Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jawaari “Kheyre waa nin shaqo yaqaan ah balse waxa...

0
0

Muqdisho (- Online) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kooban uga hadlay isbedelka Siyaasadeed ee ka jira dalka, heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka la doonaayo in lagu rido iyo Hanaanka shaqo ee Ra'isul wasaare Kheyre.
Guddoomiye Jawaari, oo shir Jaraa'id habbeenimadii xalay ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in dalka uu ka jiro Isbedelo Siyaasadeed oo muuqda, waxa uuna tilmaamay in isbedeladaasi ay sabab u tahay Xukuumada Somalia.
Waxa uu Jawaari sheegay in isbedelka jira ay sababi karaan guulo iyo guul la'aan waxa uuna cadeeyay in ka shaqsi ahaantiisa uu noqon doona kan ugu dulqaadka badan.
Jawaari ayaa sheegay in Mooshinka ay kawadaan Xildhibaanada baarlamaanka uu yahay mid ku abuurmay qaab khaldan, hase ahaatee uu yahay mid u muuqaal eg duulaan ka dhan ah shaqsiyadiisa.
Mooshinka laga wado ayuu sheegay inuu meel u dhici doono, isla markaana uusan ka raali noqon doonin in wado khaldan lagu hogaamiyo dalka.
Waxa uu sheegay inay nasiib darro ku tahay in la dayaco Somalia oo nabadeeda iyo xasiloonideeda loo daadiyay dhiig badan, si wanaaga loo gaarana ay xooga saari doonaan ilaalinta sharciga.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa "Dalkan meel fog baa laga keenay, dad badan ayaa u soo geeryooday, dadka qaar rajo beel ayaa ku dhacay, laakiin waxaan soo gaarsiinay nidaam daahfuran, waxaana muujinay in Soomaaliya ay leedahay Baarlamaan cadaalad leh, shacabka Soomaaliyeed marqaati ayay ka yihiin."
Jawaari wuxuu sheegay Guddoomiye hadii Mooshin laga keeno in lagu dhameeyo 10 berri, kadibna 15 berri gudahood lagu doorto mid kale, Ra'iisul Wasaare hadii laga keenana lagu dhameeyo 5 maalmood, taasi ayuu sheegay in looga gol leeyahay howlaha dalka in aysan xayir min.
Wuxuu sheegay weli in aysan dhicin in xarunta Baarlamaanka la dul dhigo Ciidan, aysana qurux badneyn in lagu xad gudbo xurmada Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in Ciidamada laga dul qaado xarunta Golaha Shacabka.
Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada xusuusiyay in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan danta guud ee dalka, sidaas darteedna laga doonayo qof walba inuu xilkiisa u guto si daacadnimo leh oo ay ku jirto Alle ka cabsi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in burbur ay gasho Dowladda, wuxuu sheegay in Khayre uu yahay nin wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, balse maalmahan dambe uu ka talo qaato rag uu sheegay in ay ku taqasuseen burburinta Baarlamaankii Sideedaad, wuxuuna ka dalbaday inuu ka fogaado raggaasi.
Waxa uu yiri "Khayre waa nin fiican oo shaqo yaqaan ah, hase yeeshee maalmahan damba wuxuu ka talo qaataa Engineeradii ku taqasusay buburinta Baarlamaankii Sideedaad, waxaan kula talinayaa dadkaasi inuusan war ka maqlin, annaga Mooshin kaama wadin, xaq ayaan u leenahay inaan kula xisaabtano, dhulka dhig xaajada."
Haddalka Jawaari ayaa u muuqanaaya mid uu ku baadigoobayo Isfahan iyo in xal hoosaad laga gaaro Mooshinka iyo Khilaafka kala dhexeeya baarlamaanka iyo Xukuumada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Dad dahab qota oo si sharcidarro ah ku galay beerta xaaska Mugabe

0
0

Shaqaale sharcidarro ah ayaa galay beer ay leedahay xaaska madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe iyaga oo macdan ka qodanaya.

Ruushka oo Eryay 60 Diblamaasi oo Mareykan ah

0
0

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jiri doonin wax cudur daar ah oo ku aadan eryida aargudashada ah ee uu Ruushka ku eryay 60 diblamaasi oo Mareykan ah.

Dad dahab qota oo si sharcidarro ah ku galay beerta...

0
0

Shaqaale sharcidarro ah ayaa galay beer ay leedahay xaaska madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe iyaga oo macdan ka qodanaya.
Wariyeyaal ka socda wargayska Newsday ee dalka Zimbabwe ayaa arkay dadkaas oo jaraya geedo liimo ah oo gawaari ku guranaya macdan.
Markii arrintaas si rasmi ah loo xaqiijuyay Khamiistiina, Grace waxay arrintaas ku wargalisay booliiska.
Beertu waxay ku taallaa Mazowe, halkaas oo ay si khasab ah uga saartay dadkii daganaa sannadku markuu ahaa 2015kii, wakhtigaas oo ninkeedu madaxweyne ahaa.
Qoraal ay Grace u dirtay booliiska oo uu arkay wargeyska New Zimbabwe ayay ku sheegtay in ay beerta dhex maraysay markii ay la kulantay arrin layaableh oo ah in ay 400 oo nin si sharci darro ah beerteeda uga baarayeen dahab.
Markii ay la hadashayna way ku qaylyeen, hawshooda ayayna iska sii wateen, beertu waxay 40km dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Harare.
Newsday wuxuu ku warramay in mid ka mid ah dadkaas uu ku qaylyay.
"Awood aad meeshan nagaga kaxayso ma lihid, waxaan rabno ayaana samaynaynaa". ayuuna yiri
Sannadkii hore waxaa aad loo hadal hayay in Grace ay badali doonto ninkeeda sii duqoobaya oo ay madaxweyne noqon doonto.
Laakiin hadalladii la isla dhexmaray waxaan soo dhawaynin qaybo ka mid ah xisbigii talada hayay, waxaana xilkii laga qaaday bishii Nofeembar, waxaana badalay Emmerson Mnangagwa oo ay wakhti dheer xulafo ahaayeen.
storvideo: 

Myanmar oo Maxkamadaynaysa wariyeyaal ka tirsan Reuters

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Yangon-(SONNA)- Waxaa Maanta Maxkamadda Ciidamada Dalka Burma kasoo muuqanaya Laba Suxufi oo ka howl-galayay Wakaaladda Wararka Reuters, kuwaasoo lagu eedeeyay inay warar kasoo tabiyeen tacaddiyada ay Dowladda Myanmar ka geysato Gobolka ay Muslimiintu degaan ee Rakhine.
Amal Clooney, oo ah Qareen u doodda xuquuqul Insaanka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo Labadan Suxufi, waxanay dedaallo ugu jirtaa inuusan ku dhicin xukunka adag ee ay Dowladdu la damacsan tahay.
Wa Lone, oo 31 jir ah iyo Kyaw Soe oo 27 Sano jir ah ayaa la xiray Bishii Disembar ee 2017-kii, waxaana lagu wadaa in loo cuskado sharciga bixinta siraha rasmiga ah ee Dalka, iyadoo laga yaabo in lagu xukumo 14 Sano oo Xabsi ah.
Gail Gove, oo ah Madaxa Wakaaladda Reuters , ayaa sheegay in howshan ay waddo Mss; Clooney ay xoojin doonto khibradda caalamiga ee shirkaddan , isagoo rajo ka muujiyay inay sii ballaarin doonto dedaallada lagu xaqiijinayo sii deynta Saxafiyiintan.
Ka sokoow gabbood fallada ka dhanka ah Dadka Muslimiinta ah ee Dalka Burma ku dhaqan, waxaa halkaasi ka jira cabburinta hadalka iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee xorriyadeed, iyadoo maamulka Dalkaasi ka arrimiyana uu Dhagaha ka fureystay dhaleecayn badan oo ugu timid Qaramada midoobay iyo Beesha Caalamka.
Isha/ Al-Jaziira
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQarax dhimasho sababay oo ka dhacay Dalka Liibiya

storvideo: 

Speaker Mudey: The impeachment motion still stands

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The first Deputy Chairman of the House of the People, Mr. Abdiweli Ibrahim Mudey, last night spoke to the press again about the status of the motion against Speaker Mohamed Osman Jawari.
Mudey stated that nothing has changed legally in terms of the process of the no-confidence motion against Speaker Jawari, and said it is expected to be brought before the house on Saturday.
Deputy Muudey further said the motion against the Speaker was to be voted within 10 working days from the date the motion was tabled, and therefore the motion is set for 31 March 2018.
The statement of Deputy Speaker of Parliament came after MPs supporting Speaker Jawari announced that the deadline of the motion had elapsed thus calling on the Speaker to resume his duties normally. In a Joint statement, Pro-Jawari lawmakers called on the Speaker to resume the work saying he was the legitimate leader of the House as the proposition failed to meet the deadline.
Source: Hol
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Speaker Jawari praises PM amidst political turmoil

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somali Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari has praised Prime Minister, Hassan Ali Kheire for the first time since the political crisis between the Legislative and Executive arms erupted.
During a press conference in Mogadishu following a meeting with the House Committee, Jawari said PM Kheire was determined leader who is committed to serving the nation.
"The Prime Minister is a good person who knows the job, but these days he is being consulted by those attempting to engineer the downfall of the 8th Parliament," said Jawari.
Jawari denied that he was preparing no-confidence motion against Prime Minister Kheire.
"We were not working on a motion against you (PM Kheire), you got scared out for nothing," the Speaker said.
Jawari also called on the government to remove the newly deployed forces from the parliament.
When asked about the motion against him, Jawari said the proposition failed as the time set for it, has passed.
The speaker's sentiment comes on the heel of the statement by Pro-Jawari MP to stand with the embattled Speaker.
Source: Hol
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Somalia seeks to develop inclusive security plan to...

0
0

MOGADISHU, March 29 (Xinhua) -- The Somali government has kicked off a series of meeting aimed at developing an inclusive National Action Plan to prevent and counter violent extremism in the Horn of Africa country.
A two-day conference to review the existing strategy ended in Mogadishu with calls for the involvement of key sectors, in the development of the new national action plan.
"The only way we can combat extremism is to listen to different perspectives, particularly the religious leaders and address this problem from a Somali perspective," Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled said in a statement issued by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday.
Guled said countering violent extremism through military means should be the last resort.
"There should be an active awareness campaign on ideology and to cut the source of funding and revenue to activities that support violent extremism," he added.
The new plan will factor in the views and needs of all stakeholders, including the Federal Member States, to enable the implementation of a comprehensive strategy that will tackle violent extremism in a more decisive manner.
According to the government, religious leaders play a critical role in dialoguing, opinion shaping and controlling violent extremism in Somalia, thus the emphasis on their active participation in the review exercise, expected to culminate in the implementation of a national strategy on Prevention and Counter Violent Extremism (PCVE), as provided for in the country's Comprehensive Approach to Security (CAS), Strand 4.
The Comprehensive Approach to Security, which falls under the National Security Architecture, is part of a security pact agreed to by Somalia's leaders in 2017
Mane Ahmed, AMISOM's Gender Officer, said the conference provided an opportunity for the AU mission to support the PCVE Office and other stakeholders, in ensuring that the Plan adopts an inclusive approach, with clear indicators of monitoring local and federal initiatives.
Incorporating a gender perspective in this important document will ensure the meaningful participation of women to the PCVE efforts, Ahmed added.
Yahye Ali Ibrahim, PCVE Coordinator, reiterated the importance of using religious leaders in efforts to end violent extremism, because of their immense influence on society.
"The biggest responsibility lies on the shoulders of the Somali religious leaders and they are instrumental in the fight against extremist ideologies," Ibrahim added.
He said the government plans to roll out an ambitious sensitization campaign, with emphasis on tolerance and dialogue among all Somalis, once the review of the national action plan is complete.
"We want the Somali public to know their role; to prevent bloodshed of their fellow citizens, and we will achieve this with an agreed plan of action to deal with scourge as united and well informed communities," Ahmed added.
Source: - Xinhua
storvideo: 


Wasiir Xoosh oo Jawaari ugu laab qaboojiyay...

0
0

Muqdisho (- Online) - Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo qoraal kooban kusoo daabacay Bogiisa Facebook, ayaa ka hadlay qoraalada ay is dhaafsadeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.
Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu sheegay in sharci ahaan Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari uu yahay mid jira, isla markaana uusan burburin, marka dib loo eego sharciga.
C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in 18-kii bishan March uu Guddoomiye Jawaari aqbalay Mooshinka inuu xalaal yahay, balse ay nasiib darro tahay in xiligaan uu muran galiyo.
Wasiir Xoosh, waxa uu tilmaamay in Jawaari iyo garabkiisa ay marmarsiyo ka dhiganayaan inuu dhamaaday Tobankii cisho ay u qabteen garabka Mooshinka kawaday, hase ahaatee ay ilooben in qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka uu dhigayo in 10-ka cisho ay ka bilaabaneyso maalinta la horgeeyo Golaha.
Nuqul kamid ah qoraalka Wasiir Xoosh ayaa ahaa "Taariikhda markey ku asteysaneed Maarso 18-keedii wuxuu Jawaari si rasmi ah u aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay''
''Jawaari wuxuu iloobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4-aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31''
Waxa uu intaa kusii daray Xoosh "Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la horgeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintan"
Xoosh waxa uu sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari laga doonaayo inuu muujiyo dulqaadkii uu ku aqbalay Mooshinka, waxa uuna sheegay in Xalaal uu yahay Mooshinka, marka loo laabto sharciga dalka.
''Jawaari yuusan ka weecan sharciga waxaan oran lahaa sharafta aad ku dhex leedahay bulshada yeysan maalin qura kaaga dhicin garwaaqso in Mooshinka kaayaala uu yahay mid xaq ah''
Haddalka Wasiir Xoosh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo shir uu Muqdisho ku qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku sheegay inuu ku soo laabtay xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka, Sabtidana uu jiro kulanka Baarlamaanka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Ilhan Omar documentary among Minnesota projects...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Robert De Niro's Tribeca Film Festival will have more than a touch of Minnesota this year. Two projects shot largely in the state will be part of the event that runs from April 18-29 in New York City.
"A Time for Ilhan," by documentary filmmaker Norah Shapiro, chronicles Ilhan Omar's successful bid to win election to the Minnesota House of Representatives, making her the first Somali-American, Muslim woman to hold state office in the United States.
In addition, Rosemount native Naomi Ko will be shopping a pilot for a potential series. "Nice," which was mostly shot in the Twin Cities, stars Ko as a young Korean-American woman who faces a crisis when she's diagnosed with cancer. Ko, who appeared in the 2014 indie hit "Dear White People," is hoping screenings at the festival will attract a streaming service or network that will green-light an entire season.
The festival, now in its 17th year, will also feature new documentaries about Gilda Radner and the New York Times, as well as high-profile feature films, including the sci-fi romance "Zoe," starring Ewan McGregor, last seen showing off his Midwest accent in "Fargo."
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muudeey oo soo saaray warqad amar amni ah oo la...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu kaga hadlay xaalada ammaan ee kulanka berri ay yeelanayaan xubnaha Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u kala qeybsan laba ayaa yeelanaya Sabtida kulan, iyada oo Jawaari iyo Muudey ay ku dhawaaqeen Ajendayaal kala duwan, oo kulanka looga hadlayo.
Warqada oo la ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabad Sugidda, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee Ciidanka Midowga Afrika AMISOM.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba.
Warqada oo laba bog ka koobneyd waxaa kaloo lagu sheegay in ciidanka Booliska ay mas'uul ka yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla, waxaana berri laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu ka dhaco xarunta Baarlamaanka, marka loo eego sida hada ay wax u socdaan.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Gudoomiye Jawaari “Madaxweynaha waxa uu gabay Xilkii...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo soo saaray war saxaafadeed ayaa Caawa eedeyn dusha kaga tuuray Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gabay xilkii ka saarnaa Dastuurka.
Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Guddoomiye jawaari oo uu saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cawad.

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shiikh Shariif oo si la yaab leh uga hadlay...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda uu hoggaamiye Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif ayaa madaxda dalka ugu sareyso ka codsaday inay gacmaha isku qabsadaan sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaasna looga fogaan lahaa Khilaaf kasta oo horseedi karo inaan gacmaheennu ku burburino dowladnimada Soomaaliya.
Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in maanka laghu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Shiikh Shariif kasoo baxay
"Waxaan ka digayaa go'aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas'uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka "ayu si raaciyey Sheikh Shariif"
Hadalkaan ayaa kusoo aadayo Xilli Berri la filayo inuu Muqdisho ka dhaco kulan weli lagu muransan yahay ajandaha looga hadli doono iyadoo Xildhibaanada qaar ay go'aansadeen in Guddoomiye Jawaari loo qaado codka Kalsoonida halka kuwa kalana ay ku tashanayaa in laga hadlo Xaaladaha kasoo kordhay magaalada Beled Xaawo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: ” Waxaan la yaabaa Marka Qof la soo doortay...

0
0

Daawo:" Waxaan la yaabaa Marka Qof la soo doortay oo kuwan Wakiilada Sheegta oo 2000$ Qaata Afartan Asakari oo Front Line ku jira oo 10 Caruura leh Ayuu Mushaharkooda Qaataa Gaadhi Cadna Wuu wataa ... Subxaanalaah" Khudbadii Jimcaha Ee Aadan Siiro Ee maanta
[embedded content]
storvideo: 

Garaadkii Umadda oo booqday Tukaraq

0
0

Xigmada Reer Laasqoray (Walahay Abwaankan Somaliland runta ayuu taab-siiyay,Somali Biriijka isku hayaa,Waa Labada Gobol ee Sool & Sanaag,Qolada Reer Koonfureed ee aan Xamar dhaafin taa ha Ogaadeen,Hadii aad ka hesho Share-dhe.Xuquuqda Muuqaalkana ilaaliya,
Slaet op af Jama A Feyte i 29. september 2017
storvideo: 


Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Khilaafka...

0
0

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay Facebook, wuxuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka jira iyo sidoo kale waxa hadda looga baahan yahay madaxda DFS.
Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay'adaha dowladda Soomaaliya.
Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.
Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda.
Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:

  1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.
  2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

  1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.
  2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.
Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas'uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah - RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.
Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo
storvideo: 

Wadooyinka Muqdisho Oo Dib Loo Furay

0
0

Kadib markii sakay aroortii hore inta badan Wadooyinka Muqdisho ay xireen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow dib loo furay.
Sababaha loo xirauy Wadooyinka ayaa aheyd kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka duwanaa kulmadii hore balse Madaxweyne Farmaajo uu hakiyey kulankaas.
Inta badan waxaa haatan dib loo furay Wadooyinkii ay xiryn Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wadada Maka-AlMukarama iyo tan Wadnaha,iyada oo Gaadiidka ay sicaadi ah u isticmaalayaan.
Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo walac ka muujinayay xernaanshaha Wadooyinka Muqdisho ayaa sheegeen in Wadooyinka haatan dib loo furay,isla markaana qof walba Shaqooyinkiisii caadiga ahaa uu u jarmaaday.
Saakay arroortii hore ayaa Wadooyinka Muqdisho waxaa lagu arkayey Dadweynaha uu lugeynaya maadaama wax Gaadiid ah uusan Shaqeyneyn balse haatan Wadooyinkaas dib ay ciidamadu u fureyn.
storvideo: 

AMISOM Oo diiwaan galineysa Maleeshiyaadka deegaanada maamulka Jubbaland

0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa bilaabay diiwaan galinta Maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.
Martin Abili oo ah xiriiriyaha Booliska AMISOM ee Jubbaland ayaa sheegay  in ay diiwaan galin doonaan 5,000 oo ka tirsan Maleeshyaadkaa gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Maamulkaasi.
Mr ayaa intaasi ku daray in mashruucani oo ay iska kaashanayaan AMISOM iyo QM uu yahay mid loogu talagay xoojinta Ciidamada Booliska ee maamulka Jubbaland.
Ugu damneyn xiriiriyaha Booliska AMISOM ee Jubbaland ayaa sheegay in Maleeshiyaadka deegaanadaasi ay diiwaan galinayaan xog la xariirta Sawirradooda iyo faradooda, si ay uga mid noqdaan Ciidamada Booliska ee maamulkaasi.
The post AMISOM Oo diiwaan galineysa Maleeshiyaadka deegaanada maamulka Jubbaland appeared first on Shabelle.

AMISOM Oo diiwaan galineysa Maleeshiyaadka...

0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa bilaabay diiwaan galinta Maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.
Martin Abili oo ah xiriiriyaha Booliska AMISOM ee Jubbaland ayaa sheegay in ay diiwaan galin doonaan 5,000 oo ka tirsan Maleeshyaadkaa gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Maamulkaasi.
Mr ayaa intaasi ku daray in mashruucani oo ay iska kaashanayaan AMISOM iyo QM uu yahay mid loogu talagay xoojinta Ciidamada Booliska ee maamulka Jubbaland.
Ugu damneyn xiriiriyaha Booliska AMISOM ee Jubbaland ayaa sheegay in Maleeshiyaadka deegaanadaasi ay diiwaan galinayaan xog la xariirta Sawirradooda iyo faradooda, si ay uga mid noqdaan Ciidamada Booliska ee maamulkaasi.
storvideo: 

Guddoomiye Cawad Oo Baaq u diray Hay’adaha Ammaanka

0
0

Muqdisho ( Sh. Network )-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka jawaabay Warqad qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee BFS Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, taas oo la xariirtay amniga xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Mudisho.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay warqadaasi in ay abuuri karto dhibaatooyin kale oo hor leh.
Waxaana uu ugu baaqay saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Dowladda Sooomaaliya in aysan ku dhax-milmin khilaafka hareeyay Golaha ShacabkaHalkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Cawad-1.mp3
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live