Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirka bilaha ah ee xasilinta dalka oo lagu qabtay...

$
0
0

Shirkan oo bishii mar ay isga xog waraystaan dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka horumarada iyo caqabadaha dadaallada adeegyada muhiim ka u ah nolosha lagu gaarsiinayo deegannada laga xureeyay maleeshiyada Al-Shabaab, waxa ka qeyb galay Wasiiro dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, Wasiiro ka socday [...]
storvideo: 


Xiisadda Ruushka iyo Reer Galbeedka oo Korodhey

$
0
0

18 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Kanada iyo waddamada Midowga Yurub ayaa sheegay inay waddamadooda ka cayrinayaan diblomaasiyiinta Ruushka ah qaarkood.

Xiisadda Ruushka iyo Reer Galbeedka oo Korodhey

$
0
0

18 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Kanada iyo waddamada Midowga Yurub ayaa sheegay inay waddamadooda ka cayrinayaan diblomaasiyiinta Ruushka ah qaarkood.
Maraykanka ayaa sheegay inay cayrinayaan ilaa 60 iskugu jira diblomaasiyiin iyo madaxda sirdoonka. Tallaabadan ayaa ah is-garab taag waddanka Biritan oo sheegay inay u badan tahay in Ruushku uu ka dambeeyey sumayntii la isku dayey in lagu khaarajiyo nin basaas ah oo asal ahana kasoo jeeda Ruushka, Sergey Skripal iyo gabadhiisa oo lagu sumeeyay magaalada Salisbury 4-Maarso.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa tallaabooyinka diblomaasi ka waraystay Maxamed Xaaji Maxamuud oo shahaahada Ph.D-da ka diyaariya Jaamacadda Warwick ee dalka UK.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:41 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Masar oo ay Dadku Madaxweyne Soo Dooranayaan

$
0
0

Dadweynaha reer Masar ayaa maanta u codaynaya doorashi si weyn loo filayo inuu ku guulaysto madaxdweyne Cabdulfataax Al-Sisis. Ninka la tartamaya Muusa Mustafa Muusa ayaa isagu laftiisa horey u taageeray Al-Sisis.

Masar oo ay Dadku Madaxweyne Soo Dooranayaan

$
0
0

Dadweynaha reer Masar ayaa maanta u codaynaya doorashi si weyn loo filayo inuu ku guulaysto madaxdweyne Cabdulfataax Al-Sisis. Ninka la tartamaya Muusa Mustafa Muusa ayaa isagu laftiisa horey u taageeray Al-Sisis. Warbixintan waxaa Qaahira nooga soo diray Xuseen Saxnuuni.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:22 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Baay

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka dhaay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Waxaana daagaalka uu yimid, kadib Ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay Al Shabaab Gaadiidka Lacago uga qaadayeen oo ku taalla Nawaaxiga deegaanka Goofgaduud  ee gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay ilaa 3 Qof, halka ay ku dhaawacmee illaa 4 kale oo ka kala tirsanaa labada dhinac.
Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli waxa war ah oo ka soo baxay Al Shabaab iyo saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.
Deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli waxaa ku xooogan Al Shabaab oo weeraro xoogan ka fuliyay gobollada Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool.
The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Baay appeared first on Shabelle.

Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Baay

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka dhaay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Waxaana daagaalka uu yimid, kadib Ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay Al Shabaab Gaadiidka Lacago uga qaadayeen oo ku taalla Nawaaxiga deegaanka Goofgaduud ee gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay ilaa 3 Qof, halka ay ku dhaawacmee illaa 4 kale oo ka kala tirsanaa labada dhinac.
Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli waxa war ah oo ka soo baxay Al Shabaab iyo saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.
Deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli waxaa ku xooogan Al Shabaab oo weeraro xoogan ka fuliyay gobollada Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool.
storvideo: 

Soomaalida ku dhaqan Dalka Mareykanka oo ka hadlay...

$
0
0

Qaarkamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulun ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha darbiga laga dhisayo xaduuda u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxa ay siyaabo kala duwan fariimo ugu direen, Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Shacabka Soomaaliyeed. Intabaddan dadkii ka [...]
storvideo: 


Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka wada hadlaya...

$
0
0


Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in ay kulmaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay wada hadalka maanta dhacaya in heshiis rasmi ah looga gaarayo dhibaatada ku soo laaba laabatay xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Dhinaca kale Jubbaland oo arrintan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo in ay masuul ka tahay Dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Doowladda Soomaaliya ay ka gaabisay masuuliyadii uga aadaneyd heshiisyo iyo kulamo horey u dhaxemaray labada dal.
"Waxaan ugu baaqayaa xuduuda labada dal buuqa ka taagan in xiisadeeda la dejiyo, xalna aan raadineyno, xuduuda arrimaheeda waxaa waajib uu ka saaran yahay Dowladda, qaladaadka dhacaya waxaa masuuliyadeeda leh Dowladda Dhexe." Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa shalay joojiyay dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xuduuda u dhaxeysa Magaalooyinka Mandhera iyo Beled Xaawo, kadib markii khadka telefoonka ay ku wada hadleen isaga iyo Uhuru Kenyatta.
storvideo: 

Ciidamada Puntland Oo howlgallo ka sameeyay Boosaaso

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa Xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeesheen Xaafado ka tirsan magaaladaasi.
Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada maamulkaasi oo la hadlay Warbaaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaaayen kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Balse ma aysan faah faahin natiijada rasmiga baaritaanada Xalay ay ka sameeyeen magaaladaasi.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Puntland, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Shiine, waxaana dilka masuuliyadda sheegtay Xarakada Al Shabaab.
The post Ciidamada Puntland Oo howlgallo ka sameeyay Boosaaso appeared first on Shabelle.

Ciidamada Puntland Oo howlgallo ka sameeyay Boosaaso

$
0
0

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa Xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeesheen Xaafado ka tirsan magaaladaasi.
Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada maamulkaasi oo la hadlay Warbaaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaaayen kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Balse ma aysan faah faahin natiijada rasmiga baaritaanada Xalay ay ka sameeyeen magaaladaasi.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Puntland, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Shiine, waxaana dilka masuuliyadda sheegtay Xarakada Al Shabaab.
storvideo: 

Maamulka Goofgaduud Ee Baay Oo Sheegay In Al-shabaab...

$
0
0

Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ku dhow deegaankaasi.
Guddoomiyaha deegankan Maxamed Aadan ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay qaadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga Goofgaduud, islamarkaana ay ku sugnaan doonaan.
"Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sameeyey howlgallo qorsheysan, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr ah iyo meello ay ku sugnaayeen nabad diidka, khasaarena waa lasoo gaarsiiyey"
Guddoomiyaha ma aanu sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
storvideo: 

Al-shabaab oo baaq u diray Shacabka Beladxaawo

$
0
0

Afhayeenka Al-shabab Sheekh Cali Maxmauud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledxawo ee gobolka Gedo, halkaas oo Ciidamada Kenya ay ka wadaan dhismaha darbi u dhaxeeya Xaduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, arintaas oo shacabka ku dhaqan degmadaasi ay ka muujiyeen falcilin ay ugu soo horjeedaan arintaasi.
Afhayeenka Al-shabaab oo soo duubay muuqaal kooban oo Al-shabaab ay ku baahiyeen baraha warkooda ay ku faafiyaan ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab markii horeba ay dagaal kula jireen Ciidamada Kenya haddana ay diyaar u yihiin in ay sii kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa ku soo xad gudbay ciidda Soomaaliya.
Sidoo kale Cali Dheere ayaa shacabka degmada Beledxaawo ugu baaqay in ay dagaal kala hortagaan Ciidamada Kenya, isaga oo sheegay in ay garab siinayaan shacabkaasi si halkaas looga saaro Ciidanka Kenya ee darbiga ka dhisaya xaduud beenaadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
storvideo: 

Guddiga dib u Heshiisiinta Qaranka oo ka digay in ay dib u soo laabtaan Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Sh/ hoose

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa ka digay in markale ay dib u soo laabtaan daagalladii horay uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.
Ismaaciil Macalin Muuse ayaa xusay in Qof walbo oo Soomaali ah loooga baahan yahay in uu ka shaqeeyo nabada iyo hurumarka dalka.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka in cidii dagaal Beeleed dambe ka bilowda gobolkaasi lala xisaabtami doono.
Halkan hose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/ww.mp3
The post Guddiga dib u Heshiisiinta Qaranka oo ka digay in ay dib u soo laabtaan Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Sh/ hoose appeared first on Shabelle.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo Dowladda...

$
0
0

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulun ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha derbiga laga dhisayo xaduudda u dhexeysa Soomaalia iyo Kenya ayaa waxa ay siyaabo kala duwan fariimo ugu direen, Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Intabaddan dadkii ka hadlay isku imaatinkaan ayaa waxa ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka codsadeen in ay ka dhabayso wada hadaladda isla markaana si dhab ah loo darso mushkilada xaduudda ee qayla dhaantu ka imaanayso, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la dumiyay guryo dad shacab ah oo masaakiin ah ay leeyihiin,kuwaas oo u bahan in dib loogu dhiso Hantidoodii.
Shacabka Beledxaawo ayay ku ammaaneen sida ay ugu soo gudbinayaan Dowlada Soomaaliya mushaakilaadkasta oo la soo derso,si wax looga qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan.
Waxgaradkii ka hadlay kulank ayaa dowladda Kenya uga baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka soo jireenkaa ee labada dal iyo labada shacab u dhexeeya,iyaga oo dhanka kale Mandheera iyo Beledxaawo ku tilmaamay magaalooyin isku mid ah oo sina aysan dadkoodu u kala maarmin.
Maamulka iyo shacabka Beledxaawo ayay sidoo kale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan wixii wanaag ah isla markaana ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed oo ah dhulka iyo xaduudda oo ka dhaxaysa gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Maalmihii la soo dhaafay aya xiisad ka taaganayd xuduudda Beledxaawo iyo Mandheere,kadib markii dowladda Kenya ay biloowday dhismaha derbi ay ku xayndaabayso xuduudkeeda,laakiin shacabka Beledxaawo ayaa qaba in dhul ay Soomaaliya leedahay ay kenya dhisanayso sila markna ay burburisay hanti kaleDeeqo Shire (SONNA)
storvideo: 


Xildhibaan ka tirsaneyd maamulka koofur galbeyd oo...

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Dilka ayaa la sheegay inay geysteen koox Bistoolado ku hubeysnaa oo toogasho ku dilay haweeney lagu magacaabo Ruqiyo Abshir Gambane oo ka tirsaneyd xildhibaannada Baamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Falka ayaa ka dhacay Xaafada Maanabooliyo ee degmada Shibis, iyadoo xilligaasi ku sugneyd Farmashiye ay ku laheyd hoygeeda, Waxayna goobta ka baxsadeen markii ay falka dilka ah ku fuliyeen kadib.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goor danbe halkaasi gaareen, iyadoo aanay suuragelin in la helo raggii ka danbeeyay falka dilka ah.
Share this:
Related
storvideo: 

Xildhibaanad lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd baarlamaanka maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa caawa 8dii fiidnimo waxay dabley ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Geerida xildhibaannadda waxaa BBC u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
"Ruqiyo waxaa meel u dhow gurigeeda oo ku yaalla degmada Shibis ku dilay rag bastoolado ku hubaysan, ka dibna way baxsadeen" ayuu yiri wasiirku.
Xildhibaannadda ayaa ahayd qof siyaasadda ku cusub, wuxuuna dilkeeda u muuqdaa inuu yahay mid qorshaysan.
Ma jirto ilaa hadda cid loo qabtay dilka xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo isla goobta ku naf baxday.
storvideo: 

Xildhibaan wax yar ka hor lagu dilay magaalada Muqdiaho

$
0
0

Xildhibaan wax yar ka hor lagu dilay magaalada Muqdiaho
Mar 27, 2018 -
Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah waxay xaafadda Maanabooliyo ee degmada Shibis ku toogteen Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gabbane ayaa waxaa dilkeeda allbanaadir.com u xaqiijiyey Guddoomiyaha degmada Shibis oo gaaray goobta lagu qaarajiyey.
Dilka ayey wararku sheegayaan inuu ka dhacay farmashi ay ku laheyd hoygeeda oo ku yaalla degaanka Maanaboliyo, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta wax yar ka dib dilka, waxayna haatan howlgalo baaritaano ah ka wadaan halkaas iyagoo isku dayaya iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey dilka Xildhibaanadan.
Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin dilka xildhibaanada ka tirsaneyd baarlamanka Maamulkaas oo qeyb ka noqonaya dilal iyo qaraxyo todobaadyadan ku soo batay magaalada Muqdisho, kuwaasoo masuuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.
English News
storvideo: 

Darbiga ay Kenya ka dhisaysay xudduudda oo la joojiyey

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen mas'uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Gedo iyo madaxda amniga Kenya ee gobolka. Labada dhinac waxa ku heshiiyeen in la joojiyo dhismaha darbiga muranka dhaliyey ee Kenya ay dhisayso.

Darbiga ay Kenya ka dhisaysay xudduudda oo la joojiyey

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen mas'uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Gedo iyo madaxda amniga Kenya ee gobolka.
Kulanka ayey labada dhinac kaga xaajoodeen arrinta ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhisayso xudduudda labada dal u dhaxaysa, kaasoo todobaadyadii u dambeeyey sababtay in banaabaxyo ay ka dhacaan dhanka Beledxaawo.
Kulankaas ka dib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay madaxa amniga eegobolka wqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax iyo guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumad.
Weriye madax banaan oo BBCda u warramay wuxuu sheegay in labada mas'uul ay sheegeen in la joojiyey dhismihii darbiga muranka dhaliyey.
Waxay kaloo sheegeen in kulan kale ay isugu imaan doonaan si ay uga arrinsadaan talaabada xigta waxa laga yeeli doono iyo halka la marin doono darbiga.
Todobaadyadii u dambeeyey ayaa magaalada Beledxaawo waxaa ka socday banaanbaxyo lagu diiddan yahay derbiga ay Kenya dhisayso, kaasoo ay dadka deegaanku u arkaan in la dhex marinayo magaalada gudaheeda.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live