balan-qaadeen iney ka faaiideysan doonaan.
Labadada Jaamacadood ee Banaadir & International University of Africa ee dalka Sudan ayaa bishii Apriil ee sanadii 2016 Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis qorayey in ardayda dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka ay helaan taqasusyo isugu jira waxbarashada heerka labaad (Master) iyo Waxbarashada heerka 3aad (Phd)
storvideo: 

 Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeysay in uu wado...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday Mareykanka in ay joojiyaan dagaalka qaboow ee xagga maskaxda ah,kadib markii xukuumadda Washington ay sheegtay in ay qorsheynayaan ballaarinta ama wax ka badalka nuucyada hubka Niyuklerka ee ay heystaan.
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Shiinaha ayaa sheegay in dalka Mareykanka oo ah kan ugu baaxadda weyn dalalka sameeya hubka Niyuklerka, loona baahan yahay in uu qaado tallaabo waxqabad leh oo keenta isbadal,halkii uu ku dhaqaaqi lahaa dib u habeynta nuucyada hubkaasi.
Ciidamada Mareykanka ayaa aaminsan in hubka Niyuklerka ah ee ay heystaan uu u muuqdo mid baaxad leh oo la isticmaali karo,waxayna doonayaan in ay hormariyaan bambooyinka yaryar ee ay soo saaraan.
Dalka Ruushka ayaa horay u cambaareeyay qorshaha Mareykanka ee xagga tayeynta hubka halista ah ee wax gumaada.
BBC/English
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirada Kaluumeysiga iyo Howlaha Guud oo Baydhabo kulamo kula leh madaxda K/Galbeed Soomaaliya"Sawirro

storvideo: 

Al-shabaab oo weeraray Saldhigyo ku yaala gobalka...

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ku dhax-maray deegaano ku yaalo gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegeyn dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa dhacay Labo waqti oo kala duwan waxaana lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada AMSIOM ayaa ku leeyihiin Deegaanada No. 60 iyo deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Weerarka 1-aad ayaa ka dhacay deegaanka No. 60 ee gobalka Shabeelaha Hoose saldhig ay daganaayeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, halka weerarka 2-aad ka dhacay deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose saakay Aroortii hore.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan ogayn inta uu la egyahay Khasaaraha balse uu jiro dagaalka, kaas oo socday wax ku dhaw saacad waxaana uu ubadnaa madaafiic iyo dagaal culus oo waqti kooban qaatay.
Dhinaca kale Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka qaadayn kuna dilayn Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda.
ma jirto cid ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijin karto dagaalkaasi uu leeyahay dhimasho iyo dhaawac.
storvideo: 

R/W Khayrre oo markii ugu horeysay u safraya Dalka...

$
0
0

Xasan Cali Khayrre Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan magaalada Abuu Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Safarka Ra'iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada.
Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro Guux siyaasadeed oo arintaan ka dhashay waxayna ku soo beegmaysaa xili uu wali taagan yahay xiisadii Wadamada Khaliijka.
Soomaaliya oo go'aan dhax dhaxaad ah ka qaadatay Arimaha khaliijka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jahwareersaneed kala jiidasho ay wadaan Dhinaca Siyaasadda ee Khaliijka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta .
Safarka Khayrre ayaa la sheegay in ay isku maandhaafayn xubno ka tirsan Madaxtooyada kaas oo maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayo Muqdisho gaar ahaan fadhiyada siyaasiinta.
Xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa calaamad su'aal ay dul saarneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, hase ahaatee Imaaraadka iyo Sacuudiga ay culeys ku saareen in xiriirka u jarto Qatar.
Sidoo kale Safarka ayaa la filayaa in uu ku soo aado waqti uu jiro tuhun laga qabo xogta ay Imaaraadka ka haayaan weerarkii lagu qaaday Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid kaas oo dhacay 20-kii bishii December sanadkii 2017.
Si rasmi ah looma shaacin Xiliga uu safarka u baxayo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, balse xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dhawaan ay ku beegan tahay.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live