Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Napoli Vs Bayern munich Uefa champions League cawa la ciyaarayo iyo habeen danbe iyo kooxaha sida ey isu arkayaan.(warbixin)

$
0
0

18/10/2011 caawa waxaa kulmaya  afarta group ee kala ah .
groupA  Man.city vs Villareal iyo Napoli vs Bayern groip kaan a ayaa la dhihi karaa waa group ka ugu adag  marka loo fiiriyo groupada kale waxaana cawa balansan napoli iyo bayern oo la dhihi karo qoladii caawa laga qaato jaanis waaye mardanbe ma soo maraayo  iyadoo napoli eey ugu cadcadahay horyalka talyaaniga hadana la arki doonee caawa taagerayaasheeda faraha badan iyo waxa eey soo hooyaan dhanka kale waxa iyana kulmaya kooxaha Group B    CSKA Moscow  vs  Trabzonspor iyo  Lille vs Inter milan Group D   Basel vs Benfica  iyo  Otelul Galati vs Man-united iyo   Group C Lyon vs realmadrid iyo Dinamo Zagreb Ajax amesterdam

DR.CALI CUSMAAN “HAMBALYO GUDDIGA ISBOORTIGA EE VIRGINIA‏” + Sawiro.

$
0
0

18 Oct 2011
Waxa magaaladda Virgina ee dalka Mareykanka lagu qabtay Tartamadii sanadlahaa ahaa ee Kubada Cagta iyo Koleyga oo ay sanadkaan ka soo qeyb galeen Halyeeyo dhanka sports Soomaaliya magac ku lahaa isla markaana wali ku dhex jira dhadhaqaaqa isboortiga ee Dalka Soomaaliyeed lagu hormarinaayo waxaana ka mid ahaa ka soo qeyb galayaasha Sanadkaan Dr. Cali Cusmaan, Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga ee Atlanta.
waxa kaloo ka soo qeyb galay Maxamed Faarax Dabdamis, Mukhtaar Cuti, Dr. Yuusuf Shaqaaq, Xarbi, Cabdisamad Qasim, Abukar Shiino, Faarax oday, Axmadey B, Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Busuri oo ah Tafatiraha Webka Xiddigaha,Com,oo dhamaantood ka socday Dalka Canada.
Dhanka Dalka Ingriiska waxaa ka yimid Axmednuur Maxamed Xaashi (Seyga Ruushka) oo ah Gudoomiyha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga, sidoo kale waxaa lagu sharfay inuu ka soo qeyb galo ciyaaraha Cabdulaahi Nuur Kolombo oo ka socday Raadiyaha VOA. waxaa kaloo Virginia ka yimid Khaliif Riiko, Baaburi, Feysal Khaldaan. Jaamac Bahal, Soleymaan Abukar, Dr. Shukri Salxaan, Dayib Madaxa TVga Universal, Mudane Caraale oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaarha Fudud iyo Shiino Madoobe, Bashiir Geele, Mahad, Afrikaano, Delbiero waxay ka socdeen OHIO Gudigeeda Isboortiga.
Waxaana sanadkaan Ciyaartii kama dambeysta ku loolamay Dhanka Dhalinta Cuslaatay Koox ka socotay Magaaladda Toronto ee dalka Canada iyo Koox ka socotay Washigton waxaana guushii la hoyday Kooxdii Washigtoon,dhanka dhalinyaradda waxa Ciyaartiis kama dambeysta aheyd ku baratamay Koox ka socotay OHIO iyo Washigton waxaana Koobkii Guusha qaaday Kooxdii OHIO oo sanadkaan soo bandhigtay Ciyaar farsamadeedu ay sareyso halkaa oo ay ku soo jiiteen Taageero aad iyo u fara badan loona tumay sacab aad u badan.
Waxaana Xafladii gabagabeynta ka hadlay Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi oo ku magac dheer(Seyga Ruushka) oo ah Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga.waxaana uu marka hore u mahadceliyey Guddigii lahaa qabanqaabadda oo runtii uu ku tilmaamay in ay dadaal badan muujiyeen,waxaana awoodeen in intaan oo Halyeeyo ah ay isu keenaan,taa oo runtii ah mid aan la iloobi karin,isagoo ku booriyey in Goboladda kale ee Mareykanka ay iyagana abaabulaan Tartamo kuwaan oo kale ah,waxaana uu ka hadlay ujeedada Safarkiisa oo ah in uu la kulmo dadkii Isboortiga Soomaaliyeed Magaca iyo Maamuska ku lahaa si looga wada hadlo sidii loo hormarin lahaa Isboortigeenu oo waayahaan ay la soo gudboonaatay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn,waxaana kaloo uu sheegay Seyga Ruushka in hadafka kale oo aan u socdo ay tahay in la mideeyo cududa Halgamayaashii Isboortiga oo qaarkood la dhex dhigay khilaafyo oo danta laga leeyahay ay tahay in aysan midoobin, waxaana ugu dambeyntii uu u mahadceliyey Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo Guddiga Isboortiga ee Virginia oo uu muujiyey Kalsooni iyo in ay ku garab taaganyihiin dadaalkaas ku wajahan badbaainta Isboortiga Soomaaliyeed.
waxaa kaloo xafladii gabagabeynta ka hadlay Dr. Cali Cusmaan cali Xoghayihii Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed kana mid ah Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed ugu Taarikh dheer Kifaax badanna u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.waxaana uu marka hore u mahadcelliyey Guddiga Isboortiaga ee Virgina oo runtii dadaal badan galay,waxaana uu amaan aan la koobi karin u jeediyey Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Mudane Axmednuur Seyga Ruushka iyo Gudigiisaba oo runtii shaqada ay hayaan ay tahay mid uu u baahanyahay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Isboortiga oo u baahan Badbaado dhan waliba leh.
Dr. Cali Cusmaan waxa isagoo qiireysan sheegay in shucladda Isboortiga Soomaaliyeed uu soo qaaday bartamihii Lixdameyadii walina uu sido,waxaana aan cadeynayaa in uusan weli arag Gudi isku taxalujiya Mideynta Isboortiga taa oo uu yiri waa mid Taarikhda geli doona,waxaana aan hore ugu cadeynay Gudoomiye Seyga Ruushka in aanu si buuxda aanu u tageeri doono Gudigiisa iyado runta ay tahay in Isboortiga Soomaaliyeed maanta uu u baahanyahay Badbaado dhan kastaba leh,waxaan la khashan doona Dawladda iyo gudiyadda ku hawlan Isboortiga in taageero lala garab istaago Gudiga Mideynta Isboortiga.

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qof ayaa baabuur isku qarxiyay Muqdisho wasaarada arrimaha dibadda agteeda waxaa dhintay ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay kow iyo toban kalena waa dhaawacmeen

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Abaal Marin Lacageed U Balan Qaaday Cidii Soo Sheegta Shabaab(Dhageyso)

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa abaal marin lacageed u ballan qaaday cidii soo sheegta xog ama war ku saabsan shirqoollada ay shacbiga Soomaaliyeed u maleegayaan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta booqday goobtii ay Ciidammada Dowladdu ku fashiliyeen weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa Shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay abaal marin Lacageed siin doonto cidii soo sheegta xog la xiriirta waxa ay Shacabka u maleegayaan.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Hadalkii Uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Galabta Saxaafadda Siiyey
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Shacbiga Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Ciidammada Amaanka si la iskaga kaashado in laga hortago shirqoollada ay Shacabka usoo maleegayaan dhagar qabayaasha ujeedkoodu yahay Leynta dadka Soomaaliyeed.
Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee la xiriira in la abaal marinayo shaqsigii Dowladda usoo sheega xog ku saabsan Maleeshiyada Shabaab ayaa imaanaya xili ay isasoo tarayaan shirqoollada ay fashilinayaan Ciidammada Ammaanka.

Gen. Ilkajiir oo ku Baaqay in Hub ka Dhigis lagu Sameeyo Beelaha Puntland

$
0
0

Qardho (RBC) Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose Puntland Gen C/laahi Axmed Jaamac [Ilkajiir] ayaa ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo qabiilada Puntland isagoo sheegay in taasi ay yareyn kartoisku dhacyada qabiilada u dhexeeya ee ka dhaca gudaha Puntland.
Wasiirka ayaa hadalkiisan jeediyey isagoo markii ugu horeysay colaado dhowaan ka taagnaa gobolka Karkaar, wuxuuna sheegay wasiirku in colaadaha beeluhu ay sababaan dhimashada dad badan taasoo ay ugu wacan tahay hubka faraha badan ee ay haystaan beelaha.
“Anagu waxaan u aragnaa muhim in hub ka dhigis lagu sameeyo beelaha hubka heysta iyo maleeshiyaadka” ayuu yiri wasiirka oo dhanka kale sheegay in dawlada ay wado dadaalo ay ku dhexdhexaadineyso beelaha ay shaqaaqooyinka u dhexeeyaan ee ku wada nool gobolka Karkaar.
Hadalkan maanta ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen Ilkajiir ayaa ku soo beegmay iyadoo xiiado colaadeed ay weli ka jiraan deegaano ka mid ah gobolka Karkaar iyadoo dadweynaha ay dhaliileen sida maamulku uga gaabiyey nabadeynta beelaha ay colaaduhu u dhexeeyaan.
RBC Radio

Faah Faahin Iyo Sawirro Ku Saabsan Qaraxii Ay Ciidammada Dowladdu Maanta Fashiliyeen

$
0
0

Ciidammada Ammaanka ayaa maanta fashiliyey weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kaasi oo ay la damacsanaayeen inay waxyeello ugu geystaan shacabkeena Muslimiinta ah ee uu Alle dhiigooda Xaaraantinimeeyey.
Inkastoo ay naftood haligayaasha weerarkan bahalnimada ah loosoo qorsheeyey naftooda inay ku haligaan goob ay dadku ku badan yihiin si uu qasaaruhu u bato ayaa hadana Ciidammada Dowladdu waxa ay gaarigan ku joojiyeen kasoo horjeedka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kolkaasi oo naftood haligayaashu go’aansadeen inay is qarxiyaan si’aan nolosha loogu qaban.
Inta ilaa hada la xaqiijiyey Shan ruux oo Laba ka mid ah ay yihiin naftood halige yaasha ayaa goobta ku geeriyooday halka Seddaxda kale ee soo hartayna ay yihiin dad rayid ah oo nawaaxiga goobta falka uu ka dhacay ku ganacsanayey waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo kale kuwaasi oo iyana rayid ah.
Lama sheegin qasaare intaas ka baxsan oo goobta ka dhashay waxaana wariyeyaal ka socday Warbaahinta si ay u ogaadaan inta dhibtu la egtahay ay tageen Isbitaallada magaalada Muqdisho iyo goobta uu falkan ka dhacay balse Qaraxan ay Ciidammadu maanta fashiliyeen ayaa ku biiraya Qaraxyo noocan oo kale ah oo ay Shabaabku Shacabka usoo maleegeen kuwaasi oo ay Ciidammada Ammaanku ka hortageen.

Goobjooge Warbaahinta Kula Hadlaya Goobta ay Wax Ka Dhaceen

Bidix Taliyaha Booliiska,Midig Taliye Kuxigeenka oo Goobta tagay Waxyar Kadib markii weerarka la fishiliyey
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Isna goobta tagay Qaraxa kadib
Haweeney ku ganacsaneysay nawaaxiga goobta ay wax ka dhaceen oo dhaawac goobta uu kasoo gaaray
Wiil Isna Miis kulahaa nawaaxiga goobta uu wax ka dhacay oo dhaawac uusoo gaaray
Haraadiga ka haray gaarigii qarxay
Darbiga Kasoo Horjeeda Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo gaariga ay Ciidammadu ku joojiyeen
 
Car Bomb Rattles Somali Capital

$
0
0

MOGADISHU, Somalia—A suicide car bomb exploded near Somalia’s Foreign Ministry on Tuesday, killing at least four people, including the bomber, as government leaders met in the capital with Kenya’s ministers of defense and foreign affairs. The blast occurred several miles from where those meetings are believed to be taking place. Police official Ali Hassan confirmed [...]

Maxaa ka soo baxay Kulanka Madaxda Dowladda iyo Wafdiga Wasiirada Kenya (Heshiis lagu saxiixday)

$
0
0

Wada hadalo xasaasi ah oo saacado badan socday ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dhex maray Wafdi heer wasiiro ahaa oo ka socda Kenya, Madaxda Dowladda KMG iyo Golaha Wasiirada, iyadoo wada hadalada kadib laga soo saaray heshiis ka kooban lix qodob. Madaxweyne Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka [...]

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Muxaadaro Asxaabul Ukhduud - Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Part.1

Muxaadaro Asxaabul Ukhduud - Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Part.2

Muxaadaro Asxaabul Ukhduud - Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Part.3

xaq ma uleeyahay gudomiye c/raxman ciro inuu labada xil isku hayo?,By: aadan axmed cilmi

$
0
0

xaq ma u leeyahay gudoomiya golaha wakiiladu inuu xilka sii hayo madama oo uu urur ka noqday madax waa dooda ay dadweynaha reer somaliland iyo cidkasta oo danaysa siyasada somaliland iyo harumarkeeda  ka doodi karaan waxana iska waydiin karaan.
 
hadaan qodobka hoos ugu daadego bili aadam ka markiisa hore waxa kala haga sharci uu ilahay u soo dejiyay markii uu abuuray oo maslaxadooda aduun iyo aakhiro 2 daba u sharxaya kaas oo ilahay umad kastaba uu ugu wakiishay rasuul uu markaas u soo diray oo iyaga ka dhashay luqadoodana ku hadlaaya , taas marka laga yimaad ee sideeda loo qaato waxaa iyana raaca umad kastaa wixii ay ku heshiiyaan ee ay markaas ku darsadaan noloshooda ayay ku kala baxaan markay arin isku qabtaan si aanu qofna qof kale u dulmiyin xaqiisana u duudsiyin.
 
hadaynu nahay inagu reer somaliland waxaynu qoranay oo ku heshiinay oo isla qaadanay wax layidhaah Dastuur oo aynu dhamaan dadweynah reer somaliland majooritigiisa cod ku ogolaaday 97% ah , kaas oo qeexaya sida xukun ku u qaybsan yahay isagoo 3 qaybood ukala saaray , 1- fulin, 2- baarlamaan, 3- garsoor madaxbanaan. qaybkastana awoodeda ayuu siiyay.
 
hadaba markay sidaa tahay ee aynu nolosheenii illahay inoo til maamay inaguna ku heshiinay Dastuurkaas aynu qoranay waxaa haboon inaynu markasta oo muran yimaado u noqono shareecada islaamka iyo Dastuur kii aynu qoranay, islaamkuna waxa uu ina farayaa qodob odha naaya ( al muslimuun calaa shuruudihim ) islaam ku waa waxa uu ku heshiiyo hadii aanu shareecada ilaahay meel kaga dhacayn markaas ama aanu ka hor imanayn haday taasi dhacdo sidiisa ayuu u burayaa markaas qodobkaasi.
 
hadaba hadynu hoos ugu sii daadegno ta c/raxmaan ciro anigoo raacay marka ugu horey qodobka Datuurka uu qoraayo ee uu shaqadiisa x ubin nimo ku waayi karo ayaa waxa uu yahay sidan hoos ku qoran.
 
QODOBKA 50AAD
 
WAAYIDDA XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
Xubinimada Golaha Wakuda waxa la waayi karaa haddii:
1. Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada xilkeeda;
2. Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka oggolaado;
3. Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo xilkiisa;
4. Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga caddaaday;
5. Uu ka maqnaado Golaha 20 (Iabaatan) fadhi oo isku xiga idin la'aan
 
hadaba markay sidaa tahay ee aanu intaa midna lagu hayn wixii kale ee la yidhaah daaba waa ( la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan) taas waxaan uga jeedaa waa waxaan sharciyad adag oo meesha lagaga qaado loo hayn , hadaan iyana wax ka idhaah ta qabashada gudoomiye nimada ururku cusub ee c/raxmaan ma ku waayi karaa xubin nimada golaha iyo ta gudoominta baarlamaanka, maya ayaan leeyahay sababtoo ah marka laga yimaad taas kor ku xusan ee sharciyada dastuurku dhigayo  ee aanu jabin, waxa dalka laga furay oo la ogolaaday in la samaysto ururo cusub oo ku tartama goloyaasha deeganka ,markii la ogolaaday furashada ururada cusub ee labada goleba ansixiyeen markaasba waxaa meesha ka baxay dabarkii iyo xakamihii xubnaha golayaasha heer degmo iyo heer baarlamaan kaas oo in tii ansixintaas ka horeysay dabar ku noqonayay xubnaha oo qofku inuu fikir kiisa ku raaco iyo arag tidiisa mooyane aanu ka mid noqon karayn urur kale kaa laga soo dortay ee uu ku jiro mooyee , laakiin hada waxaa meesha timid ( nin kii banaayow lagu fasax ) iyo tartan, qodob cad oo u diidayaana ma jiro oo la raacshay in aanu xildhinaan ku urur cusub furan karin kana mid noqon karin ,xitaa xisbiyadii 3 da ahaa ee hore u jiray ayaa heerkii ay joogeen ee xisbinimo hoos uga soo dhacay oo yimid wax layidhaah ururo ilaa ay dib ugu guulay sanayaan golayaasha deegan ka laguma sheegi karo xisbi waayo kuwaas cusub ee hada uun lagu dhawaaqayo ayay la fil noqdeen ,
sababta ururada loo furayna markeeda horeba waxay ahayd in qofkasta oo muwadina uu xaq uleeyahay inuu waxna dooran karo lana dooran karo oo la siiyo xuquuqdisa dastuur oo inyar oo bulshada kamida ama kooxi ay xukun ka isu bed bedelin oo aanu iyaga uun ku wareegin oo la baladhiyo dimoqradiyada si uu qof kastaa uga bogto himiladiisana u xaqiijiyo taasna waxa siinaysa dastuur keena oo odhanaya sidan hoos ku qoran.
 
QODOBKA 23AAD
 
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene
 
waxaan leeyahay hadii meesha sharci jiro oo laracayana waa sidaa kor ku xusan, hadii xag xagasho iyo anba waan hadhee ila hadh  ilaa xiniyaha ayaa lays haysanayaa ay tahayna dee nin waliba nin haku dheganaado danba way isugu dhamaane!
 
aadan axmed cilmi 
khuurshe11@hotmail.com
 
Dublin Ireland
 
———————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Muxaadaro Asxaabul Ukhduud - Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Part.5

Hambalyo badhasaabka gobolka odweyne iyo cambarayn websityada madaxda beenta loo soo dhiibay ka qoraya.By: saeed abdullahi dualeh

$
0
0

Aniga oo ka wakiil ah qurba joogta reer Bristol ( United Kingdom) ee ka soo jeeda deeganka Odweyne ayaan halkan waxaan hambalyo uga diriyaa badhasaabka Cusub ee gobalka odweyne Yusuf ibrahm geedi ( Yamaarug) ee dhawaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Ahmed mahmed Mohamud Silaanyo u magacaabay jagadaasi. waxaana ilaahay uga baryayna inuu xilkaas balaadhan u fududeeyo. waxaan rejeynayaa inuu wax weyn ka tari doono kor u qaadista iyo kordhinta adeegyada asaasiga ah ee gobolka daad madheedh sida waxbarashada, cafimaadka iyo adeegyada kale ee gobolku u baahan yahay. waxaana rejeynayaa inuu uga faaiideyn doono aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisaba gobolka odweyne. waxaana ugu baqayaa dhamaan bulshaweynta degaankaas balaadhan ka soo jeeda ee gudaha iyo qurbaha jooga inay si weyn ula shaqeeyan maamulkaas madaxweynaha somaliland u soo igmaday gobolkaas daad madheedh.
 
Ugu danbeyntii, waxa la yaab leh in websiteyo xaaran cunayaal ah god hoostiisa ka soo qoraan aflagaadooyin ka dhan ah madaxda deeganka , waxaan uga digayaa websiteyada cadaystay inay horumarka kala dagaalaman dadka oo dano gaar ah u adeegan inay joojiyaan dacaayadaha raqiiska ah ee loo soo dhiibay ee ay masuuliyiinta iyo dhaqanka gobolka ka soo jeeda ee u tagan horumarintiisa mar marinayaan. waxaana idin leeyahay dadka wax kale u sheega oo ha ku daalina raga dhulkooda iyo degaankooda horumarkiisa ka shaqeynaya.
 
saeed abdullahi dualeh
Bristol, united kingdom

Ogeysiis ku socda Jaaliyada Puntland ee UK

$
0
0

Ogeysiis ku socda Jaaliyada Puntland ee UK
Agaasinka Xaflada Puntland
agaasinka_xafalada@live.com
Waxaa sharaf inoo ah xaflad-lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdirxmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud (Faroole) lagu qaban doono Magaalada London. Xafladan oo ey agaasinkeeda door-weyn ey ka qaateen Jaaliyada Puntland ee United Kingdom, Hadaba waxaan codsaneynaa in-la dhowaro wakhtiga iyo Habsami u socodka xaflada.
Mahadsanidin.
Date 20/10/2011.
Time 7PM
Address, Shoreditch Town Hall 380 Old Street, London, EC1V 9LT.
Contact  Axmed Yuusuf,Cawar ( Agaasimaha Xaflada soo dhoweynta) 07432627629

Cabdulaahi Farabadane  07944030377
Sakariye Xaaji Maxamed  07960721669
Balanteenu waa 20/10/2011. 7PM iyo Shoretich Town hall.
===================================================
Waxaa nasoo gaarsiiyey akhbaartaan
Agaasinka Xaflada Puntland
agaasinka_xafalada@live.com

Muxaadaro Asxaabul Ukhduud - Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Part.6 Dhamaad

Dhageyso Barnaamij Xiiso Leh “Xiddigihii hore ee Qaranka oo Wareysi lala yeeshay”

$
0
0

19 Oct 2011
Barnaamijkaan waxaad ku dhageysan doontaan Wareysiyo Xiiso badan oo la yeeshay Wariyaha Somgoal ee Magaalada Muqdisho C/Xafiid Zaciimka qaar ka mid ah Xiddigihii Caanka ahaa ee soo maray Xulka Qaranka Soomaaliya Bari-samadkii.

Xiddigahaan oo intooda badan ku Nool Wadamada Horumaray ee Yurub iyo America ayaa ka warami doono Dhinacyo badan oo ku saabsan Isboortiga Soomaaliya iyo Kan Caalamka.
Halkaan Hoose ka dhageyso Barnaamijka oo Dhameestiran.
DHAGEYSO.
————————————————————————————————————
Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ).
Tifaftiraha Somgoal. Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com