Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nin Soomaali ah oo Afrika uga Qaxay ‘Faquuqa ay Kaa...

0
0

Magaciisa waa Mahad Colaad, waa nin Soomaali ah, hadda waxa uu ku noolyahay dalka Maraykanka, kadib markii uu ka qaxay Afrika sababo la xiriira waxa uu aaminsanyahay iyo habka noloshiisa.
Reerka isaga dhalay, waa qoys Muslimiin ah, balse isaga waxa uu doortay diin la'aan, iyo sidoo kale in habka noloshala uu doortay in uu noqdo dadka isku jinsiga ah ee isguursada. Taasoo micnaheedu yahay in uu guursado nin kale.
Hooyadiis aad iyo aad ayay uga xumaatay dhaqanka wiilkeeda, waxayna ugu yeertay culumo iyo odayaal wacdiya, iyada oo kasoo celisay Maraykanka, keentayna Nairobi si dhaqancelin loogu sameeyo.
Balse Mahad oo buugaag badan oo moowduucyadan ku saabsan akhristay ayaa dhegaha ka furaystay wax kasta oo loo sheegayay, wuxuuna doortay in uu habka noloshiisa sii wato.
Waxa uu xiriir la sameeyay koox dad ah oo horey uga baxay diinta Islaamka oo ku nool Maraykanka.
Mahad oo waalidkiis dhaqancelin ahaan Afrika ugu soo celiyeen ayaa lala xiriiriyay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, taas oo ku faraxday in ay gacan siiso.
Mahad oo markaas ku sugnaa hoteel ku yaalla Islii , Nairobi ayaa habeenimo gaari lagula baxsaday, isaga oo baasaboorkiisa kasoo xaday qolkii ay hooyadiis huruday.
Markii uu saddex maalmood ku dhuumanayay guri uu leeyahay sargaal ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa diyaarad loo saaray Maraykanka, wuxuuna tagay magaalada New York, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku qaatay.
Wixii ka dambeeyay 31-dii May, 2017-kii, lama uusan hadal, wax xiriirna lama uusan samaynin qoyskiisa.
Waxa uu ku dhashay dalka Kenya sanadkii 1997-dii, kadib markii ay qoyskiisa kasoo qaxeen Soomaaliya. Sanadkii 2001-dii ayay tageen dalka Maraykanka, gaar ahaan Minneapolis.
Mahad wuxuu sheegay in Kenya lagu soo celiyay si uu u barto diinta Islaamka, balse wuxuu sheegay in uu diinta dhan nacay markii qarax lagu weeraray meelo kale duwan oo Kenya dhexdeeda ah, islamarkaasna uu dhagaystay culumo ku doodaysa in weeraradaas ay qiil leeyihiin.
Markii qoyskooda ay ku laabteen Minnesota, Mahad waxa uu sheegay in uu akhriyay buugaag badan, isaga oo waalidkiis ka qarin jiray ciwaanka ama jaldiga buugaagta uu akhrinayo.
Buugaagta uu akhriyay waxaa ka mid ah kuwa ka hadlaya dadka aan diinta heysanin (Mulxidnimo).
Mahad aabihiis waxa uu ahaa macallin dhiga mandaraso lagu barto diinta Islaamka, hooyadiisna waxa ay u shaqaynaysay hay'ad aan dowli ahayn.
Waa kuu ka warhayaa in reerkiisa aysan marnaba ogolaan doonin habka uu nolosha ka doortay ee ah diin la'aanta iyo dhaqanka ragga isguursada ee uu sida cad u qirtay.
"Aniga oo ah qof dadka isku jinsiga ah ee isguursada, diin laawe ah, taas waxa ay si toos ah uga hor imaanaysaa dhaqankeyga iyo diinta aan asal ahaan heystay, mana ahan wax ay marnaba ogolaan doonaan qoyskeyga iyo qaraabadayda" ayuu yiri Mahad.
Hadda waxa uu dhigtaa jaamacad, wuxuuna doonayaa in uu mustaqbalka noqdo abukaate.
Balse xitaa marka uu banaanka marayo waxa uu ka cabsadaa in uu qof dabo socdo, dhibaatada loo geysan doono.
Booliiska waardiyeeya jaamacadiisa ayuu siiyay sawirada dadka ehelkiisa ah, isaga oo baqdin ka qaba in ay soo raadin doonaan, waxyeelana u geysan doonaan.
Sargaal u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Maraykana ayaa sheegay in ay ka warhayaan in dhalinyaro Soomaaliyeed ay waalidkooda geeyaan Afrika, kadibna ku daraan iskuulaad uu sheegay ay dhalinyaradaasi kula kacaan xadgudubyo ay ka midyihiin uleyn iyo ciqaab kale oo xitaa inta badan aysan waalidka ka warhaynin.
storvideo: 


Taliyayaasha Militariga Sacuudiga oo la badalay

0
0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaqada ka cayrisay abaanduulayaashii sarsare ee militariga dalkaasi ka dib digreeto xalay ka soo baxday boqortooyo.

Wafdi ka socda Masar oo soo gaaray Muqdisho

0
0


Wasiirka beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wafdi ka socda wasaaradda Beeraha Dowlada Masar.
Wafdigan ka socda Dowlada Masar ayaa Muqdisho u yimid Hirgalinta heshiis Hormarineed oo dhinaca beeraha ah oo ay hore u kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar.
Wasiirka beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigan kaga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in la dardar galinayo dhaqan galinta Mashaariicda lagu hormarinayo beeraha oo ay iska kaashanayaan labada dowladood.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Gedo: Ciidamo Roondo Sameynayay oo Dhexda Loo Galay

0
0

Iska hor-imaad culus ayaa la sheegay inuu maanta ka dhacay gobolka Gedo, meel u dhow degaanka Faafaxdhuun.
Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii maleeshiyada ururka al-Shabab ay weerar ku qaadeen ciidamo kuwa dawladda ah oo ku jiray roondo.
Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Sheekh Maxamed Xuseen (Al-Qaaddi) oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:22 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Kenya: Maxkamadda Sare oo Ayiddey Guushii Aaden...

0
0

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay tallaabo maxkamadeed oo siyaasiga Faarax Macallim uu ku diidanaa ansxanimada doorashadii kurisga magaalada Gaarsia oo hore loo sheegay inuu ku guulaystay Aadan Barre Ducaale.
Maxkamadda sare ayaa ansixisay doorashadaasi waxayna sheegtay inaysan dhicin wax is-daba marin ah. Warbixintan waxaa magaalada Nayroobi nooga soo diray Khadar Maxamudu Xareed.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:24 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Taliyayaasha Militariga Sacuudiga oo la badalay

0
0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaqada ka cayrisay abaanduulayaashii sarsare ee militariga dalkaasi ka dib digreeto xalay ka soo baxday boqortooyo.
Waxaa ka mid ah madaxda la cayriyay madaxii ciidamada qalabka side.
Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa sidoo kale badalay abaanduulayaasha ciidamada dhulka iyo kii cirka.
Warka ku saabsan in madaxdani xilka laga qaaday ayaa waxa daabacday wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee (SPA),balse wax sabab ah laguma sheegin xil ka qaadista.
Tillaabadani ayaa ku soo beegmaysa xilli xulufadda ay Sacuudiga hogaaminayaan ay dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta ay ka wadaan dalka Yaman.
Daxal suge Moxammed bin Salman,oo sidoo kale ah wasiirka gaashaandhiga ayaa la rumaysan yahay in uu ka dambeeyo isbadalo dhowr ah oo dhawaan dalkaasi ka dhacay.

  1. Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa ka dhigay dhaxal suge
  2. Sacuudiga oo Jabuuti ka furanaya saldhig militari
  3. Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaanayo garoommada Ciyaaraha

Sanaddii aanu soo dhaafnay tobaneeyo ah shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin dhaxal sugayaal, wasiiro iyo Bilyaneero ayaa lagu xiray hotel ku yaalla dalka Sacuudiga.
Isbadal degdega ah
Tani waa isbadal kale oo balaaran oo lagu sameeyo hay'adaha Sacuudiga taasi oo dhacday xilliga awoodda uu hayay boqor Salmaan inkastoo awoodda ka dambaysa ay tahay dhaxal suge Maxammed bin Salman.
Faragalinta ay Sacuudiga ku sameeyeen Yaman ayaa ahaa mashruuc uu watay dhaxal suge Maxammed bin Salman.
Howlgalkaasi ilaa iyo imika wuu guuldaraystay , inkastoo Xuutiyiinta uu ku qasbay in laga saaro Koonfurta Yaman.
Yaa la ceyriyay ?Yaase la magacaabay?
Madaxii ciidamada Militariga, Janaraal Abdul Raxman bin Salex al-Bunyan, ayaa ka mid dadka xilkooda waayay, sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga.
Dhowr shaqsi oo ka tirsan militariga ayaa mar hore la dalacsiiyay si ay u badalaan kuwa shaqada laga ceyriyay.
Dhowr jago ayaa sidoo kale la magacaabay taasi oo ay ka mid tahay, magacaabidda haweenay loo magacaabay wasiirka shaqaalaha iyo hormarinta bushada taasi oo lagu magacaabo Tamadar bint Yousef al-Ramah.
Prince Turki bin Talal ayaa loo magacaabay barasaab ku xigeenka gobolka Koonfur galbeed ee Asir.
Mr Talal ayaa la dhashay milyaneerka lagu magacaabo Al waleed bin Talal oo isagu la xiray ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.
storvideo: 

KENYA: Wasiir ka qayb-galay kulan looga hadlay...

0
0

Wajeer (PP) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiangi ayaa maanta kula kulmay saraakiisha ugu sarreysa amniga Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya deegaan ku dhaw degmada Wajeer.
Mas'uulinyiintii ka qayb-galay kulanka waxaa ka mid ah isku-xiraha gobolka Woqooyi-bari - Kenya, Maxamuud Saalax.
Idaacadda Capital FM ee dalka Kenya ayaa ayaa baahisay in kulankan uu ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, isla markaana looga hadlay xasilloonidda gobolka iyo amniga xuduudaha, waxaa sidoo kale laga dooday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Kooxo hubeysan o ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarro ka geeystay Gobolka Waqooyi-bari Kenya, Waxaana ugu dambeeyay weerarkii ay macallimiintu ku dhinteen ee lagu qaaday iskuul ku yaalla is-maamulka Wajeer.
Sidoo kale, Idaacadda Capital FM ma aysan sheegin waxa shirkaan kasoo baxay, balse booqashada gobolka ee Fred Matiangi ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Kenya ay hubeysay dadka deegaanka si ay ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale, Jah-wareerka amni ee gobolka ka tagaan waxaa sii adkeeyay markii ciidanak amaanka Kenya ay Toddobaadkii lasoo dhafay is-maamulka Isiolo ku qabteen gaari hub iyo qarax lagu raray oo ciidanka booliiska Kenya ay sheegeen inuu kusii jeeday Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab oo adeegsanaya xoogaggiisa u dhashay dalka Kenya ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanayay Kenya dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, weerarradaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.PUNTLAND POST
The post KENYA: Wasiir ka qayb-galay kulan looga hadlay Amniga Gobolka Waqooyi-bari Kenya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dagaalka Bayle iyo Baarlamaanka, kee baa xaq u dirir...

0
0

Dagaalka Xildhibaannada baarlamaanka ay kula jiraan Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, kaddib markii ay sharci darro ku tilmaameen canshuurta ay Wasaaraddu ku soo kordhisay ganacsatada.
Dagaalkan ayaa la aaminsanyahay in uu salka ku hayo shakhsiyadda Wasiirka iyo sida uu ula dhaqmo xildhibaannada.
Beyle oo muddo ka soo shaqeynayey bangiyada caalamka iyo diblumaasiyadda Soomaaliya soona noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda, safiir iyo xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa si ad-adag ula dhaqma xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoona tix gelin waayey codsiyo kala duwan oo dano gaar ah xambaarsan oo ay u soo gudbiyeen xubno saameyn ku leh baarlamaanka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ku dhaqaaqay bartamihii bishii Oktobar ee sanadkii tagay, tallaabo lama filaan ah oo ka dhan ahayd xildhibaannada.
Sida aan wada ogsoonnahay, Wasiir Beyle ka hor xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ma aysan bixin jirin wax canshuur ah oo ku waajibtay mushaarka ay qaataan tan iyo bur burkii.
Beyle ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo caashuurtaas oo ka dhigneyd in xildhibaan kasta laga jaro mushaarkiisa lacag dhan $540 USD oo wadar ahaan noqonaysa lacag dhan $177660 USD, markii lagu qiimeeyo tirade guud ee xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.
Lacagtaan canshuurta ah hadii ay sidaas ku dhaqan gasho waxa ay mushaar u noqon lahayd askar kor u dhaafaysa 1776 askari.
Xildhibaannada ayaa aad uga carooday canshuurtan ah 18% in ay jaraan mushaarkooda, iyagoona cadaadis badan saarey Xukuumadda si meesha looga saaro dhaqan gelinta canshuurtan balse ugu dambeyntii waxa lagu heshiiyey in ay bixiyaan 8% qura oo tiro ahaan noqonaysa lacag ka yar $79 kun.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa bishii Todobaad ee sanadkii tagey waxa uu qandaraasyo dowladdu leedahay ka joojiyey 17 shirkadood oo gaar loo leeyahy, isagoona shaqooyinkii ay dowladda u qaban jireen ku wareejiyey Waaxda Canshuuraha Barriga ee Wasaaaradda Maaliyadda. Taas oo qiimo weyn u lahayd dowladnimada iyo la dagaallanka musuq maasuqa.
Xogo muhiim ah ayaa sheegaya in shirkadahaan intooda badan ay lahaayeen ama saamiyo ku leeyihiin xubno ka tirsan labada Gole, tallaabada uu qaadayna Wasiir Beyle ay sabab u noqotay in ay khasaaraan boqolaal kun oo doolar.
Lama oga halka uu ku dambeynayo iyo cidda ku guuleysanaysa dagaalkan qarsoon ee ka dhex aloosan Wasiirka Maaliyadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, balse waxaa muuqata in uu yahay mid daboolka ka feyday musuq maasuq badan oo horay u jiray iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay kali ugu yihiin bixinta canshuurta maadama qofka muwaadinka ah ee ka shaqeeya dowladda mushaar ahaanna u qaata $400 laga jaro canshuur dhan $20 USD halka xildhibaannada $3000 bishii qaata aan laga jari jirin wax lacag ah iyaga oo ay u sii dheertahay $1500 oo kale oo adeeg ah.Waxaa qoray: Xasan Maxamed Nuurnuur2223@gmail.com
storvideo: 


Madaxweyne Xaaf oo Dhuusa-Mareeb u tagay isku dhafka...

0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug
Madaxweyne Xaaf iyo mas'uuliyiinta la socotay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyo saraakiil ka mid ah maamulkaasi.
Madaxweyne Xaaf oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa safarkiisa dhuusamareeb ku sheegay taabagelinta iyo horumarinta Galmudugta Cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu sheegay in ay bilaaban doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu dhagax dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiligii uu booqday deegaanada Maamulka Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu sheegay in ay bilaaban doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu dhagax dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiligii uu booqday deegaanada Maamulka Galmudug.
storvideo: 

Dalka uusan nidaamka ka jirin ee Liibiya doorasho ma...

0
0

Waxa ay u muuqataa mid xaqiiqo ah in dalka Liibiya uusan u diyaarsanayn in ay doorasho ka dhacdo, balse beesha caalamka ayaa u muuqata in ay ka go'an tahay in dalkaasi laga qabanqaabiyo , waxaa sidaasi qortay wariyaha BBC ee waqooyi Afrika Rana Jawad.
Siyaasiyiinta Liibiya, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub ayaa muddo bilooyiin ah ka hadlayay arrintan qabashada doorashada.
Doorashada madaxwaynanimada iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay dhacaan 2018.
Balse iyada oo laba bilood ee sanadka ugu horreeyay ay dhamaadeen, waxa kali ah ee hadda la taaban karo ayaa ah diiwaangalintii dhawaan dhacday.
In ka badan 2.3 milyan oo reer liibiya ah taasi oo ah kala bar dadka gaaray da'da codeynta ayaa hadda diyaar u ah in ay codeynta ka qayb qaataan.
Balse in ka badan 6 sano ka dib markii Mucammar Gaddafi xilka laga tuuray ayaa waxaa dalkaasi gacanta ku haya kooxo hubaysan oo iska soo horjeeda.
Dadka Liibiyaanka ayaa ah kuwa rajo dhigay , waxaana sii badanaya safarada halista ah ee doomaha ee ay doonayaan in Yurub ku gaaraan.

  1. Wiil uu dhalay Qadaafi oo xabsi ku yaala Liibiya laga sii daayay
  2. Libiya: Xayiraad safar oo dumarka oo keli ah la saaray
  3. Dumar reer Burindi ah oo "xaalad adoonsi" oo kale ah ay Sacuudiga ku haysto

Mustaqbalkooda ayaa u dhaxeeya laba dowladood oo iska soo horjeeda, baarlamaan aan shaqaynayn iyo gola ka soo jeeda baarlamaankii hore oo ah golaha la talinta.
Kooxa maleeshiyaad ah ayaa dhidibada u aasay awoodooda gobolada ay haystaan islamarkana dowladda dhexe wax awood ah kuma laha .
Dalka Liibiya ayaa waxaa ka jirta lacag la'aan, mana jirto rajo dhaqaale oo soo fool leh.
Ismariwaa Siyaasadeed
Ghassan Salame, oo loo magacaabay bishii August ergayga gaarka ah ee Qaramaday ayaa waxa uu dhaxlay geedi socod adeeg badan.
Waxa uu wadahadal la yeeshay bulshada reer Liibiya oo hore isaga dhagatiray sida ardayda iyo kuwa ku nool bariga dalka.
Mr Salame waxa uu la yimid qorsha ka kooban saddex qaybood:

  • In isbadal lagu sameeyo heshiiskii siyaasadeed ee 2015 - waxaa loo arkaa in uu ahaa mid si wayn loogu murmay islamarkana lagu soo dhisay dowlad ay caalamka aqoonsan yihiin, balse ah dowladda fadhiid ah.
  • In la qabto shir wayne qaran
  • In la qabto afti dastuur lana qabto doorasho muddo sanad gudihiis ah.

Balse wadahadaladii wax looga badali lahaa heshiiska siyaasadda ayaa la isku mari waayay bishii October, waxaana dhinacyada siyaasadda iyo militariga ka dhaxeeya kala qaybsanaan.

  1. Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo gabadhiisa qasab uga kaxeeyay Australia
  2. 'Ciyaaridda kubadda cagta oo kalsoonida u kordhisa gabdhaha'
  3. Reer Catalonia oo u dareeray doorasho horleh

Halista jirta
Dadka qaar ayaa rumaysan in doorashada ay mideynayso Liibiya , balse waxaa suuragal ah in ay sii kala qaybiso.
Doorashooyiin si nabad ah ku dhaca waxa ay u baahan yihiin biseyl siyaasadeed , hay'ado shaqaynaya iyo qaab dhismeed ciidanka ammaan ah oo u adeega qaranka iyo dadkiisa.
Bal waxa aad meesha ka saartaa mid ka mid ah waxyaabahaasi asaasiga ah waxa aadna samaysay geedi socod aan la go'aansan kaasi oo horseedi kara kalitalisnimo amaba wadada u xaari kara afgembiyo is xigxiga.
Liibiya ma laha meeqaamka tiirarka dimuqraadiyadda lagu billaabo.
Kumaa ayay dan ugu jirtaa ?
"Tani waa wacyigalin ku saabsan halista ay yeelan karto in doorasho la qabto mar dhaw," waxaa sidaasi BBC u sheegay Dublamasi reer galbeed ah.
"Balse waa in aan ka shaqaynaa oo aan u dhaqaaqnaa dhanka xalka ", ayuu intaa ku daray.
Maxaa loo dhiirigalinayaa doorasho?
"Sababtoo ah ma jirto wax kale oo ay beesha caalamka ay qaban karto si ismariwaaga loo soo afjaro , waana in ay muujiyaan in wax uuna ay samaynayaan."
Ergyaga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Ghassan Salame ayaa Ururada siyaasada iyo kuwa militariga ee uu la macaamilayo waxa ay muujiyeen sida ay u doonayaan in ay la shaqeeyaan balse wali caqabad ku ah geedi socodka.
Qaar badan oo ka mid ah dhinacyada dalka Liibiya ayaa doonaya in sida ugu dhaqsiha badan doorasho loo qabto , iyaga oo rajaynayain ay awoodooda dhidibadda u sii aasaan.
"Waxa ugu muhimsan ayaa waxa ay tahay in dhamman dhinacyada ay aqbalaan natiijada doorashada ." ayuu yiri Salame.
Caqabado Dastuuri ah
Dalka ayaa u baahan nidaam sharci ka hor doorashada .
Datuurka cusub ee Liibiya ayaa la qoray, balse ma aha mid uu qof waliba ku qanacsan yahay waxaana mar maxkamad la geeyay kiis ka dhan ah.
Bishan, maxkamadda ugu sareysa ayaa gudoomisay in maxkamadaha hoose aysan xaq u lahayn in ay qaadaan tillaabo sharci oo ku saabsan dastuurka.
Waxa jira fikrado aad u yar oo caddaynaya sida loo qaban karo doorasho.
Qaar ka mid ah dhexdhexaadiyayaasha Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in dastuurka cusub la hirgalin karo lana samayn karo shuruucda doorashada taasi oo fursad siinaysa in la qabto doorasho lagu kalsoonaan karo.
Doorashooyiinkii guud ee la qabtay 2014 ayaa dalkaasi ka dhaliyay jahwareer.
Xilligaasi waxa ay ahayd waqti ayasn kooxaha hubaysan ee iska soo horjeeda aysan si wanaagsan u abaabulnayn islamarkana xaaladda siyaasadeed ay ahayd mid la maarayn karay.
Balse xaaladda ayaa middaasi ka sii halisan imika.
storvideo: 

Jabuuti oo Ka Hadashay Sababta ay Heshiiskii DP World Uga Baxeen

0
0

Dowladda Jabuuti ayaa soosaartay warsaxaafadeed ay uga hadlayso khilaafka u dhexeeya iyaga iyo shirkada DP World kaasi oo keenay in 22kii bishan ay dawladda Jabuuti ka baxdo heshiiskaasi isla markaana ay shaqada ka joojiso shirkadda DP World.

Heshiiskii Ganacsatada iyo Dowladda ee Canshuurta oo Bur-burey

0
0

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegtay inuu bur buray wada xaajoodkii u socday iyaga iyo wasaarada maaliyadda ee ku saabsana bixinta canshuuraha ,waxana ay xuseen in bur burka ku yimid wada hadalkaasi ay masuul ka tahay dowlada.

Heshiiskii Ganacsatada iyo Dowladda ee Canshuurta oo...

0
0

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inuu bur buray wada xaajoodkii u socday iyaga iyo wasaarada maaliyadda ee ku saabsana bixinta canshuuraha ,waxana ay xuseen in bur burka ku yimid wada hadalkaasi ay masuul ka tahay dowlada.
Arintaasi ayaa waxa wariyaha VOA magaalada muqdisho xasan kaafi qoyste uga waramay Gudoomiyaha guddiga wada xaajoodka ganacsatada iyowasaarada maaliyada Cali Dhoore Xasan.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:53 0:00
Direct link
Pop-out player
Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiririnay dhinaca wasaaradda maaliyadda ee dawladda Soomaaliya balse ay soo suurtogeli weysay inaan khadka telefoonka ku helno.
Toddobaadkii hore ayeyse ahayd markii aanu waraysanay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmana Ducaale Beyle oo sheegay inay muhiim tahay bixinta canshuurta jimlada ee dekedda lagu qaado.
storvideo: 

Jabuuti oo Ka Hadashay Sababta ay Heshiiskii DP...

0
0

Dowladda Jabuuti ayaa soosaartay warsaxaafadeed ay uga hadlayso khilaafka u dhexeeya iyaga iyo shirkada DP World kaasi oo keenay in 22kii bishan ay dawladda Jabuuti ka baxdo heshiiskaasi isla markaana ay shaqada ka joojiso shirkadda DP World. DP world ayaa maamusha dekadda kontaynarada ee dooraaleh. Faahfaahinta warkan waxaa inoo haya Xuseen Barre

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:49 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Puntland: Dhalinyaro Shabaab ah oo Baxsaday

0
0

Dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 10 oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa habeen hore ka baxsaday xarun lagu dhaqancelinayey oo ku taalla magaalada Garoowe sida ay noo sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo dhinaca amniga ah.
Dhalinyaaradaasi ayaa la sheegay in mid ka mid ah isla shalay dib loo qabtay halka saddex kalena maanta la qabtay, waxaana wararku sheegayaan in intii kale la'ayahay jaan iyo cidhib meel ay dhigeen.
Dhalinyaradan ayaa wararka aanu helnay ay sheegayaan inay ahaayeen kuwo lagu soo qabtay dagaalladii sannadkii 2016-ka degaannada Garacad, Garmala iyo Suuj ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii Al-Shabab ee halkaasi ku duulay.
Xarunta lgu hayey ayaa la sheegay inay ku jireen 38 dhalinyaro ah, waxaana wararka aanu ka helnay saraakiisha amniga ay sheegeen in xilliga baxsashadu ay dhacday ay ahayd 8-dii fiidnomo habeenkii Axadda.
Xarunta ay ka baxsadeen ayaa la sheegay inay maamulayeen wakiillo qandaraas uga qaatay mid ka mid ah hay'adaha Qaramada Midoobay oo loogu taloglay inay goobtaas dhalinyarada ku siiyaan dhaqancelin iyo waxbarasho. Xaruntaasi waxa ilaalinayey sida ay sheegaan wararka aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ilaa 30 ciidamo ah, balse ilaa hadda ma cadda sida ay ugu suurtogashay inay baxsadaan, waxaana socda baadhitaan.
Xubnaha ka baxsaday xaruntaasi ee baxsadka ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin madax u ahaa dhalinyarada halkaasi ku jirta, waxaana la sheegay inaaan la ogayn halka ay ku sugan yihiin.
Xogta kale ee dhinaca amniga ee aan helnay ayaa sheegaysa in raggaani si xirfadaysan ay uga baxsadeen xaruntaasi, waxaana wararku sheegayaan in su'aalo la weydiinayo ciidamadii ilaalada ahaa.
Hadda ka hor ayaa laa sheegay in dhalinyaradana baxsatay ay weerar ku qaadeen ciidanka xarunta ilaalinayey balse la iska difaacay iyadoo aanay dhicin xilligaasi wax khasaare ah, dhacdadaasna waxaa wararka lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inay dhacday saddex bilood ka hor.
Idaacadda VOA waxay isku dayday inay kahdka telefoonka ku hesho wasiirka amniga amniga ee Puntland, wasirika warfaafinta ee Puntland, Mas'uuliyinta Madaxtooyada iyo kuwa booliiska ee Garoowe ilaa haatan ma jirana saraakiil ka jawaabayey telefoonnada aaan ku wacnay. Marka ugu horraysa ee ay taasi noo suurtogashana waan idiin soo gudbinaynaa fikradda iyo sharraxaaddooda ku aaddan sida ay wax u dhaceen.
Dhanka kale, howlgalka ciidamada Mareykanka ee Afirka ayaa war uu soo saaray ku sheegey in duqeyn ay habeen hore ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen laba Shabaab ah.
Warka ayaa intaasi lagu daray in sidoo kale ay weerarkaasi ku dhaawaceen mid kale. Waa duqeyntii afaraad ee ay Africom ka geystaan Soomaaliya illaa iyo sanadkan.
storvideo: 


VIDEO Madaxweyne Waare “dhibka Biyo la.aaneyd ee ka...

0
0

[embedded content]
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo La Kulmay Haweenka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Oo Safar Shaqo Ugu Maqnaa Muqdisho NAirobi iyo Jibuuti oo maanta Dib ugu laabtay Magaalada Jowhaar Ee Xarunta Hirshabelle ayaa Waxaa uu kulan MAdaxtooyada Hirshabelle uu kula Qaatay Qaar ka mid Haweenka Shabeelaha Dhexe, iyadoo kulanka uu ku wehlinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa muujiyay sida lagama maarmaanka ay tahay in haweenka iyo dhalinyarada ay garab istaagaan Dowladnimada wuxuuna ku booriyay ka shaqeynta horumarinta iyo xoojinta Dowladnimada maadaama bulshada laf dhabar ay u yihiin.
Haweenki uu la kulmay Madaxweynaha ayaa muujiyay sida ay u garab istaagsanyihiin Dowladda Hirshabelle waxaana ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida Hirshabelle waxaana ay wateen Boorar ay ku xardhanyihiin Ereyo ay ka mid yihiin doonimeyno Mooshin Ku Noolle ka fagow isqab qabsi si aan u hiigsano Horumarka Hirshabbelle
Share this:
Related
storvideo: 

VIDEO Xildhibaaan Khaliif Muumin Tooxow oo si aad ah...

0
0

[embedded content]Xildhibaaan Khaliif Muumi Tooxow oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Maamul goboleydka Hirshalle oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey TVga eryal Xaruntiisa magaalada Jowhar ayaa ugu horeyn faahin ka bixiyey Booqashooyinkii Madaxweyne Maxamed Cabdi waare uu ku kala bixiyey Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdishodhanka kale wuxuu si aad ah y soo dhaweeyey qaabka waxqabad ee Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdi waare sida amniga dhaqaalaha iyo mumarka oo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Hirshalleugu danbeyntii Xildhibaaan Khaliif Muumi Tooxow wuxuu u mahad celiyey TV ga eryaal iyo Dhamaan masuuliyiintii la qeybqaadatay Soo dhaweynta madaxweynaha Hirshalle Maxamed Cabdi waare
Share this:
Related
storvideo: 

waxa qabadka wasiirka wasaarada hurumarinta ...

0
0

27/02/2018Ugu horayn waxa aan halkan ka salaamaya saxaafada madaxa banana iyo shacabka JSL meelkasta oo uu ka jooga daafa aduunka.hadii aan fikirkayga kuso dhawaado waxa aan qalinka u qaatay inan kaga hadlo horumarka shaqo iyo waxa qabad ee ay ku talaabsatay intii uu wasiirka Cusub ee Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu xilka wasaaradda hayey Yuusuf Maxamed Cabdi waxa jirtay in xilgii Dawladii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo) ay talada haysay in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu aanay waxa shaqa ah oo hagaaga sani aanay ka socon bal iskaba daaye aad moodaysay in maslaxada gaara lagag faa,iidaysanayey oo aanay wax shaqa ah oo ka kala soconaysay aanay jirin balse Mushaharka uun ay dadka qaara u soo doonan jireen waxa kale oo iyana meesha si cad uga muuqatay in ay xaga shaqaalaha aan loo sinayn ee reer keliya uu u badna wax yaabaha aan la qarin Karin waxa ka mid ahayd in ay cadaalad daro badani ka jirtay,intii ay xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi talada haysay ee uu xilka hayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi uu dhaqaajiyey shaqadii Wasaaradda ee Taagnayd waa xaheeda kala duwan waxanu u magacaabay raga badan oo wasaaradda ka shaqaynyey oo aqoon badan u leh shaqada Wasaaradda bale ilaad dawladii siilanyo aan wax shaqo aan hayn waxa uu si cadaalada uu isugu isugu soo dhaweeyey shaqaalaha waaxaheeda kala duwan waxa uu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu uu meesha ka saaray kharshaad badan oo si qayra macquul ah isga bixi jiray oo ah.1- Sida stetioneryga2- Shidaalka3- Is berbarka4- Guna xilledyo aan caadi ahaynWaxa kale oo u dhaqaajiyey shaqad Wasaaradda oo uu isku xidhay hay,adihii la shaqayn jiray Wasaaradda hay,adaah oo dad gaari ku lacag qaadan jireen markii hore oo si toos ah ula shaqeeyey Wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxa kale oo uu ka shaqeeyey sicir Baraka wadanka aafeeyey inuu wax badan ka qabtay isaga oo Mdaxwaynaha somaaliland Muuse Biixi Cabdi u xil saaray Gudi ka kooban gudi ka kooban Galaha Wasiiradda oo uu gudoomiye u ahaa wallow arinka sicir Baraka uu hoos u dhigeen yanay wada joojin hadan waxa badan ayey ka qabteen Waxa aan odhan kara wa Wasiirkii ugu firin fircoona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Mr Yuusuf Maxamed Cabdi Waxa aynu ka wada dheregsanay in sidii dagaalkii lala galay dawladii siyaad bare waxii ka danbeeyey ay in gaari dheefsato wadanka oo aanay cid kale aanay waxba uga ogolayn waxana loo baahanyey in dheefta wadanka loo wadaago si siman oo cadaaladi ku jirto taas ayey shacka Somaliland ku niyad samanayan.waxa aan leeyahay (Rag cadaalad Waayey sidii cawsha kala yaac)
Alla Mahad lehQ/L: AsakarmireEmail: askarmire30@gmail.com
storvideo: 

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Ciidamada Mareynkanka oo kaashaneynaya Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyn dhanka cirka oo 26-kii bishan February ka fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe wuxuu ku xaqiijiyay inuu ku dilay labo ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab halka mid kale la dhaawacay.
Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban yahay Kooxda Nabadiidka ee Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab oo kaliya qatar ku ahayn nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.
Duqeyn ay Ciidamada Mareynkanka ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDekedda Muqdisho oo ka bilowday howlo lagu soo saarayo burburka Maraakiibti hore

storvideo: 

Daawo: Toban Casho Oo uu Xabsiga ku Jiray Kadib...

0
0

Daawo: Toban Casho Oo uu Xabsiga ku Jiray Kadib Waxaa Xorayadiisii Dib Loogu Soo Celiyey Agaasimihii Tv Universal Oo La sheegay in loo haystay War ay ka baahiyeen Reer Ceel-Afweyn
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live