Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Olole Nadaafadeed iyo cilad bixin Nalalka cadceedda...

0
0

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la'aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay Degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen [...]
storvideo: 

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

0
0

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka
Feb 11, 2018 -
Muqdisho, 11 Feb 2018 :- War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka
Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada - Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Shirka wuxuu soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir oo ah kulankii ugu horreeyey. Shirkan wuxuu dabasocday shirarkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka yeelan jiray. Goluhu wuxuu bogaadinayaa booqashada taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku maray Gobollada dalka, gaar ahaan deegannada Puntland iyo Galmudug.
Wuxuu kaloo shirku bogaadinayaa dhammeystirka Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Wal_jamaaca.Shirkan waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:
1. Arrimaha Amniga Qaranka2. Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay 20203. Qeybsiga Kheyraadka Dalka (Khaasatan Kalluunka).4. Amniga QarankaGoluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jediyeen Guddiga Farsamada Amniga Qaranka, tixgeliyeenna aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Golahu waxay isku raaceen qodobada hoos ku xusan.1.1. In ay Dolwad-goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada Ciidamada Booliskooda oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu, kaddibna la isku dhafo si waafaqsan Hannaanka Boolisaynta cusub (New policing Model) iyo qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
1.2. Dowladda Federaalku waxay ka caawineysaa Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishta ( Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunno, Tababar iyo Tayeyn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) hawlgallada ciidan ee lagula dagaallamayo argagixisada.
1.3. Ciidamada Booliska ee dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishtu waxa ay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee hoos-yimaada kana hawl-gala heer dowlad goboleed, waxayna ka qeyb-qaadanayaan hawgallada ciidan ee wadanka lagu xoreynayo ayagoo kaligood ah ama kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXDS) iyo AMISOM.
1.4. In la magacaabo lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
1.5. Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo ka kooban heer Federaal iyo mid Gobol, waxaa la go'aamiyey in ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, waxayna xog dhammeystiran la wadaagayaan Madaxweynaha JFS iyo Madaxdooda.
1.6. In Xafiiska Amniga Qaranka qorsheeyo una helo miisaaniyad lagu hawl-geliyo xafiisyada amniga ee Dowlad-goboleedyada.1.7. in la dadajiyo dhameystirk ciidamada DANAB sida ku xusan qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Ciidamada Danab waa in la isugu dhafaa si heer qaran ah tababarka kahor.
1. Arrimaha Siyaasadda2.1. Waxay Xukuumadda Federaalka soo bandhigtay qorshaha Tubta Siyaasadda ee loo dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib la isla gartay in ay fulinteeda kawada qayb qaataan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Benaadir.
2.2. Waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban (10) xubnood oo kasoo tala bixin doona Arrimaha Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah wareegto ugu soo saari doona xubnaha guddiga farsamada iyo waajibaadkooda shaqo.
2.3. Iyadoo la tixgalinayo shaqada baaxadda leh ee ay soo qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Arrimaha Sharciga Doorashooyinka, lagana duulayo baahida loo qabo in la kala xusho Noocyada Doorashada ee jiri kara, si loo diyaariyo Sharciga doorashooyinka ee lagama maarmaanka u ah taabagalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020-ka, waxaa Gudiyada Farsamada la farayaa inay si dhaqsa ah usoo gudbiyaan nidaam doorashada uu dalku qaadanayo muddo aan ka badnayn Afar (4) todobaad.
2.4. Shirku wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey arrimaha wadatashiga Doorashooyinka ee Guddiga Madax-bannaan ee doorashooyinku ka sameeyey qaybo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka dalka kamid ah.
2.5. Waxaa la isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku soo dhammeystiro degaanada ugu dhiman wadatashiga dadwaynaha ee arrimaha doorashooyinka.
2.6. Shir-waynuhu wuxuu hoosta-ka-xariiqay ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah ee 2020-ka sida loogu talagalay. Sidaa darteedna waxaa lagama maarmaan ah in Guddiga Doorashooyinka la siiyo taageerada ay u baahanyihiin Siyaasad iyo Dhaqaala ahaanba.
2.7. Markey madaxdu dhagaysatay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku faahfaahiyey horumarka laga sameeyey Tubta dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah, Waxaa la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah lagusoo gabogabeeyo sannadka 2018-ka, iyadoo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.
1. Arrimaha Wadaagista Khayraadka3.1. Markii shirku dhagaystay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda lana tixgaliyey baahida deg-degga ah ee loo qabo ka faa'ifaysiga Khayraadka badda: Waxaa la isla qaatay in la saxiixo Heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qaybsiga khayraadka dalka.
Madaxda qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka. Madaxda qaranku waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go'aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.
-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdifataax AwaareAgaasime Kuxigeenka Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.soFlicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/Twitter: @TheVillaSomalia Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Khilaaf ka taagan qaabka ay wasaaradda Cadaaladdu...

0
0

Hargeysa(Waaheen) wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa toddobaadkii hore Amar ku siiyey shaqaalaha wasaaraddiisa inay la soo wareegaan qalabkii yaalaya xafiiskii Dibu-habaynta Shuruucda Dalka, oo uu Madaxweyne Muuse Biixi hoos geeyey wasaaradda Cadaaladda.
Shaqaalaha wasaaradda ayaa iyagoo wata ciidan iyo gaadhi waxay galeen xarunta guddidii dibu-habaynta shuruucda, halkaas oo ay ka soo qaadeen wixii Agab ahaa ee xafiiskaas yaalay, iyagoo qaar ka mid ah madaxda xafiiskaasi oo damcay inay ka hor istaagaan xoog kaga qaaday.
Masuuliyiinta Xafiiskaasi ayey wararka Waaheen ka helaysaa sheegayaan in ay cabasho arrintan la xidhiidha u gudbiyeen Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay ku doodayaan in xafiiskoodu ku magacawnaa Xeer Baarlamaanku Anixiyey in noocaas loola dhaqmana aanay haboonayn.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marka hore ba Xafiiskaas ka dhigay Waax hoos timaada wasaaradda Cadaaladda, hase yeeshee guddida ayaa u aragtaa Digreetada Madaxweynaha mid ka hor imanaysa Nidaamka Baarlamaanku u Ansixiyeen hay'adooda iyo hay'addo kale oo la mid ah oo ay saamaysay Digreetooyinka uu Madaxweynuhu wasaaraddo ku hoos geeyey hay'addo Xeerar ku dhisnaa.
storvideo: 

Dadweynihii Baasaabooradda u doonan jiray Garoowe oo...

0
0

Ciidamadda is horfadhiya xuduudka Somaliland iyo Puntland oo kalifay inay dadku Muqdisho diyaaradaha u raacaan.
Hargeysa(Waaheen) Dadweynihii danuhu kaga xidhnaayeen baasaaboor Somaliga ee u doonin jiray Garoowe oo u wareegay dhinac Muqdisho, kadib markii ay ka baqeen inay naftooda ku biimeeyaan xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo ay dhooban yihiin ciidamo heegan ugu jira xaalad dagaal haddii ay timaado.
Wararka Wargeyska Waaheen ka helayo socdaalka dadka baasaaboor doonka ah ayaa la sheegayaa inay hawl fududayn u isticmaalaan waraaqaha dal ku noqoshada loo yaqaan (Go home), kuwaas oo ay ka qaataan madaarka si ay ugu raacaan diyaaradaha.
Ilo wareedyadda Wargeysku ka helayo arrintan oo uu u kuur galay ayaa sheegaya in ay maalin kasta ugu yaraan labaatan qof tiro gaadhaysa ayaa ku dhoofto nidaamkaas si ay usoo helaan baasaaboor Somaliga, kaasoo ay ka soo qaataan magaaladda Muqdisho oo noqotay marinka kaliya ee ay kaga maarmi karaan halista jidka Garoowe.
Isticmaalka baasaaboor Somaliga waxa kalifa iyadoo ay dadweynaha Reer Somaliland kuwooda aan haysan baasaabooradda Ajanabiga ah ay khasab ku noqoto si ay danahooda ugu soo qabsadaan, gaar ahaan arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Ganacsiga oo ay ku xidhaan dalalka aan aqoonsanayn Baasaaboor Somaliland-ka.
Ka hor intii aanu xidhmin ama aanay xaaladda colaadeed dhex marin Somaliland iyo Puntland waxa lagu qiyaasay shan boqol oo qof inay bil walba u doonan jireen Garoowe Baasaaboor Somaliga, iyadoo dadka u doonan jiray ay si fudud oo dhakhso ah uga soo noqon jireen.
Talaabadda ay dadweynuhu Muqdisho ugu doonanayaan baasaaboor Somaliga ayaa fududaysay in dad badan oo aan tagi jirin Muqdisho u safraan isla markaana uga raadsadaan baasaaboorkaasi maadaama aan wali la ictiraafin Somaliland.
storvideo: 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib usoo celinaysa...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Danjiraha qaranka Soomaaliyeed u qaabilsan Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka goan tahay dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka.
Danjire Cali Saciid Fiqi oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo bahwadaag la ah Radio Muqdisho Codka Jimhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladdu xoogga saarayso hanaanka dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed si ay mar kale ola midoobaan waalidiintooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii dambe waday dib usoo celinta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Caalamka iyo Maxabiistii ugu horeesay laga soo daayay Wadamada Itoobiya iyo Hindiya taasoo ka dhigan guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleAkhriso+Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka
Next articleAKHRISO: HESHIIS KU-MEEL GAAR AH OO U DHEXEYA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DOWLADDA IYO MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR EE QEYBSIGA DAKHLIGA KA SOO XAROODA RUKHSAD BIXINTA KALLUUMEYSIGA

storvideo: 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad...

0
0

HOR-DHAC
Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.
Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.
Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.
Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.
Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.
Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda:
QODOBADA HESHIISKA
Qodobka 1aad
DHINACYADA HESHIISKA
Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir
Qodobka 2aad
BIXINTI RUKHSADAHA

  1. a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
  1. b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
  2. c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa -ha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.
  3. d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
  4. e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan.

Qodobka 3aad
HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED
Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.
Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.
Qodobka 4aad
KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO KHEEYRAADKA BADDA
Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.
Qodobka 5aad
QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA
Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga waxaa go'aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka, Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
Qodobka 6aad
HABKA MAAMULKA XISAABTA

  1. a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).
  1. b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
  3. d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.

Qodobka 7aad
WAX KA BEDDELKA HESHIISKA
Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada Heshiiskan.
Qodobka 8aad
MUDDADA HESHIISKA
Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
Qodobka 9aad
DHAQAN GALKA HESHIISKAAN
Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada heshiiska.
SAXIIXA HESHIISKA
Dowladda Federaalka Somaaliya
Mudane Xasan Cali Khayre
Rai'sal wasaaraha XFS ______
Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Mudane Cabdiweli Maxamed Ali Gaas
Madaxweynaha Puntland _____
Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweynaha Jubbaland ______
Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha Koofur Galbeed _______
Mudane Axmed Ducaale Geelle
Madaxweynaha Galmudug............______
Mudane Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabelle ______
Mudane Cabdirxamaan Cumar Cusman
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir______
The post Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo heshiis ka gaaray qeybsiga khayraadka dalka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

DFS iyo maamul goboleedyada oo ku heshiiyay qeybsiga Kheyraadka Badda

0
0

HOR-DHAC
Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.
Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.
Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.
Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.
Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.
Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda:
QODOBADA HESHIISKA
Qodobka 1aad
DHINACYADA HESHIISKA
Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir
Qodobka 2aad
BIXINTI RUKHSADAHA

  1. a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
  1. b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
  1. c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa caasimadaha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.
  1. d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
  1. e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan.

Qodobka 3aad
HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED
Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.
Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.
Qodobka 4aad
KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO KHEEYRAADKA BADDA
Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.
Qodobka 5aad
QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA
Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga waxaa go’aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka, Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
Qodobka 6aad
HABKA MAAMULKA XISAABTA

  1. a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).

  1. b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  1. c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
  1. d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.

Qodobka 7aad
WAX KA BEDDELKA HESHIISKA
Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada Heshiiskan.
Qodobka 8aad
MUDDADA HESHIISKA
Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
Qodobka 9aad
DHAQAN GALKA HESHIISKAAN
Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada heshiiska.
SAXIIXA HESHIISKA
Dowladda Federaalka Somaaliya
Mudane Xasan Cali Khayre
Rai’sal wasaaraha XFS ______
Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Mudane Cabdiweli Maxamed Ali Gaas
Madaxweynaha Puntland _____
Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweynaha Jubbaland ______
Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha Koofur Galbeed _______
Mudane Axmed Ducaale Geelle
Madaxweynaha Galmudug…………______
Mudane Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabelle ______
Mudane Cabdirxamaan Cumar Cusman
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir______
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/unnamed-17-1-297x420... 297w" sizes="(max-width: 512px) 100vw, 512px" />
The post DFS iyo maamul goboleedyada oo ku heshiiyay qeybsiga Kheyraadka Badda appeared first on Shabelle.

Akhriso: Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii...

0
0

Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada - Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Shirka wuxuu soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir oo ah kulankii ugu horreeyey. Shirkan wuxuu dabasocday shirarkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka yeelan jiray. Goluhu wuxuu bogaadinayaa booqashada taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku maray Gobollada dalka, gaar ahaan deegannada Puntland iyo Galmudug.
Wuxuu kaloo shirku bogaadinayaa dhammeystirka Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Wal_jamaaca.
Shirkan waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:

  1. Arrimaha Amniga Qaranka
  2. Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay 2020
  3. Qeybsiga Kheyraadka Dalka (Khaasatan Kalluunka).
  4. Amniga Qaranka

Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jediyeen Guddiga Farsamada Amniga Qaranka, tixgeliyeenna aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Golahu waxay isku raaceen qodobada hoos ku xusan.
1.1. In ay Dolwad-goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada Ciidamada Booliskooda oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu, kaddibna la isku dhafo si waafaqsan Hannaanka Boolisaynta cusub (New policing Model) iyo qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
1.2. Dowladda Federaalku waxay ka caawineysaa Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishta ( Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunno, Tababar iyo Tayeyn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) hawlgallada ciidan ee lagula dagaallamayo argagixisada.
1.3. Ciidamada Booliska ee dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishtu waxa ay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee hoos-yimaada kana hawl-gala heer dowlad goboleed, waxayna ka qeyb-qaadanayaan hawgallada ciidan ee wadanka lagu xoreynayo ayagoo kaligood ah ama kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXDS) iyo AMISOM.
1.4. In la magacaabo lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
1.5. Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo ka kooban heer Federaal iyo mid Gobol, waxaa la go'aamiyey in ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, waxayna xog dhammeystiran la wadaagayaan Madaxweynaha JFS iyo Madaxdooda.
1.6. In Xafiiska Amniga Qaranka qorsheeyo una helo miisaaniyad lagu hawl-geliyo xafiisyada amniga ee Dowlad-goboleedyada.
1.7. in la dadajiyo dhameystirk ciidamada DANAB sida ku xusan qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Ciidamada Danab waa in la isugu dhafaa si heer qaran ah tababarka kahor.

  1. Arrimaha Siyaasadda

2.1. Waxay Xukuumadda Federaalka soo bandhigtay qorshaha Tubta Siyaasadda ee loo dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib la isla gartay in ay fulinteeda kawada qayb qaataan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Benaadir.
2.2. Waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban (10) xubnood oo kasoo tala bixin doona Arrimaha Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah wareegto ugu soo saari doona xubnaha guddiga farsamada iyo waajibaadkooda shaqo.
2.3. Iyadoo la tixgalinayo shaqada baaxadda leh ee ay soo qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Arrimaha Sharciga Doorashooyinka, lagana duulayo baahida loo qabo in la kala xusho Noocyada Doorashada ee jiri kara, si loo diyaariyo Sharciga doorashooyinka ee lagama maarmaanka u ah taabagalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020-ka, waxaa Gudiyada Farsamada la farayaa inay si dhaqsa ah usoo gudbiyaan nidaam doorashada uu dalku qaadanayo muddo aan ka badnayn Afar (4) todobaad.
2.4. Shirku wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey arrimaha wadatashiga Doorashooyinka ee Guddiga Madax-bannaan ee doorashooyinku ka sameeyey qaybo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka dalka kamid ah.
2.5. Waxaa la isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku soo dhammeystiro degaanada ugu dhiman wadatashiga dadwaynaha ee arrimaha doorashooyinka.
2.6. Shir-waynuhu wuxuu hoosta-ka-xariiqay ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah ee 2020-ka sida loogu talagalay. Sidaa darteedna waxaa lagama maarmaan ah in Guddiga Doorashooyinka la siiyo taageerada ay u baahanyihiin Siyaasad iyo Dhaqaala ahaanba.
2.7. Markey madaxdu dhagaysatay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku faahfaahiyey horumarka laga sameeyey Tubta dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah, Waxaa la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah lagusoo gabogabeeyo sannadka 2018-ka, iyadoo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.

  1. Arrimaha Wadaagista Khayraadka

3.1. Markii shirku dhagaystay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda lana tixgaliyey baahida deg-degga ah ee loo qabo ka faa'ifaysiga Khayraadka badda: Waxaa la isla qaatay in la saxiixo Heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qaybsiga khayraadka dalka.
Madaxda qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka. Madaxda qaranku waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go'aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.
The post Akhriso: Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii amniga Qaranka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DFS iyo maamul goboleedyada oo ku heshiiyay qeybsiga...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-
HOR-DHAC
Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.
Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.
Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.
Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.
Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.
Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda:
QODOBADA HESHIISKA
Qodobka 1aad
DHINACYADA HESHIISKA
Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir
Qodobka 2aad
BIXINTI RUKHSADAHA

  1. a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
  1. b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
  1. c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa -ha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.
  1. d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
  1. e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan.

Qodobka 3aad
HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED
Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.
Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.
Qodobka 4aad
KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO KHEEYRAADKA BADDA
Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.
Qodobka 5aad
QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA
Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga waxaa go'aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka, Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
Qodobka 6aad
HABKA MAAMULKA XISAABTA

  1. a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).
  1. b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  1. c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
  1. d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.

Qodobka 7aad
WAX KA BEDDELKA HESHIISKA
Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada Heshiiskan.
Qodobka 8aad
MUDDADA HESHIISKA
Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
Qodobka 9aad
DHAQAN GALKA HESHIISKAAN
Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada heshiiska.
SAXIIXA HESHIISKA
Dowladda Federaalka Somaaliya
Mudane Xasan Cali Khayre
Rai'sal wasaaraha XFS ______
Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Mudane Cabdiweli Maxamed Ali Gaas
Madaxweynaha Puntland _____
Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweynaha Jubbaland ______
Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha Koofur Galbeed _______
Mudane Axmed Ducaale Geelle
Madaxweynaha Galmudug............______
Mudane Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabelle ______
Mudane Cabdirxamaan Cumar Cusman
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir______
storvideo: 

AKHRISO: HESHIIS KU-MEEL GAAR AH OO U DHEXEYA...

Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee...

0
0

Muqdisho (- Online)-Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Maaxtooyada - Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo looga hadlayey arrimaha Amniga Qaranka waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halka kulankii looga hadlayey Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay uu shir-guddoomiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).
Shirka wuxuu soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir oo ah kulankii ugu horreeyey. Shirkan wuxuu dabasocday shirarkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka yeelan jiray. Goluhu wuxuu bogaadinayaa booqashada taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku maray Gobollada dalka, gaar ahaan deegannada Puntland iyo Galmudug.
Wuxuu kaloo shirku bogaadinayaa dhammeystirka Heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Wal_jamaaca.Shirkan waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:
1. Arrimaha Amniga Qaranka
2. Tubta Siyaasadda loo Dhanyahay 2020
3. Qeybsiga Kheyraadka Dalka (Khaasatan Kalluunka).
4. Amniga Qaranka
Goluhu markii uu dhageystay talooyinka ay soo jediyeen Guddiga Farsamada Amniga Qaranka, tixgeliyeenna aragtiyaha iyo talooyinka ku saabsan amniga dalka, Golahu waxay isku raaceen qodobada hoos ku xusan.
1.1. In ay Dolwad-goboleedyadu dar-dar geliyaan daraaseynta tirada iyo tayada Ciidamada Booliskooda oo ay ka mid yihiin Daraawiishtu, kaddibna la isku dhafo si waafaqsan Hannaanka Boolisaynta cusub (New policing Model) iyo qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
1.2. Dowladda Federaalku waxay ka caawineysaa Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishta ( Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunno, Tababar iyo Tayeyn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) hawlgallada ciidan ee lagula dagaallamayo argagixisada.
1.3. Ciidamada Booliska ee dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Daraawiishtu waxa ay ka mid yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee hoos-yimaada kana hawl-gala heer dowlad goboleed, waxayna ka qeyb-qaadanayaan hawgallada ciidan ee wadanka lagu xoreynayo ayagoo kaligood ah ama kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXDS) iyo AMISOM.
1.4. In la magacaabo lana howl-geliyo guddiga isku dhafka ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
1.5. Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo ka kooban heer Federaal iyo mid Gobol, waxaa la go'aamiyey in ay kulmaan saddexdii asbuucba hal mar, waxayna xog dhammeystiran la wadaagayaan Madaxweynaha JFS iyo Madaxdooda.
1.6. In Xafiiska Amniga Qaranka qorsheeyo una helo miisaaniyad lagu hawl-geliyo xafiisyada amniga ee Dowlad-goboleedyada.1.7. in la dadajiyo dhameystirk ciidamada DANAB sida ku xusan qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Ciidamada Danab waa in la isugu dhafaa si heer qaran ah tababarka kahor.1. Arrimaha Siyaasadda
2.1. Waxay Xukuumadda Federaalka soo bandhigtay qorshaha Tubta Siyaasadda ee loo dhanyahay ee 2020-ka, taasoo dood iyo falanqayn dheer kadib la isla gartay in ay fulinteeda kawada qayb qaataan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Benaadir.
2.2. Waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban toban (10) xubnood oo kasoo tala bixin doona Arrimaha Federaalka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah wareegto ugu soo saari doona xubnaha guddiga farsamada iyo waajibaadkooda shaqo.
2.3. Iyadoo la tixgalinayo shaqada baaxadda leh ee ay soo qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Arrimaha Sharciga Doorashooyinka, lagana duulayo baahida loo qabo in la kala xusho Noocyada Doorashada ee jiri kara, si loo diyaariyo Sharciga doorashooyinka ee lagama maarmaanka u ah taabagalinta Doorashooyinka qof iyo cod ee 2020-ka, waxaa Gudiyada Farsamada la farayaa inay si dhaqsa ah usoo gudbiyaan nidaam doorashada uu dalku qaadanayo muddo aan ka badnayn Afar (4) todobaad.
2.4. Shirku wuxuu soo dhaweeyey isla markaasna bogaadiyey horumarka laga sameeyey arrimaha wadatashiga Doorashooyinka ee Guddiga Madax-bannaan ee doorashooyinku ka sameeyey qaybo badan oo Gobollada iyo Degmooyinka dalka kamid ah.
2.5. Waxaa la isku raacay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinku soo dhammeystiro degaanada ugu dhiman wadatashiga dadwaynaha ee arrimaha doorashooyinka.
2.6. Shir-waynuhu wuxuu hoosta-ka-xariiqay ahmiyadda ay leedahay qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah ee 2020-ka sida loogu talagalay. Sidaa darteedna waxaa lagama maarmaan ah in Guddiga Doorashooyinka la siiyo taageerada ay u baahanyihiin Siyaasad iyo Dhaqaala ahaanba.
2.7. Markey madaxdu dhagaysatay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Dastuurka uu ku faahfaahiyey horumarka laga sameeyey Tubta dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah, Waxaa la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka ku meelgaarka ah lagusoo gabogabeeyo sannadka 2018-ka, iyadoo qodabadda dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.1. Arrimaha Wadaagista Khayraadka
3.1. Markii shirku dhagaystay war-bixintii Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda lana tixgaliyey baahida deg-degga ah ee loo qabo ka faa'ifaysiga Khayraadka badda: Waxaa la isla qaatay in la saxiixo Heshiis ku-meel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga dakhliga kasoo xarooda Kalluumaysiga inta laga soo dhamaystirayo heshiiska guud ee qaybsiga khayraadka dalka.
Madaxda qaranku waxay isku raaceen in shirka soo socda lagu qabto magaalada Baydhabo 28-ka bisha Maarso, 2018 loogana heshiiyo qaybsiga khayraadka oo dhammaystiran, iyo hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo sannadka 2020-ka. Madaxda qaranku waxaa kale oo ay isku raaceen in la dardar geliyo go'aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.
-DHAMMAAD-
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xog: Halkee ayuu muddo kadib marayaa kiiska...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar kala duwan ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa muran Siyaasadeedka ka dhashay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hooyga Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Dowlada Somalia ayaa Seddexdii maalin ee ugu danbeysay ku howlaneed soo afmeerida tuhunka ka dhashay weerarka, waxaana soo baxaaya in Safiirka Imaaraadka ee Somalia oo kamid ahaa dadka lagu eedeynaayo weerarka uu iska fogeeyay.
Safaarada Imaaraadka ayaa iska fogeyneysa ku lug lahaanshiyaha weerarka waxaana sidoo kale weli taagan tuhuno kusoo biya shubtay shaqsiyaad ka tirsan dowlada oo loo badinaayo in ujeedooyin kale ay ka lahaayen weerarka.
Warar hoose ayaa weli sheegaya in dowlada qudheeda ay garwaaqsan tahay in weerarka ay ka danbeeyen shaqsiyaad iyada qeyb ka ah, gaar ahaan dhanka Hay'adaha amaanka, wallow ay u muuqato mid carada madaxa ka ceshaneysa.
Xogo iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ay wada kulmayaan Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha Somalia oo ay kawada hadli doonaan baaritaanka Kiiska weerarka.
Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha ayaa ku jahwareersan, waxa ayna iminka xooga saarayaan sida Cabdiqeybdiid ay ugu qancin lahaayen natiijada kasoo baxday barista oo ah mid aan sidaa usii buuxin.
Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa maalmo un ka hor markii Cabdiqeybdiid uu sheegay inuu qaadi doono talaabo maadaama aanu weli helin natiijo uu ku qancikaro.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wadahadaladii Somalia iyo Somaliland oo ka dhacaya...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargaysa (- Online) - Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Kan Maamulka Somaliland ayaa kulankoodii uhoreeyay ku yeelanaya Magaalada Jabuuti ee - dalka Jabuuti.
Wasiirka arimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa faahfaahiyay dib ujaan qaadida Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland oo Sanadihii danbe hakad kujiray kadib markii ay isbadalo dhaceen.
Sacad Cali Shire ayaa Sheegay in Wadahadalada si rasmi ah uga furmayaan Dalka Swizerland balse uu jiro kulan kaa ka horeeya oo labada Madaxweyne ay ku qaadanayaan Dalka Jabuuti, Ma sheegin xiliga rasmi ahaan ay furmayaan Wadahadalada iyo marka ay is arkayaan labada Madaxweyne.
Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxa keenay in laga soo wareejiyo Waahhadalka Dalka Turkiga maadaama ay taalay Gogoshii ugu danbeysay, Waxa uu sheegay in Turkida aysan dhex dhexaad ka eheyn Wadahadalka ayna aaminsanyihiin Somaliweyn, Taas ayuu ku micneeyay waxa keenay in laga soo Wareejiyo.
Dowladda Somaliya ayuu sheegay iney dhankeeda ka timid dalabka ah inuu bilowdo furitaanka Wadahadalka oo dhowr jeer oo hore uu qabsoomay aysan ka soo bixin qodobo wax ku ool ah.
Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo ah labada Madaxweyne ee kala hogaamineysa labada dhinac ayaa ah kuwo Xilka Madaxweynenimo ku cusub, Waxeyna badaleen; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo oo horay ukala hogaaminayay labada dhinac.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Saraakiil lagu helay musuq yaab leh oo shaqada laga...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in shaqo ka ertin lagu sameeyay Afar sarkaal oo ka tirsan dowladda, kadib markii lagu helay Musuq-maasuq baahsan.
Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in Saraakiishaasi ay ka been abuurteen tirada qaxooti ay diiwaangeliyeen, waxaana kamid ah ragga la xiray Madaxa arrimaha qaxootiga Apollo Kazungu iyo seddax kale oo ku xigeenadiisa ah.
Dowladu waxa ay sheegtay inay baaris ku samayn doonto saraakiil kale oo ka tirsan Hay'adda Qaramada midoobay oo laga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin kiiska musuqa.
Dowlada Uganda ayaa hadda martigelisa qaxooti gaaraya ilaa 1.4 milyan, taas oo noqoneysa tiradii ugu badneed in ay soo gashay sanadkii 2016ka. Waxayna qaxootidaan kasoo barakaceen wadamada Koonfurta Suudan iyo Congo.
Eedeyntaan ayaa shaki galinaysa tirada la sheegay. Ilaa iyo hadda waxaa Uganda lagu ammaanaa in ay tahay waddanka ugu wanaagsan adduunka markii loo eego martigelinta qaxootiga.
Dhinaca kale, Dowlada Ugandha ayaa tilmaantay in Saraakiishaasi ay ku heyso cadeymo Dukumiinti ah oo ka kaafinkara kiiska musuqa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Caliyaale iyo Naar Weyne – Taxanaha Maxaabbiistii 77...

0
0

Muqdisho (- Online) - Waxaan dhowr jeer tegey tuulada Caliyaale oo qiyaastii 15 u jirta Muqdisho. Waddada Balac ayay ku taallaa inta u dhexeysa Ceel Cirfiid iyo Garas Bintow. Waxaan raadinayay Cabdullaahi Bashiir oo wiilkiisu uu ka mid yahay maxaabbiis markaas ku jirtay xabsi Ethiopia in ka badan 10 sano, ehelkooduna uu u haysto in ay dagaalkii ku dhinteen.
Inkasta oo qof yaqaan aan ka waayay tuulada markii aan dhowr jeer tegey, haddana waxay igu noqotay wax aanan ku qanci karin.
Caliyaale oo xafiiskeyga sidaa ugu dhow in aan soo saari waayo maxbuuska aabbihiis waxay igu noqotay xujo igu taagan. Waxaa kale oo aan ku qanci waayay in tuulo sidaa u yar ay dadkoodu is aqoon waayaan.
Mar kasta waan ka fekeri jiray kiiskan. In ay meel wax ka khaldan yihiin ayaan dareemay. Xaggee wax ka khaldan yihiin ayay su'aashu noqotay?
Waxyaabo badan ayaa madaxeyga ku soo dhacay oo aanan hadda wakhti kaaga lumineyn.
Sida maanta oo kale ayaan maalin Jimco ah la sheekeysanayay dhallinyaro aan saaxiibbo nahay. Waxaa ka mid ahaa Allah ha u naxariistee Cabdulqaadir Cali Iidle oo aan Raadiyo Muqdisho ka wada shaqeyno. Inta sheekadu ay socoto waxaa maskaxdeyda qeyb ka mid ah ku taagan arrinta maxaabbiista kiisaskooda oo marba mid i hor imaanayaa.
Mar qura ayaan soo xusuustay magaca Cabdullaahi marka uu joogo Caliyaale in laga yaabo in uu noqdo Cabdulle. Si ka culus qiyaas ayaa wax ii sheegeen in ninka aan la'ahay ee reer Caliyaale aanuu ahayn Cabdullaahi Bashiir ee noqon uu ahaan karo Cabdulle Bashiir.
Waan sugi waayay Sabti iyo maalin shaqo. Isla markii ayaan dhaqaajiyay. Daqiiqado yar ka dibna waxaan tegey Caliyaale.
Sida aan ku tababbartay magaalada marka aad raadineyso dadka asalka ah ee laga yaabo in ay muddo dheer joogeen, dadka oo dhanna la macaamila waxaa ka mid ah dadka xirfaduhu ay u furan yihiin sida macallinka Quraanka, Imaamka Masjidka, makhaayadlaha, Timo Jaraha iyo kaariga suuqa baabuurta.
Naar Weyne
Waxaan u tegey nin kabo tolaya ama goommiiste ah, waxaan xusuustaa farsamo gacanta ah oo uu dhulka fadhiyay in uu ka shaqeynayay agtiisana ay yaalleen taayarro baabuur oo qaarkood uu jarjaran yihiin. Waan ag fariistay. Markii shaqadii uu markaa gacanta ku hayay uu ka soo jeestay ayaan weydiiyay ma taqaan Cabdulle Bashiir oo reer Caliyaale ah? Wuu ii sheegay in uu yaqaan laakiin uu maanta ku maqan yahay tuulo la yiraa Naar Weyne oo lagu duceysanayo.
Naar Weyne wuxuu iigu tilmaamay in uu waddada ka baxsan yahay laakiin uu la siman yahay Caliyaale.
Waxaan weydiiyay wiil uu dhalay oo dagaalkii 1977 ku dhintay in uu jiro. Nacam, ayay noqotay jawaabtu. Wuu xaqiijiyay arrintaas oo waliba wiilka magaciisa ayuu ii sheegay. Magaca uu ii sheegay iyo ninka aan waraaqda ka sido magaciisu waa iskeeneen.
Naar Wyne ayaan tilmaantii la i siiyay ku tegey. Waa goob lagu walimeysanayo. Rag aad u fara badan ayaa jooga. Xoolana waa la qashay. Cabdulle waa la i tusay. Waxaan u sheegay in aan arrin ka leeyahay oo aan u baahan ahay in aan gooni u baxno. Wuu iga yeelay inkasta oo nin saaxiibkiis ahi soo raacay.
Geed ayaan ag istaagnay markaasaan u billaabay sheeko kooban. Waan isu sheegay qofka aan ahay iyo hey'adda aan ka socdo. Waxaan u sheegay in aan maqlay in waiilkiisu uu ku geeriyooday dagaalkii 1977. Waxaan u raaciyay in ay jiraan dad loo haysto in ay dagaalka ku dhinteen, laakiin ka badbaaday oo Dowladda Ethiopia ay xabsi ku hayso. Ma maqashay ayaan iri warkaas.
Wuxuu ii sheegay in uu war noocaas ah dad ka maqlay laakiin run iyo been waxa ay tahay aanuu isagu ogeyn.
Waxaan u sheegay in ay run tahay. Waxaa kale oo aan u sheegay in wiilkiisu uu maxaabbiistaas ka mid yahay. Waraaqna aan uga sido. In yar ka dib, waraaqda uu u soo direy ayaan u akhriyay.
Markii uu cabbaar aammusnaa ayaan haddana u sheegay in uu wiilkiisu jawaab ka sugayo. Waxaan u fasiray in ay tahay in uu jawaabta noogu keeno xafiiskeenna Muqdisho oo aan u tilmaamay si aan u gaarsiinno wiilkiisa. Waxaan ugu daray in aan anigu ka qori karo jawaabta isla hadda haddii uu diyaar yahay. Tan dambe ayuu aqbalay.
Caqli mase Cilmi
Wuxuu billaabay in uu ii yeeriyo farriinta uu wiilkiisa u dirayo. Aniguna inta aan kadalloobsaday oo bowdadeyda sida miis aan xaashida saaray ayaan billaabay in aan qoro farriinta.
Isaga oo sida macallin dugsi quraan i kor taagan oo ii yeerinaya farriinta, laakiin codkiisu deggan yahay, anna aan qorayo ayaa waxaa hadalkiisii kala gooyay oo ka dhex galay saaxiibkiis.
"Cabdullow waa kula yaabbanahay." Ayuu hadalka ku billaabay. "Ma ninkii toban sano mootanaay oon duugtiisii dhignay aad hadda la warramee?"
Cabdulle oo aniga i soo xiganaya ayaa ku jawaabay, "Sidaad u hadlee xeey tahay! Ma waadan maqleyn warka ow igaarku hadda noo sheegaayay? Waa nool yahay maqli meyn haddoo?
Mowqifkiisii wuu ka soo dabcay laakiin jawaabta Cabdulle bixiyay ma wada qancin saaxiibkiis.
"Xataa haddow nool yahay, ooy run tahay, ma nin gacan Amxaaro ku jira aad warqad u diree?
Cabdulle intuu saas u fiiriyay, ayuu ugu jawaabay, "Inta labada oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay".
Kelmaddaas Cabdulle ku jawaabay waan ka helay laakiin markaas macna aad u weyn iima sameyn.
Hase yeeshee dhacdooyin sannad ka dib aan arkay ayaa hadalkiisii iiga dhigay mid aan soo xusuusto, welibana xusuusteyda ka go'i waayay fahamka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee aan kala kulmay ninkaas tuulo joogga ah.
Cabdulle iilama ekeyn nin iskuul dhigtay. Hase yeeshee, wuxuu ku hadlay hadal diblomaasiyadda wada xaajoodka ka tarjumaya. Ku saleysan khibrad. Haddana aan Ilaaheey ka quusan ee samafilasho ah.
Wuxuu gartay in labadii dirirtaa ay heshiin karaan. Wuxuu gartay in Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Hailemariam laga yaabo in ay wadahadlaan, taasina ay horseedi karto in maxaabbiista la is weydaarsado.
Caqliga iyo garashadu mararka qaar waxay ku tusayaan wax aan dadka kula asaagga ahi arki karin.
W/Q. Yuusuf Garaad- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Britain oo u digtay hey’adaha gargaarka ee dalkaasi

0
0

(Toggaherer)-Britain oo u digtay hey'adaha gargaarka ee dalkaasi.
Mid kamid ah hey'adaha gargaarka ee ugu weyn dalka Ingiriiska, Oxfam ayaa wajaheysa cambaareyn xoogan, kadib markii la sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha hey'adaasi uu la seexday haweenka jirkooda ka ganacsada.
Dowladda Britain aya hey'adda gargaarka ee Oxfam iyo hey'adaha kale uga digtay inay kala laabaneyso dhaqaalaha ay siiso, haddii aysan xaqiijinin badbaadada dadka nugul.
Eedeymahani oo uu soo weriyay wargesyka The Observer ayaa hey'adda Oxfam waxaa ay beenisay in qaar kamid ah shaqaalaheeda ay la sexdeen haween jirkooda ka ganacsada, xili ay howlo gargaar ka wadeen dalka Haiti oo uu dhul gariir ku dhuftay sannadkii 2011-ka.
Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Penny Mordaunt ayaa cambaareesay waxa ay ugu yeertay dabeecad argaggax leh.
Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday xili shaqaalahaasi Oxfam ay caawinayeen dhibanayaasha dhulka gariirkii ku dhuftay dalka Haiti.
storvideo: 

Fariin caafimaad :Nadaafada Biyaha

0
0

fariin caafimaad biyaha warshadaysan isticmaalkooda waxa ka fiican biyaha caadiga oo daawaysan xaga caafimaad qabka bulshada iyo macdanaha ku jira waxa la ogaaday biyaha warshaduhu ay diyaariyaan aanay u fiicnayn shaqada kalyaha aadamiga marka la barbar dhigo biyaha caadiga ahBiyahu waa noolasha aadamiga mar kasta caafimaad qabkeena iyo shaqada ka socota habdhiskeena ilaahay inoo abuuray waxa uu ka samaysan yahay 70% biyo iyadoo shaqada ka socota aanay ka maarmin biyo nadiif oo uu helo aadamuhu waxa loo baahan yahay in aynu markasta ilaalino ilaha aynu ka helo biyaha nadaafadoda sida ceelasha harooyinka barkadah waa in aynu sidoo kale ilaalina nadaafada weelka aynu ku shubano biyaha sida foostooyinka caagadaha iyo taangiyada taas oo kor u qaadaysa fayadhowrka noolasha aadamiga
Looma baahna in aynu ku ag maydhno maryeehena ama ku ag saxaroono ilaha aynu biyaha ka helo sida ceelasha baliyada barkadaha
Waxa kale oo xusud mudan in aynu si gaar ah ula hadalo ganacsatada dib u iibiya caagadaha iyo foostooyinka ay ka dhamaadeen suunta warshadaha furshaanta laga sameeyo oo ah sun aad u khatar ah oo waxyeelo halis caafimaad daro ku sababi karta aadamiga markay ku shubtaan biyaha ay cabayaan ogow tani waa dambi halis caafimad oosababi kara dhimasho ilaa tafiirta dhalashada u gudbi karta arintan waxa looga baahan yahay in wasaarada caafimaadku u gudato waajibka shaqo ee ay ku leedahay wacyi galinta iyo dabagalka warshadaha furshaanta foostooyinka ay ka isticmaalan halka ay geeyan si ,looga badbaadiyoBulshada
Ugu dambayn waa in aynu ilaalina nadaafada biyaha Iyo ilaha ay inoo soo maraan madama oo aynan ka maarmin noola sheenuna ay ku xidhan tahay biyaha
storvideo: 

Wareysi Xiiso Leh-shirweynihii Burco Lagu Qabtay...

0
0

(Toggaherer)-Wareysi Xiiso Leh-shirweynihii Burco Lagu Qabtay waxaanu fadhinay Bil Iyo Labaatan Cisho ..
-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cisman (Shaadh) Oo ka tirsan Mudanayaasha aqalka Golahaasi Guurtida Somaliland ayaa nooga warbixiyey Shirweynayaashaasi is xigxigay iyo qaabkii Nabadeynta wadanka Somaliland seeska Loogu dhigaayeyba,Iyo maanta Oo Aynu Beesha caalmak ka higsanayno Ictiraaf Buuxa in aynu ka helno.
Daawo- Wareysigaasi Oo faahfaahsan ,waxaan wareysigani qaaday Mr(Ayuubi).
[embedded content]
storvideo: 

Boqol sano guuradii dhalashada Mandela oo laga xusayo Koonfur Afrika

0
0

Xisbiga talada haya ee dalka koonfur Afrika ee ANC ayaa bilaabaya debbaaldagga lagu xusaya boqol sano kadib tan iyo markii u dhashay Madaxweynihi hore ee dalkaasi, Nelson Mandela.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live