Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxaa kasoo cusboonaaday wadahadalka Ethiopia &...

0
0

Muqdisho (- Online)- Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda wadahadalka dowlada Ethiopia iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.
Wadahadalkaan socda ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada dheer socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.
Wadahadalka oo intiisa badan soo idlaaday ayaa waxaa iminka leysu fahmi la' yahay qodobo gaara oo ay kala wataan labada dhinac.
Qodobada gaarka ah ee la isku fahmi la' yahay ayaa waxaa kamid ah Qoondada ONLF ay ku yeelanayaan maamulka DDSI iyo tirada Kuraasto laga siindoona oo aan weli la isku fahmin.
Qodobada la isku fahmi la' yahay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hanaanka loo ciidameynaayo dagaalamayaasha Jabhada ee sababta u ah wadahadalka heerkan soo gaaray iyo qodobo kale oo aan weli la carab dhabin.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in saacadihii ugu danbeeyay ay Iscasilaada Ra'isul wasaarihii Ethiopia Mr Hailemariam iyo xiisada kasoo cusboonaatay deegaanada ay degaan Oromada.
Xubnaha dowlada Ethiopia u matalaayay wadahadalka ayaa la sheegay inay dalbadeen in wadahadalka la galiyo hakat gaaban waxaana soo baxeysa inay ku baxeen xiisadaha soo cusboonaaday iyo saameyn Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Mr Hailemariam.
Sidoo kale, Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hakad galay shirka.
Waxa uu sheegay in hakatka uu yahay mid sabab u ah xiisadaha sii ololaaya ee ka tagaan Ethiopia, isagoo cadeeyay in dib leysaga soo laaban doono.
Waxa uu yiri "Wufuuda Ethiopia ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, waxaa hakatka shirka loo sababeynayaa iscasilaada Ra'isul wasaaraha iyo xiisadaha soo cusboonaaday''
Dhinaca kale, Xubnaha ONLF u matalaaya wadahadalka ayaa sheegay inay fursad ballaaran ay u arkaan iscasilaada Hailemariam iyo xiisada soo cusboonaatay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Matabaan ilaa Berbera – Taxanaha Maxaabbiistii 77 –...

0
0

Muqdisho (- Online)-Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay. Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte. Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km.
Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km.
Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop.
Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan. Waan ka shakinnay.
Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas. Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan. Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood.
Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC.
Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.
Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.
Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.
Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?
Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay. Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil. Tog weyn ayaa ag mara. Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da'o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday. Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer.
Waa kala-bayr saddex geesood ah. Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta. Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco.
Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray.Matabaan ilaa Gaalkacyo
Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay.
Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday.
Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb. Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin. Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd. Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka.
Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa.
Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno. Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq.
Waa ay noo timid. Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay.
Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood. Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay. Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah.Garowe
Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe. Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay. Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan. Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay. Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis.
Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay.
Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas. Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo. Halkaas ayaan habeen ku hoyannay.Laas Caanood iyo Caynaba
Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay. Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan.
Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar. Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda.
Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay. "Waar degmaan nahaye ha noo gefin" ayaa mid igu yiri. Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda.Burco
Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay. Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay. Mas'uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay. Halkaas ayaan ku kala warqaadannay.
Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay. Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas'uuliyiintii kale ee halkaa joogay.
Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra'yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco. Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go'a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn.
Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987.
Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada. Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia. Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay.Shiikh
Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh. Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer. Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa'ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.
Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen. Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan. Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.
Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh. Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer. Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa'ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen. Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen. Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan. Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.
Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay. Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta. Si xallad leh ayayna u sameysay.
Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta.
Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa.
Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane. In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira.Bandow
Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah. Waa bandow habeenkii. Waxaan ku degnay Hotel Yaxye.
Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame "Kuukaay" oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas'uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera. Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah. SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato.
Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno. Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay.
Hal habeen ayaan seexannay.Berri subax
Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey'adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey'adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa. Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay. In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa.
Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa.
W/Q. Yuusuf Garaad- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xog: Safaarada Turkiga ee Somalia oo wada qorshe...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga.
Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga.
Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada.
Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida.
Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

DFS oo maanta Maxaabiis kasoo dajineysa Garoonka...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso Maxaabiis Soomaaliyeed.
Maxaabiistan ayaa ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo.
Maxaabiistan ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11 Maxaabiis, waxaana la xaqiijiyay in muddo farabadan ay ku jireen gacanta Magafayaasha dalka Libya oo u geestay dhabaatooyin kala duwan.
Mas'uul ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Libya ayaa sheegay in Maxaabiistan ay gacanta magafayaasha ku jireen muddo laba sanadood ah, balse iminka laga soo saaray.
Danjire Ali Siciid Fiqi oo ah Safiirka DFS u fadhiya Midowga Yurub, ayaa sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa.
Waxa uu Danjiraha sheegay in ka shaqeynta deysmada Maxaabiista uu u xil saaray Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ay ku guuleysteen.
Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya.
Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ergay gaar ah oo loo magacaabay dalka Yeman.

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

New-Yourk (SONNA)- Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Antonio Guiteras ayaa u magacaabay dalka Yeman Ergay gaar ah oo cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed.
Ergaygan cusb oo u dhashay wadanka Taliyaaniga waxaa lagu magacaabaa Martin Garrix waana dibolomaasi wadamo badan ka soo shageeyay.
Afhayeen u hadlay Qaraamada Midoobay ayaa sheegay in Ergayga cusub ee dalka Yeman loo soo magacaabay uu haatan hayo xilka agaasimaha fulinta Machadka Yurub u qaabilsan Nabadda, isla markaana uu yahay dobolomaasi aad u xeel dheer dhanaka wada hadalada iyo dhaedhaxaadinta arrimaha bani'aadanimada.
Ergaygii hore ee dalka Yeman Ismail Walad Shekh Ahmed oo muddo saddex Sano ah ka soo shaqeeyay Yeman kana waday nabadeyn dhinacyada colaada u dhaxeysa waxa mudada xilkiisa wakiilnimo ee Yeman uu ku eg yahay dhamaadka bishan ayno ku jirno ee Febrayo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo soo dhaweeyey qaar kamid ah dad laga soo celiyey Liibiya+Sawirro
Next articleDhul gariir xoogan oo ku dhuftay Waqooyiga dalka Mexico

storvideo: 

Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Waqooyiga dalka Mexico

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Mexico City (SONNA)- Dhul gariirkan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 7.5 Rictale Scale oo ah cabbirka dhul gariirrada, ayaa ku dhuftay dalka Mexico ,kaasoo sababay burburka guryo aad u fara badan sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga (Was)
Hay'aadda dalka Mareykanka u qaabilsan cilmiga Jiyoolijiyada ayaa sheegtay in xarunta ama halka uu ka bilawday dhulgariirkaasi aay aheyd meel u dhow xeebaha Badweynta Pacivigga ee Ohaaka ee Konfurta dalka Mexico.
Wuxuuna dhul gariirkan ka bilawday meel qiyaastii 43 km badda hoosteeda u jirta,waxaan xoogga dhul gariirkan laga dareemay Gobollo badan oo mka tirsan dalkaasi .
Warku wuxuu intaa ku daray in khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaas aan weli la shaacinin, ayna socota barista.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleErgay gaar ah oo loo magacaabay dalka Yeman.

storvideo: 

Lower Shabelle residents complain about army operation

0
0

The local residents in Lower Shabelle region in southern Somalia say they are complaining about the ongoing Somali and AMISOM military operations against Al Shabaab.
Speaking to Radio Shabelle, the deputy governor of the region on financial affairs Abdifitah Hajji Abdulle said residents fed up with the army retreats from the liberated areas.
Abdulle added that the people in danger of Al Shabaab reprisal for welcoming the allied forces upon their arrival in those areas vacated by the militants.
He has called on Somali Federal government to deal with the situation and urge its armed forces to remain in their positions and not Al Shabaab to come back after liberation.
The post Lower Shabelle residents complain about army operation appeared first on Shabelle.

MADAXWEYNE, FADEEXADDA HAAMAHA SHIDAALKA HOOS U EEG:

0
0

Mudane Madaxweyne, waxaan halkan kuugu soo diraynaa warqad furan oo ka hadlaysa dareenka qaar ka mida shacabkii codka ku siiyey oo awoodi waayay inay fariintooda toos kuu soo gaadhsiiyaan, hase ahaatee goostay inay warbaahinta kuu soo mariyaan, mudane Madaxweyne waxaad u ballanqaaday shacabka codka ku siiyey inaad caddaalad u samayn doonto, hase ahaatee shacabkaagii way ku baafinayaan, waxay ku leeyihiin, khayraadka dalka haloo sinnaado, Madaxweyne ma ogtahay in Haamihii Shidaalka ee Qaranka u dhexeeyey, gacanta loo geliyey shirkado hayb-ahaan ka soo jeeda beelaha ku midaysnaa Xisbiga Kulmiye, isla markaana ay u maamulaan sida ay jecel yihiin, mudana madaxweyne ma ogtahay:

  1. In haamaha shidaalka ee Berbera la siiyey 11 shirkadood oo kala ah (Som Petrolium, Red Sea, Som Oil, Ream Petrolium, Cali Waraabe Company, Harbi Petrolium, Indho-birta, Muuse Dalab, Hass, Liibaan Petrolium, Deero Petrolium) kuwaas oo 9 ka mid ah ay leeyihiin labadii beelood ee guusha gaadhsiiyey Xisbigaaga Kulmiye, taas oo u muuqata in dhaqaalaha dalku uu ku ururayo gacmaha reero gaar ah
  1. In Haamaha Shidaalka ee Berbera in bishii lagu shubo shidaal gaadhaya 144,000 oo foosto, taas oo calaa foosto celcelis ahaan laga qaado $17.6, waxaana lacagta Haamaha soo gasha bishii ay u dhigmaysaa 144,000x$17.6=$2,534,400 lacagtaas 50% waxaa qaadata dawladda oo cashuur ahaan u qaadata, halka 50% oo u dhiganta $1,267,200 ay qaataan 11-kaas shirkadood, waxaana sannadkii lacagta Haamaha Shidaalka ka soo gasha noqonaysaa illaa $15,206,400. Lacagtaas oo ay qaybsadaan shirkaduhu. Mudane Madaxweyne, hadda lacagtani waa cashuur ka baaqatay Xukuumadda oo dhisi kari lahayd cusbitaalo kala duwan, ama adeegyo bulshada aasaasi u ah, halka ay haatan qaybsadaan 11 shirkadood.
  1. In shirkadaha maamula haamaha shidaalku, in 5 ka mid ahi aanay weligood shidaal dalka keenin, hase ahaatee ay qaataan faa'iido oo keliya, mararka qaarkoodna ay sii dillaalaan shidaalka ay keento Red Sea Petrolium ama Hass.
  1. In Shirkadaha 11-ka ahi inay bixiyeen oo kaliya $11 Milyan oo doolar markii lagu wareejinayey maamulka haamaha shidaalka ee Berbera, taas oo loo saxeexay muddo 25 sannadood ah, lacagta lagaga kireeyey waxay ku faa'iideen sannadkii ugu horreeyey, halka muddo 24 sannadood ah ay guranayaan oo keliya faa'iido, madaxweyne ma ogtahay in lacag ka badan $380 Milyan oo dollar oo soo geli lahayd Xukuumadda muddada 25 sano ah inay kaga baaqatay heshiiskaas. (15 Milyan sannadkii x 25 sano oo heshiiska ah = $380 Milyan)
  1. In Shirkadda Red Sea oo uu masuul ka yahay ganacsade aad isku hayb tihiin, inuu yahay cidda maamusha haamaha shidaalka ee Berbera, isla markaana uu u ogolaado, inay shidaal ku shubtaan haamaha cidda uu doono, ama uu mararka qaarkood ku takri falo awoodda, iyada oo aanay jirin cid kale oo xisaabin karta, mudane madaxweyne, suuro gal ma tahay in shirkado suuqa ganacsiga ku hirdamaya, in mid ka mida la siiyo awooddii maamulka haamaha shidaalka Berbera, halka awooddaas loo isticmaalo in lagu hor-istaago tartan kasta oo shidaal oo shirkadaha isku aragtida ah kaga imanaya, shirkadaha kale, taas oo ah in shidaalkii si dadban loogu xidhay shirkadda Red Sea.
  1. In shirkadda Dahabshiil oo iyana aad ogtahay, in iyana la siiyey Haamo shidaal oo laga hareer dhisay, haamihii shidaalka ee Berbera, arrintaas oo caqabad ku ah ballaadhinta dekedda, iyo weliba siyaasaddii maamulka haamaha shidaalka qaranka.

Madaxweyne, qodobadan kor ku xusan awgood, waxaa muuqata in heshiis kasta oo lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka ee Berbera inuu ahaa sharci darro, isla markaana aanu ahayn mid dani ugu jirtay qaranka Somaliland, sidaas awgeed, haddii madaxweyne aad fulinayso ballaantii codbixiyayaasha, isla markaana ay dhab ahayd ballanqaadyadaadi, waxaa shacabkaaga caddaalada jeceli kaa codsanayaa inaad guddi xaqiiqo raadina u saarto heshiiska haamaha shidaalka ee Berbera isla markaana dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, haddii ay kugu adag tahay tallaabadaasi, waxaa habboon in dib loo eego heshiiska, isla markaana maamulka haamaha shidaalka loo wareejiyo cid dhex u noqon karta shirkadaha tartanku ka dhexeeyo, waayo suuro gal maaha in shirkado tartamaya la isugu dhiibo maamulka.
Siciid Maxamed Cartan, Dhaqaale yahan - Burco, Somaliland
Maxamed Xasan Digaale, Dhaqaale yahan, Ceergaabo, Somaliland
Axmed Xasan Siciid, Siyaasadda iyo Horumarinta, Hargeisa Somaliland
Marwo Axmed Daahir Xasan, Horumarinta Bulshada, Hargeisa, Somaliland
macowxasan@hotmail.com
storvideo: 


Daawo :Hanjabaad iyo Garaacid Qaab Ka Wanaagsan Ma...

0
0

Waa qaybtii labaad ee barmaamijka toosinta caruurta. Qaybtan waxa aan kaga hadlaynaa garaacida iyo qaylintu in aanay ahayn dariiqo wanaagsan oo ubadka lagu tarbiyadeeyo. Waxa jira hab ka muhiimsan kana faa'ida badan, waa habkee. Fadalan ka daawo halkan siina gudbi hadaad awoodo.
Hoos ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday...

0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) -Qaar kamid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha Wadanka Liibiya ayaa Maanta laga soo dajiyey Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Muwadiniintan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof , waxaana dadkaan kamid ah caruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.
Maryan Yasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.
storvideo: 

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dowladda oo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in Diyaarad hub sida ay Jimcihii shalay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaaradan oo hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo saanad laga keenay Shiinaha. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in hubku u socday dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya.
Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas ugu siiyay Shiinaha.
Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo.
Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay bixisay dhaqaalaha Hubkan loogu soo iibiyey Shiinaha oo hubka iyo saanadda kale u soo daabulaya Soomaaliya. Waa markii labaad ee Hub iyo saanad noocan oo kale ah la keeno Muqdisho.
Hubkan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono ciidamada Qaran ee dhowaan la isu keeni doono, kana kala imaan doona maamul Goboleedyada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Video: Orodyahan British ah oo ku guuleystay...

0
0

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa shalay lagu qabtay tartanka orodka Marathon-ka ee 42 km iyo 10 km, waxaana tartankaasi ka qeybgalay orodyahano ajnabi ah oo u dhashay dalalka Ingiriiska, Talyaaniga, Poland, Faransiiska iyo Jabuuti.
Tartankaan oo laba qeyb ahaa ayaa orodka 42 km waxaa kaalinta koowaad ku guuleystay orodyahan British ah oo lagu magacaabo David Heral oo 2:35 daqiiqo ku dhamaystay orodka, waxaana kaalinta labaad galay Guuleed Mowliid C/llaahi.
Saciid Faarax Cumar oo u ordayay ciidamada booliska ayaa dhanka kale kaalinta koowaad galay tartanka 10 km, wuxuuna Saciid u mahad celiyay macalinkiisa iyo tababaraha heerka caalami ee Jaamac Karaciin, waxaa sidoo kale kaalinta labaad galay Xamsa Heybe Aadan iyo Maxamuud Ibraahim oo galay kaalinta sedaxaad.
[embedded content]
storvideo: 

Mareykanka oo ka deyrinaaya Xaalada Ethiopia &...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay xaalada sii liidaneysa ee dalka Ethiopia iyo saameynta ay ku yeelankarto Muwaadiniinteeda ku nool.
Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay inay sii adkaaneyso xaalada amni iyo mid nabadeed ee xiligaan ka jirta dalka Ethiopia.
Qoraalka ayaa waxaa loogu digay in Muwaadiniinta Mareykanka ka joogta dalka Ethiopia ay taxadar ka muujiyaan socdaalka ay ku tagaan goobaha ay ka socdaan banaanbaxyada.
Waxaa lagu sheegay qoraalka inay suuragal tahay in dhinacyada mucaaradka iyo kuwa aadka uga soo horjeeda Nabadda Ethiopia ay ka faa'iideystaan dayacnaanta Muwaadiniinta Mareykanka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in Safaaradu ay si KMG ah u xadiday socdaalka Muwaadiniinteeda ay ku aadan goobaha ka baxsan magaalada Addis Ababa.
Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri "Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si KMG ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha safaarada iyo muwaadiniinta"
Sidoo kale Safaarada ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay in ay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni,maadaama dhibaato kasto ay soo gaari karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool dalka Ethiopia.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii uu Ra'isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu is casilay, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee looga soo horjeedo dowladda.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Guddoomiye Kuxigeenka Ismaamulka Garissa oo Daah...

0
0

Home WARARKA GUDAHA Guddoomiye Kuxigeenka Ismaamulka Garissa oo Daah Furay Mashruuc Daawayn Loogu Dirayo Caruurta...
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDuqa Muqdisho oo Wareejiyey dhul xarun tababar oo casri ah Dawladda Turkigu uga dhisi doonto Ciidanka X.D.S.

storvideo: 

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga Puntland oo shir u...

0
0

Shir ku saabsan doorka Nabadoonnada Puntland ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo qaban qaabisay hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Garoowe.
Shirkaan oo daba socday shirar hore oo hay'addu u qabatay dhalinyarada iyo haweenka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,mas'uuliyiin ka socday dowladda,Nabadoonnada Puntland,culimaa'udiin,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.
Agaasimaha hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland Mudane. Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn shirka ka hadlay ayaa sheegay in haatan Puntland ay ka socoto dib u-habayn lagu samaynayo hay'adaha dowladda,taasoo la xiriirta in la ogaado heer Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hay'adaha dowladda.
Mudane.Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sidoo kale sheegay in Nabadoonnada Puntland ay kaalinta ugu weyn ka geysteen dowladnimada iyo horumarka Puntland,islamarkaana ay yihiin kuwa qiima weyn ugu fadhiya umadda,sidaasi darteedna ay shirkaan ku saabsan doorka Nabadoonnada Puntland ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ay u qabteen.
Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culimaa'udiinka waaweyn ee Puntland ayaa shirkaasi ka soo jeediyay hadal waano ah uu diiradda ku saaray ahmiyadda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa,taasoo uu sheegay in Diinta Islaamku ku dhisantahay,isagoo Nabadoonnada ku waaniyay in mas'uuliyadda ay yahaan Ilaahay uga cabsaadan.
Dhammaan Nabadoonnadii kasoo qeybgalay shirkaan ayaa si weyn u soo dhoweeyay dadaalka hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ay ugu jirto ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ee degaannada Puntland.
Hay'adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa shirarka noocan oo kale ah
dhowaan ku qaban doonto magaalooyinka kale ee Puntland.Halkaan ka daawo
halkaan ka eeg sawirada.
PUNTLAND POST
The post Hay'adda Astaynta Maamul wanaagga Puntland oo shir u qabatay Nabadoonnada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Soo Gebo Gebaysay...

0
0

Hay'adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland oo gacanta ku haysa diwaangelinta shaqaalaha dawladda, ayaa soo gebo gebaysay diwaangelinta iyo madaxtaabashadda diiwaangelinta shaqaalaha Maxkamadaha hoose iyo Sarre ee dalka isla markaana Gudoomiyaha Maxkamada sarre kulan gaara la qaatay.
Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha DawladdaSomaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta waxa uu faahfaahin ka bixiyey inay hay'adda uu madaxda ka yahay soo gebo gebaysay Madax taabashadda iyo Diwaangelinta Shaqaalaha kala duwan ee Waaxda Garsoorka gaar ahaan Maxkmaddaha Hoose iyo Sare isla markanaa ay kulan xog waran ah la yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay Xafiiskiisa ku booqdeen masuuliyiinta Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee hawlgalka Madax taabashadda iyo tirinta shaqaalaha dawladda dalka Somaliland ka wada.
md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo faahfaahinaayey inay soo gebo gebeeyeen diwaangelinta Shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu ku yidhi qoraalkiisa.
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Mudooyinkii u dambeysay ku hawlanayd diiwaangelinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda, ayaa kulan la yeelatay gudoomiyaha Maxkamadda sare Somaliland ee dalka Md. Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed
- Intii kulanku socday waxaanu gudoomiyaha uga mahadcelinay gacantii wanaagsanayd ee uu ka gaystay intii lagu jiray diiwaangelinta shaqaalaha maxkamadaha hoose (degmada, gobolka iyo racfaanka) iyo maxkamada sare ee dalka
- Shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha hoose iyo Maxkamada sare ayaa marka laga reebo garsoorayaasha iyo xeer-ilaliyeyaasha ah shaqaale dawladeed "Civil Service" kuwaas oo lagu dhaqo Sharciga shaqaalaha dawladda Sharci Lam. 7/96
- Gudoomiyaha ayaa dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay hawl-qabadka tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda isagoona tilmaamay qiimaha ay leedahay in la helo shaqaale tartan furan shaqada ku soo gala isla markaana tayo sare la gaadhsiiyo taasina ay horseedi karto in ay adeeg hufan shacabka gaadhsiiyaan.
- In shacabku dalku helaan caddaalad sharci, shaqo iyo u sinnaan khayraad waa hiigsiga iyo halbeegga kaliya ee dal u daadihin kara horumar iyo kaalin la mahadiyo.
- Illaahay fadligii waxaa soo dhammaaday diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ku sugan xarumaha dhexe iyadoona imika gacanta lagu hayo shaqaalaha hoos yimaada gobolka Maroodijeex, Insha Allah-na dhawaan gobol kale laga bilaabi doonno.
Waxaa soo bidhaamaya bilowga shaqaale sharaf leh, adeeg raaligelin leh iyo shaqo shuruud leh
storvideo: 

Maxay kooxaha diidan Ra iisal wasaare Xasan Cali...

0
0

Maxay kooxaha diidan Ra iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ku diidan yihiin
Feb 17, 2018 -
Xasan Cali Kheyre waa Ra iisal wasaarahii ugu horeeyey oo wax badan ka qabtay dalka keenayna in ay dalka muda 4 bil ka dhicin wax qarax ah
Waxaa kale uu keennay in aduunka aamino Soomaliya dhaqaalaha heydaha loo.marsiin jiray si toos dowlada Soomaliya loogu wareejiyo
Waxuu kale ku guuleystay in maxaabiis badan oo Soomaliya dalal shisheeyey ku xirnaa uu soo daayo dalkooda dib ugu soo celiyo
Wax kale ku guuleystay 27sano ka dib canshuurta dalka uu ka qaado shacabka si uu uvu maareeyo shaqaalaha iyo ciidanka dalka Soomaliya
Waxa kale ku guuleystay in uu awooda dowlada shacabka gacantooda soo galiyo
Hadaba shaqsi intaa qabtay maxay ku diidan yihiin
1 waxay ku diidan yihiin maxaaa murusade uga dhalatay wax aan 27sano qaban weynay u qabatay adigoo murusade ah
2 wax u quurid la aan hor marka uu sameeyey
3 shaqsiyaad iska dhuuqi jiray qarashaadka dowlada si xisaab la aan ah u isticmaali jiray uu Ra iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhuunta qabtay kana hor istaagay
4 shaqsiyaad madaxda dowlada caayo ha dhoowna dhaqaalo weydiisto taa uu Kheyre diidan in hantida dowlada siiyo shaqsiyaad baraha bulshada ka caayo waa tan keentay hal sano dalka hogaaminaaye maalin war been ah ka faafiyaan
Hadaba kooxa diidan hanaanka wangaasan ee dowlada maxay bilaabeen markoow dhan walba ku guuleystay Ra iisal wasaare Xasan Cali Kheyre shaqadiisana ka soo baxay
1 in ay mar waliba buun buuniyaan war been ah kaa oo ah in Mooshin laga keenay Xasan Cali Kheyre in uu qilaaf isaga iyo madaxweynaha uu jiro taa oo markii dhab loo baaro been noqoto
Dadka mucaarada ayaa u badan beesha Habar gidur oo dalka Soomaliya 27sano dalka Soomaliya ka dagi weysnaa mar walibana hor taagnaa in la helo hanaan dowlad ee wanaagsan
Hadaba Ra iisal wasaare ma.amaan buu mudan yahay mise iyo baraha Bulshada looga been abuuro Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo loogu baaqay inay maalgeliso ciidammada Saaxil ee Afrika

0
0

Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in ciidamo goboleedka ka hortagga argagixisada ee gobolka Saaxil ay tahay in Qaramada Midobay ay maalgeliso.

Qaramada Midoobay oo loogu baaqay inay maalgeliso...

0
0

Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in ciidamo goboleedka ka hortagga argagixisada ee gobolka Saaxil ay tahay in Qaramada Midobay ay maalgeliso.
Waxa uu ka hadlayay shirka ammaanka ee magaalada Munich isagoo ay wehlinayaan hogaamiyayaasha Afrika, ayuu Mr Faki waxa uu ka digay in xaaladda gobolka Saaxil ay tahay mid loollan ku haysta caalamka, taas oo weliba ah mid ka weyn wax uu hal dal wax ka qaban karo.
Ciidammada gobolka Saaxil ee G5 oo ka kooban yihiin shan dal oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa waxa ay la daalaa dhacayeen dhaqaalo yari haysatay tan iyo markii la aasaasay sanadkii hore.
Moussa Faki ayaa ugu baaqay caalamka inay si degdeg ah u eegaan khatar ammaan ee ka taagan gobolka Saaxil, kaas oo ay ka dhacaan weerraro joogta ah oo ay qaadaan maleeshiyaad xiriir la leh urur weynaha Al-qaacidah iyo ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Mr Faki ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadaan wadammada ay weerraraasi saameeyeen aanay ku filnayn in lagu xalliyo dhibaatada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Mali, Tieman Coulibaly, kaas oo sidoo kale qeyb ka ahaa doodda arrintaasi lagu falanqeynayay ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dhinacyada ay arrintan khusayso oo dhan looga baahan yahay inay bixiyaan lacagihii ay u ballanqaadeen ciidammada G5 loo yaqaan ama waxaa istaagi doona howlgalkaasi.
Dhankiisa Madaxweynaha Burkina Faso, Roch Kabore, ayaa ka digay in dadaaladaasi aanan laga gun gaari karin iyadoon la xasilin waddanka ku yaalla waqooyiga Afrika ee Liibiya.
Waa mid ka mid ah wadahadallada dheeraadka ah ee ay ka qeyb qaadanayaan madaxda Afrikaanka ee ku sugan shirka ammaanka ee Munich oo ah midka ugu ballaaran ee looga hadlo ammaanka caalamka.
storvideo: 

Isaaq kulmay mise wada hadal

0
0

Waxaa maanta gaadhay magaalada muqdisho ee - dalka Soomaliya waftiIsaaq ah oo uu hogaaminayo Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ah la taliyaha Muuse Biixi ahna golaha fulinta dhexe ee xisbiga talada haya ee maamulka beelaha Isaaq . Jabhadka Maxamed Cabdilaahi cumar ayaa booqday Madaxtooyada Soomaliya ee Villa Soomaliya isaga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxameda cabdulaahi Farmaajo isaga oo warqad ka siday gacan ku dhiigle Muuse Biix .
Waftigan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee u yimaada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha dalka Soomaliya laga xukumo.
Warar kale ayaa sheegaya in madaxweyne FARMAAJO Farmaajo uu aad ugu farxay waftigan ka soo jeeda beesha Isaaq ee yimid Muqdisho oo uu hogaaminayo Maxmed Cabdilaahi isaga oo u balan qaaday in guud ahaan dalka dib u heshiisiinta la samayn doono aan horay loo arag. Waxuuna waraqad culus u soo dhiibay Muuse Biixi isaga oo warqaad ka soo qaaday MD Farmaajo, waxaana la ogayn waxa ku qoran labadan warqadood eel a is dhaafsaday, Waxaana hubaal ah in laga gudbay Mobilada la dhagaysto ee Beesha Caalamku ay si toos ah ulla socotoa waxkasta oo lagu wado hadlay. Tan ayaa keenay in waraaqo la isku dhaafso diyaarahada oo wafti la isku soo diro.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live