Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wadada Halboolaha ee Boosaaso oo Burbur Xoog Leh uu...

$
0
0

1st March 2018 admin Category :
Waxaa bubur xoog leh uu soo gaaray wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Boosaaso, mana jirto wac dayac tir ah oo lagu sameeyey. Meelaha wadada ee ka burbursantahay waxaa xafiiska ugu weeyn ku leh shirkadda isgaarsiinta Golis. Lacagta ugu badan ee soo gasha Puntland waxeey jeebkooda ku xarootaa shirkadda Golis waana midda awoodi kari weeyday ineey dayactirto laamigaa yar ee hormara xafiiskooda.
Taa beddelkeeda, waxaa magaalada Gaalkacyo ka hirgelliyey wado laami ah ganacsade Ahmed Seeraar oo ah mulkiilaha leh Hotel Aljazeera oo kaashanaya mid kamid ah shirkadah dhismaha ee Gaalkacyo.
[embedded content]Muuqaalka Hoose waa Ahmed Seeraar iyo shirkadda dhiseesa oo isxilqaamay.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 


Qubanaha VOA, Mar. 01, 2018

Qubanaha VOA, Mar. 01, 2018

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Wareysi: Wasiirka Kheyraadka Somalia

$
0
0

Dowlada Somalia ayaa sheegtey in xaaladd adag oo biyo yari ahi ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis

HALISTA KU DUUGAN SALDHIGA CIIDAN EE BERBERA

$
0
0

Wacan oo wanaagsan Bulshada Somaliland& Bahda Mareegaha dalka.
Xukumaddii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa Mudane Ahmed Mohamed Siilaalnyo ayaa heshiis la gashay Shirkada DPW ee laga leeyahay Dalka Emirateka si ay maalgashi ugu samayso Dekeda Berbera .Sidoo kale waxaa heshiiska Xukumaddu gashay qayb ka ah in Saldhig Ciidan laga siiyo Duleedka Magaaladda Berbera,isla Airportka Caalamiga ah ee Berberna loogu darro si Ciidamadan shisheeyey u adeegsadaan. Ciidamadan Heshisheeye ee la keeni doono Saldhigan Bebera ma ah kuwo u dhashay Dalka UAE,balse waa guraan-gur dalal kale oo Gaalo ah laga soo ururshay. Waa nooca loo yaqaano Calooshooda-u-shaqaystayaal ee la soo kiraysto Ciidankaasi. Dhamaan waa gaalo. Ma laha Diin, dhaqan iyo xakame toona. Waxaa ay ka mid yihiin bulshooyinka Caalamka qaybaha ugu liita. Ehelkoodu waa Macsi oo dhan,sida Mukhadaraadka,Dhilaysi, iwm. Waxaa ay xambaarsan yihiin dhamaan Cudurada faafah ee dilaaga ah Ciidamadan shisheeye ee dalka Somaliland la keenaya. Waxaa loo qorsheeyey Saldhigan Ciidan dhul cabirkiisu dhan yahay 60KMSQ ah oo ka mid ah Hantida Dalkan iyo Bulshadiisa S/land. Ujeedadooda ugu waayn ayaa ah in ay Saldhigan iyo Airportka berbera kaga duulayaan dalal musliin ah oo aynu jaar iyo jiiraan dhow nahay oo aan wax colaad ahi dhexdeeena oolin basle nabad,Walaaltinimo iyo,gana csi soo jireen ahi inaka dhaxayso. Taasi awgeed,waxaa saldhigan u soo leexinaya bulshada S/land Godbo iyo colaad aan la agoonin sabab ay ku galabsadeen. Waxaana dabcan imaatinkooda Somaliland ka dhalan doonta colaad, dhibaato iyo weeraro dhinaca Cirka ah oo aan awood iyo itaal tooona loo hayin iyo difaac toona.
Ummada Somaliland ee dalka iyo Bulshadiisa lexoo-jecladu ka haysaa,waxaa ay rejo ka qabeen in Madaxwaynaha cusub ee la doortay burindoono heshiiskan,gaar ahaan qaybta Saldhiga iyo Ciiidamo shisheeyey,laakiin maalin dhowayd ayuu ku dhawaaqay in aanu joojin doonin maadaama Xukumada ka horaysay la gashay shirkadan. Taasi oo bulshada u iftiimisay in Madaxwaye Muse ka mid yahay Saxeexayaasha Heshiiskan maadaama uu ka dhex muuqday xiliyada qaarkood wufuudii kulamadii Dubai ee shirkadan DPW iyo masuuliiyinta Xukumadii hore ee S/land ee mashruucan fool-eryeysay.Waxaana la sheegayaa Madaxwayne Muse in DPW gacan dhaqaale u fidisay xiligii ololaha Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomay. Taasi awgeed uu indhaha uga qarsanaayo halsita Saldhigani u leeyahay dalka Somaliland ee hogaamintiisa loo doortay,loona dhaarshay Mudane Biixi.
Bulshada S/land ayaa ah ummad 100% musilimiin ah. Isla ah Bulsho nadiif ah,ahna dhal iyo dhasheed. Waa bulsho dhaqan suuban eebe ku manaystay oo iswada arag iyo isisr taqaan oo aan badhax lahayn.
Hadaba,ciidamada shisheeye ee Calooshooda-u-shaqaystayaal ahi oo xumaan oo dhan xambaarsan ayaa dalka ku samayn doona dhalan gedi iyo cawaaqib xumo dhinacyo badan leh haddii aan xal lagaga hortago la helin. Waxaa dalka ay ku reebi doonaan Ubad badan oo aan Aabeyashood la aqoonin oo kala midabo duwan. Asbaabaasi iyo kuwo kale oo soo if-bididoonaa awgood,waxaa bulshowaynta Somaliland ee xalaasha ah looga baahan yahay bal in ay wax iska waydiiyaan xaaladdan Sadhiga Ciidan ee halisteeda leh. Sidoo kale bal in ay isku dayaan talo iyo xal kasta oo lagu joojin lahaa Saldhigaasi cawaaqib xumada badani ku duugan tahay inta goori- goor tahay. Waxaanan ku boorinayaa bulshowaynta Somaliland ee muslimiinta ahi in aanay dhayalsanin Saldhigan iyaka oo u hiilinaaya diintooda,dalkdooda,ubadkooda iyo dhaqankooda oo uu intaba halis ku yahay.
Allah mahad leh.
Haji Mohamed Adam
storvideo: 

Wareysi: Wasiirka Kheyraadka Somalia

$
0
0

Dowlada Somalia ayaa sheegtey in xaaladd adag oo biyo yari ahi ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la'aan.
Wasiirka Khayraadka iyo biyaha Somalia Saalim Caliyow Ibrow ayaa u joogo magaalada Washington shir sanadka sanadlaha ah ee arrimaha tamarta dalalka Africa ( Power in Africa) waxuuna Sahra Cabdi Axmed uga waramay caqabadaha xagga biyaha iyo tamarta ee haysta Somalia iyo dowladiisu waxey ka qabanayso.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:12:53 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Sirdoonka Maraykanka oo daabacay liiska waxyaabaha...

$
0
0

Sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday waxay ku sheegeen Buugaag muhiim ah oo uu akhriyi jiray hoggaamiyahii "Al-Qaacida" Osama bin Laden, buugtan ayaa laga helay markii lagu weeraray gurigiisa magaalada Putabad sanadkii 2011.
Wargeyska "The Independent" ayaa qoray liiska buugaagta uu akhriyay by bin Laden, qaar ka mid ah ayaa waxa qoray qoraa caan-ka ah America Noam Chomsky iyo qaar kale oo diidan siyaasadaha Mareykanka.
Hoggaamiyaha Al Qaacida wuxuu jecelaa inuu akhriyo naqdinta dawladda Maraykanka, sida Chomsky iyo Palast, wuxuuna sidoo kale diiradda saaray arrimaha siyaasadeed ee culus, iyo sidoo kale qaddiyadaha qaanuunka.
Handbook of International LawAnthony AustCivil Democratic Islam: Partners, Resources, and Strategies Cheryl BenardKilling Hope: US Military and CIA Interventions since World War II William BlumRogue State: A Guide to the World's Only SuperpowerWilliam BlumNecessary Illusions: Thought Control in Democratic SocietiesNoam ChomskyFortifying Pakistan: The Role of US Internal Security Assistance(only the book's introduction)Christine Fair and Peter ChalkHegemony or Survival: America's Quest for Global DominanceNoam ChomskyAmerica's 'War on Terrorism'Michel ChossudovskyConspirators' Hierarchy: The Committee of 300John ColemanNew Political Religions, or Analysis of Modern TerrorismBarry CooperGuerilla Air Defense: Antiaircraft Weapons and Techniques for Guerilla ForcesJames CrabtreeNew Pearl Harbor: Disturbing Questions about the Bush Administration and 9/11 David Ray GriffinChristianity and Islam in Spain 756-1031 ADCR HainesThe Secret Teachings of All AgesManly HallBlack Box Voting, Ballot Tampering in the 21st Century Bev HarrisThe US and Vietnam 1787-1941 Robert Hopkins MillerMilitary Intelligence BlundersJohn Hughes-WilsonA Brief Guide to Understanding IslamIA Ibrahim
International Relations Theory and the Asia-PacificJohn Ikenberry and Michael MastandanoThe Rise and Fall of the Great PowersPaul KennedyIn Pursuit of Allah's Pleasure Asim Abdul Maajid, Esaam-udDeen and Dr Naahah IbrahimThe 2030 Spike Colin MasonAmerica's Strategic BlundersWillard MatthiasSecrets of the Federal ReserveEustace MullinsUnfinished Business, US Overseas Military Presence in the 21st CenturyMichael O'HanlonConfessions of an Economic Hit ManJohn PerkinsThe Best Democracy Money Can Buy Greg PalastBounding the Global War on Terror Jeffrey RecordAl-Qaeda's Online Media Strategies: From Abu Reuter to Irhabi 007Hanna RoganCrossing the RubiconMichael RuppertImperial HubrisMichael Scheuer
Checking Iran's Nuclear Ambitions Henry Sokolski and Patrick ClawsonThe Taking of America 1-2-3Richard SpragueBloodlines of the Illuminati Fritz SpringmeierThe Best Enemy Money Can BuyAnthony SuttonOxford History of Modern WarCharles TownsendObama's WarsBob Woodward
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Taliyaha ciidamada dhulka Yuhuuda oo ka digay khatar...

$
0
0

Qudus - Taliyaha ciidanka dhulka ee Yuhuuda Major General Kobi Barak ayaa ka digay khatarta dagaal dhaca sanadkan, sidaana waxa sheegay Radio RBC.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Israel ayaa sheegay in khatarta dagaalku ay kor u kacday sanadkan, inkastoo dhinacyada oo dhan aysan daneynin.
Wuxuu intaa ku daray in xaaladdu ay u egtahay mid u eeg dagaalkii labaad ee Lubnaan 2006.
Kobe Barak ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee dagaalka soo socda uu bilaabmi doono marxaladda hore, waxayna noqon doonaa kuwo aad u ballaadhan, degdeg ah oo ka sii daran sidii kii hore.
Dhiniciisa, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Israel, haddii dagaal uu ka qarxo dhinaca woqooyiga, mid ka mid ah ujeeddooyinkeeda ayaa noqon doona in la tirtiro Xoghayaha Guud ee Hezbollah Hassan Nasrallah.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Imisa Qarax ayaa bishii February ee lasoo dhaafay ka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Waxaa bishii February ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay.
Qaraxyada dhacay bishii February ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA KA DHACAY MUQDISHO BISHII FEBRUARY
1-February 4, 2018, Qarax ayaa waxa uu ka dhex dhacay Hooy ku yaala Xaafada oodweyne degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay laba ruux oo Hooyga degnaa.
2-February 9, 2018, Weerar loo adeegsaday laba Bamgacmeed ayaa waxaa lagu qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degnaa Taliyihii hore ee howlgalinta ciidamada Nabadsugida Maxamed Abuukar Jacfar.
3-February 13, 2018, Miino ay ku cayaarayeen Carruur Darbi Jiif ah ayaa ku Qaraxday Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, waxaana ku dhintay hal ruux.
4-February 15, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Via Liberia ee Waaxda Horseed, waxaana Gaari nooca Spacio ahaa loogu xiray Askari ka tirsanaa NISA oo ka badbaaday.
5-February21, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay afafka Hore ee ''The Village Hoteel'' waxaana loogu soo xiray Askari ka tirsan NISA oo magaciisa lagu sheegay Bile, kaa oo ka badbaaday.
6-February 23, 2018, Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya xili gaarigaasi ay la socdeen al-Shabaab hubeysnaa oo doonaayay inay galaan Villa Somalia.
7-February 23, 2018, Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Isgooyska Ceelgaabta Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, kaa oo ay is hortaageen ciidamo ka tirsan dowlada xili uu doonaayay inuu soo aado Villa Somalia.
8-February 23, 2018, Gaari HOAH laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Afaafka hore ee Hotel Dorbin oo ku yaalla Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.
9-February 23, 2018, Maleeshiyaad la socday Mooto Bajaaj ayaa Bam gacmeed ku weeraray Ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taal Isgooyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Xog: Kheyre iyo Imaaraadka oo kawada hadlay arrinta...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa weli ku guda jira howlo shaqo oo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Ra'isul wasaare Kheyre ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay dhaxal sugaha Imaaraada Abu Dhab ahna ku-xigeenka Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.
Ra'isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa si qoto dheer uga wadahadlay arrimaha Somalia, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Isgarabtaaga iyo arrinta CC Shakuur oo xubin ka ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee sida dhow ula shaqeeya dowlada Imaaraadka Carabta.
Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in Somalia ay ku taameyso inay dib ula soo noqoto dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Madax-banaanida iyo Amniga oo uu sheegay in ilaa iyo xad ay wax muuqda ka qabteen.
Waxa uu Kheyre u sheegay Sheekh Maxamed Bin Zayed inay muhiim tahay in Imaaraadka uu kaalin muuqda ka qaato Amniga, isla markaana ay Somalia u madax-baneeyaan Xoriyadeeda.
Intaa kadib Ra'isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed. ayaa isla soo hadalqaaday arrinta CC Shakuur iyo xanibaada ay weli ku heyso dowlada Somalia, waxa uuna Sheekh Maxamed Bin Zayed ka dalbaday Ra'isul wasaaraha in cadaadiska Siyaasadeed ay ka qafiifiyaan CC Shakuur.
Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu Kheyre usoo jeediyay in CC Shakuur laga dulqaado xanibaada dhanka Safarka, Koontaroolka dhaqdhaqaaqyadiisa iyo in loo madaxbaneeyo wixii aragtidiisa Siyaasadeed.
Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu sheegay in CC Shakuur ay u arkaan inuu yahay mid ay u muuqato siyaasad degan, hase ahaatee uu dayacan yahay.
Sidoo kale, Ra'isul wasaare Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in arrinta CC Shakuur ay tahay mid u taal dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xubno gudiyo ah oo loo xilsaaray arrimaha uu ku eedeysan yahay, balse waxa uu u ballanqaaday in xal laga gaari doono.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale xoogan ku bixisa Siyaasiyiin ku eedeysan danbiyo kala duwan oo ay ka galeen Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, Talaabooyinka Imaaraadka ee Somalia ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo awoodaha dowlada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Akhriso: Dilalka Bishii February ee 2018 ka dhacay...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Magaalada Muqdisho ee - Somalia ayaa bishii February ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada.
Dilalka bishii February ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada al-Shabaab.
Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wada jir iyo Waabari.HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA LA OGYAHAY EE MUQDISHO KA DHACAY BISHII FEBRUARY
1-February 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Waabari gaar ahaan Agagaarka Buundooyinka ku toogtay mid ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud xili uu kusii jeeday shaqadiisa.
2- February 7, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa Xaafadda Jaamacadda Gaheyr, ee Degmada Hodan ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Militariga oo lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseen Barqadle.
3- February 13, 2018, Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa Degmada Wadajir ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Jilic oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.
4- February 15, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag dhanka Masjidka Xareed ku toogteen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
5- February 15, 2018, Ciidamada AMISOM ayaa bar-kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka ku dilay 3 Ruux oo midi uu yahay Askari.
6- February 25, 2018, Ciidamada Somalia ee tababareen Imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan ku toogtay Bajaajle lagu magacaabo Hanad Maxamed Xasan.
7- February 26, 2018, Askari ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Darawalka gaariga u kaxeynaayay Guddoomiyaha Degmada.
8- February 27, 2018, Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa Xaafada Sarkuusta ee duleydka magaalada Muqdisho ku dishay mid kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.
9- February 28, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan eeryada Shaqaalaha ku dilay wiil Mooto Bajaajle ahaa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Sacad Xariiri oo looga yeeray dalka Sacuudiga tan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka adduunka waxaa magaalada Riyadh gaaray Ra'isul wasaraha dalka Lubnaan sacad Xariiri.
Sacad Xariiri, ayaa magaalada Riyadh ku gaaray safarkii ugu horeeyay oo uu halkaasi ku tago tan iyo markii bishii Novembar ee sanadkii hore uu sheegay inuu iscasilay ka hor inta uusan go'aankaasi ka laaban markii uu dib ugu laabtay dalkiisa.
Sacad Xariiri, ayaa waxaa magaalada Riyadh kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga, waxaana ujeedka lagu sheegay mid ku xeeran arrimo Siyaasadeed.
Sacad Xariiri, oo aan booqashadaasi aheyn mid rabitaankiisa ah ayaa waxaa ku cadaadinaaya dowlada Imaaraadka Carabta oo xulafo la ah Sacuudiga.
Dowlada Sacuudi Carabiya ma rabto in Lubnaan ay raacdo waddada Ciraaq, "oo ay falanqeeyayaasha qaarkood u arkaan in lubnaan ay tahay wadan laga maamulo Iiraan.
Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa la sheegay in xiligaan ay diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka kala dhexeeya Lubnaan, waxa ayna arrin khatara u aragtaa in Lubnaan ay cagta saarto dhabaha ay Ciraaq martay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku loolamaaya dilalka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ka howlgala barkontorool ku yaalla wadada shaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in si bareera uu u toogtay wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.
Askarigaan ayaa la sheegay in Seddex baalooto uu wiilka Bajaajlaha uga dhuftay qeybaha sare ee Jirka, waxa uuna u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaasta lagu dhuftay.
Mid kamid ah bajaajlayaasha ayaa sheegay in wiilkaasi loo dilay lacago shaxaad ah oo uu diiday, waxa uuna intaa ku daray in dowlada Somalia laga doonaayo inay cadeyso in ciidamada ay adeegsaneyso ay yihiin waxa uu ugu yeeray mooryaan ama ay yihiin ciidamo Qaran oo sharci u taagan.
Dilka labaad ayaa goordhow oo saaka ah ka dhacay degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ex-control Balcad oo lagu dilay ruux shacab ahaa.
Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa geystay koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta.
Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dadka degaanka ay sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarada degmada ee sida aadka ugu wanaagsan abaabulka gaar ahaan xilliyada ay jiraan Ciyaaradaha iyo Banaanbaxyada.
Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu dilka u dhacay, waxaanan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay degmada Hilliwaa.
Dilalka dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo ay ku loolamayaan ciidamada dowlada iyo al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta al-Shabaab iyo ciidamada dowlada, mana jirta cid fal celin ka sameysa dilalkaas.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Isgoosyada Muqdisho oo intooda badan Saaka u xiran...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Waxaa inta badan Saaka xiran Isgooysyada ku yaala magaalada Muqdisho ee - Somalia, halkaa oo la tubay ciidamo ka tirsan Hay'adaha amaanka.
Isgoosyada Saaka xiran ayaa waxaa kamid ah sida Isgooyska Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale iyo Tarbuunka ee magaalada Muqdisho.
Isgoosyada xiran ayaa waxaa jooga ciidamo ka kala tirsan NISA iyo Booliska, kuwaa oo celinaaya dhammaan Gaadiidka Raaxada iyo kuwa BL-da ee isticmaala Isgoosyada aan kor kusoo xusnay.
Isgoosyada qaar ayaa waxaa ku go'an Gaadiidka dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa inay jirto cabsi ku aadan weeraro ay maleeshiyada al-Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.
Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho sanadihii dambe waxaa caado ka noqday waddooyinka ay isticmaalan shacabka oo si maalaayacni ay u jartaan ciidanka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Suuq madow oo carruurta lagu iibiyo miyaa ka jira...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Hargaysa.
Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.
Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.
Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku kaliftay in ay ilmaha wataan, balse waxaa la qabaa tuhun ah in uu jiro suuq madoow oo carruurta looga ganacsado, waxaana arrintan sii xoojinaya Guuleed Dafac oo ah madaxa hay'adda xuquuqda aadanaha oo yiri "Marka laga qiyaas qaato cabashooyinka dadka ka imanaya, dhoofinta carruurta waa ay badatay, waxayna ku dhacdaa dadka ciyaalka ah ee ka yar 15 jirka, dhibta jirtaa waxaa weeye sharcina noogama dagsana, wacyiga dadkana aad ayuu u liitaa".
Balse taliyaha booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka warhaynin wax suuq madoow ah oo jira oo carruur looga ganacsado.
Hooyadii dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa iyadu lafteeda ku baraarugsan suurtogalnimada in ilmaha dalka dibediisa loo dhoofiyo, waxayna muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.
"Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo" ayay tiri hooyada ilmaha dhashay.
Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dbacsan ee ku dhacay dadkan.
Hooyada dhashay ilmaha ayaanan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aysan suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jirka wiilkeeda.
Ma jiraan wax tirakoob ah oo laga hayo carruuraha la xaday, waxaana ugu wacan "waalidiinta oo marka ay ilmaha waayaan, raadiya, kadibna ka quusta, dowladana aanan u sheegin" sida uu sheegay Guuleed Dafac.
Dhawaan gobolada Somaliland waxaa laga mamnuucay ugaarsiga iyo dhoofinta diinka, kaas oo loo dhoofinayay dalal ku yaala Aasiya oo dadka ay aaminsanyihiin in uu dawo yahay. Balse lama oga xiriirka Ka dhaxayn kara dhoofinta xayawaanka iyo tan carruurta oo hadda soo shaac baxaysa.
Hase yeeshee ka ganacsiga xubnaha carruurta waa arrin adduunka meelo badan ka jirta, waana mid ka mid ah ganacsiyada sharci darrada ee ugu halista badan.
Xigasho: BBC
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Dowladda Mareykanka oo DF iyo AMISOM ugu Deeqday...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Madeira ayaa ku ammaanay dowladda Mareykanka taageerrada joogtada ah ay u fidiso hawlgalka AMISOM ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada. Wuxuuna danjiruhu hadalkan ka sheegay munaasabad diyaarado Drones ah lagu siinayay Dowladda Somalia iyo AMISOM oo ka dhacday Balli-doogle.
Madeira ayaa sheegay in Qalabkan uu noqon doona mid xoojiya ciidamada, isla markaana ay fulayaan inuu horumariyo hufnaanta Hawl-gallada ciidanka AMISOM ay ka wadaan Qaybaha kala duwan ee Dalka.
"Qalabka ilaalinta waa mid ahmiyad weyn u leh ciidanka AMISOM maadaama ay kaalin wax ku ool ah ay ka qaadanayaan xallinta mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigayo awoodda AMISOM. Waxaan aan daahfureyno maanta waa qalab lagu xoojiyo ciidanka oo aan in muddo ah codsaneynay, codsigaas oo maanta miro dhalay," ayuu yiri ergayga Midowga Afrika.
Marar badan ayay AMISOM codsatay qalab lagu xoojiyo ciidanka si ay ugu suurtagasho in ay howlgallo militari ah oo hufan ku qaaddo Al-Shabaab, ayna xorreyso deegaannada ku jira gacanta maleeshiyada. AMISOM waxaa ay qorsheyneysaa in ay ballaariso howlgallada ay ku sugeyso amniga dalka, iyada oo weli sidii qorsheysneydba loo wado xil wareejinta mas'uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
Danjire Madeira, oo ay wehelinayeen mas'uuliyiinta sarsare ee AMISOM ayaa xusay in qalabkan ay ciidamada siin doonan fursad ay ku helaan xogta ay u baahan yihiin ayna ku helaan wakhtiga saxda ah, kuwaas oo gacan ka geysan doono in la ogaado lalana socdo dhaqdhaqaaqa kooxaha hubeysan.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay bah-wadaagta kale ee horumarineed in ay ku daydaan Dowladda Mareykanka, taasi oo aan kaliya taageerro u fidin AMISOM, balse sidoo kale taageerta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay in xoojinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay muhiim u tahay in uu dalka helo nabad waarta iyo amni.
"Sida tan waxaa sare loogu qaadaya awooddeenna, balse waxaa muhiim ah in Soomaalida loo yeello awood; waayo, anaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxaanu nahay sida labada dhinac ee shilinka. Waxaa laga yaaba in aan awood xoogganahay, balse haddii aysan Soomaalidu awood lahayn, wax suurtagalayo malaha," ayuu yiri Madiera hadalkiisa ku daray.
Madaxa Arrimaha Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya, Martin Dale, ayaa carrabka ku adkeeyay sidii ay dowladda Mareykanka uga go'an tahay in ay caawiso Midowga Afrika, Waddamada Ciidamada qaybta ka ah AMISOM deeqay, iyo dadaallada loogu jiro in ay Soomaaliya nabad hesho.
Mudane Dale ayaa rajo ka muujiyay in qalabka cusub ee ilaallada ay kaalin wayn ka ciyaari doonaan in howlgallo militari oo hufan laga fuliyo dalka.
"Waxaan halkan u joogna kaliya ma aha in aan xaqiijinno amniga ciidamadeenna (askarta AMISOM) balse sidoo kale in aan xoojinno cadaadiska aan ku hayno argagixsada si ay shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolol fiican. Waxaa la joogaa xilligii si wadajir ah loo wada shaqeyn lahaa. Waxaa aan u baahannahay in aan dhammaan si wadajir ah u wada-shaqeyno si aan u xoojinno cadaadiska aan ku hayno," ayuu raaciyay.
Mas'uulka matalayay dowladda Mareykanka ayaa ku baaqay in la sii wado iskaashiga ku aaddan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isla markana la taageerro ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si loo kobciyo kartidooda si ay uga adkaadaan argagixisada ayna dalka ka dhigaan mid ammaan ah.
"Waa qayb muhiim ah," ayuu yiri Mudane Dale. "Soomaalida waxaa ay rabaan in ay maal-geliyaan amnigooda si ay barwaaqo u gaaraan, anaguna waxaa aan halkan u joognaa in aan arrintaasi suurtagelinno."
Ugu dambeyn, Xafladda waxaa sidoo kale ka qayb-galay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Owoyesigire; Ku Xigeenka Taliska Ciidamada Isku Dhafan ee Geeska Afrika (CITF-HOA) ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto Miguel Castellanos, iyo Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM, Christine Alalo, iyo kuwo kale.PUNTLAND POST
The post Dowladda Mareykanka oo DF iyo AMISOM ugu Deeqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyre oo loo ganaaxay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in mid kamid ah Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre lagu ganaaxay qashin lagu arkay gurigiisa hortiisa.
Sida ay sheegtay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho Dowladda Hoose ee Xamar ay Ganaax lacageed ku ganaaxsaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur kadib markii Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin buuxa oo laga rabay inuu ka qaado.
Sida ay Sheegtay Dalsan Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah kadib markii sida la sheegay Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin.
Wararka ayaa intaas kusii darayo inuu Wasiirka bixiyey lacagtii lagu ganaaxay isla markaasna uu u hoggaansamay amarka Dowladda Hoose.
Waa markii ugu horeysay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre lacag lagu Ganaaxi isla markaana uu bixiyo,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili ay weli jiraan Wasiiro kale oo u baahan in la dabagalo.
Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa qashin iyo wasaq aad u badan welina Magaalada kama hirgelin sharci xakameynayo qashinka iyo ganaaxyo shaqeeyo oo la dul dhigay dadka leh Guryaha qashinka hor yaalaan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxa Shirkada DP World”Jabuutiyaanka anagaa ka...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa meel xun sii gaarayo Khilaafka u dhaxeeyo dowladda Jabuuti iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee loo yaqaan Dp World kadib markii laga joojiyey mashaariicdii ay ka wadeen dalka Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan shirkadaas ka joojiyey heshiiskii lagula jiray ee Dekadda Jabuuti, waxaana lagu wareejiyey shirkad kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha.
Haddaba Ninka ugu sareeyo Shirkadda Dp World oo lagu magacaabo Sultan Axmed Bin Salim ayaa sheegay hadal si weyn loola yaabay.
Wuxuu sheegay inay iyaga Jabuuti ka dhigeyn bini'aadam balse ay sidoodii hore ku celin doonaan
"Jabuuti waxaan ka dhignay Bashar (Bini'aadam) balse waxaan ku celin doonaa sidii ay beri ahaayeen" ayuu yiri.
Hadalkaas ayaa u muuqdo inuu yahay mid hanjabaad ah, waxaana soo baxay warar kala duwan oo ku aadan sababta looga ceyriyey dalka Jabuuti.
Telefishinka caanka ah ee Al-Jazeera oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa sababta ka dambeyso arrintaas ku sheegay inay tahay kadib markii DP World ay kasoo bixi weysay heshiisyadii lala galay iyo sidoo kale ballan qaadyo ay sameeyeen markii heshiiskaas loo saxiixayey.
Suldaan Axmed Bin Salim Madaxii Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World ayaa laga soo xigtay hadal u muuqday mid jees jeesa ah kaas oo ahaa in iyagu ay Jabuuti dad ay ka dhigeen bale ay haatan meeshoodii hore ay ku celin doonaan.
Dowladda Jabuuti ayaa heshiisyo caalami ah la gashay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxayna dooneysaa in ka faa'ideyso Malaayiin Dollar oo ay dowladda Shiinaha sheegtay inay ku maalgelineyso dowladaha Africa.
Shirkadda DP World ayaa qalalaaso siyaasadeed ka horisay dalka Soomaaliya iyadoo heshiisyo aysan dowladda Soomaaliya ka warqabin kula wareegtay Dekadda ku yaal Soomaaliya, waxayna wadddaa olole ballaaran oo ay ku qabsaneyso Dakadaha ugu muhiimsan ee ku yaalo dalalka Africa.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Kenya: Maxkamado Laaley Natiijada Doorashooyinka Xildhibaanno

$
0
0

Maxkamadaha sare ee dalka Kenya ayaa baabi'iyey kuraasta qaar ka mid ah xildhibaannadda Kenya ee doorashadii dhawaan loo soo doortay ka dib markii musharrixiintii kale ee la tartamayay ay dacwado ka gudbiyeen, kuwaas oo sheegey in aysan doorashada si xalaal ah u dhicin.

Biyo Yaraan ka Jirta Kulbiyow

$
0
0

Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda Hoose, ayaa laga soo sheegaya biyo la'aan saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi.
Guddoomiyaha Kulbiyow Maxamed Sheekh Muxumed ayaa la soo xiriiray VOA, Ibrahim Xasan Dandurey ayaana ugu horeyn weydiiyay sabata uu idaacadda ula soo xiriiray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:28 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live