Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AKHRISO: Warbixin ay soo saareen Guddigii Aqalka...

$
0
0

Muqdisho (PP) -Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysteen guddi toddoba xubnood ka kooban oo ay u saareen xallinta khilaafka u dhexeeya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka dhashay mooshinkii laga keenay Jawaari.Warbixinta oo dhawr qodob ka kooban ayaa waxay u qornayd sidan;
Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aa, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday, waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .
Mas'uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra'iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka Labaad:
Kulanka oo dhacay Maarso 17, 2018-kii, guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo .
Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah.
Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas'uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka.Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad:
Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka .Kulanka guddiga iyo Ra'iisul Wasaaraha:
Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa.
Ra'iisul Wasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska.La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda :
Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka.
Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka.Talo-soo-jeedinta Guddiga:

  1. Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan.
  2. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay.
  3. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka.
  4. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada.
  5. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka.
  6. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor.
  7. Ugu dambeyn, Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra'isul wasaaraha iyo shacabka.

PUNTLAND POST
The post AKHRISO: Warbixin ay soo saareen Guddigii Aqalka Sare ee Xallinta Khilaafka Taagan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Tababar usoo xiray Urur ka...

$
0
0


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo Sagaal bilood ah Tababar Ciidan oo dhameystiran ku qaatay Magaaladda Muqdisho.
Ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammadda, Isticmaalka iyo Farsamadda hubka fudud, Farsmadda Howlgalada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyadda iyo Maxaabiista, Disibiliinka iyo Xeerka C.Q.S.S iyo kuwa kale.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasabadda ugu horeyn ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey Ciidanka Maanta tababarka loo soo xiray heerarka ay soo mareen iyo qaabka ay u howl gali doonaan, isaggoo xusay in Dufcad kale oo cusub dhowaan Tababar loo furi doono, si loo dar dar geliyo Howlaha Taliska, loona helo jiil cusub oo diyaar u ah in Qaranka ay u qidmeeyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ciidammadaan ku baraarujiyey in si daacad iyo howlkarnimo ku jirto ay ugu addeegaan Qaranka, waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay difaaca dalka iyo sugida Ammaanka Qaranka in masuuliyad gaar ah ay iska saaraan.
storvideo: 

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Gaalkacyo

$
0
0


Wararka naga soo gaaraya Magaaladada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in duleedkeeda Waqooyi ee Magaaladaasi uu ka dhacayQarax Miino oo sababay Dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaasi Miino ayaa haleelay Carruur waxaana ku dhintay 1 Qof halka dhawaacu uu kor u dhaafay 12 Qof kuwaas oo dhamaan wadda caruur ah.
Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug iyo Wafdiyo ay hogaaminayaan ayaa gaaray goobta Qaraxaasi ka dhacay waxaana loo sheegay maamulka inuu qaraxan ka dhashay Miino ay Garaaceen Caruurtan taasoo la sheegay inay horay u taalay Kaamkaas.
Caruurtii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi ayaa 3 Kamid ah ay xaaladoodu culustahay iyadoo lagu dabiibayo Isbitaallka Guud ee gobolka Mudug iyo Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma...

$
0
0

Muqdisho, 21 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab. "Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, [...]
storvideo: 

Daawo: Hayada SDF Oo Laba Taangi Biyood Oo Waraabin...

$
0
0

Daawo: Hayada SDF Oo Laba Taangi Biyood Oo Waraabin Doona Magaalada Boorama Ku Wareejiyey Maamulka Degmadaasi iyo Wasiirka Biyaha oo ka hadlay arintaas
[embedded content]
storvideo: 

Nicolas Sarkozy oo loo heeysto lacago uu ka helay...

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Faransiika Nicolas Sarkozy ayaa la geeyay xarun boolis si suaalo looga weeydiyo eedeymo ah in uu ka helay lacago madaxweeynihii ugu dambeeyay ee liibiya Col Muammar Gaddafi lacagahaasi oo uu ku isticmaalay ololihiisii doorashada.
Booliska ayaa baaraya wax is daba marin looga shakinsanyahay lacagihii lagu isticmaalay ololaha doorashadii faransiiska ka dhacday 2007.
Mar hore ayay booliska su'aalo weeydiiyeen balse Mr Sarkozy ayaa iska fogeeyay in uu galay wax dambi ah.
Siyaasiyiinta xisbiga Midigta Fog ayaa ku guul darreystay in ay dib u hogaamiyaan wadanka.
Warar laga helay waaxda Cadaaladda ayaa sheegaya in Sarkozy su'aalaha lagu weeydiiyay degmo ku taalla galbeedka magaalada Pasris.

  1. Doorashada mucaaradka Fransiiska oo soo idlaatay
  2. Fransiiska oo albaabada isugu dhufanaya warshad Nukleyr
  3. Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

2013 faransiiska ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan eedeymahaasi.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah wasiirradii hore ee Mr Sarkozy oo lagu magaacbo Brice Hortefeux ay booliska su'aalo weeydiiyeen maalintii talaadada ahayd.
Eedeymahaan ku saabsan lacagaha uu Qaddafi bixiyay ayaa asalkooda ka yimid Ziad Takieddine oo ah Faransiis asalkiisu yahay Lubnaan iyo saraakiishii hore ee Qaddafi.
storvideo: 

Difaacida Ahmed Ismaaciil ee Maamulka Hargeeysa

$
0
0

21st March 2018 admin Category :
Ahmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah shaqsiyaadka indho la'aanta ku raacay SNMta ayaa wareesi lala yeeshay ku difaacay beesha Isaaq.
Ahmed Ismaaciil ayaa diidan in maamulka Hargeeysa ay welli ka tirsanyihiin Soomaaliya inteeda kalle, balse wuxuu ku doodayaa in ay yihiin beesha Isaaq dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kalle.
Ahmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ay kaararkooda gubeen beesha Isaaq oo ay soo istaajiyeen meel cidlo ah.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

DAAWO Video: Afar Arrin Oo Sii Hurinaya Khilaafka...

$
0
0

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya khilaafka xooggan u dhaxeeya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya iyo sidoo kale xukuumadda Federaalka ah.
Hadaba khilaafkan ayaa waxaa sii xoojinaya Afar qodob, iyadoo illaa iyo haatan aanay muuqan waddo kaliya oo lagu qaboojin karo.
Waxyaabaha hurinaya khilaafka:
Xalka oo si dhab ah loo wajahayn
Madaxdii sare oo Labada dhinac kala taageeray
Xildhibaannada qaar oo kumanaan doolar farqaha ku shubtay
Beesha Caalamka oo kasoo jeedsatay xalka khilaafkan
Hadaba lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, balse dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in mooshinkaan iyo khilaafkaan aanu xal lahayn, illa lagu kala baxo
[embedded content]

storvideo: 


Wasiirka Gaashaandhigga”Waa fikrad wanaagsan in...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Kulankani uu wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya uu la yeeshey taliyaasha ciidamada Xoogga Dalka,Nabad sugidda iyo Asluubta oo ay wehliyaan saraakiisha ka tirsan xoogga Dalka ayaa ujeedkiisu ahaa soo bandhigista qorshe saadka ama raashiinka ciidanka qalabka sida loogu bedelayo dalagga ka baxa dalka,iyadoo ugu horeyn wasiirku uu salaam sharaf ka qaatay ciidanka bambayda xoogga Dalka,waxaana goobtasi lagu soo bandhigay noocyo kaladuwan oo cunada dalka ka baxda.
Ugu horeyn taliyaha Saadka e Ciidanka Xooga Dalka G/sare Maxamed Maxmuud Garabay ayaa sharaxay qorshahaasi oo lagu tijaabiyay ciidanka ku sugan xarunta Villa Baydhabo,wuxuuna sheegay in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya dalagga ka baxa Dalka iyo kan dibadda laga keeno,islamarkaana qarash ahaan iyo tayo ahaanba kan dalka kabaxa uu leeyahay faa'iido aad u wanaagsan.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) oo lahaa fiikirkan iyo taliyaha ciidanka Alsuubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamaca ayaa ka hadlay ahmiyadda qorshahani,waxaana ay balanqaadeen in xooga ay saari doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshahani si bulshada Soomaaliyeed uu ugu noqdo mid faa'iido badan u leh xagga dhaqaalaha.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa feker fiican ku tilmamaay in ciidanka xooggu ay isticmaalaan Dalagyada ka soo go'a dalka.
''Waa arrin aad u wanaagsan fikirkan,dalkasta waxaa uu leeyahay khayraad uu isticmaalo oo u gaar ah,marka anaga waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada in aan horumarino dalagyada dalka ka baxa,taasi ayaa inoo sahlaysa in aan ka badbaadno in aan gacmaha hoorsano''.Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
storvideo: 

Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in...

$
0
0

Kulankani uu Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya la yeeshey taliyaasha ciidamada Xoogga Dalka, Nabad Sugidda iyo Asluubta oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ujeedkiisu ahaa soo bandhigista qorshe saadka ama raashiinka ciidanka qalabka sida loogu bedelayo dalagga ka baxa dalka, iyadoo ugu horeyn Wasiirku uu salaam sharaf ka qaatay ciidanka bambayda xoogga Dalka, waxaana [...]
storvideo: 

Daawo: ” Anigu Waa markii iigu horaysay ee aan ku...

$
0
0

Daawo:" Anigu Waa markii iigu horaysay ee aan ku soo laabto Boorama intii Xilka la ii magacaabay Dabadeed" Wasiirka Qorshaynta
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Mayorada Gabiilay iyo Boorama oo Ka hadlay...

$
0
0

Daawo: Mayorada Gabiilay iyo Boorama oo Ka hadlay Sasna ka qaaday Mooshinka La hor keenay ee ah in Mayorada lagaga Qaadi Karo Cod Hal dheeri ah
[embedded content]
storvideo: 

Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA), Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Irshaad ee Aragti-isdhaafsiga ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen dood cilmiyeed ku saabsanayd kaalinta Dastuurka ee nidaaminta nolosha bulshada.
Doodda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaanno, Culamada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Xubnihii masraxa saarnaa ee ka soo qaybgalayaasha u iftiiminayay mowduucca waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Cali Wajiis iyagoo ka jawaabayay su'aallo ay waydiiynayeen ka qaybgalayaasha.
Wasiir Xuseen Cabdi Cilmi oo furay doodda ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka qaybqaadan doonto kulamada noocan ah.
"Waxaan marka hore bogaadinayaa Xarunta Irshaad oo dooddan agaasinkeeda kaalin wayn ka qaadatay waanan ku dhiirigelineynaa in ay joogteeyaan doodaha ceynkan oo kale ah; Wasaaradda marwalba waxay diyaar u tahay ka qaybqaadashada doodaha quseeya arrimaha Dastuurka" ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.
Ugu dambayn, qabashada dood cilmiyeedkan ayaa bilow u ah doodo ay Wasaaradda qaban doonto oo shacabka Soomaaliyeed u sahli doonta in ay waxbadan ka ogaadaan arrimaha Dastuurka.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirka Gaashaandhigga"Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go'a Dalka"

storvideo: 

War deg deg ah Umadaha midoobay oo amar cad dul...

$
0
0

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal u diray UN -ka, AU, AMISOM, Deeq bixiyayaasha iyo dhamaan Safiiradda Beesha Caalamka, qoraalkaa oo ahaa in Cod bixinta Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka dhacdo Teendhaddii lagu doortay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, amaanka doorashadana gacanta ku qabtaan ciidamada AMISOM. Codsigaas ayaa beesha caalamka qaateen si loo ilaaliyo dimuqoraadiyadda oo ay u dhacdo cod bixin xor iyo xalaal ah, qarsoodi ah, ururadda bulshada rayidka iyo kormeerayaasha caalamka goobjoog ka yihiin.
Waxaa haatan la diyaarinayaa Teenadhadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo oo lagu xaqiijiyey doorasho xalaal ah in ay dhacdo xiligii doorashada Madaxweynaha somalia in haatanna ka dhacdo doorashadda Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia.
Wabilaahi Towfiiq.
Share this:
Related
storvideo: 

Daawo: ” Suldaan Cabdirisaaq Cumaani Way...

$
0
0

Daawo:" Suldaan Cabdirisaaq Cumaani Way Saldanadiisu way ka horaysa iminka oo Maalin ayuu igu yidhi Suldaanka Guud Kuxigeen ma leeyahay iyo maan maqal iyo Waa aniga" Sul Cabdirasaaq Cumaani oo Burco lagu caleemo saaray
[embedded content]
storvideo: 


Askari lagu Dilay Afgooye iyo Xiisdad Colaadeed oo ka taagan Halkaasi

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh hoose ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Degmada Afgooye ku Dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya,
Dilka Askariga ayaa dhacay Xili uu ku sugnaa Suuqa Ariga ee Degmadaasi, waxaana Goobtaasi ku Rasaaseeyay ilaa 3-dhalinyaro ah oo Baastoolado ku hybeysnaa,
Goobjooge ku sugnaa Suuqa Ariga ee Degmada Afgooye ee Dulku ka dhacay ayaa Shabelle u sheegay in Askarigu uu ka mid ahaa Ciidamada Minishiibiyada  Xiligaasina uu Canshuur ka Qaaday Ganacsatada Suuqaasi,
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh hoose Cabdinaasir Caalin Ibraahim oo ay la Xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in inay Baxsadeen Ragii Dulka Geystay, Ciidamadamaduna ay Baaritaan wadaan,
The post Askari lagu Dilay Afgooye iyo Xiisdad Colaadeed oo ka taagan Halkaasi appeared first on Shabelle.

VIDEO Jawaari oo Banaanbax lagu taageeray iyo...

$
0
0

Wararki hore
Wararki hore
storvideo: 

Askari lagu Dilay Afgooye iyo Xiisdad Colaadeed oo...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh hoose ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Degmada Afgooye ku Dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya,
Dilka Askariga ayaa dhacay Xili uu ku sugnaa Suuqa Ariga ee Degmadaasi, waxaana Goobtaasi ku Rasaaseeyay ilaa 3-dhalinyaro ah oo Baastoolado ku hybeysnaa,
Goobjooge ku sugnaa Suuqa Ariga ee Degmada Afgooye ee Dulku ka dhacay ayaa Shabelle u sheegay in Askarigu uu ka mid ahaa Ciidamada Minishiibiyada Xiligaasina uu Canshuur ka Qaaday Ganacsatada Suuqaasi,
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh hoose Cabdinaasir Caalin Ibraahim oo ay la Xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in inay Baxsadeen Ragii Dulka Geystay, Ciidamadamaduna ay Baaritaan wadaan,
storvideo: 

Full VIDEO Golaha Abwaanada oo runta ka sheegay...

$
0
0

[embedded content]
Kulan Balaaran oo ay iskuugu yimaadeen xubno matalayey Golaha Abwaanada soomaliyeed sida suugaanleyda ku gaamurtay tiran guuurowga iyo gabadyada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray warsaxaadfadeed dhowr Qodob ka kooban
Kulanka ayaa intiisa badan abwaanadu hab suugaaneyd talo iyo hogo tusaale ugu gudbiyee dhamaan shacabka somaliyeed gaar ahaana baarlamaanka iyo xukluumada
waxayna dalbadeen in qodobka xildhibaanka u ogolaanayo in uu wasiir Noqdo gabi ahaanba la laalo oo meesha laga saaro
waxayna shaaciyeen in dalku haatan marayo meel halis ku ah jiritaanka Bulsho weynta Somaliyeed
hadaba waa kuwaan Abwaanada qaarkood oo fikirkooda sidaan ku cabiray
ugu danbeyntiina war murtiyeedka ay sida wada jir ka ah u soo saareen waxaa saxaafada u aqriyey Abwaan Xersi dhuux oo ah gudoomiye ku xigeenka Golaha abawaanada somaliyeed
Share this:
Related
storvideo: 

Deg Deg: Horjoogayaal sar sare oo ku dhawaaqay inay ...

$
0
0

Waraysi uu siiyay Radiomuqdisho codka Jahuuriyada Soomaaliya Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo ahaa Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Baay ayuu kaga dhawaaqay inay Alshabaab ay isaga baxeen isaga iyo Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow Macalin Geedoow waxa uu tilmaamay inay isku fahmi waayeen Alshabaab joojinta dhibka ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed. waxa uu sheegay [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live