Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

R.wasaare Xassan Cali Kheyre oo la kulmay kuxigeenka...

$
0
0

R.wasaare Xassan Cali Kheyre oo la kulmay kuxigeenka Xoghayaha arimada dibadda Mareykanka
Mar 8, 2018 -
Sida ay shaacisay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka, R.wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, oo ku sugan Washington, ayaa waxa uu kulan la yeeshay kuxigeenka Xoghayaha arimada dibadda Mareykanka, John Sullivan.
Sida lagu cadeeyay barta Twitter-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka, Kulanka intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay horumarka, dowlad wanaaga iyo dadaalada lagula dagaalayo argagaxisada
Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo uu R.wasaare Kheyre kula yeeshay Washington DC, madaxda hey'adaha iyo qaar kamid ah dowladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin ee Fursaddu u saamaxday intii uu socday #fragilityForum2018.
Kulankaan ayaa waxa uu dhacay iyada oo Mudane Xasan Cali Khayre uu kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha hantidhowrka ee Dalka Maraykanka, David Malpass, iyo Kooxdiisa oo ay ka wada hadleen horumarka laga gaaray dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay, kulankaas oo intii uu socday David uu ugu hambalyeeyay Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo R.Wasaare Khayre Talaabooyinka dhanka dhaqaalaha ah ee xukuumaddu qaaday sanadkii dhamaaday.
English News
storvideo: 


WARSAXAAFADEED: Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA)-Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka - gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman
War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:"Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.
Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas'uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.
Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.
"Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go'aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah," ayuu yiri Md. Keating.
Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: "Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka."
Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu caddeeyay in "gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena."
storvideo: 

XFS Oo Awaamiir dul dhigtay Shirkadaha Duulimaadka Garoonka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa amaro ku soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha ee M/ Muqdisho
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shirkadaha rakaabkooda 9:00 Saac ka hor laga doonayo in ay ku sugnaadaan Garoonka, islamarkana loo baahan yahay in waqtigooda aysan dib uga dhicin Duulimaadyadooda.
Waxaana uu carabka ku dhuftay, haddii Awaamiirta ay jabiyaan shirkadaha marka koowaad la ganaaxyo Lacag dhan 200 kun oo Dollar, marka labaadna 200 kun iyo ganaax todobaad ah, mar sadexaadna shatiga lagala laaban doono shirkaddii jabisa go’aankaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-duulista-w.mp3
The post XFS Oo Awaamiir dul dhigtay Shirkadaha Duulimaadka Garoonka appeared first on Shabelle.

Nin ay ku marqaati fureyso 40 qof

$
0
0

Ninkan ayaa la sheegay in uu kufsaday gabadha oo lagu magacaabo Kim Wall, una dhalatay dalka Sweden, kadibna uu dilay, jirkeedana uu qeyb qeyb u kala gooyay.

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku amaanay...

$
0
0

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka - gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman War Saxaafadeed [...]
storvideo: 

XFS Oo Awaamiir dul dhigtay Shirkadaha Duulimaadka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa amaro ku soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha ee M/ Muqdisho
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shirkdaaha rakaabkooda 9:00 Saac ka hor laga doonayo in ay ku sugnaadaan Garoonka, islamarkana loo baahan yahay in waqtigooda aysan dib uga dhicin Duulimaadyadooda.
Waxaana uu carabka ku dhuftay, haddii Awaamiirta ay jabiyaan shirkadaha marka koowaad la ganaaxyo Lacag dhan 200 kun oo Dollar, marka labaadna 200 kun iyo ganaax todobaad ah, mar sadexaadna shatiga lagala laaban doono shirkaddii jabisa go'aankaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-duulista-w.mp3
storvideo: 

Nin ay ku marqaati fureyso 40 qof

$
0
0

Nin u dhashay dalka Denmark , Peter Madsen oo loo heysto dilka gabadh saxafiyad ah oo wax ka qoreysay markab gujis ah oo uu isaga sameeyay ayaa maxkamad lasoo taagayaa, kadib markii la heley cadeymo muujinaya in uu falka geystay.
Ninkan ayaa la sheegay in uu kufsaday gabadha oo lagu magacaabo Kim Wall, una dhalatay dalka Sweden, kadibna uu dilay, jirkeedana uu qeyb qeyb u kala gooyay. Labadooda kaliya ayaa wada saarnaa markabka markii dad ugu war dambeysay gabadha, halkaas oo ay waraysi gaar ah kaga qaadaysay.
Waa uu beeniyay in uu falka geystay, balse waxaa maxkamadda mid mid loo hor keenayaa illaa 40 qof oo ku marqaati kacaysa in uu isaga falka ka dambeeyay, sheekeysana waxa ay ogyihiin.
Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee ku sugan magaalada Copenhagen oo ay dacwadda ka furantay, dacwad oogayaasha ayaa qalbac qalbac isula doonanaya cadaymaha kala firirsan ee dambigan oo markii horeba aad isugu murugsanaa.
Qof bushkuleeti ku jooga ayaa heley qeyb ka mid ah jirka saxafiyadda 10 maalmood kadib markii la waayay, markii dambane booliiska ayaa heley qeybihii kale ee jirkeeda oo bac lagu gurey.
Hadalo is burinaya ayuu booliiska u sheegay Peter, mar ka mid ah waxa uu sheegay in ay ku dhimatay markii uu quusay markabkii ay wada saarnaayeen labadooda kaliya, marna wuxuu sheegay in ay dhimatay, kadibna uu badda ku aasay.
Waxaa suurtogal ah in xabsi daa'in lagu xukumo haddii lagu helo dambigan, kaas oo sharci ahaan dhan muddo dhan 15 illaa 17 sano oo aanan qofka la siin doonin cafis.
Ms Wall ayaa horey uga soo warantay dalalka Kuuriyada Waqooyi, Uganda, iyo Haiti, iyada oo u shaqaysay wargeysyada New York Times, Guardian, Vice, iyo South China Morning Post.
storvideo: 

Maalinta Haweenka ee 8-Maarso oo maanta laga xusayo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Munaasabado lagu xausayo maalinta Haweenka Aduunka ee 8-Maarso ayaa maanta lagu wadaa iney ka dhacaan meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalka oo ay ka mid tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Munaasabadaha ayaa ah mid lagu weyneynayo maalintan 8-Maarso oo ah maalin ku weyn Haweenka Aduunka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah Bulshada qeyb weyna ka qaata Horumarka.
8-da Bisha Maarso ee sanad walba Haweenka ku nool aduunyadu waxay soo bandhigaan guullaha ay gaareen iyo caqabadaha la oran karo way hor taagan yihiin.
Guddoomiyaha Gobolkka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) iyo Ergayga garaka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay munaasabada 8-Maarso,waxayna muujiyeen dowrka aan la dafiri Karin ee Bulshada ay kaga jiraan.
"Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go'aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah," ayuu yiri Md. Keating,' Ayuu yiri Micheal Keating.
8-Maarso waa maalin loo qoondeeyay in loogu qiimeyo haween weynaha adduunka ku nool iyadoona maanta oo kale wadamada caalamka lagu qabto dabaal dagyo waaweyn,waxayna Soomaaliya ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga xusayo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWARSAXAAFADEED: Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta

storvideo: 


Slain Regional Minister and HirShabelle MP laid to...

$
0
0

The dead bodies of a regional Minister and MP killed in Al Shabaab roadside bomb blast near Afgoye town on Wednesday have been laid to rest in Mogadishu on Thursday morning.
The bodies of Abdirahman Abdulkadir Baraf who was the state Minister of Security for Southwest and HirShabelle MP Abdi Farah were buried at a cemetery in Medina hospital.
Somali Government officials and members of the Parliament have attended attending funeral services for the slain regional Minister and legislator killed in Al Shabaab.
The two officials, along with two security guards died in a landmine explosion struck their car On their way back to Afgoye from nearby Balli Doogle airbase in Lower Shabelle region.
Their car was blown apart by a powerful IED planted on the road by Al Shabaab.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle

Saraakiil Mareykan ah iyo Wakiilo ka socdo Sheekh Mukhtaar Robow Oo ku kulmay Mombasa

$
0
0

Mombasa ( Sh. M. Network )-Warar ay heleyso Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ay kulan gaar ah la yeesheen Wakiilo ka socday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo horay uga tirsanaa Al Shabaab.
Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu taageero dhaqaale ugu caawin lahaa abaabullada dagaal ee uu wado Abuu Masuur.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa muddooyinkii dambe ka waday gobolladda Baay iyo Bakool qorshe dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.
Waxaana gobolladaasi ku sugan maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Mukhtaar, iyo Ciidamo ka tirsan kuwan Koonfur Galbeed oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada halkaasi.
The post Saraakiil Mareykan ah iyo Wakiilo ka socdo Sheekh Mukhtaar Robow Oo ku kulmay Mombasa appeared first on Shabelle.

Saraakiil Mareykan ah iyo Wakiilo ka socdo Sheekh...

$
0
0

Mombasa ( Sh. M. Network )-Warar ay heleyso Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ay kulan gaar ah la yeesheen Wakiilo ka socday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo horay uga tirsanaa Al Shabaab.
Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu taageero dhaqaale ugu caawin lahaa abaabullada dagaal ee uu wado Abuu Masuur.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa muddooyinkii dambe ka waday gobolladda Baay iyo Bakool qorshe dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.
Waxaana gobolladaasi ku sugan maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Mukhtaar, iyo Ciidamo ka tirsan kuwan Koonfur Galbeed oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada halkaasi.
storvideo: 

Maxay tahay sababta isbadalka cimilada ay u saameyso dumarka in ka badan ragga?

$
0
0

Haweenka ayay saamayn ka badan midda rag ay ku yeelataa isbadalka cimilada, sida ku cad daraasad la soo saaray.

Maxay tahay sababta isbadalka cimilada ay u saameyso...

$
0
0

Haweenka ayay saamayn ka badan midda rag ay ku yeelataa isbadalka cimilada, sida ku cad daraasad la soo saaray.
Tirada ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in 80% dadka ku barakacay isbadalka cimilada ay haween yihiin.
Doorkooda asaasiga ah ee ku aadan xirfadooda quudinta ayaa ka dhigtay kuwa u nugul marka ay abaaraha iyo fatahaadaha ay dhacaan.
Heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris ayaa waxa ku jiray qodob gaar ah oo ku aadan sare u qaadida haweenka , iyada oo la ogaaday in ay yihiin cidda ay sida ba'an u saamaysay.
Bartamaha Afrika oo dhawaan Harada Chad 90% ay gurtay ayaa waxa ay halista ugu badan ku yeelatay dadka reer miiga ah.
Iyada oo Harada ay gurtay ayaa waxa ay haweenka ku qasbanaadeen in ay meel dhaadheer u lugeeyaan oo ay biyo u raadiyaan.
"Xilliga jiilaalka ragga waxa ay aadaan magaalooyiinka... taasi oo ka dhigtay in haweenka ay dhowraan daryeelka bulshada," waxaa sidaasi sheegay Hindou Oumarou Ibrahim, oo ah isku dubaridaha hay'ad arrimaha haweenka ka shaqaysa dalka Chad.

  1. Soomaaliya oo xagga hore ka gashay dalalka hawadooda wasaqaysantahay
  2. Shiinaha: way naga go'an tahay wax ka qabashada cimilada
  3. Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Ibrahim ayaa taxanaha 100 dumar ee BBC u sheegay in iyada oo abaarta ay daba dheeraatay in haweenka ay aad us haqaynayaan si ay u quudiyaan oo ay u daryeelaan qoysaskooda iyaga oo aan wax taageero ah helin..
Dhibaato caalami ah
Ma aha oo kali ah haweenka ku nool meelaha magaalooyiinka ka fogfog cidda ay saamayn ku yeelatay arrintan , balse guud ahaan caalamka haweenka ayay u badan tahay in ay saamayso saboolnimada, waxa ayna leeyihiin awood ka yar mida ragga marka ay timaado dhaqaalaha iyo bulsha ahaan.
Waxa ay arrintan haweenka ka dhigtay kuwa ay ku adagtahay in ay ka soo kabtaan musiibooyiinka saameeya kaabayaasha dhaqaalaha , shaqooyiinka iyo guriyaynta.
Ka dib duufaantii Hurricane Katrina ee 2005, Haweenka madowga ah ee Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadka saamaynta ugu ba'an ay ku yeesheen fatahaadii ku dhuftay Louisiana.
storvideo: 

Keating Oo bogaadiyay kaalinta haweenka ee Hormarka Dalka

$
0
0

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka – gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman
War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:“Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.
Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas’uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.
Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.
“Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating.
Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: “Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka.”
Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu caddeeyay in “gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena.”
The post Keating Oo bogaadiyay kaalinta haweenka ee Hormarka Dalka appeared first on Shabelle.


Keating Oo bogaadiyay kaalinta haweenka ee Hormarka...

$
0
0

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka - gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman
War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:"Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.
Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas'uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.
Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.
"Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go'aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah," ayuu yiri Md. Keating.
Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: "Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka."
Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu caddeeyay in "gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena."
storvideo: 

Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga KGS iyo xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle Oo lagu aasay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, gaar ahaan Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina wasiiru dowlihii wasaaradda amniga Koonfur Galbeed C/qaadir Cabdiraxmaan Cali iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaas Shalay ku Geeriyooday qarax ka dhacay gobolka Sh/ Hoose.
Waxaana Aaska ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS, maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Ehellada Marxuumiinta.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay Aaska ayaa ka warbixiyay.
Waxaana uu ugu horreyn ka Tacsiyeeyay Xildhibaan Jeesow Geerida ku timid mas’uuliyintaasi.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay mas’uuliyintaasi, kaas oo Shalay gelinkii dambe ka dhacay nawaaxiga GarooNka Balidoogle ee G/ Shabeelaha Hoose.
Waxaana Al Shabaab muddooyinkii dambe ay kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada dhaba galka ah ee ay ka fuliyaan gobolkaasi.
The post Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga KGS iyo xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle Oo lagu aasay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga KGS iyo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, gaar ahaan Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina wasiiru dowlihii wasaaradda amniga Koonfur Galbeed C/qaadir Cabdiraxmaan Cali iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle, kuwaas Shalay ku Geeriyooday qarax ka dhacay gobolka Sh/ Hoose.
Waxaana Aaska ka qeyb galay mas'uuliyiin ka kala tirsan DFS, maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Ehellada Marxuumiinta.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb galay Aaska ayaa ka warbixiyay.
Waxaana uu ugu horreyn ka Tacsiyeeyay Xildhibaan Jeesow Geerida ku timid mas'uuliyintaasi.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay mas'uuliyintaasi, kaas oo Shalay gelinkii dambe ka dhacay nawaaxiga GarooNka Balidoogle ee G/ Shabeelaha Hoose.
Waxaana Al Shabaab muddooyinkii dambe ay kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada dhaba galka ah ee ay ka fuliyaan gobolkaasi.
storvideo: 

Iiraan: Haweenay Xijaabka Tuurtay oo xukun lagu ridey

$
0
0

Haweeney u dhalatay dalka Iiraan oo goob fagaaro ah isaga bixisay Xijaabka si ay u muujiso cabasho ka dhan ah sharciga waajibka ka dhigaya xijaabka ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Warbixinno: Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka

$
0
0

Dunida waxa sannad walba maanta oo kale (Maarso, 8) laga xusaa maalinta caalamiga ah ee haweenka. Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinno ku saabsan siddeeda Maarso oo ay wariyayaasheenna noo soo direen.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:15:54 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live