Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga oo diiday xil ka...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa ku gacan seyray wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday wasiirka wasaaradaasi iyo eedeyn musuq ah oo loo jeediyay.
Qoraal jawaab celin ah oo uu soo saaray maanta agaasimaha guud ayuu ku sheegay in wasiirka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) aanu awood sharci ah u laheyn inuu xilka ka qaado, wuxuuna intaas ku daray in markii hore xilka loogu magacaabay Wareegto Madaxweyne oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada, haddii xilka laga qaadayana ay tahay in wadadaas loo maro.
Agaasimaha ayaa sheegay in shaqo joojin uun uu sameyn karay Wasiir Maareeye, wuxuuna qoraalkiisa oo loo kala diray xafiisyo kala duwan oo ay ku jiraan kan madxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha uu si weyn ugu beeniyay oo uu been abuur ku tilmaamay eedaha wasiir Maareeye u jeediyay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA AGAASIMAHA
Tixraac warqadda summadeedu tahay summad wgw/ xw 14/,2018
Kuna tariikheysan 10.2.2018 kana soobaxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warashada nuxurkeeduna ahaa shaqa ka joojin iyo xilkaqadis
Mudane wasiir waan aqbalay shaqo ka joojinta aad ii soo jeedisay waana awoodaha wasiirka
Dhan kakale xilkaqadista agaasimaha guud ee aad ii soo gudbisay ka ma mid aha awoodaha Wasiir
Waxaan ahay agaasimaha guud oo heysta ansixinta golaha wasiiirada ee ku tariiqeysan 11.02.2018
Islamarkaana helay digreeto madaxweyne oo ku tariqeysan 08/07/2018 sidaa darteed waxaa xilka sirasmi ah igaga qaadi kara madaxda sare ee dowlada Madaxweynaha ama Ra'iisul wasaaraha
Sida kucad dastuurka dalka markuu dhammaado habraaca xilka qaadista si sharci ah waxaana diyaar in xilka aan k uwareejiyo sifa sharci ah inta ka horeysana waxaan ahay agaasimah guud ee wasarada
Mudane wasiir anigoo xushmad kuu haya waxaad hareer martay sharciga shaqaalaha rayidka ee qaranka (sharciga no. 11) qodabadiisa 45aad iyo 46aad sidookale waxaad tixgelin weyday dastuur kumeelgaarka ah qodobka 115aad iyo 116aad oo ka hadlaya wajibaadka iyo ilaalinta xaquuqda shaqaalaha rayidka ee dowlada
Mudane Wasiir waxaan kula socodsiinaya waxaan lasoo shaqeeyay 10 wasiir wasiiru dowle iyo wasiir kuxigeen oo kaa horeeyay oo ilaa hadda qaar shaqeynaya mana aanan sheegin waxyaabaha aad ku sheegtay warqadada ee eedeymaha, waana markii ugu horeysay muddo 9 sano oo aan ka shaqeynaayay oo khilafkedu bannaanka usoo baxo adigoo nala shaqeynaya bil iyo laba maalin
Waxqabadkii ugu muhiimsana waxaa kamid ahaa dhismaha wasdaradda maanta aan ku shaqeyneeno inaga iyo wasaradaha kale iyo sameynta sharciyadda lagu shaqeeyo hada
Mudane wasiir waxaad ii soo jeedisay eedeymo dhamaantood aanay waxba kajirin madaama ay jirto sameynta shardciga waxaa lagaaga fadhiyaa caddeymo ku qotomo (hanti dhowr iyo garsoor)
Sida marar badan soo laablaabatay oo ah awood sheegashada agaasimayaasha ay ku sameeyen wasiiraddoodu waxaan kacodsanayaa madaxweyna iyo ra iisulwasaraha in ay arintaan soo fara geliyaan si ay xal ugu noqoto khilaafad danbe dowlada madxweyna farmaajo iyo xukumada ra iisul wasaare kheyre ee nabad iyo nolol waxay ku baqeen hirgilint sareynta sharciga
Dhammaan hay'adaha ay warqadan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiinta ku tahayba waxaan ka codsanayaa in ay arintan sida ugu dhaqsiyaha badan u soo farageliyaan madaama aan ahay masuul dowladeed oo sharaftiisa dastuuriga meel looga dhacay iyadoo loo adegsanaya awood dowladed oo xil ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Kim Jong-un oo ammaanay Kuuriyada Koonfureed

$
0
0

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo '' jawiga dib u heshiisiineed'' ee ay abuurtay Kuuriyada Koonfureed oo martigalineysa ciyaaraha qabobaha ee Olimbikada.
Kim Jong-un ayaa Kuuriya Koonfureed ku amaanay ku martigalinta waddankisa ciyaaraha ka dhacay Pyeongchang.
Wafdiga ka yimid waqooyiga oo ka qeybgalay furitaanka ciyaaraha ayaa waxaa hogaaminaayey gabadha la dhalatay Kim Yo-jong waxayna hadda ku laabteen waddankooda .
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareekanka uu ufuranyahay in ay wadahaddla la yeeshaan Kuuriyada Waqooyi.
Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ay martigleineysa Kuuriyada Koonfureed syaa loo arkay inay dardar gelineysa xiriirka labada dal.
Kim Jong-un walaashiis oo booqanaysa Kuuriyada Koonfureed
Gabadha uu dhalay Trump iyo tan la dhalatay Kim Jong-un oo meel isugu tagaya
Booqashada Kim iyo Kim Yong-nam ayaa ah tii ugu horreysay oo ay xubna ka socdo Kuuriyada Waqooyi ku tagaan Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1950-kii.
Labada Kuuriya waligood si rasmi ah uma saxiixan heshiis nabadeed markii uu dhamaadey dagaalkaasi.
Hase yeeshe,Sabtidii haweeneyda lagu magacabo Kim waxay gudoonsiisay warqad Madaxweye Moon oo ka timid walaalkeed ,isagoo ku casuumayaa in uu soo boqdo Pyongyang.
Haddii uu kulankaasi qabsoomana ,waxay noqonaysa markii ugu horreysay oo hogaamiyayaasha labadda Kuuriya ay kulmaan.
storvideo: 

Gaabis ku Yimid Howshii Shaqo ee Dekadda Muqdisho

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan uu gaabis ku jiray howlihii dekedda Muqdisho oo ay ganacsatadu ka cabanayaan canshuur kordhin ay sheegeen in lagu sameeyay.
storvideo: 

Wareysi Cali Fiqi: Xaaladda Soomaalida ee Liibiya

$
0
0

Wafdi ka socda dawladda Soomaaliya ayaa maalinkii labaad ku sugan magaalada Tripoli ee dalka Liibiya si ay ugu kuur-galaan xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya.
Wafdigan, ayaa sidoo kale ka shaqeeyn doona sidii dib loogu celi lahaa waddankooda. Wafdiga Soomaaliya ayaa waxa hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Faqi, waxana khadka telefoonka ee Tripoli ugu warramay wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:30
0:00:00 /0:05:30
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Maamulka Gobolka Banaadir oo Caafimaad dibada ah u...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Fiiso Caafimaad oo Dalka Dibadiisa ah gaar ahaan dalka Turkiga siiyay gabar yar oo 12 Sano jir ah, islamarkaana iyaddoo hal sano jir ah xabad kaga Dhacday kaadi heysta.
Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arimaha bulshada Marwo Basmo caamir, ayaa aabaha Gabadha xanuunsan guddoon siisay lacag gaareysa $2000 oo ah sahay safar.
Maamul gobolka Banaadir ayaa siddaan oo kale dhowr jeer oo hore dad qaba xanuuno kala duwan siiyey deeq caafimaad siiyey oo dalka dibadiisa ah, kuwaasi oo dalka waxba looga qaban waayey.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka saaray Degmadda Sablaale ee Gobolka Sh.hoose
Next articleWasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka howl gala Soomaaliya

storvideo: 

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo la...

$
0
0

Garoowe (SONNA), Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.
"Haddaan nahay Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay" ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.
Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri
"Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka tala gelinno dhammaan Dawlad Goboleedyada, rajo wayn ayaan ka qabaa inagga oo dhammaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka".
Dhankooda Guddoomiyeyaasha labada Guddi ee Wasaaradda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xiggeenka iyo Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.
storvideo: 

Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray...

$
0
0

Militariga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa maanta Al-shabaab ka qabsaday degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Mudane. Ibraahim Aadan Najax ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in militariga Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ,islamarkaana haatan uu ka socdo Baaritaan lagu xaqiijinayo amniga degmadaasi.
Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin degaanno kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Al-shabaab.
PUNTLAND POST
The post Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo:Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo la...

$
0
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada dowladda Puntland.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.
"Haddaan nahay Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay" ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.
Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri
"Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka tala gelinno dhammaan Dawlad Goboleedyada, rajo wayn ayaan ka qabaa inagga oo dhammaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka".
Dhankooda Guddoomiyeyaasha labada Guddi ee Wasaaradda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xiggeenka iyo Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST
The post Daawo:Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiiradda Puntland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay...

$
0
0

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dalladaha Waxbarasho ee ka jira dalka in ay soo diiwan-geliyaan u fadhiisanaysa imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2017/2018.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa ku baaqay inay dalladaha wabarasho ee ka howl gala dalka ay soo diwaan geliyaan Ardayda imtixaanka sanad dugsiyeedka 2017/2018 fasalka 12aad u fadhiisan doonta, waqtigana uu ku egyahay ilaa 15 ka oo labo maalin ay ka dhimatahay , si nidaamka iyo habsami usocodka imtixaanka uu u noqdo mid lagu guuleeysto.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in tirada ardayda sannadkaan imtixaanka u fadhiisan doonta ay kor u kacday, iyaddoo sannadkii horay ay galeen 18kun oo arday ah, hase yeeshee sanadkaan tayadiisa sare lo qaadi doono.
wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diyaarisay Manhaj mideysan oo buugaagta dugsiga hoose ah, kan dhexen la bilaabi doona inta lagu guda jiro sanad dugsiyeedkaan.
The post Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka jira Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo la...

$
0
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane [...]
storvideo: 

War Deg Deg:-Qarax miino oo Ka Dhacay Magaaladda...

$
0
0

Inta la xaqiijiyay 4-caruur ah ayaa ku dhimatay labo kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Miino caawa ay kula qaraxday isgoyska KM-4 ee Magaaladda Muqdisho.
Caruurta Miinadda ay la qaraxday ayaa ku sugnaa meel ku dhow Maqaayadda Fatxi ee isgoyska KM4 ee Magaaladda magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta, caruur oo ahaa kuwa Darbji jiifka ayaa ku ciyaarayay miinadda taasi oo keentay, in ay la qaraxdo.
Dhanka kale Caruurtii ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka.
Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya aaya goordhaweyd gaaray goobta ay miinadda ku qarxday.
storvideo: 

Sawirro: Halkee ayuu marayaa qorshaha badbaadinta...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Garoowe (- Online)-Waxaa weli socda gurmadka lagu doonaayo in lagu badbaadiyo Dooni weyn kusoo caarisay Xeebta magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Doonidan oo qaar kamid ah alaabihii saarnaa ku qubtay Badda ayaa waxaa iminka xooga la saarayaa sida lagu badbaadin lahaa alaabaha badqaba ee saran Doonida.
Doonida ayaa u raran ganacsato Soomaaliyeed waxaana la xaqiijiyay in rarka saran uu yahay ilaa 10 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Howlgalka lagu badbaadinaayo doontaasi ayaa socdo ku dhawaad todobaad,Doontaan oo cilad ku timid, ayaa markeedii hore loo diiday inay ku xirato Dakadda Magaalada Boosaaso.
Ganacsatada iyo dad weynaha ayaa caro tuur iyo Kunteenaro laga buuxiyay carro dhigay inta u dhexeysa Doonida ilaa Xeebta, iyadoo ujeedka uu yahay badbaadinta Hantida saran Doonida.
Doonida ayaa waxaa saran Gaadiid kuwaa oo sababta ugu weyn u noqday inay caariso doonida, waxaana suuragal ah in ilaa iyo bari lagu soo afmeero caro tuurka loo sameynaayo Doonida.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Dhalinyaro is xil qaantay oo Muqdisho ka...

$
0
0

Dhalinyaro is-xil qaantay ayaa bilaabay olole iskaa wax u qabso ah oo ay ku qurxinayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.
Ololahaan oo ka bilowday degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ayaa waxay dhalinyaradaan ay ku qurxinayaan wadooyinka laamiyada ah oo ay u sameynayaan calaamadaha wadooyinka oo kalaro kala duwan leh.
Guudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar Jajab Cali C/qaadir Faarax oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeyb qaadanayay horumarka wadooyinka Muqdisho ayaa ku amaanay dhalinyarada isku filnaashada ay muujinayaan dhalinayarada Soomaaliyeed iyagoo 75% ay yihiin dhalinayaro guud ahaan dalka maamulkuna uu si dhaw ula shqaqeyn doono.
Bilihi ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dhalinyaro iskaa wax u qabso ku qurxinayo laamiyada magalaada muqdisho kuwaas oo wax badan kusoo kordhin doono bilicda - ee Muqdisho.
storvideo: 

Hal ku dhigii Madaxweyne Gaas ee Puntland ha isku...

$
0
0

13th February 2018 admin Category :
Hal ku dhigii Madaxweyne Gaas ee Puntland ha isku tashato inuu hirgalay waxaa marag u ah dekedda macmalka ah ee Boosaaso laga dhisay.
In dadku iskood wax u qabsadaan iyagoo aan gacmo kale kaalmo ka helin, libinteeda waxaa leh Madaxweynaha oo hanaankaas bilaabay.
Dekeda macmalka ah rayigii lagu dhisay waxaa lahaa Madaxweynaha, dadkuna iyagoo raacaya tubtuu u jeexay ayey fuliyeen.
Short Flim #GUUL_FILMS Part One Gurmadka Loosamaynayo Doonidii Xeebta Boosaso kusoo Caariday.Dekeda Macmalka ah ee laga barbar dhisay Dekeda Weyn Ee Boosaso' Aya Gabogabo Maraysa, Ilaa 2part ayaan SoosaaridoonaLike+ Share Faafi Walaal#Horaaloosocanayaa Kaqayb Qaado Horumarka DakagaaaMohamed Muse Tarsan #Guul_Films
Opslaet af Mohamed Muse Tarsan pa 13. februar 2018

storvideo: 

Muxuu ku haminayaa Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda?

$
0
0

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkaasi loo doorto kaddib sanado badan oo uu halkaasi ka shaqeynayay.


Maxaa looga hadlayaa shirka IGAD ee Muqdisho maanta lagu soo gebagabeynayo?

$
0
0

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir maalmahanba halkaasi ka soconayay oo uu soo qabanqaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Wadooyinka Muqdisha soo gelaya oo la dhisayo

$
0
0

13th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Dowlada Qader ayaa bilaabeyso wadooyin laami ah oo isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Afgooye , Muqdisho iyo jowhar oo ay horay ugu wada heshiyen labada dowladood waxana la filaya in dhawaan uu bilowdo.
[embedded content]
.
storvideo: 

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu oo wajahaya eedo musuq maasuq

$
0
0

Booliska Israa'iil ayaa sheegay in ay tahay in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogo eedo ah inuu laaluush qaatay.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu oo...

$
0
0

Booliska Israa'iil ayaa sheegay in ay tahay in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogo eedo ah inuu laaluush qaatay.
Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr Netanyahu taas oo ah inuu laaluush qaatay, uu misana ku lug lahaa wax isdabamarin iyo weliba inuu amaanada ku jabiyay laba kiis oo kala duwan.
Isagoo ka hadlayay taleefishinka Israa'iil, ayuu Mr Netanyahu waxa uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxa uu sheegay inuu shaqadiisa ra'iisul wasaarenimo uu sii wadan doono.
Eedaha ayuu sheegay inaysan "waxba ka soo bixi doonin".
Maxay yihiin eedaha loo haysto Netanyahu?
Hal kiis ayaa waxa uu salka ku hayaa eed ah in Mr Netanyahu uu waydiistay qof daabaca wargeyska Israa'iil ee Yediot Aharonot, inuu war wanaagsan isaga ka qoro taa badelkeedana uu gacan ka siiyo sidii loo xadidi lahaa wargeys uu xifiiltan adag kala dhaxeeyo
Booliska ayaa sheegay in tifaftiraha wargeyska Yediot Aharonot, Arnon Mozes, ay isna tahay in dacwad lagu soo oogo.
Eedda labaad ayaa ah mid Netahyahu daba socotay tan iyo 2009 iyadoo lagu eedaynayo inuu lacag ka badan $100,000 uu ka helay ninka filimaanta Hollywoodka ka taajiray ee Arnon Milchan iyo taageerayaal kale.
Wargeyska The Jerusalem Post ayaa sheegay in hadiyadaha la siiyay Ra'iisul Wasaaraha ay ka mid yihiin khamriga champagne iyo sigaar, waxaana loo siiyay inuu Mr Milchan ka caawiyo sidii uu ku heli lahaa dal ku gal uu ku tego waddanka Mareykanka.
Mr Milchan, oo ah filim soo saare ay filimaantiisu ka mid yihiin kuwa Fight Club, Gone Girl iyo The Revenant, ayey boolisku sheegeen inuu isna wajaho eedo ah inuu laaluush bixiyay.
storvideo: 

Isir nacaybkii Qaaxo ee SNM ama beesha Isaaq

$
0
0

13th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991."
Wax badan ayey Puntland samir u muujisay kuwa samirku ka dhammaday ee Somalidiidka ah, wax badan ayaan geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay darteed nabad, muslinimo, Somalinimo,darisnimo iyo qaraabanimo, ha yeeshee Somalidiidku ma qadarin taas, waxa ka go'an in ay u qaybiyaan reer puntland labo, mid laga xukumo Somalidiidka iyo mid laga xukumo koonfurta, taas waxaa daliil u ah C/raxmaan Tuur , Alle ha u naxariistee waxa uu yiri, 30 sanno ka badan ayaan ku jirney qorshe Daarood lagu kala qaybiyo cuddudiis, sida Kurdiga oo kale ayaan go'aansanay in aannu ka dhigno, ha yeeshee Hawiyoow idinkaa ka siidaayey daminkii loo qoolay.
Maanta C/hi Yusuf in reysal wasaaraha nagu qabsadu idinka keennay, waxay ahayd idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas ku qaadataan madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.
Halkaasna reerkii magaca weynaa noqdo mid laga xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.
Oogaaddana Soomaliya waxay ka degaan yihiin dhulka ugu kheeraadka yar, waana dadka ugu tirada yar marka xudduudaha la soo xiro, xaqba uma laha in ay wax xukumaan. Sir ma qabe Alla u sahan ah. Sheekadan, markii Tuur uga sheegeeynayey rag ka tirsan SNA iyo SNM, dhegahayaga ayaan ku maqlayney, annagoo joogney qol ka mid ah guri uu inna Naxar ku leeyahay KM5,Mogadishu,Alle ha u naxariistee, annagoo ka koobnayn saddex nin Aniga oo C/hi, Suldan C/lahi Cabdi Koor, iyo Inna Niiniile. Waa waqtigii shirkii Caydiid, Alle ha naxariistee ku samaynaayey Dawladdiisa Salbaladh 1994tii.
Aad ayaan uga xumahay in sirtaasi aan soo bandhigo, ha yeeshee iyagaa doonaya in ay xoog ku qabsadaan dad iyo dhul aysan u dhalan, si ay ay miisaan siyaasaddeed u helaan, maalinta Koonfur iyo Waqooyi ay miis wax ku qaysanayaan.
Maadaama qorshaha Somalidiidku sidaas yahay, oo ay dhammaan hormuudkooda sidaas qabaan, iyagoo isla qabweyn. waxaa waajib ah in aannu difaacno jiritaan kayaga ilaa iyo inta laga gaarayo Somali isku hadaf ah. Ma dhacayso in Somalidiid maquuniyo Sool, Sanaag iyo Cayn ilaa inta naftu nagu jirto. Sharafka iyo karaamadda waa qaybta ugu muhimsan nolosha, ma dhacayso Somalidiid , aan damiir lahayn in ay dhabarka ka jebiyaan rabitaanka shacabkayaga ee u heelan midnimo Somaliyeed,
Ugu dambayntii, si fudud ayaa ku soo gasheen gurigii Daraawiishta, waxaad ka bixidoontaan idinkoo jab la huleelay, oo geed kasta idiin dhaqdhaqaayo cabsi darteed iyo annagoo guul sharaf leh la hoyandoona.
"Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991."
Isir nacaybkii Qaaxo ee SNM ama beesha IsaaqIn aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka IsaaqSi'aan usoo bandhigno fidinta halgankii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM) Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali. Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa (Warsangeli,Dhulbahante,Gudabuursi) ). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.Sidaasi daraadeed si'aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.(1). Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.(2). In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.(3). In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.(4). In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.(5). In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.(6). In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.(7). In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale, Gudabiirsey iyo Ciise.(8). In aan ku wacyigalino dunida kuna fidino fikrada dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).
Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : "Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil".
14. March. 1991
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live