Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Africom: Caruur iyo Dumar kuma Dhiman Bariire

$
0
0

Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya.
Faah-faahinta warkaan waxaa inoo haya Nur Bukhaari.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:38 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Mo Farah oo sheegay in ilaalada garoon ku yaala Jarmalka ay qashqashaadeen

$
0
0

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb gala ciyaaraha orodada ayaa sheegay in ilaalada garoon ku yaala dalka Jarmalka ay qashqashaadeen xili uu u safrayay dalka Itoobiya.

Dhageyso: Dhibbane Wariye Deeqo Cubayd oo codsatay...

$
0
0

Qaraxii 28-October ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Naasa-hablood2 ayaa waxaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ka akdhawaa goobta qaraxu ka dhacay. Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo ka tirsaneed wariyaal ka howlgala Gobolka shabeelaha hoose waxaa ay ka mid ahayd dadkii dhaawacu kasoo gaaray Qaraxii maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka [...]
storvideo: 

Aragtida Dhabta ah ee Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta

$
0
0

Falanqayn Ku Saabsan Isku Shaandhayntii uu Wasiir Guri-barwaaqo ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta & Xaqiiqooyinka Asaraarka Leh ee Koox Kudlad ah oo Agaasime Waaxeed horkacayo oo Inqilaab Sameeyay!!!!!
22-kii bishii February 2018 ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan Guribarwaaqo soo saaray Wareegto uu Ku magacaabay Mas'uuliyiinta Waaxyaha wasaaradda warfaafinta halka uu sidoo kalena xilka ka qaaday qaar ka mid ah Mas'uuliyiin Wasaaradaasi.
Inkasta oo Xil ka qaadista iyo Magacaabistuba ay tahay Sune dawladeed hadana Meelaha isha lagu hayay inay saamayso Wareegtadu waxaa ka mid ah Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta oo ah halka ay Cabashada ugu badan ee Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ku aroorayso isla markaana lagu eedaynayo Musuq maasuq iyo inuu qallinkiisa ugu kala Sadburiyo Shaqaalaha Wasaaraddaas.
Waxaa kale oo Mas'uulkani uu ku Caanbaxay ku tagrifalka awooda Madaxda ka saraysa kadib marka uu ka haqabtiro baahiyahooda taasina ay keento inay Kalsooni badan ku qabaan.
Sidoo kale Saraakiisha Xilka laga qaaday ayay isku dhaceen Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka Waxayna isku shaandhayntani Sawir ka bixisay inuu ahaa Mas'uulkii u Yeedhiyey Wasiirka Warfaafinta inuu shaaciyo Isku Shaandhayntan Maadama uu isagu gidaarada wasaarada ku dhejiyey Wareegtada wasiir Guri barwaaqo ku saxeexan yahay.
Shaqaalaha Wasaaradaasi ayaa aaminsan in Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu Xasan Maxamed Maxamud inuu yahay Maskaxda ka danbaysay Isku shaandhayntan uu Wasiir Guri barwaaqo soo saaray.
Arrimaha la yaabka leh ee Wareegtadani ay Xambaarsanayd ayaa ahaa in Shan Agaasime Waaxeed oo Wareegtadan lagu faafiyey ay ka soo Jeedaan Beesha uu ka soo Jeedo Agaasimaha Maamulka Iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafintu,Kuwaas oo kala ah.
Agaasimaha Maamulka & Xisaabaadka
Ku xigeenka Agaasimaha Farsamada
Ku xigeenka Agaasimaha Dawan
Ku xigeenka Madaxa Shaqaalaha
Madaxa Monotoring ee Solna
Madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa.
Dhanka Kale Sidaan ka halacsaday Muuqaal lagu faafiyey Degelka Youtube-ka Shaqaale ku dhow Sodon xubnood oo Isugu jiray Xubno Xilalka laga qaaday iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ayaa ku eedeeyay Xubno uu ka mid yahay Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta in si ay Isha uga duwaan Warbiximihii ay Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka Siiyeen Madaxda Waaxyaha kale ee Wasaaradda Warfaafinta markii Madaxweynuhu soo magacaabay iyagoo u arkayay inay Kashifeen Ceebihii dul hoganayay Maamulka,Sidaa darteedna ay xooga isugu geeyeen sidii ay marin habaabin ugu Sameeyaan Wasiirka iyo Wasiir ku Xigeenka si ay u Ilaashadaan Xilalkooda.
Waxay Shaqaalahani xuseen in Kudladan cudud ku leh Wasaaradaasi ay sameeyeen Inqilaab iyagoo Daaqada ka saaray Mas'uuliyiintii Kale ee Waaxyaha iyo Cid kasta oo Warbixin rasmi ah ka dhiibtay Xaalada wasaarada waxayna Wasiirka ka Saxeexeen Caruur yaryar iyo Shakhsiyaad oo iyaga u dhega nugul inuu magacaabo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mr Guri-barwaaqo ayaa 24-kii Bishii February waxa uu Sheegay Tuhunkii shaqaaluhu ka dhawaajiyeen ee ahaa in Cid kale ay soo saartay Isku shaandhayntan Waxaanu xusay in gudi gaar ahi ka soo talo bixisay,Markay sidaas tahay muxuu Wasiir Guri barwaaqo u diidayaa in loo yeedhiyey isku shaandhayntan Magaciisu ku saxeexan yahay miyaanay run ahayn dooda shaqaaluhu.
Hadaba Kooxdan oo uu Hogaamiyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta iyaga ayaa gacanta ku haya Miisaaniyada wasaaradaasi oo ah Miisaaniyad aad u badan,Waxay u adeegsadaan Sifooyin Guracan,Taas oo Horseeday in Maanta Warbaahinta qaranku ay fadhiid noqotay Waxaana doodooda ka Markhaati Kacay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo Sheegay 01-dii March 2018 in Qaybta wararka ee Telefishanka qaranku uu hal Computer yaalo isagoo ka shidaal qaadanaya sida uu yidhi xogtii ay siiyeen Madaxqaybeedyada iyo Shaqaalaha Telefishanka qaranku,taas oo La yaab ku riday.
Waxaa Kale oo la Yaab leh in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri-barwaaqo uu 28-kii February 2018 uu Soo Saaray Go'aan uu ku sheegay inuu ku anshax mariyey 24 xubnood oo ka mid ah Miida Wasaaradda warfaafinta kadib markii ay Warbaahinta Cabasho u mariyeen halka uu Wasiirku indhaha ka laliyey Agaasimaha Maamulka iyo Agaasimaha Radio Hargaysa oo Labadooduba Warbaahinta dawlada ka Weeraray Xubnahan Shaqaalaha ah ee Wasiirku sheegay inuu ku anshax mariyey 3 Bilood oo Shaqo ka Joojin ah iyo 3-daas Bilood oo bilaa Mushahar ah Marka ay mudadaasi dhamaatana la soo saari doono go'aan Rasmi ah iyaba waa Isweydiine waa maxay Talow go'aanka Wasiirka u hadhsan.
Xeeladaha uu adeegsado Agaasimaha Maamulka ee Warfaafintu iyo habka uu hawshiisa u guto ayuu Ku macneeyay inuu Yahay inan (Wiil) Shaqadiisa ku wanaagsan oo fariid ah !!! Cajiib,Waxaa intaas dheer inaanu dib u dhugan Rikoodhka Musuq Maasuq ee uu ilaa Heer maxkamadeed ku Suntan.
Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa hilaadii sanadkii 2012 loogu Xidhay Musuq Maasuq Isla markaana uu ku waayay Shaqadiisii Wasaaradaasi,Waxaanu fakad ku galay dalka Ingiriiska,Markii uu dib ugu soo laabtay Wasaaradda Warfaafinta Sannadkii 2017-kii ayaa Wasiirkii hore Cismaan Saxardiid Caddaani u dhiibay Xilkan uu hada ku magacaaban yahay Wuxuu Meesha ka Saaray Xisaabiyihii Wasaaradda Warfaafinta isaga ayaa isu noqday Agaasime Maamul iyo Xisaabiye isaga ayaa qora oo gacanta ku haya sida ay Warar xog ogaal ahi ii Xaqiijiyeen Bayrolka Mushaharka Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta.
Dhacdooyinka Kale ee La yaabka leh ee Agaasime waaxeedka awooda badan ee Maamulka Iyo Lacagta ee Warfaafintu sameeyay Waxaa ka mid ah inuu Waaxdiisa hoos keenay Agaasinkii Shaqaalaha iyadoo aynu og nahay in Shaqaaluhu ay Yihiin Cudduda ugu badan ee shaqada dhaqaajiya,waxa uu xafiiskaas ka dhigay Qayb,Halka Wareegtadan u danbaysay ee Wasiir Guri-barwaaqo laga saxeexay uu Waaxdiisa ku hoos keenay Waaxdii Qorshaynta Wuxuu Maanta Maamulaa Xafiiskii Maamulka, Kii Shaqaalaha,Xafiiskii Qorshaynta, Xafiiska Gaadiidka iyo inuu dusha ku qaatay Mas'uuliyadii Waaxyaha kale ee La siman awood ahaan.
Isku shaandhayntan & Shaqo ka Caydhintan ayay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u arkaan mid laga leeyahay ujeedo gaar ahaaneed ee aan dhalin doonin inay kor u qaado Shaqadii Wasaaradaasi qaranka uga Mas'uulka ahayd.
Geesta Kale Dabayaaqadii bishii January ee Sannadkan ayay Wasaaradda Warfaafintu gashay barnaamijka Madax tirinta iyo dib u habaynta Shaqaalaha dawlada ee hay'ada Shaqaaluhu wado,Agaasimahan awoodaha badan isku darsaday ayaa ka soo Muuqday Sidii uu u buuxin lahaa Dad tiro badan oo ku qoran Bayrolka Mushaharka ee Wasaaradda oo Sifo sharciga baalmarsan uu ugu Tagri fali jiray wuxuu soo uruuriyey dad kala duwan si ay ugu xaadiraan Magacyada Bayrolka ku qoran isagoo u sameeyay Kaadhka dhalashada,badiba Wasaaradihii kale ee Dawlada markii lagu samaynayay Madax taabashada waxaa Goob joog ka ahaan Jiray Wasaarada Kaltanka u leh Mas'uulka qaabilsan Shaqaalaha taas badalkeeda Wuxuu agaasimaha maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaarada Warfaafintu sadexda wakhtiba ku qaadan jiray Hoolka hay'ada shaqaalaha dawlada si uu Sharci daro u meel marsado taasina way u suuro gashay,Sabab kasta ha ku timaadee.
Dharaar dhow Marka ay Hay'ada Shaqaaluhu Shaaciso Tirada rasmiga ah ee Ka Shaqaysa Wasaaradda Warfaafinta oo awal lagu Sheegi jiray in ka badan Todoba Boqol oo Shaqaale waxaa soo bixi doonta Tiro aan ka badnaan Karin ilaa Afar Boqol,kadib markii Caaglayaal badani ay ka soo xaadiri waayeen xarunta hay'ada shaqaalaha dawlada Waxay is weydiintu noqon doontaa Halkuu ku bixi jiray Mushaharka Sadexda boqol ee qof ee Kale,Jeebada uu ku dhici Jiray Waa tee, Taasi waxay u baahan tahay in si dhab ah loo xisaabiyo cida Mas'uuliyadaas leh.
Dhanka kale Waxaa Jira Shakhsiyaad aan hayn Xil Jaangoyn leh oo Taladooda uu ka Shiidaal qaato Wasiir C.raxmaan Guri-barwaaqo Kuwaas oo uu Horjooge u yahay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta .
Maxaa inoo Markhaati ah:- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UcidC.naasir Xasan Buuni ayaa tiraba dhawr jeer oo hore ku eedeeyay Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Warfaafinta inuu ku Kacay Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin isla markaana uu Tacadi ku hayo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta,Isagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka Dalbaday in si uu u rumeeyo balanqaadkiisii ololaha doorashada ee la dagaalanka Musuq maasuqa inuu Sarkaalkaas Talaabo sharciga waafaqsan ka qaado.
[embedded content]
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri-barwaaqo ayaa looga fadhiyaa inuu Cadeeyo Sababta uu Agaasimaha Maamulka ee Cabashada laga Tirsanayay uga reebay Isku shaandhayntan iyo Sababta uu ugu Kala sad buriyey saami qaybsiga beelaha ee ay Somaliland Ku dhisan tahay.
Waxaan ku soo Gabo Gabaynayaa Qormadan Tuducyadan Wax ku oolka ah.
Nin Xil qaaday Eeda qaad Midliyo
Xoogsi Mid u Jeeda
Inta Xeradan Soo maray
Nin raga amase Xaaraami
Ee Ka Xidh-xidhee ugaga tegay
Waa Xisaab li'i
Ninkastoo is xaydaa
Dhakhsuu tan ugu xiiqaa
Alle uma Xilqarin
Nimaan aqoon Xaalka Media-yaha
Agaasin Ka Xoog weyn
Wixii Xerada kuu Joogay
Xoolaha dadweynaha
Ninkaa Ku xaragoonaaya
Oon Xisaab iyo Ka baqin
Xeer dal oo qabta
Wasiir Xawaaraha dhin
Ciirciirka waa lagu Xujoobaa
Hadii kale Xumaantaa
Malaha Sabankan Xoor weyne
Xamil godobta Waxa loo Kasaa
Ina rag waa u Xeere.
Qaybo Kale oo ka Mid ah Ku Tagrifalka Dhaqaalaha Qaranka & La Xisaabtan la'aanta Mas'uulkan oo Cadaymaheedii wadata waa inoo iyo Qormadan ta Xigta.
Suxufi Cabdi Jaamac Warfaasuxufiwarfaa2017@gmail.com
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS “Maqaamka Muqdisho...

$
0
0

Isaga oo marti ku ahaa barnaamijka Dood-furan oo toos uga baxayay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha shacabka si wax looga weydiiyo howlaha horyaala kalfadhiga 3-aad ee Golaha ayaa wax laga weydiiyay sida golahu u wajahayo sameynta maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah arrin ay ay wada sugayaan shacablka kunool Magaalada [...]
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Ciidamada ammaanka Oo howlgallo ka sameeyay Hodan

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa Xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay Xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid guri guri  loo baarayaayay, ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah.
Sidoo kale intii uu socday howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ammaanka iyo 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay israsaaseyn ku dhexmartay Xaafadda Siigaale ee degmadaasi Hodan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay israsaaseyntaasi,, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhalinyradii hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in gacanta lagu dhigay Raggaasi.
Howlgalkan Ciidamada Dowladda Xalay ay ka sameeyeen Hodan ayaa ka socda dil shaly degmadaasi loogu geystayguddoomiye ku xigeenkii laabta Axmed Gurey  degmada Hodan, kaas oo lagu magacaabi jira Xasan Dheere.
The post Ciidamada ammaanka Oo howlgallo ka sameeyay Hodan appeared first on Shabelle.

Ciidamada ammaanka Oo howlgallo ka sameeyay Hodan

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa Xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay Xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid guri guri loo baarayaayay, ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah.
Sidoo kale intii uu socday howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ammaanka iyo 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay israsaaseyn ku dhexmartay Xaafadda Siigaale ee degmadaasi Hodan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay israsaaseyntaasi,, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhalinyradii hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in gacanta lagu dhigay Raggaasi.
Howlgalkan Ciidamada Dowladda Xalay ay ka sameeyeen Hodan ayaa ka socda dil shaly degmadaasi loogu geystayguddoomiye ku xigeenkii laabta Axmed Gurey degmada Hodan, kaas oo lagu magacaabi jira Xasan Dheere.
storvideo: 


Daawo: ” Waxaa shalay Magaalda Horufadhi iyo...

$
0
0

Daawo:" Waxaa shalay Magaalda Horufadhi iyo Gocondhaale ka dhacay Dagaal Laba Beelood ah Waxaanuu sababay dhimasho iyo dhaawac" Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax
[embedded content]
storvideo: 

Maraykanka oo ka walaacsan dekada Jabuuti ee laga wareejiyay DP World

$
0
0

Waxa uu sheegay in ciidammadda ay wajihi doonaan "cawaaqib daran" haddii Shiinaha uu halkaas soo galo.

Khilaafka soo dhaxgalayWasaaradda Dastuurka iyo...

$
0
0


Khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Dastuurka ayaa xoogeystay sidda ay shaaciyeen Guddiga dastuurka.
Guddiga Dib u eegista ayaa dhawaan qoraal ay soo saareen oo ka koobnaa Lix qodob ayaa waxa ay sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh, islamarkaana ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Arrimaha ay ku eedeeyeen Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah inuu ka baxay wada shaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isaga keligiisa inuu isku koobay shaqada Dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.
Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Guddiga Dastuurka Aqalka Sare ayaa Risaala u sheegay in uu si weyn u xoogeystay Khilaafka , islamarkaana uu saameyn ku yeesheen Shaqaddii dastuurka ee la doonayay in la meelmariyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada dastuurka ay noqotay Fadhiid, Wasiirkana la doonaayo in meesha uu ka baxo si loo bilaabo howlaha dastuurka.
Khilaafka u dhaxeeyay Guddiga dastuurka iyo sidoo kale Wasaaradda ayuu sheegay xildhibaanka in ay galeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaare laakiin ay ku fashilmeen in ay xaliyaan.
storvideo: 

Maraykanka oo ka walaacsan dekada Jabuuti ee laga...

$
0
0

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinaha uu la wareego dekada Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World.
Waxa uu sheegay in ciidammadda ay wajihi doonaan "cawaaqib daran" haddii Shiinaha uu halkaas soo galo.
Dowladda Jabuuti ayaa bishii hore DP World ka wareejisay maamulka dekada Dooraale ee ay kasoo degaan qasacadaha qafilan ee xamuulka (kunteenarada), iyada oo sheegtay in shirkadda ay xalin weysay muran soo jiitamayay illaa sanadkii 2012-kii.
DP World ayaa go'aanka dowladda Jabuuti ku tilmaamtay mid sharci daro ah, waxayna dacwad ka furatay maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhexaadinta London.
Dhagaysi ay u fariisteen xildhibaanada Congress-ka Maraykanka maalintii talaadada ayaa inta badan waxaa hareeyay kaalinta sii kordhaysa ee Shiinaha ku yeelanayo Afrika, waxayna sheegeen in ay ka warheleen warar sheegaya in Jabuuti ay dekada ula wareegtay si ay hadiyad ahaan ugu siiso Shiinaha.
Jeneraal Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in haddii Shiinaha ay xayiraado kusoo rogaan isticmaalka dekada, in taas ay saamayn doonto in maraakiibta dagaalka Maraykanka ay shidaal ka qaataan meesha.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Jabuuti waxaa degan ciidammo Maraykanka ah oo gaaraya illaa 4,000, waxaana jirta in Shiinuhuna uu saldhig ka furtay meel aad ugu dhow kan Maraykanka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Geng Shuang oo Beijinh ka hadlayay ayaa sheegay in dowladiisa aysan waxbo kala soconin xaalada dekada Dooraale. Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga Shiinaha kala dhaxeeya Afrika uusan ahayn mid lid ku ah dal seddexaad, sida uu hadalka u dhigay.
Jeneraalka waxa uu sheegay in Maraykanka uusan la ekeysan karin mashaariicda uu Shiinaha ka dhisayo Afrika, wuxuuna xusay in ay xitaa dhisayaan dhismayaal laga dukaamaysto, dhismayaal dowladeed iyo xitaa garoomo waaweyn oo kubbadda lagu ciyaaro.
Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in nooca maalgashi ee Shiinaha Afrika ku samaynayo ay "dhiirogalinayso dhaqanka ku tiirsanaanta" ee Afrika.
storvideo: 

Daawo: Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Burco Oo...

$
0
0

Daawo: Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Burco Oo Digniin Culus u diray Dadka Wax dhisanaaya ee Wadooyinka Jaraaya, Sheegayna in ay la wareegi doonaan xoolahooda Hadii aanay...
storvideo: 

Rex Tillerson oo dhaleeceeyay xiriirka Afrika iyo Shiinaha

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay qaabka ay Shiinaha u wajahaan dhaqaala ahaan qaarada Afrika, ka hor booqashadiisa ugu horreysay ee uu qaarada ku imanayo.

Daawo: ” Heshiiskan aanu galanay waa ka dibada...

$
0
0

Daawo:" Heshiiskan aanu galanay waa ka dibada Berbera Koridhoor Heshiiskana waxa uu ku salaysan yahay Balaadhintii Dekada" Amb Baashe Cawil
storvideo: 


Daawo: Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Ucid Oo duray...

$
0
0

Daawo: Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Ucid Oo duray Afhayeenka Madaxweynaha Sheegayna in uu ilaaliyo Anshaxa Maadama uu ku hadlaayo Afkii madaxweynaha
storvideo: 

Rex Tillerson oo dhaleeceeyay xiriirka Afrika iyo...

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay qaabka ay Shiinaha u wajahaan dhaqaala ahaan qaarada Afrika, ka hor booqashadiisa ugu horreysay ee uu qaarada ku imanayo.
Waxa uu sheegay in Shiinaha ay dhiirigalinayaan ku tiirsanaan ayna isticmaalayaan heshiisyo musuqmaasuq oo halis galinaya kheyraadkooda dabiiciga ah.
Mr Tillerson ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorsha gargaar bina'aadanimo oo dhan $533 milyan oo doolar.
Inta uu booqashada ku joogo qaarada waxa uu ka shaqayn doonaa sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka, ka dib markii madaxwayne Donald Trump la sheegay in bishii January uu hadalo aflagaado ah u adeegsaday wadamada qaaradda Afrika.
Mr Tillerson ayaa hadalkan ka jeediyay jaamacadda George Mason oo ku taalla gobolka Virginia,ee dalka Mareykanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa lagu wadaa in booqasho toddobaad qaadan doonta uu ku tago wadamada Chad, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Nigeria.
Waxa uu hal ku dhig uga dhigay booqashadiisa ka hortaga argagixisada,dimuqraadiyada ganacsiga iyo maalgashiga.
Mr Tillerson ayaa si kulul u cambaareeyay dowladda Shiinaha.

  1. Shiinaha iyo Mareykanka oo ka wadahadlaya xaalaad k/waqooyi
  2. Weeraro dhanka Internet-ka ah oo dunida ku baahay
  3. 'Shiinaha oo ka carooday daandaansiga Maraykanka'

Waxa uu sheegay in maalgalinta Shiinaha uu muhim u yahay sare u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Afrika , balse qaabka ay arrintaasi u wajahayso uu horseeday deemo badan iyaga oo abuuray shaqooyiin yar.
Labaatankii sano ee ugu dambeysay ganacsiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ayaa sare u kacay taasi oo sare u qaaday damaca Shiinaha ee macdanta qaaradda.
Si kastaba ha ahaatee shirkadaha dhismooyiinka ee Shiinaha ayaa si aad ah sare ugu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha ee muddada dheer la dayacay sida wadooyiinka dhowr dal.
"Ammaanka iyo dhaqaalaha dalkeena ayaa waxa la xiriiraa Afrika sidii hore si ka badan," ayuu yiri Mr Tillerson
Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa intaa ku daray in gargaarka bina'aadanimo uu caawin doono dadka ay haysto gabaabsiga dhanka cunnada iyo dagaaladda ee ku sugan Soomaliya, Koonfurta Sudan, Itoobiya iyo Chad.
Mr Tillerson ayaa sheegay in booqashooyiin badan uu horey ugu tagay Afrika.
Booqashadiisan oo ah tii ugu horreysay tan iyo intii uu xilka qabtay ayaa ku soo beegmaysa xilli dhigiisa Ruushka, Sergei Lavrov, uu toddobaadkan booqan doono dalalka Angola, Itoobiya, Mozambique, Namibia iyo Zimbabwe.
Fariinta muhimka ah ee Rex Tillerson ayaa ah in uu saaxib dhab ah la yahay Afrika taasi oo ka duwan tan Shiinah.
Mareykanka ayaa wax badan ka qaban doona sidii lo yareyn lahaa caqabadaha ganacsiga iyo maalgashiga haysta Afrika.
Ku dhawaaqidiisa in gargaar bina'aadanimo ay siinayaan dhowr dal oo halis ugu jira macaluul ayaa ah mid la soo dhawayn doono.
Balse Mr Tillerson ayaa la shaqeeyaa in uu u shaqeeyo madaxwayne marar badan ka hadlay in uu dhimmi doono culayska Mareykanka ka haysta dibadda.
storvideo: 

Madaxweyne Gaas oo kulan la yeeshay madaxa hay’adda...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wefdi ka socdey hay'adda ICRC oo uu hoggaaminayey madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.
Wefdiga hay'adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay'adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay'adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay'adda ICRC xafiiskeeda Garowe Abdifatah Fandhaal,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Kulanka madaxweynaha iyo hay'adda ICRC oo ka dhacay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii' aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay'adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa ku boorriyey in ay dar-dar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay'addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxha arga gixisada ah ee Al-Shabaab,sida ku xusan qoraalka Madaxtooyada.
Sidoo kale Madaxa Hay'ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in dawladda Puntland iyo Hay'adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay'ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey Hay'adda ICRC iney kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha.
War-saxafadeedka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxa hay'adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay ka wada hadleen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay'adda ICRC in ay dar-dar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka, ceelal biyoodyo iyo biyo xireenada laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.Halkaan ka eeg sawirrada.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Gaas oo kulan la yeeshay madaxa hay'adda ICRC ee Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qatar calls for to respect for Somalia’s Sovereignty

$
0
0

Qatar has participated in a high-level international conference on Somalia, hosted in the British capital London. Qatar’s delegation to the meeting was headed by Tariq Ali al-Ansari, director of the International Technical Co-operation Department at the Ministry of Foreign Affairs.
In his speech at the conference, al-Ansari stressed the political will of Qatar to continue to help brotherly Somalia through political support and assistance amounting to about $385mn for the period 2011-2018 of which $200mn was pledged by the end of 2017.
He stressed that the Qatari support is being coordinated with the Somali government, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the UN specialized agencies operating in Somalia.
He noted that there is coordination between the two countries to provide Qatari support to Somalia in the field of security sector reform, referring to the provision of 30 buses to support the transport sector.
He also stressed the importance of the UN support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which provides services for peacekeeping, protection of development and donor projects, in response to numerous appeals from the African Union and international resolutions.
Al-Ansari called on countries to start investing in Somalia to help the country be self-reliant and support its institutions.
He noted the importance of the commitment of all parties to supporting the unity and territorial integrity of Somalia and respect for its sovereignty in accordance with the resolutions of the UN General Assembly, the Security Council, the Arab League, the African Union and the support of the federal government.
The post Qatar calls for to respect for Somalia’s Sovereignty appeared first on Shabelle.

US announces $533M in humanitarian aid for Africa

$
0
0

US Secretary of State Rex Tillerson on Wednesday announced nearly $533 million in humanitarian assistance for food-insecure people in Ethiopia, Somalia, South Sudan, and Nigeria, as well as countries in the Lake Chad region.
According to a statement issued by the US Department of State, the new funding will be used to provide emergency food and nutrition assistance, including tens of thousands of tonnes of in-kind food aid, as well as to support safe drinking water, emergency health care, and hygiene programmes.
The announcement came few hours ahead of Tillerson’s arrival in the Ethiopian capital Addis Ababa, where he is expected to discuss with Ethiopian authorities bilateral and regional issues, including the ongoing protests in towns of the Oromia states in the country.
US assistance also includes life-saving medical supplies, improved sanitation, and emergency shelter, and prioritizes programmes that protect vulnerable groups.
Of the newly-announced funds, more than $110 million is for Ethiopia, nearly $184 million is for South Sudan, more than $110 million for Somalia, and more than $128 million for Nigeria and countries in the Lake Chad region.
The Ethiopian Disaster and Risk Management Commission last year announced that there are over eight million Ethiopians in need food aid due to the El-Nino-induced drought, which occurred in 2015 and 2016 in Somalia and the Oromia states in the country.
The post US announces $533M in humanitarian aid for Africa appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live