Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeedka oo xiriirka u...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - War ka soo baxay Wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed ayaa lagu sheegay in xariirkii ay la haayeen wasaarada Dastuurka Soomaaliya ay u jareen, sidaasi waxaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka dastuurka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan.
Wasiirka wasaarada Dastuurka Maamulka Koofur-Galbeed Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa sheegay in la dafiraad weyn loogeystay Wasaarada Dastuur ee Koofur-Galbeed isla markaana dafiraadaasi uu ka danbeeyay Wasiirka Wasaarada Xukumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jirriil.
Sidoo kale dafiraadaasi ayaa lagu micneeyay in ay timid kadib markii booqasho oo uu horkacayo wasiirka dastuurka ee xukuumadda soomaliya islamarkaana qeybn ay ka ahaayeen gudigada dastuurka ee baarlamaanka soomaaliya iyo midka qaran ee madaxa banaan ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay uu baaqday iyaga oo aan lagu wergelin wasaarada dastuurka ee maamulkaKoofur-Galbeed ee soomaliya.
Booqashadaasi ayay kula kulmi lahaayeen wafdigaan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaliya Shariif Xasan Shiiq Aadan iyo waliba ururada bulshada rayidka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaliya balse waxaa lagu yiri arintyaasi ayaanana dhicin.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka ayaa safaro ku kala bixinayay deegaanada maamul goboleedyada, kaasoo la xiriira sidii wadatashi loogu soo sameyn lahaa Dastuurka, lalana kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka.
Warqadaan uusoo saaray wasiirka wasaarada dastuurka ee maamulka koonfur galbneed soomaliya Cabdullahi Shiiq Xasan ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay mar hadii qaladkaasi dhacay lagu laabto ismaalrkaana raali gelin laga bixiyo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xog: Kulan dhexmaray Jawaari iyo danjiraha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Waxaa shaki badan uu ka dhashay kulan dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Danjiraha Imaaraadka ee Somalia Al-Othmaani.
Kulanka labada mas'uul oo qaatay wakhti kooban ayaa la xaqiijiyay in lagu dhameystiraayay kulan qabyo u ahaa Jawaari iyo Al-Othmaani ka hor inta uusan Guddoomiye Jawaari u bixin fasaxa kalfadhiga baarlamaanka ee hadda gabagabada ah.
Kulanka qabyatirka labada mas'uul ayaa salka ku hayay qorsho ku aadan sida dowlada hadda jirta loogu dhex abuuri lahaa Xubno daacad u ah dowlada Imaaraadka balse ka tirsan garabka Damul-Jadiid.
Xubnaha uu Danjire Al-Othmaani usoo bandhigay Guddoomiye Jawaari ayaan horay uga soo dhexmuuqan dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnahaan oo tirro ahaan ka kooban ilaa Siddeed xubnood ayaa la doonayaa in lagu buuxiyo Kuraas muhiim ah oo ka tirsan Xukuumada sida Wasaaradaha ku magacaaban Kheyraadka.
Sidoo kale, Kuraasta uu sida aadka ah u doondoonaayo Al-Othmaani ayaa ah Agaasimayaasha ilaa Afar Wasaaradood iyo Waaxyo dhowr ah oo ay Imaaraadku u arkaan ahmiyad gaara.
Xubnahaan ayaa sidoo kale la doonayaa in laga soo kala sooco beelo dhowr ah, iyadoo ahmiyada ugu weyn ay noqoneyso aaminaanshiyaha danaha Imaaraadka Carabta.
Jawaari ayaa bilihii ugu danbeeyay u janjeeray dhanka dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa ayna talaabada ceynkaasi ah dareen gaara ku abuurtay Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha dalka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul wasaare Kheyre ayaa aad uga didsan Siyaasada dowlada Imaaraadka Carabta iyo xiriir hoosaadka kala dhexeeya Guddoomiye Jawaari.
Geesta kale, shakiga ugu weyn ayaa ah in Jawaari uu Xukuumada kala safto dowlada Imaaraadka oo caqabado Siyaasadeed u maleegeysa Somalia.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog& Xaqiiq: Maxay soo kordhin karaan Taliyeyaasha...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Kadib magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, hadaba maxay soo kordhin karaan raggan cusub, maxayna kaga duwan yihiin Taliyeyaashii hore.
Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Hay'adda Booliska ma aysan laheyn Taliyeyaal mudo ku dhow Afar bilood, kadib markii xilalkii hal kol laga wada qaaday Sambaloolshe iyo Saacid, 29-kii October 2017-kii.
Xilka qaadista labadaasi Taliye ayaa soo da dejisay kadib markii Muqdisho bil gudaheed ay ka dhaceen laba Qarax oo kala ahaa midkii Zoobe iyo kii kale ee Hotel Naasa-hablood oo Madaxtooyada Soomaaliya wax ka yar u jira.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuu hada ahaa Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, waa sargaal guun ku ah hanaanka ciidmada Booliska wuxuu daganaa London oo uu maamule ka ahaa shirkada lagu magacaabo cooperative.
Saddex sano ka hor ayaa shaqadaasi uu ka tagay si uu wax ugu biiriyo Booliska Soomaaliya oo mudooyinkan uu la shaqeynayay, Dadka falan qeeya Siyaasadda ayaa qaba sarkaalkan inuu ka hoos shaqeynayay markii hore laba Taliye oo isaga ka sareysay, balse isaga oo taas ka duulaya laga filan karo inuu la yimaado isbedel iyo horey u socod.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa kahor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa La Taliyaha dhinaca arrimaha Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sidoo kale horey ayuu u soo qabtay hoggaanka Nabad Sugidda iyo Asluubta.
Bashiir Goobe ayaa dadka ka hadla arrimaha ciidamada waxa ay aaminsan yihiin in marki horeba ay qalad aheyd in xilka qaadis lagu sameeyo, hadana uu ka soo bixi karo shaqadan uu horey hoggaankeeda u soo qabtay, horey ayuu Gen. Goobe ugu guuleystay dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda Maxaabiista.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanad wax ka yar waxa ay shaqada ka ceyrisay Gen. Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta, ku dhowaad sanad kadib shaqadii ayaa loogu soo celiyay,
Taliyihii Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa 9-kii April 2017-kii xilkan kala wareegay Bashiir Goobe oo xilkan dib loogu soo celiyay markale.
Taliyaha Asluubta ayaa xilligii xilka qaadista lagu sameynayay ku guda jiray howlihiisa shaqo, sidoo kale wuxuu u diyaar garoobayay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegsan Khamiista soo socota, 22-ka bishan.
Taliyaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen ayaa hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa qaba Dowladda in ay isaga dhex yaacsan tahay Siyaasadda iyo Amniga, waxayna sheegeen in aragti ahaan aysan qabin qof aanan in mudo ah ku soo jirin in arrimaha Ciidamada in loo magacaabo Taliye amni.
Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gen. Tuuryare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay magacaabista Taliyeyaashan in ay tahay talaabo ay horey u qaaday Dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ka fursad fiican yihiin Taliyeyaashii hore.
Dowladda Federaalka ayaa looga bartay in aysan wargelin xubnaha ay xilka qaadista ku sameyneyso, mar qurana ay ogaadaan in xilka laga qaaday iyaga oo ku guda jira howlahooda shaqo, taasi oo nabar iyo naxdin ku noqioneysa masuulka xilka qaadista lagu sameeyay, Dowladda marka ay masuulka u magacaabeyso xilka waa ay ku wargelisaa, sida muuqata.
Aan dib u laabano Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay xilka qaadistii horey loogu sameeyay inaan lagu soo wargelin, un keliya uu u soo sheegay qof jooga Mareykanka, kadibna uu soo wacay Wasiirka Warfaafinta, sidaasina loogu xaqiijiyay, waqtigaasina wuxuu ku guda jiray Howl uu Ra'iisul Wasaaraha u xilsaaray, maalinkaasina uu doonayay inuu horgeeyo Golaha Wasiirada.
Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, wuxuu sheegay xilka qaadistii lagu sameeyay inuu ka maqlay oo keliya Idaacadaha, xilligaasina uu u diyaarinayay Booqasho Madaxweynaha uu ku tagayay degaanada Puntland iyo Galmudug.
W/D- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Egypt accepts delay of Ethiopia dam meeting as...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Egypt's Foreign Ministry says it accepts Ethiopia's request to delay a meeting about a dam that Ethiopia is building on the Blue Nile River, after Addis Ababa declared a state of emergency amid the worst anti-government protests in decades.
The meeting, which was to discuss contentious issues over the dam, which Egypt fears could reduce its share of the Nile waters, was to include Sudan and take place in Khartoum on Feb. 24-25.
Foreign Ministry's spokesman Ahmed Abu Zeid said on Sunday that Egypt understands "the circumstances that might have led Ethiopia to request delaying the meeting," which Cairo hopes will be rescheduled soon.
Ethiopia and Sudan will benefit from the construction of so-called Renaissance Dam, while Egypt will see its share of the river reduced, at least temporarily.
Source: AP
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

AU deploys election observers in Djibouti

$
0
0

The African Union (AU) has deployed its election observers in Djibouti, for the legislative elections scheduled to take place on Friday in the Horn of African nation.
The Chairperson of the AU Commission, Moussa Faki Mahamat, has deployed the AU election observation mission (AUEOM) led by Anicet-Georges Dologuele, former Prime Minister of the Central African Republic (CAR), according to a statement from the pan-African bloc on Monday.
The mission is composed of 38 members, including, ambassadors accredited to the AU in Addis Ababa, pan-African parliamentarians, heads of institutions in charge of elections and members of organizations of the African civil society.
The Members of the observation mission are drawn from 22 African countries, including, Benin, Burkina Faso, Burundi, Cameroon, Congo, Ivory Coast, Ethiopia, Gabon, Guinea, Madagascar, Mali, Mauritius, Mauritania, Central African Republic, Republic Democratic Congo, Rwanda, Senegal, Seychelles, Somalia, Chad, Togo and Tunisia.
The main purpose of the mission is to make an honest, independent and impartial observation and assessment of the organization and conduct of these elections.
The mission will meet with the political, administrative and judicial authorities of the country, the institutions in charge of elections, the national actors involved in the electoral process and the representatives of the international community in order to be aware of the arrangements made to ensure a free and credible elections in the country.
The AU mission will deploy its observers to all the regions and districts of the country.
The mission will present its preliminary report at a press conference on Feb. 26, highlighting its observations and recommendations to the political authorities and other stakeholders, according to the statement.
Source: - Xinhua
storvideo: 

Waa kuma Taliyaha ciidamada Asluubta Sareeyo Guud...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somalia ee shalay ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda, Booliska iyo Asluubta, hadaba wax ka ogow taariikh kooban oo ku saabsan Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo markale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta.Waxbarashada Madaniga
Taariikhda dhanka waxbarashada ee Madaniga ah, Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu Jaamacadda heerka koowaad ka qaatay Culuumta Bulshada Taqasuska (Social Work) iyo isla heerka koowaad ee Jaamacadda oo uu ka diyaariyay Culumta Siyaasadda, sidoo kale Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree) ka sameeyay Culuumta Amniga iyo Nabadgelyada (Master in Peace and Security Study) wuuxu kaloo u sharxanyaahy in uu qaato shahaadada PHD oo la xiriirta arrimaha amniga iyo xasalinta.Waxbarashada Amniga
Haddii aan eegno dhanka Waxbarashada ciidanka wuxu wax barashadiisa sargaalnimo ku soo qatay Dalka Jarmalki Federaaliga ee Galbeed (West Germany) Isagoo Waxbarashada abaandulka ciidamada iyo dugsiga sare ee dagaalka ku soo qaatay (SCUOLA Di GUERRA) ee dalka Talyaniga, wuxuu kaloo waxbarashada Amniga, dambi-baarista iyo hogaaminta ciidamada ku soo qaatay Dalalka Faransiska, (Interpol) Sacudiga, South Africa iyo kuwa kale.Dhanka Shaqada
Haddii aan wax yar oo kooban ka sheegno taariikhda dhanka shaqo, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu ka soo shaqeeyay ciidanka booliska muddo dheer Ilaa uu ka gaaray xilka Taliye ku-xigeenkaciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Wuxu kale uu soo noqday Wasiir ku-xigenka Wasaaradda Adeega Bulshada Xukumadii 10 Wasir ka koobneed, wuxuu dhowr mar so noqday Xildhibaan ka tirsan Baarmanaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu horey u soo noqday Garsoore heer Caalami ah oo Kubbada Kollayga (FIBA Referee) iyo Garossore Caalami ah ee Kubbada Cagta (FIFA Referee) Isagoo mudadaas ka soo noqday Macalin soo saaray Garsoorayaal badan oo Soomaali ah, wuxuu kaloo soo noqday xubin Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu kaloo soo noqday Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, NISA iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana uu ugu dambeyn ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dhanka Ciidanka Xoogga dalka, waxaana maanta markale si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo ahaa shaqsigii xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyay in maxaabiista loo qabto tartamo isboorti oo lagu dhiiri gelinayo iyo inay helaan adeegyo waxbarasho oo dhameystiran.
Sidoo kale waxa uu Xabsiga dhexe ee Xamar ka hirgeliyay Warshad sameysa agabyo kala duwan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Akhriso: 9 caqabadood oo xalintooda laga sugaayo 3...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Golaha Wasiirada Somaliya ayaa shalay magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed.
Taliyaha NISA waxaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somalia.
Taliyaha Boolisk Somalia ayaa waxaa loo magacaabay Generaal Bashiir Axmed Maxamed.
Taliyaha Asluubta Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa loo magacaabay.
Seddexdaan Taliye oo dusha laga saaray mas'uuliyad aad u culus ayaa waxaa horyaal caqabado aad u badan oo qaarkood ay xalintooda kusoo fashilmeen Taliyayaashii ka horeeyay.
Inta badan Taliyayaasha horay usoo hayay xilkan ee laga qaaday ayaa u muuqday kuwo danahooda ka fakiraayay, hase ahaatee waxaa kuwaan laga doonayaa inay ka fiirsadaan waxyaabaha xilka looga qaaday kuwii hore.
Haddaba Seddexda Taliye ee lagu magacaabay fadhiga degdega ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa laga doonayaa xal u helida Caqabadaha soo socda ee cuuryaamiyay maamuladii hore ee xilka laga qaaday:
1-Hirgalinta Hadaf rasmi ah oo lagu xaqiijiyo amniga Somalia, gaar ahaan Gobolka Banaadir.
2-Dib usoo nooleynta sharciyada lagu hagaayay Saraakiisha iyo ciidamada ku guda jira shaqada.
3-Kala sareysiinta dadka lagu liiday qabiilka iyo kuwa Aqoonta leh ee aan la qiimeyn iyo Saraakiisha dulman.
4-Bixinta xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha isku dhigay rasaasta cadowga ee al-Shabaab.
5-Mideynta labada Hay'adood ee NISA iyo Booliska oo wadaaga shaqooyinka amniga.
6-La dagaalanka Saraakiisha ka dhex tirsan Hay;adaha ee saaxiibka u ah Musuqa iyo aafeynta rajada Hay'adaha iyo ciidamadooda.
7-Sameynta sharciyo rasmi ah oo lagu qaato Xuquuqda inta badan ay musuqayeen Taliyayaashii hore.
8-Dajinta istiraatiijiyad sanad leh oo ay ku howlgalayaan Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka hoos shaqeysa.
9-Nabadeynta dalka iyo ciribtirka al-Shabaab.
Taliyaha Hay'adda NISA iyo Booliska oo aan horay usoo marin xilal sidaa u weyn ayaa laga doonayaa inay meesha ka saran dhammaan waxyaabaha ay ku weynkaraan xilkooda sida kuwii ka horeeyay.
Geesta kale, waxa ay dadku isha ku hayaan waxqabadka ay yeelan doonaan labada Taliye ee la magacaabay, wallow ay u muuqdaan kuwo aan ka gadmin shacabka Soomaaliyeed.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

HirShabelle oo dekad u fureysa ganacsatada Muqdisho

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiim Warsame oo ka tirsan baarlamaanka maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qaldan tahay in canshuur dheeraad ah ay saarto ganacsatada gobolka Banaadir
Xildhibaanka waxa uu sheegay in dowladda dhexdeeda uu ka jiro boob sidaas daraadeedna ay tahay inay ganacstada ka deyso cadaadiska ay saareyso, waxa uu hoosta ka xarriiqay in haddii uu sii socdo cadaadiska lagu hayo ganacsatada gobolka Banaadir ay u furi doonaan dekadda Ceel-macaan.
Xildhibaanka oo caawa wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxa uu yiri "Ganacsatada sida hadda socota haddii culeyska laga badiyo annaga oo ah Hirshabeelle ganacstada Xamar waxaan u furi doonnaa dekadaha Ceel-macaan iyo Cadalle si ay ula soo degaan badeecaddooda ayna ugu shaqeystaan, maxaa yeelay ganacsatada waan u naxeynaa".
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli uu muran ka dhaxeeyo ganacsatada Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya arrinta canshuur kordhinta oo ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


” Sh. Umal Shalay wuxuu nagu xakumay Riddo haddana...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Kismaayo (Caasimadda Online) - Col. Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha dowladda federalka ah ee Gedo ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalooyinka ay joogaan ay yihiin kuwa qaba dhibaatooyin badan.
Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayuu ku eedeeyay iney hab gumeysi ah ula dhaqmaan bulshada isagoo tusaale usoo qaatay qof haweeney ah oo ay ciidamada Kenya ka hor istaageen in isbital la geeyo si ay u dhasho kadibna dhimatay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya wadaan iney ku dhul ballaarsanaan degmada Beledxaawo, si lamid ahna wuxuu ku eedeeyay iney gubeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood.
Wuxuu qaadacay shirka amniga looga hadlayo ee magaalada Kismaayo isagoo Axmad Madoobe ku eedeeyay kaligi talisnimo iyo falalka tarxiilka ah ee uu kula koco dadka uusan rabin ama ka aragtida duwan.
Mar wax laga weydiiyay booqashadii ay wadaada Ictisaam ku tageen magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay in rag uu ku sheegay inay wadaadnimo sheeganaya ay booqdaan magaalo aan xor ahayn oo ku jirta gacanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya sida uu hadalka u dhigay.
"Sheekh Bashiir anigu nimaan aqaano ma ahan laakin Sheekh Umal iyo qolada la fatwoota waxaan u aqaanaa culimada cadiifadda qabiilkooda u fatwoota" ayuu yiri Rufle, isagoo ku eedeeyay in 2008 uu ciidamadii amxaaro kalkaalka ee Kismaayo laga saaray ku xukumay Rido, haddana uu isagii Kismaayo ka dhisanayo guryo uu ku sheegay sharci darro xilli waliba ay magaalada joogaan ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Kenyaati ah.
Sheekh Umal ayaa dhawaan dhagax dhigay dhul uu muran ka taagan yahay oo ku yaalla magaalada Kismaayo, dhulkaasoo sida uu sheegay uu ka iibsaday dadkii gacanta ku hayay waagii dowladda iyo burburkeedii kadib.
[embedded content]- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: Nuxurka Kulan Ay Wada Yeesheen Agaasime...

$
0
0

Hargeisa (togaherer)Kulan Balaadhan Oo Ay Wada Qaateen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta kaluumaysiga Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Iyo Agaasimayaasha Waaxaha Wasaarada Ayaa Lagu Lafa Guray Isla Markaasina Lagu Qaadaa Dhigay Sidii Kor Loogu Qaadi lahaa Isla Markaasina Loo Tayaynlahaa Qaab Shaqeedka Ay Waax Waliba Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Uga Wakiil Tahay .
Waxana Nuxurka Kulanku Daarnaa Sidii markaasi La Isula Jaanqaadi Lahaa Qaabsheqeedka u Qorshaysan Wasaarada Wakhtigan lagu gudo jiro , mustaqbalka Iyo Wixii Lasoo Qabtay Sidii Loo Qabyo Tiri Lahaa , Kulankan Oo Waax Walba Oo Wasaarada ka Tirsan Lagu Faray Inay Sii Laban Laabto Shaqooyinka Horyaala Wakhtigan .
storvideo: 

Yariisow “Waxaan soo celin doonaa goobihii Taariikhiga ee Muqdisho”

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow” Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobalku ay ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa goobihii taariikhiga ahaa ee ku yaalay M/ Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in shacabka Sooomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan ilaalinta goobahaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka dalabaday madaxda DFS in ay dib u dhis ku sameeyaan goobahaasi Taariikhiga ah, si ay uga qeyb qaataan bilicda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-gobolka-bandir.mp3
The post Yariisow “Waxaan soo celin doonaa goobihii Taariikhiga ee Muqdisho” appeared first on Shabelle.

Yariisow “Waxaan soo celin doonaa goobihii...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Cumar Cismaan "Eng Yariisow" Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobalku ay ka go'an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa goobihii taariikhiga ahaa ee ku yaalay M/ Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in shacabka Sooomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan ilaalinta goobahaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ka dalabaday madaxda DFS in ay dib u dhis ku sameeyaan goobahaasi Taariikhiga ah, si ay uga qeyb qaataan bilicda magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-gobolka-bandir.mp3
storvideo: 

Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Barakacayaashan oo ka soo cararay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dadkan oo ka soo barakacay abaaro hor leh oo ku dhuftay deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay iskugu darsoomeen dhibaato Biyo la’aan iyo caqabado heysta xoolihii ay dhaqanayeen oo halkaasi ku le’anaya.
Qaar ka mid ah Barakacayaasha oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay tilmaameen in hadda ay ku sugan yihiin xero barakac oo ku taalla deeegaanka Lafoole, isla markaana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Jimcaale-1.mp3
The post Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Barakacayaashan oo ka soo cararay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dadkan oo ka soo barakacay abaaro hor leh oo ku dhuftay deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay iskugu darsoomeen dhibaato Biyo la'aan iyo caqabado heysta xoolihii ay dhaqanayeen oo halkaasi ku le'anaya.
Qaar ka mid ah Barakacayaasha oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay tilmaameen in hadda ay ku sugan yihiin xero barakac oo ku taalla deeegaanka Lafoole, isla markaana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Jimcaale-1.mp3
storvideo: 

Dagaal ka Dhacay Qoryooley oo Dhimasho Sababay

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay weerar ay xalay Al-Shabab ku qaadday degmada Qoryooley.


Dagaal ka Dhacay Qoryooley oo Dhimasho Sababay

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay weerar ay xalay Al-Shabab ku qaadday degmada Qoryooley.
Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa wade baabuur meesha ka shaqeysta, halka qofka kale ee dhawacmeyna uu ahaa qof rayid ah.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley iyo maleeeshiyada Al-Shabab ayaa socday ku dhowaad hal saac, waxaana ciiidamada dawladdu ay markii dambe ku qasbeen Al-Shabab inay dib u laabtaan.
Lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaarey dhinacyada dagaallamay.
storvideo: 

Ganacsato Lagu Xirey Jowhar

$
0
0

Booliska magaalada Jowhar ayaa maanta xabsiga dhigay qaar ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaan gobolka iyo magaaladaba.

Wafdi ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka XFS oo...

$
0
0

Wafdigan oo ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo martiqaad rasmi ah ka heshay dhigeeda Dalka Suudaan Baxrri Abul Qardah ayaa kulan laba geesood ah islamarkaana la isaga kaashanayo qaabkii wada shaqayen rasmi ah u dhaxmari laheed labada wasaaradood la yeeshay madaxda Wasaaradda Caafimaad ee Dowladda Suudaan, waxeyna sido kale kulanka [...]
storvideo: 

Nikki Haley: Diyaar ayaan u nahay in aan gacan ka gaysano nabadda bariga dhexe

$
0
0

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xukuumadda Washinton ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wadaxaajoodka nabadeed ee Falastiiniyiinta, balse aysan mareykanka ka daba carari doonin Falastiiniyiinta.

Nikki Haley: Diyaar ayaan u nahay in aan gacan ka...

$
0
0

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xukuumadda Washinton ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wadaxaajoodka nabadeed ee Falastiiniyiinta, balse aysan mareykanka ka daba carari doonin Falastiiniyiinta.
Nikki Haley ayaa hadalkan jeedisay ka dib markii madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas uu ku baaqay shir wayne dhinacyo badan ay ka qayb qaadanayaan oo looga hadlayo nabadda bariga dhexe.
Mr Cabaas ayaa ku baaqay in shirkan la qabto sanadkan aaanu ku guda jirno.
Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas ayaa xarunta uu ka socday kulanka golaha ammaanka ka tagay ka hor inta aysan khudbadda jeedin Mrs Haley.
Mr Cabaas ayaa xusay in Falastiiniyiinta ay ku nool yihiin xaalad xun.
Waxa uu sidoo kale cambaareeyay go'aankii maamulka madaxwayne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live