Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

VIDEO Warbixin: Wabiga Shabeele Oo Guray ( DAAWO DA )

0
0

[embedded content]
Halkan muqaal ahaan idin muuqata waa wabiga shabelle qeybta uu kamara dagmada jawhar gobolka shabelleada dhexe ee dowlad gobaleedka hirshabelle muuqaal ahaan sida idiin muuqata waa dhul caadi oo ay dadku marin unoqday waxayna noqtay goob lagu ciyaara ciyahara kaladuwan ee isbortsa ayado dheera u ah indadka qaarkii ay usoo sawir taganDadka qaar ee muqalkan dheehanaya waxa laga yaaba in sicaada ay urkaan
Lkin marxalada wabigan uu maraya waxay uur kutaalo kutahay dad nolashooda kutiirsantahay waana caqabada kowaad ee malinlaha ay wajahayaan dad yowga reer jowhar ayada oo kala simanyihiin dadka nolashooda ay kutiirsantahay waxsosarka beera iyo xoola somalia
Biya la aantaaas waxay sameen togan iyo mid wanba kuyeelatay dad iyo duunyoQaar kamid ah shacabka waxkasoo saarta beeraha ee kusugan magalada jawhar ayaan kala sheekeysanay dhibaatada kadhalatay biya la aanta wabiga cooooood
Qaar kamid ah xildhibaanada hirshabelle waxay kahadleen masiibada kadhalan karta biya la aanta waqtigan tagan
Gudoomiyaha gobolka shabellada dhexe axmed mayre makaran waxa uu shegay in macluul ay kadhalankarto biya la aant
Gudoomiya barlamanka hirshabelle sheeq cismaan bare maxamed waxa uu shegay inaan laxakameyn karenan arinta biya la aanta sababkasta oo wawiga uguray iney cadeyso dowlada federalka
Madaxweyna dowlad goboleedka hirshabelle dr maxamed cabdi waare waxa uu carabka ku adkeeyay in dowlad goboleedka aanu awoodi kareynin waxkaqabashada biya laa anta baahsan ee katagan mamulka uu hogaamiyo coodSomalia inta udhaxeeso 5sano ilaa tobansana waa kuwa wajaha abaara ba anMana jiraan kahortagyo lagaga xendaabanaya abarahaas
Share this:
Related
storvideo: 


Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA oo warsaxaafadeed...

0
0

Dalladaha Ururadda aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan ururada ka jira dalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob uga soo saarey kulamo aqoon isweydaarsi ah oo loo qabtey ururada bulshada rayidka kuwaas oo hawshoodu tahay dardargelinta geedi socodka dib u eegista dastuurka, waxayna kulansiiyeen guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ee labada aqal iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta qabyo qoraalka dastuurka.
Warsaxaafadeedka dalladaha ayaa loogu baaqay hay,addaha ku shaqada leh dib u eegista dastuurka yareynta khilaafka dhexdooda ah kaas oo ay sheegeen inuu niyad jab u noqon karo shacabka Soomaaliyeed.
Waxay taageereen go,aankii maxkamadda qaranka ee ku taarikheysnaa 15 November kaas oo ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay dhamaystiraan qabyo qoraalka dib u eegista dastuurka sanadka 2018-ka.Akhriso Warsaxaafadeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA oo warsaxaafadeed kasoo saarey arrimaha dib u eegista dastuurka. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo :Ururka Samafalka Haldoor Oo Deeq Lacageed...

0
0

Ururka Samafalka Haldoor Oo Deeq Lacageed Gaadhsiiyay Qoys Danyar Ah Oo Ku Dhaqan Caasimadda Hargaysa .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan .
[embedded content]
storvideo: 

UAE asks Turkey to respect Arab states’ sovereignty

0
0

10th March 2018 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

DUBAI: A senior United Arab Emirates official said on Saturday Turkey's policy towards Arab states was not reasonable and advised it to respect their sovereignty.
Relations between the two countries have been strained by Ankara's support for Qatar after Saudi Arabia, the UAE, Bahrain and Egypt imposed sanctions on Doha last year over its alleged support for extremist groups.
"It is no secret that Arab-Turkish relations aren't in their best state," UAE Minister of State for Foreign Affairs Anwar Gargash tweeted."In order to return to balance, Ankara has to respect Arab sovereignty and deal with its neighbors with wisdom and rationality," he said.
The UAE sees itself as a bulwark against extremist groups like the Muslim Brotherhood. Abu Dhabi has long been uneasy with Turkish President Recep Tayyip Erdogan's ruling AK party and its support for such groups.
The two countries were drawn into a quarrel in December over a retweet by the Emirati foreign minister that Erdogan called an insult.
UAE Foreign Minister Sheikh Abdullah bin Zayed shared a tweet at the time that accused Turkish troops of looting the holy city of Medina a century ago, prompting Erdogan to lash out saying that the minister had been spoiled by oil money.Turkey then renamed the street in Ankara where the UAE Embassy is located after the Ottoman military commander who Sheikh Abdullah had appeared to criticize.
Post navigation
- Indho Adayga Muuse Biixi iyo marabidiisa
storvideo: 

Waqooyiga Yaa La Xasuuqay? Yaa Wax Xasuuqay

0
0

10th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Maydadka Hargaysa oo xabaalaha laga soo qufayo yey yihiin? Shacbi Soomaaliyeed oo cid kasta le ayaa Dawlada iyo SNM labadoodab xaq daro ku dileen.(ALLSANAAG) Dagalaadii Waqooyiga ka dhacay shacab badan ayaa SNM iyo dawladuba ku gumaadeen. Sida dawladii waqtigaa jirtay qof kasta oo ay uga shakido inuu SNM gacan la yeelan karo dembiile uga soo qaadi jirtay ayaa iyana sidoo kale SNM qof kasta oo ay uga shakido inuu dawlada gacan la yeelan karo dembiile uga soo qaadi jirtay. Labaduba dadkaa ay dembiilayaasha ka dhigeen siday doonaan bay ka yeeli jireen.
Maadaama SNM maalmahan ay warar la xidhiidha qabuuraha laga helay Hargeysa ay ka soo qaadeen iney dawladii hore keligeed ka dambeysay, waxa isweydiin le suura gal ma tahay in dadkan la laayey iyagu xitaa layn karaan qaarkood ama wada layn karaan. Markay SNM magaalada soo gashay dadku hadba dhinac buu u yaacayey, xilligaa oo dawlada iyo SNM hadba meela kala riixanayeen.
SNM xasuuq qabyaalad ku saleysan ayey waxay ku sameeyeen shacbi badan, qaarkoodna qaxooti ahaa, oo ka soo jeeda qabaa'ilada kale iyo dad qaxooti ah oo Oromo ah. Xilligaa qaxootigii Ogaadeeniya ka soo carraray, ka dib dagaaladii 1977kii, iyo Mingiste xasuuqiisii ee xeryaha Waqooyiga ku jiray, SNM waxay ku doodi jirtay in dhulka Isaaqa ay xukuumada Siyaad Barre dejinayso. SNM iyagoo taa rumeysan ayey markay Waqooyiga soo galeen haddana dadkaa u xasuuqeen iney ciidan u yihiin dawlada Soomaaliyeed. Intay xeryihii qaxootigaasi ku jireen SNM galaan ayey dadka ka ururin jireen oo kala bixin jireen oo markaa sida xoolaha u layn jireen.
Xasuuqa SNM kuma koobneyn dadkii xeryaha qaxootiga iyo magaalada Hargeisa laga ururiyey. Goboloda Awdal, Sanaag iyo Sool waxay SNM ku qaaday weeraro gardaro ah iyagoo dumar iyo carruur ku gumaaday.Meydadkan Hargeisa laga helay DNAdooda ha la baadho si loo ogaado in ay yihiin dumarkii, carruurtii iyo shacabkii SNM gumaaday iyo iney yihiin dumarkii, carruurtii iyo shacabkii dawladu gumaaday.
Baadhitaanka ha lagu daro khubaro lafahaa caddeymo ka qaadeysa oo dabadeed ehelada maanta ku sugan Waqooyi Galbeed, Ogaadeeniya iyo meelaha kale ee adduunka, ee dadkoodii lagu gumaaday dagaaladii Waqooyiga, iyagana ha laga soo qaado DNA.
Marka caddeymaha DNAdaa ka soo baxa ay noqdaan Soomaali meela kala duwan ka soo jeeda, waxa caddaan doonta in madaxdii dawlada iyo madaxdii SNM labadooduba dadka laayeen; marka DNAdoodu noqdaan dad wada Isaaq, waxa caddaaneysa in dawladii hore madaxdeedii dembiilayaal yihiin; marka dadkaa DNAdoodu noqdaan dad badankiisu Ogaadeeniya ka soo jeeda iyo Soomaali kale iyo Oromo qaxooti ahaa, waxa caddaaneysa in madaxda SNM dembiilayaal yihiin.
SNM shacab masaakiina yay ku xasuuqday iney Darood yihiin ama askar Daarood yihiin, cid kasta ha ka soo jeedeene, oo ku eedeysay in ay ciidanka dawlada gacan siinayaan. Xitaa qaxooti Oromo ah oo masaakiina ayaa SNM u xasuuqday in ay iyana ciidanka dawlada gacan siinayaan xilligaa. Dhiiga bani'aadanka labada qoloba waxay u cabayeen sida biyaha.
Baadhitaanka yaan dhan keliya lala aadiin. Miskiinka qaxootiga Soomaaliga ah iyo miskiinka shacbiga Isaaqa ee gacanta ka gardareyd dishay, labaduba xaq bay u leeyihiin caddaalad. Gacan ku dhiiglayaasha, SNM iyo dawlada kay doonaan ha noqdeene, yaan la kala saarin.
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Go’aamadii Shirkii 1992 ee Hadaaftimo

0
0

10th March 2018 admin Category :
Go'aamadii Shirkii 1992 ee Hadaaftimo ee Warsangeli. Dhulbahante ma Bedeli Doonaan Istataraatijigooda? Sidee Daraawiishta iyo Reer Maakhir isaga Wada Jiri Doonaan Dabinada Qarsoon ee Isaqland u Wada Dhigayaan? Daraawiishta in Puntland Looga Dhigo Cadaw Yey Dani ugu Jirtaa?
{Allsanaag} Reer Maakhir Shirkoodii ka dhacay magaalada Hadaaftimo intii u dhaxaysay 27/09/1992 ilaa 30/09/92, ee uu gudoominayey Alla ha u naxiirstee Suldaan Cabdisalaan, waxay ka soo saareen go'aamo cad oo ay maamul ku sameysteen iyagoo ka hortagayey sheegashadii Isaqland. Si taa loo adkeeyo waxa Gudoonka Suldaanka iyo Ardaaga Odayaasha Warsangeli isla gaareen xilligaa in deegaanka Maakhir lagu soo rogo xaalad degdega.
Wuxuu ahaa shir lagu caddeeyey in Reer Maakhir aaney marna ka mid ahayn "Isaqland" oo inta dawlad Soomaaliyeed dhalaneyso ay ku sii hoos jirayaan maamulkooda. Iyagoo Reer Maakhir sidaa adag u diidan in Isaqland in dhulkooda sheegtaan ayey markii dambe waxay wax ka aasaaseen Maamulka Puntland oo ka mid noqdeen. Hadda Reer Maakhir waa Reer Puntland. Siday 1990s, iyadoo Puntland aaney jirin, ay Reer Maakhir mar kasta uga mideysnaayeen ka hortaga Isaqland ayey haddana, iyagoo garab adag oo Puntland ah ka mida oo ku tiirsan, uga mideysan yihiin ka hortaga Isaqland. Reer Maakhir kuma dhici doonaan oo waa og yihiin siyaasada munaafaqadeysan iyo debinka maleegan oo Isaqland dhigayaan oo ah iney dab, is-nacayb , kala-fogeyn iyo isku-dir ka dhex abuuraan Reer Maakhir dhexdooda ama Reer Maakhir iyo Puntland inteeda kale si ay Reer Maakhir iyagoo dhexdooda is-haya ama cidla taagan oo Puntland ka baxay ay markaa weerar ugu soo qaadaan.
Qodobadii "Shir Guuleed" ee 1992 waa kuwa halka hoos ku qoran. Suldaanka Guud, Alla ha u naxiriistee Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire iyo dhamaan Cuqaasha Warsangeli ayaa saxiixday.
Kuwa fara ku tiriska ah ee u dhashay Warsangeli ee Isaqland dantooda u tagay waxay ka hor imanayaan go'aamadan Warsangeli. Kuwaasi waxay kaloo ka horimanayeen go'aamadii Warsangeli kaga mid noqdeen Puntland. Shakhsiyaadkaas Hargeisa tegay iyagaa dantooda u shaqa tagay. Haddii ay maamulka Hargeysa ku daneystaan oo beenta Maakhir baanu metelaa wax kaga cunaan waa mid tilmaameysa fiira yarida maamulka Isaqland. Laakiin adduunka iyo Soomaalidu waa iney ogaadaan dhawrkaa shakhsi inaaney marna metelin REER MAAKHIR. Warsangeli midnimada Soomaaliyeed bay u taagan yihiin iyagoo ka mida xilligan Puntland.Nacabkaygaan aragnayIs ilaaliyaan baranayAayaha dhulkaan fahamnayDad is aaminaan noqonayIsku uursan baan noqonayIsku aaba aan noqonayAllahayow ....Dhulkayaga Maakhiree Puntland amaankiisaNin uu eedo ka ilaaliIslaami soocan baan nahayEebooy AllahayowAdiguna na taageerIlaahoowAwoodayadaan garanayImtixaan haddaan ka baxnayIkhtiyaarkayagaaan soconay(Adoonsiga qabiileysiga ee "Isaqland" iyo gardaradooda Reer Maakhir mar kasta waa ka dagaalami doonaan. Ikhtiyaarkooda iyo xornimadooda qabiil "Somaliland" ugu soo gabanaya ma ogolaan doonaan inuu soo fara geliyo. Qof kasta oo miyir qaba oo fekeraya oo Reer Maakhira ama Dhulbahante ah marna ma aha in ay "Puntland" iyo Isaqland is barbardhigaan iyadoo xitaa aynu ognahay iney jirto tabasho iyo saluug Maamulka Puntland laga tirsanayo. Maamulku waa yimaadaa oo waa tagaa. Wixii dadka Puntland soo dhex gala iyagaa wada dhashay oo tola oo ay u taalaa iney xal u raadsadaan laakiin waa gunnimo iyo cawaaqib xumo oo marna ma aha in ay dhacdo in taa darteed "Somaliland=Isaqland" lala simo. SOOMAALIYA ha noolaato!!! Gooni u goosashada qabiilka, qabyaalada iyo naceybka ku saleysani ha dhacdo!!!)
Go'aamadii Hadaaftimo iyagoo pdf ah halka ka akhriso
Reer Maakhir Sameynta Puntland Ka Hor Kama Mid ahayn Somaliland-Akhrista Shirkii Hadaaftimo ee 1992

Dhulbahante xaaladan degdega oo xilligaa Warsangeli galay baa haboon in ay hadda galaan si Isaqland looga xorreeyo Laas Caanood iyo dhulka kale. Maadaama Isaqland dhulka ay heystaan iyagoo xeelad ahaan u keena dabadhilifyo tira yar oo ina la dhashay goobahaa, waa caqli daro in lagu dhaco dabinka Isaqland oo ah in ay Dhulbahante gees ula baxaan si ay keligood cududooda u jebiyaan. Dhulbahantaha raba inuu gooni ugu baxo, ha ogoodo waa siday Isaqland jecel yihiin oo debinkoodii buu ugu dhacay. Kuwa maanta ina la dhashay oo Laas Caanood iyo meela kale iska dhigaya iney qabsadeen xitaa carruurtaa og iney maqaar saar lagu adeegto yihiin.
Laakiin waxa hadda muuqata in Daraawiishtu arkaan in aaney istiraatijiyad iyo xeel dheeri ahayn in ay garabka walaalohood ka baxaan oo u sahlaan qorshaha-duminta ee ay Isaqland dejiyeen. Adduunka, iska daa dadka kula dhashee, siyaasiyan waxa xulafeyso iyo isgaashaanbureysi laga doontaa shisheeya aan kula af iyo diin ahayn markay xaalad adagi timaado. Waa la yaaba, dhib kasta iyo wax kasta ha la kala tirsadeee, in qof xaalad adag ku jiraa dadkii walaalihiisa ahaa ee uu garabka ka helaa in uu la simo kuwii weerarka dhulkooda ku ahaa. Adduunku waa giraan oo waa hubaal in Daraawiishtu maalin dhow ciidooda Isaqland ka xoreyn doonaan iyagoo dib u eegaya istaraatijayadii dabinka aheyd oo loo dhigay iyo iyagoo guud ahaan wax ka bedeli doonaa sida hadda xaalku yahay ee lagu socdo.
Waa in Reer Maakhir gartaan in markii Daraawiishta ay Isaqland sidii neef baadiya ka soo takhulusaan in iyagu ku xigaan. Ogaada waa la idinku soo socdaa Reer Maakhirow oo Laas Caanood waxa ka jiraa beri ayuu Laas Qoray ka dhici karaa. Istaraatijiyada Isaqland baa ah hadda Dhulbahantaha xooga badan jilci oo duley ka dibna ku xeji Warsangeli oo sidaa oo kale u gal.
Sida qabaa'ilka Isaqland ee Isaaq ay dhamaan iyagoo wada jira gardarrada ugu soo duulayaan dhulka Puntland ee Dhulbahante iyo Warsangeli, waxaa waajib ah in Puntland iyaduna iney Isaqland si wadajir ah uga hortagaan gardaradoodaa. Reer Puntland wax weerari maayeen oo waxay ku jiraan difaac iyo joojinta gardaradaa Isaaqu wadaan. Waa la ogyahay qolodaa Isaqland oo qabyaalada darteed Soomaali uga go'aya in aanay Garoowe iyo Boosaaso, oo laba talaabo u jira xad beenaadka ay sheeganayaan, aaney ka badbaadi doonin haddii aan hadda qori lagaga hortegin beentan ay sheeganayaan.
Allsanaag.com
storvideo: 

250 000 kun oo ku bara-baxay Colaaddi Oromada iyo...

0
0

Dowladda Ethiopia ayaa sabtidii maanta ku dhawaaqday in 250 000 kun oo qof oo ku bara-baxday rabshadihii ka dhacay xuduudka u dhexeeya gobolka Oromada iyo kan dowlad-degaanka Soomaalida ee Ethiopia dib loogu celiyay degaannadoodii.
Isagoo la hadlayey hay'adda Warbaahinta Ethiopia,Mitiku Kassa,guddoomiyaha guddiga maareynta Khatarta Musiibooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in bara-kacayashu ay awoodeen in ay soo laabtan,kadib markii mas'uuliyiinta iyo odoyaasha labada gobol ay shir yeesheen bishii Febraayo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso in ay sida ugu dhakhasaha badan u soo celiso intii ka hartay 600 000 kun oo ka cararay rabshadihii dhacay bishii April ee sannadkii 2017.
Kassa ayaa sidoo kale sheegay in 86 000 kun oo kamid ah kuwa soo laabtay loo sameeyey dhaqan-celin ,iyadoo la kaashanayo mas'uuliyiinta dowladda Federaalka Ethiopia iyo dowlad-degaannada.
Dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa khilaaf ku saabsan xuduudka ay wadaagan ku soo jiray muddo ku dhow 20 sano.
Bishii October ee sannadkii 2004,afti la qaaday ayaa lagu calaamadiyay soohdinta labada dhinac,hayeeshee fulinteedii ayaa la hakiyay,kadib markii labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay in uusan u hoggaansamin natiijadii aftida.
isku-dhacyo isir ku salaysan oo ka dhacay xuduudka dheer ee labada gobol tan iyo bishii September,ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux iyo bara-kac kumanaan kale.Halkaan ka akhriso Warbixintan oo ay qortay Wakaaladda Wararka xinhua
PUNTLAND POST
The post 250 000 kun oo ku bara-baxay Colaaddi Oromada iyo Somalida oo degaannadoodi lagu celiyay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Bariga Ghouta: Ciidammada Suuriya oo geyiga u kala qeybiyay saddex

0
0

Ciidammada Suuriya ayaa guulo ka gaaray dadaallada ay ugu jiraan qabsashada Bariga Ghouta ee ay mucaaradku haystaa, sida ay wararku sheegayaan.


Bariga Ghouta: Ciidammada Suuriya oo geyiga u kala...

0
0

Ciidammada Suuriya ayaa guulo ka gaaray dadaallada ay ugu jiraan qabsashada Bariga Ghouta ee ay mucaaradku haystaan, sida ay wararku sheegayaan.
Ciidammada ayaa xannibay magaalada ugu weyn gobolka, ee Douma, iyagoo mid kalena go`doomiyay, sida laga soo xigtay hay`adda arrimaha bani`aannimada ee Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain (SOHR).
Dowladda Suuriya ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal ballaaran oo ay dib ugu qabsaneyso Bariga Ghouta, oo u dhow caasimadda Dimishiq.
Tan iyo markaas waxaa lagu soo warramayaa inay dib u hanteen kala bar gobolka, waxaana loo maleynayaa inay dagaalkaasi ku dhinteen in ka badan 900 oo rayid ah.
Qaramada Midoobay ayaa weerarradaasi ku tilmaantay "kuwo aan la aqbali karin", iyadoo sheegtay inay waxyeello ba`an ka soo gaarto rayidka.
Milatariga dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay beegsadaan shacabka, balse waxay ku andacoonayaan inay isku dayayaan xoreynta gobolka - oo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee ay mucaaradku ku xooggan yihiin.
Kolanyo gargaar oo maanta gaaray bariga Ghouta
Ciidamada dowladda Suuriya oo la wareegay kala bar bariga Ghouta
Madaxwayne Assad oo sheegay in duqaynta bariga Ghouta ay sii socon doonto
Maxaa ka dhacaya gudaha?
Hannaanka dagaal ee dowladda Suuriya ee Bariga Ghouta ayaa ah inay gobolka kala qaybiso ayna jarto taageerada mucaaradku ay helaan, Tifaftiraha BBC ee Arrimaha Carabta Sebastian Usher ayaa sheegaya in haatan dowladdu ay u muuqato mid ku guuleysatay hadafkaasi.
Dowladda Suuriya ayaa la sheegayaa inay qabsatay magaalada bartamaha ku taalla ee Misraba, ayna ku sii socoto dhul-beereedyada ku hareereysan.
Misraba waxay ku dherersan tahay waddo weyn oo xiriirisa Douma, dhanka waqooyi, iyo magaalada kale ee weyn, Harasta, dhanka galbeed.
Haddii la xaqiijiyo, qorshaha ayaa geyiga u kala qaybin doona saddex - Douma iyo magaalooyinka dhanka waqooyiga kaga hareereysan, galbeedka Harasta, iyo inta ka soo hartay geyiga ee koofurta.
Bishii January, Turkiga ayaa bilaabay dagaal uu maleeshiyada Kurdiyiinta kaga saarayo gobolka Afrin ee waqooyiga Suuriya ku yaalla, una dhow xadka Turkiga.
Ciidammada Turkiga, oo kaashanaya qaar ka mid ah isbahaysiga mucaaradka maleeshiyaadka Suuriya ayaa haatan ku sugan duleedka magaalada Afrin.
storvideo: 

Gambia, Somalia human rights strides praised by U.N.

0
0

11th March 2018 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

The Gambia and Somalia were up for praise during a recent address to the Human Rights Council delivered by the United Nation's High Commissioner for Human Rights, Zei Ra'ad Al Hussein.
In his March 7, 2018 address, Hussein bemoaned how over a dozen Africa countries were flagrantly violating rights of citizens - be it the media, opposition groups, activists etc.
He however reserved praise for The Gambia in the wake of a freeze on death penalty and Somalia for government's efforts to protect rights of citizens.
"I commend The Gambia for its announcement of a moratorium on the death penalty last month.
"In Somalia, I welcome a number of positive developments, including the establishment of a national human rights commission with a diverse composition, and I encourage the Government to continue its efforts to build institutions and bring peace," he said.
The Gambia till January 2017 was under the rule of Yahya Jammeh who seized power in 1994 and remained in charge till he lost polls in December 2016. An attempt to nullify the results was met with heavy diplomatic and security pressure from the regional bloc, ECOWAS.
Jammeh subsequently flew into exile and has since been living in Equatorial Guinea. Barrow came to power on the back of guaranteeing rights and revamping the flailing economy. His government has since announced a moratorium on the death penalty and promised wider freedoms for the media and opposition parties.
Over in Somalia, the government of Mohammed Abdullahi Farmaajo continues efforts in the area of deepening human rights in the face of terror threats by insurgent group, Al Shabaab.
Journalists in the country have often protested the arrest of their colleagues. Government agents have often picked up journalists citing security breach in the course of their work.
Post navigation
- Go'aamadii Shirkii 1992 ee Hadaaftimo IMF applauds Somalia's budget surplus -
storvideo: 

Madasha: Wareysiga Fannaan Cabdi Baaddil, Qeybtii 3-aad

0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Madasha Dhallinyarada ee VOA. Toddobaadkan waxa barnaamijka marti ku ah fannaanka Cabdi Baaddil Ibraahim, oo ka mid ahaa fannaaniinta ugu caansan Soomaaliya.
Jamaal Axmed Cismaan ayaa wareystay fannaanka oo ku nool dalka Jarmalkaa. Qeybtanna waa qeybta 3aad ee wareysiga, ahna qeybtii ugu dambeysay wareysiga oo dhinacyo badan taabanayay. Toddobaadyadii horena waxad dhageysateen qeybihii ka horeeyay wareysign.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:20:50 0:00
Direct link
Pop-out player

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:20:09 0:00
Direct link
Pop-out player

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:18:29 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Sacad Shire oo Wax laga Weydiiyey Heshiiska Berbera

0
0

Fadhigii golaha wakiillada Somaliland ee maanta waxa ay mudanayaashu su'aalo ku waydiiyeen wasiirro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo badankoodu la xidhiidheen heshiiska dekedda Berbera

Baarlamaanka D. F. Somalia Maxaa Horyaalla?

0
0

Kal-fadhigii saddexaad ee Aqalka Baarlamaanka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdishu, waxaana la aamisan yahay inay horyaallaan shuruuc badan oo u baahan ansixinta xubnaha aqalka, waxaase dad badan is weydiinayaan baarlamaankani muxuu ku bixin doonaa waqtiga uu haysto.
Warbxintan waxaa inoo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:21 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Somaliland: Lama Adeegsan Karo DOT SO

0
0

Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Somaliland ayaa maanta soo saartay amar ay kaga mamnuucayso jaamacadaha, shirkadaha, bangiyada, urururrada maxalliga ah iyo kuwa dawliga ah inay adeegsadaan cinwaanka internetka ee Sooomaaliya ama DOT SO.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay dib ula soo wareegtay cinwaanka internetka ee waddanka Soomaaliya ee DOT SO, waxayna dawladda federaalka ee Soomaaliya sheegtay in tallaabadani ay u horseedi doonto shikradaha iyo meheradaha kaleba inay ka faa'iidaystaan adeegsiga cinwaankaas.
Wasaarada isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Somaliland ayaa amarka ay soo saartay in adeegsiga cinwaankaas uu ka reebban yahay cid kasta oo cinwaan ku leh internetka waxayna sheegtay inay taasi raad ku yeelan karto "qarannimada iyo madaxbannaanida" Somaliland, sida lagu sheegay amarkaasi.
Waxaa kale oo amarkaasi lagu sheegay in websaytyada ama mareegaha internetka ee isticmaala DOT SO la farayo inay kaga guuraan muddo 30 malamood gudahood ah oo ka bilaabanta berrito una wareegaan cinwaannada kale ee aan gaarka loo lahayn, sida lagu sheegay amarkaasi.
storvideo: 

qorshe qashinka ppp dawlada hoose shirkadaha

0
0

Waxaad arkayso caruur aad u badan oo noolal si ay ka heelan una faqanaya qashinka lagu soo daadinaayo goobta qashin qubka hargeisa oo aad ugu dhex taala magaalada hargeisa caruurtas ooko
u dhaafay boqolaal caruura kuwaas oo kasoo jeeda qoysaska ag degan deeganka agagaarka naaso hablood dump sites waxaan meesha ka maqnayn cuntooyin iyo daawooyin dhacay qashinka sunta warshadaha pharmasiyada cusbitaalada eeg fadlan waxyeeladaas halista caafimaad daro where is the life our poor childrens etc
breast feeding nuujinta naaskaHooyadu waxa uu u fiican yahayKorniinka jidhka caqliga iyo difaaca caafimaadkaIlmaha yar waa in la nuujiya naaska hooyada 66 ilaa 24bilood mudada korniinka ilmaha
Ha isticmaalin cunto sharaab foodstuf caano daawoWaqtigeeda isticmaal uu dhacay ama uu ku yimidIsbadal midab dhadhan sida fooc daasada ama cagadA sidoo kale daxal daadasho taarikhda istcmaal ooMasaxan
Badeecadaha dhacay xumaaday waxa keenan halisIsticmaalkoodu halis caafimaad daro la xidhiidhDhakhso laamaha fayadhowrka dawliga policeStation ha ilaawin cadaynta badeecada muwadin
Dumsites ceespoll goobaha qashin qubka qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo dul hoganaysa maamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas
Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta oo u baahan in la darso
Xogta heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose
2005 ayey ahayd markii mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro - laguna daadiyo meel ka fog magaaladaSida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka
Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka - in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin meel aan loogu talo galinSidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda shaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho shirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamulada shirkadaha
Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista qashinkaMa jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socodGadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka -ha dalkaMa jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn shaqada qashinka ururinya ma jirto toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta
Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas
Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu dhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka
Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababa caafimaad daro iyo dhimasho xoogan
Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada - oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo
Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka
Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka - waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan shaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimo ma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha
Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka - ma jirto wacyi galin fayadhawr ee shacbiga
Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon waqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan
Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka - iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah
WQ: Dr BuuxIbraahin AadanFayo-dhawre madax bannaanbuux2010@gmail.com0634130821
storvideo: 


Sacad Shire oo Wax laga Weydiiyey Heshiiska Berbera

0
0

Fadhigii golaha wakiillada Somaliland ee maanta waxa ay mudanayaashu su'aalo ku waydiiyeen wasiirro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire, kuwaas oo badankoodu la xidhiidheen heshiiska dekedda Berbera, sababaha keenay in Itoobiya la siiyo saamiga maalgashi iyo sidoo kale saamaynta heshiiskaas.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeya.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:14 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Shabaab oo Magaalada Muqdisho ku toogtay 3 qof 

0
0


Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Labaajada Mahad Alla ee degmada Yaaqshiid duhurnimadii maanta waxa ay ku dileen ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan in agagaarka Labaajada Mahad Alla ay ku dileen Saddexdaasi qof, kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Ragga hubeysan ayaa marka hore toogtay Askariga, kadib waxa ay halkaasi ku dileen labada qof ee shacabka ahaa, Shabaabka dilka geystay ayaa qaatay Qoriga iyo Booshashkii uu watay Askariga.
"Walaalow waxaa degmada Yaaqshiid ka dhacay, dil rag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay u geysteen ilaa Saddex qof oo mid uu ahaa Askari, halka labada kalena ay ahaayeen shacab, Askariga qorigiisa iyo booshashkii uu watay ayay qaateen, waxaan u maleynaa shacabka in loo dilay in ay arkayeen markii uu dilka dhacayay". Ayuu yiri Qof goobjooge ah.
Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa goobta ka qaaday meydka Askariga la dilay iyo labada qof ee shacabka ah, waxayna Ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii dilka geystay.
8-dii bishan March Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xili habeen ah xaafadda Koodka ee Degmada Xamar Weyne gaar ahaan meel ku dhow xarunta Gobolka waxa ay ku dileen Muuse Mackow oo ka mid ahaa ganacsatada suuqa weyn ee degmadaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka hadlay dilkaasi ayaa sheegay in Hay'adaha ammaanka ay dilka Muuse u soo qabteen dhowr qof, oo baaritaano ay ku socdaan, wuxuuna tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin rag dil geystay oo baxsada.
Ragga Shabaab ka tirsan ee wata Bstooladaha ayaa magaalada Muqdisho inta badan ku dila xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka, Askarta iyo xubnaha kale ee ay doonayaan, welina Dowladda Federaalka lama aysan imaan qorshe cad oo looga hortagi karo dilalka dhaca.
Maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka qorsheysan ee ay gaysan jireen Kooxaha Bistooladaha wata, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay hawlgalada lagu sugayo ammaanka - Muqdisho.
storvideo: 

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mudane Yusuf Oo...

0
0

Waa dhacdo ugub ku ah guud ahaan Somaliland,waa horumar iyo hiigsi hirgalay oo uu hogaanka u qabtay wasiir ka Wasaradda Maaliyadda Mudane Yusuf Mohamed,oo isagu ah aqoon-yahan waayo-aragnimo badan u leh nidaamka maamulka maaliyadda ee Puplic finance Management.Wasiir yuusuf waxa uu markii u horraysay taariikhda soomaaliland noqday wasiirkii u horeeyay ee Wasaarada Maaliyadda Isla markaana Soo bandhiga hab ku cusub qaab misaaniyadedkii hore,nidaamkan cusub oo ah (puplic budget presentation)Kulanka falanqaynta Odoros Miisaaniyadeedka Sannadka 2018 kulankan ayaa ka dhacay Jamacadda Hargeisa,ayaa waxa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo Jaamacada Hargeisa Waxaana Madashaas kasoo qayb gallay Ururada Bulshada,Aqoon-yahanka dalka,Maamulka Jaamacada Hargeis iyo Ardayda Jamacada dalka wax ka barta.Ugu Horrayn Waxa agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Ee Wasaaradda Horumarinta MaaliyaddU Soo bandhigay qaabka Misaaniyad sanadeedka 2018 noqonyso. Waxanu si daah furan loogu soo bandhigay Misaniyadda 2018,oo wax ka badal balladhan lagu sameyay kana duwan Qaab Miisaaniyadedkii Hore.Sidoo Kale waxa Su`aallo la xidhiidha Misaniyadda lagu waydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maliyadda ku xigeenka Maliyadda oo iyagu si quruxbadan oo aqoon iyo diyaar-garawbadan laga dhex arkayo jawaabo waafiya ka siiyay aqoon-ahankii ka soo qayb galay Madaaash.
Maxaa Ku Cusbaa Miisaniyadda 2018
Miisaaniyadda Cusub ee dhawaan dawaha laga soo qadi doono,waxa ka muuqata diyaar-garaw badan,dedaal badnaan iyo waayo-aragnimo ku qottonta Maamulka Maaliyadda iyo inay yihiin dhallin yarro leh aqoontii maaliyadeed ee lagu habi lahaa Wasaaradda Maaliyadda.
Miisaaniyad sannadeedkan 2018 ayaa waxa ka cusbaa in Miisaaniyadda qaranka sanadkan 38% loo qoon deeyay dhinaca Horumarka iyo Wax soo saarka dalka,,halka 58% iyadana loo qoon deeyay Running cost amah awl socod siinta.Sidoo kale Waxa Miisaaniyaddan lagu soo qaaday in la hirgalinyo nidaamka Iiibinta iibinta agabka iyo adeega dawladda (Government Procurement Service Agent (GPSA) nidaamka ayaa waxa u ahaa mid ku cusub sannadka oo waxaanu wasiirku Maaliyaddu wacad ku maray inanau jiri doonin qandaraas danbe oo suuq madaw lagu bixin doonaa,waxaanu ballan qaaday inuu ku bixi doono nidaamka sharcigu baneeyay.Miisaaniyad sannadeedka ayaa Waxa xoogga la saari doona dhinacyada baahiyaha aas aasiga
Sida Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada,dhismaaha Gurmadka qaranka,Dayactirka iyo Hirgalinta Goobaha Caafimadka sida ee gud ahaan Wadanka.
Miisaaniyad sanadeedka 2018 ayaa waxa wax badan laga badalay Miisaaniyadihii ka horreeyay waxaanu Wasiirka Maaliyaddu noqday Wasiirkii u horeeyay ee Wasaaradda Maaliyadda Soo mara Ee Markii U horaysay Hirgaliyaya Nidaamka BUDGET PUPLIC DISCUSSION
Tallabooyinka Horumarineed Ee Wasiirka Wasaaraddu qaaday ayaa ah dhabihii loo jeellanaa islamrkaana waxa uu salka ku hayaa barnaamijkii xisbiga kulmiye ololaha ku gallay,waxaanad ka dhex dheehanaysan sida ay iskugu jaan go,an yihiin Miisaaniyadda Iyo Horumarkii loo ballansanaa.
Cabdi ahmed
Hargeisa SomalilandCabdiahmed9809@gmail.com
Horaa Loo Soconayaa
storvideo: 

Maxaa ka jira in Erdogan iyo Putin ay Booqasho ku...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Warar aan ka helney ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in marka uu Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu soo dhameysto Booqashada dalka Qadar in Dowladda faderaalka ay u Diyaargaroobi Doonto sidii ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Dalka Turkiga Ordogan iyo Madaxweynaha Ruushka ee Putin .
Hadii ay booqashadaan Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan isbaheyso , waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka ka dib markii uu Duqlaadkii uu ka dhamaadey Dowlada Federaalka islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo Madaxweyne Farmaajo Khudbadii uu ka jeediyey BAarlamaanka uu si weyn durey heshiiskii Barbara kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya
Dowlada Ruushka ayaa Sannadkii 1977 Xiriirka u jartey Dowladii Milatariga ka dib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtiaa ka dambeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka waxaa uu ahaa mid iska gabi Dhacleynaya waxayna Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga , Ruushka, Qadar Masar u u leeyahay Faaiido iyo Khasaaro.
Markaan ka fiirino waxa ka imaan kara hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa in Aduunka uu ku Hardamo Dhulka iyo Badaha Soomaalia maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka cabsi qabta in ay meel cidla ku soo dhacda sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga dadka Soomaaliyeed badankiis waxay qabaan mid mira dhali doonaa waa hadii uu ka badbaado Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, Hadaba la arki doonaa waxaa ka soo baxa Booqashada Ordogan iyo Putin ee Soomaaliya, inkastoo Bulshada Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen Dhibaatada Ruushka ka sameeyey SuuriyaW/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.ukTel 00252615532494
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda FS oo soo bandhigtay Qorshaha AMISOM looga...

0
0

Muqdisho (PP) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir-guddoomiye maanta kulan Dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigaysay Beesha Caalamka qorshaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo ammaanka Somalia.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, kuwo ka socday Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha Ciidamada qalabka sida ee DF ay AMISOM ugala wareegayaan amniga dalka.
Wasiirka Difaaca Somalia, Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay Dowladda Somalia la isla ogolaaday, isla markaana Beesha Caalamka ay u arkeen Qorshahaan mid ku yimid rabitaanka dowladda Somalia oo ay mudantahay in la isla qaato.
"Muddo bil ku dhaw waxaa la diyaarinayay qorshaha ay ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ay xilka ammaanka dalka kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay," ayuu yiri Wasiir Mursal.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa intaas ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah isla markaana hadda wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.
"Dhammaan xubnihii kasoo qayb-galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka gaashaandhiga Somalia.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Somalia ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amaanka oo si buuxda ciidanka qalabka sida ay mas'uuliyadda ammaan u maamulaan.PUNTLAND POST
The post Dowladda FS oo soo bandhigtay Qorshaha AMISOM looga wareejin lahaa Ammaanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live