Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Al-Shabaab oo isaga baxay degmada Afmadow

0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Afmadow ee Jubada Hoose, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal ay lahaayeen labo jiho uga kala ambabaxeen degmadaas.
Sida wararku sheegayaan abaarihii 3-kii habeenimo ee xalay ayay isaga baxeen Shabaab, waxaana la tilmaamay inay qabteen dhanka wadada aado Kismaayo iyo Bu’aale ee Jubada Dhexe.
Sababaha ay uga baxeen ayaa lagu sheegay kadib marki ay ka war heleen ciidamo badan oo abaabulan oo ka tirsan dowldda iyo Raaskambooni oo ku soo dhawaaday iyo duqeymo ay baryahan ciidamada Kenya ka wadeen deegaanadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadan wada socda ee dowladda iyo Raaskambooni ay u jiraan Afmadow ilaa 30-km.
Al-Shabaab ayaa hada waxaa la sheegay in ay isugu uruureen magaalada Kismayo halkaasi oo ay doonayaan in ay difaacdaan, xilli ciidamada dowlada oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Kenya ay wacad ku mareen in ay qabsadan doonaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
 


Socdaalka Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland ee Gaalkacyo Muxuu ku Saleysan Yahay?

0
0

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi
Gaalkacyo (RBC) Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi iyo xubno xildhibaano ah oo ka soo jeeda beesha Leelkase ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xubnaha xildhibaanada ee la socda gudoomiyaha barlamaanka waxaa kala yihiin Xildhibaan C/risaaq Yaasiin Cabdille Geesood iyo xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere). Waxayna xubnahan haaatan ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo.
Ilo wareedyo ku dhow masuuliyiintan ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb.com in socdaalkooda uu la xiriiro kulamo ay la qaadan rabaan waxgaradka iyo odayaasha beesha Leelkase.
Muxuu ku saleysan yahay socdaalka Gudoomiye C/rashiid?
Gudoomiyaha barlamaanka Puntland mudane C/rashiid Maxamed Xersi ayaa haatan hormuud u ah sidii uu qeyb uga qaadan lahaa socodsiinta siyaasadda madaxweyne C/raxmaan Faroole ee gobolka Mudug, taasoo u muuqatay inay sii fashilmeyso tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii Garsoor ee dhacay 1-dii iyo 2-dii September.
Madaxweyne Faroole ayaa in badan isku dayey qorshayaal uu ku doonayey inuu ku kasbado beesha Leelkase uuna kaga hortago olole ballaaran oo beesha uga rinsaneyso masiirkeeda.  Wuxuuna madaxweyne Faroole dhowr jeer u yeeray wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo kala ah C/khaliif Shiikh Xasan (Ajaayo) iyo Cabduqaadir Xaashi (Gaabane) oo ka soo jeeda beesha uuna u sheegay inay beeshooda ka soo dhaadhiciyaan siyaasada maamulka Garowe laguna qanciyo in tirada wasiirada ee beeshu ku leedahay dawlada loo kordhin doono (waa haddii ay ogolaato beesha qorshaha ku hoos jirida Puntland) arintaasi oo miro dhal noqon weyday.  Waxayna arintaasi dhalisay in madaxweyne Faroole uu u weecdo dhanka gudoomiyaha barlamaanka C/rashiid Maxamed Xersi oo ah shakhsi sumcad ku dhex leh beesha isla markaana madaxweynuhu u arkay muhim in isaga loo diro beesha si uu wax uga soo dhaadhiciyo.
Mr. Gaabane iyo Mr. Ajaayo ma ahan rag waji fiican ku dhex leh beesha ay ka soo jeedaan tan iyo intii ka danbeysay duulaankii Madaxweyne Faroole ee uu kusoo qaaday Garsoor kuma guuleysan karaan inay meelmariyaan siyaasadda Faroole ee beesha ka leeyahay, sidaasi darteed ayey soo baxday baahi ah in la helo shakhsi u qareemi kara siyaasadda madaxweyne Faroole waana taa mida keentay in gudoomiyaha loo diro Gaalkacyo.
Soo jeedinta Faroole
Maadaama xukuumadda madaxweyne Faroole iyo beesha Leelkase aysan isku wanaagsaneyn tan iyo markii uu dhacay duulaankii Garsoor, ayaa Faroole wuxuu raadiyey bal sidii looga hortegi lahaa kala daadasho dhanka beelaha ah oo ku yimaada Puntland oo sanadkii 1998-kii lagu soo dhisay hab beeleed, iyadoo ay sii badanayaan tabashada beelaha ee dhanka caddaalad darrida xukuumadda dhexdeeda ka jirta taasoo ay dheer tahay in Faroole uu weeraray qabiilada qaarkood taana ay ceeldheer ku riday rajadii dadweynuhu ka qabeen maamulka.
Warar hoose oo Raxanreeb ka heshay ilo qarsoodi ah ayaa cadeeyey in madaxweyne Faroole u yeeray labada wasiir eek u jira xukuumadiisa ee ka soo jeeda Galdogob ee kala ah Gaabane iyo Ajaayo isagoo u sheegay inay beesha Leelkase dib ugu soo celiyaan maamulka, kuna qanciyaan in afar wasiir looga dhigo tirada wasiirada ee xukuumadda ugu jirta beesha.
Dhanka kale madaxweyne Faroole ayaa isaguna dhankiisa ka bilaabay olole uu durbaanka ugu tumayo maamulkiisa sii liciifaya xilli beelaha reer Puntland ay ka sii kala cararayaan siyaasadda caddaalad darida ku dhisan ee uu ku dhaqmo maamulka. Wuxuuna madaxweyne Faroole haatan u baxay safar dibadda ah isagoo soo mari doona wadamada Kenya, Ingiriiska iyo qeybo ka mid ah Europe si uu ula kulmo qurbejoogta gaar ahaan xubnaha maamulkiisa taageera ee degan Europe.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan gudoomiyaha barlamaanka ayaan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono iyo waxa uu soo kordhin karo gaar ahaan hawsha uu madaxweynuhu uga diray dhanka beesha Garsoor. Wuxuuna dhanka kale ku soo beegmay xilli waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha Leelkase ay gudagaleen kulamo iyo wadatashiyo xiriir ah oo ku aadan sidi looga arinsan lahaa masiirka beesha iyadoo dhanka kale maamulka Puntland ay u caddaatay in talada beesha Garsoor ayan ahayn mid laga go’aamin karo gudaha balse ay qeyb weyn ku leeyihiin aqoonyahanjka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka qurbejoogta ah.
malyuun Cali
RBC Radio Nairobi
Raxanreeb.com

WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab oo faarujiyay degmada Afmadow ee J/Hoose

0
0

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay haatan u ruuqaansadeen degmadaas. Wararka qaar ayaa sheegaya in saaka waabarigii hore ay ka baxeen, kadib markii ay ka war heleen abaabulo kaga soo wajahnaa dhanka Qooqaani oo [...]

Silsiladda Deelleyda qarniga 21-aad Maansada Duban. Qalinkii Bashir M. Hersi

0
0

Silsiladda deelleeyda
Qarniga 21-aad
Maansada Duban.

Waa maanso gaaban magaceduna yahay: “Duban”, waxay ka hadlaysaa ardadii lagu qarxiyey xarunta Hargaha iyo Saamaha, xaalka guud ee dalku marayo, iyo falxumada wadaada xilliyadan, ee diinta ku qarrabiya wadanka, maansadu waxay qayb ka tahay: Silsiladda deellayda qarniga 21-aad, iyo diinka nabadda, waxaan filayaa inay dareenka kiciso, haddaba aan idiin kala boxo idinka iyo Maansada Duban, ee ka bogasho wacan.

Silsiladda deelleyda
Qarniga 21-aad
Maansada Duban.

Deelleey dabkeedii
Wali muusan daminoo
Abwaanadu dubaaqdiyo
Duurxulkeeda suugaan
Hadalkoo dahsoon iyo
Daalacan ku sheegaan.

Anna maanan daynoo
Daaheed haddaan furay
Wali waan duljoogaa
Danta guud tilmaamteed
Dulmanaha gargaarkiis
Dammanaha wax sheeggiis
Duubkeeda weeyaan.

Dulmarkaa gadaashii
Weydiin digniinbay
Maansadu diraysaa
In la doogto waan fili
Dadku uu gartaayoo
Isku duubni muujiyo
Taa waa danteennoo
Darxumada na haysana
Dawadeeda weeyaan.

Ninka diinta sheegtee
Dadkana dilaayee
Dalka olol ku shidayee
Daaraha gubaayee
Dakadaha xiraayee
Shisheeyaha dillaal u ah
Dar Allee muxuu yahay?!

Ardadii dorraatee
Dhiiggood la daadshee
Xinjirtood da’aysee
Jidka daadsanaayeen
Dabku uu ku ololayey
Ninka diin ku sheegaa
Dar Allee muxuu yahay?!

Ninka diinta sheegtee
Dumarkiyo caruurtiyo
Marastiyo ducufada
Dabac aan u muujeyn
Duqowdana dhibaayee
Safka hore dagaalkiyo
Naaraha u daabuli
Dar Allee muxuu yahay?!

Ninka Diinta sheegtee
Dadka ay abaartiyo
Gaajada iyo diiftiyo
Asqadu ay la daristee
Dunidu ay gargaar iyo
Deeqo ay u keeneen
Hor sitaagoo diiday
Dar Allee muxuu yahay?!

Dadka soo dagaagee
Doog la’aantu qixisee
Dib u dagin sugaayiyo
Hoy iyo dugaal wacan
Maamul dawladeed iyo
Magac iyo dastuur qaran
Ninka deeqohoodii
Dukaamada ku leexsaday
Dar Allee muxuu yahay?!

Ninka dawlad sheegtiyo
Dadka inuu hogaamiyo
Xaraashaya dalkiiyoo
Baddeenii dahneedee
Barwaaqadu ku duugneed
Ka iibinaya dariskoo
U hibeeyey dacal dhan
Dar Allee muxuu yahay?!

Ninka darajo doonaya
Ee beel dugaashada
Danihiisa gaarka ah
Dabajooga waligiis
Inta kale dammoonayn
Beelahana isku dira
Dagaalkana abuuraa
Dar Allee muxuu yahay?!

Ninka darajo doonaya
Ee diin gabbaadsada
Dariiqeeda weeciya
Ujeedkeeda daahira
Dugsi iyo quraankii
Been iyo dacar iyo
Xaglo daacin ku badalay
Dar Allee muxuu yahay?!

Su’aalaha darkaan yaal
Dooxo iyo dalluun iyo
Docda aad ka joogsato
Dabayaaqo ma lohoo
Madaxaa ku daalaya.

Umaddaan dayacanee
Dariiqyada ku daadsan
Dhibku uu ku daa’imay
Digtoor iyo Garaad iyo
Duub iyo Ugaas iyo
Nin da’weyni sheegtoo
Ka damqada dhibkoodaa
Dar Allee ma joogaa?

Dawladaha adduunyada
Diini kuma lammaansana
Dadku wuu ku nool yahay
Kama taagna doodiye
Dunsanteeda Soomaal
Maxaa u dabray diinoo
Dawlad loo yagleelayn?!

Durriyadda la laynayo
Ardadaan la dubayiyo
Daannada aqooneed
Ee ka dhalan dadweynow
Dar Allee ma moogtiin?!

Ummad yahay dalkeedii
Hayaankiyo dawaafkiyo
Ka dooratay wareeggaay
Saatani dan mey noqon?
Afka oo la doogiyo
Darbiyada istaaggood
Kuma dhalato dawladi
Dar Allee ma moogtiin?!

Daadahaynta maansada
Dareerinta suugaan
Macnaheedu duban yahay
Ujeedkeedu diran yahay
Waxba yey i dararine
Aan soo duubo’oo
Abwaanada u daayee
Xasan Deeq Galayr iyo
Dulmidiidka Xaayow
Doorkeeda suugaan
Dahaboo udgoonbay
Dibnahooda mariyaan.

Dhammaad.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Faroole Gabaygiisii ahaa Maxaa iga galay Puntland VEDIO Daawo

0
0

Dhawaan waxaanu soo Qoray Gabay Qoraal ah oo uu Tiriyay Abwaan Diidan Sida loo marin Habaabiyay Siyaasada Puntland waxana Gabaygaasi aad loogu Dhaleeceeyay Deeqdii Dowlada Puntland Musuq Maasuqday ee ahayd Waxbrashadii.
Hadaba Gabay uu ku Jawaabay Madaxwayne Faroole oo Qoraal ahaa ayaa loo Bedelay Muuqaal
 
 

Halkan ka Daawo:Muj.Ibraahim Dhegaweyne oo Si Kulul Uga Hadlay Qaar Ka Tirsan Ubadkii Mujaahidiintii S.N.M oo Laga Eryey Jaamacada Burco Kuna Baaqay in Agoomihii S.N.M la Daryeelo Si Muglehna Uga Sheekeeyay Taariikhdii C/Qaadir Koosaar

Faysalow “Waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay”

0
0

Sheeko soomaaliyeed ayaa waxay leedahay islaan baa wiilkeedii hadalkii ka dib dhacay markaas ayay ilaahay ka bariday inuu wiilku hadlo, laakiin ilaahay kama aysan baryin in uu wax san sheego,wiilkii kalimadii ugu horaysay ee uu yiraahdo waxay noqotay mid aan islaantii cajabin oo ay ka xumaato markaas ayay hadana ilaahay ka bariday oo tiri ilaahow shib iigu sii.
Waxaan ka naxaa hadalada u faysal cali waraabe ka yidhaa masraxyada siyaasada iyo weliba marka uu mooshinada dabada ka riixayo,waxaad moodaa in aanu waxba la hadhin ama aanu dib u noqonayn qof dan ka leh shicibka somaliland, waxaan u khajilaa marka uu ka hadlo waxyaalaha qaar aan looba diran iyo marka uu dhexdabaasho ama muquurto mawjadaha siyaasadaha dalka oo aad moodo midaan weligii indho saarin somaliland iyo si loo dhaqmo tona.
Hadaba waxaa isweydiin leh yaa faysal intii uu shalay yiri ka filanayay in maruun laga maqlo afkiisa  bal u fiirso hadaladan”walaalayaal waxaanan galabsanbaa layga jarayaa,walaalayaal lacagbaa lay adeegsanayaa,walaalayaal hargeisa ma ninbaa iga sheeagan kara,walaalayaal c/raxmaan ciro go,da ayuu 4000 oo cod iiga keenee muxuu xisbiga iiga rabaa,walaalayaal meeshani waa somaliweyn,ina rayaale waxa uu odhanjiray faysal hala hadlina ee Balkan xisbigaygii igu qabsaday eega, xisbiga(ucid) hargeisa ayaa laga leeyahee meelkale lagama laha,c/raxmaan sxb ayaanu ahayn laakiin wuxu ahaa SSC,c/raxmaan ciro xaafada hayga guuro,wallalayaal dawlad iyo shicib meelbaa layga wada maray,madaxweynuhu inaadeerkii buu iga raacay,xisbiga hadii laysoo dhiciyo waan wareejinayaa”.
Dhamaan hadaladaasi waxay ahaayeen waqtigii uu jiray khilaafka ucid,bal hadana u fiirso hadaladii laga qoray faysal cali waraabe waqtii lagu dhawaaqay urur siyaasadeedka WADANI.
”Sidii uu cabdicasiis samaale sheegay c/raxmaan ciro waxa uu u ololeeyay kulmiye doorashadii,waan ka aqbalay istiqaalada laakiin waan soo bedelanayaa gudoomiyaha baarlamanka,walaalayaal dhagax ayaynu kaga soo saaraynaa baarlamanka ciro weynu ku mudaharaadaynaa, xildhibanada is casilay waxaan leeyahay ka noqda ama soo cadeeya aan soo bedeshee kkkk,walaalayaal siilaanyo wuxu muujiyay geesinimo,wallahi waxaan la tiigsanayaa maxakamad, walaalayaal lacagbaa la iga dhacay, xeerilaaliyaha wallahi xilka haynmaysid oo kursiga fadhiyimaysid hadanad lacagta layga dhacay maxkamad taagin”.
Hadaba akhriste Ilaahbaan idinku dhaariyee ma qof miyirqabaa hadaladaa ku hadla?teeda kale waxa galabta sheeko leh gudoomiyaha baarlamanka yaa soo doortay?ma ucid mise shacab ayaa soo doortay oo cod u huray?oo maan maankaba lagu darsan in deegaan laga soo doortay? iyo in ninkani cod shacab ku soo baxay ?o lacagi ka baxday?,faysalow wallee hadaad isleedahay murran ayaa ucid looga tegay,oggow boqol muran gudoomiyaha baarlamanka loga tegimaayo..xaasha.
Faysalow waxaan ku ducaystaa markaad haddasho sida islaantaa“ ilaahayow shib iigu sii”
Balse waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaasoo baxay.
 
Taasaad weliba doonaysaa inaad hadasho,oo adigoo lahaa wadani ayaan ahay aad tidhaahdo halkani waa somaliweyn, adigoo lahaa qurba joog qabyaalada ka madhanbaan ahay aad tidhaahdo hargeisa yaa iga sheegankara,oo adoo lahaa ucid reerba leh hadana xildhibaanadii reeruhu soo doorteen aad tidhi ucid baa soo dooratay wallee hadana waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay.
Waxaan ku odhanlahaa masraxa siyaasada somaliland meeldambe kaagama banaanee meelkale ka haanee hadiikale mugdiga jafa oo muquuro keligaa.
Gebo-gebadii waxaan leeyahay shacabka reer somaliland ee sharafta leh inay ka ilaaliyaan cayda iyo aflagaadada maddaxda qaranka ee maamuuska inaga mudan.
Dhamaan waan soo salaamayaa shacbiga sharafta leh ee reer somaliland.
Waxa galabta sheeko leh nacasnimada guuleed gadhku kaaga soo baxay.
Xasan jarmal
Jarmal123@yahoo.com
———————————————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Dooni Hub siday oo caawa fiidkii lagu qabtay agagaarka Xeebta Liido (Sawirro)

0
0

Dooni Hub siday ayaa caawa fiidkii lagu qabtay agagaarka Xeebta Liido ee degmada C/casiis, iyadoo doonidaas ay wateen saddex nin oo Ajnabi ahaa. Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre oo warbaahinta kula hadlay agagaarka Xeebta Liido ayaa sheegay in Doonidan ay ku soo qabteen Ciidamada Badda howl gal ay sameeyeen, isagoo sheegay in markii [...]


Yuusuf Indha Cadde oo ku sigtay in loo xiro dhacdo shalay ka dhacday nawaaxiga Warshadii Baastada

0
0

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo maanta looga yeeray Xarunta Xalane ee Taliska Xalane, si uu ugu jawaabo su’aalo laga weydiinayay dhacdo shalay ka dhacday agagaarka Warshadii hore ee Baastada ayaa ku sigtay in loo xiro dhacdadaas, kadib markii uu muran badan ka dhashay. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamo ka amar qaata Indha Cadde [...]

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo Hadlay Caawa imaanyiisha Ciidamada Kenya ee Somalia iyo Alshaab oo ku Hanjabtay inay jabinayaan

0
0

Wasiirka Arimaha dibada dalka Kenya Mr.Moses Wetangula oo Maanta kulan warbaahinta ugu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah u xaqiijiyey in Ciidamo kamid ah Miltariga Kenya ay awood ku galeen Dhulka Soomaaliya taasoo uu sheegey in Dawladiisu ay uga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa Amaanka iyo xasiloonida dalka Kenya loogana hortagi lahaa Dhibaatooyinka Waxa uu ugu yeeray Argagixisada.
Mr.Wetangula wuxuu warbaahinta u sheegey in Ciidamadiisu aysan duulaan ku ahayn shacabka Soomaaliyeed iyo dawladooda midnaba, Waxaana uu ku celceliyey in dawladiisu ayba ahayd tii dhistay dawlada Kumeel gaarka ah ee imika jirta, Waxaana uu sheegey in ay Ogolaansho rasmi ah ka haystaan madaxda dawlada Soomaaliya oo uu sheegey inay fasaxeen ciidamada dalka Kenya.
Dhanka kale Wasiirka Arimaha dibada ee Dalka Kenya wuxuu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo halka ay kuwajahanyihiin ciidamada Dalka Kenya ee shalay gelinkii danbe si rasmi ah gudaha ugu soo galay ciida Soomaaliya, Waxaase uu sheegey inay taasi tahay arimo milari, Hadalkiisa ayaa imaanaya xili Afhayeenka xukuumada Soomaaliya uu beeniyey in ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.
Geesta kalena Alshaab ayaa si Kulul u Canbaaraysa imaanshiiyaha Ciidamada Kenya ee Wadanka Somalia Waxana afhayeenka alshaab oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay inay jabinayaan Ciidamada Kenyatiga ah, halka Afhayeenka Dawlada Somalia Mr yariisow uu Beeniyey in Ciida Somali ay yimaadeen Ciidamo ka socda Kenya.
 
 

Taliska Ciidamada Badda oo caawa soo bandhigay Doon hub siday iyo Ragg Ajaaniib la socotay (Daawo-Sawirada)

0
0

Ciidamada Badda Dowladda Soomaaliya ayaa qabtay doon siday hub taasi oo ay wateen rag Ajaaniib ah ayadoo fiidkii hore caawana isla Xeebta Liido lagu soo bandhigay doonidaasi iyo Ajaaniibta watay.
Admiral Faarax Qare Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya ayaa tilmaamay in doontan ay Ciidammada Baddu kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen gelinkii dambe ee maanta islamarkaana ay doonta iyo hubkii watay gacanta lagu dhigay.
Ilaa 3 qof oo ajanabi ah oo 2 ka mid ah ay yihiin kenya midna uu yahay Tanzania waxaa hadda gacanta ku haaya Dowladda KMG ah.
Lama sheegin tirada hubka iyo noocyada uu ka kooban yahay sidoo kale lama sheegin halka hubkaas loo siday.
Muuqaalka Doonta la qabtay.
Laakiin ragga la qabtay ayaa isku magacabay inay yihiin Kalluumeysato ka kalluumeeysaneyey xeebaha Jasiiradda Sinsibaar balse ay sahaydii ka go’day balse degmada Baraawe ee gobolka Jubada Hoose ay cunto ka soo qaateen.
Degmada ay cuntada ka soo qaateen waxaa maamula kooxda Al Shabaab waana adag tahay in kooxdaas dad ajanabi ah intay arkaan ay ku sii daayan iyadoo aan waxba ka dhaxeynin.

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
Doonida la qabtay oo muuqaalo dheer ah
 

Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo

0
0


Wasaarada Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaqday in cudurka shubanka uu ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo siiba dhanka galmudug.
Xeryaha Qaxootiga magaaladaas ayaa laga soo sheegayaa in ay cudurkani u jiifaan dad aad u tiro badan oo u badan caruur iyo dad da’ ah, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka wasaaada Caafimaadka Maamulkaasi.
Maanta ayaa waxaa la gaarsiiyay dawooyin loogaga hortagayo cudurkaasi qaar ka mid ah xeryaha ku yaala magaalada taas oo ay gaarsiiyeen maamulka iyo qaar ka mid ah Dhaqaatiita gobolka.
Cudurkan shubanka ayaa waxa uu ka dhashay ka idb markii dhowaan magaalada Gaalkacyo ay ka de’een roobab lixaadleh kuwaas oo dumiyay sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka suuliyadii ku yaalay xaafadaha qaar kuwaas oo aan horay u adkeen ka dibna ay dhaliyeen in uu faafo cudurka shubanka saameyna ku yeesho dadka ku dhaqan xerayaha qaxooti.
Sikastaba ha ahaatee xaalada dadka uu haleelay cudurkan shubanka ayaa laga deyrinayaa inkastoo aan ilaa iyo haatan la soosheegin dad u geeriyooday .

Daawo Vedio Ururka (SSHDA)”Sool Sanaag Hawd development asosiation oo dayactir ku sameeyey Dugsiga Hoose dhexe ee Hurufadhi

0
0

Ururka wadaniga ah ee (NADO)”Nomadic devolopment organization oo fadhigiisu yahay Magaalada Buuhoodle oo gacan ka helaya Ururka (SSHDA)”Sool Sanaag Hawd development asosiation” ururkaas oo fadhigiisu yahay wadanka filand ayaa dayactir Balaadhan ku sameeyey Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Hurufadhi
 
Shabakada Wararka Caalamiga ah ee Widh Widh online ayaana idiin soo Diyaarisay Vedioga Dayactirkaasi lagu sameeyey Iskuulkaasi iyo Khudbadihii Halkaasi laga soo Jeediyey Hoos ka Daawo fadlan…
Halkan ka Daawo(War Bixinta Dugsiga Hoose Dhexe ee Hurufadhi oo la dayactiray.wmv)
Cali Dhagjar
Widh Widh Online
Buuhoodle 
 

Mogadishu’s Oasis of Understanding

0
0

To the ignorant, the judgemental and the selfish, people who manifest a physical and mental disability have always been an easy target for ridicule, chastisement and rejection. Down the centuries the blind, the deaf and the dumb have stoically endured the spiteful conduct of those who vanity means they believe that they are in some way superior. Stigma and social ostracism persist, with some deluded souls attributing certain disabilities to a curse. Thankfully attitudes are slowly changing and more enlightened and truly charitable individuals have begun to work assiduously to change social attitudes and to ensure that people are valued for who they are. The Horn of Africa has more than its far share of difficulties in this regard. Life is difficult at the best of times, with access to medical treatment in many areas near non-existent. A harsh and forbidding climate, dust and increasing pollution means that ocular diseases are commonplace. Conflict and civil war continues to plague the region and has brought with it thousands of casualties, some physical the result of machine gun fire, rocket propelled grenades and land mines, but also a considerable amount of psychological damage, the result of untreated trauma. All of this has been exacerbated by the fact that a sizeable percentage of the few trained medical professionals have either been killed or fled the region, and precious clinics and hospitals have been repeated shelled, and appear to resemble warehouses of death. Access to adequate training, let alone suitable equipment and medicines compounds the problem.In war-torn Somalia the situation for thousands is desperate. Whilst the UN, the AU, powerful NGOs, the TFG and local warlords play out their perverse game people continue to suffer and die unnecessarily. The politics of aid, and make no mistake, aid is very much a tool of politics dominates those in need, who see little or nothing at all of that which is meant to alleviate their plight. All we see at present is Power Politics as opposed to what is really necessary and that is the Politics of Responsibility. Somalia’s situation is made worse by the callous indifference of the major players. Historical pragmatism tells us that this is unlikely to change anytime soon, especially as regional neighbours will continue to do all they can to thwart purposeful dialogue and progress. The status quo suits a number of players and they are determined to exploit it for all they are worth. It is regrettable that many Somalis themselves have abdicated their responsibility and have failed to take ownership of their problems. Some pessimists might urge us all to throw in the towel, but thankfully there are still people of conviction, drive and decency prepared to wage their own peaceful war to effect positive change not just to built on hope but a desire to transform lives.Whilst Mogadishu may have become synonymous with anarchy, chaos and privation, even here in one of Africa’s most benighted cities evidence can be found of real and lasting goodness. To be disabled in such a city means one is usually abandoned, hidden away or shunned by the wider society. Zakat seems in particularly short supply if you happen to be blind, lame, deaf or mentally or physically disfigured by war and its attendant foot soldiers. So it is all the more heartening to come across the Al-Bashir School for the Blind and Deaf-Blind (ABSBD), on Via Liberia in the Waberi District of Mogadishu. ABSBD whilst only founded in February 2011 (originally it was started in the Wajadir District) is already endeavouring to meet the needs of 22 students (21 blind students and one deaf-blind student). From the outset it has sort to ensure an inclusive education, one that sees boys and girls educated together in a safe and supportive environment. Running a school in a city such as Mogadishu is a challenge at the best of times, especially when the Transitional Federal Government (TFG) has little or no writ and is pre-occupied with its own international wrangling rather than seeking to meet the needs of the people it is meant to serve. Self-help and local community initiatives are essential if anything is to be achieved of lasting worth. The school came into being thanks to the vision and drive of a number of remarkable individuals:- Mr Abdulkadir Mohamed Alasow, the chairperson of Somali Union of and for the Blind (SUB), Mrs. Fatuma Ahmed Mohamed, the Deputy Chair of SUM and Mr. Yusuf Sheik, General Secretary of SUM along with the support of the Somali Women Development Centre (SWDC). Mr. Abikar Hussein Bashir, the School Principal ably assisted by Mr Ahmed Hassan Warsame and Mr Abdi-Noor Foodey has already set about the task with extraordinary zeal and sensitivity. What the school lacks in resources and facilities it more than makes up for in enthusiasm and desire to change perceptions about disability. From the outset it has been on a mission to enable those with visual disabilities. This has meant raising awareness and convincing families of the value of educating children and youths with particular needs. Understandably, some families have been anxious to let their children leave their homes, especially in a city beset with dangers. Yet gradually word has filtered out of what ABSBD is doing and numbers have increased putting an additional burden on already meagre resources. The School is well aware that has plenty more to do, not least to ensure that it has trained specialist staff, acquires new equipment and formulates policies to enhance child protect procedures. At present Somalia has no education guidelines, lacks any form of institution to codify the rights of children with special needs and is without a formal school curriculum. With regard to the latter the School’s profile provides an interesting introduction to what it has set about doing:“Somalia has no formalized curriculum due to lack of structured government. The school uses UNESCO curriculum in the areas; Mathematics, English, Geography & History, Physical education, Science etc which is given by an educational umbrella which is called SOFEN. The additional curriculum (subjects); Orientation and Mobility, Activities of daily living, Games, Sports, leisure and recreational and other activities for Braille proficiency are offered in school.”Facilities whilst cramped are optimised as effectively as possible and the unfailing good humour of the staff is a constant source of joy and encouragement to the students. ABSBD is an oasis of understanding in a world all the darker for the callous and judgemental nature of mankind. Resources and equipment are in short supply and to date the school has had to operate in isolation. Funding is a constant headache, for the school relies on the goodwill and generosity of a dedicated band of supporters. Mohamed Mahamoud and his family are typical of Somalis that feel the school warrants their support, he is a budding entrepreneur based in Dubai, yet both he and his sister send money across to keep the school going and his mother who lives in Mogadishu works diligently to raise both awareness and funds amongst her network of friends and via the Somali Women Development Centre (SWDC). Recently Mohamed returned to Mogadishu for a month to do what he can for the city he cares for and is proud to hail from. He is passionate about why he wants to help; “For me it is the children that are in greatest need. Many are extremely vulnerable; some are orphans literally bringing themselves up on the streets. If we don’t protect, champion and educate the young there really is no hope for country or for the region.” Such conviction is echoed in the work and achievements of ABSBD. If attitudes to disability are to really change it is imperative that those of us who are fortunate to enough to enjoy the privilege of sight are prepared to see the whole person and value them for who they are and what they have the potential to become – Insha’Allah.Mark T Jones. ………………………………………………………. The School and its Principal would be happy to hear from individuals or organisations that feel they would like to help ABSBD in some way or other or discover more about its work: Contact: Mr. Abikar Hussein Bashir – Principal of Al-Bashir School for the Blind and Deaf-Blind Mogadishu, Somalia. Tel: +2526-1-5512017/+252-669-222702 Account Number: Dahabshiil, 7578 Email: sub.mogadishusomalia@gmail.com or abikarserbatoi@gmail.com

Prof. Dhalxa oo wax laga xumaado ku tilmaamay tacadiyada joogtada ee Soomaalida loogu geysto K/Afrika

0
0

Xildhiban Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamay dhibka Soomaalida ku sugan dalka Koofur Afrika ku heysta, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in aysan waxba ka qaban.
Prof. Dhalxa oo ka mid ah xildhibaanada ugu fir fircoon baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhibaato tii ugu xumeyd wajahayaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koofur Afrika oo ay beegsadaan burcad ka soo jeedo dalkaasi.
“Dhibaatada waa mid aad u fool xun oo aan laga aamusi karin, kadib marki dil, dhaawac iyo dhac loo geystay, arrintaasi wali dowlada ma galin, heyadaha xuquuqul insaanka wali indhaha kuma soo jeedin” ayuu yiri Prof. Dhalxa
Waxaa uu sheegay in dilkii ugu danbeeyey habeen hore lagu beegsaday nin ganacsade ahaa oo dukaankiisa hortiisa lagu toogtay kadibna la boobay hantidi uu heystay.
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Koofur Afrika ayuu ka codsaday in arrintaasi ka xaajoodaan meelna isla dhigaan sidi loo badbaadin lahaa nafta dadka Soomaaliyeed eek u ganacsado dalka SouthnAfrica.
Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa waxaa tacadiyo kala duwan ay kala kulmaan dadka Koofur Afrikanka ah oo had iyo jeer beegsada


Xasan Turki “Duulaankan wuxuu la mid yahay duulaanadii hore ee ballaarnaa, Ragg iyo Dumar doorka Jihaadka ha qaateen”

0
0

Wadaadka lagu magacaabayo Xasan Turki oo in muddo ahba warkiisa iyo wacalkiisa la la’aa ayaa fariin maqal ah oo xalay laga sii daayay Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Al-Andulus waxaa kaga hadlay fara gelinta Ciidamada Kenya ku soo sameeyeen gudaha Soomaaliya.
Xasan Turki oo hadaladiisa laga dareemayay itaal yari xaga da’da ah ayaa ku tilmaamay soo gelitaanka Ciidamada Kenya mid duulaan ku ah dhulka muslimiinta, isagoo ku baaqay in laga hortago.
“Duulaanka ay sameysay Kenya waa la mid yahay duulaanadii hore ee ballaarnaa, waa in mujaahidiinta u diyaar garoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen”ayuu yiri Xasan Turki.
Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Ragga iyo dumarka ay qaataan doorka jihaadka, waxaana uu cadeeyay in tallaabooyinkaas ay noqdaan kuwo lagu difaacayo Diinta iyo dalka.
Xasan Turki ayaa u sheegay ciidamada Kenya inay wajihi doonaan dhibaato daran oo xanuunka xabada ah, waxaana uu ugu baaqay inay isaga baxaan dhulka muslimiinta ay soo galeen.
Al-Shabaab oo ay awoodooda sii wiiqmeyso ayaa waxay luminayaan deegaano fara badan oo horay uga talin jireen, waxaa maalmihii la soo dhaafay laga qabsanayay dhul badan.
Jubooyinka oo ahaa meelihii ay aadka ugu xooganaayeen, ayaa hada waxaa laga qabsaday deegaano badan, waxaana lagu wajahan yahay dhinaca Kismaayo.
 

Saraakiisha Dowladda oo sheegay inay maalmaha soo socda ku wajahn yihiin Kismaayo

0
0

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyay howl galada xowliga ku socda ee maalmahan ka bilowday Jubooyinka, iyagoo ka dhawaajiyay istiraatiijiyada cusub ee ay hiigsanayaan.
Jen. Yuusuf Xuseen Cismaan oo loo yaqaano Dhuumaal ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee aaga dagaalka uu yahay mid maalmaha soo socda lagu gaaro deegaanada Jubada Dhexe oo aanay wali dowladda cagta gelin.
Waxaa uu sheegay in maalmahan diyaar garowga ahaa mid ballaaran oo ilaa meelo badan isku xirnaa, isagoo xusay in ciidamada dowladda ee dhinaca Ceel-waaq ku sugan ay ka sugayaan inay u dhaqaaqaan dhinaca Busaar, fafax dhuun ilaa Baardheere.
“Aagaga waa ballaarin yihiin falaarta koowaad waa dhankaas iyo Kulbiyow, Badmadow ilaa Badhaadhe, dhankan Ceel-waaq waa ka dhaqaaqayaan, dhinaca Afmadow waa ka sii caraabeynaa”ayuu yiri Dhuumaal oo horay u ahaa Taliyihii ciidamada milateriga Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in duulaankan ay iska kaashanayaan Ciidamada ka socda Raaskambooni iyo kuwa xooga dalka ee lagu soo tababaray dhanka Kenya, kuwaasoo uu cadeeyay in deegaano badan ay hada la soo wareegeen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa ku siqaya deegaano badan oo Jubooyinka ka mid ah, iyadoo Ciidamada Kenyan oo wata diyaarado dagaal ay garab siinayaan.
 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay Ciidamadda Kenya ee soo gallay Somaliya

0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay siyaabooyin kala duwan ay u hadal-hayaan Ciidamadda Dowladda Kenya ay soo gallay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay si weyn uga soo horjeesteen.
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay taageereen in Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo gallaan dalka Soomaaliya, iyadoo qaarkoodna ay taasi si weyn uga soo horjeesteen.
Xildhibaanada oo warbaahinta siyaabooyin kala duwna ula hadlay, ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan cid walba oo ka qeyb qaadaneysa in lala dagaalamo Xarakada Al Shabaab, maxaa yeelay bay yiraahdeen Shabaab waxay cadow ku yihiin Ummada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa waxay qaarkood ay lee-yihiin way wanaagsan tahay in lala dagaalamo Xarakada Al Shabaab, hadana waxayna lee-yihiin waxaa wanaagsanaan laheyd in Baarlamaanka Soomaaliya fasax laga qaato.
Xildhibaanada ayaa waxay ku hanjabeen inay yeellan doonaan kullan deg deg ah, oo ay uga soo horjeedaan Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa waxay shalay qiratay in Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, kuwaa oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, ayna wehlinayaan diyaaradaha Helicopterska ah.

War deg deg: Ciidamadda Dowladda Kenya oo si nabad-galyo leh ku soo gaaray degmada Afmadow

0
0

Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxay maanta soo gaareen degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay degmadaasi iskaga baxeyn Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kenya oo aad u fara-badan ayaa waxay si nabad-galyo leh ay ku soo gaareen gudaha degmada Afmadow, isla-markaana wax iska caabin ah maysan kala kulmin Ciidamadda Shabaab.
Waxaa kaloo jira in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni ay soo gaareen gudaha degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna ku hubeysan yihiin qeybaha kala duwan ee hubka.
Labada ciidamo ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab, waxayna qorsheynayaan inay sii gaaraan ilaa magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadda faraha badan leh ee maanta soo gaaray degmada Afmadow, ayaa waxay xalay ka soo wada baxeyn deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, isla-markaana intii ay wadada kusoo jireyn maysan la-kulmin wax dagaalo ah.

Somali militants threaten suicide attacks in Kenya

0
0

MOGADISHU, Somalia (AP) – Somali militants threatened to bring down Nairobi skyscrapers after Kenya sent hundreds of troops into Somalia. The threat emanated from the same lawless country in which the al-Qaida masterminds behind 1998 bombings of two U.S. embassies sought refuge.
The Kenyan invasion comes at a time when al-Shabab has been weakened by famine in its strongholds, has been pushed from the capital of Mogadishu by African Union troops and finds itself increasingly challenged by clan militias.
The U.S. has also launched airstrikes against al-Shabab leaders amid concerns over terrorist training camps in the failed state of Somalia. The men who masterminded the 1998 bombings of U.S. embassies in Kenya and Tanzania found shelter in the chaos of its 20-year-old conflict.
Al-Shabab lashed out in a news conference and an eloquent English statement on Monday, saying that the “bloody battles that will ensue as a result of this incursion will most likely disrupt the social equilibrium and imperil the lives of hundreds of thousands of civilians.”
The statement urged Kenyans to tell their “saber-rattling politicians” to not let the “flames of war” spill over into Kenya, destroying the East African nation’s sense of stability.
“Your skyscrapers will be destroyed, your tourism will disappear. We shall inflict on you the same damage you inflicted on us,” Sheik Ali Mohamud Rage, a spokesman for the Islamist militia al-Shabab, said at a Mogadishu news conference.
Kenya on Sunday moved two battalions of about 800 troops each across the border in two locations, a Nairobi-based official said. Tanks, helicopters and artillery have also been deployed. The invasion is the most significant foreign deployment of the Kenyan military since independence from Britain in 1963.
The official asked for anonymity because he was not authorized to speak to the press.
Maj. Emmanuel Chirchir, a Kenyan military spokesman, would only say there were “sufficient” troops in Somalia. He would not disclose their final objective, how long they were prepared to stay or any other details. He did say that five Kenyan military personnel were killed when their helicopter crashed near the border on Sunday.
Kenya says the invasion is retaliation for the kidnappings of four Europeans — two aid workers and two tourists — from Kenyan soil. An Englishwoman was taken last month by gunmen who killed her husband, a Frenchwoman was seized two weeks later and two Spanish aid workers were taken from a refugee camp near the border on Thursday. The attacks have already hit Kenya’s tourism industry, the country’s third biggest foreign exchange earner last year.
But Europeans have been kidnapped before, and it is still unclear if al-Shabab carried out the attacks. Analysts also say it is “highly unlikely” that Kenya could organize such a complex military operation so quickly.
“The kidnaps could be a catalyst for something in the works for a long time,” said Lauren Gelfand, the Africa and Middle East editor of Jane’s Defense Weekly.
The Kenyans had already been conducting air strikes in Somalia for the past two weeks, a Nairobi-based diplomat said. He asked for anonymity because he was not authorized to speak to the media.
Al-Shabab itself dismissed the kidnappings as a motivation.
“The allegations put forward by the Kenyan authorities with regard to the recent kidnappings are, at best, unfounded and, apart from the mere conjectural corroborations, not substantiated with any verifiable evidence,” the al-Shabab statement said.
Last year al-Shabab suicide bombers killed 76 people in Kampala, Uganda as they watched the World Cup final. The group said it was retaliation for Uganda sending troops to the African Union force supporting the weak U.N.-backed government.
Rage, the al-Shabab spokesman, raised the image of the bombings Monday.
“Remember what happened in Uganda’s capital,” he said.
So far al-Shabab has put up little resistance to the Kenyan forces, melting away into the thorny scrub. A militia supported by the Kenyans took control of Qoqani, about 60 miles (100 kilometers) from the Kenyan border, late on Sunday, residents said.
Residents in the nearby town of Afmadow said al-Shabab fighters were leaving, but that families were also fleeing into the bush, preferring to sleep in the open and face wild animals than risk any fighting.
“We know there are lions in the jungle but fighting is worse,” said Abdiqadir Mohamed.
Kenya’s final objective remains unclear. It has spent the last two years pushing for a buffer zone between itself and troubled Somalia. Kenyan forces trained and equipped the so-called Jubaland militia of more than 2,000 Somalis and have frequently said they want to take Kismayo, a port city whose customs revenues are the insurgency’s biggest cash cow.
Al-Shabab’s key line of defense for Kismayo is in front of the Juba river. There are only three bridges across it strong enough to take the movement of vehicles. On Monday, bearded men wearing masks drove around Kismayo, using megaphones to urge residents to join the fight, residents said. The insurgents have a history of kidnapping children to use as child soldiers.
Families in Kismayo said they were already fleeing, fearing forced recruitment.
“Every family is running away with his children,” said resident Nuh Abdi. “Otherwise al-Shabab will conscript them for fighting.”
Source: AP

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live