Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha soo noq...

$
0
0

Garowe(SONNA) Shirkii wadatashiga qorshaha loogu samenayay soo kabashada u adkeysiga Abaaraha Soomaaliya ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay Magaaladda Garowe ee Xarunta Dowlada Goboleedka Puntland, waxaana muddada shirka uu socday diiradda lagu saaray qodabo badan oo ay ka mid yihiin soo nooleynta ilaha dhaqaalaha iyo wax soo saarka, iyo qodabo kale.
Munaasabadda xiritaanka shirka waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Puntland , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda qorsheynta iyo Agaasimiyaasha guud ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladd Federaalka iyo madax kale.
Agaaasimaaha guud ee Wasaradda qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa sheegay in maamulada ay soo dhawenayaan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqday.
"haddii aan nahay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhaxe waxaan bogaadinayaa horumarka dowladda gobaleedka puntland, arinta hadii aan gudo galo waxaa inoo muuuqda in la soo qaaday talaabooyin waa wayn ee wax looga qabanayo abaarahan".ayuu yari Agaasime Cabdiwaaxid
Cabdulqaadir Maxamed Aadan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka ayaa waxuu xusay in maanta ay muhiiim tahay in Soomaaliya ay qorsheyso sidii loo heli lahaa qorshaha kabasho u adkeysi abaaraha.
"maxsuulka shirkan laysku raacay waxaa ay yahiin qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin soo nooleynta ilaha dhaqaalaha wax soo saarka dadka, halkaan jooga wax ay sameyn karaan qorshaha qaranka soomaaliyeed waa muraayada qaranka heer federaalka iyo mid dowladd gobaleed,marka waxaan sameynay afarta cisho ee aan halka joognay shaqooyin badan oo wax looga qabanayo abaarahan soo noq noqday, iyadoo layska qaadanayo warbaxintii ka soo baxday qiimeyntii ku saabsaneyd isla qaadayashada abaaraha soo noqday ee DINA.130 taalabo oo waa wayn ah ayaa wax looga qabaayaa soo kabahsada abaaraha, waxaana la eegayaa mudnaanta maamul walbo uu leeyahay". ayuu yari Agaasime Maxamed Aadan
Wasiirka Qorsheynta dowladd Gobaleedka Puntland Shire Xaaji Faaray ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan qaranka soomaaliyeed uu jooga uu ka hadlayo wax keenay abaaraha soo noq noqday.
"waxaa muhiiim ah in aan ogaanno wax soo cel celiyay abaaraha aan dursano hadii si wadajir ah howshan u qabaneyno waa muhiim si uu qarankeena u gaaro horumar iyo barwaaqo".
Wasaaradda Qorsheynta iyo kuwa dowladd gobaleedyada waxaa ay wadaan dedaallo ku aadan sidii dalka loogu sameyn lahaa qorshe wax looga qabanayo abaaraha soo laab laabtay dalka.Abdirahsiid Nuur Ibraahiim
storvideo: 


Xog: Maxaa Jawaari lagu haystaa oo mooshinka looga...

$
0
0

Muqdisho-(Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa laga gudbiyey mooshin ka ah oo ay saxiixeen illaa 107 Xildhibaan.
Haddaba ilo-waredyo ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday arrimo dhowr ah oo ay sheegeen in lagu haysto Jawaari.Lacag baad ah:
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xukuumadda iyo Madaxda ugu sareyso dalka waydiistay in la siiyo lacag aad u badan oo Malaayiin Dollar ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku hanjabay inuu xukuumadda Mooshin ka keeni doono haddii aan lacagtaas la siin.
Madaxda ugu sareyso dalka ayaa Jawaari si cad ugu sheegay inaan la siin doonin lacag baad ah isla markaasna aysan arrintaas aheyn nadaam dowladeed oo ay u muuqato inay tahay xilliyadii hoggaamiye kooxdeedyada.Mooshin ka dhan ah Kheyre:
Jawaari ayaa bilaabay markii lacagta loo diiday inuu Mooshin ka diyaariyo Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas ka war helay Ra'isulwasaaraha iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Markii laga war helay mooshinka uu Jawaari wado ayaa waxaa isna laga diyaariyey mooshin aad u adag oo ay saxiixeen ilaa 107 Xildhibaan.
Jawaari ayaa markaas kadib dhexda ka galay xaalad wareer ah oo keentay inuu ku tunto qodobo dastuuri ah iyo kuwa kale oo ka tirsan xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.Jawaari iyo Xukuumaddii hore:
Guddoomiye Jawaari ayey waligii caadi u aheyd inuu baad ka qaato madaxda ugu sareyso dalka, wuxuuna lacago waali ah ka qaadan jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Jawaari ayaa Mar kasta dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ugu hanjabi jiray inuu mooshin ka keeni doono haddii aan la siin lacago Malaayiin Dollar ah oo sharci darro.
Guddoomiye Jawaari ayaa heshiis dastuurka ka dhan ah la galay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaantood ah xubno uu isaga magacaabay, wuxuuna guddiga joogtada ah ka dhigtay meel uu marsiisto Mooshinada uu rabo halka kuwa kalana uu ku hor istaago.Xaaladda Jawaari:
Guddoomiye Jawaari oo u bartay baadii uu ka qaadan jiray dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku jiro xaalad halis ah waxayna xildhibaano 100 gaarayo ka codsadeen inuu is casilo maadaama lagu helay falal liddi ku ah Dastuurka Dalka.
Waxay u badan tahay in Jawaari meesha uu ka bixiyo doono haddii aysan xaaladda sida ay tahay iska badalin.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La...

$
0
0

Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka iyo ka warqabka Xuquuqul Insaanka,gaar ahaanna Hannaanka cadaaladd-marinta dambiilayaasha iyo eeday-sanyaasha ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland.
Mashruuca oo soconaya muddo 2 sano ah(jan 2018 - Jan 2020)
ayaa waxaa maal gelisay Midowga Yurub,waxaana fulin doona Kaalo, PSU,iyadoo ay gacan ka geysan doonaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xaquuqda Aadanaha iyo sidoo kale Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).
Mudadaas 24-ta bilood ah waxaa qorshuhu yahay in si dhow loola socdo xabsiyada iyo goobaha dadka lagu xiro ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland Garowe, Galkacyo, Qardho & Bosaso. Ilaa 3,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadban uga faa'ideysan doonta mashruucan sida qorshuhu yahay.
Ujeedada Mashruucan ayaa ah; in la xoojiyo dowrka Daneeya-yaasha Aan Dawliga ahyn ee Kormeerka iyo la socodka Xuquuqul Insaanka, si gaar ah; Xuquuqda eedeysana-yaasha, dambiilayaasha iyo sidoo kale maxaabiista iyo si gaar ah hannaanka cadaalad marinta eedeysanyaasha & dambiilayaasha.
Waa markii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu si toos ah u maalgeliso mashruuc uu fulinayo urur maxalli ah inta la ogyahay Somalia. "Waxaan aaminsanahy 27 sano oo KAALO Jirtay in ay kaashan doonto dhamaan bahwadaagta kala duwan ee mashruucan isla markaana waxqabad dhab ah iyo guulo taariikhi ah lagaari doono" waxaa sidaa yiri Maxamud Sh. Xamid (Gudomiyaha PSU & Kaalo).
Dhanka kale Maxamed Yusuf oo ah guddoomiyaha difaacaha xuquuqul insanka Puntlanad oo khudbad dheer jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada mashrucan"xaaladda liidata ee xabsiyadeena iyo guud ahaan ba tabashada laga sheeganayo hannaan keena cadaaladda iyo danbiyada ayaa mudan in wax laga qabto. waxaana hortiina ka ballan qaadayaa in KAALO & PSU aan taageero mug iyo miisaan ba leh la garab taagnaan doono isla markaana mashruuc kaliya maaha'e ay naga dhab tahay sidii loo ilaalin lahaa loona difaaci lahaa xuquuqda asaasiga ah ee bulshada",ayuu yiri Maxamed yuusuf
Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame ayaa sidoo kale soo dhoweeyey mashruucan,isagoo ku tilmaamay inuu mudan yahay in la iska kaashado sidi kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyada Puntland.
Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale baaq u diray dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sidii lo ilaalin lahaa xuquuqda insaanka isla markaana aanan lo qaadan mashruuc oo kaliya balse sido kale arrin diinteena iyo dhaqan keenuba nafarayo.
Saraakiil Somali iyo ajnabi ah oo kala matalayey UN-ODC & EU CAP ayaa iyagauna madasha ka hadlay iyaga oo ka warbixiiyey shaqooyinka la xiriira ka hortagga danbiyada, amniga iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ay ka wadaan Somalia si gaar ah Puntland. Waxayna sidoo kale ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan fulinta iyo mira-dhalka mashruucan.
Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dhaqan celinta Puntland Mudane Salah Xabiib ayaa khudbadiiisa ku aadan daahfruka mashruucan ku muujiyey sida ay uga go'antahay ilaalinta xquuqda bini aadamka ee dhammaan Puntland. Wasiirka oo si wata hadalkiisa waxa uu yiri:"Xaqiiqdii ma jirto waqti kaga haboon xilligan oo loo qareemi lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyadiina iyo si guud in loogu doodo sidii oo dhowri lahaa xuquuqda asaasiga ah ee danbiilayaasha iyo eedeysanayaashaba".
Gabagabadii; mashruucan ayaa noqonayaa mid ka taageeraya bulshada rayid ka ah sidi ay si dhow ula socon lahaayeen ilaalinta xuquuqul insaanka. Waxaana la isla qaatay sidii xabsiyada looga dhigi lahaa goobo dadka wax lagu baro oo tayadoodu sarayaso.
Wasiirka cadaaladda ayaana gabagabadii si rasmiya u daahfuray mashruuca.Halkaan ka eeg sawirrada daah-furka
,
The post Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka Xuquuqa Insaanka oo Garoowe lagu daah-furay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Yuu noqon karaa ra’isalwasaaraha xiga ee Itoobiya?

$
0
0

Isbahaysiga talada haya ee itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra;isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas’uuliyad adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.

Yuu noqon karaa ra’isalwasaaraha xiga ee Itoobiya?

$
0
0

Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga. Qofkaas oo noqon doona ra'isalwasaraha xiga ee wadanka. Qofka la doorta ayaa mas'uul adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wadata.
Rai'salwasaarihii hore ee itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyhii xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii
Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ku saleeysan qaar ka mid ah qowmiyadaha dega itoobiya.
Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigaan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofkii uu noqon lahaa ra'isalwasaaraha xiga ee dalka itoobiya.
Isabahaysigan ayaa talada wadanka hahay tan 1991 kadib markii ay burburtay dowaladdi shuuciga ahayd.
Waa kuwaan toddobada nin oo u sharaxan jagada ra'isal wasaaraha ee itoobiya.
1. Lemma Magersa
Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.
47 jirkaan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka oromiya.
Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah. waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahal la yeesho ururada mucaaradaka ah.
Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku farsiito kurigaasi oo mahan xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.
2. Abiy Ahmed
Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo saadaalinayo in uu bedelo ra'isalwasaarhii hore.
Waa siyaasi caaqil ah sidoo kalana aqoontiisu sarreyso.
Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira muslimiin iyo masiixiyiin.
42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.
Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Colonel.
3. Debretsion G Michael
Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.
Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka aasaasay raadiye lagu magacaabo "Dimtsi Weyane".
markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka Hay'adda Sirdoonka ee Qaranka.
Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF iyo wasiirka warfaafinta.
Itoobiya oo siidaynaysa 2,000 oo maxaabiis ah
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay
Boqolaal qof oo lagu xiray dalka Itoobiya
4. Demeke Mekonen
Waa ra'isalwasaare ku xigeenka ee wadanka.
Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray kadib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.
Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.
Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.
Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.
5. Workneh Gebeyehu
Waa xubin ka tirsan xisbiga OPDO iyo wasiirka arrimaha Dibedda ee Itoobiya.
Waxa uu dhashay lixdameeydii waxa uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska ee Federaalka.
Dhamaadkii sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay wasiirka gaadidka jagadaas oo uu hayay muddo afar sanadood ah.
6. Siraj Fegessa
Waa wasiirka difaaca ee itoobiya .
Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinada marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.
Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra'isalwasaarahii hore waxaana loo magaacabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga
7. Shiferaw Shigute
Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.
Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra'isalwasaarihii xilka iska casilay.
Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka ee Itoobiya. Waxa uu ahaa macalin ku biiray siyaasadda.
Dadka qaar ayaa sheegaya doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay gogol xaar u tahyay suurtagalnimada ah in uu noqdo ra'isulwasaaraha xiga ee itoobiya.
storvideo: 

Ergo ka socota labada Kuuriya iyo Mareeykanaka oo ku kulmaya finland

$
0
0

Wakiillo ka kala socda waddamada kuuriyada woqooyi, mareykanka iyo kuuriyada koonfureed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan dalka Findland.

Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka.
Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan.
1) Beesha Shanaand 22 Xildhibaan.
2) Hawiye 32 Xildhibaan.
3) Digil iyo Mirifle 47 Xildhibaan.
4) Daarood 29 Xildhibaan.
5) Dir 43 Xildhibaan.
Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka.
Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la'aan.
Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Ergo ka socota labada Kuuriya iyo Mareeykanaka oo ku...

$
0
0

Wakiillo ka kala socda waddamada kuuriyada woqooyi, Mareykanka iyo kuuriyada koonfureed ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulan ku yeeshaan dalka Findland.
Waxaa la rumeysan yahay in ergadani ay ka wada hadli doonaan kulan la qorsheynayo in uu dhex mari doono madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.
Warka ku saabsan kulanka labadani hoggaamiye ayaa soo shaac baxay kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan kuuriyada woqooyi lagu arkay magaalada Beijing, isaga oo diyaarad u sii raacaya Helsinki, halkaasi oo la filayo in uu kula kulmo diblomaasiyiin Mareykan ah iyo khubaro dhanka amniga ah oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed.
Wasiirka arrimaha dibadaa Findland ayaa wadahadalladaasi ku tilmaamay in ay qeyb ka yihiin xiriir aan rasmi ahayn oo u dhaxeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa toddobaadkii hore aqbalay casuumaad ku saabsan in uu kulan fool ka fool ah la yeesho Kim, arrintaas ayaana layaab noqotay maadaama oo labada masuul ay aflagaado iyo hanjabaad is waydaarsanayeen muddo bilo ah.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii casuumaadaas la soo mariyay masuuliyiinta Kuuriyada Koonfureed ee fadhigoodu yahay Washington.
storvideo: 


ONLF: Qalbi-dhagax ha la sii Daayo

$
0
0

Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo horey dawladda Soomaaliya ugu gacangelisay Itoobiya. ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qal-bi-dhagax lagu xiray shuruudo ay ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed. Maxamed Cabdi Sandheere ayaa arrintaas ka waraystay Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:57 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo Filim yar oo ka turjumayo loolanka Kheyre iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda mareyso meel aad xasaasi u ah, waxaana loolan adag ka dhaxeeyaa Guddoomiye Jawaari iyo Ra'isulwasaare Kheyre.
Marka ay sheekada halkaas mareyso waxaan soo qaadaneynaa qeyb yar oo kamid ah filimka Nayak oo u muuqdo inuu yahay mid ka turjumayo siyaasadda hadda ka jirto Soomaaliya, gaar ahaan loolanka u dhaxeeyo Ra'isulwasaare Kheyre oo Siyaasadda hal sano ku jiro iyo Jawaari oo muddo badan kusoo jiray.
Marka laga cabir qaato qeybtaan yar ee ka tirsan Filimkaas, waxaa muuqato in Qiyaano weyn lagu sameeyey Jawaari oo isaga muddo badan kusoo jiray siyaasadda.
Haddi ay wax kasta u socdaan sida Filimkaan oo kale, waxaa muuqato inuu Kheyre yahay nin siyaasadda ku cusub balse qiyaano weyn ku maray Jawaari.
Haddaba Halkaan hoose ka daawo Muuqaalkaas kadibna saadaali sida ay sheekada u socoto.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dowladda Suuriya oo sheegtay in 80% ay la wareegtay bariga Quuda

$
0
0

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa duulaankooda ka dhanka ah goobaha ay ka taliyaan fallagada ee bariga Quuda waxa ay cadaadis xooggan ku sii saarayaan deegaanadaasi.

Dowladda Suuriya oo sheegtay in 80% ay la wareegtay...

$
0
0

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa duulaankooda ka dhanka ah goobaha ay ka taliyaan fallagada ee bariga Quuda waxa ay cadaadis xooggan ku sii saarayaan deegaanadaasi.
Telefishinka qaranka ee Suuriya ayaa sheegaya in milatariga dalkaasi uu fallaagada ugu baaqayo in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Harasta oo la rumeysan yahay in ay tahay degmada ugu yare e ay mucaaradku maamulaan agagaarka Damascus.
Dowladda Suuriya ayaa sheegaysa in xoogaggeeda ay hadda maamulaan boqolkiiba siddeetan deegaanada bariga Quuda.
In kabadan 20 kun oo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka qaxeen maanta oo Axad ah.
Kooxaha xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in in kabadan kun qof oo rayid ah lagu dilay gulufka ay dowladda ku qaaday deegaanadaasi ku yaala bariga Quuda.
Dowladda Suuriya ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal ballaaran oo ay dib ugu qabsaneyso Bariga Ghouta, oo u dhow caasimadda Dimishiq.
Qaramada Midoobay ayaa weerarradaasi ku tilmaantay "kuwo aan la aqbali karin", iyadoo sheegtay inay waxyeello ba`an ka soo gaarto rayidka.
Milatariga dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay beegsadaan shacabka, balse waxay ku andacoonayaan inay isku dayayaan xoreynta gobolka - oo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee ay mucaaradku ku xooggan yihiin.
storvideo: 

Madaxweyne duuliye gaashaanle oo Emaaraadka ku...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hadhimo sharafeed is xogwareysi ah qasriga Emirates palace oo uu degan yahay ugu sameeyay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland oo shalay ka dhoofay madaarka cigaal International Airport, isla markaana gaadhay imaaraadka carabta gaar ahaan Abu-dhabi, iyagoo ka koobnaa wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da, gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, taliyeyaasha Ciidan Jamhuuriyadda Somaliland, ujeedada safarkooduna la xidhiidhay hirgelinta iyo ka midho dhalinta mashaariicda Imaaraadka Carabtu Somaliland Ka Taageerayaan.
Marti-qaadkan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi qasriga uu ka degan yahay magaalo madaxda isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu dhabi marti-qaad ugu sameeyay xubno ka socda xukuumadiisa oo safar shaqo kaga daba yimi waftiga uu hogaaminayay ee maalmihii u danbeeyey socdaalka shaqo ku joogey Imaaraadka carabta, waxaana kulankan ay wada qaateen madaxweynaha Somaliland iyo weftiga xukuumada Somaliland ka socday eek a daba-tegay ay ka wada hadleen is fahanka iskaashi ee dhexmaray madaxda wadamada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo mashaariicda ay ka wada shaqayn doonaan, taasi oo sababtay in loo yeedho iyaga.
Waxaanu madaxweynaha Somaliland masuuliyiinta uga xog-waramay guulaha safarkiisan ku lamaanaa iyo waxyaabaha ay isla meel dhigeen masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isagoo madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in safarkan ay xubnahani ku yimaaden Imaaraadka carabtu ay bilow u tahay qorshayaasha ay isku afgarteen hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta, isagoo tafaasiil ka bixiyay in Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay ku wada talaabsan doonaan guulo horumarineed oo ay gaadhaan labada bulsho ee ku kala dhaqan dalalka Somaliland Imaaraadka.
Xubnaha Waftiga safarka shaqo kaga daba tegay Imaaraadka Carabta madaxweynuhu waxay ka kooban yihiin.

  1. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi
  2. Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sareeyo gaas, Nuux Ismaaciil Taani
  3. Taliyaha ciidanka booliska sareeyo gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
  4. Taliyaha Ciidanka badda sareeye guuto Cabdi Xirsi Ducaale iyo
  5. Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Ibraahin Cabdi (Dhoobaale)

Dhankiisa Safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka carabta Baashe Cawil Cumar ayaa sfaraxey in waftigan soo gaadhey isu-tagga Imaaraadka carabta ee ka daba yimi waftigii hore ee madaxweynaha Somaliland hoggaaminayay ay ka shaqeyn doonan arrimaha farsamada ee mashaariicda ay isdhaafsanayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraadka carabta socdaalkoodanina uu salka ku hayo qodobadii madaxdweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kala hadley masuuliyiinta imaraadka carabta.
Share this:
Related
storvideo: 

Aqriso tirada xildhibaanada mooshinka xilka...

$
0
0

Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka.
Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan.
1) Beesha Shanaand 22 Xildhibaan.
2) Hawiye 32 Xildhibaan.
3) Digil iyo Mirifle 47 Xildhibaan.
4) Daarood 29 Xildhibaan.
5) Dir 43 Xildhibaan.
Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka.
Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la'aan.
Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara.
Share this:
Related
storvideo: 

Colka Wadhaf Ma Lagu Dayay ? W/Q : Ibrahim Xabbo

$
0
0

Colka Wadhaf ma lagu dayey?
Somaliland waxay dayacday wakhti badan oo ay waxay rabto uga suura gali lahaayeen Dadka Koonfurta ee Haad iyo Haaruunba ka dhergay ee maalinba wixii la rabo loo sheegayo ee aan cidi ka xigin.
Waxaan odhan lahaa "waa in aan dib loo dayacin oo aan gacanta lagala bixin.
Ogaalkay waa meel wax waliba idiinka suura gali karaan, xitaa haday noqoto in idinka ay idiin codeeyaan Gollaheeda Wakiilladu.
Majeerteen waa uu baabiiyey Hawiye iyo Somaali oo dhanba hore iyo Wakhtigan hada ee la joogaba ilaa maantana inta ogi waa yar tahay.
Inta uu ka soo adkaadey ayuu hadana rabaa in uu Majaro habaabiyo oo uu iska jeediyo kuna jeediyo Ethiopia iyo Somaliland una dhigo filimada caruurta (Cartoon Movies)
Inta arkaysa ama la socota ee Xamar ama Koonfur joogtaana waa in yar oo laga batay oo aan maanta awood ku lahayn halka ay joogaan.
Dhibaatada Somalia ama Xaallada koonfurta ee loo maaro waayey waxa ay bilaabantay markii Rajiimkii Siyaad Barre ay ka xoreeyeen Jabhadihii SNM iyo USC iyo ee ay kalla hogaaminayeen xiligaas Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) & Maxamed Faarax (Caydiid) labadaba ilaahay haw naxariistee.
Waxaa isna qayb libaax ka ahaa Dagaalka Xoraynta Rajiimkii Siyaad Barre ee xaga koonfurta Cor Axmed Cumar (Jees)
Waxaa ogaydeen iyada oo uu UHUN Gen Caydiid iyo Axmed Cumar (Jees) ay weli ku gudo jiraan Dagaalkii ka dhanka ahaa Siyaad Barre in ay Manafeesto oo ay hogaaminayaan Majeerteen ay Madaxweyne u Magaacaabeen Mr Cali Mahdi ama Cali (Naafto).
Arintaas oo looga jeeday in la isku jabiyo Hawiye, sidoo kalena loo majaro habaabiyo Halgankii loo soo gallay Dalka.
Waxa kale oo la rabay in la dambabeso oo la qariyo wixii dhacay ama la geystay xiligii Rajiimka .
Waxaa iyana la rabay in la kalla furo Jabhadihii Dalka Xoreeyey ee Koonfurta iyo Waqooyiga.
Markii ay dhacday in Cali Mahdi ama Cali (Naafto) ay u magacaabeen Madaxweyne ayey Somaliland si deg deg ah u gashay shirkii gooni isu taaga ee lagu doortay Dawladii ugu horeysay ee Somaliland.
Waxaa Xamar ka dhacay sidii la rabay Dagaal lagu hoobtay oo naf iyo maalba lagu waayey oo dhex maray Hawiye gudihiisa.
Waxaa Xamar iyo Koonfurta ka dhacay Gaajo iyo Xanuuno ay ku naf waayeen Kumayaal iyo Kumayaal ka badan inta Xabadu dishay.
Waxaa Xamar iyo Koonfurta yimi in ku dhaw 30 Dal Ciidamadooda oo uu Maraykanku hogaaminayo.
Waxaa koonfur ka dhacday odey ka sheekee iyo lama arag.
Waxaa Xamar ka dhacay dhibaato uu Majeerteen ka soo shaqeeyey oo uu ku qaribayo Xornimada dhiigu ku daatay ee lagaga saarray Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa ka caqli batay Koonfur oo dhan tiro yar oo uu hormuud ka ahaa Maxamed Abshir (Haamaan).
Laga soo bilaabo ilaa maalintaa ilaa maanta cida dhibka ka wada koonfur ee ka caqli badatay Beeshii Hawiye ee xoraysay Koonfurta Somalia waa beesha Majeerteen..
Cida keentay Dawladaha Shisheeye bilow ilaa dhamaad waa ayaga.
Cida iibsatay Dalkii bad iyo Beriba waa isla Beeshaas.
Cida dhul aanay degin ka samaysay Maamul Goballeedyo ee u adeegsatay Dawlada Kiiniya waa isla ayaga.
Labadii goor ee ay Majaraha u qabteen Cabdilaahi Yuusuf iyo Ina Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa hadana wax badan ay khariibeen una fududaadeen.
Cida Xamar oo ay degan tahay in ka badan 2.5 Million's u diiday inay Maamul samaystaan, puntland oo ay Xamar oo kali ahi ka tiro badan tahayna ku dartay Dastuurka odhanaya 2 gobol iyo in ka badani waa Maamul Gobbelleed ee isku qiyaastay Dastuurkii waa Majeerteen.
Cida Dastuuur ku sheega isku fuudhisa ama isku qiyaastaa waa iyaga.
Cida Cadaw kasta Dalka u loogtaa Somalia waa iyaga hadana Cida u qaada heesta beenta ah ee lagu muraaqoodo ee tidhaa " Somaaliyeey Toosoo" ee iska oohisaa waa isla ayaga.
Cida maanta ka dhigtay Riciyad dadkii ayaga ka deegaanka iyo dadkaba badnaa waa iyaga.
Kuwa maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Gurigiisa ku weerraray kibirka iyo sharci darida ee ku dilay Dadka ee hadana Hawiye uga dhigay in uu yahay Inankoodu Daba dhilif waa iyaga.
Waxay gaadheen maanta inay Xamar gudaheeda kuwii lahaa waxay doonaan ku sameeyaan.
Markaas ayaa Hawiyena ka rumaystay in uu inankoodu yahay cadawga Somalia oo uu Ruufiyahan u yahay Dawlada UAE gurigiisana ay taallo 18,000,000 $ oo lagu baabiinayo Somalia.
Waxa aad ogtihiin in Majeerteen gacanta ku dhigeen oo ay la Shuraakoobeen Marreexaan iyo Ogaadeen oo in badan ay ku kalla fogaayeen Siyaasada taas oo ay ka shaqeeyeen Ina Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Farmaajo.
Taas oo ay ku guullaysteen oo maanta Tallada uu ku shaqaynayo Farmaajo ay tahay mid ay wadaagaan Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe.
Marka ay sidaas tahay waxaa la odhan karaa loollankii Siyaasadeed ee mudada badan ka socday Koonfurta waa lagu soo kalla adkaaday, oo waxa ku soo adkaaday intaa aan kor ku soo sheegay.
Hawiye, Raxanweyn Dir Koonfureed iyo Dadka kalleba waxay rabaan ayey maanta u sheegayaan oo ayaguna ayagoon ka fiirsan si fudud isaga qaadanayaan kana dhegaysanayaan.
Waxaa maanta ay tijaabinayaan in ay Soomaalidii kale oo Hawiye ugu horeeyo oo ayagu ay soo baabiiyeen u sheegaan ama ka dhaadhiciyaan in Somaliland la qabsaday oo Ethiopia ay haysato.
Iyada oo ay caddaan iyo markhaati ma doon ay tahay cida aafada iyo dhibaatada geystay Raadkeediina uu muuqdo.
Waxa inoo muuqata oo la wada ogyahay cida la haysto oo ay Dawllado Shisheeye Xoogagoodu ka taliyaan in ay Muqdisho tahay.
Waxaa loo sheegay oo laga dhaadhiciyey in Dawllada Cimaaraadka Carabtu ay tahay Cadawga Somaalia, iyada oo Xamar iyo Boosaasaba ku leh Saldhigyo Ciidan iyaga oo Majeerteen la soo gallay heshiisyo lagu dhisaayo Dekada Berbera.
Waxaas oo dhan oo jira ayaa hadana ay rumaysteen Hawiye iyo Reer Koonfur oo dhami in UAE ay tahay Cadawga Somalia.
Waxay loo sheegay oo iyana ay rumaysteen in ay Qadar tahay Nasteexa Somalia, taas oo la og yahay taariikhda Qadar meel ay Soomaali macaamil iyo xidhiidh ku yeeshaana aanay haba yaraatee jirin.
UAE waxaa la wada ogyahay in aan Somaaliyi hal maalin ka maarmi karin oo ay tahay meesha keliya ee wax uga yimaadaan.
Waa dad aad moodo in la sirxay oo in yar oo koobani waxay rabto uun u sheegto oo iska dayacan.
Markaa waxaan leeyahay Dadka Siyaasada Somaliland ku hogaaminaya maanta ee ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Khaarajigu ugu horeeyaan waxaa la idiinka baahan yahay in aan Siyaasada koonfurta faraha aan lagalla bixin oo ay daan difaac ku ahaan Hargeisa.
Waxaa buuxa dad dayacan oo aan la idinka xigin oo qaar Maskax iyo Maal ba idin kaga hooseeyaa isku duba riteen oo ku shaqaystaan.
Aad iyo aad ayaanay u fidudahay in sida Somaland rabto ay ayaga gudahooda ka heli karto xitaa Gollaha Wakiillada Muqdusho fadhiyana ku dhahoo.
Markaa meeshu way dayacantee haw daymo la,aanina.
Qalinkii Ibraahim (Xabbo)
storvideo: 


Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle

7 Qof Oo Hal Qoys ahaa Oo ku dhintay dab ka kacay Yaaqshiid

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab khasaaro Nafeed geystay oo Xalay Saqdii Dhexe ka kacay Guri ku yaalla Nawaaxiga saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhasahy Koronto, waxaana ku dhintay illaa 7 Qof oo kala ahaa Hooyo iyo 6 Caruur ah oo ay dhashay.
Sidoo kale waxaa Dabkaasi ku dhawaacmay Aabaha Qoyskaasi oo iminka lagu dabiibayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa  ka qeyb qaatay Gurmadka loo fidinayay Qoyskaasi,waxaana maamulku uu la wareegay Daryeelka Caafimaad ee Aabaha Qoyskaasi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay dabkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2.mp3
The post 7 Qof Oo Hal Qoys ahaa Oo ku dhintay dab ka kacay Yaaqshiid appeared first on Shabelle.

Xildhibaanada kasoo jeedda Koonfur Galbeed oo baaq u...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Guddoomiye Jawaari in uu xilka ka dego. Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari ay ka doonayaan in uu tixgaliyo codsigooda Maadaama ay kasoo jeeddaan isku gobol ayna ka codsanayaan in uu [...]
storvideo: 

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo Wuxu Jabiyay Dayr...

$
0
0

Maqaalkan taxanaha ah waxa aan u qaatay qalinka iyadoo aanan ujeeddoo ii gaar ah iyo dan gaar ahaaneed ka lahayn Wasiirka aan waxqabadkiisa kaga hadlayo balse ujeedadayda rasmiga ahi waa inaan runta iyo xaqiiqada usoo bandhigo bulshada oo aan hubo in aanay in badan oo ka mid ahi xog ogaal u ahayn xaqiiqada jirta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Wacyigelinta JSL Mudane Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ah wasiirkii 7aad ee xilkan soo qabta waxa uu la yimi wasaaradda dardar cusub iyo firfircooni dheerada oo ku aadan waxka bedelka, hagaajinta, iyo horumarinta shaqada, shaqaalaha iyo guud ahaan siyaasadda wasaaradda taasoo ka turjumaysa siyaasadda xukuumadda cusub iyo hoggaaminta Madaxwene Muuse Biixi Cabdi. Muddada gaaban ee uu joogay Wasiirku isagoo ka duulaya qorshihi 120ka maalmood ee u horreeyay xukuumadda wuxu dib u habayn ku sameeyay shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda isagoo isku bedel ku sameeyay madax-waaxeedyada qaybaha kala duwan ee Wasaaradda taasoo ahayd mid ku adkayd wasiiradii ka horreeyay inay farogeliyaan xilalka waaxaha. Wasiirku wuxu si buuxda u qalabeeyay oo awood iyo karti adeeg qabasho u yeelay xafiisyada kala duwan ee waaxaha iyo qaybaha wasaaradda, waxanu sidoo kale dib u habayn iyo tayayn ku sameeyay barnaamijyada ka baxa Idaacadda iyo telefiishanka qaranka. Waxa kale oo ku jirtay wasiirka shaqadiisa mudadan gaaban arrimaha daryeelka shaqaalaha wasaaradda.
Waxa iyana xusid mudan in Wasiir Guri-barwaaqo uu ka hawlgalay samaynta siyaasadda qaranka ee warbaahinta taasoo laf dhabar u ah habsami u socodka hawlaha shaqo iyo horumarinta shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Gaar ahaan xagga dib u habaynta shaqaalaha iyo isku bedelka agaasime-waaaxeedyada iyo qaabka masuuliyadda iyo xilkasnimada leh ee Wasiirku u sameeyay waxa aan odhan karaa Wasiir Cabdiraxmaan --- Guri-barwaaqo wuxu jabiyay dayr ay wasiiradii ka horreeyay dhaafi kari waayeen muddo dheer iyo shaqsiyaad u haystay inay joogaan meel ay iyagu leeyihiin iyo beerahoodii. Wasiirku wuxu gutay waajibaadkiisa shaqo iyo masuuliyadda loo igmaday ee Madaxweynuhu ugu magacaabay qaranka, isagaana awood u leh in hadba sidii uu u arko inay lagama maarmaan tahay inuu wax uga bedelo shaqada iyo shaqalaha wasaaradda. Waa shaqadiisa inuu madax-waaxeedyo isku bedelay, qaar xilka ka qaado, qaar anshaxmariyo, qaar dallacsiiyo, qaar darajo dhimis ku sameeyo, qaar ku abaalmariyo shaqo wanaagga iyo hawlkarnimada ay la yimaadaan waayo waa shaqaalihii wasaaradda oo isagaa wasiirkoodii ah oo maamula oo xilka saaranyahay, haddii aanu sidaas yeelinna waxba ma kala soconayaan ee Ma Liibaane kooxi uun ku liibaanto ayuu noqonayaa.
Maxaase keenay buuqa badan iyo shaqaalaha warbaahinta iyo saxaafadda ka yooyootamaya? Jawaabta su'aashani waa mid fudud. Waxa keenay wasiiradii hore ayaa inkastoo ay qaarkood dadaalayeen hadana ka gaabiyay inay arrimaha shaqaalaha sidooda wax uga qabtaan oo xilalka isku bedelaan oo waax walba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan. Waxay taasi dhalisay inay shaqaalahaasi illaawaan inay shaqo qaran hayaan oo laga bedeli karo oo la eryi karo haddii ay waajibaadkooda garan waayaan. Waxa ay shaqaalahaas qaarkood u qaateen inay xafiisyadaba ku fadhiyaan beelaha ay ka soo jeedaan oo saami reereed ay ku heleen shaqada.Midda kale, Wasiir Guri-barwaaqo sida ka muuqata maaha wasiir ku shaqaynaya aragti qabyaaladeed iyo musdambeed qabiil ee waa aqoonyahan aragti qaran leh oo hadafkiisu yahay in dalkiisu horumar gaadho oo aan shaqaalaha iyo dadka kala jeclaysanayn ee ay isugu mid yihiin. Waa wasiir u arkaya wasaaradda inay hay'ad qaran tahay oo umadda Somaliland oo dhan ka dhaxayso isaguna u dhexeeyo umadda Somaliland oo dhan sidaa awgeedna aan aqbalayn in wasaaradda laga aamino aragti qabiil ama ay cidi u badato.
Dhibaatada jirtay ee immika u muuqata in Wasiirkani xal u noqonayo waxa ka mid ah in wariyayaasha wasaaradda uu dhaqanku ka xumaaday oo ay qaadeen cudur ku habsaday saxaafadda guud kaasoo ahaa inaan sharcigu qaban wariyaha, lagana dhigto qalinka iyo makafoonka saxaafadda qaar baad iyo laaluush lagu gurto oo madaxdu ka baqdaan inay wanjalaan ama munaafaqad ku sameeyaan (Blackmailing by use of public media and falsely reporting). Arrintani waa mid ay aaminsanaayeen wariyayaasha xilalka laga bedelay ama laga eryay in loogu habranayo wariyayaa tahay oo waxbaad qortaa ama hadalkaad dudubisaa oo Guri-barwaaqo kugu dhici maayo.
LA SOCO QAYBTA 2AAD
W/Qoray Ahmed Farah Muxumed
storvideo: 

Sawiro: Xildhibaanada kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaanada kasoo jeedo deeganada Koonfur Galbeedo oo Maanta Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho isugu yimid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ka codsaday inuu si deg deg ah isku casilo.
Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeen ilaa 30 Xildhibaan oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa Jawaari usoo jeediyey inuu is casilo.
Xildhibaanadaan oo ka hadlayey arrinta ku aadan inuu Kheyre ka dambeeyo mooshinkaan ayaa sheegay inuusan dabada ka riixeen Kheyre balse ay Xildhibaanada garteen inay Mooshin ka keenaan Jawaari kadib markii uu ku xad gudbay Dastuurka sida ay sheegeen.
Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live