Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Arrimo badan oo kasoo kordhay amniga caasimadda...

$
0
0

Tan iyo qaraxyadii mataanaha ahaa ee habeen dhaweyd lagu qaaday goobo muhiim ah oo ku yaala Muqdisho, ayaa waxaa aad isu soo tarayay waxyaabaha kasoo kordhaya hawlaha xasilinta caasimadda.
Xusul duub
48-dii saac ee ugu dambeeyay, waxa socday dadaalo iyo hadalo saxaafadda loo jeedinayo, kuwaas oo mas'uuliyiin kala heer ah ay kaga hadlayeen arrimaha ammaanka.
Ugu horeyn Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo aad uga walbahaarsan qaraxyadii dhacay ayaa ciidammo kula hadlay xarunta gaadiidka booliiska oo u dhow halkii ay wax ka dhaceen, wuxuuna yiri "Taliyeyaasha cusub,Wasiirada iyo Anaguba waxaan isku ognahay iney Arrimaha Amniga ay yihiin ahmiyada koowaad,inaan u dul qaadan doonin in dadkeenna la laayo,inaanay na niyadjabin doonin hal ama labo Qarax oo dhaco,waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Guddoomiye ku-xigeenadiisa iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir waa iney si waafi ah ula shaqeeyaan Taliyeyaasha ciidamada,".
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Meelo iyo munaasabado kala duwan, waxaa hadalo ka jeediyay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan , kuwaas waxyaabo cusub sheegay.
Tusaale ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir Injineer Yariisoow ayaa sheegay in sugista amniga caasimadda ay u diyaariyeen ciidammo gaaraya 2200 askari.
Lama oga in ciidankan uu sheegay ay yihiin kuwii xasilinta caasimadda ee horay u jiray oo maamul ahaan Banaadir la hoos geeyay iyo in ay yihiin kuwa cusub, balse waa markii ugu horeysay oo la sheego tirada ciidan hawlgal ka samaynaya Muqdisho.
Wasiir Isloow ayaa dhankiisa markale ku celiyay amar sanad ka hor soo baxay oo ahaa in hubka culus aanan lala dhexmari karin caasimadda, balse markan waxa uu amarka toos u quseeyay ciidanka militariga ee fasaxyada ama hawlaha kale uga imanaya shabeelooyinka, soona galaya caasimadda.
Si kastaba ha ahaatee , inkasta oo qaraxyada lagu baraarugay, haddane waxa ay u muuqataa in dowladda ay arrimaha ammaanka muhiimad weyn siinayso.
Tallaabooyinka la qaaday
Inkasta oo wali dhegaha dadka uu kasii guuxayo qarixii Obtoobar ee Soobe, haddane waxaa lagu doodi karaa in dadka Muqdisho ay billooyin badan ka nasteen qaraxyo iyo falal amni daro oo ay dad badan ku dhintaan.
Waxaa jira go'aamo iyo tallaabooyin hore loo qaaday iyo kuwa cusub oo loo sababayn karo isbadalka amniga ee caasimadda.
Dad badan waxa ay qaraxyada yaraaday u saariyeen waddooyinka jid-caddeyaasha ah ee lagu xiray dhagxaanta shubka ah. Taas oo balse dhanka kale dadka ay cabasho ka qabaan xayiraad kaga timid isticmaalka waddooyinkaas.
Waxaa kale oo horumar wanaagsan laga sameeyay dhanka mushaaraadka iyo nidaaminta ciidanka guud ahaan, kuwaas oo marar badan isku dhexyo dhexdooda ah ay dhibaato ka dhalan jirtay.
Ciidammada xasilinta caasimadda ayaa iyaguna la sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen.
Dowladda waxa ay dhawaan soo magacoowday taliyeyaasha booliiska, asluubta iyo nabad suggida oo loo kala magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed , Bashiir Goobe iyo Xuseen Cismaan Xuseen (Sida ay isugu xigaan).
Waxyaabaha hadda cusub waxaa ka mid ah in la'isku afgartay in ciidammada AMISOM ay qeyb ka noqdaan xasilinta caasimadda sida ay tabisay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.
Muqdisho
Sugista amniga Muqdisho waa tijaabada ugu weyn ee ay dowladda sanadka jirta wajahayso, kaas oo haddii ay ku guulaysato markaas ay suurtogal tahay in wax laga qabto amniga dalka intiisa kale.
Guddoomiye Yariisoow oo warbaahinta dowladda wareysi siiyay ayaa ka hadlay waxa ay Muqdisho kaga duwantahay dalka intiisa kale, wuxuuna yiri "waa maamulka kaliya ee dalka ka jira ee nidaamkiisa uu wada gaarsiisanyahay degmooyinkiisa oo dhan".
Gobolka Banaadir waxa uu ka koobanyahay 17 degmo, waxaana ku nool dadka ugu badan ee Soomaaliyeed ee magaalo kaliya degen meel ka mid ah Soomaaliya iyo adduunkaba, waxaana lagu qiyaasaa in ay ku noolyihiin wax ka badan labo milyan oo qof.
storvideo: 


Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo...

$
0
0


Muqdisho (PP) -
Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Kheyre ayaa martiqaad ka helay Madaxda Imaaraadka Carabta, waxaana bil ka hor magaalada Davos ee Waddanka Switzerland isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.
Socdaalka RW Khayre ee Imaaraadka Carabta oo todobaadyadii aynu kasoo gudubnay la hadal-hayay ayaa labo jeer dib u dhacay arrimo lagu sheegay kuwo farsamo iyo culeys Madaxtooyada uga imaanayay.
Warar Madaxtooyada Somalia ku dhaw ayaa sheegaya in safarka Ra'iisul Wasaare Khayre ay ku wehliyeen wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa la kulmi doona Madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, waxaana dhowaan Madaxweyne Farmaajo, La-taliyihiisa Amniga iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay la kulmeen safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho.
Ugu dambeyn, Xiriirka Madaxtooyada Somalia iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa mad-madow ku jiray tan iyo markii Dowladdu ka qaadatay khilaafka Khaliijka mowqif dhex-dhexaadnimo ah, balse waxaa loo arkayay mid u janjeerta dhanka Qatar.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay Mataaneynta...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa aheyd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka [...]
storvideo: 

Daawo: ” Muuse Bixii Waxa uu soo dhisay Dawlada Ka...

$
0
0

Daawo:" Muuse Bixii Waxa uu soo dhisay Dawlada Ka kooban Beesha Dhexe ee uu ka soo jeedo: " Gudoomiye Kuxigeenka Wadani oo Eedii ugu waynayd Dusha ka saaray Xukuumada Muuse
[embedded content]
storvideo: 

Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi La Socda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Isutagga Imaaraadka Carabta.
R/iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta Iustgga Imaaraadka Carabta,kadib casuumaad uu ka heley madaxda Dalkaasi.
Waxaa lagu wadaa in wafdiga Ra'iisal Wasaare Kheyre kulamo la yeeshaan madaxda dalka Imaaraadka oo ay kala hadli doonaan xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xalinta khilaaf dhex yaallay labada dhinac.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida weyn loogu eedeeyo inuu faraglein ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.
Ra''iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inta ay joogaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonaan,arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Uganda to host AMISOM troop contributing countries...

$
0
0


Uganda's President Yoweri Museveni will on March 2 convene a Summit of Troop Contributing Countries (TCCs) of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Kampala. Leaders from the AMISOM contributing countries and the Federal Republic of Somalia are expected to participate at the highest level.
The Summit is being convened within the framework of conclusions of a September 2017 meeting hosted in New York by President Museveni on the margins of the United Nations General Assembly.
The New York Summit was called to exchange views on the situation in Somalia and the future of AMISOM following the adoption of the UN Security Council Resolution 2372 (2017), whose main thrust was the phased reduction and draw-down of AMISOM troops; and the gradual handover of security responsibilities to Somali National Security Forces(SNSF).
The March 2nd Summit in Kampala will, therefore, provide an opportunity to further discuss the current situation in Somalia. The focus will be on the continued role of the TCCs/AMISOM in Somalia, a mechanism for sustainable and predictable funding for AMISOM plus inputs to the AMISOM transition plan.
Representatives of the African Union Commission, UN Secretariat, the European Union Commission, Regional and Sub-Regional organizations, and representatives of the Five Permanent Members of the UN Security Council.
The Summit and will be preceded by a Meeting of Experts and Senior Officials on Tuesday, March 27, a meeting of Chiefs of Defense Forces on Wednesday, a Meeting of Ministers of Foreign Affairs and Defence on March 1, 2018. There will also be a Meeting between TCCs and Partners on the same day.
Uganda was the first country to deploy troops under AMISOM into Somalia in March 2007. So far, Uganda has provided six AMISOM Force Commanders. Uganda's Lt Gen Jim Owoyesigire is the current commander.
The Ugandan contingent remains the largest contingent in AMISOM with over 6,000 troops based in Sector 1 which comprises of Banadir (Mogadishu), Middle and Lower Shabelle regions.
Share this:
Like this:
Like Loading...
Related
storvideo: 

Daawo: Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Oo Eedii ugu...

$
0
0

Daawo: Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Oo Eedii ugu waynayd u soo jeediyey Mayorka Boorama Sheegayna in aanuu ahayn Ninkii ku haboonaa Xilkan uu Ku kacaayo Falal Masuuliyad Daro ah iyo Musuqmaasuq
[embedded content]
storvideo: 

DAAWO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo eedeyn kulul u...

$
0
0

Hargeysa (PP) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe sheegay in Dowladda Jabuuti aysan raalli ka ahayn hormarka Somaliland, kana soo horjeedo horumarinta Imaaraadku ku sameynayo Dekadda Berbera.
"Waan ka naxay ninkaas ka hadlayay Jabuuti inuu yiraahdo horumarka Boosaaso iyo Berbera ayaa horumarkeennii waxyeelleysa oo aanu DP World kala wareegnay dekeddii Dooraale, naxdin ayaan ka qaaday, dal kasta xaq ayuu u leeyahay inuu horumar gaaro, balse in la yiraahdo horumarka dal kale - kaayaga ayuu waxyeelleynayaa waa waxaan adduunka lagu arag, dal aanu jaar nahay oo walaalo nahay oo waliba Madaxweynahooda aanu si aad ah u ammaano inuu warkaas kasoo yeero aa guul-darro aad u weyn" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo u waramay Telefishanka HCTV.
Sidoo kale, Inj. Faysal ayaa ku eedeeyay Dowladda Jabuuti inay caddow ku tahay horumarka Somaliland, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in Jabuuti ay ka xumaato heshiisyada shirkadda DP World ay ku hormarinayso dekedaha Boosaaso iyo Berbera.
"Wax kale ma ahane innaga ayaa la inaga arkay, waxayna shacabka Reer Somaliland ay ku noqonaysaa anfariir, Waxaana inoo cad in heshiisyadii ay xukuumadda Somaliland horay u gashay ay cadaawad badan noo abuureen. Haddaad Xamar tagto carruurta yar-yar ayaa lagu diray Imaaraadka oo la leeyahay Imaaraadka ayaa ina khiyaameeyay oo ina in-qilaabaya. Waxaas oo dhana waxaa loogu sheeganayaa maxaad Somaliland ula macaamishay," ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland.
Ugu dabmeyn, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa difaacay heshiiska Somaliland iyo shirkadda DP World oo illaa hadda aan la ogeyn Qodobbadiisa iyo Waxa lagu heshiiyay, isla markaana isugu jira mid milateri iyo maamulka Dekadda Berbera.
PUNTLAND POST
The post DAAWO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Jabuuti appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


War-bixin : 60 Cisho Ka Dib Maxaa U Qabsoomay...

$
0
0

War-bixin : 60 Cisho Ka Dib Maxaa U Qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Jsl.
Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay gacanta ku haysaa isla markaana maamushaa dhaqaalaha dowlada,canshuuraha,laga qaado bulshada iyo kharashka wadanka . Intaas waxaa dheer, wasaaraddani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta siyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyada dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaran ka horumaro ama uu ka dib dhaco,waa Miqyaaska laga cabbiro kor u kaca ama hoos u dhaca dhaqalaha qaranka,waa Muraayadda qarankan u jihaysa dhabaha horumarka iyo horu-socodka hadii ay ku dadaasho illaalinta iyo dabargoynta musuqmaasuqa iyadoo si wada jira u kaashanaysa haayada dawliga ah.
14 dec 2017 W waxa d Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Wasaaradda Maaliyadda Jsl,Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo ah dhallin-yarada aqoon-yahanka ah ee sida fog ugu xeel dheer nidaamka Maaliyadeed isagoo waayo-aragnimo badna oo 20 sanno ku dhaw u leh Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqqadeedaba.Masuulkan ayaa cullimadda faallaysa siyaasaddu ku tilmaamaan shakhsiyadii ugu haboonayd ee Madaxweyne Muuse U magacaabo booskii U aqoonta u lahaa.Haddaba dhawaan Markii uu wasiirka cusub xilka la wareegayay waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Horumarin ballaadhan ku samayn doono Wasaaradda Maaliyadda, waxa uu wasiirku kaga dhawajiyay inuu xiddidada u saari doono musuq maasuqa lanna dagaalami doono,sidoo kale shaqalaha wasaaraddana ku Maamuli doono nidaamka ah sarraynta sharciga (Right person,right posion),waxaana qorshihiisii ugu horreyay (first plan strategy) Haddaba Lixdan cisho ka dib aynu dib u millicsano waxa u qabsoomay Wasiir Yuusuf .
1:Ugu Horrayn wasiirku waxa uu qaaday dhabbaha ah "Sarraynta sahrciga" Nidaamkan ayaa waxa uu soo jiitay dhamaan shaqaale waynaha Wasaaradda Maaliyadda kaasi oo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadu ku shaqo galeen sharciga ah "Right postion,with right person" aya waxa uu qurxiyay haykalka shaqalaha,kala sarraynta,heerka aqooneed,waayo-aragnimo iyo is texgelinta sida loo laka sarreyo ayaad ka dheehan kartaa Gudaha Wasaaradda, nidaamkan ayaa waxa uu ku dhisan yahay wada shaqayn Isla xisabtan daahfurnan yo is daba gal ka kaalin gallay Wasaaraddii Maaliyadda.
2:Habaynta iyo sixida nidaamka maamul ee shaqada iyo shaqaalaha:-sixidda iyo hirgalinta nidaamka suuban ee ka hanaqaaday Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa kaw ka ah isla markaana udub dhexad u ah dadaaladda horumarineed ee ay Wasaaradda Maaliyaddu iyo hogaankeeduba wadaan,helitaanka shaqaale aqoon iyo maamul suuban ku sidkani waa helitaanka shaqo qancisa ummada iyo qaranka taas iyagoo ka duulaya waxa hogaanka Maaliyaddu sameeyen nidaamka maamul ee shqada iyo shaqaalaha.
3: Ururinta iyo xulnida dadka aqoonta leh:Nidaamkani Waa Markii u horreeyay ee Wasaaradda Maaliyadda laga Hirgeliyo,nidaamkan ayaa waxa uu keenay in Wasiir Yuusuf oo ah Shakhsi aqoon fiican iyo mid waayo-aragnimoba u leh Wasaradda Maaliyadda inuu soo xusho dadkii aqoonta,waayo-aragnimada u leh shaqada,taasina waxay keentay horumarka ka hanaqaaday wasaaradda Maaliyadda guud ahaan shacbi waynuhu dareemaan.
4: Wasiirka Maaliyaddu Isagoo ka faa idaysanya aqoontiisa Uu u leeyahay Nidaam Xisaabeedka Maaliyadeed,waxa uu Nidaamka Maaliyadda ,sanadka cusub waxa uu ka guuray qaab miisaniyadeedkeenii hore loogu shaqayn jiray,kaasi oo ku salaysnaa habka isku dheeli tirka kharashka iyo dakhliga ( Line item budgetary) Wasiirka oo raacay islamrkaana qorshaha ay ugu jirto hirgalinta siyaasadda xisbigiisa iyo xukuumadiisa ee ahaa dhinaca horumarka iyo wax-beershada waxa uu markii u horaysay uguuray hab misaniyadeed ku dhisan horumarin-ka iyo waxqabad ( Performance and capital budget)
5:Furintaanka Xafiiska Mucaawinooyinka Dibada: Wasaaradda Maaliyaddu sidoo kale waxay furtay xafiiska qabashada Mucaawinyyoinka dibada,xafiiskan ayaa waxa uu faa ido u leeyahay guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.Somaliland ayaa waxqtiyadddii hore waxa lagu dhaleecayn jira inaan Somaliland Nidaamkeeda Xisaabeed aanu u diyaarsanayn Innay hanato Mucaawinooyinka Dibadda,xafiiskan ayaa waxa uu caddeeyay in somaliland hanan karto,aqoona u ahaan iyo awood ahaanba .Xafiiskan Wasaaradda Horumarinta Maaliyaduu Soo kordhisay ayaa waxa loo qorsheeyay innay soo maraan caawinooyinka dibadda,Xafiisku ayaa ah Fund Management Unit waxa uu diyaariyaa Financial reborts ka kaasi oo loo gudbiyo ciddii caawimo ina siisa,islamarkaana Waxa uu leeyahay isla-xisaabtankiisa,xisaab celintiisa iyo Aduiting kiisa.Waxaanu noqonayaa tallaabooyinka Horumarined ee uu qaaday wasiirka Wasaaradda maaliyadda iyo ku-xigenkisa oo iyagu ah halbeega horumarineed ee wasaaraddasi leedahahay.
6:Tababarka Furintaanka Nidaamka Maamul Xisaabeedka Dawlada:Waxa wasaaradda Maaliyaddu hirgelisay islamarkaana tababaro u furtay shaqaalaha Maamulka&Lacagta ee Wasaaraddaha dalka,nidaam xisaabeedkan casriga ah,ayaa markii u horraysay la hirgeliyay.Hanaankan casriga ee maamul xisaabeedka dawlada ayaa waxa uu suurtagalin doona in hanaanka Maaliyaddeed ee dalku noqon doono mid hufan,oo cad,islamarkaana leh isla xisaabtan iyo daba gal wanaagsan,sidoo kale hanaankan ay dhawaan soo kordhisay wasaaradda maaliyaddu ayaa waxay culsayo badan oo uu lahaa nidaamka hadda lagu shaqeeyo paper work ama manual ka.Nidaamkan ayaa waxa ay wasaarad kastaa Misaaniyadeed kasoo galin doontaa xafiiskeeda.Waa markii u horaysay ee wasaaradda Maaliyaddu Hirgalisay nidaam xisaabeedka casriga ah ee dawlada,wasiirka maaliyadda muddane yuusuf ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa la dareemayaa dardar hor leh oo uu hore u qaaday.
Lasoco Qaybta 2aad
Cabdi Ahmedcabdiahmed9808@gmail.com
storvideo: 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo guddoomiyey kulan...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go'an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda. Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye [...]
storvideo: 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo goor dhow u amba baxay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA):-Waxaa goor-dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ka amba baxay R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,isagoo ku sii jeeda Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta isutagga Imaaraadka Carabta,kadib casuumaad uu ka heley madaxda Dalkaasi.
Wafdiga Ra'iisul wasaare khayre Waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ra''iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inta ay joogaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonaan,arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirataa xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya wadamada Caalamka.
storvideo: 

R/iisul wasaare Kheyre oo u amba baxay Imaaraadka...

$
0
0


Waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ka amba baxay R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,isagoo ku sii jeeda Isutagga Imaaraadka Carabta.
R/iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta Iustgga Imaaraadka Carabta,kadib casuumaad uu ka heley madaxda Dalkaasi.
Waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ra''iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inta ay joogaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonaan,arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirataa xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya wadamada Caalamka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

DEG DEG:-Ciidamada Amniga Oo Qabtay Nin La Baxsaday...

$
0
0

Maqribnimadii Caawa ayaa mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaaj waxa uu la baxsaday Gabar 5 jir ah xili ay ku sugnaayeen isgoyska Dabka Wadada Maka lmukaraba ee Magaalada muqdisho.
Dhacdaan ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya,waxa ayna sheegeen in falkaan uu yimid kadib markii Gabadha oo uu la socday Aabaheed markii uu Bajaajka ka degay si uu lacagta ugu tuuro Darawalka sidaasi uu Gabadhii uu la cararay Bajaajlihii.
Intaasi kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen Darawalka Bajaajlaha ah ee gabadhaasi la baxsaday kadib markii uu laamaha amniga ku wargeliyay Aabaha dhalay Gabadhaas.
Saraakiishu waxaa kaloo ay sheegeen in Ciidamada Amnigu ay u suurtagashay in ay Gacanta ku dhigaan darawalkii Mooto Bajaajka isla markaana laamaha amniga ay iminka baaritaano ku hayaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

MD Jubbaland oo ka hadlay mataanaynta Kismaayo iyo...

$
0
0

Madaxweynaha Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ahayd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.
Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahii laga wada hadlay ay miro dhal nqodeen isla markana mar dhow ficil loo badali doono.
Madaxweynahu wuxuu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.
Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland kamid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go'an tahay in tageeradeeda ay gaar siiso dhamaan wadanka.
Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.
storvideo: 

Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee BF oo kulan la...

$
0
0


Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Amniga iyo xubno kale.
Kulanka oo waqti badan qaatay waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay gaar ahaan weerarkii Jimcihii, xaaladaha amniga, sidii loo xoojin lahaa Howlgaladda iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay maadaama Baarlamaanka uu Xukuumadda kala dhaxeeyo isla xisaabtan sidaas darteed ay ula kulmeen xubnahan oo ay kala hadleen arrimaha amniga.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Daahir in muhiim ay tahay Baarlamaanka in la horkeeno sharciyo ay si gaar ah u leeyihiin Ciidamada Xoogga, sidoo kalena la badbaadiyo Hantida iyo dhulalka ay leeyihiin Ciidamada Xoogga.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Duqa Muqdisho oo guddoomiyey kulan looga hadlayey...

$
0
0


Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go'an tahay sidii ay qeyb tooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda.
Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha heer degmo ee ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeyntu sugidda ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la mideeyo qorsheyaasha lagaga hor-tagayo falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.
"Maanta lama joogo xilli la isku fiirsado shaqada iyo in masuul walba uu dhankiisa wax gaar ah ka qorsheeyo ee waxaan taagannahay waqtigii wada-shaqeynta iyo dajinta qorshe wadajir ah oo wax looga qabanayo amniga Caasimadda." Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay maamulka degmooyinka in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin, qeybaha ciidamadda iyo bulshada degmooyinkooda taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta caasimadda.
"Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta amniga caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka."
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulanka oo noqon doonna bille iyo shirarka kale ee todobaadlaha ah ee Guddiga Amniga Gobolka Benaadir, iyadoona sidoo kale dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Xildhibaan lagu doortay magaalada Muqdisho

$
0
0


Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashadda kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliyeed .
Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay kursiga maanta la qabtay doorashadiisa, ka dib markii ay maalmo ka hor la isku dayay in lagu qabto Muqdisho.
Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamayay musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan.
Kursiga ayaa horay waxaa uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi.
Waxaa ku guuleystay sidda ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Faatax Saciid Xasan Geedi oo uu dhalay Xildhibaankii horay uga geeriyooday Kursiga.
Faatax ayaa helay 32 Cod halka Cabdiraxmaan uu helay 5 cod.
Guddiga doorashooyinka ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay buuxinta Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu qabto doorashadda Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Tuuga wax dhacda oo degmada Howl wadaag ku soo...

$
0
0

Tuuga wax dhacda oo degmada Howl wadaag ku soo badaneysa iyo dhacdadii ugu xumeyd oo maanta ka dhacday
Feb 26, 2018 -
Degmada Howl wadaah oo ka tirsan 17 degmo ee gobolka Banaadir oo mar ahaan jirtay degmada ugu amaanka fiican ayaa mudooyinkaan noqotay xaafada ugu tuugada Badam dhac baree ah ka dhaco maal mahaan
Dadka degan xaafada howl wadaag ayaa aad ugu cabanaayo dhaca toos ah loo geysanaayo iyadoona jirin cid si wanaagsan wax uga qabaneysa dhaca loo geysanaayo shacabka dagan
Xaafada Ceel hindi oo waxaada Sayidka ee degmada Howl wadaag ayaa maanta waxaa ka dhacay haweenay degan xaafadaasi iyadoona maalin cad ceeji lagu qabtay aad u qeylisay sidaana dhac loogu geystay iyadoona dadka waxa dhaco.qaar kood qoryaha daraan dooriga wax ku dhacaan
Waxaad aad looga cawday kooxa aal kuliistayaal ah oo ka howl galo ceelka hindiga gadaashisa ka soo hor jeedka guriga Jen Ceydiid kuwaa oo wax ku dhaco habeen iyo maalin
Degmada Howl wadaag oo aheyd degmada ugu amaanka fiican ayaa xiligaan ah meel maalinta cad moobeelada leysaga dhaco oo walina tooray iyo xoog looga dhacaayo
Maamulka degmada Howl.wadaag ayaa loogu baaqay in ay deg dwg wax uga qabtaan tuugada bareerka ah Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

RW Kheyre oo gaaray Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta  halkaas oo uu ku tagay Booqasho rasmi ah.
Mr Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmi doono Masuuliyiinta dalka Isutaga Imaaraatka oo ay ka wada hadli doonaan ajandayaal kala duwan.
Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta  ayaa horay loogu eedeeyay in ay carqalad ku tahay hanaanka ay ku shaqeyso dowladda Federaalka marka loo eego in ay casuunta Madaxda maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah si ay u Majaxaabiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa si weyn Isha loogu hayaan Booqahada Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaana laga dhur sugi doonaa Natiijada Wadahadallada Labada dowladood.
The post RW Kheyre oo gaaray Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta. appeared first on Shabelle.

Daawo: ” Laga Bilaabo Maanta iyo Bari Waxaanu...

$
0
0

Daawo:" Laga Bilaabo Maanta iyo Bari Waxaanu faraynaa Labada Beelood In aanaan la arkin Wax ciidan Beeleed ah oo Meel ku urursan" Gudoomiye Tiimbaro oo Awaamiir Adag dul dhigay ...
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>