Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Majeerteen nacayb ayeey ku heshiiyeen

$
0
0

Alxamdulillah Aniga Iyo pro Cali Khaliif Galaydh Waxaanu Nabad Qab Ku Soo Gaadhnay Wadanka Germany Aad Baan Ugu Mahad Celinayaa Dhamaan Dadwaynah Reer Somaliland Ee Sida Hagar La'aanta Ah Noo Soo Dhaweeyey.
Opslaet af Faysal Cali Waraabe pa 13. februar 2018
storvideo: 


Nin dilay wiilyar, haddane baadigoobkiisa qeyb ka noqday

$
0
0

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Avidesh Sakya, waxayna booliiska gurigiisa baareen kadib markii dariska ay dareemeen ur saa'id ah

Ciidamada Kenya oo iska fogeeyay Eedeymo loo jeediyay

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Milateriga dalka Kenya ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ku aadan in ay si weyn ugu lug leeyihiin dhuxul si sharci darro looga dhoofiyo DekEdda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose
Afhayeenka ciidamada mIlateriga Kenya Col David Obonyo ayaa Wargeyska Business Daily u sheegay in Ciidamadooda aysan qeyb ka ahayn ilaalinta Dekadda magaalada kismaayo.
Mr Obonyo ayaa xusay in uu arkay Sawirro lagu soo dhigay baraha bulshada oo muujinayo dhuxul laga dhoofinayo Dekedda weyn ee Kismaayo, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda magaaladaasi oo soo qaadanaya Sawirro hore.
Afhayeenka Ciidamada milateriga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan magaalada Kismaayo ay ka howl galaan Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, si ay u sugaan amniga Garoonkaasi.
Warbixin ay hore u soo saartay Qaramada Midoobay ayey Ciidamada Kenya ku eedeeysay in ay ku lug leeyihiin dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyo Dekedda magaalada Kismaanyo.
Inta badan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa iska fogeeya eedeeymaha la xiriira dhuxusha laga dhoofiyo magaalada Kismaanyo iyo weliba Sonkor ka soo degto Dekaddaasi oo si qarsoodi ah loo geliyo gudaha Kenya
The post Ciidamada Kenya oo iska fogeeyay Eedeymo loo jeediyay appeared first on Shabelle.

Nin dilay wiilyar, haddane baadigoobkiisa qeyb ka...

$
0
0

Booliiska magaalada Dehli ee caasimadda Hindiya ayaa xiray nin afduubtay, kadibna dilay wiil yar, kaas oo uu meydkiisa boors ku hayay muddo 37 maalmood ah.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Avidesh Sakya, waxayna booliiska gurigiisa baareen kadib markii dariska ay dareemeen ur saa'id ah, taas oo uu balse dariska ugu micneeyay in meesha uu jiir ku dhintay.
Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan uu guri uu ku jiro uu waalidiinta wiilka yar uu uga kireysnaa muddo 8 sano ah, kadibna uu wiilka afduubtay si uu lacag madax furasho ah uga helo.
Wiilka yar oo lagu magacaabo Ashish Saini ayaa la la'aa tan iyo 7dii bishii Janaayo ee sanadkan.
Aabaha wiilka dhalay oo lagu magacaabo Karan Saini ayaa sheegay in uu aad uga argagaxay waxa dhacay maadaamaa ninkan uu xitaa wiilka la baadi goobayay.
"Aad ayuu iiga horeeyay aniga raadinta wiilka, xitaa wuxuu iga caawiyay in aan booliiska kasoo diiwaangaliyo in wiilku maqanyahay isla maalintii wiilka la waayay" ayuu wargeyska Hindustan Times u sheegay Karan.
storvideo: 

Ciidamada Kenya oo iska fogeeyay Eedeymo loo jeediyay

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Milateriga dalka Kenya ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ku aadan in ay si weyn ugu lug leeyihiin dhuxul si sharci darro looga dhoofiyo DekEdda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose
Afhayeenka ciidamada mIlateriga Kenya Col David Obonyo ayaa Wargeyska Business Daily u sheegay in Ciidamadooda aysan qeyb ka ahayn ilaalinta Dekadda magaalada kismaayo.
Mr Obonyo ayaa xusay in uu arkay Sawirro lagu soo dhigay baraha bulshada oo muujinayo dhuxul laga dhoofinayo Dekedda weyn ee Kismaayo, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda magaaladaasi oo soo qaadanaya Sawirro hore.
Afhayeenka Ciidamada milateriga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan magaalada Kismaayo ay ka howl galaan Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, si ay u sugaan amniga Garoonkaasi.
Warbixin ay hore u soo saartay Qaramada Midoobay ayey Ciidamada Kenya ku eedeeysay in ay ku lug leeyihiin dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyo Dekedda magaalada Kismaanyo.
Inta badan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa iska fogeeya eedeeymaha la xiriira dhuxusha laga dhoofiyo magaalada Kismaanyo iyo weliba Sonkor ka soo degto Dekaddaasi oo si qarsoodi ah loo geliyo gudaha Kenya
storvideo: 

Sarkaal ka tirsan shirkadda biyaha NUWACO oo lagu...

$
0
0

Dabley hubaysan ayaa abaaro duhurnimadii maanta afduub ugu geystay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag mid ka mid ah hawlwadeenadda Shirkadda Biyaha NUWACO sida uu u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST maamulka shirkaddaas.
Cabdinuur Siciid Faraxsane oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay Maxamed Siciid Taako oo ka mid ah shaqaale ka shaqeynayay biyo galinta magaalada Baran inay kooxo hubaysan ka afduubteen goobta shaqada.
Cabdinuur ayaa intaas ku darey inay socdaan dadaalo uu wado maamulka Gobolka Sanaag iyo Degmada Baran islamarkaana la aqoonsadey dableydii afduubka geystay , wallow aan la ogeyn sababta ka dambeysa afduubka ka dhacay gudaha magaalada Baran.Dhageyso wareysiga Cabdinuur Siciid Faraxsane.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Sarkaal ka tirsan shirkadda biyaha NUWACO oo lagu afduubay magaalada Baran. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Booliska maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Shaqo Joojin

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Ntwork )-Ku dhawaad 600 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug ayaa maanta sameeyay shaqo joojin.
Waxaana la sheegay in Ciidamadan oo gaaraya 575 Askari aysan maanta soo shaqo galin, kuwaas oo ka howlgalayay illaa iyo 17 xarumood oo ku yaalla deegaanada maamulkaasi.
War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Ciidamadaasi ayaa waxa ay ku sheegeen in ka cabanayaan mushaar la’aan iyo daruufo kale.
Waxaan ay ugu baaqeen madaxda Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan cabashadooda.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cc.mp3
The post Booliska maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Shaqo Joojin appeared first on Shabelle.

Booliska Galmudug oo ku dhawaaqay Shaqo Joojin

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Ntwork )-Ku dhawaad 600 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug ayaa maanta sameeyay shaqo joojin.
Waxaana la sheegay in Ciidamadan oo gaaraya 575 Askari aysan maanta soo shaqo galin, kuwaas oo ka howlgalayay illaa iyo 17 xarun oo ku yaalla deegaanada maamulkaasi.
War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Ciidamadaasi ayaa waxa ay ku sheegeen in ka cabanayaan mushaar la'aan iyo daruufo kale.
Waxaan ugu baaqeen madaxda sare ee maamulkaasi Galmudug in ay wax ka qabtaan cabashadooda.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cc.mp3
storvideo: 


Daawo: ” Mayerku Waa Mayor Liqay Golihii Deegaanka...

$
0
0

Daawo:" Mayerku Waa Mayor Liqay Golihii Deegaanka Waana Kalgii Talis, Waa dhacdo aan Khusayn Ninkaa la xidhay ee Tiyaatarka.. Mida kale Beertii Reer Saleebaan Bidde Iyana mayorka ayaa ku fadhiya .. Waxaa jirta Beelo degan in iyana uu qoriga isugu dhiibay .. Dee malaha burburka Somaliland ayaa Xamar looga soo wakiishay" Suldaan Maxamed
[embedded content]
storvideo: 

Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab 

$
0
0


Taliyaha Ururka 49 ee Ciidamaad Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ka dhan ah Al shabaab oo ay Ciidamada ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Taliye C.fitaax Maxamed Turbac ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo halkaasoo horay ay u joogeen Al-Shabaab.
Degaanada laga qabsaday Al-Shabaab ayaa ku dhow xadka Gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose ay wadaagaan,sida degaanka Caanaale iyo tuulooyin kale
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ergo ka socota Midowga Afrika oo Muqdisho ku sugan 

$
0
0


Xubno ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nada ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.
Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.
Wadahadalka waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Wasiirka Biyaha iyo Maareeyaha Wakaalada...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Biyaha iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo Booqdo Barkado aan Biyo Loo haynin Oo Mashruuciisii Fashilmay
[embedded content]
storvideo: 

Wasiir Cawad oo beeniyay hadal ka soo yeeray...

$
0
0

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegay in uu kulan Siyaasadeed la qaatay.
Mudane. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan rasmi ah oo uu la yeeshay Wasiirka lagu magacaabo Sacad Cali Shire oo ka tirsan maamulka Somaliland,balse uu Hoteel ku salaamay isagoo la socda dad kale dabadeedna ay si caadi ah wada-sheekaysteen,taasoo aan la xiriirin wax siyaasad ah.
Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo magaciisa lagu sheegay Sacad Cali Shire ayaa dhowaan Saxaafadda ugu warramay in uu dalka Ethiopia kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Axmed Ciise ,islamarkaana ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya labada dhinac.Halkaan ka daawo
PUNTLAND POST
The post Wasiir Cawad oo beeniyay hadal ka soo yeeray Somaliland. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Koonfur Afrika: Madaxweyne Zuma oo diiday inuu is casilo

$
0
0

Madaxweynaha bartanka kaga jira fadeexad musuqmaasuq ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xiisad ka dhalatay Kordhinta Canshuurta qaadka oo ka...

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay halkaasi ka taagantahay.
Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Wasaarada maaliyada ee maamulka Soomaaliland ay lacago dheeraad ah oo canshuur ah ay ku rogeen Ganacsatada qaadka.
Ganacsatada ayaa iyana bilaabay in ay kordhiyaan qiimaha qaadka taasi oo ay cabasho ka keeneen dadka isticmaala.
Dadweyne aad u farabadan ayaa ku soo xoomay goobaha ganacsiga qaadka ee Magaalada Hargeysa.
Ciidamada Booliska maamulka Soomaaliland ayaa rasaas ku kala eryay dadkaasi oo isku dayay in ay boobeen qaadka.
Durba waxaa arintaasi ka hadlay wasaarada Maaliyada ee maamulkaasi oo sheegtay in la kordhiyay canshuurta qaadka si loo yareero dadka cuna qaadka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Xiisad ka dhalatay Kordhinta Canshuurta qaadka oo ka taagan Hargeysa appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Koonfur Afrika: Madaxweyne Zuma oo diiday inuu is...

$
0
0

Madaxweynaha bartanka kaga jira fadeexad musuqmaasuq ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.
Hadalka madaxweyne Zuma ayaa yimid kadib markii golaha sare ee xisbiga tallada haya ee ANC ay shegeen inay taageeri doonaan mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha maalinta khamiista.
75 jirkan ayaa wajahaya cadaadis ah ah inuu iscasilo, waxaana mas'uulkan loo heysta eedeymo musuqmaasuq.
Zuma waxaa kale oo uu sheegay in saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC ay ku guuldareysteen inay fahfaahiyaan sababta xilka looga qaadayo.
" Arrintan la doonayo in xilka layga qaado waxay aniga igu tahay caddaalad darro, mana la ii sheegin sababta" waxaa sidaasi warbaahinta qaranka ee dalka Koonfur Afrika u sheegay madaxweyne Zuma.
Mr Zuma waxaa kale oo uu sheegay inuu soo jeediyay inuu xafiiska baneeyo bisha June ee sannadkan, isagoo na muujiyay sida uu uga xunyahay qaabka loo wajahayo xil ka qaadistiisa.
Zuma ayaa intaa ku daray in fahfaahin dheeraad ah uu arrintan ka bixin doono gelinka dambe ee maanta.
Madaxa xisbiga ANC, Jackson Mthembu ayaa ku dhawaaqay in maalinta khamiista cod loo qaadi doono xil ka qaadista Jacob Zuma, iyadoo na isla xilkaasi loo dhaarin doono Cyril Ramaphosa oo ah madaxweynaha xisbiga ANC.
Golaha sare ee xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inay go'aansadeen in xafiiska uu baneeyo Zuma, iyagoo na Zuma u qabtay in ugu dambeyn uu isku casilo ilaa iyo maalinta arbacada.
Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma.
Waxaa ay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa ka qabsaday, isaga oo aanan ka mid ahayn, islamarkaasna xitaa mararka qaarkood magacaabayay xubnaha golaha wasiirada qaar si uu uga helo abaalmarin.
Illaa 3 qof ayaa illaa iyo hadda lasoo xiray , oo uu ka mid yahay mid ka mid ah ragga la dhashay Atul Gupta.
storvideo: 

Daawo: Shir ku saabsan doorka haweenka ee Maamul...

$
0
0

Shir ku saabsan doorka haweenka ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Garoowe.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed Cali,Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Puntland Marwo. Siciido Xuseen Cali, Guddoomiyaha Ururweynaha Haweenka sagaalka gobol ee Puntland Marwo. Khadro Warsame Jaamac, gabdhaha aqoonyahannada ah ee Wax ka barta Jaamacadaha gudaha iyo marti sharaf kale oo haween u badan.
Agaasimaha hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland Mudane. Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn hadal ka jeediyay shirkaan ayaa faahfaahiyay ujeedka ay shirkaan ka leeyihiin,isagoo sheegay in haweenku yihiin udub dhexaadka bulshada,sidaasi darteedna ay kaalinta kowaad kaga jiraan la-dagaallanka Musuq maasuqa iyo sare u qaadidda Maamul wanaagga.
Mr.Guureeye ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan madaxweynaha dowladda Puntland magacaabay guddi loo xil saaray cabashooyinka dadweynaha ee ku aaddan shaqaaleysiinta,guddigaasi oo wax ka qabanaya musuq maasuqa iyo nin jeclaysiga ay dadweynuhu ka soo cawdaan,gaar ahaanna shaqooyinka laga raadsado hay'adaha dowladda.
Agaasimaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddigaan uu madaxda u yahay ee loo xilsaaray cabashooyinka dadweynaha in shaqadoodu noqoto mid taabba-gesha.
Dhinaca kale Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Puntland Marwo. Siciido Xuseen Cali iyo Guddoomiyaha Ururweynaha Haweenka sagaalka gobol ee Puntland Marwo. Khadro Warsame Jaamac oo shirkaan ka hadlay ayaa qiray in haweenku ay yihiin kuwa ugu Musuq maasuqa yar kolkii mas'uuliyad loo dhiibo,waxayna haweenka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay u kacaan sidii aafada Musuq maasuqa dalka looga cirib-tiri lahaa,islamarkaana sare loogu qaadi lahaa Maamul wanaagga.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed Cali oo shirka soo xirtay ayaa sheegtay in haweenku ay aad uga Musuq maasuq yar yihiin ragga,maadaama ay ka beer jilicsan yihiin,laakii aan gebi ahaanba la oron karin waa ka maran yihiin.
Marwo. Maryan Axmed Cali ayaa haweenka reer Puntland ku boorrisay in ay dadaal dheer ku bixiyaan sidii looga takhalusi lahaa cudurka halista ah ee Musuq maasuqa,maadaama ay hooyadu tahay as-aaska bulshada.Halkaan ka daawo Muuqaalka.
Hoos ka eeg sawirro.
PUNTLAND POST
The post Daawo: Shir ku saabsan doorka haweenka ee Maamul wanaagga iyo la-dagaallanka Musuq maasuqa. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

R/wasaare Kheyre oo la kulmay qaar kamid ah...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku saabsan.
Ra'iisul wasaaraha iyo Ganacsatada ayaa kawada hadlay arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.
"Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali kheyre waxaa la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kawada hadalnay Bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin , waana muwaadiniin kasoo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa" ayuu yiri Wasiir Beyle

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDowlad goboleedka Puntland oo imtixaan ka qaaday 80 qof oo u tartamaya shaqooyin ka banaan Xarumaha Maamulkaasi

storvideo: 

Puntland oo imtixaan ka qaaday 80 qof oo u tartamaya...

$
0
0

Hay'adda shaqaallaha rayidka ah ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 80 qof oo isugu jira 20 Rag iyo 60 Dumar ah, kuwaas oo u tartamayey boosaska kaydinta xogta dowladda oo loo qaadanay 7 kamid ah hay'adaha ee ka faa'iideysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee uu Baniga adduunku ka caawinayo Puntland. [...]
storvideo: 

Injinneero Dhisaya Waddooyin oo Muqdisho Tagey

$
0
0

28-kii bishii November ee sanadkii tagay, dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan hir-gelinta mashaariic horumarineed oo ay Qadar ka fulineyso Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live