Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Al-shabaab oo xir-xirtay Garoommo yar-yar oo ku dhaw...

0
0

Muqdisho (PP) - Ururka Al-shabaab ayaa mar kale amarro ku aaddan in la xiro ku soo rogay Garoomada yar-yar ee kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaala degmooyinka kaabiga ku haya madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.
Al-shabaab ayaa horay amarkan oo kale uga dhaqan-galisay degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile, iyagoo hadda u muuqda mid ku faafay degmooyinka ku yaalla bartamaha caasimadda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, Howl-wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa xusay in Al-shabaab ay xalay lasoo xiriirtay milkiilayaasha garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Degmooyinkaas, kuna amreen in la xiro.
"Waxaan ka mid ahaa dhallinyarada doonayay inay saakay ku ciyaaraan mid ka midah garoomadan, balse milkiilaha ayaa noo sheegay in Al-shabaab ay ku amartay inay xiraan, innaguna ma diidi karo oo waan xirnay," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ku cayaari jiray garoommadaas yar-yar ee lagu soo rogay amarka.
Garoommada lagu amray in la xiro ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka Al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada Somalia, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe.
Dhanka kale, Garoommada yar-yar ee roogga lagu fidiyay ee lagu cayaaro kubadda cagta habeen iyo maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo kordhay, waxaana uu nuuc ganacsi oo dhalinyarada ku ciyaareysa lacago looga qaado saacadiiba.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin amarka la sheegay in Al-shabaab ay ku xirtay goobaha lagu cayaaro kubadda cagta eek u yaalla Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso tallaabo kale oo dhan ka ah dowladda oo ay qaaday Al-shabaab.PUNTLAND POST
The post Al-shabaab oo xir-xirtay Garoommo yar-yar oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali...

0
0

Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta shir gudoomiyay kulan dowlada Soomaaliya ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka qorshaha ciidanka Soomaaliya ugala wareegayaan amaanka dalka Ciidamada AMISOM
Mar 11, 2018 -
Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyay kulan dowlada Soomaaliya ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka qorshaha ciidanka Soomaaliya ugala wareegayaan amaanka dalka Ciidamada AMISOM.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Xalane waxaa ka qeyb galay Dowlada Soomaaliya, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Madax mataleysay dalalka ay kasoo jeedaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.
Kulankan ayaa maanta intii uu socday waxaa lagu sharaxay qaabka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay Ciidamada AMISOM ugala wareegayaan sugida amaanka guud ee dalka.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.
Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in la xoojiyo lana qalabeeyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si sanadaha soo socda ciidamada AMISOM ugala wareegaan sugida amaanka dalka.
Ciidamo ka socdo dhoor wadan oo wata magaca AMISOM ayaa hada Soomaaliya ka howgala, waxa ayna cidamadan qaarkood ilaaliyaan xarumaha Muhiimka ah ee dowlada sida Madaxtooyada Soomaaliya, Garoonka iyo Dekadda Muqdisho
English News
storvideo: 

Daawo: Mutamarkii ama kulan diimeedkii 16aad (lix...

0
0

Daawo: Mutamarkii ama kulan diimeedkii 16aad (lix iyo Tobnaad ) Ay isugu iman jireen Somalida Degan dalalka Skandenivianka oo ka qabsoomaya magaalada Oslo Ee dalka Norway

[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Waare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay wafdi uu...

0
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullahi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar. Wafdigaan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxaa caasimadda Hirshabeelle, kuwaasoo soo dhoweeyay Wasiiro,xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Sh/dhexe. Booqashada wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka [...]
storvideo: 

Qorshaha AMISOM lagala wareegayo Amniga Dalka

0
0

11th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiye kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.
"Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay" ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.
"Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay" ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka Qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.
Post navigation
- Jacaylka Itoobiya iyo SNM Xasuuqii Kalshaale iyo Xudun -
storvideo: 

Daawo: Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Digniin Culus u...

0
0

Daawo: Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Digniin Culus u diray Hayadaha fadhigoodu yahay gobolka sanaag
[embedded content]
storvideo: 

Wasaarada Deegaanka Puntland oo hirgalisay nidaam ku...

0
0

Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa maanta daahfurtay barnaamij casriya oo lagu maareynayo Dhaqaalaha, Mashaariicda, Iibka, Fasaxa Shaqaalaha iyo Maamulka Shaqada (IFMS) wuxuuna ku shaqayn doona qaab Computer-ka oo si toos ah looga maamuli doono guud ahaan shaqada xaafiisyada Wasaarada iyo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, wuxuuna noqonayaa dhismaha qaabkaan casriga ah midkii ugu horeeyey oo Puntland laga sameeyo iyadoona furitaanka Barnaamijkan ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada deegaanka, hay'adaha wasaarada la shaqeeya, wasaaradaha iyo marti sharaf kale.
Eng. Cabdiraxmaan Shiikh Salaad Jawle oo ah Mulkiilaha shirkadda Sodan Tec Inc. oo ku guulaysatay hirgalinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin inay maanta si rasmi ah ugu wareejiyaan Wasaarada Deegaanka kadib markii mudo sanad ah ay soo wadeen dhismaha Barnaamijkaan casriga ah iyo ku tababarida shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Deegaanka kuwaas oo iminka awood u leh inay ku shaqeeyaan .
Eng. Cabdiraxmaan wuxuu sheegey in dhamaan arrimihii looga baahnaa dhismaha iyo hirgelinta barnaamijka ay dhamaystireen waxaana goobta uu kusoo bandhigay sharaxaad ku saabsan qaabka loo maamulayo barnaamijka IFMS.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo ka hadlay daahfurka barnaamijka ayaa sheegey in wasaaradiisu dadaal wayn u gashay sidii loo hirgelin lahaa arrintaan, wuxuuna intaas ku darey inay sii bilaabeen tijaabinta habkan casriga ah ee qaabka Computerizedka ah oo lagu maamulayo qaybaha kala duwan ee wasaarada.Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Madax ka socotay hay'adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee ee Puntland oo iyana ka hadlay hirgelinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in barnaamij noocan oo kale ah Puntland laga hirgelin karo, waxayna sheegeen inay ku dayan doonaan Wasaarada Deegaanka si looga boxo kalsooni la'aanta dhanka maamulka Maaliyada ee marar badan lagu dhaliilo guud ahaan wasaarada iyo xarumaha dawlada,iyadoo sanad walba Soomaaliya lagu sheegey inay kaalinta koowaad uga jirto Musuqmaasuqa dalalka adduunka, taasina ay sabab u tahay hababka aan casriga ahayn oo lagu maamulo maaliyada dalka.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane, Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed "Maareeye" oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay in wasaarada Deegaanku ay noqotay wasaaradii ugu horaysay ee Puntland ka samaysa habkan casriga ah ee "IFMS" waxaana uu sheegey inuu rajaynayo in laga guuri doono waraaqaha oo loo guuri doono Habkan oo aduunka oo dhan looga shaqeeyo.Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo bandhigida barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegey in Wasaaradiisu ay xooga saartay sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo sax ah islamarkaasna casri ah.
Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Midowga Yurub "EU" iyo Hay'adda Care Somalia oo iyagu barnaamijka maalgalintiisa ka caawiyey wasaarada iyo shirkada wadaniga ah ee Sodan Tec Inc. oo hirgelisay barnaamijkan.
Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in tani ay qayb ka qaadan doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha waxaana uu hay'adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee Puntland ugu baaqay inay sidaasoo kale sameeyaan.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo hirgalisay nidaam ku saabsan maaraynta shaqada iyo maamulka maaliyadda. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha iyo Wasiirka Arr. Dibadda

0
0

Barnaamijka Wicitaanka waxaa maanta marti ku ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaya heshiiska Berbera, qodobkaas oo aan isna ka wareysanaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire.


Daawo: Kulan Balaadhan Oo ay Wada yeesheen...

0
0

Daawo: Kulan Balaadhan Oo ay Wada yeesheen Ganacsatada Reer Somaliland iyo Shirka DP world taas oo ay kaga wada hadlayeen Dhulka Free sone ka ah
[embedded content]
storvideo: 

Golaha Baarlamaanka Maanta Xaalkoodii waa...

0
0

Golaha Baarlamaanka Maanta Xaalkoodii waa Caanadaateyba debedood
la Qabay, Tuugtii wadanka xaraashtey Hadaa maanta Kashifteen, Sacad Beenaale
Moorgan, Samsam Heerya Xun, & Muhnad& Qoyskii Siilaanyo, & Muusaba Guul.
Golaha Baarlamaanku iyagaa Xaaraanta, xaqdarada, & Dulmiga Siilaanyo & kulmiye & Xuk-
uumadiisi inay dhacaan Wadankau fasaxay, Cir, Dhul & Bad, & Buuraba.
Baarlamaanku wuxuu daawanayey, Qaybtiisana qaadanayey, Maxamuud Xaashi oo Airportka
Iskaqaatey Lacagtii lagu dhisey, Isagoo Cashuur gaara ka qaata Airportka oo Jeebkiisa ku
dhacda, Qaadhaankii Abaarta & Tii Biyihii Xumbo Weyne oo ilaaha Muhnad Jeebkiisaku maqan
cidina Weydiinin.
Baarlamaanku waxay daawanayeen, AaminaWeris & Samsam oo Wadanka iskaMaamusha
oo Siilaanyo la doortey aanu talinin, ee Labadaa Habrood Wadankii aabi,iyeen, oo ay daawa-
nayeen, oo ay ku samayn lahaayeen Xilka Qaadis Magaca Siilaanyo eeWadanka ay ku boobayaan
oo Sharci u haysteen inay Habrahaasi Wadanka ka badbaadiyaan, Kol hadii Odeygu amar Allahelay.
Baarlamaanku waxay daawanayeen, Moorgan oo InaSiilaanyo qabo oo sidii boqortooyo amarkiisu
kataliyo Wadanka oo Deked, Cir & dhulbaxaaraashay, oo Dekeii iibsadey, Berbera Ciidan Milatriya
ku soo hogaaminaya oo Saldhig milatriya. oo Dekedii DPW iskasiiyey oo ImikanaEthopia ku soo
daray, oo Wadankii Xaraashay, oo xiita Sherked Maalgashi Magaciisa& Sacad ku qortey, isagoon
Sharci, & Baarlamaan & cid kale toonawaxba iskaga tirinayn.
Baarlamaanku Beenaale Sacad, oo Arimihii Debeda ka dhigtey EGO, oo albaabada u soo xidhay
Ictiraafkii & Saaxibadii S/Land oo wiigan uu is casiley Masuul sare Arimaha debada, isagoo
Sheegay Wasiirkii Lacagtii & Aqoonsigii & Arimihii Debada wuu baabi,iyey, isagaana ku takri
fala, Nin Ganacsade oo dilaal ayuu isu Bedel Wasiir Sacad, kolkaa sidaas ayaan isu casiley.
Bal Hadaba, Baarlamaanku ImikaS/Landwey dhacan tahay, oo Dekedeedii ayaa layska siiyey
Dubai & Ethopia, oo iskamaamulanaya, Heshiiskiina laydinka qariyey, oo Qoyskii Siilaanyo
Aamina Weris, Moorgan, Samsam Heerya xun, Muhanad & BeenaalahaQarniga Sacad ay
sidey dooneen kayeeleen, oo Berberi dhacan tahay, oo S/Land dhacan tahay, ee haladabo
qabto, oo Maafiyadan Maxkamad hala saaro, Siilaanyo & qoyskiisii, Muhanad, Moorgan &
Sacad & Samsam heerya xunba.
Siilaanyo & Xukuumadiisi & Tan Muusaba xaqii wuu dilaacii, oo xaaraantii waalaydinka soo
qufi Aduun & aakhiraba, Dekedii, Biyihii Xumbo weyne, Qaadhaankii Abaarta, Macdantii &
Xoolihii Masaakiinta, waxaan Toosh idinku hayaShacabkii S/Land oo dhan, & Radio Alcadaala.
hays odhan cidi kumaaarkayso afka buuxso,
Wabilaahi Tawfiiq.
storvideo: 

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo Muqdisho ku soo...

0
0

Muqdisho(SONNA);- Mas"uuliyiintan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweeyey Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo mudoyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa waxaa hogaaminaayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane, iyadoo qeyb ay ka ahaayeen mas"uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga iyo Fanaaniin.
Markii ay soo caga-dhigatay diyaaradii wadey Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex ayuu masuuliyiintii soo dhoweysay iyo Warbaahintaba uga waramey Xaaladiisa Caafimaad.
" Aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay maanta meesha aan joogo waa magaalo madaxdii dalka Soomaaliya,halkaan raggaa isoo dhoweeyay ee sida fiican ii qaabilay ee illaa xilligan ii guntan,ee meeshaan ku dagayay iyo nolosheyda ee xanuunkeyga iyo baaritaankeyga xilka iska saaray illaahey baa Mahad leh Walaaladeybaa u Mahad naqaayaa",Ayuu yiri Abwaan Baarleex.
Farxaan Xidig oo ah xubin ka tirsan wacyi galinta Ciidamada qalabka sidda oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taariikhda Abwaan Baarleex ka sheekeeyay.
" Aad iyo aadbey u jecel yihiin Ciidamada wacyigelintiisa,hal abuurkiisa aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta Muqdisho ku soo dhoweynayo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qadka Taleefanka Abawaan kula xiriiray isagoo Hargeysa ku xanuunsan," ayuu yiri Farxaan Xidig.
Wasiirku xigeenka ahna Kusimaha wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ayaa sheegey Abwaan Baarleex Xaaladiisa Caafimaad oo dalka wax looga qaban waayey in dowladda Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii uu u heli lahaa caafimaad dibadda ah.
" Muddo ayuu ku xanuunsanaa Gobollada Waqooyi gaar ahaan magaalada Hargeysa,halkaan waxaan u keenay inaan la soconno xaaladiisa caafimaad oo dhaqaatiirta ay sheegeen in dalka gudahiisa waxba looga qaban karin,waxaana isku dayi doonaa in caafimaad dibada ah u dirno Abwaanka," ayuu yiri ku simaha Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane.
Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah hal-abuurada Soomaaliyeed ayaa bilooyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen dhaqaatiirta la tacaaleysay caafimaadkiisa in gudaha dalka waxba looga qaban Karin una baahan yahey in loo diro dalalka dibadda.
storvideo: 

Barlamaanka dowlada Federaalka oo maalinta Bari ka...

0
0

Barlamaanka dowlada Federaalka oo maalinta Bari ka doodi doono heshiiska 3 geesoodka dekadda Bar bara
Mar 11, 2018 -
Magaalada Muqdisho waxaa kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya maalinta beri ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, ka dib furitaanka Kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in berri oo Isniin ah ay isugu yimaadaan kulankii ugu horeeyey ee kalfdhiga sadexaad oo looga doodayo heshiiska dekeda Berbera.
Heshiiskan saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ayaa dhaliyay muran badan.
dowladda Federaalka ayaa dhowaan ka soo horjeesatay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid sharci daro ah, iyadoo intaa ku dartay in heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale inay geli karto oo keli ah dowladda Federaalka, ansixintiisana ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay gudoonka gaarsiiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in ajendaha kulanka ugu horeeya ee bero qabsoomaya laga dhigo heshiiska Berbera maadaama ay tahay arin deg deg ah oo u baaha in go'aan laga gaaro.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal oo muddo 2 bilood ah fasax ku jiray.
English News
storvideo: 

Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo ku burburtay buuralleyda Iiraan

0
0

11 qof oo saarnaa diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dhintay kaddib markii diyaaraddii ay saarnaayeen ay ku burburtay galbeedka dalka Iiraan, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.

Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo ku burburtay...

0
0

11 qof oo saarnaa diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dhintay kaddib markii diyaaraddii ay saarnaayeen ay ku burburtay galbeedka dalka Iiraan, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.
Diyaaraddan khaaska ahayd ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Shahr-e Kord oo ku taal gobolka galbeedka Iiraan ku yaalla ee Chahrmahal-Bakhtiyari.
Afhayeen u hadlay shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday deegaan buuralley ah kaddibna uu dab qabsaday.
Waxaa lagu soo warramayaa inay ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kuna sii jeedday magaalada Istanbul markii uu shilku dhacay.
"Waxaan xaqiijin karnaa in diyaaradda Turkish private jet, markii ay maraysay hawadeenna, laga waayay raadaarka oo ay ku burburtay meel u dhow Shahr-e Kord," waxaa sidaas yiri afhayeenka ururka duullimaadyada madaniga ah ee Iiraan, isagoo la hadlayay telefishinka dalkaas.
Reza Jafarzadeh, oo ah madaxa ururkaas ayaa sheegay in diyaaraddu ay sidday siddeed rakaab ah iyo saddex ka mid ah shaqaalaha diyaarradda.
Diyaarradda waxaa lahaa ganacsade u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hussein Basaran.
Gabdhiisa iyo toddoba ka mid ah saaxiibbadeed ayaa saarnaa waxayna ka soo laabteen xaflad ka dhacaysay Dubai markii ay burburtay, sida ay sheegtay warbaahinta Turkigu.
Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaadday shilkaasi.
Bishii la soo dhaafay, diyaarad sidday 66 qof ayaa ku dhacday buuraha Zagros ee dalka Iiraan kuwaas oo sidoo kale ku yaal galbeedka dalkaasi.
storvideo: 

Agaasimaha CIA-da: Mareykanku waa ogyahay khatarta la kulanka Kuuriyada Waqooyi

0
0

Agaasimaha CIA-da Maraykanka Mike Pompeo ayaa difaacay go'aanka madaxweyne Donald Trump ee ah in uu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu ka warhayo khatarta.


Agaasimaha CIA-da: Mareykanku waa ogyahay khatarta...

0
0

Agaasimaha CIA-da Maraykanka Mike Pompeo ayaa difaacay go'aanka madaxweyne Donald Trump ee ah in uu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu ka warhayo khatarta.
Trump "uma samaynayo arrintaan riwaayad ahaan, wuxuu halkaas u tagayaa inuu xalliyo dhibaato" madaxa sirdoonka ayaa sidaas sheegay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanku uu dhalin karo "heshiiskii ugu weynaa ee caalamka"
Balse waxaa laga digay in haddii wadahadalladu u qabsoomaan si aan wanaagsnayn ay taasi sababi karto in ay uga sii darto xiriirka labada dal sidii uu markii hore ahaa.
Trump oo Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay "wada hadal"
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Weli ma dhicin in madaxweyne Mareykan ah uu la kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Trump ayaa lagu warramayaa in uu si deg ddeg ah u aqbalay codsiga markii ay u soo gudbiyeen ergada ka socotay Kuuriyada Koofureed Khamiistii, go'aankiisa gaarka ah ee uu qaatay ayaa noqday mid la yaab leh.
Wada xaajoodyo hub ka dhigis ah oo la isku dayey ayaa fashil ku dhammaanayay tan iyo sanadkii 2003.
storvideo: 

Three people killed in Mogadishu

0
0

Suspected Al Shabaab assailants have shot and killed at least three people in Mogadishu, the Somali capital on Sunday.
A soldier was among the three killed in the shooting which took place at Mahad Alle area in Mogadishu’s Yaqshid district, the latest in series of assassinations in the seaside capital.
According to the witnesses, two of the slain people were civilians who lost their lives in the fire aimed at killing the soldier. The killers managed to escape the scene immediately.
No group has yet claimed responsibility for the killing of the three people, with reports that the gunmen seized the gun of the murdered serviceman.
The post Three people killed in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Three people killed in Mogadishu

0
0

Suspected Al Shabaab assailants have shot and killed at least three people in Mogadishu, the Somali capital on Sunday.
A soldier was among the three killed in the shooting which took place at Mahad Alle area in Mogadishu's Yaqshid district, the latest in series of assassinations in the seaside capital.
According to the witnesses, two of the slain people were civilians who lost their lives in the fire aimed at killing the soldier. The killers managed to escape the scene immediately.
No group has yet claimed responsibility for the killing of the three people, with reports that the gunmen seized the gun of the murdered serviceman.
storvideo: 

President Farmajo warns foreign countries against...

0
0

Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has warned foreign countries and companies against violating the sovereignty and unity of Somalia. In his throne speech opening the third parliamentary session, the President said Somalia was ready for engaging in trade and investment projects with the world but only in a legal manner.
"Whoever wishes to engage investment in Somalia should seek the permission from the legal institutions of the government. Somalia's foreign policy is based on neutralism and mutual respect," he told the opening session of parliament.
"I am warning companies and countries not to cross the line and put to question the sovereignty of Somalia".
While he did not mention the UAE by name during his speech, the President's comments come on the heels of heightened tensions with the UAE over a controversial port deal in Berbera. His comments seem to be a direct response to the external of interference of United Arab Emirates (UAE), Somaliland and Ethiopia - each with a large stake in the deal.
Somalia petitioned the Arab League, insisting that the UAE is interfering in Somalia's internal affairs. The Arab League responded by affirming Somalia's sovereignty.
"The control of the borders of the land, its airspace and the sea are the responsibility of the federal government of Somalia, and the Arab League warns against interfering with Somalia in any kind," the Arab League said in a statement issued on last Friday.
In a television interview last week, DP World CEO Sultan Ahmed Bin Sulayem dismissed Somalia's rejection 'mere statements' by saying Somalia has nothing to do with the affairs of Somaliland which has been independent over two decades ago.
"The decision of the Federal Government of Somalia does not concern DP World," said Sulayem. "Somaliland is an independent country for more than 28 years and makes its own decision and its parliament approved this project."
"The decision of the Federal Government of Somalia does not concern DP World, Somaliland is an independent country for more than 28 years and makes its own decision and its parliament approved the project," Sulayem.
Early this month, Dubai announced a tripartite agreement dividing the Berbera port between DP World (51%), the Ethiopian government (19%), and Somaliland (30%).
The deal has led to a rapid deterioration of relations between the Federal Government of Somalia, Somaliland and Dubai-controlled DP World as each side exchange barbs over the contentious agreement, culminating in the President's speech on Saturday.
Somalia's Prime Minister, Hassan Ali Khair said that "while Somalia welcomes foreign investment, the FGS has the ultimate responsibility of signing any such agreements."
In a response to Somalia PM's comments, The President of self-declared Somaliland, Muse Bihi Abdi said he considers the questioning of Somaliland's independence by Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire as tantamount to a declaration of war.
The Arab League statement issued last Friday welcomed ongoing talks between the Federal Government of Somalia (FGS) and Somaliland officials amid heightened tensions in the Horn of Africa, which suggests that mediation channels could possibly be already open.
Somalia also submitted a petition to the African Union seeking intervention over the port dispute. FGS officials have also hinted that all legal channels to solve this dispute will be exhausted.
The stakes have been raised considerably for DP World and Ethiopia after Djibouti cancelled the 30-year concession awarded to DP to operate the Doraleh Container Terminal. Landlocked Ethiopia - which has a population of over 100 million - relies heavily on the Doraleh Port and the Berbera port for trade.
Djibouti's then signed a deal with Singapore-based Pacific International Lines to increase the amount of cargo handled at the port.
DP World called the move an illegal seizure of the terminal and said it had begun new arbitration proceedings before the London Court of International Arbitration, which last year cleared DP World of all charges of misconduct over the concession to run the terminal.
Somaliland has said it will proceed with the concession despite objections from Mogadishu.
storvideo: 

Turkish aid agency to rebuild Somali parliament

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
MOGADISHU, Somalia - Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) on Saturday signed a deal with the Somali parliament to go ahead with the construction of a modern National Assembly building in capital Mogadishu.
Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawari, speaker of the parliament, who spoke to the media after the signing ceremony said TIKA will first build a temporary facility within the next five months where assembly sessions will be held.
In the next phase, it will rebuild the current National Assembly into a seven-storey modern structure.
"Special thanks goes to the our brothers in the Turkish government for the facilitation and funding of this project that is expected to commence as soon as possible," he said.
The parliament building has suffered damage because of civil war in the eastern African country.
Also present at the ceremony were Olgan Bekar, Turkey's ambassador to Somalia, and Galip Yilmaz, TIKA's Mogadishu program coordinator.
Bekar said building the parliament is one of the most prominent projects that TIKA will realize this year.
The new assembly building will comprise of an assembly hall for the sessions, and 329 offices for each of the members in the lower and upper houses.
Source: - Anadolu Agency
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live