Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: ” Anigu Heshiiskaa DP world Waxaan u arkaa...

$
0
0

Daawo:" Anigu Heshiiskaa DP world Waxaan u arkaa Heshiis Taban Waayo Yaa galay Heshiiska.... Muse 20 casho markuu Joogay Dagaal buu ku qaaday Tukaraq " Wasiirkii hore ee Biyaha
[embedded content]
storvideo: 


London oo uu Ka Furmey Shir Ku Saabsan Gar-gaarka Bini'aadannimo ee Soomaaliya

$
0
0

Magaalada London waxa maanta ka furmay shir caalami ah oo looga hadlayo gargaarka bani'aadannimo ee Soomaaliya.

Hay'ado Ku Baaqay in Soomaaliya Laga Cafiyo Deymaha

$
0
0

In ka badan 30 ka mid ah hey’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen Isniintii shalay, ka hor shirka London ee gar-gaarka bini'aadannimo waxay ku baaqeen in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

          Heshiiska JSL+Etoobiya+DP World waa sharci

$
0
0

Ragga maanta ku doodaya heshiis kaasi sharci maaha waxan u arkaa ula jeedadoodu ay tahay guryaha aanu dhisanay ee aanu ku jirnaa sharci maaha,xukuumaduna sharci maaha,etoobiyo iyo DP World-na Sharci maaha,umana hayaan cadayn sharci.
Taas oo macnaheedu yahay 3da dal(JSL,Emirates iyo Etoobiya) mid koodna awood ay ku heshiiyaan ma laha.Waana ayaan darro dadkeena qaar haysata oo aan dalkiisa iyo dawladiisu aanay qaayo la lahayn,keliya la qiimo badan tahay danahooda gaarka ahi.
Waxaan cidna daah ka saar nayn jiritaanka dalkan JSL,xukuumaduna masuul ka tahay gebi ahaanba dalka,dadka,horumarka iyo heshiis yada shisheeye.Labada gole ee sharci dejintuna ansaxiyaan,kuna ilaaliyaan xukuumada ku dhaqanka dastuurka. Anigu garan mayo halka xisbiyada mucaaridka ah uu dastuurka ku cadeeyay inay talada dalka iyo hogaaminta dalka la wadaagaan xukuumada.Mana arag siyaasiyiinta aan ka tirsanayn xukuumada iyo golayaasha sharci dejinta ee ka hadlaaya dawlado kale ama jawaab ka bixinaaya hadalo ka soo yeedhay.Talaabooyinka noocan ah waxay tilmaamayaan dalka inaan dawladi ka jirin.
Hadaan u soo noqdo heshiiska mashruuca dekeda Berbera dasuurka JSL ayaa madaxweynaha u siiyay awood uu ku hogaamiyo siyaasada guud ee dalka.Wasiiradana dastuurka ayaa awood u siiyay fulinta siyaasada guud ee uu madaxweynahu dalka ku hogaaminayo.Sidaa darteed waa dastuuri xukuumad JSL inay heshiisyo la gasho sharkado shisheeye ama dawlado shisheeye.2da dhinac ee kale DP World waa sharkad ay qayb ka tahay xukuumada UAE sidaa heshiiskoodu waa sharci.Xukuumada Etoobiya-na heshiiska ay cid la gashaa waa sharci.
Hadaba aduunku siduu u dhaqmaa waa sidan heshiis kan oo kale,waana dan aan kuu fuliyee anigana tayda ii fuli.
Xukuumada JSL waxay qaaday talaabadii furaha kobcinta dhaqaale ee dalka,waxaanu heshiiskani inagu hagayaa jidka aqoonsiga.Markaa waan ku taagerayaa waanan ugu ducaynayaa hogaanka khayrka leh ee wadaniyada ah.
Waxan ku soo gaba-gaynayaa muwaadin kala saar siyaasada dalka gudahiisa iyo qaranimada JSL.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
0634026100
0659309105
storvideo: 

HOOYADA SOOMAALIYEED IYO WAAYIHII REER GUURAAGA. ...

$
0
0

Kalintii ay hooyadu ku la hayd noloshii reer guuraaga iyo dhibaatooyinkii is huwanaa ee ay ka dhaxashay. Waa qormooyin ka kooban dhowr qaybood, oo aan doonayo in aan idinla wadaago.
Soomaalidu waxay ku abtirsataa nolosha reer guuraaga taa soo la odhan karo waxay ku sinayd bilawgii iyo aas aaskii taariikhda soomaalidu ka unkantay Geeskan Africa. Nolosha reer guuraagu waa nolol dhib iyo rafaad badan oo aan nasasho lahayn, waxaana lagaga gudbaa samir iyo adkaysi badan oo joogto ah.Hadaba waxaan qormooyin kooban ku iftiimin doonaa duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee hooyooyinka Soomaaliyeed kala kulmeen noloshii reer guuraga, taa soo ay bulshada Soomaalidu wakhti badan ku soo qaateen sidii ay salka ugu dhigi-lahaayeen nolol ka islaaxda dhulka kaymaha ah ee ay mudada dheer ku noolaayeen. Waxa kaloo iyana xusuusteeda leh sidii ay hooyooyinkii Soomaaliyeed ugu dulqaateen diiftii iyo daranyada taalay noloshii reer guuraaga.Sababta maanta igu kaliftay in aan dib u milicsado taariikh iyo waayo in tooda badan laga soo gudbay waa isbadalka nolosha Soomaalidu samaysay sanadihii ugu dabeeyay, gaar ahaan kala fogaanta nololeed ee u dhaxaysa hooyada maanta iyo hooyada shalay.
Waxa biyo kama dhibcaana in ay jirto farqi aad weyn oo u dhaxaysa hooyadii la kaca-kufaysay noloshii baadiyaha iyo hooyada la kowsatay nolosha magaalooyinka, marka loo eego xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee mid waliba nasiibka u heshay. Waxa kaloo iyana haboon in haweenka maantu ay dib u fiiriyaan marxaladihii adkaa ee hooyooyinka Soomaaliyeed u soo samreen, xiliyo ay Soomaalidu ka durugsanaayeen dhulkii magaalooyinka ka agdhawaa, islamarkaana aanay jirin adeegyo bulsho oo ay haweenka maanta ku naaloonayaan. Sooyaalka taariikhda oo dib loo raadguraa waxay bidhaamisaa jahada loo socdo iyo geediga la guurayaa inta uu leegyahay. Hadaba in haweenka maantu dib u jaleecaan waayihii ay soomareen hooyooyinkii hore waxay ka caawinaysa in ay helaan halbeeg saxa oo ay ku cabiraan guulaha ay ka gaadheen halgankooda raadin xuquuqda haweenka.Hooyooyinkii ka soo dabaashay noloshii adkayd ee reer guuraaga waxa lagu tilmaami karaa in ay ahaayeen naftood huryaal u soo jilib dhigay xaalado cakiran oo yaalay dhulkii qarfaha ahaa ee ay ku noolaayeen.Wakhtigii iyo waayihii qalafsanaa ee Hooyooyinka Soomaaliyeed ku haystay noloshii baadiyuhu maaha kuwo aan halkan si waafiya idiinku soo gudbin karo. Waxaan'se qalinka u qaatay in aan wax yar ka iftiimiyo xaaladihii ugu adkaa ee hooyooyinka Soomaaliyeed u soo beerdhigeen xiliyo ay noloshu baxaadagaysay. Waxaan haddii Alle idmo, si guudmar ah wax uga tilmaami doonaa, 5) caqabadood oo hooyooyinka Soomaaliyeed ku haystay noloshii baadiyaha, ku waa soo kala ahaa; 1) dhibtii hooyooyinka ka soo gaadhay markii ay waayeen adeegyo caafimaad oo lagu daryeelo, 2) howshii aan dhamaadka lahayn ee ay kala kulmeen hirgalinta aqalka Soomaaliga, 3)daalkii iyo diiftii ay ka dhaxli-jireen marka ay reeruhu guurayaan, 4) tacadii iyo turun-turooyinkii ay kala kulmeen aaboyaashii ay nolosha la wadaagayeen, 5) ta ugu danbaysa oo ah sidii hooyooyinka looga dayriyay taladii qoysaskooda.
1) La'aanta adeego caafimaad; Marka ay hooyadu uurka leedahay ama ay nuujinayso waxay aad ugu nugushahay in ay asiibaan Xanuuno khatar ku ah nafteeda, taa soo ay ugu wacan tahay, xaalado u gooniya markay hooyadu dhalayda tahay. Xiliyadii ay dadku reer guuraaga ahaayeen may-jirin adeegyo caafimaad oo lagu daryeelo dadka kuwa ugu jilicsan sida Hooyada uurka leh, Caruurta 5sano ka yar iyo dadka waayeelka ee xoogoodu yaraaday. Dhibaatooyinkii ku habsaday Hooyooyinkii reer guuraaga ahaa waxa ugu xanuun badnaa, kuwii la soo darsi-jirey marka ay hooyadu foolanayso, taa soo haddii uu Ilmuhu isgudbo ama uu hoosba u soo dagi waayo, ama ay hooyada miskeheedu yar-yihiin, midna wax lagula tacaalo aan loo heli-jiren, waxa qudha ee la sugi-jireen waxay ahayd inta ay hooyada naftu ka baxayso, hadaan Ilaahay SWT faraj u bixinin. Sidoo kale haddii hooyada uurka leh ay ku dhacdo dhiigyaraani ama dhiigkar iyana wax lagu daweeyo looma heli-jirin. Waxa kaloo ka sii darraa haddii hooyadu markay umulayso dhiigbax ku yimaado, amaba ay igfashan qaado iyana wax lagu dabiibo looma haynin.Waxa intaa dheeraa hooyadu waxay ahayd Qofka koobaad ee ugu tacabka iyo dadaalka badnaa howlihii reer guuraaga, waxaana la odhan karaa howsha baadiyaha 70% waxa dhabarka u ridan jirtay hooyo somaliyeed oo aan daryeel haysan. La soco. By Cumar Axmed Cali;cumaraxmed331@gmail.com/0634244802
storvideo: 

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Somalia, ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go'antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.
"Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go'aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay'adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda. Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan," ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri "Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka".
Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado.
Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda.PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hay'ado Ku Baaqay in Soomaaliya Laga Cafiyo...

$
0
0

In ka badan 30 ka mid ah hey'adaha gargaarka caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen Isniintii shalay, ka hor shirka London ee gar-gaarka bini'aadannimo waxay ku baaqeen in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, si dowladda ay u hesho lacago ay ku abuurto dhul xasiloon oo maal gashi lagu sameysan karo.
Qoraalkaa oo si weyn ay Soomaalidu u soo dhaweysay, ayaa wariyaha VOA Sahra Cabdi Axmed waxay wax ka weydiisay, Aaden Mataan oo ka mid ah dhalin yarada magaalada London, madaxna ka ah urur dhalin-yaro oo la yirahdo ATM.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:41 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

London oo uu Ka Furmey Shir Ku Saabsan Gar-gaarka...

$
0
0

Magaalada London waxa maanta ka furmay shir caalami ah oo looga hadlayo gargaarka bani'aadannimo ee Soomaaliya.
Shirkan oo ay isugu yimaadeen diblomaasiyiin kala duwan matalaya dowladdo, deeq bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay iyo wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlayaa mushkiladaha bani'aadannimo ee Soomaaliya ka taagan. Waxa sidoo kale looga hadlay sida loo xajin karo guulihiii laga gaaray ka hortagista macluul Soomaaliya ku dhufata sanadkii tagay.
Cabdixakim Maxamud Shirwac ayaa shirkan ka wareystay, wariyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:29 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Jawaari: Xildhibaanka mooshin lagama reebi karo…...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo galabtii Isniintii dood ay warbaahinta dowladda qabatay ka hadlayey ayaa sheegay in baarlamaanku uu xoogga saarayo arrimaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka, Xisbiyada, Sharciga Doorashooyinka, Dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka, isaga oo intaasi raaciyay in golahan qaybna siyaasad tahay, qaybna farsamo, isla markaana uu ka socon la'yahay go'aannada siyaasadeed.
Mar uu ka hadlayey doorashada 2020-ka, waxaa uu sheegay in aan la ogeyn waxa dhici-doona, oo haddii laga soo bixi waayo shuruudaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka aan la saadaalin karin sida ay wax noqon-doonaan 2020-ka.Maqaamka Muqdisho: waxaa uu sheegay in ay jiraan 3 qaab oo miiska saaran; In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed.Aqoonsiga Muwaadinka: waxaa uu ka hadlay in aan weli go'aan laga gaarin, oo soo-jeedinnada ay ka mid yihiin in jinsiyad lagu saleeyo ama aqoonsiga diiwaan-gelinta cod-bixiyaha.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa wax laga weydiiyay goorta ay Xildhibaannada ku biirayaan axsaabta, arrintaas waxaa uu uga jawaabey "Goortii alle yiraahdo" isaga oo intaasi raaciyay in 3 qaab u furan tahay Xildhibaanka oo kala ah in uu xisbiyada jira ku biiro, in uu isaga xisbi sameysto iyo in uu noqdo Xildhibaan madaxbannaan.Muuqaalka dayacan ee dhismaha Aqalka Baarlamaanka: waxaa uu sheegay in uu tusaale u yahay burburka, laakiin hadda la dhisi doono, oo naqshadii dhammaatay, waxaana la raadinayaa meel KMG ah, dhismaha cusub ee baarlamaanka yeelan-doonana waa 7 dabaq, waxaa uu xarun u noqon doonaa labada aqal, Xildhibaanku xafiiskiisa ayuu yeelan doonaa, waxaana ku baxeysa ilaa 100 Milyan, waxaa mashruuca dhismaha la wareegay Turkiga.
Arrinta Mooshinnada waxaa uu Jawaari sheegay in soo-jeedinta (Moshin) ay weligeed jireyso, kana mid tahay shaqada Xildhibaanka, laakiin arrinta kala-dirista xukuumadda waxaa uu qabaa in haddii shaqo xumo jirto la cayrinayo si beddel fiican loo helo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Tartanka Geela, Fardaha iyo Gawaarida ku ogaa...

$
0
0

Faragelinta Soomaaliya waxay soo martey Heerar kala duwan gaar ahaan Xiliyadii Dagaalada Sokeeye, waxaana Feregelintii ugu horeysey ka timid Dowlada Mareykanka waana la ogaa halkii uu Maraykan ka baxay iyo Dhibaatadii ay keentey faragelintaas.hase yeeshee Faragelintasa Mareykanka weli waa taagan tahay isagoo adeegsanay Wadamo kale.
Waxaa ku xigey Dowlada Liibiya oo iyana faragelinteeda ahayd mid ay ku horteegneyd Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta gaar ahan dalalaka Khaliijka, waxayna Diidaneyd Liibiya in Soomaaliya ay galangal Siyaasadeed ku yeesheen Soomaaliya, waxaana la sheegaa oo dad badan ay aaminsan yihiin Hadii uu joogi lahaa Madaxweyihii hore ee dalka Liibiya Khadaafi Faraelinta maanta ee Soomaaliya Wadamada khaliijka aysan Dhici lahayn.
Dowlada Itoobiya oo Faragelinteeda Bilaabatey Maalinkii uu geeriyoodey Alaha u Naxaristee Caydiid Garaad wax iska badeley ma jiraan fareglintaas, hase yeeshee, waxay faragelintaas balaaratey markii uu Xukunka la wareegey Alaha u Naxariistee Cabdulaahi Yuusuf waana la ogaa wixii Dhibaato iyo rafaad ah ee ka dhashey Faragelintaas .
Faragelintii Xigtey waxay ahayd Markii uu Gurmad uu Nooga yimid Dowlada Walaalaha Turkiga, Xili Soomaaliya ku jirto xaalad adag wuxuuna Gurmaadkaas uu isku Badelay in Aaakhirkii Dowlada Tukiga Saldhig weyn ka furto Magaalada Muqdisho, sidaa darteed a Feragelinta Turkiga Bulshada Soomaaliyeed way aqbaleen waxayna sheegaan in Dowlada Turkiga ay tahay dowlada wax lala qaybsan karo, isla markaana noo soo Gurmatey Xili Dadka Soomaaliyeed ay Abaar daran ku habsatey, wxii Xiligaas ka dambeeyey waxay Turkiga Soomaaliya ka fuliyeen Mashaariic badan.
Markii ay Dhaceen kacdoonkii Wadamada Carbeed ee Sannadkii 2011 oo dad badan ay aaminsan yihiin in Kacdoonkaas ay Ka dambeeyeen wadamada khaliijka iyagoo u adeegayey Dowlado kale, wuxuuna Kacdoonkaas uu keeney in ay Madaxa kor u qaadaan Wadamada Khaliijka oo waligood aan ku firfircooneyn Siyaasadaha Dunida ayna ku Mashquulsanaayeen Tartamo Cayaareed sida Tartanka Gawaarida, Tartanka Fardaha, Tartanka Geela ayna Balaayiin Doolar kala baxaan Naadiyo Isboorti oo ku yaal Yurub iyo Mareykanka.
Jaraaid ka soo baxay Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu qorey kal hore in Dowladii ku Xoog Badnaato Dhinaca Ganacsiga Marinka Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ay Xukumi Doonaan Aduunka oo dhan, marka dib u fiiriyey warkaas Wargeyslka uu Qorey waxaa ii soo baxay Faragelinta lagu hayo Soomaaliya ay u sabab tahay Tartanka Wadamada Aduunka ee Soomaaliya.
Khilaafkii khaliijka ee u dhaxeeyey Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku Dhinac ah iyo Qadar oo iyana sameysatey Isbaheysi sida Wadadama Turkiga iyo Masar ayaa haatan waxaa Moodaa in Sacuudiga iyo Imaaraadka isku Fiicneyn ka dib markii imaaradka Falal uusan Jecleysan Sacuudiga ka sameeyeen Dalka Yaman.
Siyaasadaha aan Farsameysneyn ee imaaraadka waa mida keenety in ay galaan heshisyo Qar iska tuurnimo oo ugu horeysa Heshiis saami Qaybsi ah la sameeyeen Maamulka aan la Aqoonsaneyn ee Soomaaliland iyo itoobiya waxaana heshiiska ee imaraadka Garwadeenka ka ahaa si weyn uga hor yimid inta badan Bulshada Soomaaliyeed oo yaqiinsadey in lagu soo Duuley Madaxbanaanidooda.
Dowlada Qadar oo haatan mooda in ay ku dhaqmeyso Siyaasad Qunyar Socod ah ayaa Soomaaliya la gashey heshiisyp Hormarineed taasoo si weyn ay u dareemeen Bulshada Soomaaliyeed , halka Dowada Imaaraadka ay heshiisyadooda Noqdeen kuwa Afka baarkii ah oo intooda badan aan Fulin marka Sooma moodid in Qadar ay ku Guuleysan rabto Siyaasaddii Soomaaliya marka La fiiriyo Dowlada imaaraadka.
Nin Odey ah oo mar aan ku Kulaney Goob ay Munaasabad ka socotey ayaa waxaa Weydiiyey sida uu u arko Faragelinta Dowladda imaaraadka , waxaana uu yiri "markii horey waan taageersanaa Imaaraadka Hase yeeshee Heshiishkii Guracnaa ee Dekeda Berbera ayaa taageeradeydii Imaaraadka kala Laabtey markii aan ogaadey in Shaqada ay qabanayaan ay tahay mid loogu adeegyo Dowlado kale oo aysan ahayn mid loogu adeegayo Wadamada Carabta iyo Soomaaliya oo arrinta u egtahay "Qowda Maqashii waxna ha u qaban" waxaana kuu Xaqiijinayaa in Qadar ay ka dheereysey Imaaraadka Carabta maadama aysan Muuqan Faragelinteeda,sidaa Darteed aad baan u soo dhaweynayaa in Soomaaliya lagu tartamo oo wax la kala Faa'iido laakiin Ma dooneyno Dowla Dal kale Shaqaale u ah waxaana leeyahay " IMAARAADKA HOOS , QADAR KOR"
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir looga hadlayo...

$
0
0

Kulankan Wadatashiga waxa ka qeyb galaya masuuliyin ka socota dowlad goboleedyada, Qubaro, Hey'adaha ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo Beesha Caalamka Wasiirka Arimaha Gudaha, federaalka iyo dib u Hushiisinta Soomaaliya ayaa furay kulankan waxaana Ka qeyb galayaasha loo qeybiyay koox koox si ay uga tala bixiyaan Hannaanka Dib u heshiisiinta dalka. Wasiirka Arimaha Gudaha, federaalka [...]
storvideo: 

Somaliland oo mamnuucday xayaysiinta dhakhaatiirta.

$
0
0

Hay'adda mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland ayaa soo saartay awaamiir ay ku mamnuucday xayaysiinta warbaahinta laga sii daayo ee dhakhaatiirta, cisbitaallada, iyo rugaha caafimaadka.
Dr Axmed Xaashi Oday, gudoomiyaha hay'addaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay amaradaasi oo ku tilmaamay kuwo lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha.
Wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo ugu horeyn weydiiyay waxa ku kallifay tallabadan.
storvideo: 

Cabdiraxmaan n Cabdishakuur Heshiiska sedex geesood...

$
0
0

Cabdiraxmaan n Cabdishakuur Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal
Mar 6, 2018 -
Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey dood culus. Dhowr qodob ayaa mudan in hoosta laga xariiqo
1- Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la'aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn.
2- Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiye the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement).
3- Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya.
4- Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkada gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa'iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka Iyo dawlada Soomaaliya.
5- Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo waxay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda. Dawlada Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin.
Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitter ka soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska.
Hogaanka Dawlada gaar ahaan madaxweynaha waa in uu cadeeyaa mowqifkiisa arrimahan ku aadan. Aamusnaan xal maaha, xalaalna barqo ayaa la qashaa.
English News
storvideo: 

DHAGEYSO:-Xildhibaan Sakariye”Imaaraadka way ku soo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah barlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warkii.Com ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya, isla markaana Dowlada Soomaaliya u soo jeediyay in jawaab deg deg ah ay ka bixiso duulaan kaas qaawan ee lagu qaaday Madax banaanidda Soomaaliya.
Hadalka Xildhibaan Sakariye ayaa imaanaya xili shalay Madaxda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP world Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo la hadlay warbaahinta Imaaraadka uu sheegay in Dowlada Soomaaliya aynan waxba ka quseynin heshiiska Dekada Magaalada Barbara, isla markaana ay tahay Somaliland Dowlad Madax banaan.
120120_016 - My Recording
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKooxo hubeysan oo xalay qof shacab ah ku dilay Afgooye.
Next articleFaysal Cali Waraabe: Dowladda Federaalku Awood Uma Laha Inay Wax Ka Beddasho Heshiiskii Berbera

storvideo: 

Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa degaannada Tana River iyo Kilifi ee Gobolka Xeebta ka mabnuucday ka ganacsiga dhuxusha si bilicda degaanka loo badbaadiyo. Guddoomiyaha Tana River Dhadho Godhana ayaa walaac ka muujiyay inay sara u sii kacayaan falalka jaridda dhirta iyo burburinta keymaha, wuxuna Sarakiisha ismaamulkaasi ugu baaqay inay dhaqan-geliyaan amarka ka soo baxay Dowladda. Mr. Godhana [...]
storvideo: 


Maxay Somaliland ku eedeyneysay Nimco Qorane?

$
0
0

Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaannida ee Somaliland, ayaa dacwad rasmi ah ku soo oogay Nimco Qorane, oo ah hal abuur. Waxay ku eedeysan tahay inay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.
Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyey shaley, in haweeneydan ay ku kacdey ''waxyaabo ka mamnuuc ah muwaadinka, liddina ku ah qaranka''.
Xiritaanka Nimco Qorane, ayaa yimid kagadaal markii ay kasoo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.
Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado. Haddii tuhunka lagu eedeeyey la cadeeyo, markaa danbigeeda xukunkiisa wuxuu noqon doonaa sideed sano oo xabsi ah.
Waxaa dacwadda lagu oogay Nimco cambaareeyey oo ku tilmaamay in ay tahay mid ka hor imanaysa xorriyadda hadalka xarunta xuquuqal insaanka Hargaysa, guddoomiyaha xarunta Guuleed Axmed Jaamac oo ku magac dheer Dafac, ayaa xiritaankan ku tilmaamay mid cuburin ah.
Somaliland: Nama quseeyo xeerka isgaarsiinta
''Waxa kaliya ee lagu heysta ayaa ah qoraal ay kusoo bandhigtay rayigeeda, oo ay markaana ku qortey barta Facebook-ga, waxaan aaminsan nahay in haweeneydaasi ay cabirtay rayigeeda, xaqna ay u leedahay''.
storvideo: 

Xaflad lagu daahfurayey buug cusub oo lagu magacaabo...

$
0
0

Xaflad lagu daahfurayey buug cusub oo lagu magacaabo Nasiibka iyo nolosha Qurbaha oo lagu qabtay dalka Norway
Mar 6, 2018 -

Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaNorway iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa lagu qabtay gobalka Horadaland eedalka Norway, waxaana munaasabaddaasi lagu daahfurayey bug cusub oo uu qoray qoraa sareBile Maxamed Cabdi {Bile Baastey}, waxaana buugaasi lagu magacaabaa Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha.
Furitaanka munaasabadda lagu daah-furayey buuga Nasiibka iyo Nolosha Qurbaha ayaa waxaaugu horeyn ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed gobalka Hordaland eedalka Norway Maryan Aadan Cigale oo sheegtay inay u hambalyeynayso qoraha buuqa, aynasoo dhaweynayaan ka haween ahaan in qoraa dayar oo Soomaliyeed uu soo bandhigo dhibaatadadadka Soomaaliyeed ay kala kulmaan qurbaha, waxayna ku amaantay qoraa Bile Baastey curintaiyo diyaarinta buuga, waxayna xustay inay dhiiragelin fiican u tahay buugan dhalinyarada kale.
Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed eedalka Norway C/qaadir Axmed Raage (Waayeel), wuxuuna si guud u booriyey dadka jecel inaywax qoraan, wuxuuna ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway in lala shaqeeyoqorayaasha dhallinyarada ah sida Bile Baastey oo kale, sidoo kale waxaa munaasabadda kahadlay Xaaji Cali Mooge Nuur Godane oo ka mid ah odayaasha magaalada, wuxuuna yiri"Buugan waxa uu ka hadlayaa oo uu soo bandhigayaa dhibaatada qurbaha ka jirta, sharci qof loodiido, qof aan ka faa'iideysan fursaddiisa iyo qof lagala noqdo sharcigii horay loo siiyey".
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadda qoraha buuga Nasiibka iyo NoloshaQurbaha Bile Maxamed Cabdi {Bile Baastey} oo sheegay in qorista buugan uu dhibbadan ka soo maray, wuxuuna intaasi ku daray in buuga uu si weyn uga hadlayo dhibaatadaheysata dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo kuwa u soo tahriibaya, isagoo ku booriyeydadka Soomaaliyeed inay aqristaan buuga waxyaabaha ku qoran, ayna ku waano-qataan,wuxuuna u mahadceliyey dadkii ku gacan siiyey qorista buugan Nasiibka iyo Nolosha Qurbahaoo uu ka mid yahay qoraa sare C/raxmaan Cumar Madoobe {Caaqil dalmar}.
Wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaan taleefanka qoraha buuga oo ah: 004791269098amaba wakiilka buuga ee Soomaaliya oo aad kala xiriiri kartaan tel: 0619055550/0615885115, sidookale waxaad kala xiriiri kartaan Email: baastey11@hotmail.com / farjano2004@hotmail.com
English News
storvideo: 

Qaramaada midoobay Isir sifeyn ayaa wali lagu hayaa...

$
0
0

Muslimiinta Rohingya oo kasoo barakacay gobolka Rakhine oo ku sugan xero qaxooti ee Bandarban oo ku taalla Bangladesh
Qaramada Midoobay qeybteeda Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegtay in dowladda Burma aaney wali joojin isir sifeyntii ay kuheysay qowmiyadda Rohingya ee dagta gobolka Rakhine.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu socday olole ay ciidanka Burma ku laynayaan qowmiyadda Muslimiinta ah ee Rohngya, taas oo keentay macluul iyo barakac baahsan.
Dad gaaraya 700,000 ayaa u cararey dalka dariska ah ee Bangladesh, illaa iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore.
Qaxa Muslimiinta Rohingya oo dhaawacay sumcadda Aung San Suu Kyi
Xiligaa wixii ka danbeeyey waxaa lasoo warinayey iney ka dhacayaan halkaasi dil, kufsi iyo in dab la qabad siinayo guryaha iyo hantida, taasoo ay kukaceen ciidamada dalkaasi iyo maleeshiyaad iyaga kabarbar dagaalamaya.
Ciidanka military-ga Burma ayaa sheegay iney la dagaalamaan mintidiin Rohngya ah, iyagoo beeniyey iney bartilmaameedsadeen dadka rayidka ee gobolka Rakhine.
"Isir sifeyntii lagu hayey dad asalkoodu kasoo jeedo Rohngya ee kunool dalka Burma wali wuu socdaa," sidaasi waxaa yiri u qeybsanaha xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa dhanka Xuquuqda Aadanaha, Andrew Gilmour.
Rohingya oo ka barakacday tuullada Tula Toli ee Gobolka Rakhine
"Ma u maleynayo in aan soo saari karno natiijo ka duwan wixii aan soo gudbiyey, indhahayga waxaan ku arkey dhahaygana ku maqlay waxey ahaayeen wax calool xumo leh," ayuu yiri ergeyga, isagoo markaa ku sugan degmo ku taalla dhanka koonfureed ee Bangladesh, taasoo hoy u ah inta badan qaxootiga Burma ee dalkaasi ku qaxay.
Madaxda dowladaha Bangladesh iyo Burma, ayaa in muda ah ka wada hadlayey dibu dajinta qaxootiga bilaha soo socda, ha yeeshee saldhigyo ay ciidamada military-ga Burma ka sameysteen soohdinta toddobaadkii tagey ayaa kicisay dareen.
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka Rohngya aanay aqbaleyn iney ku noqdaan gobolka Rakhine mustaqbalka dhaw, kaasoo ay og yihiin inaaney ka heleyn badqab iyo hab nololeed sharaf leh.
"Dowladda Myanmar ayaa mashquul ku ah in dunida ay u sheegto iney diyaar u tahay iney dib u dajiso qaxootiga qowmiyadda Rohngya ee soo noqonaya, halka ciidamadoodu ay wali wadaan iney dadka barakaciyaan, kuwaasoo u cararaya Bangladesh," ayuu yiri Gilmour.
storvideo: 

Africom: Caruur iyo Dumar kuma Dhiman Bariire

$
0
0

Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya

Lataliyihii Dhaqalaha ee Madaxweyne Trump oo Is Casilay

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Aqalka Cad ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in Gary Cohn oo ah lataliyihii dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Trump uu is casilayo.
Bayaan uu soo saaray Gary Cohn ayuu ku xaqiijiyay is casilaadiisa, isaga oo sheegay in ay sharaf u aheyd inuu door ka ciyaaray dib u habeynta dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan, canshuur dhimisti uu sameeyay madaxweyne Trump.
Is casilaada Cohn ayaa imaneysa kadib go,aanki uu madaxweyne Trump ku sheegay inuu ku joojinayo biraha iyo jaandiga Mareykanka uga imaan jiray dibadda.
Cohn, oo ah agaasimaha Golaha Qaran ee Dhaqaalaha ayaa la sheegay inuu aad uga soo horjeestay qorshaha uu madaxweyne Trump ku joojinayo biraha iyo jaandiga uu Mareykanka dibadda ka keensado.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live