Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Gaas oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda...

$
0
0

Garowe(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 28 Feb 2018 waxaa uu qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabiley wafdi balaaran oo uu hogaaminayey wasiirka beerha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo qunsulka safaarada masar ee Soomaaliya Taamir Safwat.
Wafdigaan balaaran ee maanta soo gaaray Puntland ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka socotey Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar, kuwaas oo uu kamid ahaayeen Madaxa mashaariicda beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur- Khabiir Biyaha iyo Deegaanka.
Madaxweynah Puntland oo kulan gaar kula qaatay xafiiskisa wafdigaasi marka ay soo gaareen qasriga madaxtooyada, ayaa kulankaas waxaa kala qayb galay Wasiirka Deegaanka Puntland, Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.
Qunsulka Dawladda Masar ee Soomaaliya mudane Taamir Safwat ayaa uga mahad naqay Puntland sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay - Puntland islamar ahaantaana sheegay inuu salaan uga wado dawladdiisa Madxweynaha Puntland, sidoo kalana sheegay in Dawladda Masar ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic horu marineed Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin horu marinta beeraha, daaweynta xoolaha, Kawaano casriya, biyo xireeno, taba baro iyo waxbarshada beeraha.
Dhinaca Kale Madxweynha Puntalnd ayaa uga mahadnaqey qunsulka Dawladda masar iyo masuuliyiinti kale ee ka socotay Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar booqashada ay ku yimaadeen Puntland, sidoo kalena tilmaamey in Puntland ay Dawladda Masar iyo wasardda beeraha ee dalkaasi Masarba ay ku soo dhaweenayaan maal gashiga Puntland iyo horu marinta wax soo saarka Beeraha Puntland, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer guuraaga iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qunsulka Dawladda Masar iyo wafdigii la socdey ee ka socdey Wasaaradda Beeraha ee Masar kula dar daarmey iney Puntland wax kala qabtaan nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, daaweynta iyo nafa qeynta xoolaha, ka hortaga abaaraha iyo sidii mar kasta dadka abaaruhu aafeeyaan loogu gurman lahaa.
storvideo: 


Daawo: Maareeyihii TVga Qaran oo Xilkii ku...

$
0
0

Daawo: Maareeyihii TVga Qaran oo Xilkii ku Wareejiyey Agaasimaha TVga Iyo Hadaladii Duur xulka iyo dardaaranka isugu jiray Ee Goobta la isku yidhi
[embedded content]
storvideo: 

Dr. Beyle: Dalkan laba dawladood kama wada jiri...

$
0
0

Dr. Beyle: Dalkan laba dawladood kama wada jiri karto, annaga iyo ganacsatadu waan doodi karraa, laakiin waa in la heshiiyaa.
Waxa Daabacay staff-reporter on Feb 28th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in muranka ka dhashay bixinta cashuurtu uu saameyn adag ku yeeshay dawladda gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda.
Wuxuu sheegay Wasiirku in bishan Feberaayo Wasaaraddu aanay soo xeraynin dakhli badan, balse ay meelmariyeen bixinta mishaaraadka.
"Murankaa iyo Khilaafka ka dhashay dhinaca canshuuraha waxaa ay sababeen in aanay bishan wasaaraddu soo xareynin dakhli badan, laakiin haddana waxaan ku talagalsannahay in aan bixinno mishaaraadka intoodii badneydna waan saxiixay" ayuu yidhi Wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa sheegay in canshuurta gedista ee 5% dowladdu xaq u leedahay in ay qaado, isaga oo ku booriyay ganacsatada in ay canshuurta ku waajibtay iska bixiyaan.
"Wada hadallo ayaa weli arintan nooga socda, qof kasta iyo goob ganacsi kasta in ay canshuurta bixiso weeyaan, haddii kale waa in waddanka leysaga tago" ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.
Mar uu ka hadlayay xifaaltanka ka dhaxeeya Wasaaradda iyo ganacsatada ayuu yiri" xifaaltanku waa jiri karaa, laakiin heshiis ayaa ayaan doonaynaa. Sida dalkaan ku dhismi karaa oo duruufaha jira la isla garto, labo waddan oo wada hadal ku jira ma nihin, waa la doodayaa, dad isku mid ayaa nahay ganacsatada fahamkooda waa wanaagsan yahay, heshiis baan gaarnay"ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wali muuqda kuwo ka biyo diidan go'aanka Wasaaradda Maaliyada halka dhinaca kale Wasaaraddu ku adkeysaneyso in leyska bixiyo Canshuurta.
Sourcce HOL
Awdalpress
This post has been viewed 130 times.
storvideo: 

Shabaab oo Gubey Raashiin Loo Wadey Waajid

$
0
0

Maleeshyada ururka al-Shabab ayaa la sheegay inay ku dileen sagaal dameer meel ah u dhow magaalada Waajid ee gobolka Bakool maanta.

Daawo: Raisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ahna...

$
0
0

Daawo: Raisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ahna Kusimaha Raisal wasaaraha Md Mahdi oo Maanta Soo Xidhay Kulan lagaga hadlaayo Xal u helida Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Dadka Somalida ah
storvideo: 

Dagaal ciidammada Soomaaliya iyo Shabaab ku dhexmaray Moqokori

$
0
0

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Dagaal ciidammada Soomaaliya iyo Shabaab ku...

$
0
0

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Muddo kooban kadib waxaa magaalada qabsaday ciidamada dawladda sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.
Taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada milatariga Soomaaliya Janaraal Axmed Maxamad Taradisho ayaa BBC-da u sheegay inay dagaalka ku dileen afar ka tirsan Al-Shabaab.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Illaa iyo hadda Al-Shabaab kama aysan hadlin dagaalkan, mana jiraan illo madax bannaan oo ka hadlaya khasaraaha dagaalka ka dhashay.
Goor dambe oo maanta ah ayay ciidamada dawladdu dib uga laabteen Moqokori sida illo madaxbannaan ay xaqiijiyeen, waxana dib ugu laabtay ciidamadii Al-Shabaab ee laga saaray.
storvideo: 

Shabaab oo Gubey Raashiin Loo Wadey Waajid

$
0
0

Maleeshyada ururka al-Shabab ayaa la sheegay inay ku dileen sagaal dameer meel ah u dhow magaalada Waajid ee gobolka Bakool maanta.
Al-Shabab ayaa la sheegay inay qabteen gaari dameerrada, kuwaas oo ay ku rarneyd cunto loo wadey degmada Waajid.
Warka ay VOA heleyso ayaa intas ku daraya in al-Shabab ay qabteen laba nin oo la socday dameerahaas kuwaasi oo aan haatan la ogayn xaaladdooda.
Dadka magaalada Waajid ayaa VOA u sheegay in Al-Shabab ay sidoo kale gubeen raashinkii saarnaa oo iskugu jiraya bariis, sonkor iyo bur. Waxay sidoo kale Shabaab gubeen buudhigii ay dammeeradu jiidayeen.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow tuulada Ceelboon oo 15km dhinaca galbeed ka jirta magaalada Waajid.
storvideo: 


BBC Somali oo ka jawaabtay warbixin la daabacay oo cabasho laga muujiyay

$
0
0

Laanta afka Soomaaliga ee BBC waxay ka jawaabeysaa farriimaha ay dhegeystayaasha u soo gudbiyeen oo ku aadan sheeko laga baahiyay boggan.

BBC Somali oo ka jawaabtay warbixin la daabacay oo...

$
0
0

Laanta afka Soomaaliga ee BBC waxay ka jawaabeysaa farriimaha ay dhegeystayaasha u soo gudbiyeen oo ku aadan sheekada nin Soomaali ah oo sheegay inuu Afrika uga qaxay 'faquuqa ay la kulmaan ragga is guursada'
Cabdullahi Cabdi Sheekh, Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC waxaa uu leeyahay, "BBC waxay u mahadcelineysaa dhammaan dhageystayaasha fikradahooda ka soo dhiibtay warbixintan. Marnaba ma ahayn ujeedkeenu in aan cid ka xanaajino, laakiin waxaanu sameynaa barnaamijyo kala duwan sida ay u kala duwan yihiin dhageystayaasheenu.
"BBC waxay sameysaa warbixinno dhexdhexaad ah iyo meel lagaga doodi karo fikrado kala duwan. Waxaanu fahamsannahay in wax walba oo aanu sii deyno aanay qancineyn qof kasta, si kastaba ha ahaatee, ogow in fikradihiina iyo walaaciina lala wadaagay maamulka Laamaha Dibedda ee BBC'', ayuu sii raaciyay Cabdullaahi.
Sheekadan waxaa markeedii hore lagu qorey bogga ku baxa luqadda Ingriiska, oo waxay ka hadlaysaa qof Soomaali ah oo Afrika uga cararay sababo la xiriira waxa uu aaminsan yahay, oo uu arkay inay ka duwan tahay tan ay bulshadiisa dooneyso.
storvideo: 

Mucaaradka Jabuuti oo Qaaddacay Natiijada...

$
0
0

Xsibiyada mucaaradka ee Jabuuti, gaar ahaan kuwii qaaddacay ka qeyb galka doorashaddii baarlamanka ee dalkaasi ka dhacdey 23-kii bishan Febraayo, ayaa maanta soo saaray qoraal ay kaga war-bixinayaan aragtidooda ku aaddan natiijada doorashada iyo hadalkii kor-joogayaasha Midowga Afrika ay ka soo saareen doorashada.
Duqii hore magaalada Jabuuti oo ka mida ah madaxda mucaaridka siyaasadda ee ku suggan gudaha dalka Jabuuti, Cadiraxman Maxamed Geelle, ayaa warbixinta mucaaradka uga waramay Ramadan Muuse.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:04 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Kenya: Xildhibaan ku Eedeyey Dowladda Ka Bixidda...

$
0
0

Mid ka mid ah xildhibananada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa si weyn ugu dhalleeceeyey dawladda inay mas'uul ka tahay bixitanka macallimiinta ay ka baxayana gobolkaasi.
Rashiid Qaasim Nuur oo laga soo doorto bariga Wajeer oo ahayd halkii dhowaan uu ka dhacay weerarka lagu dilay labada macallin ayaa sheegay in bixitaanka macallimiinta uu dib dhac weyn ku yahay gobolka. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay arrintaasi iyo doorka dawladda ee amniga.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:12:37 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

War-saxaafadeed:  Ururka SOLJA oo ka Hadlay 24...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo Ixtiraamaya shuruucda kala duwan ee Dalka ee ay ku aasaasan yihiin hay'addaha kala duwan ee Qaranku, waxa uu isagoo eegaya masuuliyadda ka saaran Difaaca iyo Horumarinta Saxaafadda ugu baaqayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta inay dibu-eegis ku samayso go'aanka Shaqo ka joojinta iyo Anshax marinta ah ee ay ku riday 24-ka mid ah shaqaala weynaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda Warfaafinta.
Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa khilaafyadda kala duwan ee ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha inay haboonayd siyaabo kale in lagu xaliyo, hase yeeshee go'aanka imika la qaaday ee ah Shaqo ka Joojin iyo Mushaharka oo laga jaro wuxuu culays ku yahay shaqaalaha iyo Qoysaskoodaba oo qaata Mushar aan ku filnayn.
Ururka SOLJA, waxa uu in badan Isha ku hayey khilaafyaddii kala duwanaa ee sidan oo kale u dhex maray masuuliyiintii kala danbeeyey ee wasaaradda soo maray iyo wariyayaasha ka hawlgala, waxaanay dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay nidaamyaddii ay ku maamulayeen xukuumaddihii kala danbeeyey oo mar walba keenayey Muran.
Laga soo bilaabo Xukuumaddii UDUB ee Yagleeshay Telefishanka Qaranka Somaliland, waxa isa soo tarayey in kolba xukuumadda talada qabataa keenaysay Awaamiir ay nidaamka Maamul ee wasaaradda wax kaga bedelaysay, iyadoo Maamulka marna la hoos geynayey Madaxtooyadda, mar kale wasaaradda marar badana la Madax banaanaynayey, kuwaas oo khilaafka mar walba Horseedayey.
Cabashada Wariyayaasha iyo go'aanka ay wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay waa kuwo aan horseedayn xal waara. sidaas daraadeed; Ururka SOLJA, isagoo Ixtiraamaya karaamada Shaqada Qaranka in la ilaaliyo isla markaana la sugo xuquuqda Suxufiyiinta kala duwan ee u shaqeeya warbaahinta Dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba, waxa uu ku talinayaa inay Wasaaraddu dib u eegto go'aankeeda, oo ay u marto waddo kale oo xal u noqon kara khilaafka ka jira wasaaradda.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA
storvideo: 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa Hay...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xarunta dawladda hoose kulan kula yeeshay Madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Ms.Caroline Van Buren.
Duqa Muqdisho Inj. Yariisow iyo madaxa Hay'adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda barakaceyaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Waxaa uu Guddoomiye Yarisow si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu haboon ee shaqo abuur loogu sameyn karo dhallinyarada gobolka, si looga hor tago tahriibka iyo xag-jirnimada, isagoona u soo bandhigay Madax UNHCR in ay kaalintooda ka qaataan sidii nolol munaasab ah loogu yagleeli lahaa dadka barakacayaasha ah.
"Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta barakacayaasha. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho," ayuu yiri Inj. Yariisow.
Sidoo kale, Caroline Van Buren ayaa sheegtay in UNCHR ay ka go'an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso barakacayaasha ku sugan xeryaha ku yaalla Muqdisho, iyadoona sidoo kale ballan qaaday in ay kala shaqeeynayaan Gobolka kor u qaadista heerka nolashooda.
Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo mas'uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.PUNTLAND POST
The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa Hay'adda UNCHR ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay Olalaha Billaha ee ...

$
0
0

Muqdisho,28, Feb 2018-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadka Nadaafadda oo bilaabanaya maalinta Khamiista ee ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan hay'adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoona Olahala Todobadkan xoogga lagu saari doono soo celinta bilicda degmooyinka, Warta Nabadda, Boondheere Shibis iyo Shangaani.
Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada, haweenka, shaqaalaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshda Gobolka in ay si baaxad leh uga qeyb qaataan olalahan, maadama uu raad wanaagsan ku yelanayo fayo dhowrka deegaanka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa warbixino ku saabsan maamulka iyo Maaliyadda, bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku Xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.
Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ayaa si gaar ah uga wada hadlay ilaalinta amniga iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin bulshadu, si looga hortago falalka ay argagixisau u malageeyan shacabka Gobolka.
storvideo: 


Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

War deg deg ah Askari Boliis ah oo wax yar ka hor ku...

$
0
0

War deg deg ah Askari Boliis ah oo wax yar ka hor ku dilay wade Bajaaje ah
Feb 28, 2018 -
Magaalada Muqdisho ayaa maal.mahaan waxaa ku soo badanaayo dilka tooska ah ay geesanayo ciidamada amniga iyadoona ay waxba ka qabaneynin hogaanka sare ee Dowlada
Dil naxtinleh ayaa ka dhacay wax yar ka hor jagboonti yaal meel u dhaxeysa Shaqaalaha iyo Seybiyaana kaa uu geestay askari Boliis ah oo sida la sheegay maandooriya cabsanaa waxuuna dilay nin waday Bajaaj kaa oo nafta Uga baxday goobta
Dilka ayaa dhacay 12 30 daqiiqa saqdii dhexe
Meydka ayaan ku soo marnay xarunta danbi baarista isagoo lagu waday gaari Cabdi bila ah
Dilka ay geysanayaa ciidamada amniga ee tooska ah ayaan waxba laga qaban iyadoona maalma ka dib la soo deynaayo taana waa tan keenta in ay askarta dowladda shacabka iska dilaan.madaama waxba laga qaban dhibka ey geyaanayaan
Askariga dilka geestay ayaa la qabtay oo la xariya waxaase ogeen cida danbigiisa ku qadeyaa madaama Soomaliya ka jirin cadaalad sax oo dadka si wanaagsan u kala xukumisa
English News
storvideo: 

Sawirro: Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay Danjiraha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.
Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.
Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
-DHAMMAAD-
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Kismaayo oo loo kala baratamaayo, hadeer Talyaani

$
0
0

Kn: Caasimadda ku meel gaarka ee maamul gobolleedka Jubbaland, magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa kheyraadka iyo nabadgaliyada ay isku darsatay waxay soo jiidatay dawladaha horumaray ee daneeya Soomaaliya waxaana muuqda baratan iyo suxul duub ay ugu jiraan in mid kastaayi wax ka maalgashato deegaanka Eebe ku manaystay kheyraadka dabiiciga.
Waftigii balaarnee ee Turkiga kadib waxaa asna maanta Kismaayo iska soo xaadiriyay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayay. Safiirka oo la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay dekedda Kismaayo iyo goobo kale oo muhiim ah.
Safiirka Talyaaniga iyo madaxweynaha Jubbaland ayaa isku afgartay qodobo dhawr ah oo ay ka wada hadleen, waxaana ugu muhiimsanaa in dawladda Talyaanigu ay Jubbaland ka fuliso mashaariic isugu jira horumarin iyo maalgashi.
Degenaanta iyo xasiloonida ay Kismaayo ku talaabsatay ayaa sabab u ah in ay soo jiidato indhaha caalamka, waxaana la rajaynayaa inay goordhaw noqoto magaalo la jaanqaado magaalooyin kale oo qarniyo ku naaloonayay nabad iyo horumar.
storvideo: 

Bajaaj ley xiratay jidka Maka Al Mukarama ee Muqdisho

$
0
0

Kn: Dhalinyarada ku ganacsata gaadiidka afar shaaglaha ee loo yaqaano Bajaaj ayaa caawa xiratay jidka halbowlaha u ah caasimadda Muqdisho ee Maka Al Mukarama.
Dhalinyarada ayaa ka gadooday mid kamid ah darawaliinta Bajaajka oo askari ka tirsan ciidamada boolisku uu toogasho ku dilay. Wiilka ayaa markii hore dhaawac ahaa loogula cararay rugta caafimaad ee Daarushifaa kadibna qadar yar dabadeed geeriyooday.
Bajaaj leeyda ayaa dalbaday in askariga wiilka dilay cadaaladda la horkeeno, waxaana markii danbe goobta soo gaaray gudoomiyaha degmada Hodan, Maxamed Xasan (Cantoobo) kaasi oo dhalinyarada ku wargaliyay in askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa xabsiga loo taxaabay kadibna ay sidii jidka ku fureen.
Marar badan ayay askarta dawladdu si aan micno lahayd u laayeen dad shacab ah, waxaana dhacda in qaarkood aan lagu fulin cadaaladdii ay mudnaayeen arimo la xariira garsoorka dalka oo wali dhutinaaya isla mar ahaantaana aan ka fayoobayn eex iyo laaluush qaadasho.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live