Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cabdi Faarax Juxaa oo maalinta berri ah Garoowe ku...

$
0
0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland.
Mudane Juxaa oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kamid ah siyaasiyiin la baxay"Puntland Focus Group" oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019,sida ay xaqiijinayan dadka arrimahan la socda.
Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa mudada xil-heynteeda waxaa ka haray in ka yar sannad,waxaana durba soo baxay musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota.
PUNTLAND POST
The post Cabdi Faarax Juxaa oo maalinta berri ah Garoowe ku soo wajahan. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Duqa Garoowe oo soo af-meeray safarkiisi Imaaraadka...

$
0
0

Duqa Caasumadda Puntland,Xassan Maxammed Ciise(Goodir) oo maalmahan safar ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalinta berri ah la filaya in uu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe.
Xassan Goodir ayaa intii ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta kulan la qaatay qaar kamid ah mas'uuliyiinta dalkaasi iyo sidoo kale jaaliyadda reer Puntland ee dalka UAE,isagoo ganacsatada halkaas ku sugan ka codsaday in ay qeyb ka noqdaan dadaalka lagu horumarinayo adeegyada as-aasiga ah ee caasumadda Puntland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsatada reer Puntland ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay duqa ay balan qaadeen in ay doorkoda ka ciyaarayan dadaalka loogu jiro in dab-demisyo loo soo iibiyo magaalada Garoowe.Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net
The post Duqa Garoowe oo soo af-meeray safarkiisi Imaaraadka Carabta. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Jaamacadda Carabta oo la safatay somalia Una...

$
0
0

10th March 2018 admin Category :

  • Uncategorized

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Sooomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya u fadhiyo Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta Cabdiqani Maxamed Wacays iyo diblomaasiyiinta safaarada ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta oo ka dhacay Qaahira.
Kal fadhiga Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa ahaa kii 149 waxana looga hadlay Sagaal ajande oo kamid tahay warqad Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka Jaamacadda Carabta kuna saabsan heshiiska baadilka ah ee dekadda Barbara si dowladdaha carabta uga qaatan mowqif mideysan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed .
Golaha Wasiirradda Jaamacadda Carabta ayaa Ashtakadaasi kasoo saaray baaq ay ku mideysan yihiin oo ah in madaxbanaanida, midnimadda iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan oo Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta, ayaa intaa ka dib ugu war bixiyay ajandaha guud ee Shirka iyo mowqifka ay Jaamacaddu iska taagtay arrinta Berbera iyo DP World.
[embedded content]
Post navigation
- Ururka Jaamacadda Carabta oo Diiday Heshiiskii Berbera Fariinta Ubaxa soo koraya -
storvideo: 

Madaxweyne Gaas Oo Booqday Xarumaha Lagu Qaxweeyo ee...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa lagu arkay isagoo dhex mushaaxaya magaalada Garoowe gaar ahaan qaar kamid ah goobaha ay dadka shacabka ah ku caweeyaan.
Madaxweynaha ayaa waxa uu shaax la cabey qaar kamid ah dhalinyarada reer Puntland ee kunool magaalada Garoowe, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey sawirro self ah oo ay dhalinyaradu lagaleen madaxweynaha.
SAWIRRO
[embedded content]
storvideo: 

Halis cusub: Dowlada Emirat-ka oo sameysay guddi...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore u gudbisey fadhiga Golaha wasiirada ee Jaamacadda Carabta waraaq ay ashtako uga tahay dowlada Emirat Carabta.
Ashtakada dowlada Somalia ee lidka ku ah Emirat Carabta, ayaa ku xeeran Heshiis ay gashay shirkad laga leeyahay Emirat Carabta oo lagu magacaabo DP World.
Dowlada Somalia ayaa ashtakadeeda ku dalbatay in la hakiyo Heshiiska Seddex geesoodka ah ee u dhexeeya DP World, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.
Dowlada Emirat Carabta oo durba heshay nuqulo kamid ah warqadaha dacwada ee laga gudbiyay ayaa bilowday ololo looga hor imaanaya dacwada dowlada Somalia ee Heshiiska dekadda Berbera.
Dowlada Emirat Carabta, ayaa durba wufuud u kala dirtay wadamada ka tirsan ururka Jaamacadda carabta, kuwaa oo la qorsheynaayo inay kala dhantaalan dacwada ay gudbisay dowlada Somalia.
Wafdigaan ayaa la xaqiijiyay inay ku hormareen ilaa afardal oo xubin ka ah ururka Jaamacadda carabta, waxaana suuragal ah in dhaqdhaqaaqa ay wadaan wafdiga Emirat Carabta uu suuragaliyo in laga aamuso howlaha ku xeeran Heshiiska Berbera.
Emirat Carabta, ayaa durba dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Aljeeriya ka dhaadhicisay inay ka hor imaadaan Dacwada dowlada Somalia.
Seddexdaan dowladood ayaa lagu wadaa inay ka aamusi doonaan go'aanka Hoggaanka ugu sareeya ee ururka Jaamacada carabta ka qaadan lahaayen Heshiiska Berbera iyo faragalinta ay ku heyso Emirat Carabta.
Sidoo kale, Wafdiga Emirat Carabta ee ku wajahan wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada carabta ayaa kala dhantaali doona qorshaha dowlada Somalia, iyadoo laga cadaadin doono dhanka codka.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid ka caagan go'aan ka qaadashada awoodaha ay adeegsaneyso Emirat Carabta.
- Online
Xafiiska Muqdisho
-live.com
storvideo: 

Somali troops recapture key town from Al-Shabaab militants

$
0
0

Somali Federal Government forces have retaken control of a strategic town in Middle Shabelle region on Saturday from Al Shabaab militants, authorities said.
A regional official said the US-trained Bancroft took Gambale, about 45Km east of Jowhar early in the morning without encountering a resistance from the Al-Qaeda-linked militants.
Al Shabaab fighters withdrew from the town, allowing Somali troops to take it peacefully.
The town’s residents reported heavy operation in the area as the Somali government forces are making searches for explosives left by Al Shabaab before its withdrawal.
The reason for the Al Shabaab’s withdrawal from the town was not clear.
For a decade, the weak U.N.-backed government has been fighting alongside African Union troops against al Shabaab, which pledged allegiance to Al Qaeda in 2012.
The post Somali troops recapture key town from Al-Shabaab militants appeared first on Shabelle.

Somali troops recapture key town from Al-Shabaab...

$
0
0

Somali Federal Government forces have retaken control of a strategic town in Middle Shabelle region on Saturday from Al Shabaab militants, authorities said.
A regional official said the US-trained Bancroft took Gambale, about 45Km east of Jowhar early in the morning without encountering a resistance from the Al-Qaeda-linked militants.
Al Shabaab fighters withdrew from the town, allowing Somali troops to take it peacefully.
The town's residents reported heavy operation in the area as the Somali government forces are making searches for explosives left by Al Shabaab before its withdrawal.
The reason for the Al Shabaab's withdrawal from the town was not clear.
For a decade, the weak U.N.-backed government has been fighting alongside African Union troops against al Shabaab, which pledged allegiance to Al Qaeda in 2012.
storvideo: 

Pakistan will assist Somalia in registering its citizens

$
0
0

The National Database and Registration Authority Friday signed a Memorandum of Understanding with the Government of Somalia to provide services to the country.
Ambassador Khadija Mohamed signed MOU for Somalia in Islamabad. Pakistan PM Shahid Khaqan Abbasi witnessed the signing.
Interior Minister Ahsan Iqbal, Chairman NADRA and senior officials were also present on the occasion, said a PM Office statement.
Pakistan says it assist Somalia in registering its citizens, immigration services, and other e-Government solutions.
The post Pakistan will assist Somalia in registering its citizens appeared first on Shabelle.


Pakistan will assist Somalia in registering its...

$
0
0

The National Database and Registration Authority Friday signed a Memorandum of Understanding with the Government of Somalia to provide services to the country.
Ambassador Khadija Mohamed signed MOU for Somalia in Islamabad. Pakistan PM Shahid Khaqan Abbasi witnessed the signing.
Interior Minister Ahsan Iqbal, Chairman NADRA and senior officials were also present on the occasion, said a PM Office statement.
Pakistan says it assist Somalia in registering its citizens, immigration services, and other e-Government solutions.
storvideo: 

Somali welcomes Arab League statement on Berbera port deal

$
0
0

Somalia’s Minister of foreign affairs Ahmed Awad has welcomed the Arab League statement over the controversial tripartite agreement between Somaliland, DP World, and Ethiopia.
The Minister said the Arab League decision is very significant and called for to respect the sovereignty and unity of Somalia.
The four-point Arab League statement urged both sides to continue to resolve matters that are between them on the future of the country.
The Arab League has also expressed its support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in support of the restoration of peace and stability in Somalia.
“The control of the borders of the land, its airspace and the sea are the responsibility of the federal government of Somalia, and the Arab League warns against interfering with Somalia in any kind,” the statement from the Arab League said.

The Federal Government of Somalia asked the Arab League to step in and mediate in the controversial Berbera port agreement as relations drastically deteriorate in the once unified country.
The federal government has argued that the agreement between Somaliland, DP World and the Ethiopian government over the port of Berbera is an illegal roadmap that has not been implemented according to the law and was not approved by the constitutionally mandated institutions of Somalia.Senior government officials said that a similar complaint will be launched with the African Union, ostensibly directed at Ethiopia.
The League of Arab States also said that it will continue to support Somalia’s constitutionally mandated institutions, particularly in the areas of peace and reconstruction of the nation.

The post Somali welcomes Arab League statement on Berbera port deal appeared first on Shabelle.

DAAWO: Warbixin ka hadlaysa carruurta uu soo...

$
0
0

Daawo warbixin ka hadlaysa carruur badan oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, kuwaasi oo lagu dabiibayo Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Somali welcomes Arab League statement on Berbera...

$
0
0

Somalia's Minister of foreign affairs Ahmed Awad has welcomed the Arab League statement over the controversial tripartite agreement between Somaliland, DP World, and Ethiopia.
The Minister said the Arab League decision is very significant and called for to respect the sovereignty and unity of Somalia.
The four-point Arab League statement urged both sides to continue to resolve matters that are between them on the future of the country.
The Arab League has also expressed its support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in support of the restoration of peace and stability in Somalia.
"The control of the borders of the land, its airspace and the sea are the responsibility of the federal government of Somalia, and the Arab League warns against interfering with Somalia in any kind," the statement from the Arab League said.
The Federal Government of Somalia asked the Arab League to step in and mediate in the controversial Berbera port agreement as relations drastically deteriorate in the once unified country.
The federal government has argued that the agreement between Somaliland, DP World and the Ethiopian government over the port of Berbera is an illegal roadmap that has not been implemented according to the law and was not approved by the constitutionally mandated institutions of Somalia.Senior government officials said that a similar complaint will be launched with the African Union, ostensibly directed at Ethiopia.
The League of Arab States also said that it will continue to support Somalia's constitutionally mandated institutions, particularly in the areas of peace and reconstruction of the nation.
storvideo: 

Heshiiskii dowladda Colombia iyo FARC oo la ansixiyay

$
0
0

Kongareeska dalka Colombia ayaa meelmariyay heshiiskii nabadeed ee dib u eegista lagu sameeyay ee u dhaxeeyay dowladda iyo fallaagada FARC.
Aqalka wakiillada ee dalka Colombia ayaa si aqlabiyad ah ku meelmariyay qorshaha heshiiska nabadda kaddib maalin un markii uu heshiiskan taageeray Aqalka Senate-ka.
Madaxweyne Juan Manuel Santos ayaa soo dhaweeyay waxa uu ugu yeeray "taageerada taariikhiga ah ee heshiiska" bilowga u ah hannaanka ay kumannaanka dagaalyahan ee fallaagada FARC uga soo baxayaan kaynta oo ay hubkooda ku tiirinayaan.
Heshiiskii hore ayaa waxaa lagu diiday afti la qaaday bishii Oktoobar.
Heshiiska ayaa looga gol leeyahay sidii lagu soo afjari lahaa colaad socotay muddo ka badan nus qarni ayna ku dhimatay in ka badan 260 kun oo qof.
Fallaagada FARC ayaa lixda bilood ee soo socota waxaa la geyn doonaa goobo ku meel gaar ah, halkaasi oo ay hubkooda ku wareejin doonaan xisbi siyaasadeedna ay ku sameystaan.
Milateriga dalkaasi ayaa ku wareegi doono deegaanadii ay horay u maamuli jirtay fallaagada FARC si looga hortago in kooxaha ka shaqeysta daroogada ay la wareegaan.
storvideo: 

Shirgudoonka Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa...

$
0
0

(Toggaherer)-Shirgudoonka Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa daboolka Ka qaaday In Mudanayaashaasi Golahaasi Lagu Qaadaayo Xeerka Anshaxa U Yaala Golahaasi ,ka Dib Markii Mudanayaasha Golahaasi Ay Caadaysteen In Aanay Soo xaadirin fadhiyadooda Caadiga Ah.fadhigii Maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Uu shirgudoominaayey Gudomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen Ajandahooda kalfadhiga 65naad kaasi oo ay ku howlgali doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.Dhaniaca kalena cakena Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu mudanayaasha golahaasi uu ku wargaliyey in xeerka anshaxa ee golahaasi u yaala la dardargalinayao,isla markaasina shir albaabadu u xidhan yihiin ka yeelanayaan mudanayaashu ,si ay wax uga qabtaan mudanayaasha caadeystay in aanay soo xaadirin fadhiyada uu golahaasi yeesho.iyadoo mudanayaasha golahaasi laga dalbaday in ay dhowraan xeerka anshaxa ee u yaala mudada ay ku gudo jiraan fadhiyadooda caadiga ah.
Halkani Hoose Ka Dhagayso qodobkani Oo faahfaahsan:
http://www.togaherer.com/wp-content/uploads/2018/03/warka-Mudanayaasha-G...
storvideo: 

Soomaaliland oo Hakisay Wada hadaladii Soomaaliya...

$
0
0

Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah ay hakiyeen wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan Maamulka Soomaaliland iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.
Dr Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada ee maamulka Soomaaliland oo wariyaasha Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Soomaaliland ay hakisay muddo bil ah in qabsoomida wada hadaladii labada dhinac.
Wasiir Sacad ayaa sheegay in wada hadalada guud ahaan aanay hakin Soomaaliland hayeeshee daruufo jiro aawgeed wada hadaladaasi loo hakiyay muddo bil ah.
"Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii" Ayuu yiri Wasiir Sacad.
Go'aankaan ay qaadatay Soomaaliland ee lagu hakiyay wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan labada dhinac ayaa sabab u ah kadib markii dowlada Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiskii DP World iyo maamulka Soomaaliland waxaana xiisadaasi u dhaxeeysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca warbaahinta ay cirka isku sii shareertay todobaadyadii la soo dhaafay.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Soomaaliland oo Hakisay Wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Md. Farmaajo oo ka Hadlay Berbera

$
0
0

Isaga oo ka qeyb galay kalfadhigii baarlamaanka Somalia oo maanta furmay ayaa madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in uu ka digayo in shirkad ka mid kuwa caalamku ay maalgashi sameyso iyada oo aan ogolaansho ka haysan hay'adaha dastuuriga ah ee Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadaas uu ka jeediyey baarlamaanka waxyaabo kale oo bixinta cashuurtu ay ka mid tahay.
Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay hakisay wadahadaladii u qorsheysnaa inay dhex maraan iyada iyo Dawladda Federaalka ee Somalia.
Warbixin arrimahaas ka hadlaysa waxaa inoo haya Xasan Kaafi Qoyste iyo Barkhad M. Kaariye.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:15:10 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha Gadista.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faah faahiyay go'aanadii ka soo baxay shirkooda.
"Ajandaha maanta waxaa uu ahaa in aan isla garanno wixii inooga hirgalay heshiisyadii hore,gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda Dalka oo mas'uuliyadeyna ah, hanoqoto Gobolka Banaadir ama Gobolada kale ee xubinta ka ah Federaalka,waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista,waxaa kaloo aan isla-garanay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay anaguna raacsanahay,,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysan".Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Shirkani ayaa daba socda shirar ka horeeyey oo ku saabsan mideynta hanaanka qaadista canshuuraha noocyadoodi kala duwan ee Dalka,kaasi oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS.+SAWIRRO

storvideo: 

Indho Adayga Muuse Biixi iyo marabidiisa

$
0
0

10th March 2018 admin Category :
Ina Cali koore iyo Ciise Xawar aya ka qayb galay aaskii Cismaan Dacas.Marxuumka dhintay ayaa xoolihii laga dhaxli lahaa sida uu horay u sheegay waxa ka dhacay gacan ku dhiigle Muuse Biixi oo labadan nin ee ka soo kala jeeda Dhulbahante iyo Warsangeli u soo kaxaystay Xabaasha. Marxuumka sheegay in la dhacay ayaa ka soo jeeday beesha Habar jeclo ee isaaq
[embedded content]
[embedded content]

storvideo: 

Madaxweynaha dalka Aan iskii isu maamuli karin ee...

$
0
0

Muqdisho, 10 Maarso, 2018; Madaxweynaha dalka Aan iskii isu maamuli karin ee Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go'antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.
"Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay."Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab.
"Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno."
Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka, dib u soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jiray qaar ka mid ah xabsiyada dalalka shisheeye, la soo wareegidda maamulka hawada iyo dib u soo nooleynta kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd dunida.
"Waxaan dadaal adag ugu jirnaa in aan markii ugu horreysay hoggaaminno Urur Goboleedka IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii asaasay. Waxaan haysannaa fursad aad u wanaagsan in naloo doorto jagadaas. Sidoo kale waxaan dadaal ugu jirnaa sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka ganacsiga mideysan ee waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA."Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu gaarsiisanyahay heerkii ugu sarreyey, iyadoona Isfahan iyo wada tashi uu asaas u yahay.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed.
"Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu."
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyey sida ay uga go'antahay ilaalinta iyo dhowrista Soohdimaha, xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed, xiriirkasta oo heer caalami ahna ay asaas u tahay danaha iyo sharciyada dalka.
Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa.
storvideo: 

Dhageyso Farmaajo “Shirkadaha shisheeye aysan wax...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo goordhaw khudbad xasaasi ah ka jeediyay Munaasabada furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay arimo badan ay kamid yihiin wadamo iyo Shirkado xadgudub ku haya Qaranimada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya in aysan marnaba dowlada Federaalka raali ka noqon doonin in lagu soo xadgudbo taako kamid ah xuduudaha Soomaaliya dhul iyo cirba .
Farmaajo ayaa sheegay in Shirkadaha shisheeye aysan wax heshiis ah la gali karin maamulada dalka iyada oo aysan raali ka aheyn lana soo marsiin Hay'adaha dasuuriga ee arimahaasi ku shaqada leh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga digay Wadamada shisheeye iyo Shirkadaha Ajaaniibta ah in aysan marnaba ka ogolaan doonin in ay ku xadgudbaan Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya .
"Waxaan uga digayaa Wadamada iyo shirkadaha shisheeye in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnidamada Soomaaliya , waa dhab in aan xaalad adag ku jirno oo daruufo adag na heestaan , waa dhab in dhaqaalaheenu liito oon wali isku filneyn, waa dhab in dad qaar aysan fahamsaneyn bixinta canshuurta, canshuur la'aan waa dowlad la'aan, waa dhab in hay'adaha amniga aysan ahayn sidii la rabay, intaas iyada oo na heysato, dadka Soomaaliyeed daruuf kasta oo ay ku jiraan waa dad ad adag, dadka Soomaaliyeed waa dad qiimeeya dadnimadooda iyo dowladnimadooda, hal taako oo ka mid ah dhulka Soomaalida inuu si xun ku baxo ma doonayaan" ayuu yiri Madaxweynaha dalka.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dadka Soomaaliyeed yihiin dad qab weyn oon marnaba quursi yeeleyn balse hada looga faa'iideesanayo sida uu tilmaamay isku xirnaasho la'aanta.
" Hadaan isku xiranahay naguma soo xadgudbi karaan dowlado iyo shirkado shisheeye, walaahi hadaan isku tiirsanaano oon isku xiranahay naguma xadgudbi karaan Wadamo iyo Shirkado Shisheeye, waaan ogolnahay maalgashi balse ma ogolin qab iyo quursi in nalagu sameeyo" Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuurta xaqa ah ee lagu leeyahay si dowladu isugu filnaato loogana maarmo dhaqaalaha Wadamada Shisheeye.
Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal , waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan dhaqaalana ku bixiyaan dagaal lala galo Kooxda Al Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaan si toos ah khudbadiisa maanta ugu soo hadal qaadin faragalinta qaawan ee dowlada Imaaraatka Carabta ku heyso Soomaaliya iyo Heshiiskii Sadex Geesoodka ahaa ee lagu qeyb qaday Dekadda Berbera.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/03/Madaxweyne-Farmaajo-oo-u...
Share this:
Related
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live