Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War Deg deg ah :Madaxweynaha Somaliland Oo Shir...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay shir-guddoonka labada gole qaran ee guurtida & wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaana uu kulankani daarranaa sidii qaran ahaan mawqif midayan looga yeelan lahaa tallaabooyinka ay dawladda Soomaaliya muddooyinkan dambe kaga soo horjeedsatay maal-gashiga iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay.
Madaxweynuhu isagoo si taxadar leh ula socda hagar-daamooyinka iyo tallaabooyinka horumar nacaybka ah ee ay Soomaaliya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday ku diiddan tahay, waxa uu shir-guddoonka iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah metelayey ku lafo-gureen kulankaasi sidii arrimaha soo kordhay isku duubni iyo wada-jir ummadeed loogu qaabili lahaa, isla markaana loo dhawri lahaa midnimada shacabka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay shir-guddoonka labada gole iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka ah, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo xidhidhka goleyaasha, Mudane Sacad Cali Shire iyo Maxamed Xaaji Aadan, waxaana uu madaxweynuhu xubnaha la wadaagay muhiimadda ay leedahay sidii talo midaysan oo qaran, isla markaana sal ballaadhan looga yeelan lahaa gardarrada ay Soomaaliya sdai daba joogga ah ugu hayso qarannimada Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan qaran ee lagu marti-qaaday ka cudur daartay, isla markaana aan kasoo qaybgelin.
storvideo: 


Pro-Jawari MPs say motion against speaker failed to...

$
0
0

Dozens of MPs on Tuesday night declared the controversial motion against Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari unconstitutional as the time set for its submission has passed.
Last week, Upper House Mediating Committee set 28th March for the debate of the motion in a bid ease the escalating political row in the country.
In a Joint statement, Pro-Jawari lawmakers called on the Speaker to resume the work saying he was the legitimate leader of the House as the proposition failed to meet the deadline.
"In accordance with article 4 of chapter 9 of the House Standing Order, the motion against the speaker has collapsed (failed) as it was not tabled on time, therefore, the speaker, Mohamed Osman Jawari should officially resume his duties of leading the House business," reads the statement.
The MPs pointed fingers of blame at Prime Minister, Hassan Ali Kheire, accusing him of spearheading the political crisis that crippled the House business.
Finally, the statement warned that PM and President Farmajo would take the responsibility, should the national institutions collapsed due to the escalating political tension.
The move comes amid the ongoing political row has created a vacuum between the leadership of the House.
On Sunday, the 1st deputy Speaker, Abdiweli Sheikh Mudey announced the motion against the speaker will be tabled on 31st of March.
The following day, the speaker was at the podium to dismiss the announcement by Mudey, spilling out the rift between House leadership to the public.
The fate of the motion is yet unclear as the House members were divided into two opposing factions.
Source: Hol
storvideo: 

Kenya: Stop Arbitrary Detention of Lawyer at Airport

$
0
0

Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai.
Kenyan authorities should comply with court orders to release or produce in court the opposition lawyer Miguna Miguna, Human Rights Watch said today. Miguna, a Kenyan citizen who is being held in Kenya's main airport in Nairobi, the Jomo Kenyatta International Airport, should be allowed to enter and leave the country freely.
"Kenyan authorities should urgently obey the numerous court orders to either release or produce Miguna in court," said Otsieno Namwaya, Africa researcher at Human Rights Watch. "Holding him at the airport without any form of judicial review, in violation of court orders, is a blatant example of arbitrary detention."
In the most recent actions in the case, on March 27, 2018, one judge directed authorities to release Miguna but the authorities ignored the order. Another judge later that day directed the authorities to produce Miguna in court on March 28, but authorities again failed to comply. On March 28, opposition supporters in Kisumu, in the western region, held street protests over Miguna's continued detention, setting bonfires and blocking roads with stones.
In a statement to the media on March 28, Chief Justice David Maraga said that the "courts will have no option but to suspend proceedings countrywide until the state shows respect to the courts."
On February 2, Miguna told news media that police had violently arrested him in Nairobi and, after disregarding numerous court orders to either release him or produce him in court, deported him to Canada, where he also holds citizenship. On February 7, the interior cabinet secretary, Fred Matiang'i, said that the authorities had deported Miguna because he was not a Kenyan citizen, but a high court judge later revoked the deportation, terming it illegal.
On March 26, Miguna returned to Kenya following a court order directing Kenyan authorities to unconditionally allow him to enter the country. Police and immigration officials detained Miguna at the airport, however, with the immigration demanding that Miguna, he re-apply for citizenship or for a visa before he is allowed to proceed. He remains in detention there.
Miguna is among three people, including two members of parliament, who were arrested in February in a crackdown against those who participated in a parallel swearing in ceremony on January 30 for Raila Odinga. Odinga, who was the presidential candidate for the leading opposition coalition, NASA, held the swearing in after losing the presidential election, which he contended was not conducted fairly.
Odinga and President Uhuru Kenyatta have since agreed to cooperate and de-escalate the political tension, including ending a government crackdown on opposition leaders. On March 16, Odinga told supporters that, as part of the agreement with Kenyatta, Miguna would be allowed back into the country unconditionally.
In 1988, Miguna, then a university student activist, fled to Canada following a government crackdown on critics. Miguna acquired Canadian citizenship and after then-President Daniel arap Moi left power in 2002, travelled in and out of Kenya several times on a Canadian passport. In 2008, Miguna became an adviser to Odinga, then the prime minister, and in 2009 acquired a new Kenyan national identity card and passport. Under the 2010 constitution, Kenya cannot revoke the citizenship of anyone who acquired citizenship at birth.
Source: hrw
storvideo: 

Arrin cusub: Gud. Jawaari & Xulafadiisa oo ku...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana kulankaas shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka ayaa waxaa lagu go'aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka.
Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay.
Waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo.
Xildhibaannada golaha shacabka ee "Badbaado" la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Buux oo kulanka ka hadlay ayaa yiri "Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo."
Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey'adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Akhriso: Magacyada Xubnaha gudiga joogtada Aqalka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa kala diray guddiga Aqalka sare u qaabilsanaa xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka.
Ka hor inta aan la kala dirin guddiga ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen is casilaad, waxaana kamid ahaa Sanatorada dalbaday casilaada Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi ayaa intaa kadib maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah.HOOS KA AKHRISO LIISKA GUDDIGA LA KALA DIRAY
Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa:
1-Cabdi Xaashi C/laahi (Guddoomiye).
2-Mowliid Xuseen Ducaale (Xubin).
3-Zamzam Ibraahim Cali (Xubin).
4-Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid (Xubin).
5-Maxamuud Axmed Mashruuc (Xubin).
6-Maxamed Amiin Sheekh Cismaan (Xubin).
7-Muxyadiin Sh. Cali Jaamac (Xubin).
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go'aano sii hurinaya Mooshinka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Guddoomiye Muudey ” Waxba Iskama bedelin Xilliga loo qorsheeyay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay war  saxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada hada jirta iyo waxa soo socda ee Goluhu uu doonayo inuu sameeyo, wuxuuna war-saxaafadeedkiisa ka koobnaa ilaa Saddex qodob.
Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.
Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in loo codeynayo 10 cisho oo maalin shaqo ah, laga bilaabo Taariikhda Mooshinka la keenay, sidaasi darteedna Mooshinka Golaha la horkeeni doono 31-ka bishan March 2018.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Warqad-696x928.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Warqad-315x420.jpg 315w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Warqad.jpg 720w" sizes="(max-width: 225px) 100vw, 225px" />
The post Guddoomiye Muudey ” Waxba Iskama bedelin Xilliga loo qorsheeyay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari. appeared first on Shabelle.

Heshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistaan

$
0
0

H.E. MR. BALAL MOHAMED CUSMAN, FOREIGN POLICY ADVISER TO THE PRESIDENT OF SOMALIA ACCOMPANIED BY THE AMBASSADOR OF SOMALIA H.E. MS. KHADIJA MOHAMMAD AL-MAKHDOOMI MEETING WITH NATIONAL SECURITY ADVISER, LT. GENERAL (RETD) NASSER KHAN JANJUA IN ISLAMABAD ON MARCH 29, 2018.
Islamabad-(SONNA)-Dowlada Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa ka Shalay oo Kamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.
Kulan Caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha Siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen; Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan.
Gen; Nasser Khan Janjua, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa'iideysto.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga Labada Waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka Aadanaha, Difaaca iyo sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya, iyagoo si isku mid ah u ballanqaaday inay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay.
Danjiraha Somaaliya u joogta Dalka Pakistaan, Amb; Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga gudaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato Khibraddeeda.
Isha/ APP
storvideo: 

Daawo-Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Jawaab...

$
0
0

(Toggaherer)-Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Jawaab Adag Ka bixisay Dacwad Ay Somaliya U Gudbisay Qaramada Midoobay.
Daawo-
[embedded content]
storvideo: 


Barnaamijka qubaha VOA oo lagu soo qaatay ra’isal...

$
0
0

Barnaamijka qubaha VOA oo lagu soo qaatay ra'isal wasaaraha cusub ee Ethopia
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 30th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalapress - London - Barnaamijka qubanaha ee aalaaba ka baxa VOA, ayaa lagu waraystay nin falanqeeya siyaasadda geeska waxanu ka warramay ra'iisal wasaasaraha cusub ee Ethopia Mudane Ahmed iyo aqoonta uu u leeyahay.
[embedded content]
VOA
Awdalpress
This post has been viewed 30 times.
storvideo: 

-Faransiiska Oo Dhexdhexaadin Ka Gali Doona Muranka...

$
0
0

(Toggaherer)-Faransiiska Oo dhexdhexaadin Ka gali Doona Muranka Suuriya.
Loollanka ka taagan waqooyiga Suuriya ayaa noqday wareer diblumaasiyadeed oo weyn, kaas oo suurtogal ka dhigaya in labo xulufo oo kawada tirsan NATO, waa Turkiga iyo Maraykankee ay iska soo horjeestaan.
Xooggaga Turkiga oo taageeraya malayshiyo ay xulufo yihiin ayaa jabiyey dagaallamayaasha Kurdiyiinta ee ku sugan gobolka Afrin, hadda waxay ku hanjabayaan in ay u wareegi doonaan oo ay indhaha ku hayaan magaalada Manbij.
Golaha qaran ee nabad galyada Turkiga waxay arbacadii soo saareen digniin kama dambays ah, ayadoo dawladda turkigu ay sheegayso in ay tallaabo qaadi doonto haddii dagaallamayaasha Kurdiyiintu aysan si dhakhso ah uga bixin deegaankaas.
Dhanka Maraykanka ee ku aaddan khilaafka maahan mid u muuqda in ilaa iyo hadda la xalliyey, mana jirto calaamad muujinaysa in ciidamada Maraykanka laga saaray Manbij, halkaas oo ay ku gacan siinayeen Jabhadda dimuquraadiga Suuriya taas oo wadday dagaal lagu guulaysatyay oo ka dhan ahaa Daacish.
Waa nooc diblumaasiyadeed oo uu u arkay madaxweyne faransiiska Emmanuel Macron in ay jirto fursad uu ku noqon karo dhexdhexaadiye nabadeed. dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo daganaansho ka dhaca deegaanka Suuriya ee khilaafka ba'ani uu ka taagan yahay ayaa ah mid lasoo dhawaynayo.
storvideo: 

Heshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistan

$
0
0

Dowladda F. Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha. Kulan caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen. Nasser [...]
storvideo: 

Wararkii ugu dambeeyay weerar ka dhacay Duleedka...

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo wadada u galay kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Cali-fooldheere oo dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaallo culus.
Cidanka Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee wadada loo galay ayaa ka ambabaxay dhanka degmada Mahadaay, waxayna kusii jeedeen degaanka Cali-fooldheere.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen iyada oo Ciidanka AMISOM ay Saad u wadeen Ciidamo kale oo ku sugan degaanka Cali-fooldheere in mar qura ay maqleen jug xoogan iyo rasaas la is weedaarsaday.
Warar madax banaan ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyada oo sidoo kale wararku ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM laga gubay Hal gaari oo nuuca dagaalka ah.
Ciidamada AMISOM ayaa iska caabiyay weerarka labada jiho ahaa ee Shabaab ay ku soo qaadeen, waxaana ay ridayeen qoryo culus oo ay isaga caabinayeen weerarkaasi, sida dadka degaanka ay inoo sheegeen.
Inta badan ciidamada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah u dhiga kolonyada gaadiidka AMISOM ee ku safra wadooyinkan, weli maamulka Hirshabeelle lama uusan imaan talaabo cad oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada ka taagan degaanadiisa.
storvideo: 

Rag hubaysan oo sii daayay duqa magaalada Tripoli

$
0
0

Duqa magaalada Tripoli ayaa la sii daayay saacado ka dib markii ay la tageen rag hubaysan, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Dad Soomaali dib looga soo celiyay Dalka Mareykanka 

$
0
0


Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirneyd xabsiyo ku yaalla dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay gudaha Soomaaliya, waxaana ay tiro ahaan gaarayaan 85 qof.
Dhalinyaran ayaa waxa ay isugu jiraan qaar horey dambiyo uga galay dalka Mareykanka iyo kuwo dhawaan wadankaas galay oo aanan heysan sharciga dal ku galka ah.
Dhalinyaradan oo shalay laga soo safriyay dalka Mareykanka ayaa soo maraya Magaalada Jubba ee dalka South Sudan, intaasi kadib ayaa laga soo dejin doonaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.
Ma ahan markii ugu horeysay ee wadanka Mareykanka dad laga soo celiyay la keeno Soomaaliya, sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dad gaaraya 600 oo qof laga soo dejiyay Soomaaliya.
Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, Soomaali badan ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Mareykanka.
storvideo: 

Guddoomiye Muudey “Jawaari xilligan kuma hadli karo...

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay war saxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada hada jirta iyo waxa soo socda ee Goluhu uu doonayo inuu sameeyo, wuxuuna war-saxaafadeedkiisa ka koobnaa ilaa Saddex qodob.
Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.
Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in loo codeynayo 10 cisho oo maalin shaqo ah, laga bilaabo Taariikhda Mooshinka la keenay, sidaasi darteedna Mooshinka Golaha la horkeeni doono 31-ka bishan March 2018.
Wuxuu kaloo Guddoomiye ku xigeenku sheegay in Guddiga joogtada Golaha Shacabka in howlaha Baarlamaanka ay sii wadi karaan Ajenadaha soo socdana dejin karaan, marka xildhibaanada Golaha Shacabka ay safax ku jiraan, balse marka Baarlamaanka uu furan yahay aysan laheyn cod.
Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa sheegay Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay inaanu ku hadli karin magaca Golaha Shacabka, inta arrinta laga gaarayo go'aan.
storvideo: 


Muudeey “Waxba isma beddelin, Jawaari codka ayaa loo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Muudeey ayaa sheegay inaanu waxba iska beddelin qorshaha codka kalsoonia loogu qaadayo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaa Jawaari maalinta sabtida.
Muudeey ayaa xalay soo saaray warqad uu ku saxiixnaa oo jawaab u ahayd hadalkii shalay kasoo yeeray Jawaari ee ahaa in mooshinka uu burburay, islamarkaana baarlamanka uu howlihiisa caadiga dib u billaabayo sabtida, uuna hoggaamin doono kulanka.
Muudeey ayaa sheegay in guddoomiye mooshin laga keenay uusan baarlamaka hoggaamin karin, sidaas darteeda uu sabtida hogaamin doono kulanka, islamakaana ajendaha uu yahay mooshinka.Hoos ka aqriso warqadda Jawaari

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maxaa ka dhaxeeya kutlada badbaadada baarlamanka...

$
0
0

"Caawa maxaa uga ek Xalay""Awrka yar wuxuu leeyahay saan-qaadka kan Weyn""Waa maadeys adduunyadu dadkuna way matalayaan".
Barlamaanka Somaliya, gaar ahaan 5 tii ugu danbeysay waxaa soo maray; khilaaf, is qab-qabsi, buuq, kala qeybsanaan, Mooshino iyo bur-bur ku dhammaan jiray: ridis iyo dhisid Xukuumado, Madxweyne iyo Gudoomiye iwm. Sanad kastana Khaatuma xumo ayuu ku dhammaa jiray oo ah in la xiro ama la hakiyo hawlihiisa sida:
1-Barlamaankii Carte 2000, oo sanadkii ugu danbeeyey ku dhamaaday khilaaf lagu kala aaday Eldoret iyo Muqdisho.
2-Barlamaankii Embagathi 2004, oo ku bilawday Jawhar iyo Xamar, kuna dhamaaday Asmara iyo Muqdisho.
3-Barlamaankii Jabuuti 2009, oo ku dhamaaday Qunful Xaruntiisa iyo Kampala Accord.
4-Barlamaankii Muqdisho 2012, oo ku dhamaaday hawl-gab lagu bedelay Golihii Madashii Badbaado Qaran iyo Gudoomihii Barlamaanka oo xubin ka noqday kadib markii uu hakad geliyey hawlihii Barlamaanka.
5-Barlamaanka Maamul-gobaleedyada 2016, oo sanad kadib isku bilaabay khilaaf aan la ogeen qaabka uu ku dhammaan-doono 3 sano kadib.
Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa laba Kutlo oo ka kala tirsanaa Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, dhinacyada ay isaga ek-yihiin ama ay ku kala duwan-yihiin;
A-Kutlada Xalay lagu dhawaaqay ee la magac baxday "Badbaadada Barlamaanka" ee difaaceysa Guddoomiye Jawaari uuna hogaaminayo Mudane M. Cumar Carte.
B-Kutladii Badbaado Qaran ee 2014, oo difaaceysay Xukuumadii RW Cabdiweli, ayna hogaaminayeen Senator Dhegdheer iyo Senator Jurrile.
Xagga ay isaga ekaayeen labada Ciyaartoy!.
1-Magaca Badbaado iyo Tirada Ciyaartoyda ka wada tirsanaa.
2-Gudoomiye Jawaari oo Jilaa ka wada ahaa labada Ciyaar.
3-Qabyo oo Ciyaartoy ka wada aheed labada Ciyaarood iyo labada Garoon.
4-Xukuumaddii RW Cabdiweli iyo Xukuumadda RW Khayre oo ka kala ahaa Difaac iyo Weerar.
5-Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka kala ahaa Kaptan iyo Gool haye..
6-Carte iyo Dhegdheer oo wada ahaa kaaliyaal Difaac adag lkn la jebiyey difaacii dhegdheer, halka aan weli la ogeen difaaca Carte???.
7-Beesha Xalane oo isku day'day in ay labada Ciyaarood Arbiter ka noqoto lkn loo wada diiday.
8-Labada kooxood oo ku wada ciyaarayey garoonka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadk lkn ku kala duwanaa; dharka, kubbaddaha, calamada, kaptanada, aarbiitarada iyo taagee-yaasha.
9-Ciyaartoyda labada koox oo mar kasta ka yimaada; 2 Beel, 2 Deegaan, 2 Xizbi, 2 Jilayaal lkn Taageere-yaasha iyo Daawada-yaasha ay kala duwan-yihiinn.
10-Xilliga Ciyaarta oo mar kasta kusoo beegma sanadka 2 aad markii taba-barka loo xiro Kaptanada cusub.
Hadaba maalmaha soo socda waxaa noo bilaabanaya Ciyaar adag oo dhex mari doonta laba kooxood oo aad u culus aadna u taba baran lehna Ciyaartoy kayd ah iyo Taageerayaal jadbeysan oo ay kala hogaaminayaan; Kaptan Carte iyo Kaptan Khadiija M. Diiriye, waxaana sugeynaa Gool ka ugu horeeya iyo Dhibcaha ugu danbeeya ee la kala helo iyo sida ay ugu qanciyaar Taageerayaasha!.W/Q. Mohamed Gacal
storvideo: 

Puntland Police on Alert as Somalia Terror Threat...

$
0
0

A checkpoint in the desert of northern Somalia is the first line of defense against Al-Shabab and Islamic State from reaching the port city of Bossaso, the economic hub of the semi-autonomous Puntland state.
The two extremist groups have set up camp in the mountains east and west of the city, and launch periodic attacks, including two assaults on the checkpoint last year.
In daylight, armed police search every car heading in and out of the city, looking for weapons, explosives, and hidden militants. At dusk, they take up positions behind bunkers in case the extremists attack again.
"We are always on standby, we are always careful, but with God's will we will defeat them one day," says Lieutenant Colonel Mahmoud Mohamed Ahmed, who commands the checkpoint.
Puntland has long been more stable than the country's volatile south, where al-Shabab has battled the government and African Union forces for the past decade. But in the past year, there have been a string of smaller attacks in Puntland, including tossed grenades and shootings in and around Bossaso.
Now, government security forces are on alert amid fears that Somalia's instability may be creeping north.
At the checkpoint, Ahmed says they uncover weaponry or make arrests almost every day. Two weeks ago, they found six al-Shabab suspects hidden in a truck bed, he says.
Just days before VOA's visit, Ahmed says his men captured a suspected IS member who had jumped off his vehicle and tried to skirt the checkpoint by foot.
"I sent two groups of troops. Some took the vehicle, the others went by foot," Ahmed explains. "When [the suspect] saw the first troops coming in front, he tried to run backwards, and he ran into the second group."Blending in
In Bossaso itself, security appears tight, with police and soldiers riding pickup trucks, maintaining a visible presence on the streets. But authorities admit extremist cells are in the town, blending into the civilian population. There have been two attacks on police posts in Bossaso this year, killing a handful of officers.
"As a normal person you can't distinguish them from the rest of the people, and if they have the intention to do something, they do it and run away," says Colonel Abdul Hakim Yusuf Hussein, the police commissioner for Puntland's Bari region, which includes Bossaso.
While it's unclear exactly who carried out the two recent incidents, police have set up new checkpoints and conduct night operations in the city to round up potential troublemakers.
Hussein says al-Shabab members are shifting north to escape military pressure in southern Somalia, and gain access to weapons smuggled by sea across the Gulf of Aden from war-torn Yemen.
But Hussein downplayed the overall extremist threat, noting that IS, which briefly captured a town east of Bossaso in 2016, now only has between 40 and 50 fighters, not enough to launch large offensives. He said smaller grenade or gun attacks are merely a way for extremists to say "We are still here."
Bossaso remains calmer than Somalia's capital Mogadishu in the south, where deadly explosions are common. Attacks in Bossaso target security forces and officials, a contrast to large bombings in Mogadishu that mostly kill civilians.
During a walk with police through a busy market, VOA spoke to shopkeepers like Ali Mahmoud, who said security was fine in the city.
"You can come across an accident or an incident, but there is no big threat that we now fear," he said.
Even so, as long as extremists remain in the countryside with access to weapons, Bossaso is not completely safe.
Source: VOA
storvideo: 

Xog: Ciidamada heysta xarunta BF oo la xoojiyay iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in aad loo xoojiyay amniga Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia, kadib markii halkaa la geeyay ciidamo hor leh oo la sheegay inay ka feejigan yihiin qalqal amni.
Ciidamada la sheegay in la geeyay xarunta baarlamaanka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in si buuxda ay ula wareegan dhammaan waddooyinka gala Xarunta baarlamaanka Somalia.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu wargaliyay in maalinta bari oo Sabti ah xarunta baarlamaanka uu ka qabsoomi doono Codeynta Mooshinka Guddoomiye Jawaari, sidaa aawgeedna la doonaayo in la adkeeyo amniga.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku adkeysanaya in Mooshinka uu weli yahay mid taagan, isla markaana ay codeyntu qabsoomi doonto maalinta beri ah.
Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa qaarkood sheegay inay heleen fariimo lagu ogeysiinaayo in malainta beri oo sabti ku beegan ay qabsoomi doonto codeynta Mooshinka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in xiisad ay ka dhalato qabsoomida codeynta Mooshinka Jawaari, maadaama garabka Jawaari ay dhankooda ka iclaamiyeen in maalinta beri ay sii wadan doonaan shaqooyinkooda isla markaana ka doodi doonaan Ajendaha Beled-xaawo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Dalxa “Jawaari waxa uu kulamadiisa ku buuxsadaa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Iyadoo magaalada Muqdisho ee - Somalia ay weli ka socdaan kulamo iska soo horjeeda oo u dhexeeya garabka taabacsan Guddoomiye Jawaari iyo garabka Mooshinka ayaa waxaa soo baxaaya dhaliilo ay jeedinayaan Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari.
Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu iska horgeynaayo baarlamaanka Somalia iyo Aqalka sare.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu maraayo heer kulamada uu ku qabsanaayo Xarunta Villa Hargeysa uu ku buuxsado Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare.
Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in Jawaari uusan heysan Xildhibaano ku filan, sidaa aawgeed uu bilaabay in shirarka uu kawado Xarunta Villa Hargeysa ku buuxsado xubno ka tirsan Aqalka Sare.
Waxa uu Dalxa sheegay in dhammaan shirarka uu qabtay Jawaari ay ka soo dhex muuqdeen Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, taasina ay muujinayso sida ay u socoto fowdada sharci la'aanta ah.
Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahan yahay in laga waantoobo.
Dhinaca kale, Aqalka Sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu haayo golaha shacabka inay tahay xadgudub wayn.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live