Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

KHIYAANO QARAN

$
0
0

18th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Dal kasta oo ka mid ah caalamka, oo ka mid ah kuwa soo koraya ama kuwa horay u marayba waaxa ay leeyihiin shaci lagu qaado qofka dalkiisa ka gala khiyaano Qaran.
Khiyaano Qaran waa qofka qaranimada dalkiisa kala dhantaalya isaga oo shaqaynaya canaasiir iyo dawlado kale ama isku daya inuu afgembiyo dawlad jirtay ee dalkaa ka shaqaynaysay markaas .
Ururka Alshabaab iyo madaxda beesha Isaaq ka soo jeeda oo ka mid ah dawladda Soomaaliya ama kuwa xilal horay uga soo qabtay labaduba waxay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan duminta Qaranka Soomaaliyeed. Waxayna gacabta kula jiraan Khiyaano qaran.
Madaxda beesha Isaaq ee ka midka ah dawladda Soomaaliya ee u sheeqaya Ururka Canaasiirta ah ee SNM oo doonaya inay Qaranimada Soomaaliya wiiqaan , kala goooyaan una shaqeeya dano shisheeyo ilaa hadda ma jiro sharciga khiyaano Qaran ee lagu qaaday ama mid ka mid ah oo xabsiga loo dhigay denbigaas uu ka galay Qaranka Soomaaliyeed ama looqa qaaday shaqadii uu u hayey Qaranka Soomaaliyeed.
Labaddii wasiir ee arimaha dibada ee dalka Soomaaliya soo maray Oomaar iyo Buubaa labaduba maanta waxy u shaqeeyaan Jabhadda SNM, waxayna uga fursad badan yihiin Soomaalida inteeda kale inay si xor ah u booqdaan Villa Soomaaliya xilliga ay doonaan ayna ula kulmaan madaxda Soomaaliyeed kii ay doonayaan oo ay isku hayb yihiin
Ugu danbayntii waxa nasiib xumo ah, oo ay umadda Soomaaliyeed ku sii kal fogaynaysaa in maanta Raaisawasare ku xigeenkii Soomaaliya uu Villa Soomaaliya kula kulmayo nin ku kacay Khiyaano Qaran oo xilalaka ugu sareeya ka soo qabtay Waranka Soomaaliya sida wasiirka arimaha dibadda, maanta wakiil ka ah in dhiig badan oo Soomaaliyeed Isir nacayb u daadiyey
[embedded content]

Xildhibaanka "Reer Waqooyi"

Allsanaag.com
Post navigation
- Isaaq kulmay mise wada hadal
storvideo: 


Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Sharci wax looga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay sharci Wasaaradu kasoo saartay sumadda Gaadiidka.
Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka xukumadda Soomaaliya oo ka duulaysa Amniga Dalka aya sharci kasoo saartay Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada xukumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dadaalo xoogan ugu jirta dhaqan galinta adkeynta sharciyada Gaadiidka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDanjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo faah faahiyey xaaladda Muwaadiniinta ku xiran Liibiya
Next articleDoorka Soomaaliya ee shirka caafimaadka Qaxootiga IGAD

storvideo: 

Howlgallo ballaaran oo ka socda duleedka Baraawe

$
0
0

Baraawe ( Sh.  M. Network )-Ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo ballaaran ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka wadaan deegaano hoos yimaada degmada Barawaawe ee gobolkaasi.
Xuseen Barre Jeex guddoomiye degmada Baraawe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladaasi.
Guddoomiye Jeex ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo ka dhan ah Al Shabaab oo dhawaan halkaasi dagaal kula galay Ciidamada AMISOM.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-baraawe.mp3
The post Howlgallo ballaaran oo ka socda duleedka Baraawe appeared first on Shabelle.

Howlgallo ballaaran oo ka socda duleedka Baraawe

$
0
0

Baraawe ( Sh. M. Network )-Ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo ballaaran ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka wadaan deegaano hoos yimaada degmada Barawaawe ee gobolkaasi.
Xuseen Barre Jeex guddoomiye degmada Baraawe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladaasi.
Guddoomiye Jeex ayaa sheegay in howlgalladu ay yihiin kuwo ka dhan ah Al Shabaab oo dhawaan halkaasi dagaal kula galay Ciidamada AMISOM.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-baraawe.mp3
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa maxaabiis kale...

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyay qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Libya.
Mudane.Fiqi ayaa sheegay in dowladda Libya ay u fasaxday wefdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi lagu ku rafaadsan, islamarkaana ilaa iyo haatan ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed." Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go'an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale"ayuu yiri Fiqi
Danjire.Cali Siciid Fiqi ayaa sidoo kale caddeeyay ay hadda bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada Libya.
PUNTLAND POST
The post Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa maxaabiis kale oo ku xiran dalka Libya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maanta hakad Ku jiro

$
0
0

Waxaa saakay oo Axad ah guud ahaan xiran Ganacsigii suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib go'aan shalay ay qaateen ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo ku aadan in lacago canshuur dheeraad ah lagu soo rogay.
Ganacsatada ayaa sheegay in wax laga qaban waayay cabashooyin ay soo gudbiyeen dowladana ay dhagaha ka fureeystay.
Ganacsatada ayaa sheegay in qasaare ay ugu jirto lacagaha dheeraadka ah oo ay dowlada ku soo rogtay islamarkaasina ay dhiibayaan Canshuurtii ay horay u dhiibi jireen.
Waxa ay sheegeen in muddo 12 bari ah ay alaabooyinkooda ku xanibanyihiin Dekada Muqdisho Canshuurta lagu soo rogay darteed.
Wasaarada Maaliyada ayaa ku adkeeysaneeysa in canshuurta lagu soo rogay ganacsatadu aanay aheyn mid aad u badan.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maanta hakad Ku jiro appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

XFS oo sheegtay in la soo deynayo 30 ka mid ah Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed ”Khadar” ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshe lagu soo deynayo 30 ka mid ah Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya.
Mahdi Maxamed Guuleed ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in Xukuumaddu ay ka go’an tahay sidii ay u soo badbaadin lahayd Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xiran dalkaasi.
Waxaana uu intaasi ku daray in ay ku howlan yihiin sidii wax loogu qaban lahaa dhammaan Muwaadiniinta ku xiran Xabsiyada wadamada Caalamka
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-ra-iisul-wasrae-kuxugeynka.mp3
The post XFS oo sheegtay in la soo deynayo 30 ka mid ah Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya appeared first on Shabelle.

XFS oo sheegtay in la soo deynayo 30 ka mid ah...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed "Khadar" ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshe lagu soo deynayo 30 ka mid ah Soomaalida ku dhibaateysan dalka Liibiya.
Mahdi Maxamed Guuleed ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in Xukuumaddu ay ka go'an tahay sidii ay u soo badbaadin lahayd Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xiran dalkaasi.
Waxaana uu intaasi ku daray in ay ku howlan yihiin sidii wax loogu qaban lahaa dhammaan Muwaadiniinta ku xiran Xabsiyada wadamada CaalamkaHalkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-ra-iisul-wasrae-...
storvideo: 


Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Galmudug oo la sii daayay

$
0
0

Cadaado ( Sh. M. Network )-Waxaa dib xuriyadiisa Xalay u helay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug Maxamuud Cismaan, kaas oo Ciidamada Amnigu ay ku xireen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta Agaasimahaasi.
Sidoo kale Maxamuud Cismaan Agaasimaha dhinaca warfaafinta ee madaxtooyada Galmudug oo bartiisa Facebook- soo dhigay qoraal kooban ayaa waxa uu uga hadlay xariga lagula kacay.
Waxaana uu sheegay in si xun loola dhaqmay mudadii uu xirnaa, islamarkaana loo geystay jirdil xoogan.
Ma jiro illaa iyo hadda faaf faahin dheeri ah oo ay madaxda Galmudug ka bixiyeen waxyaabaha keenay xariga masuulkaasi.
Balse waxaa lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay xarigaasi ay weli ka taagan magaalada Duusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
The post Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Galmudug oo la sii daayay appeared first on Shabelle.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Galmudug oo la...

$
0
0

?????????????
Cadaado ( Sh. M. Network )-Waxaa dib xuriyadiisa Xalay u helay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug Maxamuud Cismaan, kaas oo Ciidamada Amnigu ay ku xireen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta Agaasimahaasi.
Sidoo kale Maxamuud Cismaan Agaasimaha dhinaca warfaafinta ee madaxtooyada Galmudug oo bartiisa Facebook- soo dhigay qoraal kooban ayaa waxa uu uga hadlay xariga lagula kacay.
Waxaana uu sheegay in si xun loola dhaqmay mudadii uu xirnaa, islamarkaana loo geystay jirdil xoogan.
Ma jiro illaa iyo hadda faaf faahin dheeri ah oo ay madaxda Galmudug ka bixiyeen waxyaabaha keenay xariga masuulkaasi.
Balse waxaa lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay xarigaasi ay weli ka taagan magaalada Duusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
storvideo: 

Doorka Soomaaliya ee shirka caafimaadka Qaxootiga IGAD

$
0
0

Jabuuti-(SONNA)-Shirka caafimaadka Urur goboleedka IGAD oo shalay lagu soo gabagabeeyay Dalka Jabuuti, ayaa looga hadlay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee qaxootiga Soomaaliyeed ee iyo waddamada Gobolka.
Kulankan oo diiradda lagu saarayay xanuunnada Qaaxada iyo HIV/AIDS-ka iyo xaaladaha Caafimaad ee Dadka ku nool xeryaha Qaxootiga Dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka kala socda Waddamada IGAD.
Guddoomiye ku xigeenka hay'adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Maxamed Ammiin C/laahi Cusmaan, oo shirkaasi ka qayb galay ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay inay kulankan diiradda ku saareen caafimaadka bulshada ku nool xerayaha Qaxootiga ee Waddamadan.
" Doorkii hore waxaan ka hadlaynay waxbarashada qaxootiga, haddeer waxaa looga hadlayay caafimaadka qaxootiga guud ahaan, gaar ahaan TB-da iyo HIV/AIDS-ka,howshan horay ayay u socotay annaga haddaan kusoo biirnay,waxay ahaan jirtay xeryahaas sidii loogu caawin lahaa dadka ku jira iyo sidii laysku dhaafsan lahaa macluumaadka, ayuu yiri Mr: Ammiin.
Qaar ka mid ah ka qayb galayaashii shirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Dad qaba xanuunadan oo qarsada ama aan Dawooyinka u qaadan sidii la doonayay, kulankana ay ku gudbinayeen farriimo la xiriira ka hortagga faquuqa iyo baxnaanada Qofka la nool cudurka.
Shirkan oo ay ujeeddadiisu ahayd ka hor tagga iyo ku baraarujinta shucuubta kala duwan ee xeryahaasi ku dhaqan halista Cudurradan oo ah kuwo si fudud loo kala qaadi karo iyo sidii ay Dawooyinka ugu qaadan lahaayeen hadba Dalka ay ku nool yihiin, ayaa sanad walba looga hadlaa Ajanda gaar ah oo ku saabsan Qaxootiga.
storvideo: 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada oo ka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.
Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.
Sidoo kale, kulankan ganacsatada iyo Maamulka Gobolku waxa uu hoosta ka xariiqay in canshuurtu ay tahay waajibaad saaran cid kasta oo dalka ganacsi ku leh ama wax la soo dagta, muhiimna ay u tahay dawladnimada.
"Masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta duruufaha shacabka Gobolka Benaadir. Si taas la mid ah waxaa dhammaan ganacsatada saaran waajib qaran oo ah bixinta canshuuraha, haddiise cabasho ay timi waa in laga shaqeeyaa sidii aan xal munaasab ah ku gaari lahayn oo dan u ah dadka iyo dalkaba."
Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow waxa uu sheegay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, tallaabadaas oo asaas u ah wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan looga hadlayey Habraaca Doorashooyinka la qaatay Haweenka Gobolka Banaadir

storvideo: 

Diraasad muhiim ah : Ma soo saari karnaa orodyahan ...

$
0
0

Waxaan marka hore hambalyo diirran u dirayaa dhalinyaradii kaalinta hore ka gashay Marathon kii dhowaan Hargeysa lagu qabtay. Waxaan kale oo aad ugu faraxsanahay in sideedaba la qabtay tartankaas oo Kale waayo wuxuu ka mid yahay isaga iyo orodada dhexe (middle distances) meelaha dhalinyaradeennu guul ka keeni karto marka la eego qaab dhismeedka jidhkooda ( body structure) iyo iyadoo la odhan karo waxay ka soo jeedaan Geeska Afrika oo tartamada noocaas ahi caan ku yihiin ama ay u khaas yihiinba. Maxaase ka dhexeeya orodyahannada Geeska Afrika ama dadka Soomaaliyeed si khaas ah iyo kuwa ka soo jeeda Waqoyiga Afrika sida Morocco iyo Algeria oo iyana caan ku ah orododa dhexe (qaybta 2 aad kala soco mawduucaas)?!Horta malaga qaybgeli karaa tartamada Olympics iyadaan ictiraaf la haysan?
Jawaabtu iyadaan warwareeg lahayn waa HAA!
Ma aha markii ugu horraysay ee aan cid la waadago in laga qayb geli karo Olympics.
Markii London lagu qabtay Olympics sanadkii 2012 ayaan waxaan la yaabay dawladaha faraha badan ee ka qaybgalay oo qaar aan ictiraaf haysan, xittaa waxaa ka qayb qaattay dad madax banaan ( Independent Olympic Athletes ) oo calanka Olympics kaga qaybgalay. Waxaa ka qayb galay 204 dawladood iyo kayaan , halka dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ( United Nations-UN) ay yihiin 193 dawladood.
Olympics kii ugu dambeeyey ee lagu qabtay magaalada Rio De Janeiro ee ku taalla waddanka Brazil sanadkii 2016 iyana sidaas ayaa dawalado aan xubin UN ka ahayni ka qayb galeen. Inkasta oo aanan diraasad ka samayn sida tii 2012 kii oo aamn xagga hoose ku tilmaamay, haddana waxaa la xasuusanyahay inay ka qayb galeen dad madax banaan oo qaar qaxooti ahi ku jiraan sida gabadh waddanka Suuriya (Syria) u dhalatay oo kale oo bilo ka hor loo ogolaaday.
Waxaa adduunkii iyo dawladda iyo dadka Kuwait ba u qaadan waa ku noqotay in markii ugu horaysay qof si madax banaan uga qaybgalay, inuu tartan kaalinta koowaad ka galo. Nin Kuwait u dhashay oo la yidhaahdo Fahayd Aldiixaani fhyd ldyHny ayaa midaaliyad dahab ah ( gold medal) ku helay tartanka qori ridka ( shooting- double trap). Sababta keentay Fahayd inuu waddankiisa meteli kari waayo waxaa sababay in guddida Olympic ga ee Kuwait (Kuwaiti Olympic Committee) in laga saaro xubin nimada ay ku lahay ta adduunka ee Olympics maamusha ee la yidhaahdo( International Olympic Committee-IOC) iyadoo ta Kuwait xad gudubyo ku tallaabsatay. Iyana waxaa jirtey Waddanka Koonfurta Sudan ( South Sudan) in laga diiday inay ka qayb gasho Olympics kii 2012 kii, waayo guddi Olympic ah weli malahayn iyadoo xornimada qaadatay 2011 kii oo diyaar garoobi kariweydey, waxyaalo badanina qabyo ka ahaayeen.
Diiraasad aan ka sameeyey Olympics 2012 oo aan mareegaha Somaliland qaar ka mid ah ku soo bandhigay iyo baraha bulshadu ku kulanto ayaa waxay soo jiidatay mas'uuliin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo ila soo xidhiidhay.
Waxaan Wasiirka u caddeeyey inay muhiim tahay in horta la sameeyo guddi waddani oo Olympic ah oo doorasho ku timaadda (Somaliland Olympic Committee) kadibna laga diiwaan geliyo guddida adduunka ee Olympics maamusha ee IOC, waxaan tusaale uga soo qaatay tii South Sudan ku dhacday iyo dawladaha aan ictiraafka haysan ee ka qaybgashay. Waxaan kale oo u caddeeyey Wasiirka in xoogga la saaro orodada dhexe iyo kuwa dhaadheer sida Marathon ka, waayo dhalinyarada waa u fududyihiin guulna waa ka gaadhi karaan marka la eego qaab dhiska jidhkoda iyo iyagoo Geeska Afrika ka soo jeeda. Waxay u baahanyihiin uun wax tababara oo ( techniques ) ga tusa. Waxaan u tilmaamay in la hiigsado Olympics ka lagu qaban doono magaalada Rio De Janeiro sanadaka 2016 oo dhalinyarda loo tababaro ( 4 sano ayaa la haystay waqtigaas). Waxaan Wasiirka u sawiray xeerka (charter) ka IOC oo dhiiri gelinaya qof walba oo xirfad isboorti leh, arrintuna ayna ku xidhnayn xuduud iyo ictiraaf ee qofka laga doonayo inuu keeno (qualifying record ) uu kaga qayb geli karo Olympics loo ogolaanayo, xittaa hadduuna dawlad metelayn, iyagaa ( IOC) ayaa wakiil u noqonaya. Laakiin inuu qofku Somaliland ka yimi cid waliba waa ogaanaysa indhaha caalamkana waa soo jiidanaysaa, waa haddii laga qaybgalo.
Waxaan filayaa in la sameeyey guddida Olympics ka ee Somaliland ( Somaliland Olympic Committee),laakiin inay sii jirto ma hubo ama shaqaysayba. Waxaan kale oo qurbaha ka dirnay dhalinyaro isboortiga ku xeeldheer oo aan Wasiirka isku xidhnay lana kulmay inkasta oo ay kubadda cagta khibrad u lahaayeen, waxayna xoogga saareen garoomada sidii roog lo dhigi laha loona hagaajin lahaa, waana laga faa'iday khibradoodii , waxaase weli maqan kaalintii orodada iyo sidii loo horumarin lahaa oo aan muhiim kollay anigu u arko. Su'aasha aynu is weyddiin karnaa waxa weeye Olympics soo socda ee magaalada Tokyo lagu qabandoono sanadka 2020 cid ma ka qayb gelin karnaa?
Waxaan u dhaafayaa arrintaas dadka ku xeel dheer tababarada orodada sida tababaraha caalamiga ah ee Jaamac Karaciin oo waddankii ku sugan waqtigan. Waxaanna rajeynayaa in khibraddiisa laga faa'idaysto.
...Lasoco qaybta 2 aad
Wabillaahi twfiiq
Maxamuud Ismaaciil BarrehUK
storvideo: 

Guddoomiyaha Banaadir Somalia iyo Ganacsatada oo ka...

$
0
0

Muqdisho, 18 Feb, 2018-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.
Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.
Sidoo kale, kulankan ganacsatada iyo Maamulka Gobolku waxa uu hoosta ka xariiqay in canshuurtu ay tahay waajibaad saaran cid kasta oo dalka ganacsi ku leh ama wax la soo dagta, muhiimna ay u tahay dawladnimada.
"Masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta duruufaha shacabka Gobolka Benaadir. Si taas la mid ah waxaa dhammaan ganacsatada saaran waajib qaran oo ah bixinta canshuuraha, haddiise cabasho ay timi waa in laga shaqeeyaa sidii aan xal munaasab ah ku gaari lahayn oo dan u ah dadka iyo dalkaba."
Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow waxa uu sheegay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, tallaabadaas oo asaas u ah wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.
storvideo: 

Fariin caafimaad Waa in la siiya madaxbanaani...

$
0
0

Fariin caafimaadWaa in la siiya madaxbanaani shaqo ee shaqada waaxaha fayadhowr dalka ee dawladaha hoose lagana dhex saara waaxaha shaqo ee hoos yimaada dawlada hoose ee dalka loona ogolaada aqoonteda shaqo shaqaale si ay u gutaan wajibaadka shaqo fayadhowr ee ay u xilsaaran yahiin Waa in awooda mushahar dhaqaaleGuno haybad shaqaale fayadhor kor loo qaada si looga saaro musuq maasaqa sida laalushka loona maamuli karaa la xisaabtan shaqaala fayadhowrka caafimaadka dawliga iyadoo waqti xaadirkan ay jirto halis caafimaad daro bulshada kagaga imanayso tayo darada cuntooyinka rashinka food stuf dawooyinka dalka dibada uga imaanaya oo aan lala socon waqtiyada ay kasoo dagayaan dekedaha dalka oo aanay jirin qalab si fudud loogula socon karo noocyada badhiseed ee lagu hubin karo noocyada tayada cuntooyinka iyo daawoyinka oo maalin kasta dad aad u badan ay kala kulmaan waxyeelo cafimaad daro oo sababa dhimasho aad u badanIyadoo ay luntay siyaasadii caafimaad ee dawliga ah ee lagu maamuli lahaa tayada hubinta noocyada badeecadaha cuntooyinka raashinka foodstuf sida dawooyinka iyadoo waqtigii dawladii hore ee somaliya ganacsiga dalka dibada uga iiman jiray waxa maamuli jiray dawladii burburtay ganacsigaas oo ahaa mid la hubo isagoo ku iman jiray nidaam heshiis laba dawladeed dawooyinku waxay ku jireen gacanta dawlada dalkan a waxa iman jiray daawoyin ku iman sifo maamul sharci dawladeed hada dadku waxay ku sugan yahiin jahawareer ay ka dhaxleen aqoon la anta minhadlayaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay tayo darada shirkada daawoyinka ganacsi ee dalka dibada uga yimaada dadkii somaaliyeed waxay ka liitan jiirka daawada lagu tijaabiyo marka la qiyaasa caafimaad darada dhimashada degdega ee kaga imanaya tayo xumada sumowga cuntooyinka rashinka daawooyinka ay u baahan yahiin waqti kasta
WQ: Dr Buux Ibraahin AadanFayo-dhawre madax bannaanbuux2010@gmail.com
storvideo: 


Wasiirka Gaadiidka iyo Wadooyinka Jamhuuriyadda...

$
0
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhey Ceerigaabo
[embedded content]
storvideo: 

Wafti Ka Socda Wadanka Qadar Oo Gaarey Muqdisho

$
0
0

18th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa Wafdigan Ganacasatada ah ee ka socda Dalka Qadar ku soo dhaweysay Maanta oo ah Axad Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.
Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi, ayaa sheegtay in ganacsatadan ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .
Wasiirk Fahmo oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Post navigation
- Waan Qurxisan Karnaa Dalkeena Suuqa Bakaaraha oo xiran -
storvideo: 

Mandera slowly reviving after years of Al-Shabaab attacks

$
0
0

Mandera town is slowly getting back to life after years of endless deadly attacks by the dreaded Al-Shabaab militants from neighboring Somalia.
Businesses are now thriving in the border town following the prevailing security courtesy of concerted efforts by security agencies, local leaders and members of the public.
The Somalia based terror group Al-Shabaab had found an easy target on its onslaught against Kenya since the Kenya Defence Forces (KDF) kicked off an offensive against the terror group in its safe haven in Somalia.
It is a situation that saw a mass exodus of mainly non-locals following sustained attacks targeting them.
Businesses were closing down as no one dared run his business for fear of being attacked.
The self-imposed ‘curfew’ became the order of the day dealing a major blow to an almost a 24-hour economy.
However today a visitor to this town would be mistaken to think that Mandera town had witnessed turbulent times.
The prevailing security was realized following a raft of measures involving security agencies, the elders, religious leaders and commitment by members of the public to cooperate with security agencies to arrest the situation that would have otherwise left the town under the mercy of Al-Shabaab.
North Eastern regional commissioner Mohamud Saleh applauded members of the public for choosing to cooperate with security agencies to weed out terror elements from their midst.
During the wave of attacks, Al-Shabaab militants mainly targeted hotels, communication masts, small-scale traders, travelers and quarry workers majority of whom were non-locals.
The post Mandera slowly reviving after years of Al-Shabaab attacks appeared first on Shabelle.

Suuqa Bakaaraha oo xiran

$
0
0

18th February 2018 admin Category :
Guud ahaan waxaa saaka xiran Ganacsigii Suuqa madow ee ugu weyn ee caalamka ee Bakaaro ee ku yaal magaalada Muqdisho , kaddib markii uu dhaqan galay go'aan shalay ka soo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasoo ay ku sheegeen ina shaqo joojin sameynayaan wixii ka bilowda maanta oo Axad ah.
Ganacsatada ayaa ka diidan canshuur ay dawladdu ku soo rogtay , waxaana shaqo joojintan ay jawaab u tahay sida ay sheegeen
storvideo: 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada oo ka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.
Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.
Sidoo kale, kulankan ganacsatada iyo Maamulka Gobolku waxa uu hoosta ka xariiqay in canshuurtu ay tahay waajibaad saaran cid kasta oo dalka ganacsi ku leh ama wax la soo dagta, muhiimna ay u tahay dawladnimada.
"Masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta duruufaha shacabka Gobolka Benaadir. Si taas la mid ah waxaa dhammaan ganacsatada saaran waajib qaran oo ah bixinta canshuuraha, haddiise cabasho ay timi waa in laga shaqeeyaa sidii aan xal munaasab ah ku gaari lahayn oo dan u ah dadka iyo dalkaba," ayuu yiri gudodomiyaha gobolka Banadir.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, tallaabadaas oo asaas u ah wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.PUNTLAND POST
The post Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada oo ka hadlay Cabashooyinka Canshuuraha appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live