Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Markabkii Ugu Horeeyey Oo Lubnaan Xoolo Uga Qaada Dalka Oo Dekedda Boosaaso Ka Ambabaxay…SAWIRRO

$
0
0

Markab nooca xamuulka qaada ayaa gelinkii dambe ee maanta xoolo ka
qaaday dekadda Bosaaso kuwaas oo la geyn doono dalka Lubnaan markii u
horeysay.
Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay
dekadda Bosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan
isla markaana ay noqonayso markii u horeysay oo Xoolo laga qaaday
dekadda Bosaaso loo dhoofiyo dalka Lubnaan.
Talaabadan ayaa timid siduu sheegay kadib dadaal fara badan la
sameeyey ku guuleysteen in Dowladda Lubnaan ay ogolaato in dalkeeda la
keeno Xoolaha Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Maxjarka ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada in ay ka
faa’ideystaan fursadaan isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan dalal ay
kamid tahay Jordan oo xudduud la leh Lubnaan ay iyana bilawdo in ay
xoolo ka qaadato Soomaaliya.
”Waxaan aad ugu faraxsanahay arintaan oo ah mid taariikhi ah,waxaana
ugu baaqaya dhamaan ganacsatada in ay ka faa’ideystaan
fursadaan.waxaan rajeynaynaa dalka Jordan ee xuduud la leh Lubnaan in
ay iyana howshaan bilawdo”,ayuu yiri.
Shirkada Somali Livestock ayaa fududeysay howshaan lagu dhoofinaayo
xoolaha ee la geynaayo dalka Lubnaan siduu sheegay Gudoomiyaha
Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi oo la hadlay Saxaafada.
Waxaa uu xusay in safaro badan ay ku tageen dalka Lubnaan oo ay kala
hadleen masuuliyin kala duwan arinta ku saabsan dhoofitaanka
xoolaha,markii dambana lagu guuleystay in ay aqbalaan codsiga ay u
gudbiyeen.
Duqa magaalada Bosaaso Xassan Cabdalla oo isna ka hadlay madasha ayaa
soo dhoweeyey talaabadaan kuna tilmaamay mid muhiim ah,waxaana uu ka
codsaday ganacsatada in ay dardar geliyaan howlahooda oo ay sii wadaan
horumarka.
Kabtanka Markabka oo goobta hadalo ka jeediyey kuna hadlay luuqada
Carabiga ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin imaatinka Soomaaliya gaar
ahaan dekadda Bosaaso,wuxuuna xusay in bishii labo jeer ay xoolo ka
qaadi doonaan dekadda.
Dhaqaatiir u dhashey dalka Masar ayaa ka qayb qaatay baaritaanka
caafimaad ee lagu sameynayay xoolaha maanta la dhoofiyey,waxaana ay
tilmaameen in Xoolaha Soomaaliyeed ay yihin kuwa intooda badan
caafimaad qaba oo Cuduro ay filayeen in laga helo ka waayeen.
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxjarka ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhowaan
loo dhoofin doono xoolo isla markaana markab qaadi doona xoolahaas
maalmaha soo socda kusoo xiran doono dekadda Bosaaso.
Xoolaha uu markabka qaaday ayaa isugu jira ari iyo l’o laga keenay
gobolada dalka,waxaana ay tiro ahaan gaarayaan 4,500-neef.
Shirkada dhoofsanaysa ayaa lagu magacaaba Al-Jaabur oo xarunteedu
tahay magaalada Beirut uuna iska leeyahay maalqabeen u dhashey dalka
Lubnaan.
Tani waxay noqonaysa talaabo horumar leh oo ay higsadeen maamulka
maxjarka maadama xoolaha oo keliya loo dhoofiyo wadamada
Khaliijka,waxayna kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay waqtiga
xajka.











Photo By:-Ayuub C/raxmaan
 
 


Ra’iisul Wasaaraha: Roadmap ka dhaqangelintiisa si fiican ayey u socotaa +Sawirro

$
0
0

Ra;iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay in dhaqangelinta Roadmap ka ay meel fiican mareyso, waxuuna sheegay in muddada sanadka ah ee la heysto loo baahanyahay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga miro dhalin lahaa howlaha muhiimka ah ee na horyaalla.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada ay golaha wasiirada ka doodeen, fikirkoodana ku dareen qorshaha, haddana ay socdaan dadaaladii maamulada dalka ka jira ay iyagana fikirkooda muhiimka ah ugu soo biirin lahaayeen si qorshaha uu u noqdo mid Soomaali oo dhan ay ka wada qeybqaateen isla markaana ay dhaqangelintiisana ka wada qeybqaataan si ay u sahlanaato in waqtiga noo haray aan si wada jir ah uga faa’iideysano.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo maamulada dalka ay ka wada qeybqaataan qorshaha amniga tanoo uu sheegay inay sahleyso maamul wanaagga, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay kulamo muhiim ah la soo qaatay ayaa u xaqiijiyey in Soomaalidu ay maanta diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan sidii waddanka loo xasilin lahaa, ha yeeshee loo baahanyahay beesha caalamka inay labo laabaan dadaaladooda ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa marxaladdan adag, waxuuna ka codsaday in loo baahanyahay in si deg-deg ah loo helo kaalmadii iyo tasiilaadkii lagu dhaqangelin lahaa roadmap ka.

 

Siillaanyoow Dhabtii Waad Dhaliilantahay, Waa Maanso La Hadlaysa Axmed Siillaayo. By: Mahammed Abdirahman Sharif

$
0
0

Tixdan oo ah mid cusub oo la magac baxday "Siillaanyooy dhabtii waad
dhaliilantahay" Waxay soo baxday 30/8/2011.
Siillaanyooy Dhabtii Waad dhaliilantahay
Dhabarkiyo Araxda waad ka dhuucsantahay
Calooshuna dhulkay u dhawaatayoo,Shinkaagii Dhamaa
Somaliduna dhamaan way ku dhawrasaa Waa lagaa dhursugi.
Dheeraa Dun-dumo dhoor fiiqanaa
Kolkay dheelidana fudkii dhalada yiil
Dhal-fiifaha intuu sii kala dhacdhacay
Isagoo dhanbalan sawkaa dhulkii
Inta uu ku dhacay ciidii dhex galay
Way dhererantahay ma dhaqaaqdo oo jiriduna ka dheer
Nabsigana ka dhawr waxii laga dhur sugo iskasoo dhawaa.
Siillaanyooy dhabtii waad dhimantahoo
Waad is dhaafsantahay madaxana dhadhaarbaa kaaga dhacay.
Siillaanyooy dhabtii dhiilkii godbeed naga dhaansatee
Waan ku dhawranaa Walibana dhitada waan dhiganaynaa
Waanan kugu dhawnahay.
Siillaanyooy dhabtii dhoobada Berbera jaad dhaafsatee
dhalinyarada iyo socotadaad dhibtee
Nabaradii ku dhacay adigoon ka dhayin
Jeel wada dhigtee miyaad dhoohantahay….? ficilkaaga dhugo.
Siillaanyooy dhabtii adigaa ka dhigan
Dhurdihii ilmaha gawskuun u dhigay
Uga dhuuntayee ka dhameeyayee
dhalaankiisii xaday isaguna dhargee
Dhacadiid hurdada goortuu dhag yidhi
Xoorkuna u dhacay.
Siillaanyooy dhabtii waa hadaanad dhamin
Ma kolbaad dhanayd sawdigii dharkiyo
Calalada dhigtee dhakhtarkii Berbera dhawr hal iyo kiniin Drug lagugu muday.
Siillaanyooy dhabtii dhibaatadu kun iyo
Waa dhawr kaloo waan kala dhigdhigay
Waanan kala dhambali dhagar weeyi qaar
Dhirbaaxooyin qaran dhasalaalaqii aad u dhalatay iyo Been dhumucyaweyn.
Qaarna waa dhufays aad ku dhuumatiyo
Dhabarkoo hadana ku dhalaalayiyo
Dhiiliyo colaad dhaleeciyo afxumo.
Qaarna waa dhig-dhexo dhismo aan lahayn dhoodhoobidaa.
Qaarna waa dharkeyn aad dhaawacdeen
Dheecaankii ka yimid dhako faaridaa
Qaarna waa dhalaan ubadkaad dhasheen
Kii dhaqanayiyo dhooroow maganta aad dhoofiseen
Qaarna waa dhibkii dhaawaciinii horee idinkoo an dhayin dhoofdhoof la'aan
Dhooroow waliba aad ku dhiirateen.
Qaarna waa dhugato  dhukaan aad qabtoo
Aan ka dhawrsadoo aanan sii dhex galin.
Qaarna waa dhab iyo dhagamaanya iyo
Dharaar wali kuu dhabacan iyo sheeko dheer
Qaarna waa dhakani, waxan kuu dhigoon kaa dhaadhacayn iyo dhego adayg.
Taan kala dhig dhigay  hadaan kala dhambalay tan kalana bal dhugo.
Siillaanyooy dhabtii xakun aan dhanaba
Ilaa dhaamka iyo Sheekh dhaafsanayn
Dhalanteed kursii wuu dhamaanayaa
Waana lagugu dhagi ee ma ciidaad dhex gali…?
Maansadu dhabtii waa dhiil godbeed
Way igu dherarantahay waan dhamaynayaa
Walibana dhabtii ceel dhubaniyo dhaniin
Maaha laas la dhuray waa waadi dhaba
Hoostana u dheer hakusoo dhawaan oo hasoo dhex galin.
Maansadu dhabtii haday dhoofta oo dabaylahu dhuftaan
Oood dhegaysataan waan soo dhawaan
Dhaankiyo safraha waan dhawrayaa waan dhega dhegayn
Hadaan sii dhirfana waan is dhawrayoo kaamaba dhergine
Hoostaan u dhici waana la is dhandhamin.
Nooli Kulantee
Mahammed Abdirahman Sharif
Yemen Sana'a.
guallab@gmail.com
———————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Hanbalyo Meher

$
0
0

 
Dhamaan dadkan hoos ku qorani waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn u dirayaan Boqorka iyo boqorada.Abdirahman Ibrahim Raage, Muna Ismaciil Mohamed oo uu  meherkoodukoodu dhawaan ka  dhacay magaalada hargeys,
 
 
Casha Madar
Ambaro Mahamuud 
Muhubo Abdi
Deqa Da"ud 
Nimco Yusuf 
Fardus Farah.
Ruqiya Budle
Khadra Budle
Fadumo Budle
Gobonimo Axmed
Koos Dalal
 
Waxaa taniyaada mid la mida diraaya
 Dhamaan Reeer Budle Xassan oo kal ah
 
Aabo muxumad xasan (budle)
Hooyo Xabiiba Taani Ducaale.
Muuse Budle iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Ruqiya Budle iyo odaygeeda iyo cayuurteeda.
Siciid Budle iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Sacad Budle iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Khadra Budle iyo odaygeeda iyo caruurteeda
Faadumo Budle iyo odageeda iyo caruurteed.
Mustafe Budle.
 
 
 
Abdirahman Ibrahim Raage, Muna Ismaciil Mohamed oo uu  meherkoodu  ka  dhacay magaalada hargeys,
Ilaahayna ha ka yeelo labadii isku waara Ubad khayr qabana kala hela. Aamiin……………Aamiin

La dagaalanka iyo dabar goynta Khat.Qadka-Waana in Bulshada loo abuura,Ciyaaraha Sports ka,ee kala duwan By: Khan Maxamed Farax.

$
0
0

Dhibaatada ugu weyn ee haysata umada Somaliland waa balwada cunista Khadka oo mareysa meeshii ugu liidatay,nasiib darada ugu weyna waa Dawlad kasta oo u dhalata Somaliland oo Wasiiradii iyo madaxdii iyagiiba aanay ka maarmin Khadkii,inta ay shaqeeyana ay yartahay, bulshadii ay wanaga u horseedi lahayena iyagiiba ku dhex jira Geedkan Khadkaa ee inta badan dhaqankeena ku dhex jirey,berigii hore sahalo ayuu ahaa Khadka Dad kooban aya cuni jirey oo u badnaa Odayada Xaafada dhalinta yaryarna Kubada ayey ciyaari jireen,maanta se waa la wada ruugayaa Khadkii Dadkii inta uu dhaafay ayaa Xayawaankii Riyihii-Geelii-Digaagii wada marqaansan yihiin.
 

 
Xilka ugu weyn waxa uu ka saaran yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo sidii uu wax uga qaban lahaa arinkan balwadan mareysa meeshii ugu liidatay,xilkani waa xilka uu madaxweynuhu bulshada ugu dhaartey,in uu bulshadiisa haday wado qaloocan oo xun ku socoto uu ka leexiyo,Madaxweyne bulshada aad Madaxweynaha u tahay way wada waalan yihiin ma caafimaad qabaan,bulsha aan caafimaad qabina wakhtiga aya kaaga lumaya waa adigoo Kildhi daloola biyo ka buuxiya shaah iyo hayl iyo sonkorna ku dara dab kulul oo shidana saara,u malayn maayo in Shaahaas cid calfan karto,Biyuhu dalaalka Kildhiga ayey ka baxayaan Kildhiguna ugu danbeynta wuu qarxayaa oo gubanayaa umada aad Madaxweyne u tahay waa Klidhigaas daloola ee dabka saaran oo maraya ku dhawaadkii qaraxa,waana in aad dabka ka qada Kildhiga biyihii ka dhamadeen dabkana damisaa inta aad ama kabaysid ama Kildhiga badalaysid.
Madaxweyne arin fudud maha cabsidiisa ayuu arinkan leeyahay Xerta Marqaankuna waa ay dagaal badan yihiin soo jeedkooduna waa uu badan yahay hase ahate waxii dhacayaba ha dhaceene kol aad ciidamada Somaliland ka soo gaxaysidna jiida hore ee Laascaanood oo aad ku duqaysid xerta Marqaanka,waa in aad arinkan wax ka qabata si ay kuugu gasho taariikh waligeed jiri doonta jiilka soo socdana laga badbaadiyo balwadan Khadka.Umad aan shaqaysanaynin oo ruugaya Khad oo laga soo biiliyo dibadaha xafiiska Dahabshiilna hor taagan wakhtiga aya kaaga lumaya adigoo is casila aya kuu dhama intaad umadan waalan ee wada marqaansan aad madaxweyne u tahay.
Waxa meesha aan ka maqneyn dhaqaalaha inagaga xarooda Kenya iyo Ethiopia waa dhaqaale aad iyo aad u badan oo waxyaabo badan lagu qabsan lahaa wadankana wadooyinka loogu dhisilahaa iwm,Khadka marka la dabar gooyo ee jeelasha lagu guro xerta marqaanka bulshada dhalinyarada ha lagu hirgaliyo Ciyaaraha kubada cagta iyo gacanta,kooxana ha laga hirgaliyo Magalooyinka waaweyn mushaharo badana ha loo balan qado dhalinta oo ha la siiyo,bulshada Aduunka oo dhan aya ciyaaraha lagu mashquuliyaa wadamadan aanu joogno America iyo Canada Dadkooda ciyaaraha ayey nafta ku madadaaliyaan,Ciyaartoyda way kala wada yaqaanan meesha uu ku dhashay magaciisa,hase ahate ma kala yaqanan Madaxda wadankooda dana kama laha Wasiiradana ma yaqaanan.
Waxa inoo wada balana sidii dhaqankan xun ee Marqaankaa loo tirtiri lahaa si bulshada loo badbaadiyo oo aanay u wada waalan oo god ugu wada dhicin wali wakhti badan aya la hayaa waana in dagaal weyn lagu qada xerta Marqaanka ee ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba,kuwa gudaha ee xerta marqaanka ee ku jira marfishyada waa in loo adeegsadaa ciidamada gaarkaa ee aan nixin ee Masaska cuna ee kaarayasha wata,marfishkastaba waa in la gubaa oo dab la qabadsiiyaa.
Khan Maxamed Farax.
Vancouver Canada.
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Somalia’s woes : Hope is four-legged and woolly

$
0
0

WHERE there are beasts, there is life, goes a saying in Somalia. Half of its people depend on livestock for their survival. This year they will export record numbers of animals. That seems improbable given that a famine is raging in south Somalia, which has seen over a million animals die of hunger and thirst. But the grazing in other parts of Somalia, especially the north, has been excellent and demand for livestock from abroad has never been higher. After banning Somali sheep and goats for many years, for allegedly being diseased, Jeddah in Saudi Arabia has once again declared them welcome. For the first time since the collapse of Somalia as a unitary state in 1991, Saudi and Lebanese traders have ventured into the local livestock markets. Goats are mainly exported to Mecca for the annual haj pilgrimage. The UN’s Food and Agriculture Organisation estimates that $250m-worth of animals will leave the port of Berbera and its more ramshackle rival, Bossaso, in the seven weeks before the haj in early November. In this section »Hope is four-legged and woollyMo money A Swedish October surprise An extraordinary exchange rate Uncomfortably polarised Lost in translation In the livestock market in Hargeisa, capital of the semi-autonomous region of Somaliland, sweaty goatherds press in on Adan Ahmed Deria, a trader. Hundreds of camels are being loaded onto lorries. Mr Deria nods to show that the price is fixed. “God willing,” he says, “I will buy 800,000 goats and sheep this year.” That is $52m of business, in cash, in a country where the economy has apparently collapsed.Trade is set to grow further. Saudi Arabia wants to double its livestock imports from Somalia by 2013. The herders face fierce competition from Georgia, China and Paraguay, buthalal butchers value the quality of Somali animals, which are raised by nomadic Muslims. Somalis have hardly begun to tap the value of their animals. With about $50m in international help they could invest in watering stations, encourage communities to cure animal skins, make soap from bone marrow and fashion buttons from camel bone. They might also usefully improve transport by, say, building bridges over rivers prone to flooding, which would cut out rapacious middlemen. Though the region suffers from rampant piracy, it mainly affects international shipping rather than locals. Last month pirates captured a livestock ship in the waters off Bossaso; they were killed within hours by irate traders and herders. Meanwhile, hijacked foreign freighters litter the coastline undisturbed. As parts of the economy grow, Somalis increasingly look to the diaspora for loans. Its members are prominent in gold and metal markets across Africa. Many excel at moving goods and money around. The once thriving fishing industry would be helped by investment in refrigerators, as would frankincense cultivation, which employs 10% of the workers in Puntland, a breakaway region in the north. None of this is to deny that the situation in south Somalia—the country’s breadbasket—is anything other than dire. UN figures yet to be published suggest that 80,000 people may already have died as a result of the famine. More are certain to follow them to the grave. According to Somali aid workers from the hungriest areas, the situation is bad but improving. Forecasts for the coming rains are promising. Showers have already arrived in some places. Recovery will be a struggle, but apocalypse looks less likely now. An American celebrity campaign, entitled “F— famine”, emphasises that famines are man-made. That is unhelpfully vague but not necessarily wrong. In Somalia famine results from the strictures imposed by the al-Qaeda-linked Shabab militia, which controls large parts of the south. A drought has strained the entire region. But Kenya and Ethiopia have dealt with it much better than the ignorant and petty Shabab. They have been kicked out of Mogadishu, Somalia’s ruined seaside capital, by African Union (AU) troops paid by America and the European Union. The Shabab are not yet defeated, but they have lost a lot of ground and support. The story of a 23-year-old farmer, Ahmed Mohammed, is typical. He fled his village of Bulamerer on the Shabelle river along with his heavily pregnant wife and one of their children. They left two other children behind in the village with Mr Mohammed’s mother and his teenage brothers and sisters. The family’s goats died of hunger. He fears his children might suffer the same fate. Still, he says he will not return home until the Shabab have gone. The fighters take a third of the harvest as taxation, ban singing, whip the men to prayers, force the women to cover their faces, and violently break up any gathering of four or more people. The village school is run by the Shabab, but only those loyal to their cause are allowed to attend. Echoing the suggestion that the famine is at least in part man-made, Mr Mohammed claims he and others were denied access to river water for their crops. Now on the defensive, the Shabab have taken actions as desperate as they are deadly. On October 4th they arranged a suicide bombing in Mogadishu which killed over 100 people. Most were students queuing up for scholarships to Turkey. The bomber, a teenager, recorded an interview before the attack in which he said of the victims, “They never think about the hereafter and about harassed Muslims.” The target of the bombing was education—hope itself—but also the Transitional Federal Government. It is supported by the AU troops in the capital. The prime minister, Abdiweli Mohamed Ali, wants to finish off the Shabab and has said “this is the time to intervene” and that the “cowards” should not be allowed to regroup. An offensive led by the AU and transitional government troops this week hammered Shabab positions on the edge of Mogadishu. Publicly, donor countries say the government is the best bet to run the country. Privately, they lambast it. Sheikh Sharif Ahmed, the lacklustre president, has extended his mandate by delaying elections to next year, to nobody’s satisfaction. Venal and inept, his government surely needs to be replaced. But with what? The International Crisis Group, a research and lobby group, argues that a “European style centralised state, based on Mogadishu, is almost certain to fail”. Somali elders talk of free-spirited nomads “vomiting up” orders made far away. Devolving power to towns and clans—the linchpin of Somali society—would be better. But that too is risky. South Somalia has several separatist groups and Puntland has at least three separatist insurgencies which result in almost daily assassinations of officials and an indefinite delay in potentially lucrative oil exploration. Somaliland in the far north is different again. Despite a dependency on qat, a mild stimulant imported from Ethiopia, which accounts for a third of imports, or $160m a year, it has a maturing government and four successful elections behind it. Many Western diplomats now think it deserves full independence. Ethiopia might agree. It needs a stable Somaliland to pipe gas from a newly found field in the east to the coast. The non-Shabab parts of Somalia have every chance of seeing strong economic growth. The diaspora remits $1 billion or so a year. That could finance badly needed investments. Yet often the money comes with strings attached. Some benefactors engage in what is known as “PlayStation politics” in which they attempt, as in video games, to control affairs in their homeland remotely. Or pillage it: “Where there is money, there is funny,” says Abdiwahid Hersi, the director of Puntland fisheries. Take the spiny lobster. Puntland used to catch 2,000 tonnes of these each year. But predatory fishing practices have destroyed stocks. Last year, the catch was only 167 tonnes. Next year, the spiny lobster may be gone forever. With it goes another chance for a better life in coastal communities tempted by piracy. Further economic growth in northern Somalia is dependant on law enforcement—an unlikely prospect. A group of mercenaries is suspected of having landed a shipment of arms and equipment at Bossaso this month. Could they be paid to clear out pirate dens and save the spiny lobster? Somalis laugh at the thought. But with north Somalia recovering somewhat, while the south is mired in famine, one conclusion is inescapable. The Somalia of the past is gone. The southern breadbasket has fallen too far behind. Even though it may slowly be freed from extremist control, Mogadishu will only ever be the capital in name. The country’s economic centre of gravity has shifted to the Arab-facing north. Bossaso has grown from 50,000 to 1m people since 1991. Hargeisa has expanded even faster. The best hope for the south is that some of the dynamism spreads.Source:TheEconomist

Ardaydii ugu badneyd oo Soomaali ah oo ka qalin Jabisay Jaamacadda UUM ee dalka Malaysia.

$
0
0

Sanadkan 2011  waxaa Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM  ka qalin jabiyay ardaydii ugu badneyd ee Soomaali ah. Ardaydan qalinbisay ayaa isuga jira bachelor degree iyo Master degree.
Jaamacadda UUM ee ku taal Gobalka Kedah Waqooyi Galbeed ee dalka Malaysia oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah ayaa horay waxaa ooga qalin jabiyay arday badan oo Soomaali ah balse sanadkan ayay ardaydii ugu badneyd oo tiro ahaan gaarya 42 ka qalin jabiyeen Jaamacadda UUM.
Halkan ka daawoo sawirada qalin jebinta
Xaflad si heeer sara ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM laguna qabtay Hotel-ka Regence ee Caasimadda Gobalka Kedah ee Alor Setar ayaa loo qabtay ardaydan dhameesatay waxbarashadda sanadkan ee jaamacadda UUM, Xafladdan
Kadib markii Xafladda lagu furay Aayaha Quraanka ah waxa si toos ah xafladda u furay Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM Mudane Saciid Macruuf isla markaana ahaa Madaxa Qabaabinta Xafladda  isagoo ugu horeentiiba u  mahadceliyay Xawaalaha Soomaaliyeed ee dalka Malaysia iyo cid walba oo gacan ka geesatay qabsoomidda Xafladda.
“Ardayda waxaa laga rabaa in ay wax ka qabtaa gaajadda iyo abaarta dalka ka jirta, sidoo kalle waxaan idinku dhiirigalinayaa Muhiimadda ay leedahay Waxbarashadda” sidaa waxaa yiri Dr Nuur Cabbdi Guudle oo Macalin  ka ah Jaamacadda Insania ee ku taal isla gobalka Kedah.

Halkan ka daawoo sawirada qalin jebinta
Dhanka kalle Dr. Sayid Mohamed Abdulle  oo ka mid ah arday Jaamacadda UUM ka diyaarinaya Phd oo ka hadlay Goobta ayaa yiri “Ardayda Soomaaliga ah ee Jaamcad dibadda ah wax ka bartay waxa uu leeyahay Muhiimad gaar ah sababtoo ah waxaa ku hareereeysan dhibaatooyin badan waxeeyna Mudanyihiin in si gaar ah loogu Mahadceliyo”
Dhanka kalle Waxa uu hadalkiisa sii raacaday “Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah in arday Soomaali ah ay ka qalin jabiyaan mid ka ah Jaamacadaha ugu Muhiim dalka Malaysia oo ah Jaamacadda UUM”.
Sidoo kalle Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Mudane Abdisalaam Maxamud ayaa u mahadceliyay araydii soo qaban qaabisay xafladda isagoo dhan kalle ardaydii dhameesatay waxbarashadda ku dhiiri galiyay in ay wax barashadda sii wadaan.
Ugu danbeyntii Xafladda ayaa ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan, Dhamaan ardaydii ka hadashay goobta waxa ay u mahadceliyeen dadkii ka soo qeybgalay iyo cid walba oo gacan ka geesatay qaban qaabadda xafladda.
Liiska ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda UUM iyo Maadada ay barteen.
Bachelor of Business Administration (Hons)
1. Abdi Razak Jama Mohamed Dualeh
2. Abdirizak Ali Isse
3. Ahmed Nur Moalim Abdullahi
Bachelor of Business Administration (Logistics & Transportation) (Hons)
1. Hamdi Abshir Geyre
Bachelor of Information Technology (Hons)
1. Abdillahi Abdirizak Sheikh Adan
2. Abdirahman Hussein Jibril
3. Abdisalam Mohamed Sheikh
4. Abdishakur Mohamed Idris
5. Adan A/Kadir Adan
6. Deqa Osman Ali
7. Hassan Mohamed Hirei
8. Ismail Hashi Ali Farah
9. Liban Musse Farah
10. Mohamed Abdulkadir Mohamed
11. Mohamed Ahmed Mohamoud
12. Mohamed Ahmed Sheikh
13. Mohamed Hassan Abdillahi
14. Mohamud Jama Mohamed Dualeh
15. Omar Abdullahi Ahmad
16. Said Ismail Mohamed
17. Sid Ali Isse Jeyte
18. Yahya Abdiwali Hersi
Bachelor of Human Resource Management (Hons)
1. Abdi Wali Mahamud Awl
2. Omar Abdullahi Sheikh Mohamed
3. Mohamed Abdillahi Mohamud
Bachelor of Banking (Hons)
1. Abas Mohamed Yusuf
2. Ali Abdilahi Haji Mohamed
Bachelor of International Business Management (Hons)
1. Ibrahim Mohamed Hussein
2. Nim’An Abdi Ali
Bachelor of Finance (Hons)
1. Abdinassir Ali Abdi
Bachelor of Islamic finance and Banking (Hons)
1. Abdirahman Bashiir Mohamed
2. Abdiwahab Ahmed Abdi
3. Mohamed Saeed Noor Samatar
4. Osman Ibrahim Dualeh Adle
5. Jalal AbdiLadif Bilal
6. Mohiyadin Nour Amin
Bachelor of International Affairs Management(Hons)
1. Mohudin Mohamed Ali
Master Human Resource Management
1. Osman Hussein Osman
2. Farhiya Abdi Hasan
Master of Ecnomics
1. Muhyadin Abdi hasen
Master of Science (Finance)
1. Ahmed Abubakar Ahmed Siad
Master Of Science (Information Technology)
1. Abdulah Abduljabar Abdulqadir
2. Abdiaziz Agane Abdisamed
3. Hussein Abdulahi Daud
4. Yahia Ali Muse
Daawo Video:
Ibraahim Da’ud Abdalle
Kuala Lumpur, Malaysia
sayfudiin@gmail.com
 

President of SomCable Mr. Mohamed Aw-Said Donates $10,000 to Hargeisa-Burco Road Rehabilitation

$
0
0

HARGEISA (SomalilandPress)—The president of SOMCABLE Mr. Mohamed Aw-Said today said that his firm has donated $10,000 for the rehabilitation of Hargeisa-Burco road that has been neglected by both the government and business sector for years. Mr. Aw-Said informed the press at a ceremony held in at Shiraaqle hotel Hargeisa that his contribution to rebuild the Hargeisa-Burco road will encourage others to donate towards this worthy cause. The Hargeisa-Burco road is in dreadful condition that trips between the two cities takes a minimum 5 hours due to the bad situation of the road. The management of the Hargeisa-Burco rehabilitation foundation thanked Mr. Mohamed Aw-Said Geddie for his benevolence contribution.About SomCable Somcable is a Somaliland registered Fiber Optic firm that is constructing the Berbera landing station that will enable Somaliland to interconnect with submarine cable networks which currently are deployed in the Red Sea. Once the cable landing is completed it is expected to improve the lives of the citizens through job creations and cheaper telecommunication services.


Qorsha Turkiga iyo Diidmada Shariif, Cabdiweli & Faroole

$
0
0

Qorsha Turkiga iyo Diidmada Shariif, Cabdiweli & Faroole
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Oktoobar 14 2011
Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa 19 August 2011ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya asaga oo xambaarasan risaalad qoto dheer ee ku wajahan sidii dalka Somali looga saari lahaa colaada, dagaalada iyo dowlad laáanta Somalia,ra’iisal wasaaraha Turkiga Erdogan waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dowlada federaalka madaxdeeda iyo indheergaradka Muqdisho, waxaa qeyb ka ahaa wafdigaa masuuliyiin ka tirsan dowlada dalka Turkiga Engeneero,ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga.
R/wasaaraha Turkiga qorshahii siyaasadeed uu la yimid dalka waxuu noqday mid laga biyo diido lagana doorto in siyaasada USA oo ah tan dabda ka riixeeysa in ciidamada AU lagu soo daabulo oo laguna soo badiyo Somali si aay u xasiliyaan dalka Somalia aay tahay riyo ku maldahan gumeeysi xoriyada umada Somali lagu luminaayo iyada oo la adeegsanayo aragtida siyaasadeed iyo mida maskaxeed ee ah slow but sure degrees oo xaqiiqdii lagu macneeyo :Aayar qorshaha u wada laakiin gunta waa marka la gaaro darajada ah in aay ogol yihiin in la gumeeysto qabsada, taas oo runtii ah mida hada aay ku socdaan somalia,diyaarna aay u yihiin Shariif iyo Cabdiweli iyo Faroole maadaama aay noqdeen kuwa saamiqeeybsi dowladeed ku heshiiyay (Shareholder).Somalida inteeda kalene aayan ka damqan saami-qeeybsigaa.Ma xalbaa mise waa Xaqaro garb og ?? Ma cadaalaa mise waa cadaalo-daro ??
Yaa diidan risaalad Turkiga ee Somalia ??
Di un poco di coscienza, nessuno può far senza
Waxaa marna shaki ku jirin in r/wasaare Cabdiweli iyo Faroole aay yihiin kuwa wada shaxda guracan ee siyaasadeed oo loogu hortagayo risaalada dowlada Turkiga ,waxaa umada aay ogtahay in safarkii Cabdiweli ee uu ku tagay Un ka ka dibna ku soo gabagabeeyay dalka Ethiopia in uu ahaa qorshe lagu dhabar jibinaayo qorshaha Turkiga ee uu ka damacsan yahay dalka Somalia,Zanawi iyo Cabdiweli waxaa aay ilaa 4 cisho ka wada hadlaayeen shaxada iyo sidii dowlada Turkiga loogu qancin lahaa in aay ku ekaadaan arimaha gargaarka oo kaliya halka dowlada Turkigana hadafkooda uu ka weeyn yahay arimaha gargaarka balse aay damacsan yihiin in arimaha gargaarka iyo dib u dhisida dalka Somalia in aanan marna looga maarmin in wax laga qabto siyaasad fooshaxun oo aay hormuudka ka tahay USA, AU aay tahay adeege loo adeegsanayo in dalka Somalia uusan marna lugahiisa ku istaagin, waxaa uu Erdogan si cad u sheegay in gargaarka iyo soo celinta nabada Somalia aay tahay mida aay kala tashanayaan caalamka kuwiisa jecel in Somalia aay ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo,Erdogaan marna ma ogola in ciidamada AU uu magan u noqdo,waxaa uu balan qaaday in gargaarka dowlada Turkiga uu tagi doono meel-walba oo koonfurta ah waxaana gargaarkaa ilaalin doona ciidamada Turkiga,Erdogaan waxuu xiligaan wadahadal kula jiraa dowladaha Islaamka ee daneeya Somali.
Madaxweyne xigeenka dawlada goboleedka Puntland Jen.Cabdisamed Cali Shire iyo xeeyn wasiiro ah ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Addis-Ababa oo aay u tageen arimo aay ka mid yihiin taageerida shaxda ku wajahan taageerida Cabdiweli iyo dhaleeceeynta Turkuga arimaha siyaasada Somalia uu ka damacsan yahay,waxaa leeysla qaatay in Puntland aay yimaadaan ciidamada Ethiopia si caalamka loo qaldo laguna tilmaamo in aay ciidamada Ethiopia aay yihiin ciidamo AU ka mid ah ,UN kana ku dhiirogeliyay soo dhameeystirka ciidamada dowladaha Afrikaanka aay balan qaadeen, sabbabta Puntland loo geeynaayana aay tahay la dagaalanka burcadbadeedka xeebaha Somalia, Faroole oo hada jooga London kana qeeyb gelaaya shirka looga hadlayo burcadbadeedka Somalia ayaa qalinka ku duugay manta inta uusan ka dhoofin Garowe kuna qancay maadaama doorashada Puntland aay soo dhawdahayne in baarlamaanka Puntland uu u kordhiyo Faroole xilka madaxweeynaha ujeedkana aay tahay in la gaaro 2012 August ,xiligaa oo aay ugu ek-tahay Shariif xilka madaxweeyne ee dowlada ku meelgaarka ah.
Inta danaha Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali, double moral oo ah lugta jecli, lafta jecli sabbabta oo ah Cabdiweli iyo Faroole waxaa aay ka shaqeeynayaan danaha Puntland oo kaliya qiimakasta haku qaadatee,dad xishoodaa maaha Somali oo dhan ayaa arkeeysa xataa haddii dalka intiisa kale gumeeysi qaato diyaar ayeey u yihiin.
Teedyada anaa leh Taadana kula lehi. La mala erba non muore mai.
Meles Zenawi wuxuu UN ka ka sheegay in xukuumada Somaliya ay awoodi waday inay tababar siiso ciidamadeeda bada iyo beriga si ay u yaraadaan dagaalada kaga imaanaya mucaaradka ka horjeeda iyo burcadbadeedka , Zenawi ayaa ku booriyey beesha caalamka in la abuuro wadooyin ay kaalmadu maarto si loo caawiyo dadka ku tabaalysan Soomaaliya, Zenawi ayaa ku nuux nuuxsaday in ay lama huraan tahay in dadka abaaruhu wax yeeleen lagu caawiyo meeshooda si loo yereeyo dadka qaxaya,intaba waxaa kuu cad akhristow in Zanawi uu bisleeynaayo raashinki uu cuni lahaa.
Alow Sahal Umuuraha.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Muqdisho: Roobab Khasaare Geystay

$
0
0

Roobabkii dhawaan Muqdisho ka da'ay ayaa dhibaato xagga hoyga ah ku keenay barakacayaashii ku sugnaa xeryahay barakacayaasha ee Muqdisho.
Dadkan ayaa codsanaya in taageero lala gaaro maaddaama ay biyihii roobku ka qooyeen wixii guryahooda dhex yaallay.

Muqdisho: Roobab Khasaare Geystay

$
0
0

Roobabkii dhawaan Muqdisho ka da'ay ayaa dhibaato xagga hoyga ah ku keenay barakacayaashii ku sugnaa xeryahay barakacayaasha ee Muqdisho.

Dadkan ayaa codsanaya in taageero lala gaaro maaddaama ay biyihii roobku ka qooyeen wixii guryahooda dhex yaallay.

Ugaaska Beelaha Gadabuursi iyo wafti uu hogaaminayo oo safar ugu bixi doona magaalada Saylac.

$
0
0

Ugaas Cabdirashid Ugas Rooble
Borama(Saylac.com) Wafti balaadhan oo oday dhameedyo ah uuna horkacayo Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble ayaa lagu wadaa  in maalmaha inagu soo fooleh ay socdaal ugu baxaan magaalada Saylac ee gobolka Selel. Socdaalka Ugaaska iyo waftiga uu horkacayo ayaa  sida la sheegay ah mid  dhaqan soo jireen ah isla markaana Ugaasku uu ugu kuur galayo xaalada nololeed iyo dhaqaale ee dadyowga ku dhaqan magaalada Saylac iyo nawaaxigeeda.
Sida aanu wararka ku helay waftigan oo ay weheliyaan madax dhaqameedyo farabadan oo kasoo jeeda beelaha Gadabuursi ayaa waxa ay soo mari doonaan magaalooyin dhawra iyo degaanada abaaruhu ka taagan yihiin ee xeebta gobolka Awdal iyo Selel.
Dhinaca  dhaqdhaqaaqa imaatinka Ugaaska ayaa si weyn looga dareemay magaalada Saylac iyo magaalooyinka kale ee uu Ugaasku sii mari doono oo ay ugu horeyso magaalada Boon .
Wararka intooda kale iyo socdaalka Ugaaska iyo Waftiga uu horkayo kala soco saylac.com
 
Saylac.com Borama Somaliland
 

Qarax Culus Oo Ruxay Muqdisho

$
0
0

Mogadishu – GMN – Daryan culus, ayaa mar qura laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho ka dib markii uu qarax weyn ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobe, halkaasi oo ay marayeen kolonyo ciidan ah.
Waxaa jira khasaare aan ilaa iyo hadda la haynin tiro ahaan, balse dhimashada iyo dhaawaca ayaa iminka la kala saarayaa, waxaana gubanaya mid ka mid ah gawaarida tiknikada ee ay Ciidanku wateen.
Waxaa gabi ahaanba xiran wada isku xirta Soobe ilaa Isgoyska Banaadir, halkaasi oo ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda KMG ay isku gedaameen.
Lama oga qaraxa waxa uu ahaa, balse goobjoogayaasha ayaa ku waramaya inuu u ekaa mid wadada dhinaceeda ku aasnaa.
Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Online
Gedoonlinenews@gmail.com

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay guulaha Ciidamada Dowladda ay gaareen

$
0
0

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay guulaha ay gaareen Ciidamada xooga dalka soomaaliyed, si ay dalka uga xoreeyaan cadawga ku soo duulay diinta iyo dalka, kadib bayaan ka soo baxay Culimada. Bayaanka Culimada ayaa lagu tagaeeray howl galada ay ciidamada dowladda ka wadaan dalka oo dhan, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka [...]

Somalia PM condemns the kidnapping of Aid Workers from the Dadaab Refugee Camp

$
0
0

13 October 2011 – The Prime Minister of the Transitional Federal Government of the Somali Republic, H.E. Dr. Abdiweli Mohamed Ali, has expressed his strong condemnation of the kidnappings of two Spanish doctors, two Kenyans and the injury of their Kenyan driver by Gunmen at the Dadaab Refugee Camp in Kenya. “I am deeply saddened [...]


Xaalada deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Jubooyinka oo saaka degan

$
0
0

Xaalada deegaanadii shalay lagu ee Jubooyinka ayaa saaka degan, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal wali laga dareemayo deegaanada qaar ee Goboladaas. Dagaaladii shalay oo ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal ayaa waxaa ku dhintay ilaa labaatameeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ay ku jireen, waxaana wali warar kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha [...]

Cali Dheere “Waxaan soo dhoweyneynaa gurmadka ay soo gaarsiiyeen Tandiimka Al-Qaacida walaalahooda Soomaaliyed”

$
0
0

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo dhoweeyay gar gaarka gurmadka ay soo gaarsiiyeen Ururweynaha Al-Qaacida Shacabka Soomaaliyed isagoo uga mahad celiyay. Isagoo shalay ka hadlayay Munaasabad Al-Qaacida gar gaarkii u horeeyay oo sama fal ah ku gaarsiiyeen Shacab Soomaaliyed ayuu waxaa ku faah faahiyay deeqdaas iyo qaabka ay ugu tala [...]

Al-Qaacida oo markii u horeysay sheegtay in Soomaaliya kula dagaalantay Ciidamadii UNISOM, Itoobiya iyo AMISOM

$
0
0

Ururweynaha Al-Qaacida ayaa markii u horeysay ka soo muuqday goob fagaare, kadib markii shalay gar gaar sama fal kii u horeeyay ka qeybiyay Xero barakacayaal ah oo ku taala deegaanka NO-50, kaasoo loogu magac daray Aala-Yaasir. Deeqda gar gaarka oo aheyd mid Islaanimo ayay Ururweynaha Al-Qaacida soo gaarsiiyeen dadka Soomaaliyed ee abaaraha ay ceyrteeyeen, waxaana [...]

Ra’iisul Wasaaraha “Roadmap ka dhaqangelintiisa oo si fiican u socota”

$
0
0

Ra;iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa sheegay in dhaqangelinta Roadmap ka ay meel fiican mareyso, waxuuna sheegay in muddada sanadka ah ee la heysto loo baahanyahay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga miro dhalin lahaa howlaha muhiimka ah ee na horyaalla. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay [...]

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live