Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saraakiil sare oo Shabaab ah oo u gacan galay dowladda

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Xooga dalka ay caawa howlgal qaas ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada waxa ay kusoo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle, ayaa xaqiijiyay howlgalka lagu qabtay saraakiisha Shabaabka ah uu ka dhacay degmada Awdhiigle ee gobolkaas.
Saraakiisha Shabaabka ah ee howlgalka lagu qabtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa abdi Kariin Abuu Xamza oo Shabaab u qabilsnaa dhanka Maaliyadda iyo Sheekh Muudeey oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Amniyaadka iyo dilalka qorsheysan,waxana uu kusoo tababartay dalka Afgaanistaan.
Guddoomiye ku xigeenka waxa uu intaa ku daray in saraakiisha caawa howlgalka lagu soo qabtay ay ciidamada ku hayaan xarumaha ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana lagu soo wareejin doono laama ammaanka ee magaalada Muqdisho.
Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la socday kuwa la qabtay ayuu sheegay in wali lagu daba joogo isla markaana howlgalka uu yahay mid wali socdo.
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii dambe howlgallo kawaday gobolka Shabeellaha kuwaas oo lagu baacsanayo Al-Shabaab oo ku xoogan deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Court frees three accused of leaving for Somalia unlawfully

0
0

A Mandera court yesterday freed three persons accused of departing the country to Somalia unlawfully.
The court heard from the prosecution that the three left the country via undesignated departure points on the porous Kenya-Somalia border.
Hussein Abdi Ali, Bashar Mohamed Ahmed and Mohamed Huka Ibrahim were arrested by corporal Hussein and Sergeant Mohamed Maalim on November 14 last year at 11 am at Border Point 3.
Ali pleaded not guilty and in his defense, pleaded he has arrested alone near Um’hanara mosque while heading to Mandera Bus Park.
Bishar and Mohamed pleaded not guilty and in their defense told the court they were arrested while going to play football at a field near border customs office within Mandera town and Hussein the first accused was a stranger to them.
Giving his ruling resident magistrate Hon Duncan Mtai stated that there was not enough evidence to convict them and the suspects were residents of Mandera.
The three were released free.
The post Court frees three accused of leaving for Somalia unlawfully appeared first on Shabelle.

Court frees three accused of leaving for Somalia...

0
0

A Mandera court yesterday freed three persons accused of departing the country to Somalia unlawfully.
The court heard from the prosecution that the three left the country via undesignated departure points on the porous Kenya-Somalia border.
Hussein Abdi Ali, Bashar Mohamed Ahmed and Mohamed Huka Ibrahim were arrested by corporal Hussein and Sergeant Mohamed Maalim on November 14 last year at 11 am at Border Point 3.
Ali pleaded not guilty and in his defense, pleaded he has arrested alone near Um'hanara mosque while heading to Mandera Bus Park.
Bishar and Mohamed pleaded not guilty and in their defense told the court they were arrested while going to play football at a field near border customs office within Mandera town and Hussein the first accused was a stranger to them.
Giving his ruling resident magistrate Hon Duncan Mtai stated that there was not enough evidence to convict them and the suspects were residents of Mandera.
The three were released free.
storvideo: 

Shir lagaga hadlayey deeqaha oo lagu qabtay Djabouti

0
0

Shir lagaga hadlayey deeqaha oo lagu qabtay Djabouti
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 21st, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Magaalada Djabouti waxa maanta ka furmay qeybtii hore ee shir dhinaca deeqaha ah, oo ay halkaasi ku lahaayeen dalalka Afrika, kuwa kulaala xeebbaha Caribbean, Pacific iyo Midowga Yurub.
Soomaaliya oo markii ugu horreysey ka soo qeyb gashay shirkan, ayaa maalinta berri la bilaabi doonaa qeybtii labaad oo ah tii u dambeysey ee wasiirrada dalalka la isku yidhaahdo ACP Group.
Ramadan Muuse oo goob joog ka ahayd shirkaasi iyo waxyaabihii ay Somaliya kaga hadashay, ayey ka wareysatay Maxamed Daahir Faarax oo ah madaxa xafiiska haga mashaariicda midowga yurub ee dowladda Federaalke Soomaaliya.
Source VOA
Awdalpress
This post has been viewed 265 times.
storvideo: 

Maxay ka dhigantahay in Qatar ay soo dirsatay Safiir...

0
0

21st March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad ayaa maanta soo magacaabay Safiir sare oo magaciisa la yiraahdo Xasan Xamse Asad Haashim,ka hor inta aynaan u galin fallanqaynta waxa arinkani ka dhiganyahay,aan aqristayaasha la wadaago Waa maxay ergay sare " Ambassador Extraordinary?.

Ergay sare waa safiir leh awood dheer safiirada caadiga ah ee diblumaasiyadda,wuxuu qaadan karaa go'aanno qarankiisa dan u ah,wuxuu kala taliyaa madaxda dalkiisa danaha dalka loo diray,wuxuu leeyahay xasaanad buuxda.
Sannadii 1815 ayaa shir ka dhacay dalka Austria gaar ahaan caasimadiisa Vienna lagu kala saaray darajooyinka diblumaasiyadeed,la go'aamiyana in la sameeyo Safiir Sare oo ka mug weyn kan caadiga ah ee la yaqaano.
Haddaba,tilaabadani maxay ka dhigan tahay?!
Waxaan oran karaa dalka Qatar in uu Soomaaliya u arkay in uu yahay dal muhiim ah,loona baahanyahay in siyaasadiisa si dhow loo darso,hardanka iminka jirana kaalin buuxa laga galo,soomaaliya -ka sakow- in ay tahay dhul dihin,misana waa meel istiraatiiji ah,waa goobta 7 badood ee dunida laga xukumo sida uu yiri "Alfred Thayer Mahan" oo ahaa khabiir American ah oo ku xeel-dheeraa Istiraatiijiyadda,dhintayna 1914-kii,wuxuuna yiri qofkii bad weynta India hanta,dhammaan badaha dunida inteeda kale isaga ayaa hantay". tartanka qaawan ee iminka socdana una dhaxeeya dunida si dekedo iyo marin badeedyo loo helo waxay daba socotaa istiraatijiyadaas fog.
Qatar waxay si fiican ugu kuur-gashay in soomaliya ayan ahayn dal sabool ah,dadkiisu ku hardamayo siyaasad aan meel fog sii jirin,balse ay tahay: dhuuntii qaaradda Africa,ubucdii saamayn lahayd siyaasadda geeska Africa oo dhan,loona baahanyahay in cududda Soomaaliya laga faa'iidaysto xilligaan muhiimka ah.
Maxaa xilligan ku soo beegay?.
Sida aynu wada ogsoonahayba maalmahaan dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo golayaasha dowladda federalka ah ka dhex-aloosnaa,gaar ahaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo raysul wasaaraha,waxaana laysku qabtay arimaha heshiisyada qalaad oo ay ka mid yihiin dekedaha,iyo khilaafyo kaloo soo jiitamayay.
magacaabidda safiirkaan sarena waxay ka dhigantahay in labada dhinac ee is-haya la rabo midkood in si dhaqsa ah loo tuuro,waxayna ku xirantahay awoodaha la isticmaalo.
Madaxda dalka maxaa la gudboon?.
Mar hadday noo muuqatay muhiimadda dalkeenu leeyahay,waxaa loo baahanyahay in aan qaadano siyaasadda loo yaqaan"dhex dhexaadnimada waxtarka leh" waa tan inta badan saldanada Cumaan ku dhaqanto,Turkigana uu Wasiirkeedii hore ee arimaha dibadda " Abmed Daa'uud Oqlow" uu ka dhigay mid ka mida tiirarka afarta ah ee lagu hago siyaasadooda arimaha dibadda waxa loo yaqaan cadow yaraynta ama dhimista " Hatred of hostilities" Qatarna ay Sudan u dhistay Dekedda Buurta Sudan,imaaraatkuna isbuucii la soo dhaafay ku shubay Bank-ga dhexe Ee Sudan lacag dhan 4 Trillion oo deen ah,Shalayna Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ka degay Qahira,waa siyaasadda "aldaabka furan" maxaa Somalia rakhiis ka dhigay? maynu dhammaan gacmaha u furno,inagoo ilaashanayna danaheena guud,Allow yaa Villa Soomaaliya taladaas iga gaarsiiya!
storvideo: 

Somaliland opens trade office in Dubai, to Support UAE Investment

0
0

Somaliland opened on Monday a trade office in Dubai as the country works to boost its trade ties with the UAE.
The trade office will offer import and expert advice to help Somaliland companies in the UAE and will support investment between the African country and the UAE.
‘The UAE is our main trading partner in the region, and this is an important landmark in our relationship — one that has been in the making for some time now,’ said Somaliland’s President Muse Behi Abdi, who was speaking at a press conference to announce the new office.
‘Dubai is the main transit hub for goods destined to Somaliland, and with many of our traders based out of the city, it serves as our principal financial center for trading with the rest of the world.’
The President added that the trade office will promote already-growing trade ties between the two countries. He said bilateral trade stands at around $300 million to $400 million (Dh1.1 billion to Dh1.47 billion).
Abdi is currently in Dubai on an official visit, on which he has been accompanied by various ministers from Somaliland, to discuss strengthening cooperation with the UAE.
His delegation has also met with representatives from DP World over a dispute started by Somalia, whose government is attempting to ban the ports operator from operating in Somaliland.
Speaking on the matter on Friday, Abdi stressed that the deal with DP World will be implemented and that Somaliland is an independent nation.
On Monday, the president also said that the UAE will invest in development projects in Somaliland, without disclosing details
The post Somaliland opens trade office in Dubai, to Support UAE Investment appeared first on Shabelle.

Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka...

0
0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliye Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo Sagaal bilood ah Tababar Ciidan oo dhameystiran ku qaatay Magaaladda Muqdisho.
Ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammadda, Isticmaalka iyo Farsamadda hubka fudud, Farsmadda Howlgalada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyadda iyo Maxaabiista, Disibiliinka iyo Xeerka C.Q.S.S iyo kuwa kale.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasabadda ugu horeyn ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey Ciidanka Maanta tababarka loo soo xiray heerarka ay soo mareen iyo qaabka ay u howl gali doonaan, isaggoo xusay in Dufcad kale oo cusub dhowaan Tababar loo furi doono, si loo dar dar geliyo Howlaha Taliska, loona helo jiil cusub oo diyaar u ah in Qaranka ay u qidmeeyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliye Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ciidammadaan ku baraarujiyey in si daacad iyo howlkarnimo ku jirto ay ugu addeegaan Qaranka, waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay difaaca dalka iyo sugida Ammaanka Qaranka in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah Nabad diidka Alshabaab, islamarkaana dhowaan la qorsheynayo in Kooxdaasi laga itaalka roonaaday gabi ahaanba laga Taqaluso.
Intaasi ka dib Madaxweynaha JFS ayaa hortiisa waxa Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ku dhaarisay dhammaan Ciidammaddii Maanta tababarka loo soo xiray, iyaddoo loo xiray Isteelaha Ciidanka, taasi oo muujineysa in si rasmi ah ay uga mid noqdeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
storvideo: 

Dhageyso Goodax Bare cida Dalka qalqalainaayo waa...

0
0

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo Kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo ragii la shaqeynayay fowdada dalka haatan ka jirta.
Xildhibaan C/laahi ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in Xasan Shiikh Maxamuud uu Taleefan kula soo hadlo waqti walba ragga mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana uu ku dhiirigaliyo khalkhalka lagu hayo dowladda Soomaaliya.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/03/Goodax-Bare.mp3
Share this:
Related
storvideo: 


Somaliland opens trade office in Dubai, to Support...

0
0

Somaliland opened on Monday a trade office in Dubai as the country works to boost its trade ties with the UAE.
The trade office will offer import and expert advice to help Somaliland companies in the UAE and will support investment between the African country and the UAE.
'The UAE is our main trading partner in the region, and this is an important landmark in our relationship -- one that has been in the making for some time now,' said Somaliland's President Muse Behi Abdi, who was speaking at a press conference to announce the new office.
'Dubai is the main transit hub for goods destined to Somaliland, and with many of our traders based out of the city, it serves as our principal financial center for trading with the rest of the world.'
The President added that the trade office will promote already-growing trade ties between the two countries. He said bilateral trade stands at around $300 million to $400 million (Dh1.1 billion to Dh1.47 billion).
Abdi is currently in Dubai on an official visit, on which he has been accompanied by various ministers from Somaliland, to discuss strengthening cooperation with the UAE.
His delegation has also met with representatives from DP World over a dispute started by Somalia, whose government is attempting to ban the ports operator from operating in Somaliland.
Speaking on the matter on Friday, Abdi stressed that the deal with DP World will be implemented and that Somaliland is an independent nation.
On Monday, the president also said that the UAE will invest in development projects in Somaliland, without disclosing details
storvideo: 

US military says it killed two Al Shabaab members in fresh airstrike

0
0

In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike against al-Shabaab on the morning of March 19 near Mubarak, Somalia, killing two militants, wounding three others, and destroying one vehicle.
U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect U.S. citizens and to disable terrorist threats.
This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counterterrorism operations and targeting terrorists, their training camps, and their safe havens throughout Somalia and the region.
Together with other international partners, the United States is committed to providing Somalia, AMISOM, and SNSF with support in the fight against violent extremist organizations.
The post US military says it killed two Al Shabaab members in fresh airstrike appeared first on Shabelle.

US military says it killed two Al Shabaab members in...

0
0

In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike against al-Shabaab on the morning of March 19 near Mubarak, Somalia, killing two militants, wounding three others, and destroying one vehicle.
U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect U.S. citizens and to disable terrorist threats.
This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counterterrorism operations and targeting terrorists, their training camps, and their safe havens throughout Somalia and the region.
Together with other international partners, the United States is committed to providing Somalia, AMISOM, and SNSF with support in the fight against violent extremist organizations.
storvideo: 

Wafti Ka Socda IGAD Oo Lakulmay Wasaaradda Deegaanka...

0
0

21st March 2018 admin Category :
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada dowladda Puntland mudane Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed (Maareeye) oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa xafiiska dhexe ee wasaarada ku qaabilay wafti kasocday urur goboleedka IGAD iyo hay'adda EY.
Labada dhinac ayaa waxa ay kawada hadleen qodobo ay kamidyihiin wax ka qabashada Bacaadka (Sand dunes) , Boholaha ku fidaya qaybo deegaannada ka mid ah (Gully erosion) iyo sidoo kale biyo- qabatinno looga faa'iidaysan karo dhinacyada waraabka iyo nolosha kale ee dadka iyo duunyadaba Waxaana ay la Isla qaateen in muddada iyo sida loogu talogalay loo fuliyo dhamaan mashaariicdaas.

Share this:
storvideo: 

Maxay dad badan u dalbanayaan in "Facebook la masaxo"?

0
0

Waxaa baraha bulshada qabsaday hadal haynta "MasaxFacebook" ka dib markii ay soo baxday in la aruursaday macluumaadka shakhsiga ee 50 milyan oo ruux oo Facebook adeegsada.

Maxay dad badan u dalbanayaan in "Facebook la masaxo"?

0
0

"Dhammaanteen waxaan kasoo wareegnay MySpace. Si la mid ahna waan ka wareegi karnaa Facebook."
Tani waxa ay ahayd farriin lagu gudbiyay Twitter ka dib markii ay soo baxday eedeynta ah in shirkadda Cambridge Analytica ay adeegsatay xogta shakhsiga ah ee 50 milyan oo ah dadka adeegsada barta Facebook, si ay galaangal ugu yeelato doorashadii Maraykanka ka dhacday 2016kii.
Ka dib waxaa bilowday baahidda astaamha #DeleteFacebook ama #BoycottFacebook oo macnahoodu yahay masaxFacebook iyo qaadacFacebook, kuwaas oo looga falcelinayo eedeyntaasi.
Astaanta #DeleteFacebook ayaa xoogeysatay ka dib markii uu qof Twitter-ka wax ku qora soo xigtay waraysi ay BBC sannadkii 2017 la yeelatay Cambridge Analytica, kaas oo ay Theresa Wong uga hadashay Cambridge Analytica, markii horena qeyb ka ahaa taxanaha BBC Two ka baxa ee Secrets of Silicon Valley.
Taasi ayaa horseeday in dadka ay ku biiraan kacdoonka ka dhanka ah Facebook, ayadoo Mark Hoppus oo ka tirsan barta blink-182 uu muddo 24 saac ah 6,000 oo like ka helay markii uu soo qoray "Iska Xir Facebook".
Balse dad badan ayaa su'aal geliyay waxa ay ka dhigan tahay in bar bulshadu ku wada xiriirto laga cawdo ayadoo oo la adeegsano mid kale.
Mid ka mid ah dadka fekerkooda ka dhiibtay astaanta #DeleteFacebook ayaa si kaftan leh u qoray "Cabashada ka dhanka ah Facebook ayaa arrin hadal heyn leh ka noqotay Twitter oo ah bar kale oo aruurisa macluumaadka shakhsiga ah ee dadka adeegsada."
Mid kale ayaa isna ku taliyay in maadaama Instagram uu leeyahay Facebook, "haddii aad mid ka baxdo, waa in sidoo kale aad xirtaa kan kale."
Afhayeen u hadashay shirkadda Privacy International ayaa ka digtay in walaaca ammaanka xogta shakhsiga ah ay dhaafsiisan tahay Facebook.
storvideo: 

DHEGEYSO: Maamulka Ahlusunna oo baaq u diray...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Moqdisho (- Online) - Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, Guddoomiye Ku-xigeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Koonfureed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay xal u helaan Khilaafka hareeyey Golaha Shacabka.
Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo la hadlay Raadiyaha Shabeelle ayaa aaminsan in khilaafka labada dhinac u kala jebiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu rajo xumo ku ridayo Umadda Soomaaliyeed.
Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal wuxuu yiri: "Waad ogtihiin dalka badbaado ayuu rabaa, wuxuuna uga baahan yahay Baarlamaanka. Shacbiga Soomaaliyeedna adinka ayey idin eeganayaan.
"Marka khilaafka hadda taagan waa mid nasiib darro ah, shacbiguna dowladda ayuu ka wardhowrayey. Maantana waxay ku habbooneyd in bedelkii la isqab-qabsan lahaa dalka la xoreeyo lana midoobo".
Halkaan hoose ka dhegeyso baaqa Alhusunna.https://www.-.net/wp-content/uploads/2018/03/Ahlusunna-Oo-Baaq-u-dirtay-Xildhibaanada-BFS----Shabelle.mp3- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Somaliland: Bulshada Rayidka oo Soo Dhaweysay Xeerka...

0
0

Golaha guurtida Somaliland ayaa guddi u saaray dib-u-eegis lagu samaynayo Xeerka Kufsiga oo dhawaan golaha wakiilladu ansixiyay, waxaanay mudanayaasha qaarkood ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shareecada.
Balse, ururada bulshada ayaa xeerkan ku tilmaamay mid baahi loo qabo oo shareecada waafaqsan. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ku eegaya xeerkan iyo dareenada bulshadu ka qabto.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:07:34 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Israa’iil oo qiratay in ay weerartay wax looga...

0
0

Milatariga Israa'iil ayaa si rasmi ah u qirtay in uu burburiyay wax ay uga shakiyeen in uu ahaa warshad nukliyeer oo Suuriya lahayd taariikhdu markay ahayd sannadkii 2007dii.
Milatarigu wuxuu sheegay in duqayntii dhanka cirka ahayd ee ay ku bartilmaameedsadeen bariga gobolka Deir-al-Zour in uu meesha ka saaray "halis soo wajihi lahayd Israa'iil iyo gobolka oo dhan".
Milatariga Israa'iil wuxuu intaas ku daray in ay warshaddaasi qarka u saarnayd in la dhamaystiro. Wakhti dheer ayaa loo malaynayay in Israa'iil ay ka dambaysay, laakiin hadda ka hor maysan qiranin.
Suuriya ayaa iyaduna wakhti dheer diidanayd in goobta la duqeeyay ay ahayd warshad nukliyeer.
Qirashadan ayaa timid ka dib markii la laalay amar saraakiisha ciidammada ka mamnuucayay in ay ka hadlaan hawlgalkaas.
Hay'adda caalamiga ah ee atoomikada adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IAEA ayaa horay u sheegtay "in ay aad ugu badan tahay" in goobtaasi ay ahayd warshad nukliyeer.
Waxayna tilmaantay in samaynteeda ay gacan ka gaysatay Kuuriyada Waqooyi.
Suuriya oo ku jirta heshiiska ka hortagidda faafitaanka nukliyeerka ee NPT, wayna diiday diiday arrintaas.
storvideo: 

Guddigii Aqalka Sare ee loo xilsaaray Khilaafka...

0
0


Guddigii Aqalka Sare u xilsaaray xalinta Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in dhinacyadda uu Khilaafku u dhaxeeyo in ay joojiyaan Ololaha Siyaasadeed ay ka waddaan Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in ay la kulmeen Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana ay kala hadleen sidii Mooshinka loo marsiin lahaa wadada Saxda ah.
Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre ayna kala hadleen sidii xarunta Golaha Shacabka ciidamadii haayay dib loogu soo celin lahaa.
Waxa ay u mahadceliyeen Gudoomiye Jawaari oo ay sheegeen in uu aqbalay Mooshinka laga keenay, islamarkaana uu codsaday in la marsiiyo meeshii ku habbooneyd.
Guddiga ayaa sheegay in ay korjoogto ka noqon doonaan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Audio Player
storvideo: 

Guddoonka Baarlamaanka oo u yeeray Xildhibaanada maqan 

0
0


Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay soo xaadiraan, iyadoo dhawaan la qorsheynaayo in Baarlamaanka la horgeeyo Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
C/wali Sheekh Ibraahin Muudey Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan iyo kuwa kaleba inuu isugu yeeraayo inay dalka ku soo xaadiraan.
Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul qaran.
"Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel soke kuwa joogaba si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka." Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka.
"Xildhibaanada Feker waa ku kala duwanaan karaan, laakiin waa in la ilaaliyaa sharafta iyo karaamada Golaha Shacabka." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Somaliya.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka , mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka.
storvideo: 

Aqalka sare oo go’aano ka soo saaray khilaafka...

0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddigii Aqalka sare ee ku baxay xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go'aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda.
Gudiga ayaa waxa uu sheegeen in ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeya sida gudoomiyaha golaha shacabka iyo goomiye ku xigeenka koowaad Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxwenyne Farmaajo.
Maxamuud Maxamed Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka uu ka aqbalay gudiga in uu u hogaansamo Sharci hoosaadka u yaalla golaha Shacabka kana dalbaday gudiga in xaalada amniga ee xarunta golaha shacabka lagu soo celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.
Waxaa uu kaloo Guddiga la kulmay Ra'iisul Wasaaraha, iyagoo ka dalbaday in Ciidamada la wareegay xarunta laga qaado, laguna soo celiyo ilaaladii joogay xarunta ka hor khilaafka, taasoo ay sheegeen inuu ka aqbalay.
Dhanka kale gudiga waxa uu la kulmay gudoomiye ku xigeenka kowaad waxa ayna u soo jeediyeen in uu ka shaqeeyo sidii ilaalada xarunta golaha shacabka loogu soocelin lahaa in uu ka shaqeeyo qabashada gudiga joogtada ah si uu u agaasime habraaca mooshinka yaalla gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddiga ayaa ka codsaday dhinacyada khilaafka inay joojiyaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta isku weydaarsadeen, inta xalka laga gaarayo.
Guddigan Maanta warbixinta siiyay Xildhibaanada Aqalka sare oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa la magacaabay 17 Bishaan Maarso,six al looga gaarao khilaafka ka dhashay mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari.
Waxaa kaloo ay soo dhoweeyeen aqbalaada Guddoomiye Jawaari ee sharciyadda Mooshinka, waxaa kaloo ay ugu baaqeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad inuu muddeeyo xilliga la qabanayo shirka Guddiga joogtada, laguna go'aamiyo xilliga la qabanayo dooda mooshinkiisa.
Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Xukuumadda inay ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka laga qaado, isla markaana dib loogu soo celiyo ciidamadii horay u joogay.Hadaba, Halkan ka Akhriso, Warbixinta Guddiga:
Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aa, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday, waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .
Mas'uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra'iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad:
Kulanka oo dhacay Maarso 17, 2018-kii, guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo .
Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah.
Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas'uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka.Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad:
Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka .Kulanka guddiga iyo Ra'iisulwasaaraha:
Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa.
Ra'iisulwasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska.La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda :
Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka.
Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka.Talo-soo-jeedinta Guddiga:

  1. Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan.
  2. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay.
  3. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka.
  4. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada.
  5. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka.
  6. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.
  7. Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra'isul wasaaraha iyo shacabka.

- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live