Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Masuuliyiin katirsan Maamulka gobolka Banaadir oo ka...

$
0
0

Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay ka qeyb gashay Tartan kubadda cagta oo lagu qabanayay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Tartankan oo ah tartan isdhaxgalla Bulshada ayaa waxaa ku Tartamayey Dugsiyada waxbarashada Degmada Hodan, waxaana loogu talo galay in kor loogu qaado isdhex galka Bulshada iyo Nabadda Degmada Hodan ee gobolka Banaadir
Gudoomiye Basma ayaa kula dardaarantay Maamulka Degmada hodan in ay laba laabaan Tartamada Noocaan ah Madamadama Tartankaan uu yahay Tartan ay isku arki karaan Bulsha Rer Hodan.
Tartamada nuucaan ah ayuu maamulka gobolka Banaadir ugu talo galay in lagu hormariyo Ciyaaraha iyo wada shaqeynta Bulshada gobolka Banaadir.
storvideo: 


Unicef oo sheegtay in 750.000 Caruur Rohingya ay ku...

$
0
0

Geneva -(SONNA)- Hay'adda Qaraamada u qaabilsay Caruurta Unicef ayaa ugu baaday mujtamaa caalamka iay si deg deg ah uga jawaabaan haabida Caruur Tiradoodu gaarayso 750 kun ee ka soo jeeda Muslimiinta dulman ee Rohingya kuwaasoo hay'adu sheegay inay dhibaato xooggan ka haysato dhanka Ciidamada dalka Maymar.
Warbixin uu soo saaray Agaasimaha barnaamijyada xaaladaha deg degga ah ee Unicef ayaa ka digtay cawaaqibta ka dhalan karta hadii si deg deg aan loogu gurmanin cariirtaasi oo u sheegay inay inimka ku sugan xaalad bani'aadanimo aad u daran, siiba kuwa ku sugan gudaha iyo xaruumaha qaxootiyadaasi ee dalka Bangladesh.
Wuxuuna intaa raaciyay in hadii dhibaatooyinkaasi haysata caruurtaasi aan si dhaqsi ah loogu howlgalin ay markaa dhibaatadu ka sii dari doonto sanooyin badana socon doonto, wuxuu kaloo cadeeyay 185 kun caruurta muslimiinta Rohingya ay iminka la noo yihiin Qaraamadooda iyo dadka kale ee jiiraanka ah kadib markii ay waalinddintooda noqdeen qaar la dilay iyo kuwa ka cararay dagaalka Ciidamada naxriista daran ee Maymar.
Wuxuu kaloo cadeeyay in 534 kun caruurta mulimiinta looga tira badan yahay Maymar ay iminka ku nool yihiin xerooyin loogu sameeyay dalka Bangladesh, kuwaasoo halkaa gaaray bishii Augsto ee sanadkii tagay iyo ka horba, ayna halkaa ka haysato dhibaatooyin badan xaghga caafimaadka iyo cimilada dhulka la dejiyay.
Hay'adda Human Rights Watch in Xukuumadda Maymar ay wel howlgal Miletery ka wadoo tuulooyinka ay deggan yihiin Muslimiinta Rohingya oo in badan oo muslimiintaasi ka mid ah ay naftooda kala baxsdeen sanadkii tagay.
Waxayna hay'addu daboolka ka qaaday in tirakoob la sameeyay sanadkii 2017 kii lagu ogaaday in Ciidamada Maymar ay burburiyeen 55 Tuulo una adegsadeen Cagacyo iyo qalab kale, waxayna intaa raacisay warbixinada ay soo saareen hay'adahaasi n mushkiladda ka taagan dalka Maymar ee lagula kacayo muslimiinta Rohingya ay tahay mid maalinba maalinta xigta sii kordhayso gumaadka xukuumadda mayhmar ay ku hayso dadka Rohingya.
storvideo: 

Galmudug Oo Heshiis dhax dhigtay Beelo ku dagaalamay G/gaduud

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network)-Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka oo iskaashanaya ayaa heshiis horudhac ah dhax dhigay maleeshiyaad Beeleed ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo waxgradka deegaanka ayaa ku guuleystay dadaal badan kadib in xal laga gaaro xiisaddaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ee Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u akhriyay qodobada horudhaca ah ee lagu heshiiyay.
Waxaana uu ugu baaqay in labada dhinac in ay dhaqan galiyaan heshiiskaasi, si aysan markale dagaallo uga dhicin gobolkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/war-cali-galmudug-iyo-dhaqanka-galgaduud-by-cali.mp3
 
The post Galmudug Oo Heshiis dhax dhigtay Beelo ku dagaalamay G/gaduud appeared first on Shabelle.

Daawo-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac Ayaa Soo...

$
0
0

(Toggaherer)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac Ayaa Soo Dhaweeyey Heshiiska Maalgashiga Dekeda Berbera Ee Dp world Oo dhawaan lagu Soo saxeexay Dalkaasi Abuu Dabay,Waxaanu Xidhibaanku fariin Udiray Somalia.
Daawo-
Xildhibaan Axmed Maxame Diiriye (Nacnac) kana tirsan aqalka golaha wakiilada somalialnd Oo Wareysi khaas ah Siinaayeye Shabakadani Radio Toggaherer ayaa si balaadhan u soo dhawaweeyey heshiiiska maalgashiga Ee ekeda Berbera,waxaanu mudunuhu fariin culus udiray maamulka taagta daran Somalia.
[embedded content]
storvideo: 

Galmudug Oo Heshiis dhax dhigtay Beelo ku dagaalamay...

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network)-Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka oo iskaashanaya ayaa heshiis horudhac ah dhax dhigay maleeshiyaad Beeleed ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo waxgradka deegaanka ayaa ku guuleystay dadaal badan kadib in xal laga gaaro xiisaddaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ee Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u akhriyay qodobada horudhaca ah ee lagu heshiiyay.
Waxaana uu ugu baaqay in labada dhinac in ay dhaqan galiyaan heshiiskaasi, si aysan markale dagaallo uga dhicin gobolkaasi.Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/war-cali-galmudug-iy...
storvideo: 

QM oo dhaleeceysay duqaynta ka socota Magaalada...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Geneva-(SONNA)-Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabbilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa dhaleeceysay duqaymaha xooggan ee ka taagan bariga Magaalada Ghouta ee Dalka Suuriya.
U qaabilsanaha hay'adda xuquuqul insaanka ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Zeid Rade al-Hussein; ayaa weerarradaasi ku tilmaamay dambiyo dagaal, wuxuuna ka digay inay halkaasi kasii socdaan duqaymaha arxan la'aanta ah.
Duqaymahan ka socda Gouta ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 550 Qof oo rayid ah, iyadoo goobaha ay dagaallada ka jiraanna ay ku xanniban yihiin Dad lagu qiyaasay 400,000 oo Rayid ah.
Ciidamada Suuriya oo kaashanayaa Ciidamada Ruushka ayaa in dhawaalaba weerarro xooggan ka waday Bariga Magaalada Ghouta ee Dalka Suuriya, iyadoo ay dhowr mar burburtay Xabbad joojin lagu dhawaaqay.
Isha/Sindo News
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleBahreyn oo ka hortagtay fal argagixiso ah

storvideo: 

Ciidamada Dowladda Suuriya oo qabsaday qeybo ka mid ah Quuda

$
0
0

Ciidamo daacadda u ah dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday 10% dhulkii uu mucaaradka haystay ee bariga Quuda.

Ciidamada Dowladda Suuriya oo qabsaday qeybo ka mid...

$
0
0

Ciidamo daacadda u ah dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday 10% dhulkii uu mucaaradka haystay ee bariga Quuda.
Kooxda xaquuqul Insaanka reer Suuriya ee fadhigeedu yahay London ayaa sheegeysa in shalay oo sabti ahayd uu aad u xoogeystay dagaalka ka soconayay dhulka, iyadoo dagaalyahannada fallaagauna ay hoobiyeyaal ku garaacayeen meel u dhow magaalada caasimadda ahi ee Dimishiq.
Qiyaastii 393,000 oo qof ayaa hadda ku xayiran gudaha bariga Quuta, oo ay ciidamada dowladdu go'doomiyeen tan iyo sanadkii 2013.
Keydka cunnada iyo dawada ayaa gabaabsi sii noqonaya, waxaana gaadiidka sida shixnahada gargaarka u suurtageli la' in ay gudaha u galaan dhulkaasi go'doonsan.
Milatariga dowladda Suuriya ayaa sheegaya in uu isku dayayo in waxa uu argagixisada ku tilmaamay uu ka xoreeyo gobolkaasi. Balse waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu bartilmaameedsanayo dad rayid ah.
Sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee AFP, inkabadan 640 qof ayaa lagu dilay bariga Quuta tan iyo 18-kii bishii Febraayo ee la soo dhaafay. In kabadan 150 ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa carruur.
Qiyaastii in kabadan 100 qof ayaa dhimatay tan iyo markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku dhawaaqay xabbad joojin muddo bil ah laga soo billaabo usbuucii tegay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in dadka ku dhaqan bariga Quuda ay ku jiraan "naar ugu timid dunida".
Xabbad joojin shan saacadood maalintiiba ah oo uu Ruushka ku dhawaaqay ayaanan dhaqangelin.
Xukuumadda Moscow oo taageerta dowladda Suuriya ayaa shacabka bariga Quuda u furtay marin ay ku badbaadaan oo ay uga baxaan gobolkaasi balse hay'adda xaquuqul insaanka reer Suuriya ayaa sheegeysa in aysan jirin cid halkaasi ka baxday tan iyo talaadadii la soo dhaafay.
Milatariga Ruushka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in ilaa iyo shalay oo Sabti ahayd aysan jirin cid martay marinkaasi.
Dhanka kale, woqooyiga dalkaasi Suuriya oo ah furin kale oo ay colaaddu ka socota ayaa ciidamada Turkidu waxay sheegeen in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalo ku taalla gobolka woqooyi ee Afrin oo ay maamulaan Kurdiyiinta.
Ugu yaraan 36 ka tirsan ciidamada taabacsan dowladda Suuriya oo gobolkaasi Afrin loogu soo diray si ay garab u siiyaan ciidamada Kurdiyiinta ee dagaalka kula jira ciidamada Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymaha uu Turkiga ka wado gobolkaasi.
Turkiga ayaa hawlgal milatari ka billaabay gobolkaasi Afrin muddo haatan laga joogo lix usbuuc si ay halkaasi uga saaraan maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo ay u aragto argagixiso.
storvideo: 


Ciidamada Puntland Oo howlgallo ka sameeyay G/ Mudug

$
0
0

Galdogob ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug.
U jeedka howlgalka ayaa saraakiisha Ciidamadu waxa ay ku sheegeen mid looga hortagayay xaalufinta dhirta, oo si weyn looga dareemay maalmihii dambe gobolkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bursaalax Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay illaa 3 dhalinyaro ah oo ku howlanaa xaalufinta dhirta.
Waxaana uu tilmaamay in lagu xiray saldhigga degmada Galdogob, lagana qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan G/ Mudug in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, kuna soo wargaliyaan haddii ay arkaan dhalinyaro ku howlan xaalfinta dhirta.
storvideo: 

Askar Etoobiyaan ah oo ku dhinteen qarax ka dhacay

$
0
0

Askar Etoobiyaan ah oo ku dhinteen qarax ka dhacay
Mar 4, 2018 -
Qarax ayaa saaka la soo sheegayaa in ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Baay kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday miino la aasay uu ka dhacay degaanka Aw-diinle oo ku dhow magaalada Baydhabo, iyadoo lagu qarxiyey gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya.
Dad ku sugan degaanka Aw-Diinle ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari noociisa uu yahay Ural oo ka mid ahaa gaadiidka ciidamada Itoobiya ay wateen.
Inkastoo aysan jirin warar xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan ayaa haddana dadka degaanka waxay sheegayaan iney arkeen meydadka illaa shan askari oo ku dhintay qaraxaasi oo sidoo kale burbur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.
Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.
War ka soo baxay Shabaab ayaa waxa ay ku sheegtay ku dhawaad 30 askari oo Itoobiyaan ah inay ku dileen qaraxaasi, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo sheegashadan xaqiijinaya
English News
storvideo: 

Duqa Muqdisho iyo Odayaasha dhaqanka oo ka wada...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka [...]
storvideo: 

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Oo qarax lagula eegtay Gobolka Baay

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in qarax xoogan Duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Baay.
Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada lagu Aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi.
Ilo deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, basle aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay.
Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiyeen ku dhawaad 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kalena ay gubeen Gaari Uuraal ah oo ay lahaayeen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Baay oo ku aadan qaraxaasi.
Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
The post Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Oo qarax lagula eegtay Gobolka Baay appeared first on Shabelle.

Yariisow Oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee G/ Banaadir

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.
Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.
"In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.
Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.
storvideo: 

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Oo qarax lagula...

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in qarax xoogan Duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Baay.
Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada lagu Aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi.
Ilo deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, basle aan la cadeyn karin inta uu la'egyahay.
Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiyeen ku dhawaad 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kalena ay gubeen Gaari Uuraal ah oo ay lahaayeen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Baay oo ku aadan qaraxaasi.
Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
storvideo: 

Yariisow Oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Banaadir

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.
Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.
“In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.
Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.
The post Yariisow Oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Banaadir appeared first on Shabelle.


War deg deg: Maxaabistii ku xirneyd dalka india oo...

$
0
0


Waxaa Goor dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo badan ku xirnaa dalka India.
Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka hindiya sanado badan, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan sidda in ay burcad yihiin.
Soo dhaweynta Maxaabiistaan oo ka badan 70 ayaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa horey heshiis maxaabiis lasoo wareegis ah la saxiixatay dowladda India.
Maxaabiistan maanta la keenay ayaa dhibaato xooggan ku qabay xabsiyada ay ku jiraan, iyadoo qaarkood ay xirnaayeen ku dhawaad 8 sano.
Waa qaybtii Labaad oo maxaabiis ku xiran India ah oo dalka dib loogu soo celiyo Sanad gudahiisa.
storvideo: 

Maxaabiis ku xirnaa Hindiya Oo goor dhow la keenay M/ Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow Garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dlaka Hindiya.
Maxaabiistan oo tiro ahaan gaaray illaa 70 ayaa laga soo daayay xabsiyo ku yaalla Hindiya, kadib markii ay dhameysteen mudadii lagu xakumay.
Ra’iisul wasareen ku xigeenka XFS, Wasiirka Cadaaladda, Xeer Illaaliyaha Qaranka iyo masuliiyin kale ayaa ku soo dhaweeeyay Garoonka Muqdisho.
Dhalinyarada la keenay oo wajigoodu ay ka muuqatay farxad ayaa u mahadceliyay dowladda fedefaalka ah ee Soomaaliya.
XFS ayaa horay ugu guuleystay in ay soo deyso maxaabiis fara badan oo ku xirnaa dalal ka mid ah Caalamlka, waxaana tallabadaasi si aah aad ah u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed.
The post Maxaabiis ku xirnaa Hindiya Oo goor dhow la keenay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

Dab khasaaro geystay Oo ka kacay degmada Wadajir

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab goor dhow ka kacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xero barakac oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho.
Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu baabi’iyay Guryo cooshado ka sameysnaa oo ku yaallay halkaasi.
Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ka dhashay Dabkaa, balse waxaa lagu guuleysatay in la damiyo, sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Dab.mp3
The post Dab khasaaro geystay Oo ka kacay degmada Wadajir appeared first on Shabelle.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Oo Shirkaddaha iyo Hay...

$
0
0

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa Shirkaddaha iyo hay'addaha ka shaqeeya soo dejinta iyo qaybinta Shinida beeraha ku amray inay maraan nidaam wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta Tayada shinida Beeraha.
War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirku ayuu shirkaddaha iyo hay'addaha ka shaqeeya Shinida beeraha ku faahfaahieyey nidaam ay wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta tayada Shinida beeraha.
Warsaxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 4/March/2018, sumaddiisuna ahayd Ref/Tix:WB/XW/ADMIN/ F-15/125/2018 ayaa u dhignaa sidan:
"War-saxaafadeed
Ku: Dhammaan Hay'addaha Wadashaqaynta la leh wasaaradda horumarinta Beeraha
Ujeedo: Soo Dejinta Shinida Beeraha
Wasaaradda horumarinta beeruhu, iyada oo kaashanaysa dadyawga ka ganacsada ee ku hawlan soo dejinta agabka beeraha iy ohay'addaha qaramada midoobay, kuwa aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ku hawlan kor u qaadista maceeshada iyo yaraynta macaluusha inay nagala shaqeeyaan arrimahan hoos ku xusan sida:
Hay'ad kasta oo ku hawlan soo dejinta shinida beeraha iyo agabka beeraha waxaanu kula talinaynaa:-
1) Dhammaan shinada la soo iibinayaa inay noqdaan kuwa ka yimaada meelo la hubo sida, dalalka Geeska Afrika, anaga oo door bidayna kuwa ka soo baxa tijaabooyinka Itoobiya iyo Kenya ama dalalka aanu isku cimilada nahay.
2) Shinidu waa inay ahaato kuwa loo sii daayey beeralayda yar yar ee dalalkaasi kor ku xusan, isla markaana waa inay tahay shini wadata cadaymaheeda (Certified Seeds).
3) Waxa kale oo aanu soo jeedin lahayn in la isticmaalo shinada xulka ah ee waddaniga ah ee laga heli karo wadanka iyo ururada waddaniga ah sida Wasaaradda Horumarinta Beeraha, HAVOYOCO iyo FAO (Mashruuca SOMASEED-ka) wixii laga hayo.
4) Shinada la soo dejinayo waa in la soo mariyo xarunta wasaaradda horumarinta beeraha si loo hubiyo tayadeeda.
5) In shinada waddaniga ah ee beeralaydu haysato kaydsadaan si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada loo baahdo
6) Waa in laga helo Ogolaansho Wasaaradda mar kasta oo la rabo in abuur dalka la keeno waana in la soo tusaa inyar oo tijaabo ah
7) Wareegtadani Waxa ay dhaqangal tahay ilaa inta la sameynayo siyaasadda shinida beeraha ee wasaaradda horumarinta beeraha
storvideo: 

Roobkii iyo nimcadii curtay dadka reer guuraga iyo...

$
0
0

Roobkii iyo nimcadii curtay dadka reer guuraga iyo beeralaydu way ku farxeen golayaasha deeganka dalka iyo golaha baarlamanka ee sii socdaa way ka naxeen waayo iyaga mudo kordhin iyo aabaro sii dheerada ayaa u dan ah iyagoo mudo dhaaf iyo waxqabad la an la yimid mudo xiloodkoodi Doorashooyinkii golayaasha deeganka dalka waxa laga soo xuli jiray ama laga soo dooran jiray dad qoysaska maalqabeenka ku nool magaalooyinka dalka oo ay dhisantahay aqoontooda waxbarasho si ay u daneeyaan ulana yimaadan waxqabad daacad ah karti cadaalad iyo ka fogaansho musuq maasaq waxa badalay qabiil ku doorasho inamo aan taariikh lahayn tuug khayimiin ka fog noolasha iyo horumarka dalka eeg hada - hargeisa eeg wanaaga iyo anshaxa ka muuqda shacbiga iyo goobaha doorashada daawo eeg daalkii iyo juhdigii ku khasaaray doorashadii golaha deegankii u dambaysay eeg niyad samida iyo farxada ay u taagan yahiin hooyoyinka raadinaya in ay dhacdo doorasho wanaagsan oo ay kasoo baxaan xubno matala shacbigaWaxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada golaha deeganka - hargeisa ay bulshadu ka rabtay in ay ku raadiso isbadal maamul wanaagsan iyo wakiilo wax ka qabta baahiyaadkooda sida bilicda qurxinta iyo nadaafada - daryeelka caafimaadka iyo wax barashada waxay ahayd maalmo kulul oo ay kaga qayb qaadanayaan ololaha doorashada iyo codbixinta waxa laga soo tagay daryeelkii qoyska ee hooyoyinka caamada hoyada xaamilada umulaha oo ka daacad ahaa aaminadii iyo rumayntii balan qaadkii musharaxiinta waqtiga ololahooda doorashada in ay wax ka qabanayaan rabitaanka shacbiga ku nool - hargeisa
Waxa laga jooga hal doorasho oo goole deegan oo lagu sabootiyey golahii deegankii u horeeyey oo u badnaa rag masuuliyin ah oo ku sifoobay in ay ka dhabeeyen himiladoodii iyo balan qaadkii doorashada ay dib ugu celiyeen najiido dadwaynahii soo doortay najiido wax qabad oo aan la xaqiri karay sida wadooyinka ku dul wareega - hargeisa ka qayb qaadashada nadaafada - iyo wareejinta qashinka oo lagu wareejiyey shirkada private secters etcWaxa kale oo aan la ilaawi karayn golaha deeganka ugu horeeyey oo lahaa han damac siyaasadeed iyagoo isku dayey in doortan moyar iyo ku xigeen si ay u dardar galiyaan masuuliyada iyo himiladooda wax qabad eek u wajahan - halka ay ku heeshiyeen golahan deeganka iyo moyar sotelco in aan la iska hor iman dhexdooda kuna midooban dhiig miirasho hanta lunsi dhul boob cadaalad xumo qiimayn la an kuraas madhan buuxso ana I eeg waxay dhaxal siiyen umada in aan doorasho dambe loo dareerinUgu dambayn waxaan u dirayaa fariin madaxwaynaha dalka muse biixi cabdi iyo gudoomiyaasha sadexda xisbi qaran in laga fiirsado doorkan dadka isku soo sharaxaya doorashooyinka inagu soo fool leh loona eego dhinac kasta ooku salaysan dhaqanka sharciga aqoonta etc
Taas waxay ku yeelatay niyad jab xoogan qanac ay dib shacbigu uga istaagan doorashadii madaxtooyada dalka ka qabsoontay oo diwaan galintii iyo qaadashadii kaadhadhka cod bixinta oo shacbiga ku dhaqan magaaloyinka dalku ay dib uga istaagen
Ogow golayaasha deeganka daku waxay ka soo bixi jireen qoysaska maalqabeenka gobolada dalka oo ahaa dad la yaqaano dhisantahay heerkooda waxbarasho
Waxa is waydiin u baahan la xisaabtan la anta ka jirta dawlada dalka ka talisa iyo fadeexada daafaha u sudhanMoyarka iyo golehisa deeganka iyo sida u wajiib tahay in ay iscasilaan mudada ka hadhay sanadkan 17 march ka hor 2019 00 ku eg waqtiga doorashada golaha deegaanka ee qabsoomi doonta hadii alah uu idmo
Fariin shacbiga ku nool -ha dalka waxaan leeyahay ogaada codkiina ilaahay wuu idin waydiinayaa ee ka fiirsada cida aad siinaysan codka ha ku bixinina codkiina caadifad qabiil ku taamilo qaata aragtida iyo fool xumada - hargeisa ay ku sugantahay
Fayo-dhawre madax bannaan la socobuux2010@gmail.com0634130821
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live