Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Japan oo qorsheyneysa inay hoos u dhigto da`da lagu...

$
0
0

Dowladda Japan ayaa wadda qorshe ah in caruurta dalkaas loo aqoonsado qaangaar marka ay gaaraan da`da 18 sano jir, halka markii hore ay ka ahayd 20 sano in loo aqoonsado qaangaar.
Haddii isbeddalkaas uu dhaqan galo, dadka 18-jirka ah waxay awood u yeelan doonaan in ay guursadaan, waxay sido kale geli karaan heshiisyo waxayna qaadan karaan daymo ayagoon fasax ka helin waalidkood.
Haddii baarlamaanku u codeeyo meelmarinta xeerkan wuxuu dhaqan geli doonaa sanadka 2022.
Waa isbeddelkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo xeerka da`da qaangaarnimada tan iyo sanadkii 1876.
Sharciga hadda jira, dadka ka yar da'da 20 jirka waa guursan karaan oo keliya marka ay fasax ka helaan waalidkood, raggu 18 jir ayay ku guursan karaan dumarkuna 16 jir.
Balse isbedelladaan waxay kor u qaadayaan da`da dumarku ay ku guursan karaan, sidaas darteed dhammaan dadka 18 jirrada ah way guursan karaan iyagoon fasax ka haysan waalidkood.
Dowladdu waxay go`aansaty in da`da guurka ee ragga iyo dumarka isku mid laga dhigo, waayo ma jirin sabab macquul ah oo kala duwaanaansho keeneysa.
storvideo: 


TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda waxbarashada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cali Faarax (Ismaaciil Dhubato)oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2018, magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo ay Madaxweynaha isku fasal ahaayeen wakhtigii waxbarashada ayuu ku sifeeyey Marxuumka shaqsi karti iyo dedaal badnaa yaraantiisi iyo intii uu ku dhex jiray bahda waxbarashada oo uu ka soo bilaabay macalin-nimo kuna dhex jiray muddo 50 sanno ah, isagoo mar noqday gudoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, soona saaray jiilal ka dhaxlay aqoon iyo waayo aragnimo badan, waxaanu marxuumku ku tilmaana daacadnimo iyo aqoon uu u huray dadkiisa, iyadoo taariikhdu xusi doonto dedaaladii uu qaranka iyo dadkiisaba la barbar taagna.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame JaamacAfhayeenka Madaxweynaha JSL.
storvideo: 

Macaan jecesha ay Carabtu ogaatay

$
0
0

AUN...Madaxweynihii hore ee Somaliya Marxuum Cabdulahi Yusuf Axmed Oo sheegay cida ka danbeysay Gooni isutaaga Somaliland. Sidoo kale cadeeyay masuuliyiin uu ka mid yahay MUUSE BIIXI. Ethiopia kula heshiiyay Gooni isu-taaag.
Opslaet af Future of Somalia pa 9. marts 2018
storvideo: 

Gudoomiye Cirro Oo Diiday inuu Madaxweyne Muuse...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Hargeysa (Waaheen) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeesha gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba gudoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay .
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ilo xog ogaal ah oo soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com u sheegen in uu ganafka ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta.
Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID FaysalCali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleTACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

storvideo: 

Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo cusboonaaday Congo

$
0
0

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Jamhuurriyadda Dimuquraaddiga ah ee Congo, kaddib markii rag aad u hubaysani ay soo weerareen tuulooyin ku yaal bariga dalkaasi.

Tiro dad ah oo lagu dilay dagaallo ka soo...

$
0
0

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Jamhuurriyadda Dimuquraaddiga ah ee Congo, kaddib markii rag aad u hubaysani ay soo weerareen tuulooyin ku yaal bariga dalkaasi.
Raggaas ayaa la sheegay inay adeegsanayeen faasas, fallaarro iyo qoryaha AK47, ayagoo bilaabay inay gubaan dadka guryahooda.
Ugu yaraan hal tuulo oo ka mid ah tuuloyinka la gubay ayaa ku taal gobolka Ituri, sida laga soo xigtay raadiyaha ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso ee Okapi.
Raadiyaha ayaa sheegaya in dadka dhintay ay tiradoodu gaarayso 41 qof, sida ay ku warrameen dadka deegaanku, labo ka mid ah tuulooyinka oo keliya waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya 10 qof.
Rabshadaha ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee la xiriira isku dhacyada qowmiyadaha, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof tan iyo bishii December.
Dad gaaraya 200'000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan, khilaafka u dhexeeya qabaa`ilka lo`leyda ah ee Hema iyo beeralleyda Lendu ayaa lagu eedeeyay in ay rabshadaha sii kordhiyeen
Dhibaatada ka jirta Ituri waa mid ka mid ah khilaafaadka soo noqnoqda ee Congo ka dhaca.
storvideo: 

Somaliland admin assembly denounces Somalia’s parliament decision

$
0
0

The parliament of Somaliland administration has on Tuesday voted to approve the second time the deal between the state and the UAE’s DP World over Berbera port investment.
During the session, Somaliland MPs unanimously denounced Somali parliament’s decision to nullify port agreement with DP World, which Ethiopia holds 19% of the share.
Somaliland parliament said the move is “belligerent and illegal”, reiterates support for the tripartite deal. The house of the representatives warn the d move could destabilise region.
The is the 2nd time that the parliament approved the controversial port agreement.
On Monday, Somalia’s Lower House Chamber of the Federal Parliament Declared that Berbera port deal is “null and void” and called for the Ban on UAE’s DP World from Somalia.
The post Somaliland admin assembly denounces Somalia’s parliament decision appeared first on Shabelle.

Somaliland admin assembly denounces Somalia’s...

$
0
0

The parliament of Somaliland administration has on Tuesday voted to approve the second time the deal between the state and the UAE's DP World over Berbera port investment.
During the session, Somaliland MPs unanimously denounced Somali parliament's decision to nullify port agreement with DP World, which Ethiopia holds 19% of the share.
Somaliland parliament said the move is "belligerent and illegal", reiterates support for the tripartite deal. The house of the representatives warn the d move could destabilise region.
The is the 2nd time that the parliament approved the controversial port agreement.
On Monday, Somalia's Lower House Chamber of the Federal Parliament Declared that Berbera port deal is "null and void" and called for the Ban on UAE's DP World from Somalia.
storvideo: 


Maada Bio oo ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada Sierra Leone

$
0
0

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi balse kuma uusan guuleysan in uu noqdo madaxweynaha dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo...

$
0
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maalmo ka hor ka guurtay xarun ay kiro ahaan ugu jirtay ayaa haatan ka shaqo bilowday xarun cusub oo ay ka dhisatay dhinaca galbeed ee magaalada Garoowe.
Muddo saddex maalmood ah oo ay socotay hawsha guuritaanka hay'adda,ayaa gebi ahaanba waxaa istaagay shaqadii ay Baasaboor-bixinta,waxaana dhibaato kala kulmay dhacabka Soomaaliyeed ee adeeggan loo qaban jiray,kuwaasoo warbaahinta ka jeediyay cabashooyin ku aaddan arrintaas.
Dadka baasaboorka soo doontay qaarkood oo meelo fog ka yimid ayaa wararku sheegayan in ay magaalada Garoowe ku xayirmeen,kadib markii uu ka go'ay Kharashkii ay ku soo tala-galeen,halka qaar kalena ay dib ugu laabteen degaannadii ay ka yimaadeen,iyagoo aan wax shaqo ah loo qaban.
Haddaba shaqadii Hay'adda ayaa maalintii shalay si rasmi ah dib uga bilaabatay xarunteeda cusub ee ay haatan u guurtay,waxayna shacabka ka raalli-gelisay dhibaatada ay kala kulmeen baasboor-bixinta saddexdii maalmood ee hay'addu soo guuraysay.
Agaasimaha Laanta Puntland ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxammed Faarax Qanbi ayaan saaka wax ka weydiiyay cabashadada dadweynaha ee ka dhalatay hakadkii ku yimid shaqada?Halkaan ka daawo jawaabta Qanbi.
PUNTLAND POST
The post Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo raalli-gelin bixisay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wararkii ugu Dambeeyay Degaanno Ciidamada Xoogga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Xasan Aadan oo ka tirsan Taliyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay Dagaal Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed shalay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada hoose oo ay maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed.
Taliye Xasan Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland oo iskaashanaaya ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka saareen deegaanada Baar sanguuni,Gosha iyo miir kori halkaas oo maleeshiyada Al-shabaab ku sugnaayeen iyagoo dhibaatooyin kala duwan ku haayay Shacabka Soomaaliyeed hasayeeshee Ciidamada Xoogga Dalka u suura gashay in nabad iyo nolal diidka kala wareegaan gacan ku haynta deegaanadaasi.
Dagaalkan oo qaatay saacado badan ayna ka qeyb qaateen diyaarado Dagaal ayuu sheegay Taliye Xasan Aadan in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab gaarsiiyeen khasaare Xoogan isagoona tilmaamay in Ciidamada Xoogga aysan gaarin wax khasaare ah maadaamada Dagaalku ahaa mid qorsheysan.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhawaanahanba maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab ka saaray deegaano iyo tuulooyin badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka oo maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXubnaha Aqalka sare oo Maanta ka Doodaya Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World
Next articleCaalim ku xeel dheeraa Cilmiga Fisikiska oo geeriyooday

storvideo: 

Maada Bio oo ku guuleystay wareegga koobaad ee...

$
0
0

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi balse kuma uusan guuleysan in uu noqdo madaxweynaha dalka.
Julius Maada Bio ayaa helay 43% codadkii la dhiibtay, taa oo ka dhigan in uusan noqon madaxweynaha dalka maadaama uusan helin codkii loo baahnaa ee ahaa 55%.
Maada Bio oo ahaan jiray madixii ciidamada milatariga sanadkii 1996 ayaa wareeggan koowaad uga adkaaday Samura Kamara oo la tartamayay.
Samura Kamara oo ka tirsan xisbiga haya talada dalkaasi ayaa helay 42% arrintaa oo ka dhigan in la aado wareeg labaad oo la sheegay in uu dhici doono laba toddobaad kaddib.
Madaxweyne Ernest Bai Koroma ayaa xilka isaga degaya kaddib markii uu dalkaasi soo xukumayay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Doorashada wareegga koowaad ee dalkaasi Sierra Leone ayaa u dhacday si nabdoon.
Dalkaasi Sierra Leone ayaa soo maray colaad sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.
storvideo: 

Xiisad dagaal Oo ka taagan duleedka M/ Kismaayo

$
0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.
Xiisada ayaa la sheegay in ay ka dhalatay muran dhul ku yaalla deegaanka Siinaay ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaana Xalay deegaankaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubbaland, iyadoona khasaaro kala duwan uu ka dhasahay dagaalkaasi.
Deegaanka Siinaay ee duleedka Kismaayo ayaa lagu soo warramaya in Saakay laga dareemayo dhaq dhaqaaq xoogan oo halkaasi ay ka wadaan Ciidamadaasi.
Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi, si looga hortago xiisadaasi.
Balse xaaladda ayaa weli ah mid kacssan, iyadoona dadka deegaanku ay baqdin ka muujinayaan in dagaalo ay ka dhacaan halkaasi.
storvideo: 

Golaha Aqalka Sare Oo maanta ka doodayo arrinta DP...

$
0
0

????????????????????????????????????
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay Kalfadhigooda Sedexaad shalay ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.
Cabdi Xaashi Cabdulaahi guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa shalay soo bandhigay Warbixin uu kaga hadlayo Waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii hore iyo arimaha horyaala Kalfadhigan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed,kaasi oo guud ahaan dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.
storvideo: 

Caalim ku xeel dheeraa Cilmiga Fisikiska oo geeriyooday

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
London-Stephen Hawking oo u dhashay dalka Ingiriiska ahaana caalim iyo xeeldheere aad looga dambeeyo Culuunta fisikiska ayaa geeriyooday isagoo 76 sano jir ah, sida laga soo wariyay qoyskiisa oo ku nool magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.Caalimkaan ayaa laba sano ka hor waxay takhaatiirtu ka deriyeen caafimaadkiisa,kadib markii uu ku dhacay xanuun lafaha gala iyo qalalka.Khabiirkaan ayaa la sheeggay inuu aqoon duruqsan u lahaa cilmiga hawada wuxuuna alifay buugaag ka hadlaya Taariikhda Cilmi falagga iyo isbedelka waqtiga oo ay iibsadeen in ka badan 10 milyan oo qof. Wuxuuna ahaa caalim magac weyn ku leh dunida oo dhan oo aad loogu dambeeyo Culuunta Fisikiska.Stephen Hawking waxa u dhashay bishii January 8, 1942, Oxford, ee Boqortooyada ingiriiska, isagoo shahaada PHD ee Culuunta hawada ka qaatay Jaamacad ku taal dalkaasi.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWararkii ugu Dambeeyay Degaanno Ciidamada Xoogga dalka ay kala wareegeen Maleeshiyada Al shabaab

storvideo: 


Daawo Sawirro: Dhibbane qaba cudurka Kansarka oo...

$
0
0

Dhibane Aweys Xuseen Cilmi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa ku xunuunsanaya magaalada Muqdisho waxuuna la ildaranyahay cudurka cancerka waxeyna dhakhaatiirta ay sheegeen in aan gudaha Dalka waxba looga qaban karin uuna u baahanyahay Caafimaad dibadda ah aweys ayaa laga keenay xerada qaxootiga kaakuma ee dalka Kenya. Dhibane aweys ayaa la [...]
storvideo: 

More than 100 MPs submit motion against Lower House speaker

$
0
0

More than 100 Somali MPs have submitted a motion of no confidence against the speaker of the Lawer house chamber of the Parliament Mohamed Osman Jawari on Wednesday.
The letter of the motion signed by at least 108 lawmakers was submitted to the Deputy Speaker Abdiweli Ibrahim Muudey and pending to be debated in the coming seatings.
The legislators filed the motion accused the Speaker of the House of incompetence, violation of the constitution and hindering to the activities of the Parliamentary committees.
Jawari, who is the longest-serving speaker has not yet commented on the motion which comes days after Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo opened the 3rd session of the house.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Mooshin-225x300.jpg 225w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Mooshin-696x928.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Mooshin-315x420.jpg 315w" sizes="(max-width: 720px) 100vw, 720px" />
The post More than 100 MPs submit motion against Lower House speaker appeared first on Shabelle.

More than 100 MPs submit motion against Lower House...

$
0
0

More than 100 Somali MPs have submitted a motion of no confidence against the speaker of the Lawer house chamber of the Parliament Mohamed Osman Jawari on Wednesday.
The letter of the motion signed by at least 108 lawmakers was submitted to the Deputy Speaker Abdiweli Ibrahim Muudey and pending to be debated in the coming seatings.
The legislators filed the motion accused the Speaker of the House of incompetence, violation of the constitution and hindering to the activities of the Parliamentary committees.
Jawari, who is the longest-serving speaker has not yet commented on the motion which comes days after Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo opened the 3rd session of the house.
storvideo: 

UK oo dalkeeda ka eriday 23 dublamaasiyiin...

$
0
0

Dowladda Britain ayaa dalkeeda ka ceeyrissay 23 dublamaasi oo Raashiyaan ah, kadib markii maaddo sun ah la qaadsiiyay nin horey u ahaan jirey basaas Ruushka ah Sergei Skripal.
Dowladda Ruushka ayaa diiday in ay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta neerfaha ee Ruushka lagu sameeyay loo adeegsado weerar lagu qaaday Skripal.
Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dublamaasiyiinta ay dalka kaga baxaan muddo toddobaad gudihiis ah.
Waxa kale oo ay Britain la laabatay casuumaad horey loogu fidiyay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, iyada oo sidoo kale xubnaha qoyska boqortooyada Britain la sheegay in ay ka baaqsadeen ka qeybgalka ciyaataha adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka.
Tallaabooyinka kale ee ay Britain qaadayso waxaa ka mid ah in si gaar ah loo baaro duulimaadyada gaarka ah ee Ruushka, alaabaha ruushka ka imanaya iyo kuwa loo dirayaba.
Waxaa kale oo xanibaad lagu soo rogayaa hantida dowladda Ruushka u taala Britain haddii la arko wax caddeymo ah oo la xiriira in halis lagu galiyay nafta qof uun.
Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in ceeyrinta dublamaasiyiinta ay tahay talaabo aanan la aqbali karin.
Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in UK ay siyaasadaynayso arrinka, islamarkaasna ay hareer marayso heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan hubka kiimikada.
Wuxuu intaas ku daray in haddii Moscow ay heli lahayd codsi iyada oo la tixraacayo heshiiska caalamiga ah ee hubka kiimikada ay kasoo jawaabi lahayd, wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dalka loo dirayo uu heysto muddo 10 maalmood ah in uu kasoo jawaabo.
storvideo: 

Maxkmadda gobolka Nugaal oo mushahar la’aan u xiran

$
0
0

Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa muddo todobaad ah u xiran arrimo ku saabsan mushahar la'aan haysata in ka badan lix bilood,sida uu xaqiijiyay mas'uul ka tirsan maxkamadda oo diiday in magaciisa iyo codkiisa la xigto.
Mas'uulkan oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in ay codsi qoraal ah oo ku aaddan mushaharka ka maqan ay u gudbiyeen dowladda,laakiin aan looga soo jawaabin,taasina ay keentay in gebi ahaanba ay xiranto maxkamadda,maadaama aan la hayn kharashkii lagu socod-siin lahaa adeegyada loo qabanayo shacabka.
Dowladda Puntland iyo mas'uuliyiinta maxkamadda ayaan midna weli wax ah ka soo saarin xirnaanshaha maxkamadda,laakiin shacabka magaalada Garoowe,gaar ahaanna dadka ay hawshu kaga xirantahay ayaa codsaday in si deg deg ah loo furo maxkamadda,si loo sii wado adeegyada garsooorka ee ay bulshada u hayso.Halkaan ka daawo shacabka.
Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net
The post Maxkmadda gobolka Nugaal oo mushahar la'aan u xiran appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>