Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Qaraxii ka dhacay...

$
0
0

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye ee Wadada Maka Al-mukarrama. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo lahadlay Warbaahinta ayaa sharraxay khasaaraha, waxa uu sheegay in 14 ay dhimatay, halka uu sheegay in kabadan 5 kalena uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi. Kooxaha [...]
storvideo: 


Dalladda PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan arrimaha...

$
0
0

Shir ku saabsan wada-tashiga xaaladaha xuquuqda Insaanka Puntland oo ay iska-kaashanayan Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe.
Shirkaan oo mudda laba maalmood ah soconaya ayaa looga hadlayaa kor u qaadista wada-shaqeynta ka dhexaysa Dalladda ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland,gaar ahaanna sidii Xafiisku ula wadaagi lahaa bulshada rayid ah warbixinaha la xiriira heerka xuquuda Insaanka ee degaannada Puntland.
Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) oo ka hadlay furitaanka shirkaan, ayaa sheegay in dalladda ay ka go'antahay in ay Xafiiska Difaaca kala shaqeyso u qareemidda arrimaha Xuquuqda Insaanka,si loo helo xogta rasmiga ah ee heerka Xuquuqda Aadanaha ee ka jira guud ahaan degaannada Puntland.
Dhinaca kale Maxammed Yuusuf Cali,Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland,ayaa shirka ka sheegay in ay diyaar u yihiin la-wadaagista bulshada rayidka ah,Xogta iyo warbixinaha ku saabsan heerka xuquuqda Insaanka,gaar ahaanna xaaladda ka jirta xabsiyada ku yaalla guud ahaan degaannada Puntland.Ciid QaranPUNTLAND POST
The post Dalladda PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan arrimaha xuquuqul insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.22-03-2018

Xildhibaanka aan qaan gaarin

$
0
0

22nd March 2018 admin Category :
Ilyaas Cali Xasan, waa Senetor Soomaaliyeed oo ka soo jeeda beesha Mirifle- Eelay, qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayuu ku lamaaniyey sawirka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, isaga oo Bulshada uga dhigaya in Beyle qaraaxa ka danbeeyey

Inaa lilahi wa inaa ileeh raajcuun! Inta kudhimatey Allah ha unaxriisto inta kudhawaacanteyna Allah ha caafiyo Qaraxa...
Opslaet af Ilyas Ali Hassan pa 22. marts 2018

storvideo: 

Garyaqaankii Guud ee Puntland oo geeriyooday

$
0
0

22nd March 2018 admin Category :
Allah ha u naxariistee waxa caawa Garowe ku geeriyooday Maxamed Muuse Ismaaciil
Magaalada Garowe ee caasumadda Puntland waxaa caawa ku geeryooday Allah ha u naxariistee Maxamed Muuse Ismaaciil oo ahaa Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland
Garyaanka ayaa ku geeryooday Isbitalka Guud ee Garowe, oo xanuun u jiifay
storvideo: 

Daawo:” Waxaa la sheegayaa in galabta Cuqaali Star...

$
0
0

Daawo:" Waxaa la sheegayaa in galabta Cuqaali Star ay kula Kulmeen WasiirGuribarwaaqo Xaalna ay yidhaahdeen bixi si arinta si hoos ahaana loogu dhamayno ... Arintan Guri Barwaaqo iyo Hablaha Beesha waxaa xal u noqonaysa in Buuga Wasiirku Gacantiisa ku gubo " Khadar I Cilmi Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Maraykan ee Beesha
storvideo: 

Al Shabaab claims deadly blast outside hotel in Mogadishu

$
0
0

Al Shabaab has claimed credit for a deadly car bomb attack outside a hotel in Mogadishu which killed at least 14 people and wounded dozens on Thursday afternoon.
The explosion outside Wehliye hotel on a busy road in Somalia’s capital on Thursday that was followed by gunfire, police, and witnesses said.
Al Qaeda-linked Al Shabaab militants claimed responsibility, saying it targeted government officials gathering in the hotel.
The group often carries out frequent bombings and other attacks in Mogadishu in a campaign to topple Somalia’s Western-backed federal government.
Abdiasis Ali Ibrahim, the spokesman for the internal security minister, told the media that the blast had killed 14 people and wounded many others, who were passer-by civilians.
 
The post Al Shabaab claims deadly blast outside hotel in Mogadishu appeared first on Shabelle.

Xaliima yareey oo ka hadashay nooca doorashada ka...

$
0
0

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegya inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.
Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020.
Doorashada ayay sheegtay inay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna intaa raacisay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo, iyadoo go'aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka.
Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah o biuuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.
storvideo: 


Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo diyaarisay sharciyadii lagu hagi lahaa doorashooyinka Dalka.

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo diyaarisay sharciga doorashooyinka dalka.
Sharcigaan ayuu sheegay in dhawaan la horkeeni doono Golaha Wasiirada Soomaaliya si ay u meel mariyaan.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay iska kaashanayaan sidii dalka looga hir gelin lahaa Garsoor mid ah.
Arrimahaan ayaa looga hadlay shalay kulankii Khamiislaha ahaa ee ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
The post Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo diyaarisay sharciyadii lagu hagi lahaa doorashooyinka Dalka. appeared first on Shabelle.

Maamulka degmada Maxaas oo wada dadaallo dib u heshiisiined oo la kala dhex dhigayo beelo wada dega Degmadaas.

$
0
0

Maxaas ( Sh. M. Network):-Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Cawaale ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado dadaallo dib u heshiisiineed ee loo sameynayo beelaha walaalaha ah ee wada dega halkaas.
Waxa uu hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha in aan horay wax dib u heshiisiin ah looga sameyn degmada Maxaas balse ay ka codsanayaan Masuuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Maamulka Hirshabelle in ay gacan ku siiyaan dadaalada dib u heshiisiineed ee maamulkiisa uu wdo.
Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa horay waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo walaalo ah ee wada dega halkaas.
Maamulka degmada Maxaas ayaana u muuqda in haatan uu xoogga saarayo dadaaladaasi dib u heshiisiineed ee la dhex dhigayo beelahaasi walaalaha ah.
The post Maamulka degmada Maxaas oo wada dadaallo dib u heshiisiined oo la kala dhex dhigayo beelo wada dega Degmadaas. appeared first on Shabelle.

R/wasaare Khayre oo balanqaday in dowladdu ay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye.
"Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho" ayuu yiri R/wasaaraha dalka.
"Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka s"hacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday." ayuu yiri R/wasaare Khayre.
R/wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.
storvideo: 

Maamulka degmada Maxaas oo wada dadaallo dib u...

$
0
0

Maxaas ( Sh. M. Network):-Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Cawaale ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado dadaallo dib u heshiisiineed ee loo sameynayo beelaha walaalaha ah ee wada dega halkaas.
Waxa uu hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha in aan horay wax dib u heshiisiin ah looga sameyn degmada Maxaas balse ay ka codsanayaan Masuuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Maamulka Hirshabelle in ay gacan ku siiyaan dadaalada dib u heshiisiineed ee maamulkiisa uu wdo.
Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa horay waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo u dhexeeyo beelo walaalo ah ee wada dega halkaas.
Maamulka degmada Maxaas ayaana u muuqda in haatan uu xoogga saarayo dadaaladaasi dib u heshiisiineed ee la dhex dhigayo beelahaasi walaalaha ah.
storvideo: 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo diyaarisay sharciyadii...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo diyaarisay sharciga doorashooyinka dalka.
Sharcigaan ayuu sheegay in dhawaan la horkeeni doono Golaha Wasiirada Soomaaliya si ay u meel mariyaan.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay iska kaashanayaan sidii dalka looga hir gelin lahaa Garsoor mid ah.
Arrimahaan ayaa looga hadlay shalay kulankii Khamiislaha ahaa ee ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
storvideo: 

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Suudaan oo...

$
0
0

Khaartuum(SONNA) Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku leedahay Dalkane Suudaan ayaa muddo 3maalin ah oo baroordiiq ah u sameysay Ra"sul Wasaarahii ugu waqti dheeraa ee soo mara Jamhuuriyadda Jabuuti Allaha u Naxariistee Barkhad Gurad Xamaadu oo dhawaan ku geeryooday Dalka Faransiiska.
Waxaan Safaaradda Jabuuti ee Suudaan soo booqanyay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan si aay ugu tacsiyadeeyan geerida ku timid Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.
Sido kale waxey tasci u direen Safiiradaasi Dhamaan reer Jabuuti Xukuumad iyo Shacaba inuu ilaahey samir ka siiyo Marxuumka.
Dhanka kale Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Dalka Suudaan Danjire Axmed Cali Barre ayaa tacsi u diray eheladii iyo Qarabadii uu ka baxay Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu asigoone Alle ugu baryay inuu Janada Firdowsa ka waraabiyo.
Sido kale Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule ayaa asigana tacsi u diray Qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabkii reer Jabuuti ee uu ka baxay marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.
storvideo: 

Suuriya: Mucaaradka bariga Ghouta oo xabad joojin ku dhawaaqay

$
0
0

Mid ka mid ah kooxiha mucaaradka ee ku haray bariga Ghouta, ayaa waxay ku dhawaaqeen xabad joojin.


Suuriya: Mucaaradka bariga Ghouta oo xabad joojin ku...

$
0
0

Mid ka mid ah kooxaha mucaaradka ee ku haray bariga Ghouta, ayaa waxay ku dhawaaqeen xabad joojin.
Kooxda Faylaq al-Rahman ayaa waxay sheegeen in heshiiska ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay uu ka dhaqangali doono Koonfurta Ghouta saacadu markay tahay 1 habeenimo.
Kooxdani ayaa intaa ku dartay in tillaabadani ay suuragal ka dhigayso in wadahadal lala galo militariga Ruushka si loo damaanad qaado ammaanka dadka rayidka ah.
Kooxaha mucaaradka ee qaybaha kale ayaa heshiis kan la mid ah horey u gaaray.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaay bariga Ghouta u kal go'nayd saddex qaybood.
Maxay sheegeen kooxda Faylaq al-Rahman ?
Afahyeenka kooxdani Wael Alwan ayaa galankii dambe ee Khamiistii sheegay in xabad joojin lagu heshiiyay "si wadaxaajood loola gali dhanka Ruushka si xal loogu helo damaanad qaadku aadan ammaanka dadka rayidka ah.
Heshiiskani ayaa lagu gaaray "iyada oo loo sii marayo Qarmada Midoobay", ayay sheegeen kooxdani oo gacanta ku haysa qaybta Arbin iyo Zamalka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo imika militariga Ruushka ,dowladda Suuriya ama Qaramada Midoobay.
Ma cadda ilaa iyo imika in heshiiskani uu taabagal noqon karo iyo in kale.
storvideo: 

Dowladda Turkiga oo Xabsiga dhigtay Dad looga...

$
0
0

Istambuul-(SONNA)-Dowladda Turkiga ayaa Xabsi ku yaalla Istambuul dhigtay 14 Qof oo looga shakisan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Daacish, sida ay laamaha ammaanka sheegeen Jimcaha Maanta ah.
Booliska ka hor taga argagixisada ayaa si isku mid ah ugu howl-galay Sagaal Degmo oo ay Dadka ku badan yihiin, lamana caddeyn xubnahan lasoo qabtay magacyadoodsa sababo jira awgood.
Laamaha ammaanka Dalka Turkiga ayaa sheegay inay Degmooyinka qaar kasii socon doonaan howl-gallada lagu baadi goobayo tuhmanayaasha lala xiriirinayo inay Gacan saar la leeyihiin Daacish.
Tuhmanayaashan ayaa markii lasoo qabanayay isu diyaarinayay weerar, markii laga helay macluumaadyo ay ka mid yihiin Dukumiintiyo iyo qalabka Ellegtarigga ee ay adeegsadaan Daacish,sida laga soo xigtay ilo ku dhow howl-galka.
Ciidanka ammaanka ee Turkiga ayaa la sheegayaa inay muddo badan la socdeen dhaq-dhaqaaqyada kooxdan la qabtay, kuwaasoo qorsheynayay inay weerar ka geystaan gudaha Turkiga.
In ka badan 300 oo Shacab ah ayaa ku naf weyday weerarro ay masuuliyaddiisu sheegatay Daacish oo ka dhacay gudaha Dalka Turkiga, kuwaasoo loo adeegsaday ismiidaamin, Hoobiyeyaal iyo weerarro bareer ah.
Isha/ Anadolu
storvideo: 

AMISOM Oo tababar u soo xirtay Askar ka tirsan kuwa DFS

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababar magaalada Muqdisho ugu soo gabagabeeyay 30 Askari oo ka tisran Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Tababarkaasi oo lagu baranayay ilaalinta Caruurta yar yar ayaa waxaa Ciidamada ka qeyb galayay ay ka kala yimaadeen qaar kamid ah gobollada dalka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan howlgalka AMISOM.
Ku xigeenka howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaasi uu muhiimad weyn u leeyahay Ciidamada ammaanka Soomaaliya, isaga oo intaasi ku daray in Caruurta Soomaliyeed ay xilligan ku jiraan xaalad halis ah.
Tababarkan oo ay maal galisay safaarada dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa wuxuu door weyn ka qaadanayaa in laga hortago halista ay wajahayaan Caruur badan oo Soomaali ah.
Sarkaal ka tirsan safaarada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa xusay in ay sii kordheyso tirada Caruurta la Askareeyo ee ku sugan Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in hoos loo dhigo dhibaatooyinka Caruurta Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Ciidamada tababarkaasi la siiyay ayaa ballan qaaday in ay ka hortagayaan qatar loo geysto mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed.
Warbixino ay horay u soo saareen ha'yadaha u dooda xuquuqd Caruurta ayaa lagu sheegay in Al Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay Askareeyeen Caruur badan oo Soomaali ah.
storvideo: 

Wareysi: Xaaladda Biyo Yarida Soomaaliya

$
0
0

Khamiistii (March, 22), dunidu waxey xustay maalinta biyaha aduunka oo ah maalin loo asteeyay wacyi galinta, ahmiyadda biyaha ee nolosha. Waxay sidoo kale sheegtay in helista biyo nadiif ah oo la cabo aysan aheyn wax qof walba uu heli karo.
Soomaaliya waxey ka mid tahay meelaha biyo la'aantu ay halista ku heyso nolosha dadka; wabiyo gura iyo abaarana ay ku soo noqnoqdaan.
Maxamed Colaad Xassan ayaa dhibaatada biyaha Soomaaliya wax ka weydiiyay Eng: Yarow Shariif Aadan, oo bartay cilmiga macdanta iyo biyaha oo madax ka soo noqday sheybaarkii macdanta Soomaaliya ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre, iyo Professor Ibrahim Maxamed Faarax, oo isna macallin ka ahaa Jaamcaddii Gaheyr, Qeybta cilmiga dhulka iyo macdanta. Labaduba waxay ku sugan yihiin magaalada London ee dalka Ingriiska, waxana hadalka ku horeynaya Eng. Yarow.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:42 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Q.M. oo Eedeysay Isbaheysiga Sacuudiga

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duqeynta isbaheysiga uu Sacuudigu hormuudka ka yahay ay ka wadaan Yemen ay leedahay sababta ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ka soo gaaraya colaadda Yemen.
Wariyaha VOA Lisa Schlein, ayaa warbixintan ka soo dirtay Geneva waa kan Ibrahim Xassan Dandureey oo inoo soo jeediya.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:21 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live