Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xubno ka tirsan Alqaacidda oo soo gaarey NO,50, iyagoo gargaar sida, & Alshabaab oo si weyn ugu faraxday.

0
0

Wafdi iyo & Tababarayaal ka socda Ururka Xag-jirka ah ee Alqaacidda oo sida gargaar isugu jira Cunto iyo Dhar ayaa maalin kahor soo gaarey gobolka Sh/hoose, waxayna deeqdasi ku sallimeen horjoogayaasha kooxda Alshabaab oo iyaguna sheegay iney u qeybinayaan dadka ku hoos nool maamulkooda.
Abu-Cabdalla Almuhaajiri oo hoggaaminayey Wafdigaan ayaa Warbaahinta Alshabaab u sheegay iney jirrab iyo dhibaato u soo mareen sidii ay deeqdaan ku soo gaarsiin lahaayeen dhulka ay Alshabaab maamusho, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in Ururkoodu uu ka qeyb galay dagaallo dhowr ah oo Soomaaliya ka dhacay wixii ka dambeeyey Sagaashankii, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii Unisom ee dhacay 1993-dii, Dagaalladii lala galay Ciidamada Itoobiya, iyo kuwa haatan socda.
Almuhaajir wuxuu Alshabaab uga Tacsiyadeeyey guuldarrooyinka la soo dersey bilihii ugu dambeeyey ee dhinacyada dagaallada, dhaqaalaha iyo Siyaasadda, wuxuuna ku boorriyey iney mintidaan oo dagaalladana ay sii wadaan isagoo u ballan qaaday iney dhinac walba ka taageeri doonaan si loo xaqiijiyo gaarista hadafka ay ka mideysan yihiin.
“La dagaallama gaalada, dhabarka ka jibiya, Xarumohooda iyo Guryahooda ugu taga, Abaalgudkiinu waa Janno”, ayuu Almuhaajir ku adkeeyey horjoogayaasha Alshabaab, wuxuuna u qeybiyey kutubo iyo Cajalado ka hadlaaya Jihaadka, si dhallaanka yar yar ee u dagaallama Alshabaab loogu meeriyo ama loo tuso.
Dhanka kale Afhayeenka Alshabaab Cali dheere oo isna ka hadlay munaasibadda lagula kala wareegayey deeqda ka timid Alqaacdda, ayaa si weyn u marxabeeyey uguna ammaanay deeqdaas ay soo gaarsiiyeen, wuxuuna wacad ku maray iney si caddaalad ah u qeybin doonaan gargaarka soo gaarey, isla markaasna ay si daacadnimo ah u fulin doonaan farrinnta la soo gaarsiiyey Alshabaab ee uga timid Hoggaamiyaha guud ee Alqaacidda Eymaan Alsawaahiri oo cajalad uu ku soo hadlay ay Wafdigaani sideen.
Magaalada Muqdisho iyo caasimado kale oo caalamka ah ayaa aad leysu weydiinayaa sida ay deeqdaan Alqaacidda ee tirada badan ku soo gaartey gobolka Sh/hoose, Waxaa ayna fadeexad iyo dhabarjab ku tahay Arrintaani qolyaha isku magacaaba beesha Caalamka oo iyagu sheeganayey iney ilaaliyaan badaha iyo hawada Soomaaliya.
dalka@dalkanews.com,


Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo lugahiisa ku waayey qarax gaarigiisa loogu xiray

0
0

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo lugahiisa ku waayey qarax gaarigiisa loogu xirayXildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugihiisa ku waayey qarax goor dhaweyd loogu xiray baabuurkiisa. Mudanhan oo lagu magacaabo Maxamed Caana Nuug ayaa la sheegay inuu qaraxa kasoo gaaray dhaawac halis ah kaasi oo ka haleelay labada lugood iyo qeybaha hoose ee jirkiisa, sidoo [...]

Xildhibaan lagu Dhaawacay Muqdisho

0
0

Max'ed Cali Cumar "Caana-nuug" oo ka tirsan baarlamaanka KMG ayaa maanta la dhaawacay kaddib markii baabuur uu saarnaa qarax lagula beegsaday meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaalla degmada Waberi.

Xildhibaankan ayaa la sheegayaa in dhaawaca soo gaaray dartiis ay lug ka go'day.

Xildhibaanka oo haatan ku jira cisbitaalka Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid liidata.

Max'ed Cumar ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaanka KMG ku biiray sannadkii 2009-kii markii uu dhacay shirkii Djibouti.

Ilaa hadda cidna ma sheegan mas'uulliyada qaraxa xildhibaanka lala beegsaday.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dhaqan-galka Roadmap-ka iyo Afduubkii shaqaalihii MSF

0
0

Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa ka hadlay dhaqan-qalka Tubta Nabadda Soomaaliya (Road-map) iyo afduubkii laba dhaqtar uu u shaqeynayay ha’yadda MSF Spain oo shalay lagu afduubay Kenya.
Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay in dhaqangalka Roadmap-ka uu meel wanaagsan marayo, isagoo sheegay in muddada sanadka ah ee la heysto loo baahan yahay in beesha caalamka iyo Soomaalida ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii looga miro dhalin lahaa howlaha muhiimka ah ee harsan.
“Qorshaha qaranka ee xasilinta nabad-gelyada waxaa ka dooday golaha wasiirada fikirkooda ayayna ku dareen, haddana ay socdaan dadaaladii maamulada dalka ka jira ay iyagana fikirkooda muhiimka ah ugu soo biirin lahaayeen si qorshaha uu u noqdo mid Soomaali oo dhan ay kawada qaybqaateen isla markaana ay dhaqan-gelintiisa kawada qaybqaateen si ay u sahlanaato in waqtiga si wadajir ah uga faa’iideysano,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale, Dr C/weli Gaas wuxuu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Somalida, qaybaha bulshada iyo maamulada dalka ay kawada qeybqaataan qorshaha amniga taasoo uu sheegay inay sahlayso maamul-wanaagga, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, madaxda caalamka iyo Qaramada Midoobay ayuu ugu baaqay inay kaalmo muhiim ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay diyaar u tahay Soomaalida inay meel uga soo wadajeestaan sidii loo xasilin lahaa dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha wuxuu cambaareeyay afduubkii loo geystay labadii shaqaalaha ahaa ee u shaqeynayay hay’adda MSF Spain, kuwaasoo laga afduubay meel ku dhow xerada Ifo oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.
“Aad ayaan uga xumahay dambigan foosha xun. Waxaan xanuunka la qaybsanaynaa qoysaska iyo saaxiibbada dhibbanayaasha,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Isagoo sheegay inaysan garanayn cidda ka dambeysa afduubka.
Dowladda Kenya oo afduubkan ka hadashay ayaa sheegtay inay billowdo howlgallo ay ku raadinayso dadka la afduubay iyo goobta lagu haysto labada shaqaale, iyagoo sheegay inay shaki ka qabaan in afduubkaas ay ka dambeyso Al-shabaab.
Source-Hol

Boorama: Dugsiga Sare ee AL-Nuur Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyey Dufcadii Ugu Horeysay Ee Ka Qalinjabisa

Golaha Guurtida Somaliland Oo Ugu Baaqay Xukuumadda In La Xoojiyo Siyaasada Arrimaha Debeda Somaliland

0
0

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood adag ka yeeshay siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, isla markaana waxay ugu baaqeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay xoojiso shaqada xafiisyada iyo safaaradaha Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa.
Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha ahna ku simaha Guddoomiyaha Siciid Jaamac Cali waxa Fadhiga doodooda ka soo jeediyay dhawr mudane kuwaasi oo tallooyin u soo jeediyay xukuumada iyo wasaaradda Arrimaha dibada.
Md. Cabdilaahi Sh. Xasan oo ka mid ah Xildhibaanadii ka hadlay fadhigaa ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in socdaalada Wasiirka Arrimaha dibaddu ku tago dalalka dibada lagu xoojiyo Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
“Wasiirka Arrimaha dibaddu socdaalo ayuu dibada ku tagaa waanu soo noqdaa, wuu inoo waramaa oo waxa uu inoo sheego uun baynu qaadanaa Gole ahaan way fiican tahay inaynu dhegaysano, waxaanse soo jeedinayaa in socdaalada dibadda ee Wasiirka u baxo lagu darro Mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida &Wakiiladda) si loo xoojiyo qadiyadeena oo loo tuso in loo dhan yahay,”ayuu yidhi Cabdilaahi Sh. Xasan.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa ku dooday in xafiisyadii Somaliland ku lahayd dalalka dibadu ay dabceen “Safaaradaheena dibada iyagana beryahan dambe guux yar ayaa ka jira kiro lagu yeeshay ha noqoto ama wax kale Wasiirka Arrimaha dibada waynu u yeedhn ay Gole ahaan inuu ina hor yimaado oo waynu waydiin doonaa,”ayuu yidhi Md. Dheeg.
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay wasaarada Khaarajiga inaanay dabcin safaaradaha Somaliland u fadhiya adduunka, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay safaaradaheena dibadu yaanay inaga dabcin waa inay shaqeeyaan oo ay waliba Safaarada Soomaaliya ka dhaqaale bataan oo ay ka muuqdaan Inay ka dawladaysan yihiin.
Xildhibaan Dheeg waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha dibadu ay samaysay dhaqdhaqaaqyo iyo dedaalo badan oo siyaasadeed, waxaanu xukuumada u soo jeediyay inay dedaal u gasho sidii baasaboorka Somaliland ay dunidu u aqbali lahayd.
Md. C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka soo laabtay dalka Kenya ayaa sheegay in Somaliland ay magac balaadhan ku mutaysatay kaalmadii ay gaadhsiisay dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee ku jira Xeryaha qaxoontiga ee dalka Kenya. Waxaanu tilmaamay in dawlad Kenya ay arrintaasi ku tilmaantay tallaabo weyn oo Somaliland qaaday.
Source-cadceed

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan dhaawac culus loogu geystay

0
0

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in lagula beegsaday Xildhibaan Maxamed Caanood oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa waxaa la-sheegay in uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla-markaana xilli uu saarnaa gaarigiisa, ayaa waxaa qarax lagula beegsaday wadada Magool oo aadda Cisbitaal Digfeer ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Caanood, in uu wax-yeelo xoogan ka soo gaaray Xildhibaanka iyo laba ruux oo kale, iyadoo uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Xildhibaanka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Xildhibaan Maxamed Caanood uu ka burburay mid ka mid ah labadiisa lugood, halka dhaawaciisa iminka lagu daaweynaayo Cisbitaalka Banaadir ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin dhacdadaan, laakiin waxay sheegtay in saacadaha soo socda ay u soo bandhigi doonto bahda Saxaafadda, laakiin maysan sheegin waqti gaar ah.
Majirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay qaraxaan, laakiin 4-tii bishaan ayay ahayd, markii Xarakada Al Shabaab ay qarax xoogan ku ruxday Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo maanta dillay seddex ruux iyo kooxahaasi oo cagaha wax ka dayay

0
0

Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta seddex ruux ay ku dilleen magaaladda Qardho ee Gobolka Karkaar ee deegaanada Puntland, iyadoo sababaha loo-dillayna ay tahay aano qabiil.
Seddexda ruux ee maanta lagu dillay magaaladda Qardho, ayaa waxay ka tirsan yihiin dadka ku dhaqan magaaladda Qardho, waxaana la-sheegay in loo-dillay aano qabiil, oo ay horey u galleen kuwo ay isku qabiil yihiin kuwii maanta la-dillay.
Kooxaha dilka geystay ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay seddex nin, oo watay seddex qoryo oo AK47 ah, isla-markaana markii ay dilka geysteen ayaa waxaa la-sheegay inay iskaga baxsadeen goobihii ay dilka ka geysteen.
Xaaladda magaaladda Qardho ayaa waxay maanta tahay mid aad u kacsan, iyadoo goobta uu dilku ka dhacay ay iskugu soo baxeyn boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan magaaladda Qardho.
Inkastoo uusan Maamulka Puntland arintaan ka hadlin, ayaa waxay hadana dadka ku dhaqan magaaladda Qardho ay Maamulka Puntland ugu baaqeen, in uu si deg deg ah wax uga qabto seddexda ruux ee maanta lagu dillay magaaladda Qardho.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.


Dhadhab: Hay'addaha oo Shaqada Joojiyay

0
0

Hay'addaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha Dhadhaab ayaa maanta joojiyay qeyb ahaan shaqooyinka gurmadka ay ka wadaan xeryahaasi.

Shaqo-joojintan ayaa waxay ka danbeysay kaddib markii shalay xeryahaasi laga afduubtay laba ka tirsan shaqaalaha gar-gaarka oo u shaqeynayay hay'adda MSF Spain.

Labadan shaqaalaha ah oo ah laba haween ah ayaa niman hubeysan ay shalay afduubteen iyagoo sidoo kalena dhaawac gaarsiiyay darawalkii waday.

Ilaa hadda lama oga meesha la geeyay shaqaalahan la afduubtay, balse mas'uulliyiinta Kenya ayaa sheegay inay ka shikisan yihiin in ddadka afduubta geystay ay yihiin Soomaali.

Dowladda Soomaaliya oo maanta ka hadashay afduubka loo-geystay shaqaalaha Hay’adda MSF ee dalka Kenya

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta markii ugu horeysay ay ka hadashay afduub lagula kacay Shaqaalaha Hay’adda MSF ee ka hawl-galla Xerooyinka Qaxooti ee ku yaalla dalka Kenya.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas, oo warbaahinta u qabtay Shir Jaraa’id, ayaa wuxuu maanta uu si weyn uu u cambaareeyay afduubka loo-geystay Shaqaalaha Hay’adda MSF ee ka hawl-galla Xerooyinka Qaxootiga ee Dhabaab ee dalka Kenya.
Shaqaalahaan oo laga afduubtay Xerada Ifo Labo ee dalka Kenya, ayaa wuxuu Raa’isal Wasaare Gaas uu muujiyay, sida ay uga xun tahay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas,
ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay, in Dowladda Kenya ay kala shaqeyso, sidii lagu soo qaban lahaa buu yiri dambiilayaasha.
Dr Gaas ayaa wuxuu xusay in loo-baahan yahay in la-soo qabto oo maxkamad la-soo taaggo kooxdaasi, si buu yiri wax looga qabto dembiyada ay galleen, wuxuuna dhawr dheer uu ku soo cel-celiyay in la-soo qabto kooxdii afduubatay, oo uu sheegay inay dembiilayaal yihiin.
Dowladda Spain oo ka hadasahay tallaabada lagu afduubtay shaqaalahaan, oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalkeeda, ayaa waxay cambaareysay tallaabada lagu afduubtay shaqaalahaasi, oo gargaar samafal ah u waday dadka Somaliyeed ee ku jira Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Somaliya oo maanta dalka ku soo laabtay iyo warbaahinta oo uu la-hadlay

0
0

Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, markii uu safar kaga yimid Gobolada Dalka Maraykanka.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu maanta uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, waxaana masuuliyiinta soo dhaweysay laga xusi karaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu maanta uu la-hadlay Tefeshinka Qaranka Somaliya, isla-markaana wuxuu kaga warbixiyay wax-yaabaha u suurta gashay intii uu joogay dalka Maraykanka.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in uu kullan uu la-soo qaatay Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay in uu kala hadlay xaaladda dalka Somaliya, isagoo xusay inay yihiin kuwo jacel inay gacan ka geystaan xaaladda Somaliya.
Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in uu kullan uu la-soo qaatay Saraakiishii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ee ku sugan dalka Maraykanka, kuwaa oo uu sheegay in uu kala hadlay xaaladda adag ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu sheegay in uu ka soo qaatay tallooyin wanaagsan, laakiin muusan sheegin waxa ay yihiin tallooyinkaasi.

Raa’isal Wasaaraha Somaliya oo galabta ka hadlay qaraxa dhaawaca culus loogu geystay Xildhibaan Caano Nuug

0
0

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu galabta uu ka hadlay dhaawac culus oo uu maanta soo gaaray Xildhibaan ka tirsan, Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Soomaaliya.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu ka hadlay qarax xoogan oo maanta lala beegsaday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar “Caano Nuug”, oo ka mid ah Xildhibaanada Somaliya.
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in arintaan ay tahay mid waxyeelo loogu geysanaayo masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo dadka wax-gal ah ee bulshada Somaliyeed.
Raa’isal Wasaare Gaas ayaa wuxuu arintaan uu ku eedeeyay inay ka dambeysay Kooxda Shabaab, isagoo sheegay in Dowladda Somaliya ay jawaab ka bixin doonto, qaraxa maanta lala beegsaday Xildhibaan Caano Nuug.
Xildhibaan Caano Nuug ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana ka go’day lugta bidixda ah oo ay maanta ka soo gaartay dhaawac culus, iyadoo maanta lagu sameeyay qaliin deg deg ah oo wax looga qabanaayo xaaladiisa caafimaadeed.
Ilaa iyo iminka majirto koox sheegatay inay ka dambeysay qaraxa xoogan ee maanta lala beegsadan Xildhibaan Maxamed Cali Cumar “Caano Nuug”, oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Liam Fox oo is cailay

0
0

Xoghayaha Difaaca Britain ayaa is casilay.

Puntland oo Laga Helay Document Sir ah oo ku Aadan Colaadii Garsoor

0
0

 
Bishii 9/2011 waxaa Dagaal geystay khasaaro Naf & Maal leh uu ku dhexmaray Gudhaa Magaalada Gaalkacayo gaar ahaan Xaafada Garsoor Beesha Laylkase & Ciidamada Dowladda Puntland, Dowladu waxay sheegtay in uu Dagaalku u dhexeeyo Ciidamadooda & Maleeshiyo Argagixiso ah aysana la dagaalamayn wax Beel ah.
Dhanka kale Beesha Laylkase & Maamulka Galmudug waxay xaqiijiyeen in uu Dagaalku u dhexeeyo Ciidamada Dowladda & Maleeshiyo ka soo jeeda Beesha Laylkase 3 cisho oo u socday Dagaal xiriir ah oo lagu kala itaal roonaan waayey waxaa dhacay heshiis la isku afgartay xabad joojin deg deg ah, Heshiiskaas oo Dowladu la gashay beesha Laylkase ayna soo qabanqaabiyeen Ismo ka tirsan Puntand uuna hogaaminayey Islaan. Bashiir hashiiskaas oo burinayey Wararkii ay horay dowladu u bixisay ee ay ku sheegaynaysay inay la dagaalamayso Argagixiso.
Hadaba waxaanu helnay Qoraal sir ah oo ay qoreen Gudiga Nabadgelyada Gobolka Mudug uuna ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yuusuf qoraalkan ayaa ka hadlaya Qorshaha Amniga Gobolka kaas oo loo gudbiyey Dowladda dhexe waxaana la Qoray ayaamo ka hor inta aanu dagaalku dhicin oo ku taariikhaysneed 29/08/2011 qorshahan oo ah kan Dagalka lagu hoobtay sababay wuxuuna beenaynayaa sheegashada Dowladda ee ah in la soo weereray Ciidamadooda oo ku hawlana sidii ay u so qaban lahaayeen xubin laga shekiyey.
Qorshahan oo ka kooban 7 qodob   qodobkiisa 1-aad wuxuu ku talinayaa in Dowladu la wareegto Deegaanka magaalada dhexdeeda ah ee ka maqan gacanta Dowlada oo loola jeedo Xaafada Garsoor, qodoba 4-aad ayaa isaguna muujinaya in ay Dowladu geysay Gobolka Ciidamo xoojin ah oo ka qayb qaata Dagaalka waxayna codsanayanaa Masuuliyiinta Gobolku in aan Ciidamadaas laga qaadin Gobolka ila ainta laga helayo ciidamo  buuxiya Booskooda.
Warqadana ayaa muujinaysa sida cad ee ay Dowladu u weerartay beesha laylkase ee ka mid ah beelihi dhistay Puntland.
Halkan Riix  Waraaqada ku Qoran PDF  Tigey
Shabakadan GalGalanews ayaa inta badan Aad u Daba Gasha Macluumaadka ku Aadan Sidii dadka loogu Soo Bandhigii Siyaasada Gurcana ee Putland waxaanu Faraynaa dhamaan Warbaahinta inay Source-ka Xogtan Ilaaliyaan
 
 


 
 
 
 
 
 
 

Rule of Law Can Save Somalia

0
0

It is difficult to explain after 51 years of independence the root causes of the political and humanitarian catastrophe in Somalia. For the innocent Somali people made victims daily by the Al-Shabaab’s criminal brutality and foreign AMISOM occupation, the answer is painfully clear: the absence of the rule of law.
Contrary to widespread notions, Somali people are not by nature any more anarchic, divided, or dysfunctional than other developing societies in the world. In fact, the absence of the rule of law is what precipitated the current destruction of the Somali institutions and allowed the foreign Al-Qaeda controlled Al Shabaab terrorists and the Ethiopian regime to butcher hundreds of innocent civilians in Mogadishu since 2007.
What is the Rule of Law for Somalis?
Most educated Somalis know the rule of law is having a functional Somali court system, competent police force with trained officers, and a credible National Constitution to mediate the competing clannish and individual interests. Sadly, since 1960 when Somalia gained Independence from Italy and Great Britain the people have not fully enjoyed any rule of law through state institutions.
The closet that Somalia came during post- independence to the rule of law was during the initial Military Revolutionary Council from 1970-73. As history shows, just as the rule of law was gaining momentum within Somalia the clannish dictator Siyaad Barre and his supporters actively eliminate any source of authority outside of their own.
After the fall of the Barre dictatorship and vicious tribal war, many Somalis have come to see the rule of law in Western nations. It is this rule of law which allows ordinary Somalis in the Diaspora to enjoy the safety to invest in the lives of their families and make contributions to those left behind back home.
Even in impoverished African countries like Kenya and Tanzania (which have their own problems of corruption and institutionalized tribalism); Somalis are nevertheless able to live peacefully and make contributions because of the minimal rule of law. The rule of law ensures that everyone, irrespective of background, feels a level of security and trust in the system that they work to uphold peace.
In Southern Somalia, since the rule of law is non-existent this has created no incentive for the corrupt Transitional Federal Government of Sharif Sheikh Ahmed to reform. The TFG leaders do not want to become a government that upholds the law since they very much would like to remain immune to accountability for their actions. The TFG leadership has stolen millions of dollars under the name of the Somali people at behest of neighbouring dictatorial regimes. In particular, the corruption and incompetence of the TFG is what has enabled unbridled criminality, daytime massacres, warlord gangs, and worse of all Al-Qaeda terrorists to wage unending genocide against Mogadishu residents.
Moreover, it is the legacy of the violent Siyaad Barre dictatorship, along with institutionalized clannism and widespread mistrust that caused a rotting moral corruption of Somali leaders everywhere. Unfortunately, this moral corruption has deprived any Somali group the ability to realistically govern Somalia under the rule of law for the past 20 years.
Al-Shabaab: An Obstacle to Rule of Law
Currently, the foreign Al-Qaeda controlled Al-Shabaab militias are attempting to fundamentally destroy any semblance of the rule of law in Somalia through wanton massacres of Somali civilians. Many Somalis have recently come to understand that the Al-Shabaab attacks are design to send the message that Somali blood is worthless.
What’s more, The Al-Shabaab gangs are also subverting the Somali culture itself (recently outlawing the Somali language altogether!) in-order to destabilize any national identity or shared Somali heritage in the population. Moreover, since the Al Shabaab is foreign funded and controlled by the Al-Qaeda masters they very much despise peace in Mogadishu. Naturally, the Al-Qaeda organization has been built on crimes and religious extremism by renegade Arabs who are fleeing the rule of law. In such a context, countless innocent Somalis have now become massacred by these criminal terrorists who recognize no laws, culture, or humanity outside of their ideological and racist extremism.
Conclusion
The international community led by Turkey and the United Nations must help the Somali people to establish the rule of law. The Al-Shabaab terrorists are a direct enemy to the rule of law in Somalia. While the Al-Shabaab are now being military defeated, it is only the Somali people, specifically Mogadishu residents who can ensure them from destabilizing the country.
Secondly, the most important tasks that are prerequisite to rebuild the Somali state relate to ensuring the rule of law prevails. The rule of law directly means forming a real National Government. A National Government which is headed by experienced Somali professionals and patriotic individuals who are is interested in “transferring state power” to the courts of justice backed up by national police force and a Constitution.
Unfortunately, the TFG under Sharif Sheikh Ahmed does not have the moral legitimacy or competency to guide the Somali people to peace. The problem is the TFG gang, similar to the Al-Shabaab criminals, is not genuinely interested in becoming a functioning government. They are too busy robbing the Somali people and actively serving the anti-Somalia interests of neighbouring dictatorial regimes in Addis Ababa, Kampala, and Djibouti.
If Somali people— the collective victims— have managed to live together, establish business and schools without the existence of any organized national government for the last 20 years, then they should be able with the concerted help of the international community and through their own resources to greatly prosper inside their own homeland under the rule of law. Yet, will the international donor countries finally understand the root causes of the Somalia catastrophe, the brutal Al-Shabaab and Al-Qaeda terror is the absence of the rule of law?
Dr. M. Omar Hashi
wadijir@hotmail.com


Jerry Rawlings visits Somalia, condemns extremist attack

0
0

Former Ghanaian President Jerry Rawlings who is the African Union High Representative for Somalia visited Mogadishu to console bereaved families of a recent suicide attack as well as to inspire the government to keep up with its political and military transformation in order to prepare the country for elections scheduled for August next year.
Speaking after meeting Somali President Sheikh Sharif and Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali as well as AMISOM commanders, Rawlings noted that Mogadishu is slowly recovering from the protracted war and condemned a recent suicide attack in Mogadishu by Al-Shabaab extremists which killed over 80 people and wounded more than 100 others. Most of the fatalities were Somali students hoping to pursue further studies in Turkey.
“My main reason for coming was to come and express my condolence to the parents through the government for those who lost their lives and to actually make them understand that this kind of cowardly and brutal behavior by the extremists is an admission of their military failure and this is why they had to resort to picking on some target, to picking on innocents which am afraid will only cost them politically,” Rawlings said after his one day visit to Mogadishu before away.
The former Ghanian leader said that he discussed with Somali leaders about the ongoing peace efforts and hopes to see Somali politicians coming together to steer the country past the current transition period which is impeding the much needed reconstruction efforts the war ravaged country badly needs.
“The military push seems to be far ahead of the political move, the political transformation, the political process that should be taking place. The sooner we close the gap the better it will be for all of us. I think in itself will generate a very healthy atmosphere among the public that we are serious about going through the transition and ending the transition as early as possible so that we can have a nationally elected institutions into the executive offices,” He said, referring to the recent military successes by Somali forces and AU peacekeepers against Al-Shabaab militants who have now been pushed out of the city.
Mr. Rawlings, whose first visit in January coincided with a humanitarian catastrophe as a result of a severe drought, said that he was pleased with the humanitarian response but called for robust mechanism to make sure the aid reaches the worst affected regions in south and central Somalia.
The pathetic conditions of tens of thousands of Somalis affected by a severe drought in Somalia many of who have fled into Mogadishu and living in squalid camps with little food or medical care has attracted world attention prompting many leaders to visit Somalia in a bid to show solidarity with the affected population.
“There is a much healthier atmosphere in terms of the social and economic activity. There is a very busy environment which I think reflects a very healthy sign. Some areas are receiving the necessary humanitarian assistance and medication but it is how to get the aid into the needy areas in the hinterland that really matters now,” he added.
The 63 year old former President of Ghana was named as the Africa Union’s High Representative to Somalia in October 2010 and tasked with mobilizing the continent and the rest of the international community to fully assume its responsibilities and contribute more actively to the quest for peace, security and reconciliation in Somalia.
He believes African countries are positively contributing towards helping Somalia attain peace but calls upon more support in order to help the once powerful country of Somalia to stand on its feet and claim its rightful place among other nations.
“There is a lot of hope otherwise Africans would not have deployed their troops on the ground suffering, sacrificing and dying for fellow Somalians to see a nation stand back on its feet. In terms of the contributions that also took place I think it is a very healthy sign that this is the first time we have embarked on this kind of request for Africans to give up themselves and I think they have done pretty well. It may not be that much but it is a beginning,” Rawlings added with a smile looking relaxed.

‘Let the civilians die’

0
0

Two women accused of funnelling money to a terror group in Somalia talked about collecting money for al-Shabab, supporting fighters instead of other charities and the possibility that FBI was listening in on their conversations, according to hours of recorded phone calls played for jurors.
Prosecutors have built the bulk of their case by playing more than 80 phone calls recorded during a 10-month wiretap on the home and cellphones of Amina Farah Ali, 35. In those calls, prosecutors allege, Ali is heard talking to her co-defendant, 64-year-old Hawo Mohamed Hassan, as well as leaders of al-Shabab in Somalia. The calls include recordings of teleconferences in which the women gave religious lectures and collected donations.
Ali and Hassan are accused of being part of a “deadly pipeline” that routed money and fighters from the U.S. to Somalia. The women, U.S. citizens of Somali descent, are charged with conspiracy to provide material support to a foreign terrorist organisation. The women have said they were raising money for needy refugees in Somalia.
The recorded calls are all in Somali. Jurors are following along with written transcripts that have been translated into English by the government.
In one October 2008 call between Ali and Hassan, prosecutors allege that as the two women were discussing where the money should go, Ali said the priority be those who stand up for Islam. “Let the civilians die,” she said. In a February 10, 2009, teleconference, Ali told others, “Let’s forget about the other charities – how about the jihad?”
Ali and Hassan are among 20 people charged in Minnesota’s long-running federal investigations into recruiting and financing for al-Shabab, which the US considers a terror group with ties to al-Qaeda. Investigators believe at least 21 men left Minnesota – home to the largest US Somali community – to join al-Shabab. Though others have pleaded guilty to related charges, the women are the first to go on trial.
Ali faces 12 counts of providing such support – for allegedly sending more than $8 600 to the group from September 2008 through July 2009. Hassan faces three counts of lying to the FBI.
Since last week, prosecutors have been methodically presenting evidence to connect Ali’s phone conversations to the counts against her, matching dollar figures mentioned in calls to phone numbers or accounts of al-Shabab members, and to receipts from hawalas, or money transfer businesses.
According to some of the wide-ranging calls, Ali gets updates from an al-Shabab member about the fighting in Somalia. In many, she tells others how to send funds to Somalia. She gives fictitious names and the numbers of al-Shabab accounts to those who will be sending the money, and talks about sending it in small amounts to avoid detection, prosecutors said.
In one call, Ali explains she will not get a license for her charity because she doesn’t want to report where the money is going. “I don’t want to lie to God,” she said.
Ali’s attorney, Dan Scott, noted during cross-examination of FBI Special Agent Michael Wilson that his client took steps to ensure the money people donated specifically for orphans went to the orphans – and nowhere else. In one call that took place in November 2008, Scott notes, Ali ticks off a list of donations, totalling $7 000, that went to a variety of causes including the wounded, mentally ill, poor people – and al-Shabab.
Scott also noted that after the US declared al-Shabab a terror group in February 2008, the FBI made no attempt to “inform her that she should not be sending money to this newly declared foreign terrorist organisation.”
In one call between Ali and Hassan, dated May 6, 2009, Hassan and Ali talk about sending girls out to collect money in Seattle, North Carolina, and elsewhere. In that call, Hassan says others should “forget about the families at this moment, because the frontline is empty.”
In another call between Ali and Hassan, on April 3, 2009, the two women talk about how anyone could be listening in to the teleconferences, including “all troublemakers, FBI and people sent by them and filth.”
In a teleconference on February 10, 2009, an unidentified man asks who the fundraising is for. Ali replies: “Brother, whom do you want to give it to? The orphans, the poor … the Mujahidin (holy warriors)? Actually, jihad is your duty brother. What are you going to pledge?” – Sapa-AP

Somalia Military Occupies SOS Children’s Village and Hospital in Mogadishu

0
0

Last week, military forces invaded and took over the SOS Children’s Village and hospital in Mogadishu, forcing all children, patients and employees to evacuate the grounds. The troops are now occupying the compound as a base for gunfights, preventing over 500 victims of Somalia’s tragic circumstances from receiving care each day and tearing nearly 100 orphaned children from their long-term homes.
SOS Children’s Villages urges the troops to return the facilities to the children and those who require medical care. The military occupation is costing lives, as 500 people per day who would have received medical care are at risk of dying on the streets while troops guard empty beds.
Fierce fighting occurred on the hospital grounds on Saturday and Sunday when the Somali Transitional Federal Government (TFG) supported by African Union (AU) troops took over the SOS properties; forcing all SOS staff to vacate the grounds of the Village and hospital — for the first time in its 25-years of existence.
“For 25 years this hospital was protected by the people of north Mogadishu. The current occupation is unethical and unnecessary,” stated Wilhelm Huber, the East Africa Director of SOS Children’s Villages. “A Children’s Village is for children, not soldiers. A hospital is a place to treat the sick, it is not a place to hide.” Huber has called on the military to hand back the SOS Village and hospital compound to the community to which they belong.
Mr. Huber’s sentiments were echoed by the 54 senior medical staff from the hospital who pleaded with various military leaders, cabinet ministers in the Somali Transitional Federal Government and officials at the UN to do everything in their power to address this critical issue.
One SOS employee was killed in the crossfire between TFG/AU troops and al-Shabaab forces as he reported for work after the forced evacuation. Friends say that he returned to SOS in the belief that the area had been secured by TFG forces as relayed in radio reports. The body of Mr. Ali Shabye remains where he was killed on Monday morning despite pleas to recover his body to provide him with a proper and respectful burial.
The fate of a mentally disabled child missing since the weekend is also of concern to SOS medical staff. They fear that he too may be a victim of the fighting.
SOS Children’s Villages has operated continuously in East Africa for over 40 years, providing family-based homes to orphaned children, medical facilities and numerous programs to others in need. In September alone, the Village in Mogadishu has assisted nearly 12,000 individuals, providing medical care to those affected by the severe drought, famine and civil war in Somalia. SOS increased the capacity of schools to provide more children with a safe haven and meals during the day, and implemented a program that allows people to purchase food from local grocers despite severe inflation.
About SOS Children’s Villages
For over 60 years, SOS Children’s Villages has been dedicated to providing family-based, long-term care to children who can no longer grow up with their biological families. SOS also focuses on preventing the conditions that cause children to be orphaned and abandoned. Through its Children’s Villages, Family Strengthening Programs, emergency relief programs and schools, SOS impacts the lives of over 1 million people each year. SOS Children’s Villages has received numerous honors including the Save the World Award, the Mother Teresa Gold Medal, the Conrad N. Hilton Humanitarian Prize, and the Vietnam Friendship Medal. For more information about SOS Children’s Villages, visit www.sos-usa.org .
SOURCE: SOS Children’s Villages

DAAWO SAWIRRADA Xeebta Liido Oo Buux Dhaaftay Kadib Xornimadii 6-August

0
0

Nolosha Muqdisho waxay si tartiib ah ku noqoneysaa caadigeedii. Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa sawirrada Xeebta Liido oo maanta oo Jimce ah ay kumannaan dad ah ay isugu yimaadeen. Muuqaalkan oo kale suurtogal ma ahayn ka hor 6dii Agoosto 2011, kolkaasoo Shabaab ay magaalada Muqdisho ka carareen.
Waxaa xeebta buux-dhaafiyay dad dhalinyaro u badan oo isugu jiray kuwo dabbaalanayay iyo kuwo kubbad cayaarayay, waxayna daliil cad u tahay shacabka Muqdisho inay leeyihiin “Nolol baan dooneynaa, nabad baan dooneynaa. Si kastoo naloo cabsi  geliyana nolosheena waan wadaneynaa”




































































Photo By:- Cali Nuur Salaad

Wasiirka Gaanshaandhiga ee Britain oo caawa fiidkii iska casilay xilkaasi

0
0

Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Dowladda Britain Liam Fox, ayaa wuxuu caawa uu iska casilay xilkaasi, wuxuuna masuulkaan uu ahaa mid miisaan culus ugu fadhiya dadka reer Britain.
Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Britain, ayaa wuxuu sababaha uu isku casilay lagu sheegay, in uu xafiiskiisu ugu imaan jiray nin lagu magacaabo Adam Werritty, oo ay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhaw.
Adam Werritty ayaa wuxuu marka uu imaanaayo xafiiska Wasiirka Gaanshaandhiga uu sheegan jiray, in uu yahay la-taliyaha Wasiirka, wuxuuna mararka qaarkood uu la-soo bixi jiray kaar uu ku sheegaayo in uu cadeynaayo, in uu yahay la-talaliyahiisa.
Adam Werritty ayaa wuxuu dhawr jeer uu safaro dibadda ah uu u raacay Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga, waxayna taasi keentay shaki xoogan oo laga qaaday masuulkaan, isla-markaana arintaan ayaa waxaa buun buunisay Saxaafadda Ingiriiska.
Markii Saxaafadda Ingriiska ay arintaan buun buunisay, ayaa waxay keentay in uu ka caroodo masuulkaan, kaasoo ugu dambeen caawa fiidkii shaaca ka qaaday in uu iskaga tagay shaqadaasi.
Dadka u dhashay Boqortooyada Britain ayaa waxay si weyn ay u jacel yihiin Liam Fox, oo caawa iska casilay xilkaasi, waxaana dhici kareysa in dadka ay arintaan ka muujiyeen walaac, maadaama uu yahay nin si weyn looga qiimeeyo dalkaasi.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live