Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Soomaaliya oo kaalinta kowaad ka gashay musuqmaasaq

$
0
0

23rd February 2018 admin Category :
Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha ma Musuqmaasaaq hor leh oo loo magcaabay baa mise Musuqmasaqii iyo isdaba marintii horay loo sameeyey ayaa la saxayaa, Waxay u badan tahay inay yihiin koox ku heshiiyey xatooyo xoolo dadweyne iyo Soomaalida oo 2018ka mar kale noqota dalka ugu musuqmaasaqa badan aduunka
storvideo: 


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo bur-buriyay...

$
0
0

Garba-haarreey-(SONNA)-Taliyaha Ururka 49 aad , guutada 10 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac, ayaa sheegay in Ciidnka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga Degmooyinka Baardheere , Buurdhuubo iyo goobo kale oo Gobolka Gedo ka mid ah.
Taliyaha oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay Ciidamadu Cagta mariyeen Saldhi ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Juungal oo 30 KM u jira Baardheere.
Taliyaha Turbac ayaa sheegay inay howl galladan iska kaashadaan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeeddadooduna ay tahay baacsiga Al-Shabaab, si weynna ay u wiiqeen cadwga.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa koofurta iyo Bartamaha Dalka waxaay ka wadaan howlgallo maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-Sshabaab looga saarayo degaannada lagu tuhmayo inay ku dhuumaalaysanayaan.
storvideo: 

Maamulka degmada Baardheere oo beeniyay in Al...

$
0
0

Baardheere ( Sh.M.Network):-Ku simaha Guddoomiyaha degmada Baardheere ahna Guddoomiye ku xigeenka degmadaas IsmaaciilCabdi Qorrax ayaa beeniyay in Al Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin degmadaas.
Al Shabaab ayaa sheegay in weerar xoogan ay ku ekeeyeen Saldhiga Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayna Khasaaro xoogan gaarsiiyeen.
Hase ahaatee Mudane Ismaaciil Cabdi Qorrax Ku simaha Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaas isagoona shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanno qiyaastii 50 Km u jira degmada Baardheere.
Si kastaba Xarakada Al Shabaab ayaa barahooda Internetka shalay ku faafiyay in weerar Khasaaro geystay ku qaadeen Xarun Ciidamada Ethiopia ka degan yihiin degmada Baardheere.
storvideo: 

Daawo: Isku dhac aad u balaadhan oo dhex maray...

$
0
0

Daawo: Isku dhac aad u balaadhan oo dhex maray Booliska iyo Qolo kasoo hor jeeda nationalist party Oo Neceb Anaajibka oo ka dhacay Magaalda Turino ee Dalka Talyaaniga
storvideo: 

Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo xiray kulammadii wadatashiga dadweynaha ee ay wadeen Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan. Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku [...]
storvideo: 

Maxaa Itoobiya loogu soo rogay xaalad degdeg ah?

$
0
0

Waxay daba socotaa iscasilaadii la yaabka lahayd ee ra'iisalwasaaraha iyo boqolaal maxaaabiis ah oo la sii daayay

Kulammo looga Tashanayay Geeddi-socodka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa soo xiray kulammadii wada-tashiga Dadweynaha ee ay wadeen guddiga madaxa-bannaan ee dorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan.
Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aaddan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.
Guddoomiye Eng. Yarisow oo munaasabadda xiritaanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in kulamadani ay dhabaha u xaari doonaan sidii loo heli lahaa tallooyin wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed, waxuna uga mahadceliyey guddiga kulamadii wadatashiga ee ka dhacay G/Benaadir ee bulshada lagu weydiinayey tallooyinka.
"Waxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go'aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka. Muqdisho waa muraayaddii midnimada iyo wadajirka ummadda, waana in ay horseed ka noqoto doorashoyinka dhacaya sanadka 2020".Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.
Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxa uu kula dar-daarmay dadkii ka faa'iideystay wadatashiyadan in dib ay ugu celiyaan talada degmooyinkii ay ka yimaadaan, si shacabku ay ugu sii diyaar garoobaan una bartaan wax-yaabaha looga baahan yahay si ay doorashadu u dhacdo.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay si loo gaaro doorashooyin guud oo dhaca sanadka 2020 in loo baahan yahay caqabadaha jira in looga gudbi karo isku tanaasul, dulqaad iyo in qof walba ogaado danta ugu jirta sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore.
Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Maamulka sare ee gobolka Benaadir.PUNTLAND POST
The post Kulammo looga Tashanayay Geeddi-socodka Doorashooyinka 2020 oo lasoo Gunaanaday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay?


Madaxweynaha Cabdi Cumar oo ka hadalay sii deynta...

$
0
0

Boqolaal maxaabiis ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ayaa maalin ka hor ay siidaysay dowlad degaanka Soomalida Itoobiya.
Maxaabiista waxaa ka mid ahaa kuwa u xirxirnaa siyaasad, qaar ka mid ahna waxay ka tirsanayeen Jabhadda ONLF.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.
Balse madaxweynaha deeganka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa BBC-da u sheegay in 'cafinta maxaabiistan ay shqo ku lahayn waxa ka socdoa itoobiyada kale''.
Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda.
Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.
Hadaba si aan faahfaahin dheeraad ah uga ogaano siidaynta maxaabiistan ayaa waxaan ka waraysanay madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Wariyaha BBC ee Jigjiga Cabdinasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa ugu horayntii waydiiyay waxa ay kala yihiin maxabiista la sii daayay.
Boqolaal maxaabiis ah oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee Jigjiga
Maxaa Itoobiya loogu soo rogay xaalad degdeg ah?
storvideo: 

Maxaa Itoobiya loogu soo rogay xaalad degdeg ah?

$
0
0

Itoobiya, oo ah dalka labaad ee uggu dadka badan qaaradda Afrika, dhaqaalihiisuna waa yadan danbe si xoog leh u soo kobcayey, ayaa gilgishay toddobaadkii lasoo dhaafey.
Ra'iisal wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Itoobiya Hailemariam Degalegn, ayaa si lama filaan isu casiley. Wuxu talada dalkaasi hayey shantii sano ee lasoo dhaafey.
Maalintii is casilaadda ka danbeysana, waxaa dalkaasi lagu soo rogey xaalad deg dega.
Qoraal laga aqriyey iddaacadda dowladda, ayaa lagu sheegay in talaabadda laga qaadey loo arkey, iney lagama maarmaan u tahay in lagu hor istaago mowjadaha dibadbaxyada lagaga soo horjeedo dowladda Itoobiya ee dalkaasi ka socda.
Boqolaal qof ayaa ku dhintey qulqulatooyinka socda dalkaasi saddexdii sano ee uggu danbeysay, Waana amrkii labaad oo xaalad deg deg ah dalkaasi la geliyo labadii sano ee la soo dhaafay.
Maxey xaaladda degdega baajin kartaa?

  • Diyaarinta ama daabacaadda warar keeni kara rabshado iyo shaki.
  • Soo bandhigidda ama xayeeysiinta astaamo kicin karo qalalaase.
  • Banaanbax noocuu rabo ha noqdee ay sameeyeen koox abaabulan.
  • In dibedbaxayda ay sababaan in adeegyada dowladda ay hakad galaan.
  • In banaanbax yada loogga soo horjeedo dowladda ay carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga maalinlaha ah.

Dowladda ayaa sidoo kale xor u ah inay xirto warbaahinta kuna soo rogta dadweynaha Bandow.
Inta ay socoto xaaladda deg degga ah, qofkii lagu arko inuu ku qasbayo goobaha ganacsiga iney xiraan, inuu wajihi doono maxkamadeyn.
Maxaa xaaladda degdega looggu dhawaaqey?
Dowladdu waxay sheegtay saddex arrimood:

  • In la hubiyo xasiloonida nabadda iyo tan siyaasadeedba.
  • In laga fal celiyo is casilaaddii ra'iisal wasaraha.
  • In la fududeeyo xiliga kala guurka habkii awoodda lagula kala wareegi lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, khuburada qaadaa dhigta siyaasadda, ayaa tilmaamay in xaaladda deg dega aaney ku qotomin sharciyad, halka sheegashada dajintuna ay tahay bay yiraahdeen mid aan sax aheyn.
Dadka arrimaha bulshada u dhaq dhaqaaqa ee dalkaasi u dhashey, ayaa ka walaacsan in dowladdu talaabadan ay qaadey ay uga sii darto xaaladdii awalba cakirneyd.
Bishii January, masuuliyiinta ayaa kasii daaayay xabsiyada 3,000 oo isugu jira siyaasiyiin iyo wariyeyaal, waxaa qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaal mucaarad sida Bekele Gerba, Merera Gudina iyo Andualem Arage.
Laakiin madaxda ayaa sheegtay in cafiska loogga jeedo abuuridda jawi wanaagsan oo la isla jaan qaadi karo, taasoo lagu gaaro kaqeyb gal dimuqraadiyadeed oo balaaran.
Dad kasoo horjeeda Itoobiya, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey sheegadda dowladda, iyadoo sheegay in taasi tahay hadal macaan oo aan afka baarkiisa dhaafsiisneyn.
Maxaa iska badalay nolosha tan iyo markii la soo rogay xaaladda degdega ah?
Guud ahaan dalka inta badan nolosho waxba iskama baddelin.
Caasimadda Addis Ababa, dukaamadu wey furan yihiin, dadkuna waxey ku mashquulsan yihiin soo dhacsashada quutul daruuriga.
Laakiin meelaha qaarkood ee ismaamulka Amxaarada, dadku way ku gacan seyreen iney u hoggaan samaan amarka dowladda, iyagoo xir xirey goobahooda ganacsiga, hakiyeyna adeegyadii isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga.
Dowladda ayaa falkan ka jawaabtey, iyadoo ku qasabtay ganacstada inay dib u furan dukaamadooda.
Sidoo kalel, is maamulka Oromia ayaa isna dadka ku dhaqan waxey iska diideen iney u hoggaan samaan awaamiirta dowladda, iyadoo dad tiradoodu badan tahay ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan maxaabiistii la sii daayey.
Muxuu ra'iisal wasaaruhu isu casiley?
Isbaheysiga haya talada ee EPRDF, waa mid hawlihiisa ay yihiin qarsoodi, waxaana aad u adag dhabtii in aad ogaato wax aka dhex socda xisbiga dhexdiisa.
Ha yeeshee illaa iyo intii uu qabtay talada dalkaasi Hailemariam Desalegn, qaar kamid ah madaxda dalkaasi ee ay isku xisbiga yihiin, ayaa ku eedeeyey inuu ahaa nin jilicsan hoggaamintiisuna wanaagsaneyn.
Is casilaaddiisa waxey u gogol xaari kartaa in isbaheysiga xisbiga talada haya ay keenaan hoggaamiye ad adag, ama waxaa soo shaac bixi karta kala qeyb sanaan ka dhex jirta xisbiyada, oo ku saleysan goboleysi.
Waxey si gaar ahaaneed xifaaltanka ugga dhex muuqdaa dhinacyada xisbiga Tigreega (TPLF), kaasoo loo arkey mid wiiqayay xisbiyada kale galaan gal weyna leh, halka kan kale ee Oromada (OPDP) isna uu noqday waa yadan danbe mid ay isa soo tareyso sare u kaca kuyimid awooddiisa.
Ku badalidda Mr Hailemariam qof kale oo u dhashey qowmiyadda Oromada, waxey noqon kartaa mid kamid ah talaabooyinka lagu xalin karo dalabka banana baxayaasha Oromada, kuwaasoo ku eedeeyey dowladda iney gacan bidixeysay.
Itoobiya waligeed muusan hoggaaminin ra'iisal wasaare Oromo ah, inkastoo ay yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya.
Qowmiyadaha ay Ethiopia ka kooban tahay=:

  • Oromo - 34.4%
  • Amxaara - 27%
  • Soomaali - 6.2%
  • Tigray - 6.1%
  • Kuwa kale - 26.3%

Source: CIA World Factbook estimates from 2007
Yaa noqon doona ra'iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya?
Lemmy Megersa, oo ah madaxa is maamulka Oromada, sidoo kalana hoggaamiya xisbiga OPDO, wuxuu kamid yahay dadka ugu cad cad ee laga yaabo inuu noqdo ra'iisal wasaare.
Kuwa kale ee la filayo, waxaa iyana kamid ah Debretsiyon Gebremikael oo katirsan xisbiga TPLF, iyo Demeke Makonnin oo kasocda dhaq dhaqaaqa qaran ee Amxaaradda ee dimuqraadiyadda iyo Abiyi Ahmed, oo isna katirsan OPDO.
Dhammaan saddexdan xisbi waxey katirsan yihiin isbaheysiga balaaran ee xukunka dalkaasi haya ee EPRDF.
Maxey dadweynuhu u banaan baxayaan?
Waxaa jira Tabashooyin dhawr ah oo keenay banaanbaxyada ka socda Itoobiya saddexdii sano ee ugu danbeeyey.

  • Oromo badan ayaa qabta in siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyey sanado aad u tiro badan, iyagoo haddana ah qowmiyadda wadanka uggu tirade badan
  • Sidoo kale, qaar kamid ah qowmiyadda Amxaarada, ayaa iyaguna ka cawdey in qowmiyadda tirada yar ee Tigreega ay intii badneyd xukunka marooqsatey.
  • Kooxaha mucaaradka iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha, ayaa ka doonaya isbaheysiga EPRDF awoodaha badan ee ay gacanta iyagu kuheystaan qaarkood wareejiyaan, una oggolaadaan hey'addaha kala duwan iney si xor ah u shaqeeyaan, oo aan juujuub iyo caga lugleyn lagu sameyn.
  • Dadka kudhaqan dalka ayaa ka cawdey xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, sida xarig, jirdil iyo dil ka baxsan hannaanka garsoorka, oo lagula kaco siyaasiinta mucraadka.
  • Dhulka la dhaco iyo barakicinta dadka, iyagoon la siin magdhaw. waana mid kamid ah arrimaha kiciyey banaan baxyada, ka gadaal markii lagu dhaqaaqey qorshe lagu balaarinayey soohdimaha caasimadda, kaasoo u talaabay is maamulka Oromada, inkastoo markii danbe kaasi laga noqda

storvideo: 

Madaxweynaha Cabdi Cumar oo ka hadalay sii deynta maxaabiista Jigjiga

$
0
0

Maxaabiis ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ayaa maalin ka hor ay siidaysay dowlad degaanka Soomalida Itoobiya.

Somali troops clash with Al Shabaab in Lower...

$
0
0

Somali government forces engaged in a deadly gunfight with the Al Qaeda-linked militant group Al Shabaab in the southern Lower Shabelle region on Friday, officials said.
The battle flared up after Somali military launched an ambush attack against Al Shabaab in areas near Awdhegle district, sparking hours-long combat between the two sides.
Local residents in Aybutey village said the fighting was so intense and both warring sides have exchanged heavy and small weaponry, causing an unspecified number of casualties.
Al Shabaab has not so far released a statement regarding the Friday's clashes in Lower Shabelle region which has been the scene of previous deadly gunbattles.
storvideo: 

AU troops still needed in Somalia: envoy

$
0
0

African Union troops are still needed in Somalia until 2021 to help flush out Al-Shabaab militants and speed up stabilization, an AU envoy has said.
Francisco Madeira, Special Representative of the Chairperson of the AU Commission (SRCC) for Somalia, said Somali security forces are not yet adequately capacitated to take over national security.
"Given the level of the threat and the status of the political process, the option of ending the surge in uniformed personnel before 2021 could bring about a serious risk of reversals that could derail the gains already made," Madeira said.
The AU envoy was speaking late Thursday during a roundtable discussion on the achievements and challenges facing the 11-year-old African Union Mission in Somalia (AMISOM).
In a statement released on Friday, Madeira urged the Somali public to rally behind the AU mission and the government to speed up the stabilization process and restore lasting peace and security in the country.
He said although the drawdown of AMISOM troops entails the handover of some Forward Operating Bases to the Somalia National Army (SNA), the local army must be fully capable of taking charge of these bases, otherwise, Al-Shabaab will take them.
AMISOM is currently implementing the UN Security Council resolution passed in August 2017 that authorized a reduction of troops and transfer of national security responsibilities to the Somali National Security Forces.
Madeira said AMISOM will continue working closely with the federal and state governments during the transition period.
"We all agree that we must decisively address the threat posed by Al-Shabaab, otherwise they will continue to pose the grave danger, not just to Somalia and the region, but to the entire continent," Madeira said.
He also defended AMISOM from accusations of inactivity, saying its presence in Somalia had ushered in a period of stability and put the country on the path to one-person-one-vote in 2021.
Madeira told the roundtable that the AU had formed a group of special envoys to mobilize development partners to support AMISOM and Somalia with predictable funding to enable them to effectively fight Al-Shabaab.
storvideo: 

Sucuudiga: Waxaan madadaalada ku maalgelineynaa $64bn

$
0
0

Dalka Sucuudiga, ayaa sheegay inuu ku maal galinayo $64 bilyan, siduu u horumarin lahaa qeybta madadaalada, tobanka sano ee soo socoto.

Sucuudiga: Waxaan madadaalada ku maalgelineynaa $64bn

$
0
0

Dalka Sucuudiga, ayaa sheegay inuu ku maal galinayo $64 bilyan, siduu u horumarin lahaa qeybta madadaalada, tobanka sano ee soo socoto.
Madaxa guud ee qeybta madadaalada, ayaa tilmaamey in 5,000 oo xafladood la qorsheeyey qabashadooda sanadkan, oo ay ku jirto ciyaarta qalama rogadka.
Maalgelintan waxey qeyb ka tahay barnaamij ujeedadiisu tahay isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba, oo loo yaqaanno Hiigsiga 2030-ka, oo uu soo saarey labo sano kahor dhaxal sugaha Maxammed bin Salman.
Dhaxal sugaha oo da'diisu tahay 32 sano jir, ayaa doonaya inuu keeno qaab kale oo boqortooyadu daqli kusoo galo, oo aan ka aheyn kan shidaalka. Ilaha uu ku han weyn yahayna waxaa ka mid ah kordhinta qarashyada lagu bixiyo hannaanka dhaqan iyo madadaalo ee dalka.
Bishii December, dowladda ayaa joojisay xanibaaddii saarneyd ka ganacsiga goobaha madadaalada sida shineemooyinka.
Madaxa guud ee hey'adda madadaalada Ahmed bin Aqeel al-Khatib, ayaa yiri: "Waayadii hore, maal geliyayaasha way la tagi jireen dhaqaalahooda dibadda, dadabadeedna way ula soo noqon jireen wax soo saarkooda dalka Sucuudiga.
"Maanta, taasi is badal ayaa ku dhici doona, wax waliba oo la xiriiro madadaalana halkan baa lagu sameyn doonaa."
"Haddii Alle idmo, waxaad arki doontaa is badal dhab ah marka la gaaro sanadka 2020-ka."
Magaalo weyn oo loogu tala galey madadaalada una dhaw Riyadh, qiyaas ahaanna la eg Las Vegas, ayaa kal hore la bilaabey dhismaheeda, iyadoo loogga gol leeyahay in sare loo qaado qeybta dalxiiska.
Waxaa horay u dhacay qeybo kaloo is badalo ku ah Boqortooyadan muxaafidka ah ee kutaal Gacanka Khaliijka, oo ay kamid yihiin in loo oggolaaday haweenka taageerayaasha ah daawashada kulamada ciyaaraha, iyadoo taasi ay dhacdey bishii hore, iyo ku dhawaaqista in haweenka loo oggolaado kaxeynta gawaaridda bisha June ee soo socota.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sanadkii hore, dhaxal suge Maxamed ayaa ku dhawaaqay damaciisa uu ku doonayo inuu ka dhigo Sucuudiga dal Islaam qunyar socod ah, una furan dhammaan diimaha oo idil, dhaqamaha iyo dadka"
Boqolkiiba toddobaatan shacabka waa dad kayar 30, waxeyna doonayaan in noloshoodu lagu dabaqo diintooda kudhisan duqaadka, iyo dhaqankooda naxariista", ayuu yiri.
storvideo: 


Maamulka Degmada Hobyo oo shacabka ugu baaqay inay...

$
0
0

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale iyo xoghayaha maamulka Degmada ayaa uga horeyn uga mahad celiyay ciidamada amniga sida ay maamulka uga gacan siiyeen bur burinta dhismayaal fara badan oo ku yaalay wadooyinka bulshada ka dhaxeeya, kuwaasi oo ahaa sharci darro. Maamulka ayaa xusay in ciidamada Nabadgelyada ay ku guuleysteen bur burinta dhismayaasha sharci [...]
storvideo: 

Daawo: Wasiir Beyle oo difaacay canshuurta ay xukumaddu soo rogtay

$
0
0

Daawo: Wasiir Beyle oo difaacay canshuurta ay xukumaddu soo rogtay

Daawo: Sharaab la fadhiisiyey oo loo sameeyey Qaabka...

$
0
0

Daawo: Sharaab la fadhiisiyey oo loo sameeyey Qaabka Saladhku u samaysan yahay Taas oo Ruuxu Oo ku cunaayo sidii Macmacaan oo kale
storvideo: 

War deg deg ah ciidanka ilaalada albaabka...

$
0
0

Ilaa 5 qof oo xiran dareyska ciidanka
boliska ayaa weeraray ciidan ku sugan albaabka madaxtooyada kuwaas oo iska caabin kala kulmay ciidamada koofid casta
Dagaalka ayaa gaaray dhismaha taalada dhagaxtuur iyada oo la arkayey dhaawacyo soo kala gaaray in kasta oo aan si dhab ah loo ogeyn
Risaasta ayaa laga ridayaa inta u dhaxayso taalooyinka xaawa taako ilaa dhagaxtuur
Dhanka kale qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay hotel doorbin oo dhawaan uun la dhisay kuna yaal KM 0 ama xeradii fiyaat
Dagaalkuna weli waa socdaa
Share this:
Related
storvideo: 

Wax Qabadkii Cristiano Ronaldo Ee Kulamadii Uu...

$
0
0

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya imtixaan cusub kadib marka Real Madrid ay ku martigaliso kooxda Deportivo Alves garoonka Santiago Bernabeu Sabtida, kaasoo ka tirsan kulamada 25-aad xili ciyaareedkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.
Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa ka maqnaa kulankii Real Madrid ay habeenkii Arbacada lasoo dhaafay kula soo ciyaartay kooxda CD Leganes, sababa la xidhiidha go'aan farsamo ee dhanka Zinedine Zidane, si uu u helo xidiga koowaad ee kooxdiisa nasiino isla markaana uu ugu soo diyaar garoobo kulamada kale ee soo aadan.
Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isbuucyadii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyay 8 gool ee ah horyaalka La Liga tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2018, wuxuuna rikoodhkan kaga sareeyaa xidig kasta ee ka xamaasha La Liga-ha.
Cristiano Ronaldo ayaa kaliya seddex kulan la ciyaaray kooxda Deportivo Alves tan iyo markii uu yimid Real Madrid, kulamadaas oo dhamaantood ahaa horyaalka La Liga, 2 kulan ka mid ah waxay ahaayeen xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxayna Los Blancos kulanka lugta hore guul ku gaadhay 4-1, halka kulanka labaadna ay ku badisay 3-0, sidoo kale Real ayaa guul kaga gaadhay kooxda Alves 2-1 kulanka lugta hore horyaalka dalka Spain ee xili ciyaareedkan 2017/2018.
Inta lagu gudi jiray seddexda kulan, Ronaldo ayaa dhaliyay seddex gool, wuxuuna caawiye ka noqday 1 gool kale, 3 gool uu ka dhaliyay wuxuu kaga dhaliyay hal kulan ee ahaa kulankiisii ugu horeeyay uu kaga hor yimid maaliyada Real Madrid kooxda Deportivo Alves, laakiin wuxuu ku guuldareestay inuu shabaqa ka soo taabto ladii kulan ugu dambeysay ay labada kooxood wada ciyaareen.
Deportivo Alves ayaa ka mid ah seddexda kooxood ee Spain ka dhisan uusan Ronaldo weli ku guuleysan inuu gool kaga dhaliyo garoonka Santiago Bernabeu, lakiin waxa uu fursad weyn u heysan doonaa kulanka beri, madaama uu qaadanayo kulamadii lasoo dhaafay waqti fiican ee dhanka gool dhalinta ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live