Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

THAABID: Shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loo...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho ee xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mudane Taabit Cabdi ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, sidoo kale dadkii la sumeeyay iyo qoyskii ku dhintay dabkii ka kacay Yaaqshiid.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan mudnayn in lagu dul-cayaaro dhaanto siyaasadeed.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku billabaay; Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.
Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la'aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.
Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo.
Ugu dambeyn, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay'addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado.Waxaan ku baaqayaa:

  1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin.
  2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay'addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka.
  3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah.
  4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan.

PUNTLAND POST
The post THAABID: Shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loo turo oo aan lagu dul-cayaarin appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo soo xiray...

$
0
0

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane; Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay inaysan doorasho Qof iyo Cod ah ka qabsoomayn Soomaaliya haddii aan la dhisin Dowladaha hoose ee Dalka.
Mudane; Sabriye oo soo xirayay shirkii Maalmahan ugu socday Magaalada Muqdisho, Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha Dowladaha hoose ay tahay saldhigga horumarka Dalka.
Shirka ayaa laga soo saaray Qodobbo lagu qeexayo caqabadaha haysta dhismaha golayaasha Degmooyinka Dalka iyo iney yeeshaan maamullo lasoo doortay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanayd dhismaha golayaasha Degmooyinka Dalka iyo iney yeeshaan maamullo lasoo doortay, in la sameeyo dib u heshiisiin iyo sidii horay looga dhaqaaqi lahaa halka imminka la taagan yahay.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Koofur Galbeed ,Maxamed Madobe Nuunoow iyo dhiggiisa Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka maamul goboleed ahaan qaadanayaan doorkooda ku aaddan dhismaha Dowladaha hoose ee Dalka.
Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimoqraadiyadda Gobolka Banaadir , C/fataax Cali Xasan, ayaa soo dhaweeyay go'aannada kasoo baxay shirka Madasha Wada tashiga Wasaaradaha Arrimaaha arimaha Gudaha iyo Gobolka Banaadir ee ku aaddanaa hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose, wuxuuna ku tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya taabba gelinta Dimoqraaddiyadda Dalka.
28-ka Maarso ee Sanadkan ayaa loo madlan yahay inuu wejiga xiga ee shirkan ka dhaco Magaalada Baydhabo, kaasoo sida lagu wado laga soo saari doono nooca ay tahay tahay doorashada la qorshaynayo inay Dalka ka qabsoonto Sanadda 2020-ka.
storvideo: 

Daawo: Ex.Wasiir Mustafe abraar Oo Ganafka Ku...

$
0
0

Daawo: Ex.Wasiir Mustafe abraar Oo Ganafka Ku Dhuftay Hadal Ka Soo Yeedhay Gud.Ciro Fariina u diray Dawlada Somalia Sidoo kale Sheegay in Ololhoodu aanuu ahayn In aanu wasiir helaan ee ay ahayd in Xisbigu Guulaysto.
[embedded content]
storvideo: 

Dowladda Kenya oo markale dib u bilowday dhismaha...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay in wada hadalkiisa u socday labada Maamul ee Belad-Xaawo iyo Mandheere uu dhicisoobay, sababa la xiriira dhismaha darbiga labada magaalo oo Kenya ay dib u bilowday. Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wada hadalka ay la galeen Maamulka Mandera uu ujeedka [...]
storvideo: 

Cayaaro saaxiibtinimo oo caawa dhacaya

$
0
0

Waxaa caawa ka dhici doona dalal badan oo dunida ah kulamo cayaareed oo saaxiibtiimo, oo ay cayaari doonaan qaar ka mid ah xulalka dunida.

Kulamadan ayaa waxaa badankood la isugu diyaarinayaa koobka kubadda cagta adduunka ee bisha June ee sanadka lagu qabanayo dalka Ruushka.

Cayaaraha dhacaya ayaa ah kuwan

Japan vs Mali

Azerbaijan vs  Belarus

Cyprus vs Montenegro

Finland vs FYR Macedonia

Russia vs Brazil

Bulgaria vs Bosnia-Herzegovina

Norway vs...

Cayaaro saaxiibtinimo oo caawa dhacaya

$
0
0

Waxaa caawa ka dhici doona dalal badan oo dunida ah kulamo cayaareed oo saaxiibtiimo, oo ay cayaari doonaan qaar ka mid ah xulalka dunida.
Kulamadan ayaa waxaa badankood la isugu diyaarinayaa koobka kubadda cagta adduunka ee bisha June ee sanadka lagu qabanayo dalka Ruushka.
Cayaaraha dhacaya ayaa ah kuwan
Japan vs Mali
Azerbaijan vs Belarus
Cyprus vs Montenegro
Finland vs FYR Macedonia
Russia vs Brazil
Bulgaria vs Bosnia-Herzegovina
Norway vs Australia
Turkey vs Republic of Ireland
Greece vs Switzerland
Hungary vs Kazakhstan
Senegal vs Uzbekistan
Tunisia vs Iran
Saudi Arabia vs Ukraine
Serbia vs Morocco
Argentina vs Italy
Austria vs Slovenia
Germany vs Spain
Netherlands vs England
Poland vs Nigeria
Portugal vs Egypt
Scotland vs Costa Rica
France vs Colombia
Curacao vs Bolivia
Peru vs Croatia
Mexico vs Iceland
storvideo: 

Taabit Cabdi oo sheegay in shacabka Muqdisho aaney...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo dhibaatada ku dhaceyso Shacabka Soomaaliyeed.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalkiisa oo dhameystiran:
Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la'aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo.Ugu dambeyntii, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay'addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado.Waxaan ku baaqayaa:1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin.2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay'addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka.3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah.4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan.Ugu dambeyntii, waa in biseylka shacabka marna aanan la beerdareyn, mudanyihiina in loo turo oo aan dushooda dhaanto siyaasadeed lagu dheelin.MahadbadanMudane: Thaabit Cabdi Maxamed
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

MOOSHINKA YAAN UGA DACWOONAA?

$
0
0

MOOSHINKA YAAN UGA DACWOONAA?
Mar 23, 2018 -
Mooshinka laga keeney Gudoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ku beegneed 14-kii bishan waxa uu curyaamiyey howlihii shaqo ee Xukuumadda iyo Baarlaamaaka taasoo dhibaato ku noqtay shacbkii Soomaaliyeed ee dowlo ku noolka ahaa...

  1. Wasaaradadihii shaqo kama socoto sababo la xiriira Mooshinka ay gadaal ka riixeyso xukuumaddaa Soomaaliaya, waxaana la mid ah oo aaney shaqo ka socon Golihii Shacabka Soomaaliya, Xildhibaanadii waxay u kala xusul duubayaan sidii loo ridi lahaa Jawaari iyo sidii uu ku sii joogi lahaa.
  2. Intii lagu jirey Mooshinka waxaaa siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada muqdisho oo kaliay ka badan 10 qof.waxayna dilaalkaasi kaa dhaceen degmooyinka Yaaaqshiid, Wadajir, Xamar Weyne iyo Hodon.
  3. 22-kii Bishaan waxaa la sumeeyey Haween Soomaaliyed oo nadiifinayey Wadooyika Magaalada Muqdisho mana jirto Cid loo soo qabtey
  4. 22-kii Bishan Mooshinka la wado Waxaa uu ragaadiyey Gurmadkii loo Fidinayey Walaasheen iimaan in uu gaabis ku yimaado taasina Sababtey in ay ku Geeriyooto dalka Jabuuti
  5. 22-kii bishan oo shalay aheyd Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa Agagaarka Hoteelka Wehliye ku diley ku dhowaaad 20 qof oo shacab ah, waxaana jira dhaawac kale oo cusbataaalda la dhigay..
  6. 21-kii bishan Dagaal qaraar ayaa waxaa uu Tarabuunka ku dhex maray Ciidamada dowladda waxaa ku geeriyoodey laba Askari iyo Todoba qof oo shacab ah, waxaana Taliayaha Milatariga Soomaaliya sheegay in aan qofna ku dhiman.
  7. 19-kii bisha waxaa Magaaladaa Muqdisho ku geeriyoodey qoys ka kooban shan qof, gabar marti u aheyd iyo Hooyadood, Aabihiina weli waa sakaraad, kadib markii uu ku gubtey Hoygooda oo ku yaala Degmada Yaaqshiid, ma jirto cid ka hadashay oo u gurmatey oo gobolka iyo Xukuumaddaa ka tirsan..
  8. 18-kii bishan Waxaa baaqday safar uu Madaxweynaha Soomaliya ku tegi lahaa dalka Qadar si uu halkaas ugu soo saxiixo Mashaariic faa'iido u leh dalka iyo dadka.
  9. 17-kii Bishan Beesha Caalamku waxay sheegtay iney hakineyso dhaqaalihii ay ku bixin jirtey Soomaaliya tan iyo inta xal laga gaarayo Mooshinka laga keenay Gudoonka Baarlamaanka marka laaga reebo xaaladaha degdega ah.
    NB Intii uu Mooshinka socdey waxaa soo yeerey Hal shey oo yedidiilo leh kaasoio ka soo baxay Kulankii Golaha wasiirada ee Shaley oo ahaa in 14 Heshiis lala gaarey Dowlada Turkiga
    Hadii aan xal laga gaarin arintan waxay ceeb iyo sharaf dhac ku tahay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.. fadlan sharciga halagu kala baxoW/DCabdinaasir Xersi Iidle E-Mail naasirx1@gnail.comTel 00252615503978

English News
storvideo: 


VIDEO Gabar Liibiya madaxfurasho loogu heysto oo...

$
0
0

Wararki hore
Wararki hore
storvideo: 

Qormada wasiir Gacal :Kaalinta xukuumada ee...

$
0
0

Xukuumadda & Barlamaanka Federaalku waa laba hay'adood oo kala madax-banaan, waajibka Barlamaan-kuna uu yahay; in uu Xukuumadda iyo Barnaamij-keeda ansixiyo, lana xisaabtamo, kalsoonida kala laabto hadii ay fulin waydo Barnaamijkii ay umadda ka balan qaaday una dhaaratay.Beryahaan waxaa baraha bulshada aad loogu eedeeyey in Xukuumaddu ay ka danbeyso, gadaalna ka riixayso Mooshinka Gudoomiye Jawaari, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda.
Hadii lagu qiimeeyo aragti dhex-dhexaad ah waxaa kuu soo baxaya in Xukuumadda iyo Barlamaanku is dhex-galeen, iskuna milmeen, ayna adagtahay in ay kala madax-baneeyo, lana kala saaro, is lana xisaab-tamaan labada gole sababahaan awgood:1. Sedex meelood laba Golaha Xukuumadda waa Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka.2. Wasiirada ka baxsan Xildhibaanada waxaa keenay ama u ololeeyey Xildhibaanno ama Guddoonka Barlamaanka.3. Hadii aad booqato Xafiisyada Madaxweynaha, R/wasaaraha, Wasiirada iyo Gudoomiyaha Gobalka waxaa safaf dheer dheer ku jira Habeen iyo Maalin Xildhibaano, waxaana adag in qof kale uu fursad ka helo, dhinaca kale hadii aad tagto Xafiisyada Guddoonka Barlamaanka kuma arkaysid Xildhibaanno fara badan.4. Malagga kaliya ee Xukuumaddu ka cabsato waa Xildhibaanada aan ka tirsanayn Wasiirada iyo Guddoonka, waxeyna ku dadaashaa wax kasta oo lagu raali-gelin karo, hadii kale 6 bil kasta waa Mooshin diyaar ah.
5. Hadii Xildhibaanadu Mooshin la daba taagan-yihiin kuraasta Wasiirada! Ma jiraa shacab Mooshin la daba taagan kuraasta Xildhibaanada 4 sano ka hor?.6. Hadii Wasiirada inta badan ay Xildhibaano yihiin! Inta kale-na ay Xildhibaanno keeneen ama ay talo ku lahaayeen ama u shaqeeyaan Xildhibaanada! Maxey sanad kasta u bedelaan?.7. Hadii Wasiirkii Maaliyadda, Gaashaan-dhiga, Amniga iwm ay Xildhibaanno yihiin, Awoodiina haystaan, maxaa u diidaya in ay iska difaacaan Xildhibaanada raba in ay kuraasta ka kacsadaan?8. Hadii Gudoomiye Jawaari uu keensaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda uuna difaacay 2 sano una diiday in lala xisaabtamo, lana weydiiyo Mushaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha 9 bilood! Maxaa Wasiirka Maalidda u diidaya in uu kursigiisa difaacdo?.9. Hadii Barlamaanku diiday in uu kala saaro Xubnaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Xukuumadda! Maxaa diidaya in mar kasta kuraas la isku qabsado?
Hadaba waxaa muuqata in Xukuumaddu ka faa'iidaysatay waaya aragnimadii laga bartay Xukuumadihii ka horeeyey ee lagu riday gacanta Barlamaanka.
Hadii Xukuumaddu ay haysato 45 Wasiir oo Xildhibaanno ah, mid kastana uu keeno 2 Xildhibaan, taageerana ka hesho Gudoomiye ku xigeenka iyo 3 Xildhibaan kaliya, natiijadu waa: 45 + 90 + 4 = 139, waa aqlabiyad ay ku xukumi karto Barlamaanka, Dastuurka ayaana siinaya awood ay ku bedeli karto Xeer Hoosaadka, kuna baaji karto Kooramka Fadhiyada Barlamaanka ama ku furi karto kuna ansixin karto sharcigii ay rabto.
Gunta arrintu waa: haddii la rabo in labada gole kala nabad galaan, is lana xisaab-tamaan, dadkuna la xisaabtamo waa in xeerar kala saara ama kala haga loo sameeyo, haddii kale iska daba wareeg iyo dagaal Siyaasadeed oo joogto ah ayaa lagu jirayaa?.
Share this:
Related
storvideo: 

Isbar bar dhig Ku Saabsan Waxqabadka Boqolka Cisho...

$
0
0

Isbar bar dhig Ku Saabsan Waxqabadka Boqolka Cisho ee ugu Horeeyay ee Labada Madaxweyne ee Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi FAALOMudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi waa labada Siyaasi ee Xisbiga Kulmiye ugu kala guulaystay Doorashooyinkii Madaxtooyadda ee sanadadii 2010-kii iyo 2017.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hogaaminta qaranka la wareegay 27-kii Bishii July 2010 ayaa dejiyey qorshe cad oo waxqabad kuna wajahan boqolka Cisho ee ugu horeeya mudada xilhayntiisa,Inkasta oo sida uu Mudane Siilaanyo sheegay in riyooyin badan oo uu rabay inuu wax ka qabto ay caqabad ku tahay duruufihii dhaqaale ee uu la wareegay isla markaana ay ugu weynayd Khasnado madhan oo haawanaya iyo Shaqaalaha dawlada oo Mudo afar bilood ah aan wax mushahar ah qaadan hadana waxa uu sameeyay dhacdooyin taariikhi ah oo uu ku soo koobay 100ka cisho ee ugu horeeyay markii uu kursiga fuulay kuwaas oo marag u ah khibradiisa dhanka maamulka ah ee uu mudada nusqarniga ah ku soo dhex jiray.Marka aynu soo Koobno Waxqabadkii Boqolka Cisho ee ugu Horeeyay ee Muddadii Xil haynta Madaxweyne Siilaanyo Waxaa ka mid ahaa.
1. Bixinta Mushaharka Shaqaalaha dawlada Mudo afar bilood ah.
2. Kordhinta 100% ee Mushaharka Shaqaalaha dawlada3. Wuxuu soo dhisay Xukuumad Kooban oo tiradeedu dhamayd 26 Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen taas oo noqotay Xukuumadii ugu tirada yarayd ee Somaliland soo marta.4. Wuxuu Bilaash ka dhigay lacagta lagu qaadi jiray dugsiyada hoose dhexe ee iskuulada dawlada5. Wuxuu dhamaystiray biriishka labaad ee Caasimadda6. Wuxuu kor u qaaday Miisaaniyadda qaranka 70% iyadoo sanadkii 2010-kii ee Madaxweyne Siilaanyo ay ahayd 310,259,111,704, halka ay gaadhsiiyeen sanadkii Kowaad ee Xil-haytiisa 527,720,451,875 Iyadoo caddadku Korodhka ee u dhexeeyaa uu noqonayo 217,461,340,153.7. Kordhinta 50% ee Kabka dhaqaale ee Xukuumadu siiso Xisbiyadda qaranka,8. Dhismayaasha iyo Dayactirka Qasriga Madaxtooyadda iyo in badan oo ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay'adaha kale ee dawlada.9. Wuxuu dhigay gogol nabadeed oo uu fidiyey beelaha dega Gobolka Sool,Buuhoodle iyo qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.10. Waxaa Guud ahaan dalka laga fuliyey olole nadaafadeed oo heer qaran ah.11. Wuxuu Telefishanka qaranka gaadhsiiyey in laga daawan karo dalalka qaarada Yurub12. Wuxuu dhamaystiray qayb ka mid ah Jidka Laamiga ah ee Xidhiidhiya Degmada Dilla iyo Boorama.13. In khasnada dawlada ay ku xerootay Cashuurta dekeda iyo ta dawlada dhexe iyadoo hore cashuurta dekedu ugu dhici jirtay xarunta Madaxtooyadda.
Intaas oo qudha mayn ahayn Waxqabadkii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee Boqolka Cisho ee Xil hayntiisa hasa yeeshee waa qodobada ugu mudan ee uu wax ka qabtay.Geesta Kale Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee Ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda ayaa xafiiska hogaaminta qaranka la wareegay 13-kii bishii December 2017.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu soo dhisay gole Xukuumadeed oo ka kooban 32 Wasiir iyo Wasiir ku xigeen,
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu qabsaday Mudo 120 Cisho ah inuu ku soo bandhigo waxqabadkiisa taas oo ku eeg 11-ka Bisha April ee soo socota, oo ay ka hadhsan tahay mudo laba todobaad ah,arrimaha laga filayay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Wax ka qabto wakhtiga uu qabsaday waxaa ugu weyn.
1. Wax ka qabashada Sicir bararka xadhkaha goostay ee ka taagan suuqyada Somaliland ee saamaynta taban ku yeeshay nolosha mujtamaca.2. Xalinta qardoofooyinkii ka dhashay doorashadii Madaxtooyadda.3. Sidii dadka loogu Jihayn lahaa Wax soo saarka dalaga beeraha si Somaliland u gaadho wax soo saar ay kaga maaranto cuntooyinka dalka dibadiisa inooga yimaada,
Hasa yeeshee Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hada muu rumayn filashadii umaddu ka sugaysay maadaama ay u arkayeen Siyaasi si dhab ah ula socda xaalada guud ee dalka ee dhinacyada dhaqan/dhaqaale.
Guddidii uu u xilsaaray wax ka qabashada Sicir bararka saamaynta culus ku yeeshay nolosha mujtamaca Somaliland ayaa soo saaray go'aamo dadka dhaqaalaha u dhuun daloolaa ay u arkayeen kuwo aan keenayn xalka Sicir bararka inay uga sii darto mooyee isla markaana aan loo qaabayn si cilmiyeysan.
Waxaa kale oo Waxqabadka Boqol iyo labaatanka Cisho ee Madaxweyne Muuse Biixi soo raacay inuu qasriga Madaxtooyada ka dareeriyey Tiradii ugu badnayd ee Shaqaale ah,Wasaaradii Duulista hawada oo hada isu bedeshay Hay'ada Madaarada ayaa iyana tiro badan oo Shaqaale ah irida ka saartay Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa isaguna bannaanka dhigay Shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawlgalayay Wasaaradaasi, Xili ay dalka ka jirto Shaqo la'aan baahsan oo sababtay in dhallinyaro badan oo qarankani lahaa ay ku lee'deen Tahriib.
Waxay dhacdooyinkani wiiqayaan rajadii ummadu ka naawilaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi halka aanu Madaxweynuhu waxqabadkiisa ku sheegan Karin Heshiisyada DPW ee Horumarinta dekeda Berbera iyo Saldhiga Milateri ee Somaliland Imaaraadka ka siisay Magaaladda Berbera heshiisyadaas oo ay gashay Xukuumadii uu xilka kala wareegay.
Si kastaba ha ahaatee hal xidhaale adag ayaa Sugaya sidii uu Madaxweyne Muuse Biixi ummada ugu soo bandhigi lahaa Waxqabadka uu fuliyey.
Suxufi A/lahi Axmed Jama ( Indho yare )Alaahijama2001@hotmail.com
storvideo: 

Rabshado ka dhacay gobolka Katalooniya ee dalka Spain

$
0
0

Kumannaan qof oo ah taageerayaasha xisbiyada gooni ugoosadka gobolka Katalooniya ayaa waxa ay isku dhaceen booliska Spain, kaddib markii xabsiga la dhigay dhawr ka tirsan hoggaamiyeyaasha Katalooniya, kuwaa oo ay xirtay dowladda Spain.

Maamulka Gedo oo ka hadlay muranka dhanka xudduudda ah ee ka taagan Mandheera iyo Beled Xaawo

$
0
0

Maalmihii la soo dhaafay waxa ay xiisad ka taagneyd qeybo ka mid ah xuduudda wadammada Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan midda u dhaxeysa magaalooyinka Beled Xaawo iyo Mandheera, halkaasi oo ay ku hardamayeen shacabka magaalada Beled Xaawo iyo ciidammada Kenya ee ku sugan xudduudda.

Rabshado ka dhacay gobolka Katalooniya ee dalka Spain

$
0
0

Kumannaan qof oo ah taageerayaasha xisbiyada gooni ugoosadka gobolka Katalooniya ayaa waxa ay isku dhaceen booliska Spain, kaddib markii xabsiga la dhigay dhawr ka tirsan hoggaamiyeyaasha Katalooniya, kuwaa oo ay xirtay dowladda Spain.
Magaalada Barcelona rabshado ka dhacay ayaa waxaa ku dhaawcmay 24 qof, waxaana boolisku ay dadkani ku kala eryayeen rasaas ay cirka u ridayeen.
Dad careysan oo dibadbaxyo dhigaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka kaddib markii garsooraha maxkamadda ugu sarreysa dalka Spain uu amray in 25 ka mid ah hoggaamiyeyaasha Kataloniya loo maxkamadeeyo fallaaganimo, xatooyo iyo in ay diideen in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, eedeymahaasi oo qofkii lagu helo uu muteysanayo ilaa 30 sano oo xarig ah.
Dhammaan siyaasiintani ayaa waxa ay beeniyeen eedeymahani loo soo jeediyay.
Qareenka u doodaya laba ka mid ah siyaasiinta lagu eedeynayo fallaaganimada ayaa sheegay in xarigga loo geysanaya siyaasiintani uu yahay iskuday la doonayo in cagta lagu mariyo dadka u ololeynayo madaxbannaanida.
Mid ka mid ah siyaasiinta hadda la soo eedeeyay Marta Rovira, ayaa isla markiiba dalka ka baxay waxa uuna ku biiray shan kale oo kal horeba dibad joog ahaa.
Balse siyaasiin kale oo shan ah ayaa xabsiga la dhigay waxaana ku jira Jordi Turull oo xisbiyada gooni u goosadka ay u doorteen madaxweynaha maamul goboleedka Katalooniya.
Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale waxa uu waraaqdii lagu soo xiri lahaa u jaray siyaasiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Katalooniya Carles Puigdemont oo dalka Belgiumka musaafuris ahaan ugu maqan.
storvideo: 

Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Jaamacada Carabta

$
0
0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu hambalyeyneysaa Xogheynta guud ee Ururka Jaamacadda Carabta munaasabadda sanadguurada 73,aad ee aas'aaska ururka oo ku beegneyd March 22, 1945.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Jaamacadda Carabta garabjoogga milgaha leh ee uu ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisa intii ay jirtay masiibooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka iyo falalka xun ee argagaxisadu geystaan.
Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuna biirtay February 14, 1974 waxaa loo eegaa inay tahay ilinka istiraatiijiyadda ammaan ee dunida carbeed sababo ku aaddan bedka Juquraafi ee ay ku fadhido iyo lahaanshaheeda xeebta ugu dheer Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka inay dib uga furtaan safaaradahooda iyo ergadooda diblomaasiyadeed Caasimadda Muqdisho si loo taageero dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka iyo deganaanshaha, si wadajir ahna looga shaqeynayo ka hortagidda caqabadaha iyo culeysyada si loogu guuleysto waajibaadka, qorshayaasha iyo mashaariicda hiigsiga leh.DHAMAAD PUNTLAND POST
The post Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Jaamacada Carabta appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Ingiriiska oo waalaac ka muujiyay xaaladda...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

London -(SONNA)- Dowladda Ingiriiska ayaa ka deyrisay qaabka ay Ciidamada Israa'iil ula dhaqmaan Carruurta reer falastiin ee ku xiran Jeelasha Israa'iil.
Bayaan uu soo saaray Xogayaha Arrimaha Bariga dhexe ee Xukuumadda Ingiriiska Alastair Birth, ayuu ku sheegay in Carruurta Falastiin lagu hayo jeelasha Israa'iill loola dhaqmo si bani'aadannimada ka baxsan.
Warkan ayaa yimid markii muddo Siddeed Bilood ah lagu xukumay Gabar u doodda xuquuqda Falastiiniyiinta oo lagu Magacaabo, Ahad Al-Tamimi.
Xoghayhu wuxuu intaa raaciyay in hab dhaqankaasi Ciidamada Israa'iill ay kula kacaan maxaabiista falastiin siiba Caruurta inuu ka soo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah iyo xuquul Insaanka , gaar ahaan xeer dhaqanka Boqortooyada Inguriiska.
Wuxuuna Alastair Birth, caddeeyay inuu Dalkiisa sii wadi doono u doodista xuquuqda maxaabiista Caruurta ah ee Falastiin,kana codsanayo Xukuumadda Israa'iil inay waanaajiso xaaladda nolasha Maxaabiista aan qaan gaarka ahayn ee ku jirta xabsiyadeeda.
Isha/ Cukaad
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in laga hortago dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka waddo Xadka labada dal

storvideo: 

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Gaari siday...

$
0
0

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho waxa ay ku qabteen Gaari Siday Hilbo Qurmay.
Gaarigaan oo ah nooca Soomaalida ay u taqaano UD-ga ayaa waxaa ciidamada amniga kus oo wargaliyay dadka deegaanka Cabdi Casiis oo gaarigaan ka shakiyay.
Dadka Muqdisho ayaa isla dhexmarayay saacidihii la soo dhaafay in gaarigaan uu siday Hilbo Dad qaar kamid ahna warbaahinta ay sidaasi sheegayeen.
Hayeeshee waxaa maamulka degmadaasi uu xaqiijiyay in gaarigaasi uu siday Hilib Xoolaad oo qurmay.
Dadka Muqdisho ayaa baryihii ugu dambeeysay ka cabanayay Alaabooyinka ay isticmaalaan oo xadkii loogu talagalay ka baxay islamarkaasina la soo galiyo Suuqyada Muqdisho.
Tan iyo markii ay dhacday dowladihii dhexe ee dalka Soomaaliya ma jirin dowlad awood badan oo si hufan u hubiso alaabaha iyo badeecooyinka lagu iibiyo suuqda dalka.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Gaari siday Hilbo Qurmay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Laba Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Masar

$
0
0

Ugu yaraan Laba Qof ayaa ku geeriyootay Afar kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay Qarax xooggan oo ka dhacay meel ku dhow Hoteel lagu Magacaabo Tolip Hotel oo ku yaalla Magaalada Alexandria ee Dalka Masar. Madaxa laamaha ammaanka ee Magaalada Alexandaria Gen; Mostafa al-Nemr, ayaa Wakaaladda wararka Dalkaasi ee MENA u sheegay in Qaraxani loo [...]
storvideo: 

Kumanaan kale oo ka qaxaya bariga Ghouta

$
0
0

Kumanaan kamid ah shacabka Suuriya ayaa isu diyaarinaya inay ka ambabaxaan qeyb kale oo kamid ah goobaha ay maamulaan mucaaradka ee bariga Ghouta.

Daawo :Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Kormeeray...

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Kormeeray Mashruuca Biyo-Balaadhinta Hargaysa .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live