Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nin Trump u shaqaynayay oo laga qadaanqadiyay Aqalka Cad

$
0
0

Mid ka mid ah kaaliyeyaashii ugu waqtiga dheeraa ee madaxweyne Donald Trump ayaa xoog looga saaray Aqalka Cad, isaga oo xitaa loo diiday in uu alaabihiisa ka qaato meesha.


Nin Trump u shaqaynayay oo laga qadaanqadiyay Aqalka...

$
0
0

Mid ka mid ah kaaliyeyaashii ugu waqtiga dheeraa ee madaxweyne Donald Trump ayaa xoog looga saaray Aqalka Cad, isaga oo xitaa loo diiday in uu alaabihiisa ka qaato meesha.
John McEntee ayaa shaqada kaaliyenimada laga eryay sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waxaana jirtay in uu ku socday baaritaan ku saabsan arrimo wax is dabomarin ah oo lagu soo eedeeyay.
John ayaa horey u ahaa wariye ka tirsan taleefishinka Fox News ka hor inta uusan ku biirin ololaha Trump.
Balse sidaas oo ay tahay agaasimaha ololaha dib u doorashada Trump ee 2020-ka Brad Parscale ayaa sheegay in John uu markale qeyb ka noqon doono ololaha Trump.
Waxa uu ka midyahay dad liiskooda aad usii kordhayo oo si joogto ah looga eryayo Aqalka Cad.
storvideo: 

Daawo: Gudida Dhaqaalaha Ee Wasiirada Somaliland ...

$
0
0

Daawo: Gudida Dhaqaalaha Ee Wasiirada Somaliland oo Maanta soo Booqday Magaalada Berbera Kuwaas oo Booqday
[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Isbitaalka Ciidanka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go'antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab, iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.
"In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba. Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda."
Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay kaalintooda ka qaataan garab istaagga Ciidanka.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXubnaha Golaha Aqalka sare oo Maanta ka Dooday Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World

storvideo: 

Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari oo fashil ku...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Warar hoose oo laga helay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guul-dareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ay mooshinka uga keeneen guddoomiye baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Wararka ayaa sheegaya in 16-xildhibaan oo ka tiransan kuwii mooshinkaan horay u saxiixay ay ka laabteen, tasoo keentay inay kusoo haraan illaa 91-xildhibaan, halkii laga doonayay 92-xildhibaan.
Dastuurka Somalia ayaa dhigaya in sxadex meelood hal meel ay soo gudbin karaan mooshinka ka dhan ah guddoomiye Jawaari, haddiise la waayo uu mooshinkaas noqonayo mid aanay waxba ka jirin.
Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay inuu fashilmay mooshinkii laga keenay Jawaari, kaddib markii tiradii loogu talo-galay ay ku buuxsami weyday, isla markaana shuruudihii looga baahnaa ku gudbi waayay
Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia ayaa weydiistay guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, laakiin ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.
Ugu dambey, Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa u muuqda in Qalalaase siyaasadeed uu dhexda u galay, iyadoo maalin ka hor la furay kal-fadhigii 3-aad ee Baarlamaanka.PUNTLAND POST
The post Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari oo fashil ku dhamaaday kaddib markii ay ka laabteen... appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Boosaaso oo Laga Taageeray Mamnuucista DP World

$
0
0

Magaaladda Boosaaso waxaa galabta lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World

Deg deg: xildhibaanadii la sheegay inay ka laabteen...

$
0
0

Muqdisho (caasimadda Online) _ Warka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay been noqotay xildhibaanadii la sheegay inay ka laabteen mooshinkii ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.
Mid kamid ah guddiga joogta ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa diiday in warbixinta lagu sheego ayaa sheegay inaysan jirin xildhibaano ka laabtay mooshinka laga keenay Jawaaru.
Xubintaas ayaa sheegay inay hayaan liiska xildhibaano gaarayo 107 xildhibaan kuwaas oo diyaar weli ah inay gudbiyaan mooshinka isla markaasna saxiixooda la hayo.
Xaaladda ayaa u muuqato inay sii cakirmeyso waxaana weli socdaa loolan adag oo lagu doonayo in meesha looga saaro guddooniye Jawaari.
' mooshinkii laga keenay Jawaari waa ansax mana jiron xildhibaan saxiixa ka laabto wararkaasna suuqa ayaa la wareejinayaa wax aan ognahay maahan' ayuu yiri xubintaas ka tirsan guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa markii hore sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey uu geyn waayay tirada mooshinka looga baahnaa markii qaar ka mida xildhibaannada ku saxiixnaa ay beeniyeen inay saxiixeen mooshinka, qaarna ka laabteen, waxaana muuqata inay arrintaaa suuqa soo geliyeen guddiga joogtada ah oo u badan taageerayaasha Guddoomiye Jawaari
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ahna wasiirkii hore ee amniga ayaa soo qoray farriin uu ku sheegay in Guddiga joogtada ah ay laaleen mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka markii u kooramkii laga rabay buuxin waayay, isla markaana wuxuu sheegay inaan lix bilood ka yar mooshin kale laga keeni karin Guddoomiye Jawaari.
Ma cadda sida arrintan ku suurageli karto, iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey uu ku adleysanayo sharcinimada iyo jiritaanka mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Wararkii ugu dambeeyey ee hadda soo baxayo ayaa sheegayo inaan cadddeyn rasmi ah weli loo heyn xildhibaanada laga sheegay inay mooshinka ka laabteen.
Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Boosaaso oo Laga Taageeray Mamnuucista DP World

$
0
0

Magaaladda Boosaaso waxaa galabta lagu qabtay kulan lagu taageerayo go'aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World
Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayidaan oo aysan ka aamusin go'aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World.
Kulankan oo ay ka soo qayb gleen in ka badan 100 qof ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin ka dib go'aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku mamnuucay shirkadda DP World iyadoo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go'aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
storvideo: 


Qubanaha Maanta, March 15, 2018

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Yey ku dhicin ilmadu il abaarsatee Isha sacabka mari

$
0
0

15th March 2018 admin Category :
Sawirka maanta nimankii Muuse Biixi Hadaaftimo keenay oo Hargaysa ka heesaya. Nimankii Muuse Biixi keenay Hadaaftimo oo Kaaraha SNM saarnaa, maanta Hargaysa ayaa looga tegay matkii laga helay danihii laga lahaa, mid ka mid ahna xil looma magcaabin
[embedded content]
[embedded content]
storvideo: 

Daawo Video:Gudoomiye Muudeey”Mooshinka Laga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ahaana midkii qabtay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ka hadlay go'aankii ay mooshinkaas ku laaleen gudiga joogtada.
Shir Jaraa'id uu Muqdisho Caawa Warbaahinta ugu qabtay ayaa waxa uu sheegay in Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka uu isaga kaliya u yeero karo Go'aankii ay mooshinkaas ku laaleena uusan waxba ka jirin.
Waxa uu sheegay in mooshinkii uu qabtay ee laga gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu yahay mid sharci ah oo aysan jirin cid burburin karta,isla markaana mooshinkaas ay u soo gudbiyeen 107 Xildhibaan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaxkamada Gobolka Nugaal Oo Maalintii Shanaad Aan Shaqeyn...

storvideo: 

Libya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay tahriibinta dadka

$
0
0

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.

Libya oo amartay in la soo xiro koox lagu eedeeyay...

$
0
0

Dowladda Libya ayaa amartay xarigga 205 qof oo u isugu jira dad u dhashya dalkaasi iyo ajaanib looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen shabakad dadka u tahriibisa Yurub.
Eedeymaha loo haysto dadkan ayaa isugu jira tanriibinta dadka, jirdil, dil iyo kufsi.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Libya ayaa sheegay in shabakaddu ay ka tirsan yihiin xubno laamaha ammaanka ka howlgala, madaxda xeryaha lagu hayo tahriibayaasha, iyo saraakiil ka tirsan safaaradaha Afrika ee Libya.
Libya ayaa ku jirta xaalad qasan tan iyo intii uu dhacay xukunkii Muammar Gaddafi sanadkii 2011.
Awoodda dalka ayaa waxaa haya maleeshiyo kala duwan iyo labo dowladood oo mucaarad ah, taas oo suurto gelisay in howlaha sharci darrada ah ay ka dhaqan galaan dalkaas.
Dalkaasi ayaa noqoday udub dhexaadka boqollaal kun oo tahriibayaal ka soo jeeda waddamada saxaraha ka hooseeya oo isku dayaya inay gaaraan Yurub iyagoo badda sii maraya.
Baaritaannada shabakadda dadka tahriibisa ayay Libya kala kaashatay Talyaaniga.
Agaasimaha xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee baaritaannada, Seddik al-Sour, ayaa sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan waaxda socdaalka lagu helay inay ku lug leeyihiin shabakaddan.
storvideo: 

Rwanda oo mamnuucday dhawaqa dheer xilliga aadaanka

$
0
0

Dowladda Rwanda ayaa ka mamnuucday dhammaan masaajiddada inay isticmaalaan cod baahiyeyaasha dhawaqa dheer xilliga aadaanka salaadaha, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhibaato ku tahay dadka ka ag dhow.

Rwanda oo mamnuucday dhawaqa dheer xilliga aadaanka

$
0
0

Dowladda Rwanda ayaa ka mamnuucday dhammaan masaajiddada inay isticmaalaan cod baahiyeyaasha dhawaqa dheer xilliga aadaanka salaadaha, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhibaato ku tahay dadka ka ag dhow.
Sarkaal ka tirsan ururka Muslimiinta dalkaasi ayaa mamnuuciddaasi cambaareeyay isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la isku raaco yareynta dhawaqa, isla markaana cod baahiyeyaasha la isticmaalo muddo kooban.
Rwanda ayaa dhowaan xirtay boqollaal kaniisado sababo la xiriira ammaanka iyo buuqa. Baadariyaal badan ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.
Sharci cusub ayaa la soo saaray kaas oo lagu maamulayo sida ay ururro-diimeedyadu u shaqeeyaan - tallaabadan oo loo arkay xaddidaad cusub.
storvideo: 


Kulan Socdaalka ku Saabsan oo Washington ka Dhacay

$
0
0

Magaalada Washington, DC waxaa ka dhacay Shir ay kasoo qeybgaleen dadka u ololeeyo arrimaha qaxootiga iyo Soo-galootiga dalkan Mareykanka oo ay wada qaateen qaar kamid ah senatoradda iyo Kongarees-man ka laga soo doorto goboladda Somalida Mareykanka ku badan yhiin ee Minnesota iyo Ohio .

Kulan Socdaalka ku Saabsan oo Washington ka Dhacay

$
0
0

Magaalada Washington, DC waxaa ka dhacay Shir ay kasoo qeybgaleen dadka u ololeeyo arrimaha qaxootiga iyo Soo-galootiga dalkan Mareykanka oo ay wada qaateen qaar kamid ah senatoradda iyo Kongarees-man ka laga soo doorto goboladda Somalida Mareykanka ku badan yhiin ee Minnesota iyo Ohio .
Shirkan u jeedkiisa waxuu ahaa sidIi dadka u dhaq-dhaqaaqo qaxootiga ay uga dhaadhicin lahaayeen xubnaha laga soo doorto goboladaasi inay wax u qabtaan dadka la xirxiro ee aanan sharciga haysan, iyo kuwa aanan xuquuqdooda la duudsiiyo.
Xubnaha somalida ah ee shirkaasi ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa- Mahmuud Muse Xassan oo loogu yeero BBC- kaasoo nagu soo booqdey daarta VOA ee magaalada Washington, D.C. Sahra Cabdi Axmed ayuuna uga waramay, kulamadan iyo cidii ay kula hadleen.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:24 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Qurubyo bac ah oo laga heley biyaha caagadaysay

$
0
0

250 caagadood oo biyo oo laga soo iibiyay dalal kala duwan ayaa lagu baaray sheeybaarka, waxaana la ogaaday in halkii litir oo kasta ay ku jiraan illaa 10 qurub oo bac .

Maamulka Mandhera oo shacabka Soomaaliyeed ka...

$
0
0


Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in Maamulka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ay wada hadal maalinle ah la yeesheen Bulshada Soomaaliyeed, waxayna ku booriyeen iney wadaagaan macluumaadka Amniga.
Guddoomiyaha magaalada Mandhera Kutswa Olaka oo hogaaminayay wada hadalka ayaa sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah looga wada shaqeyn lahaa Amniga loona wadaagi lahaa macluumaadka, wuxuuna ka dalbaday Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi iney laamaha ammaanka u soo gudbiyeen haddii ay la kulmaan Macluumaad amniga wax u dhimaya.
Mr. Olaka ayaa sheegay in wali qatar amni ay ka dareemayaan Xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah in xoogaga ururka Al-Shabaab ay ka soo gudbaan.
Wuxuuna kalsooni ka muujiyay in haddii mar wada shaqeyn buuxda ay dhexmarto Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka Kenya ay ka guuleysan Al-Shabaab ee mararka qaar qalalaasaha ka geysata gudaha Kenya.
Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa adkeeyay ammaanka degaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya si looga hortago weeraro ka yimaada ururka Al-Shabaab.
storvideo: 

Sharciga hagidda canshuuraha dalka Soomaaliya oo...

$
0
0

Wasiirka maaliyadda Xukuumaadda Soomaaliya,C/raxmaan Ducaalle Beyl oo maanta ka hadlay shirka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay dhowaan sameynayaan sharci hagaya canshuurta dalka.
Dhinaca kale Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan oo shirkaasi warbixin ka jeediyay ayaa soo bandhigay as-aasidda Golaha Dhaqaalaha Dhaqanka, oo horumarka dalka ka qeyb qaadanaya.
Wasiirada kale oo shirkaan warbixinaha looga dhegaystay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye oo isna ka warbixiyay Qorshe dowladda Federaalka ay wax uga qabaneyso dadka ku soo laabanaya dalka oo uu sheegay in ay ilaa iyo haatan gaarayaan Saddex Milyan ruux.
PUNTLAND POST
The post Sharciga hagidda canshuuraha dalka Soomaaliya oo dhowaan la sameynayo. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live