Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyey magacaabida ni...

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyey magacaabida ni ka Soomaliya ee maxkamada Heeg ee dalka Holand
Feb 6, 2018 -
Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa u dooratay inuu noqday Guddoomiyaha Maxkamadaas Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah Garsoore Soomaaliyeed.
Cabdulqawi wuxuu ka soo baxay xiligii beri-samaadkii Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu.
Sidoo kale wuxuu shahaadada Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva dalka Switzerland.
Garsoore Cabdiqawi waxaa saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maxkamadan oo saddexda sano ee soo socota heyn doona guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Hague.
Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah oo uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay'ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada sanadkii 2009.
Waa garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee darajo illaa heerkaas ah ka gaara heyadaha cadaalada ee caalamiga ah. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bartamaha Bosaaso oo ku...

$
0
0

7th February 2018 admin Category :
Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bartamaha Bosaaso oo ku dhaawacmay weraar lagu qaaday Qeybta
Weeraar Qaraxyo iyo Rasaas wata ayaa Caawaa lagu qaaday Saldhiga Bartamaha Bosaaso ,kaas oo kooxo hubaysan weraar xoogan ku qaadeen iyado khasaare dhaawaac uu jiro.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Bartamaha Boosaaso Dhamme Axmed Maxamed Cali (Sanweyne) iyo labo Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weraarkan oo ahaa mid si weyn looga maqlay dhamaan xaafadaha Magaaladda Boosaaso.
weraarkan Masuuliyidiisa waxaa sheegtay Ururka Alshabaab, oo ay gacan siiyaan maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay inay beegsadeen Saldhiga Bartamaha Boosaaso,mana jirto fah faahin intaa kabadan
storvideo: 

Daawo: Mas Liqay Garanuug dhan

$
0
0

Mas Dhererkiisu yahay qiyaastii afar mitir ayaa liqay Garanuug, Beerta Qaranka ee Bondala wadanka Sri Lanka, goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maska ku qaadatay inuu liqo Garanuugta Muddo hal Saacad ah.
Warqabadka ToggaHerer

storvideo: 

Hindiya : Dhakhtar u gudbiyey 21 Ruux Xanuunka AIDS...

$
0
0

Sida laga soo xigtay ilo dhaqaatiirta Hindiya, qof sheeganaya in uu yahay dhakhtar ayaa qaadsiiyey Feeras-ka HIV Aids-ka ugu yaraan 21 oo uu ku muday Irbado wasaqaysan oo uu Xanuunka ku siday, sida laga soo xigtay Associated Press.
Dakhtarka beenta ah ayaa ka daweeynayay dadka saboolka ee tuulo Hargab,qufaca iyo shuban,Bilayska ayaa baadigoobaya Rajendra Yadav oo ka cararay Bangmaru, oo ah magaalo yar oo ku taal gobolka Uttar Pradesh.
Inta badan dadka buka ayaa sheegay in aysan waligood arkin Rajendra Irbadaha iska beddelaya, laakiin way aaminsanaayeen isaga sababtoo ah wuxuu ka qaadi jiray lacag yar.
Hindiya 2.1 milyan oo qof aaa qaba HIV, sida laga soo xigtay warbixinta Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee HIV-ga sannadii 2016.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Daawo: Abu Dhabi: 22 Ruux oo ku Dhaawacmay 44...

$
0
0

Dhacdadan ayaa subaxnimadii Salaadada ka dhacday Wadada Sheekh Maxamed Bin Rashid Street (Abu Dhabi-Dubai Road) ee gobolka buundada Kizad, sida uu qoray wargayska Al Khaleej ee ka soo baxa UAE.
Wargeysku wuxuu sheegay in dhacdadani ay keentay in laba qof uu dhaawac culusi soo gaadhay halka labo qof oo kalena dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo 18 qof oo qaba dhaawacyo fudud.Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhaawacmay shilal 44 gaadhi oo isku dhacay - UAE ee Abu Dhabi.
Waxay sheegtay in shilku ka dhacay sababo la xidhiidha Ceeryaan oo keentay hoos u dhac xaga araga ah iyo darawaliinta in ay masaafo ku filan ay kala dambeeyaan iyo sidoo kale socodka xawaare aad u sarreeya oo aan loo hoggaansamin duruufta waddada.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

faatixo

$
0
0

Puntland Faataxo Laguma Qabsan Faataxona kusoo Noqon Mayso ! Cabdiweli gaas olola ayuu ku galay hadalkanMarka kobaad dhulkan Cidina may Qabsan Ee dadkii Reer Somaliland ayuunba degaankoda jooga iyo Ciidankoodi Boocame Ha ahaato ama Tukaraq iyo Laascanood dhammaan Waa dad Reer Somaliland ah.
Opslaet af Maxamed Ali pa 4. februar 2018
storvideo: 

12 Tallaabo oo taariikhi ah oo la qaaday 12-kii...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Akhristeyaasheena sharafta leh, halkaan waxaa idin kuugu soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa 12 tallaabo oo Taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay qaaday12-kii bilood ee la soo dhaafay.HESHIISKA SOCDAALKA EE SOOMAALIYA IYO KENYA.
Heshiiskaan ayaa meesha ka saaray dhibaatadii Dadka Soomaaliyeed ay ku qabeen garoonka diyaaradaha ee Wajeer oo lagu sii baarijiray.MAAMULKA HAWADA SOOMAALIYA.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guulaysatay in maamulka Hawada Soomaaliya loo soo wareejiyo Muqdisho kaddib mudo dheer laga maamulayay Dalka Kenya.
SOO DAYNTA MAXAABIISTA.
Waalidiin badan ayaa nasiib u yeeshay inay arkaan eheladooda oo mudo dheer ku xirnaa Wadamada Itoobiya iyo Hindiya, iyagoo dowladda kaga mahad celiyay talaabada taariikhiga ah.SOCDAALKA NABADDA.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Safarka Nabadda oo qaatay 17-maalmood ku maray qaar ka mid ah Gobalada Dalka, iyadoo Safarkaas uu muujiyay kalsoonida dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladda.
SHARCIGA ISGAARSIINTA.
Sharciga Isgaarsiinta Waddanka oo mudo dheer soo jiitamayay ayay dowladdu sanadkii ugu horayeeyay ku guulaysatay in la ansixiyo.MUSUQMAASUQA
Musuqmaasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo dowladnimada ayay dowladdu aad ugu dadaashay in xididada loo siibo, iyadoo uu aad u sareeyo dabagalka iyo isla xisaabtanka.DHAQAALAHA
Kobaca dhaqaalaha oo as aas aaska horumarka bulshada ayaa shaqo badan la galiyay, iyadoo la dhisay Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha dhaqalaha ee dalka, kuwaasi oo ka shaqaynaya Kobcinta dhaqaalaha.BIXINTA XAQUUQDA.
Dhammaan Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa si joogta ah, xiligeeda ugu helay mushaaraadka iyo Xaquuqda ay dowladda ku lahaayeen.SUGIDA AMNIGA.
Samaynta Ciidanka Xasilinta iyo isla xisaabtanka hay'adaha dowladda ayaa aas aas u noqday qorshaha sugidda amniga.TAYADA CIIDANKA.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu shaqo badan geliyay sidii loo tayayn lahaa ciidanka Qalabka sida iyo sidii loogu dhiirigelin lahaa Shaqada ay u haayaan wadanka.GURMADKA ABAARAHA.
Qorsha dowladda ee ahaa anaga ayaa isku gurman karna, oo isku xiray dowladda iyo shacabka ayaa noqday gurmad taariikhi ah oo si deg deg ah loogu caawiyay dadkii ay abaaruhu saameeyeen.GAROONKA ADAN CADDE.
Dowladdu waxay ku guulayasay markii ugu horaysay tan iyo bur burkii in Garoonka Adan Cadde uu shaqeeyo xili Habeen ah.Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Warbixintaan.
storvideo: 

AKHRISO: Qaraxyada iyo dilalka dhacay sanadkii ay...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Magaalada Muqdisho ee - Somalia ayaa waxaa ka dhacay Qaraxyo iyo dilal kala duwan tan iyo markii 8 February 2017 la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Qaraxyada iyo dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u badnaa kuwo ay taargeedkoodu ahaayen shaqsiyaad ka tirsan dowlada.
Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha ayaa u badnaa kuwo miinooyin, waxaana xusid mudan in Qaraxyada waaweyn ay ahaayen ilaa 4 Qarax oo taariikhi ah.
Dilalka ugu badan ee mudada uu dooran yahay Madaxweynaha Somalia ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u badnaa kuwo loo geysgtay shaqaale dowladeed waxaana barbar socday kuwo lagu fulinaayay gaadiid raaxo oo lagu hor jaraayay gaadiidka ay la socdaan shaqsiyaadka ay muhiimka u arkayeen Shabaabka.
HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA IYO DILALKA KA DHACAY MUQDISHO TAN IYO MARKII LA DOORTAY FARMAAJOQARAXYADABishii March: Waxaa dhacay (8 Qarax)Bishii April: Waxaa dhacay (11 Qarax)Bishii May: Waxaa dhacay (9 Qarax)Bishii June: Waxaa dhacay (10 Qarax)Bishii July: Waxaa dhacay (13 Qarax)Bishii August: Waxaa dhacay (7 Qarax)Bishii September: Waxaa dhacay (6 Qarax)Bishii October: Waxaa dhacay (9 Qarax)Bishii November: Waxaa dhacay (8 Qarax)Bishii December: Waxaa dhacay (8 Qarax)Bilihii Sanadka 2018 waxaa ilaa iyo hadda dhacayBishii January: Waxaa dhaca (11 Qarax)Bishii February: Waxaa ilaa iyo hadda dhacay (1 Qarax)

(Isku darka 101)

DILALKA DHACAY TAN IYO MARKII LA DOORTAY DOWLADA SANA JIRSATAYDILALKA Bishii March: Waxaa dhacay (8 Dil)Bishii April: Waxaa dhacay (24 Dil)Bishii May: Waxaa dhacay (13 Dil)Bishii June: Waxaa dhacay (11 Dil)Bishii July: Waxaa dhacay (8 Dil)Bishii August: Waxaa dhacay (10 Dil)Bishii September: Waxaa dhacay (21 Dil) oo 5-kamid ah loo adeegsaday gaadiid lagu hor jaray Gaadiid kale.Bishii October: Waxaa dhacay (8 Dil) 1Bishii November: Waxaa dhacay (11Dil)Bishii December: Waxaa dhacay (12 Dil)Bilihii Sanadka 2018 waxaa ilaa iyo hadda dhacayBishii January: Waxaa dhacay (8 Dil)Bishii February: Waxaa dhacay (2 Dil)

(Isku darka 136 Dil)

- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Qoolka Saboolnimada

$
0
0

Qoolka SaboolnimadaMarka waxsoosaarkaagu aad u hooseeyo waxa uu kugu hoggaamiyaa dakhli aad u hooseeya. Dakhliga dhabta ah ee hooseeya macnihiisu waa tashiil hoose. Heerka tashiilka hooseeyaana waxa uu kugu hoggaaminayaa maalgashi hoose. Haddaan si kale u qoro, Soomaalilaand dhulka waxsoosaarka beer-qodashada ku fiicani waa 10%. Laakiin wakhtigan aynnu ku jirno 3% qudha ayaa la beertaa oo aan waliba sifiican looga faa'iidaysan. Halka7% uu dhul beereedku wali dihin yahay oo aan far la saarin. Dhinaca waxsoosaarka Kalluunkana marka aad eegto kaba sii daran, oo halka ay ahayd sannadkii in aynnu soo saarno 40,000 oo tan, waxa aynu soo saarnaa in ka yar 13,000 oo tan, taas macneheedu waxa weeyaan in marka 4 meelood loo qaybiyo in aynnu soo saarno hal meel intii la rabay. Waaxda kalluunku dakhliga qaranka ee guud waxa ay ku dartaa wax ka yar 2%, balse haddii sida ugu habboon looga faa'iidaysan lahaa kheyraadka kalluunka sannadkii waxa ay ku dari lahayd 100 Malyuun oo Doollar.Biyaha dooxyada, macdanaha, shiidaalka iyo kheyraadka kale, waxsoosaarkoodu aad ayuu u hooseeyaa oo 1% ka mid ah lama isticmaalin, lagamana faa'iidaysan. Su'aasha meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay si qoolka saboolnnimada la is kaga furo maxaa hor taagan in si hufan oo wanaagsan looga dheefo kheyraadka dalkeenna? Weyddiintan jawaabteeda waxa aynnu ugu tagi doonnaa qaybaha dambe ee qormadeennan iyo labada gabay ee Gudgude iyo Tiigaal tuducyo ka mid ah oo halkan aynnu ku soo qaadan doonno.Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa'iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo. Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale.Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho tirin, waxaanay si xeel fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen sababaha keena qoolka saboolnnimda iyo siyaabaha looga bixi karo. Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Mar uu ka hadlayay sababaha keena iyo sida looga bixi karo qoolka ama giraanta saboolnnimada, ayaa isaga oo qaab su'aaleed u dhigaya waxa uu weyddiiyay madaxdii berigaa dalka xukumaysay. Horreyso iyo danbaysa ba lama hayo wali cid si ficil ah uga jawaabtay weyddiintaas, ilaa iyo inta laga war celinayo, lana fara galinayo arrintaa abwaanku ka hadlay muddo haatan laga joogo (ku dhowaad afartan sano), wuu jirayaa faqrigu. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo."Biyaha tacab qasaarka u lumiyo, wabi taraar dhaafayIlaha dahabku wada tuullanyiyo, talaxa baatroolkaToddobaatan jaad oo macdana, oon ninnaba taabanTacliin iyo farsameyga dhiman, lagaga tuujaayeDadkuna baylahdaa wuxu u tirin, nimay ku taallaayeTag xumaanta gaajadu waxay, nooga tagi weydey"- Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Mareegta www.weedhsan.com)Abwaan kale oo Soomaaliyeedna waxa uu yidhi:Muruqiinna maalooDhulka midho ku beertooMacdanta, dahabkaMuujiya wanaagga.
"Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeedaInta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!"!!- Abwaan Hadraawi (HAL KARAAN, 1993)Wax aqoon ah haddii aan lagala hadhin sooyaalka dhacdooyinka ama taariikhda waxa maalin kasta dhacaya, ha noqdeen kuwo siyaasadeed, dhaqaale, deegaan iyo bulsho, way adag tahay in la gaadho guul, badhaadhe, barwaaqo, hodantinnimo iyo horumar inta ba.Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka waxsoosaar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.Dadku waa gundhigga iyo qaybta ugu muhiimsan ee horumarka, laakiin noloshooda iyo deegaanka ay ku nool yihiinba waxa ay u baahan yihiin horumar. Ummadaha ku guul darraysta in ay aqoonsadaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo kheyraadka way ku guul darraystaan in ay fahmaan qaabka dhismaha iyo hannaanka geeddi socodka himilooyinka horumarka dhaqaale.Si looga gudbo la iskagana furo qoolka saboolnnimada ama faqriga, waxa loo baahan yahay dedaallo badan oo ka yimaadda dadweynaha iyo dawladda, kuwaas oo ku waajahan sidii maalgalin ballaadhan loogu samayn lahaaa waxbarashada, caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha. Waayo, kordhinta iyo kobcinta waxbarashadu waa waxyaabaha ugu horreeya ee saameeya horumarinta raasamaalka dadka, waxaanay suurtagal ka dhigtaa samaynta tiirarka ugu muhiimsan ee horumariya kheyraadka dadka.Waxa kale oo ay tacliintu korisaa tayada iyo hawlkarnimada shaqaalaha iyo awoodaynta shaqaalaha xirfadda leh, si ay u maamulaan horumarka tiknoolajiyadda ee dal leeyahay. Sida aynnu hore u soo xusnay waxaa loo baahan yahay maalgalin xooggan si loo siiyo shaqaalaha tababar u sahla ka qayb qaadashada shaqada, diyaarinta adeegyada tababarka, qabatinka farsamooyinka gacanta laga qabto iyo u fidinta duruus xirfaddiisa xoojiya.
Axmed Cabdillaahi Cumar "Diini"Hargiesa SomalilandDiini129@gmail.com0633030031
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kulan kula qaatay...

$
0
0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa ka mid [...]
storvideo: 

Duqaymo daran oo ka dhacay dalka Suuriya

$
0
0

Ugu yarraan 23 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duulaan cusub oo xag cirka oo dowladda ay ku qaaday deeganada go’doonsan ee mucaaradku ay haystaan

Duqaymo daran oo ka dhacay dalka Suuriya

$
0
0

Ugu yarraan 23 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duulaan cusub oo xaga cirka oo dowladda ay ku qaaday deegaanada go'doonsan ee mucaaradku ay haystaan
Kooxaha wax badbaadiya iyo kooxaha korjoogayaasha ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen barriga Ghouta
Weerarkan ayaa dhacay maalintii arbacada ahayd waxaana ku burburay deegaano badan oo halkaasi ku yaallay
Waxaa weeraradani ku dhintay dad gaaraya 130 qof tan iyo markii la bilaabay Isniintii la soo dhaafay
Qaramadda Midoobay ayaa xaaladan ku tilmaamtay mid aad u darran waxayna dalbanaysaa kaalmo in la sameeyo.
Dad gaaraya afar boqol oo kun oo qof ayaa ku xaniban bariga magaaladda Ghouta halkaasoo ay dowladdu go'doomisay ilaa sanadkii 2013-kii
Waxaa jira cuno la'aan iyo shidaalka dawada. lix boqol oo qof oo xanuunsana oo dhaawac ahna waxay u baahan yihiin in loo gargaaro
Talaadadii la soo dhaafay ayaa ahayd maalin si darran loo duqeeyey deeganadaasi sideetan qof ayaana la dilay oo 21 ka mid ah ay caruur yihiin
Magaaladda Beit Sawa kaliya waxaa lagu dilay 10 qof sided kalena waxay ku dhinteen magaaladda Hamouriya
storvideo: 

Jarmalka : Waxaa la gaarray heshiis dowlad-wadaag ah

$
0
0

Xisbiyada Jarmalka ee ay wadahadalada dowlad-wadaag ah u socdeen ayaa ugu dambayn heshiis kaamil ah wadagaaray

Jarmalka : Waxaa la gaarray heshiis dowlad-wadaag ah

$
0
0

Xisbiyada Jarmalka ee ay wadahadalada dowlad-wadaag ah ay u socdeen ayaa ugu dambayn heshiis kaamil ah wadagaaray
Xisbiga Angela Merkel ee CDU iyo xisbiga kale ee SPD ayaa gaaray isafgaradan oo mudo dheer la iskumari la'aa
Waxaa lagu heshiiyey wasiiro la wadaagayo qodobkaasoo ahaa mid si weyn la isugu hayay mudo dheerna jiitamayay
Tilaabadani ayaa dhamaynaysa ismariwaa afar bilood soo jiitamayay ka dib markii ay dhacday doorasho cidna aysan ku guullaysan
Balse weli waxaa loo baahan yahay in heshiiskan ay ansaxiyaan xubnaha xisbiga SPD oo cod u qaadi doona heshiiskan
Angela Merkel oo heshiiskan ka hadashay ayaa sheegtay inuu yahay mid wanaagsan oo dowlad degan abuuraya
Xisbiga SPD ayaa yeellanaya lix wasiir oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada iyo maaliyada
Hadii ay ogolaadaan heshiiskan xubnaha xisbiga SPD waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha Maarso labadeeda
Arrimaha sidoo kale hareeyey wadahadaladan mudada socday waxaa ka mid ah arimaha shaqaalaha iyo qaxootiga soogalootiga ah
storvideo: 

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo...

$
0
0

Hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 44 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar isla markaana loogu tartamayey siddeed boos ama jago oo ka bannaan qaybo mid ah Wasaaradaha iyo Hay'adaha ka faa'iidaysanaya Mashruuca tayaynta hay'adaha dawladda ee Baanka adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland.
Jagooyinka cusub ee ka bannaan hay'adaha ka faa'iideysanaya mashruuca ayaa dhammaantood waxaa loo qaadanayaa agaasime waaxeeddo kuwaas oo qorshohoodu yahay dardar gelinta shaqa, waxaana kamid ah xarumaha ay ka hawl-geli doonaan shaqaalahaani Wasaaradda Shaqada, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Bangiga Dawladda.
Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah taas oo la isticmaalayey Kumbutuuterro si loo ilaaliyo bed-qabka iyo xaqiijinta hufnaanta imtixaanka isla markaana loo ilaaliyo kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin metelayey dhammaan xarumaha shaqaalaha loo qaadanayo.
Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday taas oo beryihii hore ay ka muujin jireen tuhun ama mad-madow.
The post Hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo qaadday Imtixaanka agaasimeyaal cusub appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Justice eludes rape victims in Somalia’s Puntland: campaigners

$
0
0

Women and girls in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland who accuse police, army and marines of raping them are not receiving justice, campaigners said on Tuesday.
Activists from the Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD) said no one has been charged in three cases of rape which have been reported to the police since December, in which security forces are suspected of involvement.
“We have seen an increase in cases of sexual violence that is sadly being perpetrated by persons suspected to be members of the police force,” said Hawa Aden Mohamed, director of GECPD, which is helping the women and girls involved in the cases.
“A law was passed on sexual offences, but it remains on paper, and is not being enforced. Police and investigators are not very aware of it, and even judges continue to ignore it.”
A senior police official in Puntland denied the allegations.
“Puntland is against rape. Any soldier who rapes is jailed and tough measures are taken against him,” said Osman Hassan Awke, Puntland’s deputy police commissioner.

“We are investigating the rape cases in Galkayo and any civilian or soldier found to be guilty of rape will face severe punishment,” he told the Thomson Reuters Foundation.
Rape is pervasive and often goes unpunished in much of Somalia where rape victims are traditionally forced to accept compensation and marry their assailants in a centuries-old practice designed to end war between rival clans.
GECPD said it had documented victims’ testimonies and helped them to file complaints, as well as providing counseling.
In December, a 16-year-old girl with mental disabilities was gang-raped by four men suspected to be from the Puntland Maritime Police Forces in the coastal town of Garacad, it said.
The suspects were arrested but later set free after swearing on the Quran to deny the charges, while the victim was told she needed four witnesses in order to press charges, GECPD said.
The same month, a 29-year-old woman living in a camp for displaced communities in north Galkayo reported to the police that she was raped at gunpoint by a man wearing a military uniform, but no action was taken, GECPD said.
In the third case, four women were abducted from a settlement in Galkayo in January by eight armed men – some of whom they identified as local policemen – and two were raped, the campaign group said.
One man was arrested, then later released, it said.
Somalia’s northern Puntland region passed a landmark law in 2016 criminalizing sex crimes such as gang rape but campaigners say police in the conservative region are either unaware of it or do not see violence against women as a serious crime.

Police training is needed to ensure investigations and bring perpetrators to book, they said.
“Rapes are often not reported,” said Brendan Wynne from New York-based Donor Direct Action, which supports rights groups.
“When they are, the criminal justice system is often not able to deal effectively with the case either because of logistic issues such as gathering forensic evidence or feeding a suspect in custody, or because of a lack of knowledge.”
The post Justice eludes rape victims in Somalia’s Puntland: campaigners appeared first on Shabelle.

Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 07-Feb-2018 waxa Kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating.
Madaxweynaha dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa shirka Amniga qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho, iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan qaran oo la wareega dhamaan amniga soomaaliya.
Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo buxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaliyeed.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Danjire Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay doorashooyinka Puntland iyo sidii ay waqtigooda ugu qabsoomi lahaayeen iyo sidii Puntland loogu jiheen lahaa hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod, kaasi oo ah waddada kaliya ee loo mari karo in la helo xasilooni iyo daganashio siyaasadeed oo dhabaha u xaadhi karta hormar.
Danjire Michael Keating ayaa dawaladda Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay Nabada, iyo xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara colaadaha soo noq noqday ee ka jiray qayba ka maida gobolka Mudug,sidoo kalana Danjire Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in la tix galiyo lana ix tiraamo wada nolanshaha iyo isdhex galka bulshada.
Ugu danbeen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa calamka uga mahad celiayay dawrka muhiimka ah oo ay ka qaadato arimaha soomaliya kulana dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii soomaaliya cagaheeda isgu taagi lahayd uguna yeelan lahay dawr muuqda beesha caalamka..
=DHAMMAAD=XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo u magacaabay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):-Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Iidaan Yoonisa yaa maareeyaha Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta u magacaabay Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure,isagoo xilkii ka qaaday maareeyayaashii hore ee Golaha Murtida.
Sidoo kale sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta ahna ku xigeenka ayaa Cabdikariim Faarax Qaareey u magacaabay maareeye ku xigeen Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta.
Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa hore loo dhihi jiray iyadoo hadda loo bixiyey Golaha Murtida iyo Wacyigelinta.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous article12 Tallaabo oo taariikhi ah oo la qaaday 12-kii bilood ee la soo dhaafay "Daawo"

storvideo: 

Mahad naq ka socota Qoyska reer Uurcad

$
0
0

8th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Todobaadkii hore waxa magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku geeriyootay Allah ha u naxariistee Hooyadayo Weris Maxamuud Nuur oo ahayd hooyo qaali ah, muuminad ah oon la iloobi karin, dadkii yaqaanayna ay wada qireen . Waa geeri murugo badan duco iyo samir ayaa nala gudboon Ilaahayna ka baryaynaa
Reer Cabdulaahi Uurcad haddaan nahay waxan mahad naq weyn u gudbineynaa dhamaan Ehelkii, Asxaabtii, iyo dadka Somaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka ee nala qaybsaday murugada. Gaar ahaan Qaraabadayada ku nool magaalada Muqdisho
Waxanu si gaar ah uga mahad naqaynaa Siciid Qorsheel, Xildhibaan Siciid Daahir, Xildhibaan Daahir Xaaji Geele iyo Cabdinaasir Saalax Algore. Waxaan kale oo aan u mahad naqaynaa Golaha ay ku midaysan yihiin Bulshada reer Carmale iyo Damalo Xagare, golaha SSB Origibal iyo Bulshada ku midaysan golaha Badbaado Maakhir.
Ugu danbayntii waxaan u mahad naqaynaa Qaraabadii, asxaabtii nooga soo tacsiyadeesay aaladda Internetka haddii ay ahaan lahayd Emailo, Facebook, Twitter iyo whatsup
ALLSANAAG.COM
Post navigation
- Madaxweynaha Khaatumo Oo Gaadhay Jiida Hore Tukaraq, Marabbidu ciddi wax ma waydiiso -
storvideo: 

Xukumo Gaadhaya 5 ilaa 14 sano oo xabsi ah oo lagu...

$
0
0

Maxkamad milatariga Ruushka ee Waqooyiga Caucasus ayaa xukuntay 9 xubnood oo ka tirsan koox hubaysan oo ka hawlagalaayay Jamhuuriyadda Ruushka ee Ingushetia si ay ciidamada amniga ee Ruushka u weeraaraan sannadkii 2016.
Unugtana ayaa iskugu yeedhay "Gulgash State", kuna dhawaaqay inay daacad u yihiin ururka Daacish.
Baadhitaanku wuxuu shaaca ka qaaday in xubnahani ay ku lug lahaayeen falal argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Ingushetia, oo ay ka mid yihiin toogashada askar Ruushka ah xilligii dayrta 2012 iyo diyaarinta ismiidaamin ay ka fuliyaan mid ka mid ah magaalooyinka Ruushka Sebtembar 2013, iyo sidoo kale weerarrada booliska iyo amniga.
Maxkamadda ayaa xubnahn ku riday xukumo kala duwan oo u dhaxeeya xabsi 5 illaa 14 sano.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live