Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidanka PSF Puntland oo Howlgallo Ka Sameeyey...

$
0
0

4th March 2018 admin Category :

  • Uncategorized

Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta degaannada Balli-khadar iyo Galgala ee gobolka Bari,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay taliska PSF.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF oo muddooyinkii dambe hawlgal ballaaran ka waday waddooyinka u dhexeeya degaannada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Calmadow ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan ilaa 4 miino oo Al-shabaab ay doonaysay in ay ku dhibaatayso ciidamada dowladda Puntland.
Taliska PSF aya sidoo kale sheegay in mudadii ay hawlgal ku jireen ay shacabka degaannaas la yeesheen kulmo wacyi-gelin ah oo ku saabsan gacan-siinta ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira malayshiyaadka Al-shabaab,waxaana talisku ballan qaaday in ay sii wadayaan hawlgallada ka dhanka Al-shabaab.
SAWIRRO
storvideo: 


Xanuunka Kelyo Istaaga

$
0
0

Waxa qoray Dr.Xerow physiotherapywali maan arag sida ay usoo kordhayaan kalyo istaaga iyo xanuunka faaliga oo ku soo badanaya dalkeena 50% xanuunkan oo u baahan in daraasad lagu sameeyo cuntooyinka iyo daawooyinka dalka yimaada tayadooda isticmaal 30 sano ayaa dalka iyo dibada kasoo shaqeeyey
Laba jeer oo dambe ayuu weerara faaligu qofka uu haleelay marka hore waxa loo baahan yahay in lagu xidhnaado talooyinka caafimaad ee drs anigu waxaan ku guulaystay 42 qof oo uu haleelay noocyada faaligu markaan u sameeyey jimicsiyo qalab caafimaad turqida irbadaha jidhka iyo duugid muruqyada jidhka ee shaqo gabay Tirade xanuunka faaliga dadka u jiifa oo kor u sii dhaafaya qiyaas ahaan 20% iyagoo ay buux dhaafiyeen rugaha cafimaadka iyo cusbitaalada dalka iyadoo Qalabka baadhista caafimaadku waxa uu fududeeya shaqada dr iyo ogaanshiyaha caafimaadka qofka jiran
physiotherapy acupuncture message waxay qayb laxaad leh ka qabtaan dib uga shaqaysiinta muruqyada seedaha iyo carinta xididada qaybaha jidhku ka jiran yahay waa in loo isticmaala qalabka hada caalamku uu isticmaalo Nerve ilko xanuunka iyo xidika dhinac xanuunku cabudhka qofka cadhada joogtada diiqada waxay saamayn raad ku leeyahiin xanuunka dhiig karka oo isu badala cudurka noocyada faaliga waxa loo baahan yahay in aynu ka shaqayno habdhiska shaqada qaybaha jidhkeenu Ka kooban yahay waa in qofku helaa cuntooyin lala socdo tayadooda isticmaal sida isticmaal biyo nadiif ah ugu yaraan 1 litir a day sonkor iyo cusbo isku dheeli tiran waqtiyada qaadashada cuntada Iyadoo ay sii badanayaan pharmasiyadi iyo rugahii caafimaadka oo noqday goobo ganacsi iyadoo dadwaynahii soomaaliyeed noqdeen daawo ku nool daawooyinkaas oo iskood u qaataan daawooyin aanu dr u amrin in ay isticmaali karaan daawooyinkaas oo ku keenay maamul daro iyo talo la an caafimaad oo kasoo wajahday bahdii caafiimadka ay bidayeen aqoonta caafimaad sida drs nurses oo isku badalay ganacsato lacag raadis ah waxa samaysmay goobo iclaajyo kadib markii uu burburay siyaasadii caafimaadka dawliga waxa kordhay dhimashadii waxa buuxsamay cusbitaaladii dawliga iyo privites waxa batay xanuuno sida noocyada cancerka faaliga oo bulshadu u jiifto inta badan
Waxa jidhkii fayaqabay ku dhacay jimicsi la an waxa is xanibay oo is xidhmay howlahii shaqada jidhka muruqyada xidida ee ay ku gaadhsiin lahaayen wareega dhiiga sida qaybaha kale ee habdhiska jidhku uu ka kooban yahay
Waxa ay la kulmeen bulshadii ka ganacsanaysa qofkii jiranaa waxa yaraaday ku shaqaynta qalabkii baadhista caafimaadka ee rugaha caafimaadka gaarka iyo cusbitaalada
Waxay isu badaleen goobahii caafimaadka goobo ganacsi waxa luntay tixgaalintii dhagaysigii qofka jiran waxa meesha ka baxay in la helo qalab casri ah oo si fudud loogu ogaan karo jirada qofka iyo heerka ay marayso
Waxa soo if baxay cuduro aan hore dalka uga jirin sida cudurka kanserka faaliga iyo dilaac ku yimaada xidida jidhka dhiig bax saaid ah etc waxa qayb ka ah had iyo goor xanuunadas caafimaad lasocodla anta in la helo qalab caafimaad oo si saxa loogu ogaan karo jirada qofkaDr xerow063 4496261
storvideo: 

Maamulka Hirshabeelle oo Hub ay ka soo badbaadiyeen...

$
0
0

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle ay ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen lagu qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay qaar kamid ah ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle oo gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu weeraray duleedka degmada Balcad.
Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow waxana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Milatarigaba ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
"Waxaan ugu tagnay iyadoo ciidamadii Alshabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay,waxaan ka soo badbaadinay qaar ka mid ah qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen,ciidamo go'odoomay"ayuu yiri taliye Xasan Dhicisow.
Munaasabadan ayaa lagu wareejiyay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle.
"Waxaan halkan aan u joogaa in aan dib ula wareegno hub lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen walaalaheena."ayuu yiri sarkaalka u sareeya ciidamada AMISOM ee ka howlgala dowlad goboleedka Hirshabelle.
"Tan waxa ay cadeyn u tahay in aan iskaashanayno oo aan si wadajir ah oo walaatinimo leh aad inoola shaqeyneysaan."ayuu sii raaciyay sarkaalkan.
Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada gurmadka fidiyay ay ahaayeen kuwo muujiyay geesinimo isla markaana maamulka uu abaalmarinayo.
"Sharafta iyo geesinimada aad muujiseen kuwii gurmaday iyo kuwii taakuleeyay intaba waa mid muujineysa Wadaninimo iyo Soomaalinimo."ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay munaasabad lagu wareejinayay hub ay ciidamada dowlada federalka ka soo badbaadiyeen weerar ay ku qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.
Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasoo saad u sidey ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Jowhar.
storvideo: 

Wicitaanka: Axmed Faarax Ducaale

$
0
0

Dalka Denmark ayaa sharciyo gaar ah ku soo rogey xaafaddaha ay ku badanyihiin dadka soogalootiga ah. Sharciyadaas waxa ay yihiin iyo sii falceliyey ayaa waxa inoogu marti ah, Axmed Faarax Ducaale oo 51 sano daganaa dalka Denmark.
Jaamac Buulle Jaamac ayaa inala socodsiinaya.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:28:09 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Koonfurta Soomaaliya oo mashaariic laga fulinayo

$
0
0

4th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Turkiga oo mashaariic horumarineed ka fulinaya Balcad, Qalimoow, Xawaadleey , Jowhar, Mahadey, Buulabarde iyo Baladweyn
Munaasabadan oo ku saabsaneyd mid Mashaariic horumarineed ay ku kala saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay"adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA ayaa ujeedada tahay wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni iyo keydka Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra"iisul Wasaaraha ahna Ra"iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo Madaxda Hay'adda TIKA.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa'ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.
Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan sidoo kale uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.
Isku xiraha Hay"adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed ay ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka wax soo saarka Soomaaliya.

Wadooyinka Muqdisha soo gelaya oo la dhisayo

Post navigation
- Previous Post
storvideo: 

Dhegayso aflagaadadii Beelaha Soomaaliyeed

$
0
0

4th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Hoos ka dhegayso aflagaadadii afhayeenka maamulka SNM Faysal Waraabe uu ku yidhi wasiirka Soomaaliyeed waa Baantuu xun kama hadli karo dekedda BerberaCodka Wasiirka Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac
http://radioqandala.com/wp-content/uploads/2018/03/MaryamAweysJaamac.mp3
Codka afhayeenka beelaha Isaaq Faysal cali Waraabe
http://radioqandala.com/wp-content/uploads/2018/03/WARAABE-KHAYRE.mp3

Baantuu Berbera kama hadli karto

storvideo: 

Md. Waare oo u Tacsiyeeyey AMISOM

$
0
0

Mas'uuliyiinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ku wareejiyay hub ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo saad u siddey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, weerarkaas oo dhimasho ka dhalatay.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoggaaminayey madaxda Hirshabelle ee maanta u tacsiyeysay ciidamada AMISOM.
Haaruun Macruuf ayaa arrintan ka waraystay Taliyaha Booliiska Hirshabelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow oo ka mid ahaa saraakiisha wareejisay hubkaasi.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:24 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Idaa Shuufta Axmaara, Faranji Xaaji!

$
0
0

Odhaahdan, wa'an maqli'jirey. Arxan darridooda'na, wa'an arki'jirey. Somali naceybkooda'na, wa'an u soo joogey. Sidaas darteed, danta oo isku keen wada keenta mooyaan'e, in aynaan walaalo ahayn, iyagu wa'ay garanayaan; inagu'na wa'aynu wada ogsoon'nahay.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen!
Waxa jiri'jirtey, kolanyo Axmaaro ah, oo Jigjiga ka bixi'jirtey, oo dadka iyo duunyada ay dariiqyada kula kulmaan, aan u nixi'jirin; oo gumaadi'jirtey. Xoolaha ummaddu, xaaraan ka'ma aanay ahayn, oo intii ay rabaan aya'ay qaadanjireen; oo ay qalanjireen. Dadku'na, geeljire ha ahaadaan, ama jees meel deggen ha ahaadaan, ama reer guuraya ha ahaadaan, ama socoto wadiiqo iska mareysa ha ahaadaan'e, uma aanay arxami'jirin; oo rasaasta aya'ay ku salaami'jireen.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen!
Waxa aan xusuustaa, nin sarkaal ah, oo Axmaar ah, oo magaalada Jigjiga, dadka ugu khudbadeynaya, oo leh:
"Adiga oo beeraley ah, oo beertaadii ay si fiican kuugu baxdey, oo iyada oo qurux badan, oo nabad ah, aad fiidkii ka soo guri'hoyatey, ka warran, subaxnimadii markii aad ku kallahdey, haddii aad iyada oo uu doofaar habeenimadii mirtey, oo uu ku galgalimeystey, haddii aad u timaadid?"
Jawaab ma aanu suggin'e, hadalkiisii aya'u sii wadtey, oo waxa uu yidhi:
"Adiga oo cadheysan, oo xanaaqsan, haddii aad waranka qaadatid, oo aad raad gurtid, oo aad doofaar la kulantid, ma waxa aad is'odhani, hubso inuu kii beertaada cuney uu yahay, iyo in kale, mise waranka aya'ad la beegsan?"
Isaga ayaa isku jawaabey, oo yidhi:
"Dabcan, doofaar waa kuu doofaar, oo waranka aya'ad ka taagi."
Ka bacdi, wa'u ujeeddo hadley, oo waxa uu yidhi:
"Sidaas darteed, xabbad haddii meel la nagaga soo rido, anaga Somalidu noo'ma kala sokeyso, oo noo'ma kala duwana, oo sida doofaarkaas aya'ay noo'la wada mid tahey, oo qofkii ama reerkii aanu deegaankaas la naga soo toogtey aanu ku aragno, dadka'na rasaas aya'anu la dhici, reeraha'na dab aya'anu wada qabadsiin."
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen!
Carruurnimadii, waxa la nagu cabsiinjirey:
"Cadceeddu inta aanay dhicin, haddii aad soo hoyan weydaan, Axmaarada ayaa idin qaadan doonta, oo inta ay saqafka lugaha idiinku soo xidhaan, oo ay idin soo laadlaadiyaan, aya'ay wajiga idinka sari doonaan, oo ay dhiigga idinka miiran doonaan."
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen!
Carruurnimadii, waxa iyadu'na ciyaarahayaga ka mid ahayd, in aanu laba kooxood isku kala qeybinno, oo aanu Somali iyo Axmaaro u la kala baxno; oo ka bacdi'na aanu dhoobada isku tuuryeyno; oo aanu gawda iskaga saarno. Dareenku la yaab leh'e, marka uu nasiibku dhinaca Somalida kugu daro, sidii adiga oo Axmaar dhab ah la dagaallamaya, aya'anu si xammaasad leh, oo qiiro leh, oo geesinimo leh, aya'anu u dagaal gali'jirney; oo aanu dhinaca kale ku jabinjirney.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen!
Mingiste, sababtii uu SNM u soo dhaweeyey, oo uu shicibkii ku qaxeyna uu magangalyada u siiyey'i, waxa ay ka ahayd oo kali ah: "Cadowgaaga, cadowgiisu, waa saaxiibkaa!"
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti'na waa cadowgeen!
Meel dheerba adiga oo aan ka eegin, maantadaas aynu joogno, haddii aad Addis'ababa iyo Jibuuti aad kolba midkood isdhex taagtid, aya'adan isku dareen noqoneynin. Haddii ay ciidamada Federaalka ee Itoobiya ay kaa soo hor baxaan iyo haddii ay ciidamada Jibuuti ay kaa soo hor baxaan, aya'adan isku dareen noqoneynin. Haddii aad diyaaradda (Ethiopian Airlines) iyo diyaaradda (Djibouti airlines), haddii aad kolba midkood raacdid, aya'adan isku dareen noqoneynin.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti'na, waa cadowgeen!
Danta iyo dadka, kala saar! Dantu maalinba waa dhinac, laakiin labadaas dadyow, Alle inoo'ma wada simin, oo wa'ay inoo kala dhowyihiin! Sidaas darteed, Reer Kililka Shanaad, waa walaalladeen, reer Jibuuti'na, waa walaalladeen. Sababta oo ah, inta muwaadiniinta Reer Somaliland aad idinku u taqaanaan, ee shicib leh, ee maamul leh, ee shaqaale dawladeed leh, ee ciidamada leh, waxa ka buuxa Reer Kililka Shanaad iyo Reer Jibuuti, oo haddii la tira'koobo, aanu caqligiinu keeni kareynin.
Dadka farahaas leh'i, dalkan wa'ay idinla leeyihiin, oo maamulkiisa iyo difaaciisa, waa idin kala mid, oo dhibaatadiisa iyo dheeftiisa'ba, wa'ay idin la qeybsadaaan, oo wa'ay idin la wadaagaan; oo dalkan ka'ma sheegan kareysaan.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti'na, waa cadowgeen!
Inaga, Reer Xabashi iyo Reer Al-Carab Jarab, haddii ay "dantu waa seetadu" isku keen dabreyso, taasi ma'ba xuma'e, Reer Jibuuti aya'an sokeeyaheena ahayn'ta, ayaa inagu qalad ah, oo aan inoo wanaagsaneyn.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti'na, waa cadowgeen!
Dadka Reer Jibuuti iyo dadka Reer Somaliland, waa dad walaalo ah, oo wada dhashey. Si kale'na isku'ma diiddana'e, arrintu waa labadaas dakadood, ee Jibuuti iyo Barbara, oo iyagu'na sida Hargeysa iyo Burco, aya'ay u wada tartamayaan.
Ku'ye: Xabashidu waa walaalladeen, Reer Jibuuti'na, waa cadowgeen!
Gaba'gabadii, Reer Al-Carab Jarab inta laga tala'baxo, Reer Somaliland iyo Reer Jibuuti ha isku tashadaan, oo labadaas dakadood ha mataaneeyaan, oo sharikad labada waddaan ay wada leeyihiin, oo boqolkiiba (konton-konton) ay u kala leeyihiin ha wada sameystaan, oo labadaas dakadood midba hawsha ay ku fiicantahay, ee ay ku habboontahay, ha ka wada hirgaliyaan, oo ha ka wada hawlgaliyaan.
Maxamed Sheekh Daahirsheekhdaahir@gmail.com
storvideo: 


Madaxda Hay’adda QM ee dabagalka Hubka Niyukleerka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Vienna(SONNA) Magaaladda Vienna ee xarunta Dalka Ustria ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayao barnaamijka Nuclearka Dalka Iiraan,kaasi oo Saraakiisha hay'adda Qaramada Midoobay ee dabagalka Hubka Niyukleerka ay maanta kuyeelanayaan halkaasi.
Inta uu socdo Kulankan waxa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka Niyukleerka dalka Iiraan iyo sidii wax looga qaban lahaa walaaca dunidu ay ka qabto horumarinta hubka Nucleaarka iiraan oo ah mid in muddo ah soo jiitamayay.
hay'ada la socodka hubka Niyukleerka ee loo soo gaabiyo IAEA Warbixintii ugu dambeysay oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Iiraan ay u hogaansantay heshiiskii ay la gashay 6 dal oo ah kuwa quwadaha waawayn oo Mareykanka ay ka mid yihiin.
Quburo ku xeeldheer arrimaha Nuclearka ayaa sheegaya in Dowladda Iiraan ay sanado badan ku qaadan karto in ay ku guuleysato sameysashada hubka sida halista ah wax u baabi'iya ee Nuclearka.
Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Jey. Trump ayaa dhowr jeer wuxuu si kulul u weeraray Iiraan iyo heshiiskaasi lala galay oo uu si aad ah uga biyo diidsanaa,waxaana heshiiskasi uu u dhexeeye wadamada quwadaha waawayn oo uu ku jiro Mareykanka.
Dowladda Iiraan ayaa Heshiiskan lala galay sanaddka markuu ahaa 2015 xiligaasi oo Mareykanka uu hoggaamiyaay Madaxweyebn Brack Obama, waxaana Iiraan dhankeeda ay ku badalatay in laga khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaalaha oo horey loo saaray.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleTaliska Ciidanka Xogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan.+(Sawirro)

storvideo: 

Shiinaha oo kordhinaya Miisaaniyadda Gaashaandhiga

$
0
0

Golaha qaran ee dalka Shiinaha ama haddii si kale loo yiraahdo Baarlamaanka dalkaasi ayuu kalfadhigiisa sanadlaha ah uga furmay magaalada Biijiin, xilli ka hor waqtigii jadwalka uu ahaa.
Ra'isulwasaaraha dalkaas ayaa ku dhawaaqay kobac dhaqaale oo gaaraya 6.5 boqolkiiba.
Wuxa uun intaa ku daray in miisaaniyadda loogu talagalay gaashaandhiga la kordhin doono wax ka badan boqolkiiba 8.
Golahan ayaa lagu wadaa in uu meesha ka saaro sharciga hadda xadidaya inta kal ee uu madaxweynaha xilka hayn karo.
Arrintani ayaa ka dhigan in madaxweyne Xi Jinping uu dalkaasi ka talin doono mudda aad u dheer oo aanan la ogeyn marka uu xilkiisa ku egyahay.
Madaxwaynaha Shiinaha ee imika xilka haya Xi Jinping ayaa la sheeay in uu yahay ninka ugu awoodda badan xisbiga Shuuciga ee talada dalkaasi haya.
storvideo: 

Madaxwayne Assad oo sheegay in duqaynta bariga...

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Suuriya Bashar Al-Assad ayaa sheegay in duqaynta bariga Ghouta ay qasab tahay in ay sii socoto, xitaa iyada oo dadka loo samaynayo marin ay ka baxaan.
Mr Assad ayaa sheegay in xaaladda bina'aadanimo ee ay ka hadlayaan reer galbeedka ay tahay mid been ah .
Hadalka madaxwayne Assad ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda ay qabsadeen dhul cusub.
Mid ka mid ah kooxaha mucaaradka ugu wayn oo lagu magacaabo, Jaish al-Islam, ayaa waxa ay sheegeen inay dib isu abaabulayaan.
Kumannaan qof ayaa ka qaxay duqaymaha ay bariga Ghouta ka wado dowladda Suuriya.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha suuriya ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in ciidamada dowladda ay la wareegeen afar meelood marka loo dhigo bariga Ghouta hal meel.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay heshay fasax ay gargaar ku gaarsiin karto maanta bariga Ghouta.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Yariisow Oo ka hadlay Xirnaashaha Waddooyinka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulan uu la qaatay laamaha ammaanka ee DFS, kaas oo looga hadlay xirnaashaha Waddooyinna xiran ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaartay cabashooyin kala duwan oo shacabku ay ka muujiyeen xirnaashaha Waddooyinka ee M/ Muqdisho.
Waxaana uu xusay in saraakiisha laamaha ammaanku ay ka aqbaleen Codsiga uu u jeediyay oo ku aadan in si deg deg ah loo furo Waddooyinkaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Yariisow-1.mp3
storvideo: 

Yariisow Oo ka hadlay Xirnaashaha Waddooyinka magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulan uu la qaatay laamaha ammaanka ee DFS, kaas oo looga hadlay xirnaashaha Waddooyinna xiran ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaartay cabashooyin kala duwan oo shacabku ay ka muujiyeen xirnaashaha Waddooyinka ee M/ Muqdisho.
Waxaana uu xusay in saraakiisha laamaha ammaanku ay ka aqbaleen Codsiga uu u jeediyay oo ku aadan in si deg deg ah loo furo Waddooyinkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Yariisow-1.mp3
The post Yariisow Oo ka hadlay Xirnaashaha Waddooyinka magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

XFS Oo Wada qorshe lagu soo deynayo maxaabiista ku xiran Jordan iyo Liibiya

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ra’iisul waaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in XFS ay ku howlan tahay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed ee weli ku xiran xabsiyada Caalamka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe lagu soo deynayo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Jordan iyo Liibiya, oo uu tilmaamay in dhibaatooyin xoogan ay ku heystaan halkaasi.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go’antahay sidii dhalinyaradaasi dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Cod-RW-Ku-xigeenka-.mp3
The post XFS Oo Wada qorshe lagu soo deynayo maxaabiista ku xiran Jordan iyo Liibiya appeared first on Shabelle.


Berlusconi oo kusoo rogaal celiyay siyaasadda Talyaaniga

$
0
0

Afar jeer ooh ore ayuu Ra'isulwasaare kasoo noqday Talyaaniga, mar shanaadna waa uu doonayaa in uu noqdo.

Berlusconi oo kusoo rogaal celiyay siyaasadda...

$
0
0

Sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinka guud ee dalka Talyaaniga, waxaa suurtogal ah in ay guushu raacdo isbahaysi midigta ee uu hoggaamiyo Ra'isulwasaarihii hore Silvio Berlusconi.
Waxaa laga yaabaa in ay helaan 268 kursi, taas oo ka yar 316-da kursi ee loo baahanyahay in uu helo xisbiga aqlabiyadda buuxda kusoo baxaya, laakiin sidaas oo ay tahay.
In dowlad lasoo dhiso waxa ay qaadanaysaa muddo todobaadyo ah maadaamaa aysan jirin cid heleysa aqlabiyad qayaxan
Haddii dowlad lasoo dhisi waayo, doorasho kale ayaa lagu laabanayaa si loo helo aqlabiyad.
Xisbiga ugu kuraasta badan waxa uu noqonayaan kan shanta xidigood , wuxuuna helayaa 236 kursi.
Sare u kaca ay sameeyeen xisbiyada 'kacaan doonka ah' ayaa waxaa lala meel dhigay doorashadii Donald Trump iyo aftidii Brixit.
Berlusconi hadda ma qaban karo xafiis dowladeed illaa laga gaarayo sanadka dambe, xiligaas oo la filayo in maxkamad ay go'aan ka gaarto dacwad la xiriirta musuqmaasuq.
Afar jeer ooh ore ayuu Ra'isulwasaare kasoo noqday Talyaaniga, mar shanaadna waa uu doonayaa in uu noqdo.
Wuxuu hadda gadaal ka riixayaa in uu Ra'isulwasaare noqdo madaxweynaha baarlamaanka Yurub Antonio Tajani.
Mid ka mid ah xisbiyada ku bahoobay isbahaysigan, waxa ay balanqaadeen in ay tarxiili doonaan kumanaan dad soogalooti ah.
storvideo: 

XFS Oo Wada qorshe lagu soo deynayo maxaabiista ku...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ra'iisul waaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in XFS ay ku howlan tahay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed ee weli ku xiran xabsiyada Caalamka.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe lagu soo deynayo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka Jordan iyo Liibiya, oo uu tilmaamay in dhibaatooyin xoogan ay ku heystaan halkaasi.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go'antahay sidii dhalinyaradaasi dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Cod-RW-Ku-xigeenka-.mp3
storvideo: 

‘’Gaadiid lagu soo raray Qaraxyo ayaan qabanay ee...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ay yihiin kuwo ay sabab u sameysay dowlada Somalia.
Guddoomiye Yariiswo, waxa uu sheegay in Hay'adaha Amniga ee dowladda uu kala hadlay Cabasho dadweynaha kasoo gaartay Xirnaashiyaha Wadooyinka Caasimadda.
Waxa uu sheegay in lagu qanciyay sababo dhanka amniga ah, balse uu markii danbe dalbaday in shacabka laga dulqaado culeyska oo aan la xirin waddooyinka aadka u mashquulka badan.
Yariisow ayaa tilmaamay in intii ay xirnaayeen wadooyinka Muqdisho ay Ciidamada Ammaanka kahor tageen Qaraxyo la damacsanaa in Magaalada laga geysto, taasina ay qeyb ka aheyd asbaabaha loo xiray waddooyinka.
''Dadku ma arkaan waxa loo xiray waddooyinka hadda tusaale maalmaha ay xirnaayeen waddooyinka waxa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen Gaadiid sida Qaraxyo''
''Shacabku ha muujiyaan dulqaad si loo xaqiijiyo amnigooda,waxaanu u taaganahay ka hortaga weerarada''
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in shacabka ay ka raaligelinayaan xirnaanshaha wadooyinka, wuxuuna tilmaamay sababta loo xiray wadooyinka in ay aheyd in ammaanka la xaqiijiyo, si looga hortago falal amini xumi oo dhaca.
Dhinaca kale, hadalka gudoomiye Yariisow ayaa imaanaya kadib maalmo ay xernaayeen wadooyinka qaar ee Muqdisho shalay na dib loo furay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Khasaaraha Qarixii Zoobe oo kordhay & Gudiga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo bandhigay qaraxyadii ka dhacay Bishii October ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe iyo Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho.
Gudiga gurmadka Qaran oo mudadii kasoo wareegtay Qaraxa ku howlanaa howlihii gurmadka qaran oo Somaali meel walbo oo ay joogto isu soo gurmatay ayaa mar kale soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka uu usaameyay qaraxii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.
Guddiga ayaa sheegay in mudada uu socday gurmadka inay qabteen lacag ka badan 4-milyan oo dollar, yadoona uu adeegaasi si toosa u gaaray dad ka badan 3 kun.
Tirada khasaaraha weerarkii Zoobe ayaa inta la qiyaasay ka sii korortay halkii ay markii hore aheyd,waxana haatan gudigu ay shaaciyeen in dhimashadu ay gaartay ilaa 655, dhaawacuna uu gaaray 303,dadkii ku agoontoobay ay iyana ku sheegeen 1,547 taas oo micnaheedu yahay in khasaarihii uu sababay qaraxaas uu kordhay.

Qaraxii Zoobe oo ahaa kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Afrika, ayaa wuxuu saameeyay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadaasi, maadaama Shabaab ay ka aa'museen, sidoo kalena aysan jirin cid gaar ah oo sheegatay.
Dhinaca kale, gudiga gurmadka qaran ayaa madaxda ugu sareysa ee dalka ugu baaqay inay ka faala qaadaan caruurtii ku agoontoobay dhacdadii 14-october Waxaana gudoomiyaha Gudiga Gurmadka qaran C/llaahi Shirwac uu sheegay in Hey'ad Kheyriya ah oo laga leeyahay Qadar iyo safaarada Imaaradka ay ka faala qaadeyn boqolaal kamid ah caruurta agoonta.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live