Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ruushka Oo bilaabaya in la masaafuriyo shaqaalaha...

$
0
0

Safiirka Ruushka u fadhiya Pyongyang Alexander Matsuura ayaa sheegay in Ruushku uu isku raacay in uu masaafuriyo shaqaalaha muhaajiriinta ah ee Waqooyiga Kuuriya dalkooda.
"Tani waxay noqon doontaa dhirbaaxo weyn oo ku timaadda dhaqaalaha Ruushka, gaar ahaan Bariga fog, laakiin waxaan naga go'an inaan hirgelinno go'aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay," Matsuigora ayaa ku sheegay War ay ka soo xigatay Wargeyska New York.
Sida laga soo xigtay danjiraha, Ruushka sannad walba waxa u soo dhoofa inta u dhaxaysa 12 iyo 15,000 oo shisheeye waqooyiga Kuuriya u dhashay oo intooda badan la siiyo Dalku galka shaqo ku-meel-gaadh ah, isaga oo intaa ku daray in tirada shaqaalaha Waqooyiga Kuuriya ee Ruushka aan ka badnayn 37 kun oo qof.
Waxa uu sheegay in qurba-joogta reer Waqooyiga Kuuriya ay ka shaqeynayeen Ruushka oo ay ku filiqsan yihiin , inta badan waa shaqaalaha dhismaha, qaar ka mid ah waxay ka shaqeeyaan dhirta wax soo saarka kalluunka iyo beeraha ee Bariga fog ee Ruushka.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushku waxay sheegtay in ugu danbeyntii la go'aamiyay in masaafurinta lagu fulin doono 24 bilood gudahood, iyada oo aanay saamayn doonin kuwa Haysta Joogitaanka Rasmiga ah iyo kuwa aanay ogolayn sharciyada qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Qubanaha VOA, Feb. 08, 2018

Haweenay isa soo miidaamisay oo isku qarxisay dugsi...

$
0
0

Haweenay isa soo miidaamisay oo xidhnayd suunka ismiidaamiyaha ah ayaa maanta ka dhacay iskuul aanay ardayi joogin oo ka tirsan degmada Tarmiyah oo waqooyiga Baqdaad.
Madaxa howlgalada Ciraaq, Major General Jalil Al-Rubaie, ayaa sheegay in kadib markii ay heleen sirdoon la xidhiidha ismiidaamiyahan ayna hareereeyeen uu is qarxiyay si aanu ugu dhicin gacanta bilayska.
Al-Rubaie ayaa intaa ku daray in ay qorsheyneysay in ay isku qarxiso mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee Ciraaq, howlgalkuna uu waxyeelo u geystey iskuulka iyada oo aan wax dhibaato dad ah geysan.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

QM “Al-Qaacidda waxa ay ku xoog badan tahay...

$
0
0

Ururka Al-Qaacidda ayaa meelaha qaar ee Caalamka waxa uu ku leeyahay awood badan, wuxuuna ka xoog badan yahay kooxda yare ee Daacish, sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ay saareen khubaro ka tirsan Hay'adda Qaramada Midoobay.
Waxa ay sheegtay Qaramada Midoobay in ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay kooxda Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in Al-Qaacidda ay awood ka badan midda kooxda Daacish ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koonfurta Aasiya, waxaanala la aaminsan yahay in Ururada xiriirka la leh Al-Qaacidda ay ka badan yihiin Daacish.
Sidoo kale waxaa la sheegay Ururka Al-Qaacidda uu halis ku yahay wadamo badan, oo magacyadooda aanay Qaramada Midoobay shaacin, kuwaasi oo ku yaalla Caalamka.
Warbixinta Qaramada Midoobay oo aheyd mid dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weeraro culus oo ay dalalka caalamka ka fuliso, si awoodeeda urureed ay u muujiso.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saakay xiran 

$
0
0

Magaalada Muqdisho maanta waxaa looga dabaal degayaa 8-da Febraayo oo ah maalinkii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Sidaasi awgeed ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, si aanay u dhicin arbushaad inta ay socdaan Munaasabadaha lagu xusayo maalintan.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Isgoysyada Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Tarbuunka, Taleex, iyo goobo ka mid ah wadada Maka Al-mukarama oo Ciidamada ay gaadiidka u diidayaan.
Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu dadiyay wadooyinka Muqdisho, Ciidamada ayaa gaadiidka u diidaya in wadada Maka Al-mukarama ka soo galaan dhanka jid cadayaasha.
Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ee u shaqa taga magaalada ayaa saakay waxa ay isticmaalayaan lugtooda, iyada gaadiidka dadweynaha iyaguna ay marayaan wadooyinka qardajeexa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay sheegay in aanay jiri doonin wado la iska xiro, balse taas mid ka duwan ayaa hada muuqata, waxaan wadooyinka la iska xiraa maalinkii laba jeer.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo tababar u...

$
0
0

Akadeemiyad goboleedka Af- Soomaaliga ayaa 50 dhallinyaro ah u qabatay tababar ku saabsan habeynta qoraalka Af Soomaaliga. Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga ee "AGA" ayaa tababar ku saabsan habeynta Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisaba u qabatay 50 dhalinyaro ah oo daneeyneysa Akhriska iyo qoraaka Afkeena hooyo. Gudoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Hilin iyo Hayaan C/qaadir Cabdi [...]
storvideo: 

Walaac xoogan oo laga muujinayo Canshuuro lagu kordhiyay Garoonka iyo Dekedda Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaaan shaacisay in Canshuuro ay ku rogtay Badeecooyinka Ganacsatada Soomaaliyeed ay kala soo dagaan Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrintaasi oo ay sheegeen in ay ku yeelatay saameyn xoogan.
Cali Dhoore oo ka mid ah Ganacsatadaasi ayaa xusay in loo baahanyahay in Wasaaradda Maaliyadda ay si siman Canshuuraha ugu rugto dhammaan Dakedaha ku yaalla gudaha Soomaaliya.
Waxaana uu carabka ku dhufay in ay muhiim tahay in Ganacsatada Muqdisho, aan lagu soo rogin lacago dheeraad ah, basle loo baahan yahay in lagu kordhiyo dhammaan Ganacsatada Soomaaleed.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dhoore-1.mp3
The post Walaac xoogan oo laga muujinayo Canshuuro lagu kordhiyay Garoonka iyo Dekedda Muqdisho appeared first on Shabelle.

Qarax ay Askar ku dhinteen oo ka dhacay M/ Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar Koontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Beerta Aadan Seeraar ee duleedka degmadaasi Afgooye.
Ilo deegaaka ah ayaa sheegay in qarxaasi ay ku dhinteen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidmada dowladda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan qaraxaasi.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa baraha Internet-k ku baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa iyo 5 askari oo ka tirsnaa Ciidamada milateriga dowladda, sida ay hadalka u dhigeen
Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
The post Qarax ay Askar ku dhinteen oo ka dhacay M/ Afgooye appeared first on Shabelle.


Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “5...

$
0
0

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa "5 Arrimood oo aynu adayga iyo dhibaatooyinka nolosha ka baran karno"Qofkasta oo adduunkan ku nool waxa soo gaadha dhibaatooyin fara badan . Dhibaatooyinkaas oo caqabad ku noqda hiigsigiisa , saamayn ku yeesha go'aamadiisa , kuna keeni kara niyad-jab iyo werwer joogto ah.Dhibaatooyinkaas qofku marka uu aaminsan yahay inaanay marnaba nolosha ka maqnayn, una arkana inay yihiin qaar uu casharo ka baran karo. Walibana bulshada inteeda kalena ku dhiirigaliyo inay dhibaatooyinka La soo darsa u arkaan cashar iyo inay yihiin qaar ka mid ah sunnaha nolosha adduunyo, waxa uu noqonayaa mid ka badbaadiyay naftiisa iyo bulshadaba arrimaha kor ku xusan ee ka dhasha imtaxaanada adduunka.
Casharada laga baran karo dhibaatooyinka nolosha inaga hor-yimaada waxa ka mid ah:1- Dhibtan kugu dhacday lagama yaabo inay dib kuugu dhacdo. Waayo dhibtani inta aanay kugu dhicin ka hor maad filaynin inay kugu dhacayso , ama maad garanayn sidaa ugu wanaagsan ee loo xalin karo ama looga hortagi karo. Tusaale ahaan waxa kaaga dhacay ama lagaa xaday mobilekaagii adiga oo bas saaran. In mobile-kaagu baska dhexdiisa kaaga dhici doono ama adiga oo aan dareemayn lagaa saari doono maad filayn. Waxaad garawsatay muddo kadib in dhacdadaasi sabab u ahayd surwaalkaaga oo ahaa mid jeebkiisu balaadhnaa oo mobileku ka dhici karayay adiga oo aan dareemayn markaad fadhiisato!Sidaa darteed inaad isku daydo inaad ogaato sababta kugu keentay dhibtan iyo sidii mustaqbalka looga hortagi lahaa ayaa ka wanaagsan, inaad murugo iyo niyad-jab kaga jawaabto.
2- Wakhtiga ka soo wareega markay dhib kugu dhacdo waa mid kaa caawinaya inaad ilawdo dhibtii kugu dhacday ama xal u heshid. Waqtigaas ka soo wareegay waa mid aynu ku baran karno sabirka iyo u adkaysiga dhibaatooyinka. Waqtigaasi waa mid inaga caawin karaa inaynu u helno xalal kala duwan dhibtan inala soo dersatay.
Waxa jira dhibaatooyin fara badan oo inala soo dersa oo aynu isla markiiba xal u heli kari wayno , dhibaatooyinkaas oo aynu muddo ka dib u aragno qaar iska caadiya , ama muddo ka dib aynu xal macquul ah oo xalin kara dhibtan aynu helno. Tusaale ahaan sicir bararka ka jira SOMALILAND waa mid qoyska AXMED saameeyay , laakinse markii wax laga qaban waayay in muddo ah , AXMED waxa uu isku dayay ama uu ogaaday sidii uu isagu naftiisa iyo qoyskiisa sicir bararkan oo jira ay haddana noloshooda u maarayn lahaayeen. Taasna waxa keentay muddadii badnayd ee dhibtani jirtay . Wakhtigaas oo dawo iyo cashar u noqday sida ay qoyskaasi uga bixi lahaayeen dhibtaasi.
3- Xaaladuhu waa ay is bedelaan . Qofku waa inuu aamino inay xaaladaha noloshu is bedelaan. Murugada , farxada, werwerka iyo niyad-jabku waa qaar ay keenaan xaaladaha inaga hor imanayaa.Dadka intooda badanina waa qaar jecel inaanay xaalduhu is bedelin. Dadku waxay jecel yihiin nolol ay ka hor imanayso kaliya waxyaabaha ay jecel yihiin ama nolol ay saadaalin karaan dhibaatooyinka ka hor iman kara. Laaakinse casharka aynu ka baran karno dhibaatooyinka iyo xaaladaha nolosha ee is gad-gadiyayaa waa:* Inaynu aragno in isbedeladan iyo dhibaatooyinkan inaga hor imanayaa ay yihiin qaar ay la socdaan fursado iyo nolol cusub oo ka gedisan noloshii hore ee aynu ku noolayn. Tusaale ahaan waxaad waxbarasho u aaday waddan kale , waxaad aragtay dhaqan ka gedisan kaad hore u taqaanay , waxa kugu qasab noqotay inaad barato luuqad kale , IWM. Laakinse waxaad ka faa'iday dhibaaatooyinkaas inaad noloshaadii ka saartay deegaankii ay taqaanay ee ay saadaalin karaysay dhibaatooyinka ka hor imanaya , tagtayna waddan ay adag tahay saadaalinta dhibaatooyinka ka hor imanaysa. Sidoo kalena ka heshay fursado badan iyo waayo-aragnimano aad ka faa'idi karto mustaqbalka.
* Tusaale kale oo kooban , dhaqanka diinteenu dhiirigalisay ee ah In subaxii xilli hore la kacno ay sunno tahay. Waa mid dhib iyo xaalad cusub ku ah qofka aan xilligaas kici jirin. Waayo hurdada macaan iyo caadadan uu bartay ayaa ka hor istaagaysa. balse wakhti ka dib dhibtani waxay noqon doontaa mid ku caawisa inuu helo fursado iyo wakhti uu arrimo badan ku qabsan karo.
4- Dhibaatooyinka inaga hor imanaya nolol maalmeedkeenu waa qaar kalsoonideena kordhin kara. Kalsoonidan oo ka imanaysa ka gudbista imtaxaano ALLE markii hore uu doonayay in uu ku tijaabiyo inaad noqon karto ama aad tahay qof adkaysi leh oo isku daya markasta inuu baadho siyaabo uu tijaabadan kaga gudbo karo. Sidaa darteed kalsoonidan aad ka heshay ka gudbida imtaxaanadan kala duwan iyo sabirka aad la timid. Waa qaar kaa yaraynaya wer-werka iyo cabsida aad ka qabto inay dhibaatooyin kale kugu yimaadaan mustaqbalka.
Waxa hubaal ah in dhibkasta oo aynu la kulanaa ay yihiin qaar derajooyin leh , oo ay midkastaa ta kale ka culus tahay xalinteedu ama ka fudud tahay. Waxaana suurtagal in marka hore aynu ka shakino awooda aynu u leenahay xalinta dhibtan, laakinse waxaynu arki doonaa in dhibkasta iyo imtaxaan kasta oo aynu ka gudubno. Aynu ka heli doono kalsooni aynu ku xalino dhibta kale ee ku xigta . Tusaale ahaan qofka shan jeer shaqo laga eryay ee haddana markasta shaqo helayay, waa uu ka fursad, waayo-aragnimo iyo kalsooni badan yahay inuu shaqo helo mar lixaad haddii la eryo ama uu ka tago isagu shaqadaas. Marka la bar-bardhigo qof markii u horaysay shaqo laga eryay ama ka tagay!
5-Cabsida iyo werwerka la socda dhibaatooyinka addunku waxay ku barayaan naftaada. Sida saxda ah marka ay xaaladuhu kugu adkaadaan cida aad caawimo bidaysa marka hore waa ALLE iyo naftaada. Xilliyadan waxaad naftaada weydiinaysa waxay aqoon hayso ee ku saabsan dhibtan , cid khibrad u leh arrinkan inay garanayso iyo inaad ku dedaasho in aanay dhibtani kugu keenin wer-wer joogto ah , niyad-jab iyo cadho keeni karta inaad dembi ku dhacdo sida inaad QADARKA wax ka sheegto. Sidoo kale imtaxaanada adduunka waxaad ku qiyaasi kartaa u adkaysiga aad imtaxaanada adduunka u leedahay heerka uu gaadhsiisan yahay. Tusaale ahaan qof ayaa waxa laga yaabaa inuu lacag yaraan ku sabiri karo laakinse ay ku adag tahay inuu ku samro xanuun adag oo haleela.
Gunaanadka maqaalka waxynu ku soo koobayna in dhibkasta oo inaga hortimaada aynu marka kowaad ogsoonaano in dhibaatadu ay tahay sunnaha noloshan adduunyo. Marka labaad in dhibaatooyinka aynu casharo kala duwan ka baran karno . Casharadaas oo aynu bulshadana ku caawin karno sidii ay uga hor-tagi lahaayeen ama ku xalin lahaayeen haddii ay dhibtaas aynu hore ula kulanay ay iyagana la soo dersato. Caawintaas oo aynu inaguna ajar ALLE kaga helayno. Marka saddexaad dhibaatooyinka iyo imtaxaanada inaga hor yimi iyo sidii aynu u xalinay , waa qaar aynu kalsooni aynu dhib kasta ku xalin karno ka korodhsan karno marka aynu bulshada la wadaagno. Sida ku cad maahmaahda Soomaaliyeed:"Ragu waxa uu ka sheekeeyaa bi'iisa dumarkuna badhaadha hooda."
Maqaalkan waxaan ka soo qaatay:The 12 Invaluable Lessons Learned Enduring Hardship and StressSherrie CampbellPsychologist, Author, SpeakerKala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:http://Www.Medium.com/@Kadim
Soo-jeedinDhibaatooyinka adduunyadan ku geedaaman ee wer-werka iyo cabsida inagu keena sidee looga bixi karaa?Ka daawo jawaabta su'aashan muxaadaradan qiimaha badan ee uu soo jeedinayo :SH MUSTAFE XAAJI ISMAACIIL.[embedded content]
storvideo: 

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Fannaanka Cabdi Cali...

$
0
0

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaaniintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi
Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Ilaahay Cimriga iyo Caafimaadkaba ha u barakeeyee Fannaanka weyn ee Caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu ka mid yahay kana mid ahaa haldoorka Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ragga ah kuwooda ugu horreeya, ugu codka macaan, ugu jilitaanka wanaagsan looguna jecel yahay heesihiisa. Dadka sida weyn ula socda una xiiseeya Fanka Soomaalidu waxa ay Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan ku xasuustaan hub-qaadkiisa, Masrax-jooggiisa wanaagsan iyo qaabka Jilitaan ee Riwaayadaha uu ka qayb galay wakhtigii Fanka Soomaalidu cirka marayay.
Fannaanka Codka Baxsan Cabdi Cali Bacalwaan oo markii noogu dambaysay ku sugnaa waddanka Jarmalka, burburkii Soomaaliya kadibna in muddo ah ku ku noolaa caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi ayaanu qormadan ku soo qaadan doonaa taariikhdiisaa faneed, riwaayadihii caan baxay ee uu ka qayb galay, qaar ka mid ah heesaha caanka ah ee Bulshadu sida weyn ugu taqaano ee uu ku luuqeeyey iyo Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Fannaanka, isaga oo Fannaankani ka mid ahaa tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa fannaaniinta iyo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.
Waa Kuma Cabdi Cali Bacalwaan, Halkee ku dhashay?, halkeese salka ku haysaa Naanaysta uu ku caan baxay ee Bacalwaan?, goorma ayuu dalka Soomaaliya ka baxay kadib sannadihii burburkii, muxuuse ka xasuustaa waayihiisa faneed?, dhammaan su'aalahaasi waxa si waafi ah uga jawaabi doona Fannaanka oo xogtan ku bixiyey waraysiyo kala duwan oo uu hore u bixiyey oo aan soo ururinay.
Ugu horrayn Cabdi Cali Bacalwaan oo ka hadlaya deegaanka uu ku dhashay iyo sababta magaca Bacalwaan loogu bixiyey waxa uu yidhi: "Waxa aan ku dhashay deegaanka Wardheer ee ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad. Magaca Bacalwaan ama naanaysta Bacalwaan, berigii aan dhashay ayuu ii baxay. Qoyska aan ka dhashay waxa ay ahaayeen qoys maal-qabeen ah. Markaa Haweenay baa aniga gaar la iigu qaybiyey oo aniga xanaanadayda iyo arrimahayga gaar la iiga dhigay oo I hayn jirtay oo waalidku ku yidhi inankaa gacanta ku hay oo hagaaji oo daryeel ayaa ii bixisay magaca. Markaa waxaan ahaa Ilmo yar oo buuran sida aan maqlay. Ilmaha buuqa iyo qaylada bandanna maan ahayn baa la igu yidhi. Kadib marka ay caanaha iyo cuntada I siiso ayaa waxa ay tidhaa Bacalwaan, Alla kani waa Bacalwaan. Bacalwaan Bac dheh. Sidaasi ayuu magacu iigu baxay. Bacalwaan oo islaantaasi I soo korisay ayaa ii bixisay. Waxa ay ahayd islaan reerkayaga la joogi jirtay. Waligayna illaa yaraantaydii illaa maantana isaga ayaa la ii yaqaanaa. Marka aan Wardheer ku soo koray anoo yar baan ka soo tagay waxaanan soo galay Magaalada Muqdisho oo aan ku barbaaray intii dambena aan noloshayda ku qaatay".
Intaa kadib Fannaanka weyn ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu innooga warramayaa wakhtigii ugu horraysay ee uu Fanka soo galo, sida uu ku soo galay iyo in marka horeba Fanku ahaa wax lubbigiisa ku lammaan oo ku suntan. Fannaanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Fanku waxa uu ahaa wax laabtayda ku jira. Fanaaniintii naga horraysay heesaha ay qaadaan ayuunbaan qaad-qaadi jiray oo aan jeclaa. Markaasaan iska dhigi jiray nin heesaa ah oo belaayo ah oo khatar ah. Intaan meelahaa xaafadaha dhexdooda fadhiisto ayaan heesaha qaadi jiray. Heesaha fanaaniintii naga horraysay ee aan idaacadda ka dhagaysto ayaan qaad-qaadi jiray. Kadib markii taariikhdu ahayd 1965-kii ayuunbaan maqlay tartan yar oo laga ogaysiinayo Raadiyow Muqdisho.
.....La Soco
--
Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)Hargeysa, SomalilandPhone: 252-063-4402360
facebook: maxamedilkacase
Skype: maxamedkhadar9
Advocator, Journalist and Human Rights Activist
LLB Law
storvideo: 

Qarax ay Askar ku dhinteen oo ka dhacay M/ Afgooye

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar Koontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Beerta Aadan Seeraar ee duleedka degmadaasi Afgooye.
Ilo deegaaka ah ayaa sheegay in qarxaasi ay ku dhinteen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidmada dowladda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan qaraxaasi.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa baraha Internet-k ku baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa iyo 5 askari oo ka tirsnaa Ciidamada milateriga dowladda, sida ay hadalka u dhigeen
Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
storvideo: 

Walaac xoogan oo laga muujinayo Canshuuro lagu...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaaan shaacisay in Canshuuro ay ku rogtay Badeecooyinka Ganacsatada Soomaaliyeed ay kala soo dagaan Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrintaasi oo ay sheegeen in ay ku yeelatay saameyn xoogan.
Cali Dhoore oo ka mid ah Ganacsatadaasi ayaa xusay in loo baahanyahay in Wasaaradda Maaliyadda ay si siman Canshuuraha ugu rugto dhammaan Dakedaha ku yaalla gudaha Soomaaliya.
Waxaana uu carabka ku dhufay in ay muhiim tahay in Ganacsatada Muqdisho, aan lagu soo rogin lacago dheeraad ah, basle loo baahan yahay in lagu kordhiyo dhammaan Ganacsatada Soomaaleed.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dhoore-1.mp3
storvideo: 

Jaaliyadda Soomaaliyeeed ee Sudan oo ka qeybgalay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Sudan(SONNA),,,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sudan ayaa ka qeyb galay bandhig Dhaqameed loo qabtay in ka badan 86 dowladood oo ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi.
Bandhig dhaqameedkani oo sanadkii mar lagu qabta magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalkane Suudaan ayaa waxaa sanadkan ka qeyb qaatay in ka badan 86 dowladood iyadoo sanad walba ay soo qabanqaabiyaan bandhigani golaha Saaxibtinimada Shacuubta, waxaana goobta lagu soo bandhigayay Bandhig dhaqameedka Jaaliyadaha ku nool Sudan goobjoog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, Jaaliyaddda iyo waliba qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Sudan.
Iyadoona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sudan ku soo bandhigeen goobta waxyaalaha Hiddaha iyo Dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, Taariikhda wadanka ,Cunnooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo waliba qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Cabdi Wali Xasan Xuseen oo ah muwaadin inta badan xil iska saara ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaatay Bandhig Dhaqameedkani ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dhaqankeena suubban.
Danka kale u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay meel walba ay joogan inay dhaqanka Soomaaliyeed soo nooleeyan.
Bandhigani oo sanadkii mar la qabto ayaa waxaa uu bandhigyadii horay ugu duwanaa inay ka soo qeyb galeen inka badan 86 Dowladood, iyadoo ay Dowlad walba goobta ku soo bandhigeysay waxyaabaha dhaqanka u ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleSiihayaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo u magacaabay Abwaan Guure maareeyaha Goloha Murtida iyo Wacyigelinta.

storvideo: 

Puntland oo ka Hadashay Doonidii ku Caarisey Boosaaso

$
0
0

Wasiirka dekadaha Puntland, Saciid Maxamed Raagge, ayaa ka hadley eedeymo dhowr ah oo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ay u soo jeediyeen heshiiskii shirkadda P&O loogu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso.
Wasiirka waxa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha u gurmashada doonida ku caarisey xeebaha Boosaaso ee la sheegay inay siddo shixnad ganacsi oo lagu qiyaasay inay ku kaceyso illaa iyo 7 milyan oo doollar.
Faadumo Yaasin Jaamac, ayuu la hadlay wasiir Saciid.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:56
0:00:00 /0:04:56
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Abwaan Guurre oo Loo Magacaabay Maareeyaha Tiyaatarka

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu howl-gelinayo golihii Murtida iyo Madaddaalada ee Tiyaatarka Qaranka ee Magalaada Muqdisho.
Qorshahaasi dib u howlgelinta tiyaatarka waxaa qeyb ka ah, wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo maanta u magacawday, abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guurre, maareeyaha guud ee tiyaatarka qaranka, oo hadda dowladdu ay ugu yeerto golaha murtida iyo wacyigelinta.
Ibrahim Xassan Dandureey ayaa arrintan ka waresytay Abwaan Guure.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:16
0:00:00 /0:05:16
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Ciidamada xasilinta magaaladda Muqdisho oo weeraray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in uu halkaasi kadhacay dagaal kooban oo udhexeeyo ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ciidamada dowladda ku dhexmara afaafka hore ee xarunta Wasaarada Hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.
dagaalkaan waxaa sabab uhaa sida ay goobjoogayaal inoosheegeen kadib markii ay ciidamo katirsan kuwa xasilinta muqdisho ay damceen in ay qori kaqaataan mid ka mid ah ilaalada xarunta Wasaarada hidda iyo Tacliinta sare ee magaalasda Muqdisho.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas ee u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada soomaaliya.
iskahor imaadyada iyo kalashakiga ciidamadda kawada tirsan dowladda ayaa kusoo badanaya magaaladda muqdisho.
ugu danbayntii xaaladda goobtii uu dagaalku kadhacay ayaa ah mid dagan mana jirto mas uul ka hadlay dagaalka muqdisho ku dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowldda soomaaliya- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Ka...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Ka falceliyey Hadalkii Dr Cali Khaliif Galaydh Kana hadlay Khaatumo. Fariina u diray Dawlada Norway Oo uu sheegay in Ay Ixtiraamaan Xeerarka aduunka Iyo Somalida Magangalyo doonka ah
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Sheekh Maxamed Ummal oo Ka hadlay Hadalo Been...

$
0
0

Daawo: Sheekh Maxamed Ummal oo Ka hadlay Hadalo Been Abuur Ah Oo lagu Faafiyey Social Media ha Kuna Sheegay in Aanay waxba ka jirin
[embedded content]
storvideo: 

Waxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada...

$
0
0

Waxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada golaha deeganka - hargeisa ay bulshadu ka rabtay in ay ku raadiso isbadal maamul wanaagsan iyo wakiilo wax ka qabta baahiyaadkooda sida bilicda qurxinta iyo nadaafada - daryeelka caafimaadka iyo wax barashada waxay ahayd maalmo kulul oo ay kaga qayb qaadanayaan oololaha doorashada iyo codbixinta waxa laga soo tagay daryeelkii qoyska ee hooyoyinka caamada hoyada xaamilada umulaha oo ka daacad ahaa aaminadii iyo rumayntii balan qaadkii musharaxiinta waqtiga ololahooda doorashada in ay wax ka qabanayaan rabitaanka shacbiga ku nool - hargeisa
Waxa laga jooga hal doorasho oo goole deegan oo lagu sabootiyey golahii deegankii u horeeyey oo u badnaa rag masuuliyin ah oo ku sifoobay in ay ka dhabeeyen himiladoodii iyo balan qaadkii doorashada ay dib ugu celiyeen najiido dadwaynahii soo doortay najiido wax qabad oo aan la xaqiri karay sida wadooyinka ku dul wareega - hargeisa ka qayb qaadashada nadaafada - iyo wareejinta qashinka oo lagu wareejiyey shirkada private secters etcWaxa kale oo aan la ilaawi karayn golaha deeganka ugu horeeyey oo lahaa han damac siyaasadeed iyagoo isku dayey in doortan moyar iyo ku xigeen si ay u dardar galiyaan masuuliyada iyo himiladooda wax qabad eek u wajahan - halka ay ku heeshiyeen golahan deeganka iyo moyar sotelco in aan la iska hor iman dhexdooda kuna midooban dhiig miirasho hanta lunsi dhul boob cadaalad xumo qiimayn la an kuraas madhan buuxso ana I eeg
Taas waxay ku yeelatay niyad jab xoogan qanac ay dib shacbigu uga istaagan doorashadii madaxtooyada dalka ka qabsoontay oo diwaan galintii iyo qaadashadii kaadhadhka cod bixinta oo shacbiga ku dhaqan magaaloyinka dalku ay dib uga istaagen
Ogow golayaasha deeganka daku waxay ka soo bixi jireen qoysaska maalqabeenka gobolada dalka oo ahaa dad la yaqaano dhisantahay heerkooda waxbarasho
Waxa is waydiin u baahan la xisaabtan la anta ka jirta dawlada dalka ka talisa iyo fadeexada daafaha u sudhanMoyarka iyo golehisa deeganka iyo sida u wajiib tahay in ay iscasilaan mudada ka hadhay sanadkan 17 march ka hor 2019 00 ku eg waqtiga doorashada golaha deegaanka ee qabsoomi doonta hadii alah uu idmo
Fariin shacbiga ku nool -ha dalka waxaan leeyahay ogaada codkiina ilaahay wuu idin waydiinayaa ee ka fiirsada cida aad siinaysan codka ha ku bixinina codkiina caadifad qabiil ku taamilo qaata aragtida iyo fool xumada - hargeisa ay ku sugantahay
Fayo-dhawre madax bannaan la socobuux2010@gmail.com0634130821
storvideo: 

Daawo: ” Yeelamayno in Wadahadal lala furo Somaliya...

$
0
0

Daawo:" Yeelamayno in Wadahadal lala furo Somaliya maadama oo aanay Jiritaankaagaba Aqoonsanayn Sidoo kalena Ilaa Aakhiro Colbaynu Ahaanaynaa" Madasha Wada tashiga
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live