Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso qodobada diirada lagu saari doono shir...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha barakacayaasha gudaha iyo Dadka Soomaalida ah ee ka soo laabtay dalka Yemen.
Shirkan oo uu qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeybgelaya dowladda Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada,Hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bani'adamnimada iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.
Qodobada xooga lagu saari doono shirka ayaa waxaa kamid ah:
1-Xaaladda Dhabta ah oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Muqdisho.
2-Xaaladda amni ee kaamamka Barakacayaasha Muqdisho.
3-Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.
4-Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.
Sidoo kale, shirkan ayaa socon doonaa maanta kaliya sida uu qorshuhu yahay,waxaana furmaya madaxda dowladda Federaalka ah iyada oo gaba gabadiisana war murtiyeed laga soo saarayo.
Dhinaca kale, Furitaanka shirka ayaa waxa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka banaadir.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Daawo: ” Odaygu isug Ma Wax walba Ogaalbaa Mise waa...

$
0
0

Daawo:" Odaygu isug Ma Wax walba Ogaalbaa Mise waa Ilaahay Ka yare" Waa Weedhaha Gaalnimada ah ee ku qoray Buug Uu Qoray Wasiirka Warfaafinta Guri Barwaaqo, Sidoo kalena Taariikhdii Sayid Maxamed Cabdille Xasan Oo uu si qaldan u qoray.
[embedded content]
storvideo: 

Hogaamiyaha Daacishta Somalia oo ogaalka beelay &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Garoowe (Caasimadda Online) - Warar soo baxaaya ayaa sheegaya inuu xanuunsan yahay Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhaadir Muumin oo uu Saldhigiisu yahay Buuraaleyda Galgala ee dhulka Puntland.
Hogaamiyaha ayaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow bil yahay mid la il daran xanuuno isbiirsaday oo inta badan ku dhaca dadka da'da ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhaadir Muumin oo uu Saldhigiisu yahay Buuraaleyda Galgala ee dhulka Puntland ayaa sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay kasii dareyso, isla markaana uu ogaalka beelay.
Hogaamiyaha ayaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow Bil uu yahay mid la il daran xanuuno isbiirsaday oo inta badan ku dhaca dadka da'da ah.
Ilo ku dhow dhow Hay'adaha amaanka maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Hogaamiyaha uu yahay mid itaal gabay, waxa ayna xaqiijiyeen in xanuunada haya ay kamid tahay Macaanka.
Waxa ay sheegen in dhibta ugu badan ee xiligaan heysata Hogaamiyaha ay tahay dabiib la'aan, waxaana xusid mudan in dawooyinka uu ku heysto Buuraha ay tahay mid aan ku filneyn.
Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhadir Muumin ayaa iminka ku go'doonsan Buuraaleyda Galgala oo Saldhig u ah Maleeshiyada, waxaana lasoo warinayaa inay dul heehaaban diyaarado nooca aanu isha qaban ee isugu jira basaaska iyo duqeynta.
Sidoo kale, ciidamada amaanka maamulka ayaa wixii ka danbeeyay xogtaan aad u adkeeyay xeebaha maamulka ee laga cabsi qabo in Hogaamiyaha laga safriyo.
Docda kale, waxaan la ogeyn sida uu noqon doono xaalka Hogaamiyaha Muumin oo u muuqda mid ay daashadeen cuduro ku dhaca dadka da'da ah.- OnlineXafiiska Garoowe-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Hub iyo saanad laga bad baadiyey dagaal yahannada Al...

$
0
0

Hub iyo saanad laga bad baadiyey dagaal yahannada Al Shabaab oo lagu wareejieyey AMISOM
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 5th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - War aan ka soo xiganna idaacadda VOA ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle ay maanta hub iyo saanad ku wareejiyeen ciidammada dowladda Soomaaliya, hubkaasi oo ay ka badbaadiyeen dagaal yahannadii Al Shabaab ee weerarka gaadmada maalintii Jimcihii ku qaaday kolonyo saad u siddey ciidamada AMISOM. Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida wararku sheegayaanna waxa weerarkaasi ka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoggaaminayey madaxda Hirshabelle ee maanta u tacsiyeysay ciidamada AMISOM.
Haaruun Macruuf oo ka hawl gala idaacadda VOA oo arrintan ka waraystay Taliyaha Booliiska Hirshabelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow oo ka mid ahaa saraakiisha wareejisay hubkaasi. Ayaa waxa uu waraysigii u dhacay.
Awdalpress
This post has been viewed 125 times.
storvideo: 

Ciidammada ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu...

$
0
0

Ciidammada ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu jira sidii ay u soo qaban-qaban lahaayeen niman hublay ah oo ka tirsan Al Shabaab gudahana u galay dalkaasi.
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 5th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Wararka naga soo gaaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Saraakiisha ciidammada Booliska Kenya ay sheegeen in ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Dad deggen magaalada Mandera meel ku dhawi, ayaa ciidammada ammaanka u soo gudbiyeen in arkeen rag hubeysan, kuwaasi oo aan aheyn ciidammada Booliska.
Af-hayeen u hadlay Saraakiisha Ciidammada Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in hublay dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.
Awdalpress
Cabsi weyn ayaa ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, sidda uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Mandera.
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Waqooyi Bari aytaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku jiraan heegaan, maadaama dadka degaanka ay soo gudbiyeen in dagaalyahanadaasi ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya.
Amniga degmada Mandera ayaa si adag loo adkeeyay , xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerareen degaano hoos yimaada Mandera
This post has been viewed 105 times.
storvideo: 

Daawo/ Qosol: Jawaan Oo Dabin u dhigay Saaxiibkii...

$
0
0

Daawo/ Qosol: Jawaan Oo Dabin u dhigay Saaxiibkii Sooraan, iyo Sooraan ku hungoobay Lacag Shirqool ahayd oo Lagu dabaayey
storvideo: 

Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Shirkan wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.
Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda saxda ah u heli lahaayeen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go'an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.
"Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeybtaan qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri""Waxaan masuuliyadeeda qaadana doonnaa sidii aan uga shaqeyn laheen qiimeynta dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha"
Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibanayaal,mararka qaarkood iyaga is dhibaateeya,madama u sahlan tahay iney dibada u baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.
Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya una heli lahaayeen dib u dejin iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha lama huraanka u ah.
storvideo: 

Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka oo furmi doona...

$
0
0

Guddoonka Golaaha Shacabka ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo [...]
storvideo: 


‘Waxaan dib u billaabeynaa xulka gabdhaha kolayga...

$
0
0

Waxa ay ka mid ahayd xiddigihii kubbadda kolayga ee gabdhaha Soomaaliyeed muddo 30 sano ka hor ah, balse markii uu dowladdii dhexe burburtay ayay u qaxday dalka dibeddiisa, halkaas oo ay ku qaadatay nolosheeda inta badan.
Hase yeeshee marnaba ma aysan hilmaamin dalkeedii hooyo, waxayna aad u xusuusataa barisamaadkii markii kooxaha ciyaaraha Soomaaliya matalaya ay fagaaraasha adduunka luli jireen calanka buluugga ah.
Kooxda kubbadda gabdhaha ee kolayga waxaa la asaasay sanadihii 1970-naadkii, xiligaas oo uu baal goray u surnaa ciyaartooyda Soomaalida, balse ciyaarihii ugu dambeeyay waxa ay safreen sanadkii 1987-dii.

Laacibka Soomaaliyeed ee Kolayga oo ciyaaraha ka fadhiistay
Si la mid ah dad badan oo Soomaaliyeed oo inta dalka dib ugu soo laabtay, ka shaqaynaya sidii dib ugu soo kaban lahaa, ayay Sucaad Cabdullaahi dalka dib ugu soo laabatay.
Waxa ay diirada saaraysa arrin aysan dad badan danayn u haynin, hase yeeshee ah wax ay iyada aad u garanayso, taas oo ah soo noolaynta ciyaarihii gabdhaha ee kubbadda kolayga.
Kaliya ma doonayso in dib loo asaaso kooxihii gabdhaha, ee waxa kale oo ay doonaysaa in la abuuro xul qaran oo ciyaaraha adduunka ku matala Soomaaliya sida ay Sucaad u sheegtay Axmed Mursal Catoosh oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da "Maamul goboleed kasta waxaan u asaasaynaa koox gabdho kubbadda koleyga, sida Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, iyo Puntland, sidaad la socotid markii aan ciyaarihii gobolada qabanay, waxaan ka dhex helnay koox xul qaran".
Sucaad Cabdullaahi
Waxa ay sheegtay in loo baahanyahay in haddii ay tahay in la helo xul qaran oo wanaagsan, in markaas gabdhaha da' aad u yar ay ku bilaabaan ciyaaraha "Waxaa loo baahanyahay in gabdhaha jecel ciyaaraha, in ay ka bilaabaan dugsiga hoose dhexe ciyaaraha, madaxdii aan kala hadalnayna waa ay soo dhaweeyeen".
Ma jirto ciyaar aan ka ahayn tan kolayga oo ay kasoo muuqdaan dumarka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu sii darsantahay cadaadiskii ay kala kulmeen kooxihii hubeysnaa ee meelo badan oo dalka ka mid ah ka talinayay, kuwaas oo ka mamnuucay dhaqdhaqaaqyo badan oo xoriyadeed.
Balse tan iyo intii dowladda ay ku faaftay qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxaa la arkayaa dumar badan oo ku dhiiranaya ciyaaraha kolayga, taas oo ah waxa dhiirogaliyay Sucaad in ay dalka kusoo laabato.\
storvideo: 

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Turkiga ka...

$
0
0


Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradad Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.
Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isuiu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidamada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.
Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka dhacday Xerada Tababarka Jasiira,waxaana Taliyaasha Ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.
"Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labadaa oo deeq tan lamid ah ay inoo-keento Dowladda Turkiga,waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay".ayuu yiri taliyaha Ciidamada Cirka Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood
Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.
storvideo: 

Xildhibaan Odawaa” Midnimada iyo madax banaanida...

$
0
0


Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay hadal uu jeediyay Agaasimaha Shirkadda DP World ee ahaa in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseynin Heshiiska dekedda Berbera.Qoraal uu arintaasi kaga hadlay Xildhibaanka ayaa sidaan u qornaa:
Midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa lama taabtaan.
Waxa aan dhagaystay waraysiga oo uu bixiyay maareeyaha shirkada DP World ee Sultan bin Saxiim. Waxa uu yiri nama khuseeyaan waxa ka soo yeeray dowladda dhexe ee Soomalia, Somaliland-na waa dal 28 sano madax banaan.Markii ay halkaas marayso waxaanu leenahay looma dulqaadan karo ku xadgudubka midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.Heshiiskani waxa uu xittaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo dakaddii ay maamulayeen ka qaatay share dhan 31%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.
Xukuumaddu waa in ay talaabooyin qaadaa oo kala ah:
1- In loo yeeraa safiirka UAE u fadhiya Somaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aadan midnimada Somaliya.2- In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Barbara iyo Bosaaso (maadama aysan ogolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba)
Haddi aysan xukuumaddu qaadin talaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arimaha wax ka ogtahay, kumana filla baaq oo kaliya.
storvideo: 

Waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal...

$
0
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.
Guddigan ka kooban 10-ka xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.
Waxyaabaha ugu waa wayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
storvideo: 

Shirkadda DP World oo Si kulul uga jawaabtay...

$
0
0


Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World.
Waxaa uu sheegay in Heshiiska aysan waxba ka khuseyn dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana uu ahaa Mid u dhaxeeyay Somaliland , Itoobiya, iyo Shirkadda DP World.
Agaasimaha ayaa sidoo kale in tilmaamay in Ogolaansha Dekedda berbera ay ka heleen Baarlamaanka Somaliland.
"Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto"ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.
Agaasimaha ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Hadalkaan kasoo baxay Shirkadda DP World ayaa kusoo beegmaya Xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtay mid Sharci daro ah heshiiskaasi, islamarkaana heshiikaasi uu shakigelinaayo Madaxbaanida Soomaaliya.
storvideo: 

Maalintii uu ‘baroortay’ madaxweynaha dalka ruusha...

$
0
0

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga ugu kaniga adag aduunka, waligiisna indhihiisa illin laguma arag, balse waxaa jirta maalin uu ooyay, balse maanta markale ayuu soo xusuusanayaa sababtii uu u baroortay.
Waxa ay ahayd 24-tii bishii sanadkii 2000, xiligaas oo uu wax yar uu xilka hayay, waxayna ahayd aaskii loo sameeyay Anatoly Sobchak.
Wuxuu ninkani ka mid ahaa dadkii soo afjaray midoowgii Soviey ee shuuciga ahaa, waxayna aad saaxiibo u ahaayeen Vladamir Putin.
Waxa uu aad usoo gacan qabtay Putin isaga oo markaas ahaa sargaal darajadiisa ay hooseyso oo ka mid ah hay'addii sirdoonka Ruushka ee KGB, wuxuuna siiyay shaqadii ugu horeysay ee siyaasadeed.
Lama oga sababta uu u qaatay go'aankaasi weyn , balse maanta qeyb kasta oo dowladda ka mid ah waxaa qabsaday dadkii ka shaqayn jiray laamaha amaanka ee soofiyaatka (soviet), illaa heer ereyga dimoqoraadiyadda uusan xitaa micno samaynaynin marka laga reebo in afka laga sheego.
obchak iyo Putin oo duq magaalo iyo ku xigeen ka ah magaalada St Petersburg
Doorashada dhawaan dhacaysaa ee madaxweynenimo waxaa u tartamaya 8 musharax oo uu Putin ka mid yahay, waxaana la'isku wada raacsanyahay in aysan shaki ku jirin natiijada, Puntina ay guushu raaci doonto.
Mid ka mid ah musharixiin waa gabadha lagu magacaabo Ksenia Sobchak, oo uu dhalay ninkii uu dartiis u baroortay Putin ee Anatoly.
Waxa ay horey u ahaan jirtay wariya taleefishin ka hadasha, oo markii dambe isu badashay mucaarad, balse ogolaanshaha in ay is sharaxdo waxa ay ka heshay dowladda, waana qaabka ay u shaqayso dimoqoraadiyadda Ruushka.
Balse waa ay ka shalaynayaan hadda in loo ogolaaado in ay is sharaxdo, sababtoo ah gabadhan waxa ay kasoo muuqanaysaa warbaahinta, iyada oo soo bandhigaysa eedeymo musuqmaasuq.
Tabeelo muujinaya ololaha doorashada ee Ksenia Sobchak,
Aabaheed markii uu ahaa duqa magaalada St Petersburg, Putina waxa uu ka dhigtay ku xigeenkiisa, kadibna waxaa dhacday in Mr. Sobchak lagu soo eedeyay musuqmaasuq, kadibna Putin ayaa garab siiyay oo diyaarad gaar ah inta u kireeyay u direy dalka dibeddiisa.
Xiligaas waxaa Ruushka ka talinayay Bores Yelsin, wuxuu ahaa nin qamriyo cab ah, oo ay adagtahay in uu xitaa shaqo tago.
Kadib ciidammadda sirdoonka ayaa Putin u carbiyay in uu xilka kala wareego.
Markii uu Putin isu soo sharaxay xilka madaxweynenimada markii ugu horeysay, ayaa waxaa geeri lama filaan ah geeriyooday Anatoly, wuxuuna ku dhintay qolkii uu ka degenaa hotel ku yaala magaalada Kaliningrad.
Waxay dowladda sheegtay in uu wadnaha istaagay, balse baaritaan la sameeyay ayaa la waayay wax astaan oo muujinaysa arrinkaas, waxayna xaaskiisa Lyudmila Narusova sheegtay in ay aaminsantahay in ninkeeda la dilay.
Markii la joogay aaskiisa, Putin waa uu ooyay, ogoowna Putin ma ahan nin jili kara waxa uu samaynayo, mana ahan qof soo bandhiga shucuurtiisa meel fagaaro ah.
Waxaa markaas la is weeydiinayaa in uu la ooyay baroordiiq ama in uu dareemayay in uu dambi weyn ka galay saaxiibkiis soo gacan qabtay?.
Waxaa jira fikrada badan oo sheegaya in Sobchak la dilay, loona dilay sababo la xiriira Putin, balse waa uun shaki.
storvideo: 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF oo si adag uga...

$
0
0


Muqdisho (PP) -
Iydoo uu taagan yahay murankii ka dhashay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya, Somaliand iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kuna aadanaa Dekedda Berbera, ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa].
Xildhibaan ayaa sheegay in Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay muqadas 'lama taabtaan ah', isla markaana aan loo dul-qaadan karin xad-gudubka midnimada iyo madax-bannaanida Somalia.
Mudane Odowaa ayaa hadalkiisan wuxuu kaga jawaabayay hadalkii kasoo yeeray Madaxa shirkadda DP World eek u saabsanaa in Dowladda Federaalka Spmalia aysan waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana aanay shaqo ku lahayn, waxna ka sameyn karin heshiiska Dekadda Berbera ee ay la galeen Somaliland.
"Heshiiskii dekadda Berbera ee lagu saxiixay Imaaraadka Cadrabta, wuxuu xad-gudub ku yahay Maamulka Somaliland oo Dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 30%, intii kalana u ogolaaday Dalal shisheeye," ayuu yiri xildhibnaan Odawaa.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa Talooyin u jeediyay Xukuumadda Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay tahay in xukuumaddu ay si dhaqso ah u qaado ama ay muujinayso tunno la qabo oo ah inay iyaduna qayb ka tahay.Talooyinka uu xildhibaanku soo jeediyay ayaa waxay kala yihiin;

  1. In loo yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya.
  2. In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba).
  3. Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka og tahay, kumana filla baaq oo kaliya.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan si kulul uga jawaabtay heshiiskaas oo dhigaya in saami ay ku yeelato Itoobiya, kaasoo gaaraya 19%, waxaana sidoo kale shirkadda DP World ay qaadatay 51%, halka ay Somaliland ka heshay 30%.PUNTLAND POST
The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF oo si adag uga hadlay Heshiiskii Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Tagay...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen) -
Hargeysa-05-03-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu u kuur-galay hannaanka shaqo ee hawl-maalmeedka wasaaraddu u socoto.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa subaxii hore ee saaka kormeer shaqo oo kedis ah ku tegay xarunta wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta iyo haldoorka xarunta guud ee wasaaradda ka hawlgala oo uu horreeyo wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxaana madaxweynaha halkaas lagu siiyey warbixin la xidhiidha hannaanka waxbarasho ee dalka ka jira, horumarka ay wasaaraddu ku tallaabsatay iyo caqabadaha kala duwan ee ilaa haatan haysta bahda gacanta ku haysa waxbarashada dawliga ah ee dalka ka jira.
Xubno tiro badan oo kamid ah agaasime waaxeedyada kala duwan ee ka hawlgala wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska oo isaga dambeeyey warbixin ay madaxweynaha siiyeen oo la xidhiidha xaaladda waxbarashada dalka iyo caqabadaha hor taagan, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ku tallaabsadeen qorsheyaal tiro badan oo dhinaca horumarka ah, taasna ay dhinac socoto caqabado u baahan in is-kaashi iyo isku duubni lagaga gudbo, si loo helo jawi si buuxda loogu tayeyn karo waxbarashada xukuumiga ah.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu waxbarashada qaranka u barbar taagan yahay, isla markaana diyaarka ugu yahay inuu bahda waxbarashada ula garab galo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan hor taagan ee u diiddan inay yoolkooda gaadhaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii hadalka la wareegay, ayaa sheegay inay qaran ahaan loo baahan yahay inay macallimiinta dugsiyada dawladda wax ka dhigtaa helaan mushahar ku filan, waxaana uu caddeeyey inuu gudo geli doono sidii lacagtaas loo heli lahaa, isaga oo bahda waxbarashadana ka codsaday inay qayb ka noqdaan xalka lagaga gudbayo caqadaha ay soo bandhigeen, waxaana uu yidhi, "Macallimiintu waxa ay u baahan tahay 24-Bilyan oo Somaliland shilling ah, si mushaharadooda kor loogu qaado, sidii lacagtaas loo raadin lahaana waxaanu u baahannahay muddo toddobaadyo ah, bahda waxbarashadana waxa laga rabaa inay soo wareejiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay, soona raaciyaan qorshihii lagu heli lahaa dhaqaalahaa ay u baahan yihiin."
Madaxweynuhu uu wax laga xumaado ku tilmaamay inay tiro ahaan isku dhawaadaan jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka ka jiraa, isaga oo masuuliyiinta waxbarashada gacanta ku hayana ku canaantay ruqsadaha tirada badan ee ay siiyeen jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala, "Waxaan rajaynayaa inaad in badan wax nala saxdaan, hay'adda tacliinta sare inoo qaabilsanna waxaan leeyahay 32-jaamacadood iyo 54-secondary way is leeg yihiin, adduunyadana ma dhacdo, idinka uun baana sharciga ama oggolaanshaha bixiyey, markaa bal nooga soo jawaaba sida ay labadaasi isu daboolayaan, annaguna jiidhi mayno ogolaanshaha aad bixiseen, eeddaana idinkaa leh gari Ilaahay bay taqaannaaye," ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bahda waxbarashada ugu bushaareeyey inay cid waliba ku qasban tahay inay qaadato siyaasadda waxbarashada ee qaranka u dejisan, isla-markaana xukuumadda uu hoggaamiyaa diyaarisay qorshe tilmaamaya hannaanka ay marayaan mashaariicda ay hay'adaha caalamiga ahi dalka Somaliland ka fuliyaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Cidda Siyaasadiina iyo qorsheyaashiina ku socon weyda tacliin inooma waddee rabshad bay wadaan, annaguna waanu idinla qabanaynaa, idinkuna awooddiina isticmaala, imikana waxa aynu dhiganay qorshe Ajanabi kasta faraya inuu wasaaradda arrimaha dibadda soo maro, dabadeedna qorshaynta sii maro, taas oo wasaaraddii hawshaas ku shaqada lahayd u sii gudbin doonta, mana dhacaysao nin wax jeebka iskaga soo qaataa." Wa-bilaahi tawfiiq

storvideo: 

Saylici Oo Daah-furay Kulan Lagu Unkayo...

$
0
0

Hargeysa-(Waaheen)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay kulan ballaadhan oo lagu unkayo qorshaha afarta sano ee socda ay yeelan doonto wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Distoorka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaraddaasi.
Kulankan oo lagu qabtay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne-ku-xigeennadii labaad iyo Afraad ee Somaliland soo maray, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda shaqogelinta iyo horumarinta arrimaha bulshada, Marwo Hinda Jaamac Gaanni, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta qaranka, Mudane Xuseen Ibraahim Buuni, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, xildhibaanno katirsan goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xubno ka socda beesha caalamka, xeel-dheerayaal ku takhasusay arrimaha shuruucda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa looga gol leeyahay sidii ay wasaaradaasi u yeelan lahayd qorshe cad oo ay ku hawlgeli doonto muddada afarta sano ee soo socda, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu hogo-tusaalaynayo baahida uu qaranku u qabo wasaaraddan iyo waxyaabaha ay muhiimka tahay inay ka saacaddo guud ahaanba bulshoweynta reer Somaliland.
Ugu horrayn sharci-yaqaanno wasaaradda kala talin doono dedaalka ay ugu jirto sidii ay u yeelan lahayd qorshe-hawleed ay ku gaadho yoolka dheer ee ay leedahay oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xil weyn iska saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa qorshe dhaxal-gal ah oo ay wasaaraddani ku hawlgeli doonto.
Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday, sida ay wasaarad ahaan uga go'an tahay inay kulankan ka helaan qorshe midho-dhal ah oo qaranka dani ugu jirto, waxaana uu sharraxay muhiimadda ay wasaaraddani qaranka ugu fadhido, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Waxaanu urursan doonnaa talooyinka iyo soo jeedimaha wanaagsan ee kulankan kasoo bixi doona, hawsha wasaaradduna waa xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, taas oo macnaheedu yahay horumarinta Distoorka iyo shuruucda ka farcamaysa oo horseed u ah dhammaanba horumarka qaranka, waxaana waajib ah inaynu dhammaanteed isugu wada tagno oo ka wada-tashanno meelmarinta iyo kor u qaadista sarraynta sharciga, bulshadeena iyo hay'adaha kala duwan ee qaranka aynu barno Distoorka iyo shuruucdiisa, si ay u fududaato u hoggaansanka sharcigu."
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in qaran ahaan loo baahan yahay in maskaxda la tuujiyo, isla markaana lasoo saaro natiijo la intifaacsado, waxaana uu yidhi, "Waxa aynu u baahanahay inaynu ummad shaqaynaysa oo waqtigeeda ilaalisa noqonno, saddexdii maalmood ee aad hawsha u qorsheyseen midi idin dhaaftay, laba kalena way idiin hadheen, kol haddii la isu yimaaddona inaynu maskaxda tuujino oo wax wanaagsan lasoo saaro oo qof waliba waqtiga iyo saacadaha ixtiraamo si aynu wax wanaagsan oo midho-dhal ah u soo saarno."
Madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu si mug leh u sharraxay muhiimadda u leeyahay Distoorka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo udub-dhexaad u ah shaqooyinka loo igmaday wasaaraddan, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay qaddariyaan distoorka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla, "Waxyaabaha culayska la saari doono waxa kamid ah Distoorka oo arrin qaran ah, Distuurkuna waa heshiis bulsho, ama wax ummadi ku heshiiso oo ay danaheeda iyo horumarkeeda u samaysato, wax dhammaystiranna ma aha oo waxa kaliya ee dhammayska tirani waa Qur'aanka Kariimka ah, wax kasta oo Bani'aadam sameeyeyna mar walba waxa uu u baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo. Waxa aynu isla garanayn in distoorkeena oo la qoray dhawr iyo toban sano ka hor oo dedaal badan la geliyey oo runtii aad u qiimo badan, haddana mar haddii muddo lagu shaqeeyey, waxa aynu isla garanay in dib u eegis lagu sameeyo oo wixii laga sixi karo, laga saxo, wixii waqtigaas laga illaawayna lagu daro, furistiisana loo maro waddo sharci ah, haddii aynu umadda reer Somaliland nahayna waxaan leeyahay haddii aynaan ixtiraamin wixii aynu ku heshiinay qaran noqon maynno," ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).Wa-Bilaahi Tawfiiq
storvideo: 

Daawo: ” Anoon Guulwadaynan Waxyaalo yaryar oo uu...

$
0
0

Daawo:" Anoon Guulwadaynan Waxyaalo yaryar oo uu Sameeyey Muuse Xaga Waqtiga oo kale todobada ayaan soo shaqo tagaayoo Waan ogayoo Muuse iyo Maxamed Kaahin 9 seexan jireen 6 dana way soo toosi jireen"
[embedded content]
storvideo: 

Madaxweynaha Soomaliland oo dowlada Jabuuti ka raali...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaliland oo dowlada Jabuuti ka raali galiyey hadalkii xanafta lahaa ee Feysal Cali Waraabe
Mar 5, 2018 -
War-saxaafadeed:5 March, 2018Madaxweynaha JSL meel uu ku siiyey raalli-galin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID haba yaraatee ma jirto. Balse Xoghayaha Madaxweynaha JSL ayaa uu u gudbiyey lifaaq ah jawaab celin ku saabsan raalli-galinta Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabbuuti, kaddib markii Safiirka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ay hadallo isku mariyeen warbaahinta. Qoraalka ka soo baxay Xoghayaha Madaxweynaha JSL waxa uu u dhignaa sidan:
" Mudane Guddoomiye:
Aniga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si sharaf iyo qaddarin leh kuula socodsiinayaa in uu Madaxweynuhu helay qoraalka summaddiisu tahay REF/UCID/XDH/428/2018, kuna taariikhaysnnaa 01/03/2018, ujeeddadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.
Waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo arrintaa ku saabsan la yeeshay Wakiilka, waxaana uu kaaga mahadcelinayaa sida waayeelnimada leh ee aad ugu soo gudbisay dareenkaaga ku aadanaa hadalladii Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.
Sidaa darteed, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalka halkan ku lifaaqan ee raalli-gelinta ah ee uu kuu soo qoray Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti."
Waxa nasiib darro ah in Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID kula kaco Madaxweynaha JSL been abuur iyo wanjal aan ku habboonayn mas'uuliyiinta xurmada iyo qaddarinta innaga mudan. Qoraalka loo diray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamayey oo kaliya in warqaddii cabashada ahayd ee Xisbiga UCID soo gaadhay Madaxweynaha, isla markaana halkan loogu soo lifaaqay qoraal kale oo uu soo qoray Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti.
Marka horeba hadalka ka soo baxay Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti ma uu ahayn hadal laf-jab ah oo mudan in laga bixiyo raalli-gelin, , balse si loo dhawro dareenka masuuliyiinta axsaabta qaranka, ayaa Madaxweynuhu ka dalbaday Dan-jiraha kaddib markuu la kulmay in uu qoraal ugu jawaabo Guddoomiyaha Xisbiga, sida uu ula jeeday hadalkiisana ku caddeeyo, iyo in aan masuuliyiinta kala gaadhin hadallo muujinaya xanaf.
Siyaasadda Xukuumadda JSL waa in shucuubta iyo dalalka Geeska Afrika kuwada noolaadaan nabadgelyo, colaad la'aan, iyo daris-wanaag (Zero Conflict Policy). Cid kasta oo ka hor timaadda siyaasaddaas ku dhisan nabadgelyada, daris-wanaagga iyo isku-dulqaadashada, kuma matalaan Qarankan iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland midna. Balse waxa ay ku matalaan nafahooda oo kaliya.
Sidaas darteed, waxa aannu u soo jeedinaynnaa Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka ee caadaystay wax-ka-sheegga iyo hadallada dhiifta leh ee ka dhanka ah dalalka dariska ah ee aynu leennahay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi, sida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabbuuti, in ay ka waan-toobaan arrintan.
Jamhuuriyadda Jabbuuti waa dal ay darisnimo iyo walaalnimo innaga dhaxayso. Shacabka iyo Dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti midna ma mudna af-xumo iyo hadallo aan qaban oo loo mariyo warbaahinta.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in mad-madow ku jiro Heshiiska DP World. Waxa kale oo uu sheegay in ummadda loo caddeeyo Heshiisyada ay Xukuumaddu galayso.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu xasuusinaynnaa in Heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka JSL siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawlado, shirkado ama ururro caalami ah. Isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya.
Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan.Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu qiray maanta, Xukuumadda JSL waxa ay awood u leedahay wax-ka-beddelka iyo kaabista heshiisyada, haddii ay u aragto in ay ku jirto dan Qaran. Intaas kaddib ayay marisaa Xukuumaddu Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka.Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaanu leennahay, "Baroortu orgiga ka weyn, ee onkodoow, xeeshaa dhac".
Allaa Mahad LehMaxamuud Warsame JaamacAfhayeenka Madaxweynaha JSL
English News
storvideo: 

Pep Guardiola oo aqbalay eedeymo loo soo jeediyay

$
0
0

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa aqbalay eedeyn ay usoo jeediyeen guddiga xiriirka kubadda cagta Britain ee FA, kaasi oo ahaa inuu ku kacay arrimo siyaasadeed, kadib markii Guardiola uu dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uu xirnaa calaamad jaala ah, taasi oo muujineysa sida uu uga xunyahay qaabka dowladda Spain ay ula dhaqatay dadkii u ololeynayay madaxbanaanida gobolka Catalonia ee uu kasoo jeedo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>