Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo/Wardegdeg: Shirkada Telesom iyo Bank dhexe ee...

0
0

Daawo/Wardegdeg: Shirkada Telesom iyo Bank dhexe ee Somailand oo heshiis Cusub gaadhay Xalay iyo Agaasimaha Bankiga dhexe iyo Mid ka mid ah Madaxda Telesom oo ka waramaaya Heshiiskooda.
[embedded content]
storvideo: 


Ciidamada Kenya Oo Haweeney ku dilay Beled-Xaawo

0
0

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in Barqanimadii maanta Haweeney ay ku dileen degmada Beled-Xaawo ee G/ Gedo.
Haweeneyda la dilay ayaa ka mid ahayd dadka deegaanka, kuwaas oo maanta dibadbax looga soo horjeeda Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ka dhigay magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in Ciidamaday ay burburiyyn Guriga Haweeneydaasi, islamarkaana ay dul marsiiyeen Gaari Baldoosar ah.
Xiisada ayaa weli kacsan, iyadoona degmada Beled-Xaawo laga dareemayo xaalado kacsanaan ah.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay xiisadaasi..
Waxaana uu ugu baaqay madaxda DFS kuwa Jubbaland in ay soo fara galiyaan arrimahaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/gedo.mp3
 
The post Ciidamada Kenya Oo Haweeney ku dilay Beled-Xaawo appeared first on Shabelle.

Ciidamada Kenya Oo Haweeney ku dilay Beled-Xaawo

0
0

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in Barqanimadii maanta Haweeney ay ku dileen degmada Beled-Xaawo ee G/ Gedo.
Haweeneyda la dilay ayaa ka mid ahayd dadka deegaanka, kuwaas oo maanta dibadbax looga soo horjeeda Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka ka dhigay magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in Ciidamaday ay burburiyyn Guriga Haweeneydaasi, islamarkaana ay dul marsiiyeen Gaari Baldoosar ah.
Xiisada ayaa weli kacsan, iyadoona degmada Beled-Xaawo laga dareemayo xaalado kacsanaan ah.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay xiisadaasi..
Waxaana uu ugu baaqay madaxda DFS kuwa Jubbaland in ay soo fara galiyaan arrimahaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/gedo.mp3
storvideo: 

Sida uu Soomaaliya uga sii dabar go'ayo geedka Quraca

0
0

Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa lagu sheegay in ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya ay dabka u sii hurineyso dabar go`a geedka Quraca oo ah geed adag oo si qunyar ah u baxa.

Wasiir Cawad” Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeenna”

0
0

Kigali ( Sh. M. Network )-Wasriirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane; Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay inuu ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area] uu fursad weyn u yahay Soomaaliya.
Abb; Cawed oo ka hadlayay shir madaxeedka Tobanaad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Shalay ka qabsoomay Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ayaa intaa ku daray in Afrika laga doonayo inay ka dhabayso hindisaheeda,iyadoo lagu bixinayo dadaal mug leh si loo gaaro horumar wadaag ah, laguna xisaabtamo inay Dunida Maanta si xowli ah isu beddelayso.
Wasiir Cawad oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Dalka Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay codkeeda ku biiriso taageeridda heshiiskan Taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee Waddamada Afrika, si isbaddal loogu sameeyo dhaqaalaha Qaaradda.
Wasiirka ayaa sheegay in wax wadaagiddu ay fursado waaweyn siinayso shacabkeenna, isla markaana ay ku dedaalayaan ka jibba-gaadhidda filshada dhaqaale ee Dalka, ayna Afrika wadajir u gaari karto koboc dhaqaale.
Ganacsiga xorta ah ayuu sheegay inuu yahay tallaabbo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa, si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah,isagoo miraha heshiiskan ku tilmaamay muqstaqbalka Dhallinyaradeenna iyo jiilka soo koraya, wuxuuna sheegay inuu yahay heshiiska mid xoojinaya wadajirka, madaxbannaanida, xaqiijinta karaamada iyo adkaynta nidaamka Dowliga ah ee Soomaaliya.
“Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, miraha heshiiskanna waa mustaqbalka dhalinyaradeenna iyo jiilka soo baxaya, waxaa intaasi oo dhan ka sii muhiimsan wuxuu xoojinayaa wadajirkeena, wuxuu dhowrayaa madax bannaanideena, wuxuu xaqiijinayaa karaamadeena iyo waxa uu sare yeelayaa heerka aan ka joogno nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa sheegay in waddooyin cusub loo marayo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Qaaradda, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay qabtaan ka Qaarad ahaan iyo Soomaaliyaba, isagoo intaa raaciyay inay dirayaan farriin Qaaradeed oo culus, si ay ugu soo dhalaalaan aaya ka talintooda iyo xoojinta ka dhabaynta astaanta ku suntan Qaaradda barwaaqada ah.
Amb; Cawad ayaa ku cel-celiyay inay Soomaaliya ballan qaadayso inay is barbar taagto oo la shaqayso Ururka Midowga Afrika, si loo sugo meelmarinta heshiiskan iyo fulintiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay faa’iido gaar ah u leedahay Dadkeenna iyo jiilalka soo korayaba.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambayntii kalsooni buuxda ka muujiyay in heshiiskani uu yahay midkii u saldhigay mustaqbal barwaaqeysan oo ay Qaaraddeenna yeelato iyo marxalad cusub oo iskaashi iyo horumar dhaqan-dhaqaale ah oo ay yeeshaan Dowladaheenna iyo shucuubteenna.
The post Wasiir Cawad” Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeenna” appeared first on Shabelle.

Sida uu Soomaaliya uga sii dabar go'ayo geedka...

0
0

Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha deegaanka ayaa lagu sheegay in ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya ay dabka u sii hurineyso dabar go`a geedka Quraca oo ah geed adag oo si qunyar ah u baxa, kaas oo sida warbixinta lagu sheegay muddo dheer laf dhabar u ahaa ganacsiga dhuxusha Soomaaliya ee malaayiinka dollar laga macaasho
Daraasadda oo ay samaysay hay'adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay waxa kaloo lagu sheegay in qiyaastii boqolkiiba shan sannadkii in ay gaadhayso tirada dhirta qudhaca ah ee laga gooyo Soomaaliya.
"Waxaana xaaladda xaalufka ah ee jirta uga sii daraya" ayay tidhi "iyada oo dhir kale oo la beeraa aysan jirin".
Geedka Quraca ah iyo dhirta kale ee abaaraha adkaysiga u leh ee xooluhu calafka ka helaan xilliyada abaaraha, ayaa la sheegayaa haddii ay dabar go'aan inay halis geli doonaan dadka ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.
Xaalufka deegaanka ee dhibta ba'an ku ah xoolaha iyo nolosha xoolo dhaqatada, waxa uga sii daraya sida ay Qaramada Midoobay sheegtay dawlad adag oo aan jirin iyo in dalku aanu lahayn xeerar dhaqangal ah oo lagu maareeyo degaanka iyo ilaalintiisaba.
Waxaanay ku baaqday in si qoto dheer loo qiimeeyo kartida hay'adaha dawladdu u leeyihiin wax ka qabashada xaalufka deegaanka.
Xasilooni darrada siyaasadeed ee jirta awgeed iyo kooxaha maleeshiyaadka ah ee ka ganacsada dhuxusha ayaa iyagana lagu sheegay in ay xawli dheeraad ah geliyeen xaalufinta dhirta ee Soomaaliya, in kasta oo taas qudheedhu meelaha qaar hoos u dhacday.
Waxaase warbixintu ay intaa ku dartay in Soomaaliya ay haysato fursad ay ku tiirsanaanta shidashada dhuxusha ku yarayn karto oo ay tamar kaga heli karto dabaysha, qorraxda iyo gaaska dabiiciga ah.
storvideo: 

Daawo-AGaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinayarada Iyo...

0
0

Daawo-AGaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinayarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo daboolka ka Qaaday In Ururada Ku Shaqaysta Magaca Dhalinyarada dalka Ay Ku Dabogalayaan Howshooda...
AGaasimaga Guud Ee wasaarada dhilanyarada iyo ciyaaraha somalialnd ayaa dhalinayarada wadanka ugu bushaareeyey in uu la barbar taagan yahay in cidkastoo xaqooda hoos udhig ku samaynaysa uu ka horatagayo,isla markaasina ururada magaca dhalinayada dalka ku shaqaysa uu kula xisaabtamo doono waxay u qabtaan da-yarta dalka,sidaasina waxa uu ku shaagay agaasimuhu xaflad dhalinayada - somaliland ku qabsatay.
[embedded content]
storvideo: 

Afrika: Soomaaliya iyo 43 DalkKale oo saxiixay aagga...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa Rwanda ku saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan qaaradda dhexdeeda.
44 dal oo ka tirsan 55 dal oo qaaradda Afrika ah ayaa saxiixay heshiiskan la filayo in suuq xor oo badeecooyinka u kala gudbaan la abuuri-doonno sanadaha soo socda. 1.2 Bilyan oo dad oo qaaradda ku nool ayaa ka faa'ideysan doono, waxaana la sheegayaa in dhaqaalaha kor u kici-doono.
Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika "Single African Air Transport Market", Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka "Protocol on Free Movement of Persons" iyo baasaboorka Afrika.
Suuqan AfCFTA, waxaa uu shaqo abuur u sameyn-doonaa ilaa 1.2 billion oo Afrikaan ah, waxaa uu GDP-ga kor u qaadi-doonnaa illaa 2.5 trillion U.S.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qarax...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):- War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qarax Galinkii dambe ee maanta ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Wahliye oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ay ku baahiyeen Al Shabaab barahooda Internetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay la beegsadeen kulan ay lahaayeen Saraakiil Ciidan , Xildhibaan iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay Khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen weerarkaasi.
Hase ahaatee Al Shabaab ayaan carabaabin Xaddiga uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ay sheegeen in weerarkooda uu ka soo gaaray Masuuliyiinta halkaas ku shirayay sida ay hadalka u dhigeen.
Dowladda Soomaaliya oo dhinaceeda ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 10 qof oo Shacab ah islamarkaana 5 kale oo isla shacab ah ay ku dhaawacmeen.
storvideo: 

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qarax ka dhacay Muqdisho.

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):- War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qarax Galinkii dambe ee maanta ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Wahliye oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ay ku baahiyeen Al Shabaab barahooda Internetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay la beegsadeen kulan ay lahaayeen Saraakiil Ciidan , Xildhibaan iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay Khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen weerarkaasi.
Hase ahaatee Al Shabaab ayaan carabaabin Xaddiga uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ay sheegeen in weerarkooda uu ka soo gaaray Masuuliyiinta halkaas ku shirayay sida ay hadalka u dhigeen.
Dowladda Soomaaliya oo dhinaceeda ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 10 qof oo Shacab ah islamarkaana 5 kale oo isla shacab ah ay ku dhaawacmeen.
The post Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qarax ka dhacay Muqdisho. appeared first on Shabelle.

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Qaraxa ka dhacay...

0
0


Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Qarax gaari oo galabta ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Wehliye oo ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.
Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii qaraxaasi waxyeelada ay ka soo gaartay.
C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeryoodeen 14 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, warar ka madax banaan Wasaaradda Amniga waxa ay sheegayaan in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.
Wuxuu sheegay in weli Hay'adaha ammanaka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ayna soo bandhigi doonaan, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago inuu daato dhiiga qof muwaadin ah.
Dhanka kale Wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj, kana bad baaday qaraxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marqura uu ka war helay jug culus iyo uuro cirka iksu shareertay, wuxuuna tilmaamay inuusan ka warheyn meesha uu ku dambeeyay qof uu ku waday Mootada.
Khasaaraha ugu badan Qaraxan wuxuu ka soo gaaray Dhalinyaro ku shaqeysaneysay Mooto Bajaajta oo wadada marayay iyo dad goobo ganacsi ku lahaa halkaasi, kuwaasi oo u badnaa Haween.
War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
11-kii bishii September 2017-kii ayay aheyd markii sidan oo kale isla goobtan uu ka dhacay Qarax gaari, kaasi oo dilay inka badan 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay sheegeen Hay'adaha ammaanka.
storvideo: 

Daawo Video:-FAAH FAAHIN: Qarax khasaaro geystay oo...

Muwaadin Heystay Dhalashada Finland oo ka mid ahaa dadkii ku Geeriyooday Qaraxii Muqdisho.

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Warar dheeraad ah oo Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay ka heleyso Qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka shacabka ahaa ee ku dhintay Qaraxaasi uu ka mid ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Dalka Finland.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ehelladiisa waxaa lagu Magacaabi jiray Marxuumkaasi  Xuseen Maxamed Dirir oo ka yimid dalka Finland.
Waxaa sidoo kale la Geeriyooday  oo ay wada socdeen xilliga weerarku dhacayay Wiil uu Abti u ahaa oo isna Lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Urur oo ahaa Bajaajle.
Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxo laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada Hor marta Hoteel Wehliye ayaa inta la Ogyahay waxaa ku dhintay inkabadan 10 qof halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Waxaana Masuuliyaddiisa Dusha u ritay Xarakada Al Shabaab kuwaas oo sheegay in ay la beegsadeen Saraakiil Ciidan , Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan sida ay tilmaameen.
The post Muwaadin Heystay Dhalashada Finland oo ka mid ahaa dadkii ku Geeriyooday Qaraxii Muqdisho. appeared first on Shabelle.

Ururka Ciidamada Booliska Soomaalida Mareykanka oo War Kasoo Saaray Eedaha Loo Soo Jeediyay Maxamed Nuur

0
0

Urur ay ku mideysanyihiin ciidamada booliska Soomaali-Mareykanka ee gobolka Minnesota ayaa ayaa sheegay inay ka xunyihiin eedaha loo soo jeediyay Maxamed Noor oo horey uga tirsanaa booliska Magaalada Minneapolis.

Muwaadin Heystay Dhalashada Finland oo ka mid ahaa...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Warar dheeraad ah oo Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay ka heleyso Qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadka shacabka ahaa ee ku dhintay Qaraxaasi uu ka mid ahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Dalka Finland.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ehelladiisa waxaa lagu Magacaabi jiray Marxuumkaasi Xuseen Maxamed Dirir oo ka yimid dalka Finland.
Waxaa sidoo kale la Geeriyooday oo ay wada socdeen xilliga weerarku dhacayay Wiil uu Abti u ahaa oo isna Lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Urur oo ahaa Bajaajle.
Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxo laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada Hor marta Hoteel Wehliye ayaa inta la Ogyahay waxaa ku dhintay inkabadan 10 qof halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Waxaana Masuuliyaddiisa Dusha u ritay Xarakada Al Shabaab kuwaas oo sheegay in ay la beegsadeen Saraakiil Ciidan , Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan sida ay tilmaameen.
storvideo: 


Ururka Ciidamada Booliska Soomaalida Mareykanka oo...

0
0

WASHINGTON. D.C --
Urur ay ku mideysanyihiin ciidamada booliska Soomaali-Mareykanka ee gobolka Minnesota ayaa ayaa sheegay inay ka xunyihiin eedaha loo soo jeediyay Maxamed Noor oo horey uga tirsanaa booliska Magaalada Minneapolis.
Maxamed Nuur ayaa lagu tuhunsanyahay dilka haweeneey caddaan ah oo sannadki hore lagu toogtay magaalada Minneapolis ee goboka Minnesota. Maxamud oo ay boolisku xireen ayaa xalay dammaanad lagu sii daayay.
War qoraal ah oo ay soo saareen ururkan ayay ku sheegeen in ay rumeysanyihiin in eedaha loo heysto Maxamed Nuur yihiin kuwo la siyaasadeeyey isla markaanka ay cunsuriyadi ka dhadhameyso.
Maxamuud Mascade, Wariyeheenna nooga soo warama Gobolka Mineesota ayaa khadka taleefanka ee Muqdisho oo uu haatan ku suganyahay kula xiriiray, Afhayeenka ururkan, Waxiid Siraaj.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:54 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyadii lala...

0
0

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra'iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku tagay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wada hadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa,wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la'aan looga dhigo Soomaalida.
Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.
1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA
2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda
3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga
4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan
5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha
6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha
7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta
8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada
9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare
10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha
11) Is-afgaradka Kalluumeysiga
12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha
13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha
14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.
Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.
Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo wali Bishii Sedaxaad ay socoto.
Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.
Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo dastuurka u yaalla Dalka.
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.
storvideo: 

Weerar dumar lagu sumeeyey oo ka dhacay magaalada...

0
0

Mid ka mid ah dumarka la sumeeyey
Weerarkan ayey dadka qaarkood waxay ku tilmaameen inuusan ahayn mid caadi ah. Qaar ka mid ah gabdhahaas xaaladdooda waxaa la soo sheegay in ay liidato, sida laga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Weerarka oo ka dhacay degmada Cabdulcasiis ayuu weriye BBC ka tirsan sheegay in ay ka dambeeyeen rag saarnaa gaari aan taargo lahayn oo noociisu ahaa Toyota Noah, sida ay u sheegtay Basmo Caamir oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir.
Dad gaariga saarnaa ayaa lagu soo warramay inaya sun aan nooceeda la sheegin ku buufiyeen haweenkaas, xilli ay hawlo nadaafadeed wadeen, kuwaasoo 11 ka mid ah ay waxyeello soo gaartay, 4 ka mid ahna ay aad u liitaan.
Wariyaheennu wuxuu sheegay in hawlwadeennada caafimaadka iyo laamaha amaankaba ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan wixii dhacay, hase yeeshee wuxuu sheegay in dembi baarayaal booliska ka tirsan ay qaadeen dhacaanno, si loo ogaado nooca suntan la adeegsaday.
Waa markii ugu horraysay ee weerar sun ah loo adeegsado Muqdisho inta la ogyahay taariikhda, waxayna dad badan ka cabsi qabaan in mar kale uu weerarkaas oo kale dhaco, ayadoo aysan Soomaaliya lahayn imkaaniyaad wax looga qaban karo sunta kiimikada iyo tan bayolojiga.
storvideo: 

Puntland : Ganacsato beenisay Iney Taageero siiyaan...

0
0

Bosaso[Puntland Post]- Magaaladda Bosaso Waxaa lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatade reer Puntland Ah, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo aqoonyahano.
Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn lagu tilmaamo waxa uusan ahayn,. isla markaana ka maamul ahaan caddenayaan in ganacsatadaasi aysan lahayn dambigaasi.
"Markaan wax badan baarnay, waxaan oganaay in ganacsatadaasi aysan lahayn dambi, waana difaaci doonaa ciddii aan dambiga lahayn oo qaab siyaasad kale ah loogu soo oogay dambi aysan lahayn " ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo
Siyaasi Khadar Xaaji Mire oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagu soo duulay ganacsatadii gobolka Bari, isla markaana aysan u dul qaadan doonin.
Sidoo Kale Qaar Kamid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Bari ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay Go'aanka ay Kooxda La socodka Cunaqabateynta ee saaran soomaaliya iyo Eritrea, Ku eedeeyeen Ganacsatadan Soomaaliyeed.
Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan Dhaq-dhaqaaqa Daacish.
Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri,Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso
The post Puntland : Ganacsato beenisay Iney Taageero siiyaan Ururka Daacish appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay Dib-u...

0
0

22nd March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra'iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas'uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini'aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.
"Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood" Ayuu yiri Mudane Mahdi.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.
" Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa'iido badana aysan ku haysan Ciidanku". Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto.
Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.
---- DHAMAAD------
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live