Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Roob Dhagxaan Waaweyn Watan oo Sida la...

$
0
0

Daawo: Roob Dhagxaan Waaweyn Watan oo Sida la sheegay ka Da'ay Qaybo ka mid ah Dalka Maraykanka kaas oo kala xidhay isu socodkii baabuurta
storvideo: 


Daawo: Khudbadii Salaada Jimcaha Oo uu inoo...

$
0
0

Daawo: Khudbadii Salaada Jimcaha Oo uu inoo Daadhinaayo Sheekh Axmed CabdiSalaan (Axmed Iid) Kuna Saabsan " Adeecida ilaahay iyo Rasuulkiisa"
[embedded content]
storvideo: 

Faaqidaadda: Hal Sano Kadib Doorashadii Farmaajo

$
0
0

Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka. Barnaamijka maanta waxa uu ku saabsan yahay hal sano kadib doorashadii  madaxweye Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Sarreeye Guud Bashiir Goobe “Kaalintii iyo Maqaamkii...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir goobe), ayaa hambalyo u diray Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo barri u dabaal degaya Sanadguuraddii 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi 10-February sanadkii 1965-kii.
"Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed" ayuu yiri S/guud Bashiir
La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta baahi weyn ay u qabto dib udhiska Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay soo noqon doonto Kaalinta iyo Maqaamka Ciidankaasi.
"Xaalku waa inoo haggaagi doonaa, waadna kusoo noqon doontaan Kaalintiinnii iyo Maqaamkiinnii Shariirka ahaa ee Difaaca Dalka Hooyo! Waqti maanta Soomaaliya idinka baahi badan tahay nama soo marin, Kaalintiinnina waan u hamuun qabnaa! Sanadkaan kan xigga waxaa idin rajeynayaa in horumar weyn aad sameysaan, Guuleysta" ayuu mar kale yiri S/guud Bashiir Goobe
10-kii bishii February sanadkii 1965-kii ayaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo New York...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulamay u qaabilsanayaasha Qaramada Midoobay wadamada Chine, Russia & Kuwait oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliyada iyo wadamadooda. Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed [...]
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo u hambalyeeyey...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maalinta barri u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah 10-02-1965-kii.
"waxaan u Hambalyeynayaa Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan" ayuu yiri S/guud Bashiir
Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa si la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-ki, waxaana Munaasabad barri ay ku xusayaan sanadguuradooda la filayaa inay ka qeyb geli doonaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
storvideo: 

Jaho-wareerka Guusha iyo Jirrabka Guul-darada

$
0
0

Jaho-wareerka Guusha iyo Jirrabka Guul-daradaWaxa ay ahayd goorsheegtu abaaro 7:00 AM ee subaxnimo, maalin Arbaca ah oo taariikhdu ahayd 24 January 2018, waana markii aan ka war helay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kormeer shaqo ku imanayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.Isla markii aan maqlay kormeerkaasi Madaxweynaha, waxa maskaxdayda u sawirmay muuqaal yididiilo wanaagsan oo dib loogu soo nooleynayo rajadii luntay iyo hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladii ay lahayd Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.Hasa yeeshee, markii aan soo galay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxa ay indhahaygu halacsadeen agab lagu sharxay barxadda weyn ee ku dhexyaala dhismahaasi oo iskugu jiray cod-baahiyayaal, kuraas aad u qurux badan oo si fiican loo nidaamiyey, farriin qoraaleed ku xardhan hal-ku-dheg ahaa; "Madaxweyne, ku soo dhawoow wasaaradda horumarinta caafimaadka." kaasoo ay labada daraf kaga sawiran yihiin Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.Waxa mar labaad, haddana maskaxdayda u sawirmay muuqaal ka duwan muuqaalkii hore, ka dibna, waxaan su'aal aan weydiiyey mid ka mid ah shaqaalaha, taasoo ahayd, Muxuu xadhiga ka jarayaa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi? Waxaannu iigu jawaabay, sidii malihiisa ahayd in Madaxweynuhu xadhigga ka jarayo marmarka yaala Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, saacado ka dib, markii uu soo gallay Madaxweynuhu xarunta Wasaaradda, waxa sacab ku soo dhaweeyey shaqaalaha ka hawlgala xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka, waxaanu halkaasi war-bixin kooban kaga dhegeystay Agaasimaha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.Waxaan xusuustay mar aan la kulmay mid ka mid ahaa tababare kubbadeed oo aan u malaynaayey inuu ahaa masuul aad u cajaaib ah, balse, markii aan la hadlay kooxdiisa, waxay kaga warbixyeen in uu yahay gabi ahaanba nin jahwareersan, ma shaqsi xun buu ahaa? dabcan jawaabtu waa maya, laakiinse, qofna waligii daacad umuu noqon.
Haddii tababarahaasi uu heli lahaa shaqsi u sheega runta, kuna xafidan lahaa maskaxdiisa, isagoo raadinaaya ujeedada u muuqata, isla markaana kooxdiisii weydiin lahaa su'aalo ka mid ah, Maxaad u malaynaysaa arrintan? Maxaase I seegay? Maxaan qabtaa hadda oo iga caawin kara arrintaas? Maxaan qaban karaa oo aan ku heli karaa wadadaydii?
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu xafladaasi ka jeediyey khudbad aad u dheereyd oo dhinacyo badan taabanaysay, taasoo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, caafimaadka, la-dagaalanka musuqmaasuqa, xakameynta kor u kaca sarifka lacagta, in la bixiyo cashuur ururinta dalka, amniga iyo hogol tusaaleyn uu ku soo qaatay in suldaanadii samataliska ahaa ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajadu murugto ee arrimuhu dhabqaan ay maanta qaarkood noqdeen hadimotalis, dibna u xasuusiyey madaxda dhaqanka inay dib u raacaan taariikhdii wanaagsanayd ee ay lahaayeen cidda ay saldannada ka dhaxleen sidii ay bulshada isugu soo jiidi jireen ee ay nabadda iyo wada-jirka astaanta ugu ahaan jirtay.Marka taasi aynu ka nimaadno, haddana waxa maskaxdeena ka dhex guuxaya oo ay isweydiinaysaa fahamka erayo ka mid ahaa weedhihii diblamaasiyadeed ee ku jiray khudbadii madaxweynaha Somaliland, sababtoo ah run ahaantii faraq weyn ayaa dhexeeya garashada iyo fahamka aadamaha, waynu garan karnaa wax badan oo ku saabsan waxkasta, laakiinse, aynaan fahamsaneyn xaqiiqadii.Weedhaha Madaxweynuhu jeediyey waxa ka mid ahaa; "Waxaan maanta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka bilaabayaa kormeerkaygii ugu horeeyey ee hay'adaha dowladda." Waxaanna ay maskaxo badan isweydiinayeen Madaxweynuhu ma kormeer buu ku yimid, mise booqasho ayey ahayd, mise arrin siyaasadeed?Marka dib-u-eegis lagu sameynayo xaqiiqada dhabta ah iyadoon aan la dhaqdhaqaajinin bulshada, dadku waxay idiin arkaan si isku mid ah oo ka duwan sida aad isku aragtaan, taasoo ah jah-wareerka guusha iyo jirabbaadka guul-darada, waxaana kow ka ah jawaab-celinta ujeedada su'aalo uu weydiiyey madaxweynuhu bahda caafimaadka, taasoo ahayd hadal ka soo yeedhay hoggaanka xisbiga mucaaridka ee WADDANI, Guddoomiye Cirro in uu mar yidhi, "waan oggolahay natiijada, laakiinse, umaan tanaasulin ninkii aanu tartamaynay, umana aanu tanaasulin xisbigii aanu tartamaynaye qarankaannu u tanaasulay. Waa sax haddii qarankii loo tanaasulay, bal dib u baadha qaamuuska siyaasadda oo haddii aanu qofkii kula tartamayey u tanaasulin, xisbigiina aanad u tanaasulin miyaad tanaasushay, illeyn dadkii badh baad ka tagtaye. bal qoladiinan dhakhaatiirtu akhriya diiwaanka siyaasadda oo anaguba marbaanu bowsanaa Asbarooga, bal arrintaana xalkeeda ha la hello, dee yaa loo tanaasulay?
Akhriste, sida uu madaxweyne Muuse Biixi sheegay, murrashaxii uu soo qaatay hadalkiisa ee la tartamayey wuu ogaaladay natiijadii ka soo baxday Hay'addii Garsoorka tartanka doorashada, waanu ku qancay, wuxuuna lahaa qiyam diimeed, qarankana wuxuu uga tanaasulay murankii sii daba dheeraan lahaa sida ka dhacda dalalka aan lahayn qiyam diimeed oo ay ka mid tahay doorashadii ka dhacday dalka Kiiniya (Kenya). Madaxweyne, haddii aad asbarooga bowsato, anagu markaanu diiwaanka siyaasadda ka baadhnay wuu caafimaad qabaa murrashaxii xisbiga WADDANI, mana aha xisbigii aad hoggaamiyaha u ahayd ee waa xisbi mucaarid ah oo kugula loolamayey kursiga aad ku fadhido, balse ma qabo xanuunka Borderline Personality Disorders (BPD).
Su'aasha labaad ee uu weydiiyey madaxweynuhu bahda caafimaadka ee ahayd; "Haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube hala iisoo sheego? haddaba, Madaxweyne markii aannu qaamuuska siyaasadda ka baadhnay muu amaahin xisbigii doorashada lagaga guuleystay, laakiinse, wuxuu diiday guul-darrada, haddii lagu yidhaahdo imtixaankii waad weyday oo waad dhacday, kolayba waxa kugu dhacaya u qaadan waa, oo waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo, waa la iga eexday iyo ogaan baa la ii riday, ee maaha taasi xanuun ee waa diidmada ay keento, xumadda doorashada (Post-election Stress Disorders).Run ahaantii dadku waayo-arragnimo badan bay u leeyihiin haddii aanay ku dhicina way ka warqabaan shaqsiyaad waayey shaqsi ay jeclaayeen, waalidkii, carruurtiisii, ehelkiisii, gaar ahaan saaxiibadiisii qaaliga ahaa, way adagtahay marka ugu horeysa inaad aqbasho, waxaana laga yaabaa inaad ka hor timaado oo aad tidhaado, ma dhici karto, adigoo og inay run tahay, diidmadaas maaha xanuun.Marka aad ogaato in boqolkiiba lixdan (60%) ay kaceen wasaaradihii ama hudheeladii cusubaa ee aad furtay, waxa suuragal ah inaad u kala eexatay oo haddii ay helilahaayeen cunto kariye wanaangsan oo dammaanad leh inay hudheeladaasi guuleysan lahaayeen, tani waa baadhid ugu fudud ee lagu sameyn karo go'aanada saxda ah Madaxweyne guul badan iyo farxad yar.
Marka labaadna waa inaad qiimeyso xaaladda jirta, isku kalsoonida xad-dhaafka ahi waa illaha awoodaha khayaalka, waxa laga yaabaa in aad isku kalsoon tahay, laakiin, dhawaanahan waxa laga yaabaa inaad khaldan tahay ee bal is dhegeyso uurkaaga, oo isweydii su'aalahan; Waa maxay xaqiiqadaadu celcelis ahaan ? Waa maxay eexashadaadu? sidee baanad saameyn ugu yeelan karin?"
Marka saddexaadna waa inaad beddeshaa muuqaalka soo gaadhaya qeybta xog-ururinta keydka maskaxda, adigoo dhinac kasta ka eegaya xaaladda waa inaad beddesho ciyaarta, waana dariiqa kaliyaata ee wax lagu qaban karo, adigoo cabbiranaaya xaaladdan oo ku dhacday qof kale, wanaaga awaadii si aad u hesho wax sax ah, weydii naftaada ?
Maxamed Faarax Qoti
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle


Shacabka Somaliland waxay madaxweyne MBA ka...

$
0
0

(Political Reforms ) Waxaana laga filaayey dhisme dawladeed oo aan daboolneyn ee daahfuran taas oo ku saleysan cadaalad, wadatashi iyo wax-wadalahaansho.
Boowe ! Bal aynu hoonka ku shidno oo qodobayno siday shacabka Somaliland u arkaan xukuumada kulmiye ee cusub.
1- Waxaa xukuumada cusub loo arkaa Dawlad laga dheehan karo shuraako qabiil oo dhinac ka raran taas oo aan qancin aragtida guud ee mujtamaca Somaliland maadaama golaha wasiirada ee la soo doortay aanay xasilineyn sawirka guud ee Somaliland ka muuqda waqtigan, si loo helo xal waara oo ku dhisan wadatashi,wadaag iyo wax wada lahaansho. waxaana ummaddu isku raacday in la soo dhisay gole Wasiiro ah oo badhax-tir ah oo aan huwanayn kefadii miisaanka aheyd iyo midnimo qaran.
2- Waxaa golaha cusub ay ummaddu u aragtaa gole laga dheehan karo isxulafeysi kala fadilaaya beelaha Somaliland,waxaana loo qaadanayaa Abaal-Celin malaasan, maadaama aanay ka turjumeyn Saamiqeybsiga kuraasta sar-sare ee duxda iyo iidaanka lahaa oo iyagu dhinac uciiray taa soo aan golaha cusub loo arkeyn gole miisaaman oo soo celinayaa yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii iyo wadaagii anfaca iyo awoodaha dawladnimo. Waana gole aanay ka muuqan suuradii iyo sifeyaashii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.
3- Waxaa la filaayey in la soo dhiso gole aqoon u leh mansabkooda, maamul wanaaga, macnaha qaranimo iyo milgaha dawladnimo, waxaa la filaayey gole shacabka u noqda, Dar, Yeel iyo Weel waraabiya ummadda baahan oo u sahan taga oo shacabka gunta ka tola oo tubta u saara tobiyaha toosan, lakiin wuxuu golihii umuuqdaa gole aan laheyn curin iyo hal abuur siyaasadeed, kaas oo aan la jaanqaadi karin waqtiga iyo waayaha Siyaasadeed ee maanta ku xeeran Somaliland iyo mandaqada.
4- Waxay mujtamacu u arkaan, Gole ka been sheegaya la dagaalanka maalurursiga iyo musuq maasuqa baahsan maadaama aanay soo celineyn hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummadda sifaha bilaa sharciga ah looga boobay, umana muuqato inay soo celin karaan Kaabeyaashii dhaqaaalaha ee dadka gaarka ah sifaha gaarka ah loogu xidhay ee loogu naas nuujiyey si ay cashar ugu noqoto kuwa soo jiriqsanaaya ee qarka soo jafaaya.
5- Waa Gole aan keeni karin isbedel maamul iyo hab dhaqan dawladeed oo cusub oo cokan oo taabo gala maadaama xubnaha golaha wasiirada cusubi ubadan yihiin dhalinyaro aan waayo aragnimo buuxda u laheyn odoroska, alooska iyo agaasinka maareynta iyo milgaha dawladnimo ( institutional memory ) kuwaas oo laysku raacay in aanay dhidibada u taagi karin nidaamka maamul wanaaga iyo daahfurnaanta qorsheyaasha hor yaala ee horumarinta iyo higsiga qaranka ee "Somaliland National development plan NDP 2"
6- Golaha cusub looma arko in ay soo celin karaan hufnaantii,dhaqankii dawladnimo, Cadaalad uqaybinta yuhuunta iyo midhihii dawaldnimo, mana mideyn karaan shacabka Somaliland oo kama dhigi karaaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga sida mansabka, maganta moorada iyo muquunada. umana muuqdaan in ay noqdaan gole ah mideeyayaal, Jideeyayaal iyo Jiheeyayaal unki kara ama falkin kara sifihii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.
7- Golaha Xukuumada ee cusubi ma aha gole shacabka ka masixi kara riiqdii iyo raadadkii foosha xumaa ee Xukuumadii Siilaanyo ku reebtay xusuustooda iyo quluubtooda . uma muuqdaan ku wii noqon lahaa gole kor u soo qaadi kara sumcadii iyo magacsamaantii qaranimada iyo midnimada Somaliland. Loomana arko in ay noqon doonaan gole daweyn kara kala qaybsanaanta, kala qoqobkii ay reebtay doorashadii madaxtooyada ee sidii aynu ogeyn dalka uga dhacday.
Guntii iyo-Gebogebadii: Hadii mabd'a la wada yeelan waayo oo wax la wadaagi waayo, waxaa iman doonta in wax la kala yeelan doono .Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta in xal la raadiyo oo dalka lagu soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
"Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa!!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
storvideo: 

Dhegayso: Khudbada Salaada Jumcaha Fadiilatu Sheekh...

$
0
0

Dhegayso: Khudbada Salaada Jumcaha Fadiilatu Sheekh Cismaan Cali Xuseen Mawduuca Asbaabaha Lagu galo Naarta
Dhegayso: Khudbada Salaada Jumcaha Fadiilatu Sheekh Cismaan Cali Xuseen Mawduuca Asbaabaha Lagu galo Naarta
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalka oo barri u dabaal degaya Munaasabadda sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidankaasi oo ku beegan maalinta barri ah. Sidoo kale La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye [...]
storvideo: 

Waxqabadka Xawliga ku Socda ee Mudada Kooban uu...

$
0
0

Waxqabadka Xawliga ku Socda ee Mudada Kooban uu Hirgaliyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi. Qaybta 1'AAD.W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.---------------------------------------------------------------Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi Oo ah Masuul Dhalinyaro ah oo ku Sifoobay Daacadnimo, Aqoon, Karti, iyo Waaya- aragnimo, Oo Xilka Wasaarada Loo Magacaabay 14. Dec. 2017,Ayaa Mudadii Koobnayd ee ku sinayd Labada Bilood ee uu Hayay Xilka Wasaarada Maaliyada ayaa ku Talaabsaday Waxqabad Muuqda oo Lataaban karo isla markaa wax ku ool ah oo Wasaarada Maaliyadana aan Hore uga jirin.Halkan waxaan kusoo Qaadan doona Qodobo kamid ah Wax qabadka aadka ugu Muhiimka ah ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Qaranka Somaliland ee uu Mudadii koobnayd ee Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi loosoo Magacaabay Wasaradaasi Hirgaliyay.Waxqabadka Muuqda ee uu Hirgaliyay Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi Mudadii yarayd ee uu Xilka Hayay Ayaan lasoo wada Koobi karayn oo aad u Badan Hase ahaatee si Guud Kooban waxaan isula eegi doonaa Baaxada Waxqabadkiisa iyo Xawliga uu ku Socdo oo ah Mid lagu Diirsaday isla markaana Farxad galiyay Guud ahaan Shacabka Somaliland.
1.Wasiirku waxaa uu ka Shaqaysiiyay Isla markaana Maskaxddooda Xoogooda iyo Aqoontooda uu Qaranka uga Faa'iideeyay Ardayda Reer Somaliland ee Dhanka wadamada jaareena ah wax kasoo bartay Sida Itoobiya kuwaasoo lagu Hubo Tayo Waxbarasho iyo karto.
2. Dhinaca Sharciga, Md Yuusuf Maxamed Cabdi Waxaa uu Dhisay isla markaana Sameeyay Xeerka lagu Maamuli lahaa Shaqaala iyo Hawl wadeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland, iyo Sidoo kale Xeerka Cashuuraha (Procurement act) iyo (Code of Conduct) Wasaarada Sidii Masuuliyada iyo Shaqada Qaranka loo hayaa ay noqon lahayd mid Cadaan ah iyadoo Qaybtaasi Sharciga Xoog loo dardar galiyay.3. Waxaa la sameeyay Qorsheyaasha Waaxyaha iyo Qorshaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada ee Sanad laha ah.4. Waxaa kale oo la Sameeyya Units, ama Qaybo loogu Talagalay Dajinta Cashuuraha (Text Policy).W/Q. Mawliid Maxamed Siciid.Email: Mawliidmarshal@gmail.com Tell 063-4129951 Hargeysa.
storvideo: 

VIDEO Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha...

$
0
0

[embedded content]
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalka oo barri u dabaal degaya Munaasabadda sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidankaasi oo ku beegan maalinta barri ah.
Sidoo kale La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir goobe), ayaa isna hambalyo u diray Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo barri u dabaal degaya Sanadguuraddii 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi 10-February sanadkii 1965-kii.
"Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed" ayuu yiri S/guud Bashiir
La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta baahi weyn ay u qabto dib udhiska Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay soo noqon doonto Kaalinta iyo Maqaamka Ciidankaasi.
"Xaalku waa inoo haggaagi doonaa, waadna kusoo noqon doontaan Kaalintiinnii iyo Maqaamkiinnii Shariirka ahaa ee Difaaca Dalka Hooyo! Waqti maanta Soomaaliya idinka baahi badan tahay nama soo marin, Kaalintiinnina waan u hamuun qabnaa! Sanadkaan kan xigga waxaa idin rajeynayaa in horumar weyn aad sameysaan, Guuleysta" ayuu mar kale yiri S/guud Bashiir Goobe
10-kii bishii February sanadkii 1965-kii ayaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Share this:
Related
storvideo: 

Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray laba kamid ah...

$
0
0

Dowladda Maraykanka ayaa jimcihi maanta sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka hawlgala,Philippines,Turkey iyo Soomaaliya,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay tageeraan mintidiinta Daacish.
Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar oo lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale iyo agab ugu deeqay Daacish iyo shabakadeeda dalka Philippines.
Sidoo kale Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik oo fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa cuna-qabateyn lagu soo rogay,waxaana lagu eedeeyay in uu Daacish u sahlay helitaanka qeybo kamid ah diyaaradaha is-wada.
Mohamed Mire Ali Yusuf oo ah nin Soomaaliya iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company ayaa sidoo kale cuna-qabateyn la saaray ,waxaana lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Daacishta SoomaaliyaXigasho:-Reuters News Agency
PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray laba kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo shir isugu yeeray Golaha...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) ayaa shir ku casumay dhammaan madaxda afarta dowlad gobobeed ee Galmudug,Koofur Galbeed,Hirshabeelle,iyo Jubbaland.
Mudane. Gaas ayaa ku wargeliyay madaxda dowlad gobobeedyada in ay ka soo qeybgalaan shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,kaasoo 20 bisha Maarso lagu qabadanayo magaalada Garoowe,sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Gaas oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST.
Shirka ayaa lagu sheegay mid looga tashanayo arrimo khuseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,balse lama sii faahfaahin arrimahaasi.Halkaan ka akhriso
The post Madaxweyne Gaas oo shir isugu yeeray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Badhan iyo Taageeridda Madaxweyne Farmaajo

$
0
0

Waa Xafladii 8 Feb ee sanad guuradii Madaxwayne Farmaajo oo lagu qabtay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag Xaflada Waxaa joogay Masuuliyeen heer Federal iyo heer gobolba oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Laanta socdaalka Dowlada Faderalka ah Gobolka Sanaag Cabdiraxman Khalif Faarax reer Xingalool Video giinii lama hayo
Opslaet af Seid Black pa 9. februar 2018
storvideo: 

Yaa wada hadlaya madaxweyne Farmaajo

$
0
0

9th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Beesha Isaaq oo sugaysay in Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya laga dhigo nin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, si ay riwaayadoodii wada hadalka ee ay khiyaandu ku jirtay ay halkii uu uga tegay Abdiraxmaan Odawaa uga sii wadi lahaayeen, iyaga oo doonaya sida dhaqanka u ahayd in wasiirka cusub qol mugdi ah kula dhuuntaan
Wiilka Buuhoodle iyo Badhan jooga oo caawa u dabaal degaya sanad guuradii kowaad ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo, ma kula tahay inuu wada hadal uu la galo dawladda Soomaaliya uu doonayo
Cabdii Faarax Siciid Juxa, markuu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federalka somaliya maxaa beesha Isaaq looga maqli waayey wada hadalka ay maanta doonayaan marka uu wasiirku noqday beesha Habar gidir iyo C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa"
C/samad Macalin Maxamuud, Cabdikariim Xuseen Guuleed,iyo C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa", Waa wasiiraddii arimaha gudaha Soomaaliya soo maray, waxay ka soo wada jeedaan beesha Habar gidir, waa nimankii sida tuugnimada oo aan sharciga ahayn Turkiga iyo Imaaraadka kula shiri jiray beesha Isaaq iyaga oo Soomaali marin habaabinaya ka dhigi jiray in Reer Waqooyi la shirayaan.Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo la beel ah nimanka kor ku xusan ayaa isagana la sugayaa jidka uu qaado
[embedded content]

Maxay u istaageen wada hadaladdii USC iyo SNM?

Post navigation
- Badhan iyo Taageeridda Madaxweyne Farmaajo A Somali in America - Al Jazeera World -
storvideo: 

A Somali in America – Al Jazeera World

$
0
0

9th February 2018 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

A Somali in America" documents the experience of Ali Warsame, a Somali refugee who gained residency in the United States in 2015, but is re-assessing his new life now that Donald Trump is president.
[embedded content]
storvideo: 

Waa Wada SNM

$
0
0

10th February 2018 admin Category :
Daawo Bulshada beesha Isaaq oo ku faraxsan wada hadalka ay la gelayaan Muqdisho iyo Bulshada gobolka Sanaag oo u dabaal degaya sanadguurada madaxweynaha Soomaaliya, Yaa wada hadlaya, Maxaase laga wada hadlayaa?
[embedded content]
Waa Xafladii 8 Feb ee sanad guuradii Madaxwayne Farmaajo oo lagu qabtay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag Xaflada Waxaa joogay Masuuliyeen heer Federal iyo heer gobolba oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Laanta socdaalka Dowlada Faderalka ah Gobolka Sanaag Cabdiraxman Khalif Faarax reer Xingalool Video giinii lama hayo
Opslaet af Seid Black pa 9. februar 2018

storvideo: 

Dowladda Suuriya oo sii xoojisay duqaymaha ay ka wado goobaha mucaaradka

$
0
0

Diyaaradaha dowladda Suuriya ayaa maalinkii shanaad duqaymo la bartilmaameedsaday bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live