Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Boosaaso: Goobaha Lagu Dhaqdo Geela oo Soo Badanaya

$
0
0

Muddooyinkan danbe, waxa ku soo kordhayay deegaannada Puntland goobaha lagu dhaqo xoolaha, gaar ahaan geela, kuwaasi oo caanahooda loo iib geeyo magaalooyinka.


Eng. Yariisow oo xariga ka jaray xarumo cusub 

$
0
0


Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee Gobolka Benaadir.
Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yarisow ayaa sheegay in xarumahan cuusb oo maamulku hirgaliyey ay bilow u yihiin daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo xaqiijiyey in Maamulka Gobolka uu xooga saarayo sidii dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir ay degmooyinkooda uga heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka gobolka.
"waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha howsha qaban doona in ay bulshada ugu adeegaan si hufan iyo in loo fududeeyo dadweynaha adeegyada ay xafiisyadan uga baahan yihiin, iyada oo sharafatooda la dhowrayo, waxaana ka maamul ahaan diyaar u nahay in aan dhammaan adeegyada asaasiga ah sidaan oo kale bulshada usoo gaarsiinno." Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.
Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha labada degmo ayaa goob joog ka ahaa furitaanka xarumahan.
Dadka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabadan Maamulka Banaadir uu qaaday maadaama ay markii hore adeegyada maanta degmooyinkooda loogu geeyey ay usoo aadi jireen Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.
storvideo: 

Faah faahin: Madaafiic ku soo dhacday Muqdisho  

$
0
0


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Tiro Hoobiyeyaal ah oo duhurnimadan maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Hoobiye-yaashan oo aan weli la garanayn halka laga soo tuuray, ayaan sidoo kale la aqoon halka uu bartilmaameydkoodu ahaa, iyada oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ku dhowaad ilaa Lix Hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen xaafadaha Baar-ayaan, Cali-kamiin iyo aagga Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho.
Waxaa la sheegay in Madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, khasaaraha ugu badan ayaa Madaafiicdan waxa ay u geysteen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taalla demada Warta-nabadda.
Saraakiisha gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay inoo sheegeen in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan Gaadiidkooda, waxayna soo qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Madaafiicdaasi.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiicdan ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Lix qof oo kale, kuwaasi oo isugu jira rag iyo Dumar.
Maamulka degmada Warta-nabadda iyo Hay'adaha ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta ay ku soo dhaceen Madaafiicda, waxayna wadaan baaritaanada la xiriira falkan iyo halka loo maleynayo in laga soo tuuray Hoobiyeyaasha.
storvideo: 

Gaas oo Maamul KMG ah u magacaabay Boosaaso

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kumeel gaar ah u magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa ka soo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ee kumeel gaarka ah ee Degmada Boosaaso Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

  1. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku - Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
storvideo: 

Kenya: Maxkamado Laaley Natiijada Doorashooyinka...

$
0
0

Maxkamadaha sare ee dalka Kenya ayaa baabi'iyey kuraasta qaar ka mid ah xildhibaannadda Kenya ee doorashadii dhawaan loo soo doortay ka dib markii musharrixiintii kale ee la tartamayay ay dacwado ka gudbiyeen, kuwaas oo sheegey in aysan doorashada si xalaal ah u dhicin.
Maanta oo kaliya laba mudane oo la soo doortay ayaa kuraastii ay ku fadhiyeen ayay maxkamado sheegeen inay yihiin sharci darro.
Yaasiin Ciise Wardhere, ayaa warbixintan Nayroobi ka soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:11 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dowladda oo ka hadashay Ismiidaaminta ka dhacday...

$
0
0


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ismiidaamin duhurnimadii maanta ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Barta Kontorool ee degaanka Siinka-dheer, sida ay inoo sheegeen Hay'adaha ammaanka Dowladda Federaalka.
Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynayay gaarigaasi la joojiyay.
Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonayay inuu la soo galo Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa dadka degaanka waxa ay ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab, halka Afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxayna tilmaameen in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 20 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Gaarigan inuu ku soo socday Muqdisho, nuuciisana uu ahaa PREMIO.
Wuxuu sheegay C/casiis (Xildhibaan) in Shabaab aysan qaraxaasi ku dilin 20 Askari, keliyana ay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ahna uu ahaa Askari , tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.
Koontaroolka Siinka dheer oo gaadiidka Muqdisho soo galaya ay soo maraan ayaa si adag waxaa loogu baaraa gaadiidka, waxaana ciidanka NISA ay xoojiyeen feejignaanta dhanka baarista ah ee gaadiidka ay ku hayaan.
storvideo: 

Boosaaso: Goobaha Lagu Dhaqdo Geela oo Soo Badanaya

$
0
0

Muddooyinkan danbe, waxa ku soo kordhayay deegaannada Puntland goobaha lagu dhaqo xoolaha, gaar ahaan geela, kuwaasi oo caanahooda loo iib geeyo magaalooyinka.
Dadka xoolahan dhaqda ayaa aalaaba xerooyin ka sameeya goobo aan ka fogayn magaalooyinka ay caanaha geeyaan, halka xiliyadii hore lagu dhiqi jiray dhulka baaddiyaha ah.
Wariyaha VOA ee Boosaaso Yusuf Maxamuud Yusuf ayaa booqday goob geela lagu dhaqo, warbixintan ayuuna ka soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:23 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Madaafiic Hoobiyayaal ah iyo qarax ismiidaamin ah...

$
0
0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Hoobiyaal ah oo ku dhacay Xaafadaha Isgoyska Baar Ayaan oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta-Nabada ee Magaalada Muqdisho.
Hoobiyayaashaan oo gaarayay ilaa lix ayaa waxa ay ku dhaceyn maqaaxiyo ku yaalla Isgoyska Baar Aayaan oo ay dad Shacab ah ku sugnayeen iyo meelo jidcadaal ah oo aysan cidna joogin,waxana la soo sheegayaa in ay khasaaro geysteen.
Goobta ay hoobiyaasha ku soo dhaceyn ee Isgoyska Baar Ayaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo Caruur oo badan balse aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay hoobiyayaashaas.
Sidoo kale waxa uu soo sheegay in Caruurta dhaawacantay saddex ka mid ah dhaawacooda uu culus yahay kuwaas oo loola cararay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Isgoyska Baar Ayaan ay haatan tahay mid caadi ah oo sideedii hore ku soo laabatay isla markaana ay dib uga laabteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo markii hore Goobta tegay.
Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka-dheer ee duleedka muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay qarax ismiidaamin ah.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga uu ku qarxay Koontoroolka ay Ciidamada dowladda Gawaarida soo galeysa Muqdisho ku baaraan ee Siinka-dheer.
Waxaa la sheegay in Gaariga oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa.
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa haatan Goobta gaaray,waxana la xiray dhaq dhaqaaqii Gawaarida iyo dadweynaha ee koontoroolka Siinka-dheer.
Share this:
Related
storvideo: 


Somali government “agreement with DP World is...

$
0
0

It has come to the Ministry of Ports and Marine Transport's attention an alleged investment agreement between DP World, the state of Somaliland and the Federal Republic of Ethiopia regarding the port of Berbera, in which DP world would hold 51% stake where Ethiopia would acquire 19%. The Ministry, as a representative of the Federal [...]
storvideo: 

Shan Askari Oo lagu dilay Weerar Lagu Qaaday Mandera

$
0
0

(Toggaherer)-Shan Askari Oo lagu dilay Weerar Lagu Qaaday Mandera.
Koox hubeysan ayaa xalay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidammo katirsan booliska dalka Kenya, kuwaa oo ku sugnaa tuulada Fino ee Mandera.
Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee xalay ayaa lagu dilay shan kamid ah ciidammada booliska ee halkaasi, waxaana sidookale weerarka lagu dhaawacay saddex kale oo katirsan isla booliska Fino.
Eric oronye oo ah guddomiye ku xigeenka ammaanka ee deegaanka Lafey oo aan sidaasi uga fogeyn Tuulada uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay jareen anteenadii isgaarsiinta ee tuulada Fino, waxaana uu intaa ku daray in isgaarsiinta la jaray ay keentay in booliska Mandera aysan ka warhelin weerarka.
Mr Oronye ayaa sidoo kale sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay ka badnaayeen konton qof, kuwaa oo lugeenayay.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse ururka Alshabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro uga geystay deegaano hoostaga Mandera, waxaana kamid ah weeraradii dhowr sano kahor lagu qaaday shaqaale ka shaqeynayay goob laga qodo dhagaxa iyo macallimiin wax ka dhigayay Mandera.
Weerarkan ayaa imanaya laba toddobaad un kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen macallimiin wax ka dhigayay deegaanka Qarsaa ee katirsan Wajeer, halkaa oo lagu dilay saddex macallin oo wax ka dhigayay iskoolkaasi, kuwaa oo kasoo jeeda qeybaha kale ee dalka Kenya, waxaana sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay hal macallin oo kale.
storvideo: 

War Deg Deg ah:-Al Shabaab oo la wareegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

$
0
0

Balcad ( Sh.M.Network):-Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya In dagaalamayaasha Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaas
Wararka ayaa sheegaya in dagaal fool ka fool ah iyo qaraxyo ay ka dhaceen halkaasi.
Ma jiro wax war ah oo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee ka tirsan Hirshabelle iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Balcad ay ka soo saareen weerarkaasi Al Shabaab ay kula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
The post War Deg Deg ah:-Al Shabaab oo la wareegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. appeared first on Shabelle.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia oo qarax xoogan lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

$
0
0

Afgooye ( Sh.M.Network):-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Soomaaliyeed ee ay taba bareen Imaaraatka Carabta oo iyagu ka howlgala gudaha dalka ayaa waxaa Qarax xoogan lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Qaraxa ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay xigtay israsaaseyn toos ah walow aan si rasmi ah loo xaqiijin israsaaseyntaasi.
Ma cadda Khasaaraha Qaraxaasi oo si weyn looga maqlay Xaafadaha degmadaasi Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Wixii ku soo kordha kala soco radioshabelle.com
The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia oo qarax xoogan lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. appeared first on Shabelle.

War Deg Deg ah:-Al Shabaab oo la wareegay degmada...

$
0
0

Balcad ( Sh.M.Network):-Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya In dagaalamayaasha Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaas
Wararka ayaa sheegaya in dagaal fool ka fool ah iyo qaraxyo ay ka dhaceen halkaasi.
Ma jiro wax war ah oo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee ka tirsan Hirshabelle iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Balcad ay ka soo saareen weerarkaasi Al Shabaab ay kula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
storvideo: 

Ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia oo qarax xoogan...

$
0
0

Afgooye ( Sh.M.Network):-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Soomaaliyeed ee ay taba bareen Imaaraatka Carabta oo iyagu ka howlgala gudaha dalka ayaa waxaa Qarax xoogan lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Qaraxa ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay xigtay israsaaseyn toos ah walow aan si rasmi ah loo xaqiijin israsaaseyntaasi.
Ma cadda Khasaaraha Qaraxaasi oo si weyn looga maqlay Xaafadaha degmadaasi Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Wixii ku soo kordha kala soco radioshabelle.com
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeedsatay heshiiska dekada Berbera

$
0
0

Heshiiskan waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.


Dowladda Soomaaliya oo kasoo horjeedsatay heshiiska...

$
0
0

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsanayn heshiiskii dhexmaray shirkadda DP World ee Imaaraatka iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga ee Somaliland.
Heshiiskan oo sidoo kale ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda DP World ay maamulayso dekeda Berbera, iyada oo leh saami dhan 51%, halka Somaliland ay yeelanayso boqolkiiba 30%, Itoobiyana 19%.

  • Imaaraadka oo saldhig ciidan ka dhisanaya Berbera
  • Shirkadda DP World ee Imaaraadka oo la wareegtay dekadda Berbera

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
War saxaafadeedka dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in aanan lagu wargalinin heshiiska, islamarkaasna uu hareer marsanyahay habraaca loo maro heshiisyada, kana hor imanayo midnimada Soomaaliya.
Heshiisyada DP World
Shirkadda DP World oo maamusha dekeda weyn ee Dubai ayaa muddo sanad ah wadahadalo kula jirtay Somaliland, horay ayaana la'isugu afgartay in uu dhaqangalo heshiiska.
Hase yeeshee lama sixiixin wixii shalay ka horeeyay, sababtana laga yaabaa in ay tahay doorashadii madaxweynenimo ee ay Somaliland ka dhacday, taas oo mid ka mid ah musharixiinta ugu cadcadaa uu ka hor yimid heshiiska, islamarkaasna aanan la hubin haddii uu xilka qabto in uu joojin lahaa iyo kale.
Heshiiska waxaa wada saxiixday Somaliland, DP World iyo dowladda Itoobiya oo la sheegay in saamigeeda ay ka iibsatay shirkadda Imaaraatka.
Inkasta oo uu heshiiskan muran badan ka dhex dhaliyay gudaha Somaliland, haddane waxaa markii dambe ansixiyay Aqalka Wakiilada Somaliland.
Balse sida ay sheegayso wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya "Dowladda federaalka waxay soo dhaweynaydaa cid walba oo dooneysa in ay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya'daha dastuuriga ee dalka oo kaliya, sida xukuumada federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go'aan ka gaarista iyo ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah".
DP World waxa ay horay heshiis ula gashay dowlad goboleedka Puntland, in ay maamusho dekeda Boosaaso, mana jirto wax hadal ah oo ay dowladda federaalka iyo baarlamaanka federaalkaba ka dhaheen arrintaas.
Inkasta oo aysan kala caddeyn xiriirka ka dhaxeeya, haddane dowladda Jabuuti ayaa dhawaan joojisay heshiis ay horay ula gashay shirkaddan Imaaraatka laga leeyahay oo ku saabsanaa dekeda Jabuuti.
Heshiiska Berbera ayaa kusoo beegmaya xili maalmahan uu magaalada Dubai ku sugnaa Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
storvideo: 

balcad dagaal ka dhacay oo lagu gubay guryo iyo...

$
0
0

Wararka ka imaanaya dagmada bacad ayaa shegayo in uu haatan dagaal culusi ku dhaxmarayo ciidamada dowlada oo gacan milatari ka helayo kuwa midowga Africa ee amisom iyeo alshabaab oo weeraray halkaa
Dagalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare nafeyd iyo mid maaliyadeed waxaana jirta in gaadiid dagaal iyo guryo lagu gubay intii uu dagaalku socday
Qeyladaan ay dirsadeen maamulka dowlada ee dagmada balcad ayaa waxaa gurmad ciidan ay weydiisteen ka jawaabay madaxwene ku xigeenka maamulka hirshabelle cali guudlaawe iyo gudoomiyaha gobolka sh/dhaxe axmed meyre makaraan oo diray hub ciidan iyo saanad military.
dadka deegaanka ayaa sheegay in ay guryaha ku dhaxjiraan ayna arkayaan ciidamada alshabaab oo wadooyinka socda waxaana jira guryo iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidmada amisom in dab ay qabadsiiyeen
Dagaalka ayaa waxaa dhinac socdo biyo la.aan ka taagan deeganka u wabigu maro
Dagaalka oo socda darted weli lagama haayo faahfaahin intaa ka badan
Share this:
Related
storvideo: 

Shirar looga hadlayo Isku dhafka Maamulka Galmudug iyo Maamulkii Gobollada dhexe ee bur buray oo ka soconaya Dhuusamareeb.

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network):-Masuuliyiinta Maamulka Galmudug  ayaa wada shirar looga arrinsanayo isku dhafka Maamulkaasi iyo maamulkii hore ee Gobollada dhexe oo heshiis ay wada gaareen.
Shirarkaan ayaa waxa ay ka soconayaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ,waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf
Madaxa  Xukuumadda Galmudug  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay shirarkaan socda ayaa soo dhaweeyay islamarkaana sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay.
Galmudug ayaa iminka waxaa ka muuqanaya Yididiilo ku aadan midnimo marka loo eego heshiisyadii ay wad gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca oo ay qeyb ka ahayd Midoobidooda.
The post Shirar looga hadlayo Isku dhafka Maamulka Galmudug iyo Maamulkii Gobollada dhexe ee bur buray oo ka soconaya Dhuusamareeb. appeared first on Shabelle.

Sawirro: Qabowga faraha ba'an ku haya Ingiriiska oo sii xoogeysanaya

$
0
0

Qabowga faraha ba'an ku haya Ingiriiska oo sii xoogeysanaya

Sawirro: Qabowga faraha ba'an ku haya...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Qabowga faraha ba'an ku haya Ingiriiska oo sii xoogeysanaya
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live