Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tobanaan qof oo ku dhimatay rabashado ka dhacay Kongo

$
0
0

In ka badan 33 qof ayaa lagu dilay dagaal cusub oo ka qarxay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Kongo oo u dhexeeya qowmiyadaha Hema iyo Lendu oo wada dega gobolka waqooyi bari ku yaalla ee Ituri.
Warbaahin ay maalgaliso Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda weeraka soo qaadday ay dib u riixeen ciidamada nabad ilaalinta.
In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay qalalaasa ka taaganaa gobolka tan iyo bishii Decembar.
Dagaalka u dhexeeya qabaa'illada Hema iyo Lendu ayaa ka qeyb ah colaadaha ka taagan dalkaasi oo sababay in dad badan oo ree Kongo ah ay barakacaan.
Kumanaan lagu dilay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
Gobolka Ituri oo kaliya ayaa waxaa qiyaas ahaan guryohooda ka barakacay 200,000 oo qof.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaalbisan carrurta ee Unicef ayaa sheegeysa in in ka badan 46,000 oo carruur ah, uu saameeyay dagaalka.
storvideo: 


Salaamu Laahi Sanbaloolshe “Danyar iyo Dacasley...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
"Taliye Tikidkaan waa kuu ku dhoofayaa ee Fadlan safarka ha iga baajin ee i siidaa" sidaa waxaa ku Cataabey Hooyo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay Dhoofto oo saakey Taagneyd Agagaarka isbitaal Banaadir ka dib markii ay ku timid Wadada oo Xiran hadaba maxaa loogu jawaabey.
" Islaan yahay Tikidka inta Jeex Jeexdid oo biya ku darsatid Liq oo Caloosha geey " inta gaarigii ka deg degtey iyada iyo Boorsadii ay wadatey ayey Lugta Furtey Boorshadiina Dhabarka u riday waxayna Habaar ku Tuurtey Ciidankii sidaan u galey.
Waxaa iyana Goobta soo istaagey Hooyo Xaamilo ah oo uu muuqdo Uurkeeda waxay damacdey in ay Gudubto si ay u gaarto Isbitaalkii ay u socotey hadaba maxaa loogu jawaabey iyadana " Hooyo Amar uma qabo in aan ku sii daayo ee iska lugeey" Markiiba inta la garab galey ayey loo dhaqaajiyey Isbitaalkii ay u socotey waxayna Tiri "Danyar iyo Dacasley Allaa u maqan" waayo qofkii Gaari Bullet-Proof wata waa la sii deynayaa.
Waxaan soo xasuustey Qisadii Xujaaj Bin Yusuf oo dadka aad u dhibi jirey , maalinkii uu dhintey ayaa Waxaa Xukunkii qabsadey Wiilkiisa , dadka waxay islahaayeen waa ka reysan doontaan hase yeeshee maxaa Dhacay,Wiilkii Aabhii waa uu ka Darnaadey waxayna Dadkii yiraahdeen " Salaamulaahi Xujaaj" Sow Sheekada uma eka "Salaamulaahi Sanbaloolshe" Dadka waxay filayey in uu isbedel la yimaadaan Taliyayaasha magacaabey ee Nabad Sugid iyo Boolis " Ka Daroo Dibi Dhal" hase yeeshee sow ma aha mid Bulshada looga sii darey.
Dadka qaar ayaa waxay leeyiin arintaan Jidadka Xiran in ay tahay mid lagu Xumeynayo Madaxda Qaran waayo muddo Sadex Maalin ah ayaa Jidadka Xiran yihiin weliba iyadoo Xiligu Kuleyl yahay. W/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.ukTel 00252615532494A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: Dadweyne ka bannaanbaxay Dhul ay lahaayeen oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Dadweyne Soomaaliyeed oo u badan maati ayaa bannaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyadoo ka cabanaya dhul ay sharci ahaan u leeyihiin oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu la wareegay, kana dhigay dhul milateri.
Dadkan oo uu ka dhex muuqdeen Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed ayaa Guddoomiyaha G/banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan ku eedeeyay in dhul ay sharci u heystaan uu sheegay inuu kala wareegay isagoo aan haba yaraatee kala tashan, markii ay xafiiska ugu tageenna uu diiday inuu qaabilo.
Wuxuu ku eedeeyey inuu Guddoomiyaha u adeegsaday awood isla markaasna uu u geystay boob Sharc darro taasiina aysan aheyn dowladnimada.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

AU human rights delegation concludes assessment mission in Somalia

$
0
0

A high-level human rights delegation from the African Union Commission has concluded a four-day visit to Somalia to assess the compliance of the African Union Mission with international human rights and humanitarian law as well as conduct and discipline standards.
Led by Dr. Solomon Ayele Dersso, Commissioner of the African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR), the three-member delegation comprised two officers from Peace Support Operations Division (PSOD).
During the visit, the team held a series of meetings with the top leadership of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the various relevant structures of the Mission and key AMISOM partners.
The discussions focused on best practices and lessons learned in relation to AMISOM’s experience with respect to compliance with international human rights and humanitarian law as well as accepted international norms of conduct and discipline.
The assessment also addressed all aspects of compliance, from preventive measures, monitoring and reporting on human rights situations and violations, to ways that AMISOM and the African Union Commission have been responding to allegations of violations.
The exercise is part of the African Union Commission’s plan to enhance its compliance framework and aligns it with the operationalization of the Peace Fund, wider reform of the Union and United Nations Security Council Resolution 2320, which focuses on cost sharing and enhanced cooperation between the UN and the AU.
The post AU human rights delegation concludes assessment mission in Somalia appeared first on Shabelle.

Faahfaahin ku saabsan dagaal Muqdisho ku dhex maray...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa ku dhintay iska hor imaad ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Saraakiisha ammaanka Degmada Dharkiinley, ayaa xaqiijiyay geerida Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Mingiste, waxayna ka dambeysay geeridiisa arrimo ku aadan isqabsi dhuleed.
Iyadoo uu taagan yahay muran guri ku yaallo Degmada Dharkiinley, gaar ahaan dhanka Xaafada Kaawo Godey, ayaa Sarkaalkaan oo watay ciidamo wuxuu tagay guriga muranka uu ka taagnaa, iyadoo halkaasi ay joogeen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.
Labada ciidan ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran, kadibna taasi ay sababtay in iska hor imaad dhexmaray labada ciidan, iyadoo ugu dambeyn halkaasi uu ku dhintay Sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidamada Militariga.
Sarkaalka dhintay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Militariga ee ku sugan Warshada Nacnaca.
Maamulka Degmada Dharkiinley ayaanan wali ka hadlin iska hor imaadkaan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan Dowladda.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Al Shabaab attack could be a revenge mission, says Kenyan official

$
0
0

The Fino attack in Mandera county where four AP police officers and police reservists were killed by al Shabaab militants could have been a revenge mission, regional county commissioner Mohamud Saleh has said.
During the Friday 2 am incident, about 50 heavily armed militants attacked the two camps on the border town of Fino, Lafey sub-county, before retreating to Somalia, five kilometers away.
Those killed include four APs and a national police reservist. The confrontation lasted three hours.
One AP officer, a national police reservist, and local sustained minor injuries.
A Safaricom mast was destroyed when the militants threw a hand grenade at it to interrupt communication.
Saleh said 40 al Shabaab militants and two of their senior commanders were killed on Tuesday during a KDF and Amisom operation in Fafadun, Gedo region, Somalia.
Troops ran over the militants’ camp. “We suspect these ragtag militants were on a revenge mission following the heavy casualties they suffered at the hands of our troops,” Saleh said.
“We have accounted for all our officers at the two camps of AP and regular police. We are pursuing the militants, some of whom sustained injuries following the heavy exchange of gunfire.”
Saleh said the militants do not deserve free publicity because “that is what they yearn”.
The post Al Shabaab attack could be a revenge mission, says Kenyan official appeared first on Shabelle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay ardayda iyo...

$
0
0

Munaasabad si heer sara loo agaasimay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad kula hadlayay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diblomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan, [...]
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle


    Caduur Dhaw-dhawdu uma dhacsana..Q.2aad

$
0
0

Qormadii hore waxa aan ku iftiimiyay marnaba israacii Jamhuuriyada Somaliland iyo Somali-italy aanu sharciyan qabsoomin. Maantana waxan soo qaadan doonaa dhawr arimood oo cadaynayaa 2daa dal inaanay kolna shariyan ku midoobin ee dhinaca Somali-italy mar walba jihada ay doonto siyaasa u jeedinaysay.Waxaa jiray wax lagu magacaabay (Act of Union).Kaas oo la diyaariyay 27 june 1960. Kana qodobkiisa 1aad,a waxa ku cad 2ba dal (The State of Somaliland and the state of Somalia) inay ku midoobeen,magacana la yidhaa Somali Republic. Halkan markaynu dhuuxno waxa xaqiiqo ah:
1.Waqtigaa 27 june 1960 waxa jiray uun dal la yidhaa Jamhuuriyada
Somaliland.
2.Somali-italy waqtigaa xornimadooda may qaadan,hadana waxa ku
qoran Act of union-ka inay ahaayeen State of Somalia.
Kanina (Act of Union) waxa ku cad inaanu sharci ahayn maadaama israacii uu kaba horeeyay,dhinaca kalena xornimadoodii aanay qaadan waqtigaa 27 June 1960.
Weli waxaan ku dhex jiraa cadaynta 2daa dal israacoodu inaanu marnaba sharci noqonin.Bal hada aftidii laga qaaday shacabkana ila eega.Dastuurkii ka koobnaa 105 qodob ee laga qarsaday berigaa dhinaca Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxay qabsoontay 24 June 1961.Codkii ka soo baxay shacabka jamhuuriyada Somaliland ee diiday waxuu ahaa 54.3%. Halkaana waxa ku cad israacu muu ahayn sharci.
Dhinaca garsoorka iyo maxkamadaha hadaan soo qaato,iyadoo 2da dhinacba isku noqdeen Jamhuuriyada Somaliyeed ayaa hadana jamhuuriyada Somaliland waxay adeegsan jirtay Indian Penal Code of 1860 israacii ilaa 1964,maxkamada-huna waxay hoos tagi jireen maxkamda Kenya oo ay isku nidaam ahaayeen,dhinaca Somaliya-na waxay adeegsan jirtay Italian Penal Code of 1930 ilaa 1964. Markaana Somali-italy waxay daaqada ka tuurtay IP Code-kii ay JSL ku dhaqmaysay,Waxaana la qaatay Italian Penal Code waxaanu Adan Cade saxeexay 16 December 1962 balse waxuu dhaqan galay April 3 1964. Tana waxa ku cad israacii inaanu sharci ahayn mar hadii la kala lahaa 2ba garsoor oo midi hoos tago Kenya ilaa 3 April 1964.
Caduur dhaw-dhawdu uma dhacsana.
La Soco qaybta danbe....
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
4026100
storvideo: 

Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Horumarinta...

$
0
0

AQoon-yahan Yuusuf Mohamed Cabdi waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqooon yahanka ah ee qaranka Somaliland leeyahay,waa dhalin-yaradii la jaan qaaday dib u dhiskii qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waa masuul ku bar baaray u shaqaynta qarankiisa waxaanu 20 sanno ee u danbeeyay Ka soo shaqaynay Wasaaradda Maaliyada Somaliland,waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay shaqadda wasiirnimo ee dhawaan madax-wayne Muuse biixi u magacaabay.Haddaba aan dib u Millic sano Sooyaal taariikheedkii Wasiirka Cusub ee Wasaarrada Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyada Soomliland innaga oo ka eegi Doona Dhinaca
Shakhsiyada Wasiirka Cusub,dhinaca Wax-barasho,Waay-aragnimo,dhinaca ,Heerarkiisii Shaqo.Ballan qaadyadiisii U horreeyay iyo siduu u ballan qaaday inuu Qaban doono Horumarka Loo Jeellan yahay.
Shakhsiyadiisa.
Intaan ka aqaan waa shakhsi ku xidhnaanshaha Alle aad ugu xidhan waa shakhsi cibaado badan,oo goobaha cibaadada lagu arko ,waa shakhsi leh aqoon Diimeed oo dhamaystiran. waa nin codkara ,hadal yaqaana ,aqoonyahana,ixtiraama qaderiyana bulshadiisa qaybaheeda kala duwan haday noqoto oday dhaqameedada,dhalinyaro haween,waa shakhsi dareema dadka danyarta ah ,waa shakhsi u tudha bulshadiisa kuna takrifalin awoodiisa,waa shakhsi ay jecelyihiin shaqaalihiisu iyo qaybaha kala duwan .
Heerarkiisa Wax barasho.
Aqoonayahan Yuusuf Mohamed Cabdi waxa uu kamid ahaa dhalin-yaradii ugu firfircoonayd dhinaca wax-barashada aqtiyadii dugsiyada hoose/dhex illa heer Jaamacadeed,Waxa kamid ahaa lodkii u horreyay ee ka qallin jabiyay Jaamacadda Hargeisa isagoo First Degree giisii kowaad ku qaata
u kulliyada dhaqaalaha iyo maamulka ( Faculty of Economic and Management Sciences)
sidoo kale waxa uu diyaariyay laba shahaado oo Master program ah waxayna kala a yihiin
(Master of Public Administration ) oo uu ka diyaariyad jaamcada Ethoipan Civil Sercvice Universty,
u sidoo kale waxa uu shaadada master ka mar labaad ka diyaariyay Jamacada Villanova University oo ku taal wadanka maraykanka waxaanu ku qaatay shahaadada labaad ee master ka ah (Master of Public Financial Management ).
u Haddana waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyaddu wadaa master kale oo online oo uu ka diyaarinayo Master of International Trade (MIT) jaamacad ku taal wadanka Tazaniya laguna magacaabo Topeka University.
Heerarkiisa-Shaqo.
Heerarkiisa shaqo waxa uu wasiir Yuusuf waqtigiisa ugu badnaa ku soo qaatay wasaaradda uu hadda wasiirka ka yahay waxaanu ku soo biiray 1996 xilligaas oo uu ahaa arday ku jira dugsiga Hoose/Dhexe,waxaana shaqadda qoray Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleban Maxmauud Aaden.Waxa uu shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka soo bilaabay
u Waxa uu Shaqada wasaarada ka soo Billabay Karaani,
u Muddo ka dib waxa uu noqday sarkaal,
u waxa uu noqday madax qaybeed,
u waxa uu noqday xafiiska kastamka
u isagoo ka noqday office management,
u waxa uu noqday maamule,
u maantana waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
Wasiir yuusuf waxa uu sidoo kale kale ka soo shaqyay Hay,addo kala duwan oo Wasaaradda Maaliyadda kala soo shaqeyay dhinaca Horumarinta kuwaasi oo kala ahaa
Adam Smith International Ltd Company
The Department for International Development (DFID).
Sidoo kale waxa uu gudoomiye ka yahay Hay adda Dimuqraadiyda Geeska sidoo kale waxa uu ahaa La taliyaha waaxda miisaanniyada ee Golaha Barlamaanka.
Waayo-aragnimadiisa.
Aqoon yahan Yuusuf, waaa aqoon yahan Soomaaliland, haystana shahaaddoyin heerka sare ee Master ta ah, waana khabiir waayo aragnimo fog uleh arimaha Horumarinta Maaliyada,dhinaca xisaabadka,dakhli soo saarka,Maamulka iyo maaraynt waxaanu ka soo shaqeeyay qaybo badan oo wasaaradda Maaliyadda ah.Waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee wasaaradda Maaliyaddu u shaqayso.Waana sababta uu Madaxweyne Muuse Biixi usoo xushay shakhsi xul ah oo ka Bixi kara Caqabadaha faraha badan eek u Gadaaman Wasaaradda Maaliyadda.
Guntii iyo gababgadii Wasiir yuusuf ayaa waxa uu kamid yahay dhalinyarada sida qorraxda uga dhex ifaya golaha wasiiradda ee xukuumada Muuse sidoo kale waxa uu kamid yahay Wasiirada sida wayn shacabku ugu dhegtaagayo dhaqdhaqaaqooda,waxaana shacbi waynaha Somaliland rajo wayn ka qabaan inuu horumar ballaadhan ka sameeyo dhinaca shaqo-abuurka dhalinyarada,Horumarinta Maaliyadda,la daggaalanka musuq-masuqa,cidhib tirka sixir bararka xadhka goostay.Waxaaanu inta badan Hadalkiisa ka dhex muuqda inuu diyaar u yahay inuu xiddidada u siibo,musuq-maasuqa,sixir bararka.
"Sarraynta shacriga""Hadal yar iyo Hawl badan"
Abdi Ahmd
Hargeisa Somalland
storvideo: 

3rd March

$
0
0

3rd March 2018 admin Category :

  • Uncategorized

Dhaqanka Siyaasiyiinta Isaaq ee maanta waxa halkaa soo gaarsiiyey waa jawaab la'aantii hore oo aan marna loo jawaabin.
Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, siyaasiyiinta beesha Isaaq waxay horay u yiraahdeen in dadka koonfurta Soomaliya ka imanaya oo uga qayb gelaya wada hadalada ayana ku jirin qof ka soo jeeda gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ka soo jeeda Beelaha Harti. Dawladdihii hore ee federaalka Soomaaliya waa ka yeeleen.
Dhanka Somaliland dadka uga qayb gelaya wada hadalada waa wada Isaaq, hogaamiyahooduna mar walba waa Isaaq. Iyaga marna lama waydiin sidan ay arintani ku dhacday. Waa laga aamusnaa.
Shirarkii Turki lagu qabnayey qodobkan ayeey ku soo dareen sanadkii 2014
6- Labad dhinac waxay isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka
Maanta Siyaasiyiinta biisha Isaaq, waxay leeyihiin Wada hadaladeena Turkiga
3. Inaan la Siyaasaddayn deeqaha Bani'aadanimo iyo Mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiiri galiyo
Post navigation
- Wafdi uu hogaaminayo Khayre oo u amba baxay Mareykanka Ayax teg Eelna reeb -
storvideo: 

Maamulka Galmudug oo kulamo nabadeed la qaatay...

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) iyo wafdi uu hoggaamainayo oo Maalmahan socdaal nabadeed ku marayay degaanno ka tirsan Gal-gaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka Degmada Caabudwaaq.
Mudane Carrabeey iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax garadka degaannadii ay booqdeen, iyagoo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda u dhexeysa Dadka reer miyiga ah ee ku nool tuuloyinka.
Labada dhinac ayaa waxay isku Af garteen in la joojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan degaannadaasi, iyagoo isku waafaqay in wax walba lagu dhammeeyo wada hadal iyo waan waan.
Madaxweyne kuxigenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Odayaasha ay la kulmeen isla meel dhigeen in la joojiyo colaadda ka taagan degaankaasi , wax walbana wada hadal lagu dhameeyo, wuxuuna intaa raaciyay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin ciddii jebisa xabbad joojinta lagu ballamay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu maamulku tallaabo ka qaadi doono ciddii ka hor timmaadda heshiiskan, isagoo intaa raaciyay in halka lagu dagaallamay la geyn doono Ciidamo ka socda nabad sugidda iyo Boliiska Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan shir ku qaban doonaan Magaalada Caabudwaaq, kaas oo lagu soo Afjari doono dedaallada dib u heshiisiinta ah ee uu Maamulku halkaasi ka wado, si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo laalaabtay ee u dhexeeya Dadka Xoolo dhaqatada ah.
storvideo: 

Koonfur Galbeed oo sheegtay in uu Aflagaadeeyay...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii dhawaan uu sheegay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad ee ahaa in maamulkaasi uusan la heyn dastuur bulshada ay u siman tahay.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu soo laabtay 

$
0
0


Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay 2-dii bishan magaalada Kampala ee Xarinta Dalka Uganda, kaas uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya ka jeediayay shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandakulan kula qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).
Shirka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeyb-galay ayaa waxa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, waxaana madaxdii shirkaasi ka qeyb-gashay ay bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo halkaasi ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxdii shirkaasi ka soo qeyb-gashay ayaa ammaanay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyad dalka ,iyagoo isku raacay in la xoojiyo kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaalada ay ku xasilinayso Soomaaliya.
storvideo: 

Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii R.W Kheyre 

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa si kulul uga hadlay Go'aankii dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa dekedda Berbera.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn dowladda Soomaaliya heshiiska Dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado hadalkii Ra'iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiska Berbera.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Shirkadda DPWorld, waxaana uu tilmaamay in uu baalmarsan yahay Sharciga.
storvideo: 


VIDEO Waraysi Gaara oo dhinmacyo badan taabanaya...

$
0
0

Wararki hore
Wararki hore
storvideo: 

Maalintii ugu dambeeysay ee ololaha doorashada dalka...

$
0
0

Raisul Wasaarhii hore ee Talyaaniga Matteo Renzi ayaa musharrax u ah xisbiga Dimuqraadiga
Xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka Talyaaniga ayaaku jira ololohoodii u dambeeyay ee doorashada iyadoo maalinta Axadda ah ay dalkaasi ka dhaceeyso doorashada guud, xisbi kastana waxa uu rajeeynayaa in uu guuleeysto.
Ololaha ugu dambeeya ayaa waxaa qabatay xisbiga talada haya dimuqraadiga, dhaqdahqaa dowladda ku kacsan ee Star Movement iyo soo galooti diidka ah ee Northern League.
Qulqulka muhaajiriinta iyo shaqa la'aanta dhalinyarada ayaa ugu waayeeena ballanqaadya xisbiyada.
Hogaamiyaha xisbiga Northern League oo ku sugan xarunta xisbigiisa malaintii ugu dambeysay ee ololaha
Talyaaniga waxaa hogaaminayay golaha wasiirada tan iyo bishii December sanadka 2016, kadib markii Ra'iisal Wasaare Matteo Renzi uu xilka iska casilay.
Codbixinta ayaa bilaabaneeysa Toddobada Aroornimo ilaa kow iyo tobanka habeenimo.(07:00 ilaa 23:00) ee maalinta Axadda ah.
storvideo: 

Ayax teg Eelna reeb

$
0
0

3rd March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Qodob laga soo saaray wada hadaladii xaaraanta ahaa ee lagu qaban jiray dalka dibadiisa, ayaa maanta qodob ka mid ah waxay beesha Isaaq u cuskanayaan inay ku cabsi geliyaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sheegay heshiiska DP World inuu sharci daro yahay.
Bishii December, 2014, wada hadlo xaaraan ah oo ay ku yeesheen magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti, madaxweynaha Somalia Xasan Culusoow iyo hogaamiyaha SNM , Gacan ku dhiigle Siilaanyo ayaa laga soo saaray war-murtiyoodkii qodobo qeexaya heshiis ay wada-gaareen.
3. Inaan la Siyaasaddayn deeqaha Bani'aadanimo iyo Mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiiri galiyo
[embedded content]
Post navigation
- Previous Post
storvideo: 

Kuuriyada Koonfureed oo ergo u direysa Kuuriyada...

$
0
0

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorsheynaya in laba sarkaal oo sarsare uu u diro dalka deriska ah ee Kuuriyada Woqooyi si loo sii xoojiyo debacsanaanta diblomaasiyadeed ee tan iyo billowgii ciyaarihii xilliyada qaboobaha ee ka furmay Kuuriyada Koonfureed.
Wafdiga Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa hoggaamin doono madaxa sirdoonka iyo dhiggiisa amniga qaranka.
Sida uu sheegay kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweyne Moon Jae-in, ergadani ayaa booqashada Pyongyang kaddib waxay aadi doonaan Mareykanka, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dedaallada xukuumadda Seoul ay ku dooneyso in ay isugu soo dhaweyso Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.
Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la yeelato Mareykanka balse waxa ay cambaareysay dhoolatuska milatari ee sida wada jirka ahi ay u sameyn doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
storvideo: 

Bahreyn oo ka hortagtay fal argagixiso ah

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Al-Manama-(SONNA)-Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Bahreyn ayaa sheegtay inay Ciidamadeeda ka hortageen fal argagixiso ah oo la doonayay in lagu waxyeelayo amaanka dalkaasi iyo goobaha kale ee muhimka ah, lana qaabqabtay 116 canaasir argagixiso ah oo ka tirsan Al-Qacida.
Warku wuuu intaa ku daray in howlgal ay sameeyeen Cidanka amniga ee dalkaasi ay gacanta kudhigeen hub iyo Aaladaha kale ee Qarxa,waxaana la shegay in kooxdaasi la qabtay ay doonayeen inay fal kharbudaad ah ka geystaan bartimaameedyo muhim ah, sida goobaha lagu raaco tareenada, xarumaha shidaalka, iyo halboolayaasha kale ee dhaqaalaha dalkaasi Bahreyn.
Ciidamada bahreyn waxay kaloo howlgalkaasi ku qabteen 42kmg oo ah maadada loo adeegsaday qaraxyada xooggan iyo 575kg oo iyana ah maado halis ah oo ka sameysan aladaha qarxa,hub iyo waxyaabo kale oo halis ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleUnicef oo sheegtay in 750.000 Caruur Rohingya ay ku sugan yihiin xaalad khtar ah.
Next articleQM oo dhaleeceysay duqaynta ka socota Magaalada Quuta ee Dalka Suuriya

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live