Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali lawmaker wounded in Mogadishu bomb blast

$
0
0

MOGADISHU — A Somali lawmaker lost his legs in a bomb blast whilst driving a car in southern Mogadishu, police said Friday, the latest explosion to rock the war-ravaged Somali capital. “The MP had his legs blown off when an explosion hit the car,” police officer Abdi Arale said. “Some reports suggest it was caused [...]


‘Al-Qaeda’ distributes Somalia aid near Mogadishu

$
0
0

A man claiming to be from al-Qaeda has distributed aid in Somalia, highlighting the group’s links with al-Shabab militants. The man identified as US citizen Abu Abdulla Almuhajir and speaking with an American accent handed out food, hijabs and Korans to people at a refugee camp near the capital, Mogadishu. It is thought to be [...]

Faaqidaadda: Xaaladda Amniga ee Puntland

$
0
0

Barnaamijkan wuxuu ku saabsan yahay xaaladda amniga, dilalka lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha Puntland iyo waliba dilalka aanooyinka qabiilka ee ka dhaca Puntland.

Waxaa ka qeybgalaya;

Cali Max'ed "Cali Hayaan" Wasaaradda Amniga

Max'ed Cali Yusuf "Gaagaab" oo M/weyne kuxigeenka ka soo noqday Puntland

C/laahi Cali Faarax "C/laahi Dheere"  oo la shaqeeya Waaxyaha Cadaaladda Minnesota.

Dahir Mire Jibrill oo madax u ah urur u ololeeya xuquuqda Soomaalida Minnesota.

Faaqidaadda: Xaaladda Amniga ee Puntland

$
0
0

Barnaamijkan wuxuu ku saabsan yahay xaaladda amniga, dilalka lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha Puntland iyo waliba dilalka aanooyinka qabiilka ee ka dhaca Puntland.
Waxaa ka qeybgalaya;
Cali Max'ed "Cali Hayaan" Wasaaradda Amniga
Max'ed Cali Yusuf "Gaagaab" oo M/weyne kuxigeenka ka soo noqday Puntland
C/laahi Cali Faarax "C/laahi Dheere"  oo la shaqeeya Waaxyaha Cadaaladda Minnesota.
Dahir Mire Jibrill oo madax u ah urur u ololeeya xuquuqda Soomaalida Minnesota.

Ciidammada Dowladda Oo Caawa La Wareegay Qooqaani

$
0
0

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee howlgallada ka waday gobollada Jubooyinka ayaa fiidnimadii caawa la wareegay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose halkaasi oo ay horey u joogeen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidammada Dowladda oo ayaga oo ku sugan deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose ayaa xaqiijiyey in howlgalka ay Ciidammadu kula wareegayeen Qooqaani lagu guuleystay islamarkaana ay Ciidammadu hada xaqiijiyeen gacan ku heynta deegaankaasi iyo deegaannada kale ee ku xeeran ayada oo aan wax dagaal ah dhicin,Maleeshiyadii Shabaabka ee joogtayna ay halkaasi isaga carareen.
Wariye Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ah Wariyeyaasha ka socda Warbaahinta Qaranka oo ku sugan Qooqaani ayaa soo sheegaya in dadka deegaanka ay si aad ah usoo dhoweeyeen Ciidammada Qalabka Sida markii ay halkaasi ka baacsadeen Maleeshiyada Shabaabka oo iyagu markii ay Ciidammada arkeen halkaasi isaga cararay.
La wareegidan ay hada Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya la wareegeen Qooqaani caawa ayaa qeyb ka ah guullo isdaba joog ah oo ay Ciidammada Dowladda ee ka howlgalaya gobollada Jubooyinka soo hooyeen saacadihii ugu dambeeyey waxaana howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin Howlgallada dalka guud ahaanba looga sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Al-Shabab.

Guur Samo Leh: Munaasibad Kulmisay Masuuliyiin, Madax-dhaqameed iyo Mudaneyaal Maamuus Leh + SAWIRO

$
0
0

Hargeysa (OWN)- Saaka Abbaaro 09:30-kii barqanimo ayaa waxa ka dhacay Dalxiis Hotel ee Magaalada Hargeysa munaasibad meher oo kulmisay hal-door badan oo reer Somaliland ah oo isgu jiray salaaddiin, siyaasiyiin, culima-aw-diin, guurti, boqorro, aqoonyahanno, abwaanno, qoraayo, dhallinyaro, gacal iyo sokeeyeba leh.

Dadka goob-joogga u ahaa munaasibaddan waxa ka mid ahaa:
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)
Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani
Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadam-Siiro)
Engineer Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyeha Xisbiga UCID
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Boqor Raabbi Yuusuf Jiilaal
Boobe Yuusuf Ducaale
Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad)
Khaalid Jaamac Qodax
Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”
Cali Axmed Balayax, Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali (oo macallin iyo maamulba u ahaa lammaanaha is-guursaday)
Xaaji Maxamed Ismaaciil (Bidhaan)
Xildhibaan Xasan Xaydh

Madashan oo ahayd meherka Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Muuna Cabdi Suldaan Yuusuf Suldaan XirsiQani o lagu furay aayadaha Quraanka ah ayaa waxa hadalka la wareegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) o si dhaqanka waafaqsan u dalbay guurka iyo meherka SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) IYO MUUNA CABDI SULDAAN YUUSUF SULDAAN XIRSIQANI.

Waxa si gobanimo leh inanta u bixiyay Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani, meherkana waxa raaciyay Sheekh Axmed Ismaaciil Cabdi.

Waxa isna madasha ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka warramay xidhiidhka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya isaga iyo qoysaska lammaanahan is-guursaday, waxa uu si gaar ah u bogaadiyay wiilka inanta guursaday (Siciid Gahayr) oo ay aqoon gaar ah isu leeyihiin.

Qoraaga way nee Reer Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa kelmad kooban oo duco iyo bogaadin ah munaasibadda ka jeediyay, oo xusay in ay Siciid Gahayr isku yihiin bahda qalinka.

Ugu dambayntii waxa munaasibadda duco iyo ku soo xidhay Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadam-Siiro) oo ka mid ah culimada ugu caansan geyiga Somaliland oo ka warramay ahmiyadda guurka, una duceeyay lammaanaha cusub in ay noqdaan kuwo aqalgalkooda ku gaadha bashbash iyo barwaaqo. Sheekh Aadan waxa uu sharrax kooban ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ah caruuska maanta uu meherkiisu dhacay.

 Guud ahaan dadka xagga sare ku xusani waxa ay hambalyo, bogaadin iyo duco hawada u marinayaan SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI) IYO XAASKIISA MUUNA CABDI SULDAAN YUUSUF SULDAAN XIRSIQANI

Guud ahaan bahda shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com waxa ay hambalyo meher oo qiimo badan u dirayaan lammaanahaas uu maanta meherkoodu ka dhacay Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
 

Sheekh Yusuf Al-Qardaawi oo Si Kulul u Weeraray Madaxweynayaasha Wadamada Suuriya & Yaman Bashaar Al-Asad & Saalax Kana Dalbaday Inay Si DegDeg Ah Xukunka Uga Degaan

$
0
0

 
QADAR(OWN)- Hogaamiyaha golaha culimada muslimiinta Dr: Sheekh Yusuf Al Qardaawi ayaa si kulul u eedeeyey madaxweynayaasha labada dal ee Suuriya & Yaman Bashaar Al Asad & Cali Cabdalla Saalax isagoo ka dalbaday inay xukunka ka degaan isla markaana uga digay inay dalalkooda ka abuuraan fidno ay iska hor keenaan shacabka wadamadaa,
 
Sheekh Qardaawi ayaa si adag u weeraray madaxweynaha dalka Suuriya Asad isagoo ku tilmaamay nin dhiigyo cab ah waajibna ay tahay inuu dalkaa ka tago maanta oo aanuu beri gaadhin, Qardaawi ayaa intaa ku daray in madaxweyne Asad uu lumiyey jacaylkii & kalsoonidii dadkiisa isla markaana aanay jirin wadan laga doonayo xitaa wadamada Carabta,
Sheekh Qardaawi ayaa taageeray golaha wadaniga ee dalka Suuriya ee uu hogaamiyo Dr: Burhan Galyuuni isagoo ugu baaqay wadamada Carabtuna inay taageeraan mucaaradka dalka Suuriya. Qardaawi ayaa sheegay in kooxda Mucaaradka ah ee golaha wadaniga Suuriya ay yihiin kuwa dalka xukuma isla markaana ka tallinay danaha shicibkooda, 
Sheekh Qardaawi oo wax laga weydiiyey in dalalka carabtu ay welli taageersan yihiin madaxweyne Asad ayaa sheegay inuu aad ulla yaaban yahay waxa dowladaha carabtu ay uga aamusan yihiin dhibaatada ka socota dalka Suuriya & sababta ay welli u taageersan yihiin madaxweyne Bashaar Al-Asad, Qardaawi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in dowlada Iran ay ku taageerto xukuumada Suuriya inay dillaan dadkooda shacabka ah,
 
Sheekh Yusuf Al-Qardaawi oo ka hadlayey arinta dalka Yaman ayaa sheegay inuu aad ulla yaaban yahay sababta madaxweynaha dalka Yaman uu ugu sii dhegen yahay xukunka dalkaa iyadoo mudo todoba billood ah ay shacabka dalkaasi sameynayeen mudaharaadyo & diidmo ay kaga soo hor jeedaan madaxweye Saalax oo dalkaa xukumayey mudo 32 sanadood ah, Qardaawi ayaa intaa ku daray in xukunkii cali Saalax uu dhamaaday waxa uu kusii joogaana ay tahay sharci la,aan isagoo xusay inuu dhamaaday xilligii Jamhuuriyadihii aan dhacayn ama mu,abadka ahaa,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

Mahiga oo Muqdisho Arimo Xasaasi ah u Booqday

$
0
0

Augustine Mahiga Uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya ee Q.M ayaa waxa uu Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,isagoona kulan la qaatay Madaxda Dowladda KMG ah ee soomaaliya.
Masuulkani ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa uuna ugu horayn kulan la qaatay Ra’iisulwasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali gaas .
Mr Mahiga goordhow waxa uu kulan la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan sheikh Aadan waxa uuna hada uu u gudbay aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la filayo inuu kulan kula qaato madaxweynaha DKMG ah ee soomaaliya.
Socdaalka Maanta uu kusoo gaaray Muqdisho Augustine Mahiga ayaa waxa warar hoose oo ay warbaahintu heshay sheegayaan in ay ku qotonto labo arin waa Mida kowaadee xaalada amaanka ee Magaalada Muqdisho iyo sida loo hurumarin lahaa iyadoona tan labaad ay tahay tan ugu adag oo ah arimaha Shirka wadatashiga ee wajigiisa Labaad .
Arintaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ay gashay gorgortan badan kadib markii aysoo baxayn warar hoose oo ah in Augustine Mahiga iyo xulafadiisa ay doonayaan in Shirka loo wareejiyo Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya sababo ay kusheegayn dhanka amniga waxaana la Sheegayaa in arimahaasi uu kala hadlayo Augustine Mahiga Madaxda Dowladda .
 
GalGalanews.com


Muqdishaa Hadashay

$
0
0

Muqdisho waa Muraayadii dalka wax badan waa loo soo dalxiisi jiray weyna sheekeyn jiritay waxeyse aamustay 1991kii waxii ka dambeyey sababtuna waxey ahayd wax aysan ka hadli karin ayaa lagu sameeyey xad gudub ayaa lagu la kacay madaafiic ayaa lala dhacay waa la jirdilay dharkii ayaa laga fiiqay indhihii ayaa basbaas iyo baaruud wax loo kala garan waayey looga shubay, shib ayaa ka soo hartay.
Intii ay madaxda u ahaydna waa ay wada saameysay muqdisho aamusnaan kaliya maysan sameynine xataa way is eegi kari weyday indhaha ilmedu ka qubaneysay owgeed waxay arki weyday 18kii muuqeeda sheeda sare kala socday misana islahaa wey xalin doontaa mushkiladaha soo food saarey.
Muqdisho xal ay u hesho iska daaye arrinteedi ayaa sii cuslaatay korkeeda ayaa hub kasta lagu tijaabiyey , wax walbo oo xumaan ah waa loo geystay xushmad daro kasta ayaa lagula kacay xishookii bay ka tageen sharafteedii ayaa lagu tuntay shiikh , shariif iyo maras oo idil ayaa lagu hor silciyey muqdisho tan iyo markaas wey aamusneyd,
waayo muran joogta ah ayaa ka dul socday dowladii timaadana looma dhamo mana taageersani ayey ku soo idlaaneysay dowladba dowladbay dhashay.
Markii dambe waxay ku soo biyo shubatay in dowlad iyo maxaakiim islami ah dood ay wada galaan waji cusub ayaa masaraxa siyaasadeed ee soomaaliya la kowsadey hada iyo xeelado cusub, wadaado u la bisan qaab miliri ayaa dig soo yiri oo tilmaamaaya in ay ku maamulaayaan dalka dowlad islaami ah dowladii jirteyna maysan la dhacsaneyn hab dhaqankeeda waxay doonaanba ha ka u riyaane faraha ayey is ku fiiq fiiqeen ka dibna waa ay is ku biro tunteen, dagaal ayaa loo sahan tagey, waa la is ku habar wacday,waa la is awood tijaabiyey qolo ayey la liicdey si kastaba ha u liicdee koon furtaa la is la aadey sidaas sila mid ah waxaa horey u liicay hogaamiye kooxeedkii in taa ka dib waxaa la soo un key dowladaan hada jirta oo lagu naaneyso midnimo qaran shacabkii rajo ayaa soo gashay sidiisaba shacabkan waa rajo ku nool waji kasta oo yimaadana teegeero ayuu siiyaa waxaan kala garan waayey danahooda meesha ay ku jirto in aysan garaneynin,in hayiin raac ay yihiin iyo in ay biseyl wadaninimo aysan ku jirin waayo waxay taageereen maamul kasta oo yimaada iyo waxii uu masraxa la yimaada hadana waa ay ku hun goobaan.
Shacabkaan waa beylah aqoon yahanadoodiina kaniinkii hurdada ayaa la wada laqsiiyey inta yar oo ka bad baadayna sonkor,dhiikar iyo isfiilito ayey ka qaadeen wax sheegoodana qof waalan ayaa laga soo qaadaa maamuladana lagama ogola in ay lug ku yeeshaan waayo tuhunkooda ayaa badan.
Doodaha dadka siyaasada indho indheeya ayaa farta ku godaayey waxa ka soconaaya dalka waxayna u arkaayeen kud ka guur oo qanjo u guur wax walbo ayaa la arkay wiil iyo aabahii oo aan salaanta is ka qaadeyn qoryana isku haysta gabar iyo hooyadeed oo kala afkaar noqday qoys kala irdhoobay xushmadii waalidnimo ayaa luntay waa la kala dhaqaaqey qaac ayaa la is ku shidey magacyo ayaa la isku bixiyey murtad, mushrikiin,wadaad xumayaal iyo khawaarij ayaa ka mid ah magacyeda la is ku adeegsaday wadaadadii diinta ayaa kala miirmay intooda badana waxay taageereen dowlada arintu way sii xoogeysatay xarig jiidad ayaa bilowdey aayado ayaa la is ku daliilshadey.
Muqdisho indho xumadaas indhaha ayey ka qabsatey mase rajo dhigin rajado laga ma quusto ayuu ahaa hadlaka kaliya ay dibnaheeda u kala furto.Muqdisho madaxay soo yara qaadey markey maqashay hadalkii af hayeenka al shabaab oo leh waan ka baxney muqdisho waxayna ku soo baraarugtay dad yaacaaya oo doonaaya in ay gur yahooda dayactirtaan markas ayey hadashay oo tiri xageed u socotaan ALL XAMDU LILAAH gur yaheenii ayaan ku laa baneynaa ayey dhaheen dadkii.
Muqdisho way yara faraxday misana dhoola caadaysay waayo waxay aragtay wadooyin sanado xirnaa oo is kood u furmey waxaa kale oo indhaheeda qabteen wadooyin ,dukaamadii iyo guryihii ciidamadu saarnaan jireen oo dhismo ku socdo sidoo kale waxay aratay mas’uuliyiin ku soo qulqulaaya xiisana uqaba in ay arkaan waxaa ayna odoorastay nabadii ‘‘tallow ma ifafaalo nabadeed baa mise waa maladeyda ALLOW Nabad nasii Aamiin Aamiin Aamiin ayey tiri muqdisho oo rajo nabadeed muujisay’’
W.D. Suleymaan Sh. Ismaaciil
(Paracetamol)
Paracatamol5@gmail.com

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 15-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 15-Octobar
 

Hayada Caritas Oo Si balaadhan Uga Xustey Somaliland Maalinta Faraxalka Aduunka.Xaflad Balaadhana Ku Qabatey Xarunta Agoomaha Ee Hargeysa.

$
0
0

HARGEYSA(OWN)- Hayada Caritas oo kamid ayaa sibalaadhan uxustey Maalinta Faraxalka Aduunka Oo Ku Begneyd Maanta 15 October.Sanadwalbana Laxaxu.waana sanadkii 4aad eE maalinta caalamiga ah laxuso iyadoo sanadkii 2008 la isla qaatey in la xuso maalinta faraxalka aduunka Sanadwalba bisha October 15keeda.
Munaasibad balaadhan oo ay Hayada CARITAS soo qabanqaabisey oo kaqabsoontey xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa Waaxa kasooqay Galley Masuuliyiin Kalla Duwan oo ay kamid yihiin Lataliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga Sahal Maxamed Jaamac,Lataliyaha Madaxweyaha Ee Arimaha Haweenka  Amaal Xaaji Miisaan,Cabdi Aadan Oo Kamid ah Saraakiisha Hayada Caritas,Gudoomiyaha Ururka Qaranka Ee Now Aniisa Nuur Cigaal,Madax Fayo Dhawrka Ee Wasaarada Caafmaadka C/kariim Nakruuma,Cali Sheekh Oo Kasocdey Wasaarada Caafmaadka.Madaxa Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha Maxamuud Qaalib iyo Martisharaf Kalal Duwan.

Ugu Horey GudoomiyahaXarunta Agoomaha Hargeysa  Marwo Caasha Maxamuud Qaalib Oo munaasibadaasi lagu xusaayey maalinta Faraxalka Aduunka Hadal Kajeedisey ayaa Tidhi{Maanta oo ay bishu tahey 15 october waa maalinta loo asteeyey faraxalka aduunka oo ah maalin loogu tallo galley in nadaafada kor looguq aado,waxaaney sheegtey Caasha Iney tahey sanadkii 4aad ee laqabto lagasoo bilaabi sanadkii 2008 oo si rasmia h loog dhawaaqey maalinta faraxalka aduunka.
Marwo Caasha Waxay Umahad Naqdey Hayada Caritas oo sanadwalba qabata xafladani xarunta agoomaha ee Hargeysa Lagarabtaagan tageero oo kacaawisa xaga Biyaha Iyo Nadaafada waxaaney gabogabadii kuladardaaran tahey Bulshada Il Dhawro Nadaafada Oo Lafaarxasho Cuntada Ko Hor iyo Kadib Sidoo Kallena waxay sheegtey iney muhiim tahey in la,ilaaliyo Nadaafada.

Cabdi Aadan Oo Ah Sarkaal Sare Oo Katirsan Hayada Caritas Oo Munaasiabdani qabatey ayaa sidoo kallena isna hadalo kooban oo Kasoo Jeediyey Madashaasi waxaauu umahadnaqey dhamaan kasoo qayb galayaasha Xafladani waxaanu sheegey in ay taheySanadkii 4aad Ee Somaliland Laga qabto maalinta faraxalka.
Md Cabdi Waxaa uu sheegey iney Muhiim tahey in la,ilaaliyo Nadaafada Guriga,nadaafada Biyaha,Nadaafada Cuntada Iyo Ta Deegaankaba si looga badbaado cuduro.
waxaaa sidoo kalle cabdi kualldardaarmey dhamaan dadweynaha iney ilalaiyaan nadaafada oo ay marwalba kudadaalaan iney faraxashaan.
Waxaa Uu Cabdi Aadan Sheegey in Hayada Caritas ay maanta xuskan kaqabaneyso Dhamaan gobolada somaliland Gaar Ahaan Gobolada Sool,Togdheer Iyo Maroodijeex,isagoo xusey in 15 gobood oo kamid gobaladaasi ay maanta lagaxuso doono maalintani caalamiga iyadoo laaafaraxalanaayoo.
Madaxa Fayo Dhawrka Ee Wasaarada Cafmaadka Somaliland Md C/kariim Nakruum Oo isna kahadley xafladii laguxusaayey Maalintan Caalamiga ah ayaa sheegey iney muhiim tahey in laxuso maalintan oo lafaraxasho si looag hortago cudurada waxaanu Nakruuma Bulshada Ugu Baaqey iney Faraxashaan wakhtiayda Muhiimka Ah Si,Looga hortago cudurada,waxaanu kawaramey wakhtiyadii lasoo qabtey xuskano oo maanta aheyd doorkii 4aad ee Somaliland Laga Xuso.

Cali Sheekh oo kamid ah saraakiisha wasaarada caafmaadka Somaliland Oo Munaasiabdaasi Kahadley Ayaa isna dhiniciisa sheegey iney muhiim tahey laxasuo maalintani oo lailaaliyo Nadaafada,
Lataliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga Sahal Maxamed Jaamac,Lataliyaha Madaxweyaha Ee Arimaha Haweenka  Amaal Xaaji Miisaan Iyo Gudomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Ee Now .Aniisa Nuur Cigaal Oo xafladaasi kahadley ayaa iskaga dabamarey sida ay muhiim utahey Nadaafadu iyagoo xusey Maadaamaooa ynu nahey Umad Muslim ah in Nadaafadu kamid tahey Tiirasha Arkaanu imaanka ooa ynu dheernahey intaasi dadka kalle.waxaaney gabogabadii umahadnaqeey Hayada Caritas Ee Kullankani Soo Qaban Qaabisey.
Waxaa sidoo kalle xafladaasi lagusoo bandhigey heeso,ruwaayado iyo madadaalo ay kooxda agoomaha hargeysi ay kaga qayb galayeen xuskani.waxaana gabogabadii masuliyiintii kasoo qayb gashey Xafladani ay kufaraxasheen Goobtaasi.



Sacad Muuse Cabdi
Sacad Cadaawe
Hargeysa Somaliland
Sacad098@hotmail.com

Xildhibaan Xasharo oo u Hambalyeeyey Baarlamaanka KMG ah ee somalia Goaa,nkii ay Gaareen Bishan sideedeedii Islamarkaana Ugu baaqay Inay Umada Tabaalaysan La badbaadiyo

$
0
0

Xildhibaan Cawed Cashara : Oo Ugu Hambalyeeyey Baarlamaanka KMG ah ee somalia Goaa,nkii ay Gaareen Bishan sideedeedii Islamarkaana Ugu baaqay Inay Umada Tabaalaysan La badbaadiyo (hoos Ka dhegayso Codkiisa )
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee soamlia Xildhibaan cawed axmed cashara oo ku sugan dalka Canada gara ahaan magaalada Toronto ayaa si weyn usoo dhoweeyey mar kale kulankii baarlamaanka ay bishan aynu jirno sideedii qaraarkii ay isla gaareen inaan bada Somalia lagu xadgudbi Karin islamarkaana tilmaamay inay taariikhda geli doonto .
Xildhibaan cawed oo si gaar ah uu waraysi uu uga qaaday weriye yasiin feytin ayaa sheegay in dowlada gaar ahaan baarlamaanka Somalia ay metelayaan umada soomaaliyeed islamarkaana aan loo baahnayn wax kasta oo xad gudub ku ah bulshada soomaaliyeed isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay talaabada ay baarlamaanku ka qaateen dhibaca bada Somalia caalamka inta danaysa umada soomaaliyedna ay arintaas aad usoo dhoweeyeen .
Halkan kadhegeyso codkii xildhibaan Cawad Xasharo
Download audio file (codka_cawed_cashara.mp3)
Sidoo kale cawed axmed cashara ayaa kaloo ugu baaqay baarlamaanka KMG ah ee Somalia inay dadaal u galaan sidii dadka dhibaatada abaaraha daashadeen islamarkaana dowladaha usoo gurmaday ay si weyn usoo dhoweeyaan una mahad celiyaan isagoo farta ku fiiqay lala dagaalamo musuq maasuqa
Xildhibaan Cawed casharo ayaa dhinaca kale ka hadlay dhibaatada ay budh cad badeeda ay ku hayaan bada Somalia islamarkaana u horseedi karaan in bada Somalia khayraadkii laga gurto sida ay xiliganba ku jirto waan mid loo baahan yahay ayuu yiri in laga hortago
Xildhibaanka ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in shirkii loogu magac daray wadatashiga ee wejigisii hore ka dhacay magaalada muqdisho uusan ahayn mid dadka iyo dalka dan u ahayn islamarkaana loo baahnaa in hadii cid lala heshiinayo lala heshiiyo xarakada alshabaab taasina ay marain habaabiyeen dad dano gaar ah leh waa siduu hadalka u dhigaye’’
Mar aan weydiiyey su,aal ahayd dhaliilaha kazoo baxaya gargaarka badan
ee kusoo qul qulaya magaalada muqdisho oo sidii loo baahnaa aan loo
gaarsiinayn dadka tabaalaysan bal sida uu arintaas u arko waxuuna ku
jawaabay in arintaas ay ku shaqo leedahay xukuumada KMG ah ee Somalia
islamarkaana loo baahan yahay in la raaco sharcigii hore u jiri jiray
ee ka turjumaya dhibaatada dadka tabaalaysan sidii gurmadka loo
gaarsiin lahaa
Gabagebadii ayaa xildhibaan cawed waxuu tacsi u diray ehaladii iyo
dadkii ku waxyeeloobay qaraxii bishan ay nu ku jirno afarteedii ka
dhacay magaalada muqdisho islamarkaana uga tacsiyeeyey dhibaatada ku
dhacday qayabhihii kala duwanaa ee bulshada
Ugu dambayntii ayaan waxaan weydiiyey bal inuu iftiimiyo dhaliisha
kazoo baxaysa shirkii wadatashiga ee muqdisho ka dhacay waxuuna
xildhibaanku sheegay in marinka loo maray shirkaasi uu ahayn mid loo
baahan yahay xiligan islamrkaana tilmaamay in puntland ,ehalu suna
waljameeca iyo dowlada KMG ah ee Somalia aysan heshiinayn balse loo
baahan ayuu yiri dadka heshiiska u baahan ay yihiin dadka kazoo
horjeeda oo dhan taasina ayuu yiri aan lagu tilmaami Karin dib u
heshiisiin

Somali Parliament warned K-TFG leaders against committing treason

$
0
0

October 15, 2011 – On October 8, 2011, the Transitional Federal Parliament of Somalia (TFP) passed a law (resolution) that made a crime the implementation of one of the priority tasks of the Roadmap adopted by the selected Somali Stakeholders — Kampala Transitional Federal Government (K-TFG), faction of Ahlu Sunna Wal Jama (ASWJ), Regional States of Puntland and Galmudug. K-TFG leaders have been prohibited from the adoption of the Exclusive Economic Zone (EEZ) regime that diminishes the breadth of Somali sovereignty over its territorial water from 200 to 12 nautical miles (nm=1.852 km) by December 19, 2011.
The President and the Speaker, leaders of the K-TFG coalition, have yet to assent to the Parliament’s law. It is doubtful if the decision of parliament will bind other stakeholders.
Article 2 of 2004 Transitional Federal Charter (TFC) affirms that the Somali territory is inviolable and indivisible and that the territorial sovereignty shall extend to the land, the islands, territorial sea, the subsoil, the air space and the continental shelf. The 1960 Constitution repeats the same description of article 2. Law no. 37 of 1972 specifies the limits of the territorial sea mentioned in the TFC and the 1960 Constitution. Therefore, nowhere in both Constitutions and in the law, it is mentioned EEZ. The Outer Continental Shelf which extends 150 nm is beyond the 200 nm.
TFP unanimously voted for the complete cessation of all activities intended to revise the legally defined Somali territorial sea border and it has retroactively nullified all “illegal and secret agreements” crafted after 1st January 1991. Some information indicates that EU awarded contracts on the Somali Sea to foreign contractors without the permission or knowledge of Somali Authority.
However, my prediction is that the invented “Somali Stakeholders” will go ahead with the EEZ declaration on schedule for three reasons. First, the earlier parliamentary rejection of the Memorandum of Understanding (MoU) signed between the D-TFG and Kenya did not stop the continuation of the activities started by the MoU. PM Abdiweli Ali Gas ignored that decision and went ahead with the signing of the Roadmap requiring EEZ declaration. Second, the role of the Parliament has been subverted by the provisions of the Kampala Accord and by the UN-Consultative Meeting (UN-CM) which gave birth to the Somali Stakeholders. Third, the Communiqué of the International Contact Group meeting in Denmark mandated immediate declaration of EEZ. Furthermore, K-TFG leaders are required to cooperate with the super Technical Committee, the Regional Political Initiative and the International Coordination and Monitoring Group all created to enforce the implementation of the Roadmap and to inaugurate the post transition arrangement after August 2012.
The difference between the 200 nm of territorial water and 200 nm of the EEZ defined in the UN Convention on the Law of Sea (UNCLOS) also known as the Law of the Sea Treaty (LOST) is the span of the territorial sovereignty of the coastal states and the restrictions and regulations on the use of their marine resource. EEZ is intended to restrict the territorial sovereignty of coastal States and to expand the sovereign rights of fishing, navigation and scientific research of maritime and industrial States for their military and economic security. The strategic decision of each coastal state is influenced by its long term strategic interests, and the changes in technological innovation as well as the special features of its sea.
Somalia has been registered as one of the countries that have claimed 200 nm of territorial water since 1972. It signed the Law of the Sea on July 24, 1989, with the stipulation that Law no. 37 is the law of the land. Somalia did not sign the agreement for the conservation and management of straddling fish stocks and highly migratory fish stocks and the agreement for the implementation of the part XI of the Convention. The understanding of the scope, legal definitions and implications of UNCLOS and its addendums requires strategic thinking, legal expertise, discipline and leadership with political acumen that are presently absent in Somalia. Experts argued that the language of UNCLOS is deliberately obscure and open for legal litigation and misinterpretations.
Croatia which shares the Adriatic Sea with Italy and Slovenia has been denied the right to claim EEZ regime enshrined in UNCLOS. China accepted EEZ but claimed full territorial sovereignty over it. Japan and USA rejected China’s claim.
Many countries like Ecuador, Eritrea, Peru, Venezuela, Israel, Turkey and Uzbekistan chose not to sign and ratify the UNCLOS. Others like Burundi, Libya, El Salvador, Colombia, Ethiopia, United States and United Arab Emirates signed but failed to ratify it. Other Countries signed and ratified with reservations.
The United States asked a renegotiation of UNCLOS in 1994. Nevertheless, the US Congress refused to ratify the renegotiated Convention because Article 2 (3) forces the surrender of national sovereignty to the UN. The opponents of UNCLOS have attacked the creation of the International Seabed Authority and the business company “Enterprise” for Deep Seabed Mining seen as an international structure that promotes wealth redistribution and unfair concessions.
The importance of the Sea for security, economic growth, environment, energy and scientific research purposes is immense. The control of pollution, submarine navigation, offshore oil drilling, illegal fishing and laying cables and pipelines under Sea is a great challenge to the sovereignty of the coastal States. Efforts by EU to expand the coastal state jurisdiction over EEZ to prevent environmental degradation and pollution have met stiff resistance from the powerful maritime countries.
The piracy issue cannot be an excuse for change of the limit of the Somali territorial water. Prof. Nurudin Farah has reported that initially “piracy was in response to the illicit plunder of the country’s sea resources by ships owned in Europe and Asia, but flying foreign flags of all sorts. Ships would arrive in Somali waters armed for battle, with speed boats, and they would employ fishing methods banned elsewhere, at times dumping nuclear, chemical and other wastes, and at times shooting at the Somalis fishing in the same area.” Logically, the first step to address the piracy problem would be to stop the criminal activities and help re-establish the Somali State.
The K-TFG has no authority, capacity and credibility to engage on the revision of the territorial water of Somalia for the following considerations. First, K-TFG is one year stopgap government tasked to prepare for the transfer of political and legislative powers to a government legitimately elected by the Somali people. The feasibility of the goal is another matter.
Second, Somalia is a failed State that is ineligible to interact with other states as a full member of the International Community. It lacks collective decision making authority and effective bureaucratic and judicial system. The United Nations Security Council (UNSC) and the Inter-Governmental Authority (IGAD-Ethiopia and Uganda) control K-TFG. Thus, K-TFG leaders are subordinates to external powers.
Third, about half of the Somali population, which means 4 million people, needs life saving humanitarian assistance. About 750,000 out of the 4 million people are close to die for starvation. So far, K-TFG leaders failed to protect and secure the distribution and delivery of the humanitarian assistance to the needy people. Therefore, K-TFG leaders’ first priority is to doggedly focus on saving those three quarters of million lives before anything else. Matt Bryden, Coordinator of UN Monitoring Group on Somalia argues that “Somalia’s famine is less a symptom of conflict and climate than of callous and criminal conduct-including crimes against humanity that demand consequences anchored in international justice.” He added that “the scale of the TFG’s financial hemorrhaging is so immense that the term ‘corruption’ seems barely adequate.”
Fourth, the PM promised a national reconciliation plan that will lead to a national consensus and trust among Somali society on the urgent need to re-establish a national State. This pre-empts the draft of a new constitution and the declaration of EEZ regime because both will divide the Somali people rather than unite them.
The public statements and the interviews given by the Prime Minister, Dr. Abdiweli M Ali Gas and former and current Ministers of fisheries have confirmed public suspicion about their candor on the reasons behind the EEZ push. The PM chose to give provocative and accusatory answers that did not address the EEZ question. The Parliament dismissed the current Minister of Fisheries, Abdirahman Sheikh Ibrahim after he failed to disclose significant information and danced around fake words like “trust me.” He said he knew nothing about his predecessor’s legacy on the issue. This shows the lack of institutional memory and coordination between K-TFG’s dysfunctional Institutions.
K-TFG leaders should not compromise the long term strategic security, economic and environmental interests of the present and future generations of Somalia. The Somali parliament warned K-TFG leaders against committing treason if they endorse the EEZ regime. Will the K-TFG leaders respect Parliament’s decision on Somalia’s territorial water or will they confirm my prediction? I wish I’m wrong.
Mr. Mohamud M Uluso
mohamuduluso@gmail.com

Dowladda Iiraan oo 43-Milyan dollar ugu deeqday Dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen.

$
0
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka abaaruhu saameeyeen deeq lacageed oo gaareysa 43-milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, isla markaasna mardhow sii kordhin doonto lacagta ay siiso dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan.
“Dowladda iyo shacabka Iiraan waxay dadka Soomaaliyeed ugu deeqeen 430 billion oo RiyaalkaIranah una dhiganta 43-Million oo Dollar-ka Maraykanka ah” Zaher Rostami oo ah madaxa Hay’adda bisha cas eeIranayaa sidaas yiri mar uu la hadlayey wakaalada wararka ee dalkaIran.
Dowlada dalka Iran oo kamid ah dalalka gar gaarka bini aadannimo soo gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeelada u geysatay macaluusha ay keentay abaarta ka jirta mandiqadda geeska Africa ayaa isku darka gar gaarka ay soo dirtay uu gaarayaa 5700-oo Tan oo Raashin, Daawooyin iyo agabyo kale isug jira.
Waxaana xiligan magaalada Muqdisho ku sugan kumanaan Qoys oo kasoo cararay gobolada abaaraysan ee dalka , kuwaas oo marar badan la soo gaarsiiyey deeqo ay qaar kamid ah dalalka Muslimka ah iyo kuwa kaleba ay soo gaarsiiyeen , inkastoo dhibaatada abaartu ay weli tahay mid taagan.
Abaarta ka jirta geeska Africa oo ah tii ugu ba’nayd oo mudo 60-sano ku dhufata ayaa saameyn ku yeelatay nolosha 11-milyan oo qof ku nool dalalkaEthiopia,Kenyaiyo Soomaaliya, iyadoo la sheegay inay abaarta ugu darantahay dalka Soomaaliya.
WidhWidh Online News Desk

Jaaliyadda SSC ee Dalka Imaaraadka oo Si weyn u xusay Sanad guuradii Labaad ee SSC iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka Qayb galay,{Daawo sawirada}.

$
0
0

Waxaa xaley oo ay ku beegney 15/10/2011 lagu qabtey wadanka imaaraadka gaar ahaan magaalada shaariqa
   gaar ahaan hoteelka weyn ee lagu magacaabo MUBARAK CANTER xaflad aad u qurux badan xafladaas oo ay
   soo abaabuleen jaaliyada ssc ee wadanka imaaraadka iyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi
   imaaraadka iyaga oo aan u kala hadhin gobol kasta oo ay ka soo jeedaan.umadii soomaaliyeed ee ku dhaqney imaaraadka
      Nasiib wanaag waxaa isna goob joog ka ahaa GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE oo goob joog
   ka ahaa indhihiisana ku arkayey munaasabadii goobtaas lagu soo bandhigey.
   FURITAANKII. XAFLADA.
   Waxaa lagu furey aayado quraan ah oo uu soo jeediyey sheekh cali maxamed obsiiye oo dadkii goobtaas ku sugnaa
   ugu duceeyey in ay sanadka kiisa kale ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo denbi dhaafna ee uu siiyo  intaa ka dib
   waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE  .
   Garaadku waxa uu ugu horeyn u mahad celiyey jaaliyadda ssc ee wadanka imaaraadka sida wanaagsan ee ay u soo
   dhaweeyeen .waxa kale oo uu u mahad celiyey dadweynihii soomaaliyeed ee goobtaas ku sugnaa garaadku waxa uu
   guud ahaan kula dardaarmey in ay umada soomaaliyeed gacmaha is wada qabsadaan kana shaqeeyaan sidii qaran
   soomaaliyeed u soo noqon lahaa loona ilaalin lahaa wadajirka iyo midnimada umada soomaaliyeed.

   DHANKA SSC IYO SHIRKA KHAATUMO 1- 2
  Garaadku waxa uu goobtaas ilyartu is qabatey ka sheegey in uu soo dhaweynayo shirka khaatumo ee ka dhici doona
  magaala taariikhiga ah ee taleex  isla markaana uu ka qeyb geli doono hadii alla idmo waxa uuna bulshada ssc ka
  codsadey dal iyo dibadba in ay u diyaar garoobaanka ka qeyb galka shirkaas .
      Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha jaaliyadda ssc ee imaaraadka ENG CALI XAAJI CIGE
  ENG CALI  XAAJI CIGE  mahad celin ka dib waxa uu warbixin ka bixiyey aasaaskii ssc isga oo goobtaas ka sheegey
  in umada degta gobolada ssc ay u taagan yihiin sidii la isugu keeni lahaa umada soomaaliyeed ee kal irdhowdey
  ENG  cali waxa uu cambaareeye falkii arxan darada ahaa ee 4/10/2011 ka dhacey magaalo madaxda soomaaliya
  ee muqdisho kaas oo lagu xasuuqey ardey soomaaliyeed oo aan waxba kalabsan waxa uu u tacsiyeeyey umadii
  soomaaliyeed ee awlaadoodu halkaas ku geeriyootey waxa uuna ilaah uga baryey in uu naxariistii jano eebe ka waraabiyo
  kuwa dhaawacan ilaah uu caafimaad siiyo dhanka shirka khatumo mar uu ka hadlayey waxa uu sheegey in ay jaaliyad ahaan
  taageersan yihiin waxa shacaweynaha ssc ay rabaan kaas oo ah ka qeyb galka shirka khaatumo ee ka dhici doona magaalada
  taleex  waxa uuna sheegey in ay u dirsana doonaan wafti aad u culus oo ka qeyb gala shirkaas.
      waxaa isna lagu soo dhaweeyey xildhibaan ka mid ah xildhibaanada dowlada federaalka xildhibaan kaas oo ah
  xildhibaan CABDI WELI  SHEEKH MAXAMED waxa uuna u hambalyeey dhamaan bulsho weynta ssc meel kasta oo ay joogaan
 Waxaa isna goobtaas gabey ay dadkii ka soo qeyb galey dareenkooda ruxey ka soo jeediyey Maxamuud cali cade CAWJAD.
 Isaga oo murti aad u qurux badan ka soo jeediyey xafladaas taas oo ay muujineyso sida ay uga goantahey bulshada ssc uga
 midha dhalin lahaayeen shirkaas khaatumo ee taleex
 waxaa isna habalyo ka soo jeediyey  ILYAAS HUSEEN CALI oo ku hadlayey magaca AWDAL STATE
 Waxaa isna halkaas ka hadley odey SICIID SAALAX  oo ku hadlayey magaca maamulka RAAS CASER
 
  Ugu danbeyntii xafladaas waxa ay ku soo gaba gabowdey jawi aad u heer sareeya oo lagu farxo.
 
 WAA RASHIID DIIRIYE FAARAX
  AFHAYEENKA SSC EE IMAARAADKA
  OO IDIN LEH SHACBIGA SSC MEEL
  KASTA HA JOOGEE WAXAAN LEEYAHEY
  HAMBALYO WAANA INOO IYO TALEEX
  BAR BARKEY KA BAXDAA WAA BAKEYLA QALEEN.


Al-shabaab oo billowday inay barkacayaashii ku jiray Xerada Aala-Yaasir dib ugu celiso deegaannadoodii.

$
0
0

Xarakada Al-shabaab ayaa billowday qorshe ay dib ugu celinayso barakacayaasha ku jira xerada Aala-Yaasir ee shabeellada Hoose deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen.
Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Al-shabaab iyo guddiga dib u dajinta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii ay dadku uga faa’iideysan lahaayeen roobabka dayrta ee billowday.
“Dadku inay wax tacbadaan oo aysan gacmaha hoorsan weeye sababta aan dib ugu celinayno deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen,” ayuu yiri Sheekh Suldaan oo intaas ku daray: “Waxaa billowday roobabkii dayrta deegaanaduna waa barwaaqo marka waxaan doorbidnay inaan dadka ku celinno deegaannadoodii.”
Sidoo kale, Sheekh Suldaan ayaa sheegay in qoysaska dib u dajirta loo sameynayo la siiyay raashin ay ku noolaadaan muddo bil ku dhow, sidoo kalena ay siinayaan miraha abuurka beeraha.
“Xeradu waxay furnayd muddo afar bilood iyo toban casho ah, waxaana dadka ay ku haysteen xerada raashin, dawo, waxbarasho iyo ammaanka,” ayuu yiri Sheekh Aala-Maxmaed, isagoo sheegay in shalay oo Sabti ahayd dib u dajin loo sameeyay 5,000-qoys oo ka mid ah barakacayaasha.
Madaxa guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka shabeellada hoose Sheekh Xuseen Xaaji Cabdi (Ow-gaab) oo isaguna ka hadlay dib u dajinta ay Xarkadu billowday ayaa sheegay in maanta oo Axad ah la dhameystirayo dib u celinta dadkii kasoo barakacay gobolka Shabeellada hoose, maalinta berri ahna la bilaabayo dib u dajin loo sameynayo dadkii kasoo barakacay gobollada Bay iyo Bakool.
Xerada Aala-Yaasir oo ku taala deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa lagu wadaa in albaabada la isugu dhufto, iyadoo ay ku noolaayeen muddadii ay furnayd kumannaan qoys oo barakacayaal ah.
Dhawaan ayaa waxaa xeradaas waxaa deeq isugu jirtay raashin iyo lacag ka bixiyay saraakiil ka tirsan Al-Qaacida, taasoo ahayd markii ugu horreysay oo ay Al-Qaacida gargaar bani’aadmanimo ka bixiso Soomaaliya.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho

Ciidamada Milateriga Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

$
0
0

Taangiyo iyo ciidamo badan oo Milateriga Kenya ah ayaa u soo talaabay xadka Soomaaliya, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan halka ay ku wajahan yihiin ciidamadaas.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno xadka Kenya ciidamo badan oo wato taangiyo ayey dowlada Kenya soo gelisay Soomaaliya gaar ahaan xadka ay kala wadaagto gobolka J/hoose.
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ayaa ku sheegay talaabadaan mid ay ku sagayaan amaanka dalkiisa isla markaana ay ku baadi goobayaan afar ka mid ah shaqaalaha hey’ada MSF oo dhawaan ay kooxo mintidiin ah kasoo afduubteen dalka Kenya.
Kenya waxay shegetay in ay howlgalo ka sameyn doonto gobolada Soomaaliya ee u dhaw xadka halkaasi oo ay joogaan Al-Shabab, waxaa kale oo ay wacad ku martay in ay cagta mari doonto koox kasto oo Qatar ku ah amaanka dalkeeda.
Wasiirka Amaanka ee dalkaasi George Saitoti oo shalay wariyeyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay duulaankaan u adeegsaneyso qodobka 51-aad ee Sharciyada Caalamiga ah kaasi oo dhigaya in dal kasto uu qaadi karo talaabo kasta oo uu isku difaacato hadii la soo weeraro.

Dowladda Kenya oo sheegtay inay xaduuda Soomaaliya ka soo gudbeen ilaa iyo 100 km.

$
0
0

Warar laga soo xigtay wasaaradda difaaca Kenya ayaa sheegaya in Milatariga Kenya ay u soo talaabeen ilaa iyo boqol kilo mitir dhinaca xadka Somaliya iyagoo ka jawaabaya weerar dhowaan lagu soo qafaashay labo dumar oo ka tirsanaa hayada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF kuwaas oo la tuhunsanyahay in lala soo aaday dhinaca wadanka Somaliya.
Ciidamadan ayaa ka tirsan guutooyinka miliatariga ee ku sugan xuduudadaha wadanka Kenya ee soo xiga dhinaca dalka Somaliya.
Sarkaal u hadlay milatariga Kenya ayaa u sheegay wargeyska Standar  ee ka soo baxa magalada Nairobi in ay aad uga niyadjabsanyihiin sida ay uga baxsadeen ragii falkaasi ka dambeyay, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in ay ka taxadari doonaan si waliba oo loo hor istaagi lahaa in falalkaasi oo kale ay ku soo laabtaan wadanka Kenya.
Sarkaalkaan waxaa uu xusay in ciidamadooda ay haatan gudaha Soomaaliya ku jiraan in ka badan 100 Km waxana uu intaa ku daray inay la shaqeynayaan ciidamada dawlada KMG ee dagaalada kula jira Xarakadda Al-Shabab, Dawlada Kenya ayaa maalnimadii shalay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabab kadib markii ay ku eedeeyeen inay qal qal galisay amaanka dalkeeda.
Ciidamada KMG oo gacan ka helaya kluwa jabahadda Raas Kambooni ayaa shalay la wareegay deegaano hor leh oo ku yaala gobolka Jubbadda hoose kadib markii ay kula dagaalameen Xarakadda Al-Shabab ciidamada u dagaalama.
 
 

Canada Muslims Face Negative Perceptions

$
0
0

The Muslim minority in Canada is still facing negative perceptions a decade after the 9/11, a national survey has found, reflecting a widespread unease towards Muslims in the West

Dowladda Kenya oo sheegtay inay Xarakada Al-shabaab kula dagaalmai doonto gudaha Soomaaliya

$
0
0

Dowlada dalkaKenya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay qaado talaabo walba oo ay kaga hortegeyso fargelin ay sheegeen in Xarakada Al-shabaab ay ku hayaan dalkaKenyagoboladiisa xuduuda la leh dalka Soomaaliya.
Waxayna intaas ku dartay wasiirku  in ciidamada Kenya ay kasoo gudbi doonaan xuduuda dalka Kenya uu Soomaaliya la wadaago , islamarkaana ay Al-shabaab kula dagaalami doonaan meel kasta , si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee dalka iyo dadka Kenya.
Wasiirka amniga dalkaKenyaoo saxaafada Caalamiga ah la hadlay ayaa sheegay in dowladaKenyaay ka go’an tahay in ay la dagaalanto cid walba ooKenyasoo fara gelisa si loo sugo ammaanka muwaadiniinta iyo xuduudadaha ay lawadaagaan dalka Soomaaliya
Dhinaca kale Wasiiradda amniga iyo difaaca ee Kenya ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen Nairobi waxay ku sheegeen in ciidanka Kenya ay dabagalayaan  dadkii afduubtay labo haween oo u dhashay dalka Spain waxayna wasiiradaasi sheegeen in dastuurkoodu u baneynayo in ay al-shabaab kula dagaalamaan gudaha dalka soomaaliya sida ay yiraahdeen
Aden Barre Ducaalle oo ka tirsan baarlamaankaKenyaayaa sheegay in dowladdaKenyaay xaq u leedahay inay sugto amniga dadkeeda, sidoo kale howlgalka militari ee ay ku qaadayso al-Shabaab uu yahay mid xaq ah oo taasina ay ugu wacan tahay sida uu yiri  gardarooyinka iyo afduubka ay kooxaha soomalidu  dhawaanahan ka geysanayeen  gudahaKenya
Adan barre waxa kale oo uu sheegay in baraalamanka dalka Kenya uu ogolaaday in ciidamada Dalka Kenya ay farageliyaan gudaha dalka soomaaliya wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Kenya sida uu yiri ay hadda diyaar yihiin inay howlgalkaasi fuliyaan inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego waqti go,an oo arritaasi ay dhaceyso
Dhinaca kale dowladda KMG ee soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadalin warka ka soo yeeray dowladda Kenya kaas oo ay ku sheegtay inay faragelineyso gudaha dalka soomaaliya waxayna u muuqataa inay raalli ka thay in ciidamada Kenya ay si toos ah  u soo gaalan gudaha dalka Soomaaliya
Ma cadda illa hadda habka uu u dhacayo howlgalka ay dowladdaKenyaku sheegtay inay soomaaliya ka fulineyso gaar ahaan qorshaha ay sheegtay inay ku soo furaneyso daka laga afduubay gudaha dalkaKenya
Arrintani ayey dad badani aaminsan yihiin in qorshaha Kenya uu ka weyn yahay dad soo furasho oo ay doonayaan inay ugu yaraan ciidamada Dowladda KMG ee ay iyagu tababareen soona hubeeyeen ay ku taageeraan dagaalka ay kala soo horjedaan xarakada al-shabab wixii markaasi adabeeyana ay ujeedkooda gaarto  iyadoo su,aasha isweydiinta mudani ay tahay haddii ay Kenya awood u yeelan weysay inay  soo furto dadka laga afduubay intii aysan xadka kabixin ma hadda oo ay gudaha soomaaliya lala soo galay ayey awood u yeelankartaa soo furashada dadka afduuban mise xaaladdu waa baroortu orgiga ka weyn oo iyadaa damac wadaa oo qorshe qarsoon ayaa jira ? waayo dowlado iyada ka awood badan ayaa ku dhiiranwaayey inay soo furtaan dad laga heysto iyagoo dhowraya nolasha dadka u afduuban kooxaha soomaalida waxaana laga cabsi qabaa in damacaKenyauu dhibaato hor leh ka abuuro soomaaliya iyoKenya
Kenya waxay xaq u leedahay inay xadkeeda ilaashato, waxay kaloo xaq u leedahay inay taargad gareyso haddii ogtahay goob si gaar ah dadka la afduubtay ay sugan yihiin sida inay ciidamadeeda kamamdoosku weeraraan halka lagu hayo dadka la afduubtay taas oo aan la ogeyn waxa ay xaaladdu ku dhamaan karto balse ay labo mid un arritu ku dhamaaneyso taas oo ah inay guuleystaan oo ay soo furtaan dadka afduubka loo heysto ama inay wada khaarijiyaan dadka afduuban iyo kuwa wax afduubtay .
Kenya  way ogtahay in faragelinkasta oo ay gudaha soomaaliya ka fulisaa uu xaalad cusub ka abuurayo labada dal ,mana jirto sabab ay ku soo gelikarto gudaha soomaaliya iyadoo dagaalameysa  ama ciidamadeedu ay weerar toos ah ku soo qaadaan gudaha soomaaliya  taasoo  haddii ay dhacdo lamid noqoneysaa faragelintii ciidamada Itoobiya ku sooqaadeen soomaaliya  dhamaadkii sanadkii 2006
Eedda koowaad waxaa yeelanaya haddii fal lamid ah kii itoobiya uu dhaco dowladda KMG oo sida muuqata u ogolaatay soo gelitaanka ciidamada Kenya wixii dhacana iyadaa mas,uuliyadeeda iska leh waayo iydoon fasax looga qadan haddii ciidamo kale gudaha Soomaaliya soo galaan waa ciidamo gumeysi cidna ma aqbali karto arrituna sida hadda ay tahay ma ahaan doonto waayo wax badan ayaa sida ay hadda yihiin iska bedeli doona waaxana haboon in arrintaasi qaabab kale loo xalliyo
Baarlamanka KMG ah ee hadda jira inkastoo qar badani fadhigoodu yahay dalka Kenya haddana mas,uuliyad weyn ayaa ka saran inay ka hortagaan xad gudub kasta oo lagula kaco dhulka soomaaliya iygoo ogsoon inay maalmo ka hor qorshe si dad ban ka ugu xiran iany ka hortageen waxaana dhici karto in ceelado kale isla qorshii hore loogi adeegsanayo iyadoo lagu marmarsiyoonayo arrimo markaasi jira sida afduubka shaqalaha haymadaha samafalka iyo dad dalxiisayal oo gudaha Kenya laga soo afduubtay arrintaasi marna ma sahlana markaa waa in mowqifka baarlaamka la ogaadaa waxa uu yahay ,waayoMa jiraan ciidamo uu baarlamaanka soomaaliya ogolaaday inay soogalaan gudaha Soomaaliya ,
Waxba yaan road map nalagu wareerin waqtina dadka looga qadin ma jirto wax ay soomaali meel dhigatay oo lagu heshiisyahay haddii la abuurayo isbahesiyo cusub ii xagga siyaasadda ah waa arrin gaara waana muuqataa dhaqanka hadda meesha ka muuqdaana ma ahan dhaqan dowladnmo ee waa dhaqan u muuqda awooddii ay isticmaalijireen  dalalkii dagaal 2aad ee adduunka ku guuleystay taasina xal marna uma soowaddo soomaaliya inay kala geyso mooye,xaqiiqdiina waa qorshe soomaliya mar kale dagaallo la isagga horkeeyo dhibaatadii ka dhalatana waxaa qaadanaya kuwii beenta saxiixay kuwii u codeeyey waxayna taariikh xun ku yeelan doonaan musqtabalka dambe dalka soomaaliya
Soomaaliya lama iibin karo mana iibsanto dhulkeeda iyo baddeedaba waana kashifmidoonan kuwa howshaasi ku jira waqtiga ay doonto ha noqotee ama boor isku qaraiya ama magacyo kala duwan isticmaala ogaada hadda waxba idiima qarsoona

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live