Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso Tirada Qaraxyada Bishii March ka dhacay...

0
0

Muqdisho (- Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii March ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee - Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.
Qaraxyada Bishii March ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay March ay yihiin 6 Qarax oo u badnaa Ismiidaamin loo adeegsaday Gawaari.HOOS KA AKHRISO QARAXYADA MARCH 2018 KA DHACAY MUQDISHO
1-March 8, 2018, Qarax miino ayaa waxaa Bartamaha Wadada dhexmarata deegaanka Garasabaleey lagu aasay Mas'uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Garasbaaleey.
2- March 22, 2018, Ismiidaamin loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ku dhawaad 18 ruux oo shacab u badnaa.
3-March 25, 2018, Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay laba ruux oo la soctay.
4-March 25, 2018, Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooyska Sayidka, gaar ahaan barkoontarool oo gaadiidka ay ku baarayeen ciidamada Koofi casta ah, waxaana ku dhintay Afar ruux oo shacab ah.
5- March 26, 2018, Qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, waxaana ku dhintay Hal askari oo la socday Gaariga ay miinada la Qaraxday, halka mid kalane uu ku dhaawacmay.
6-Mar 28, 2018, Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxa loogu xiray nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay'adaha gar-gaarka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada loo adeegsanaayo gaadiidka miineysan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Akhriso magacyada Horjoogayaasha al-Shabaab looga...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (- Online)-Diyaarado dagaal nooca aan duuliyahaa laheyn ayaa duqeyn lixaad leh ka geysatay deegaan hoostaga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta oo aheyd mid xoogan lala eegtay gaadiid ay la socdeen Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab.
Horjoogayaasha al-Shabaab ee la duqeeyay ayaa maraayay nawaaxiga deegaanka Dac oo ku dhaw Magaalada Ceelbuur, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Horjoogayaasha la duqeeyay ayaa waxaa la socday Abwaano maleeshiyada u curiya Gabayada kuwaa oo gabi ahaantooda lagu dilay duqeynta.
Mursal Maxamed Xeefow oo ka tirsan Maamulkii Ahlu Sunna ayaa xaqiijiyay in Horjoogayaasha lagu dilay duqeynta ay ku jireen kuwo miisaan lahaa oo aad loo baadi-goobaayay.
Xeefow ayaa sheegay in Horjoogayaasha Shabaabka looga dilay duqeynta ay kamid ahaayen:
1- Taliyaha Jabhada weerarada qaada ee deegaanka Ceel la helay Yacquub Guuleed.
2-Horjooge Cali Maxamed Waasuge.
3- Abwaan Yuusuf Maxamed Dhagey oo Gabayada u curiya al-Shabaab kana tirsanaa.
4-Taliyaha Xisbada Gobolka Galgaduud Calas Jaango'an.
Dhainaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaan weli ka hadal duqeynta iyo Shaqsiyaadka looga dilay oo magacyadooda uu baahiyey Mursal Maxamed Xeefow.- OnlineXafiiska Cadaado-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Refugees in Indonesia selling sex to survive

0
0

Homeless mother-of-three, Nimo, fled to Indonesia from Somalia after Islamists killed her family, but with prostitution as the only way to survive, she tearily says her life in Jakarta is "much harder" than her war-torn homeland.
Indonesia has traditionally been a transit nation for asylum seekers but in recent months the UNHCR has been meeting with refugees to tell them they'll probably never be resettled somewhere else.
That means people such as Nimo face the prospect of spending much longer in the country than they first anticipated. And, for many women, it means working as they'd never imagined - in the sex trade.
Melbourne-based Human Rights Law Centre spokesman Daniel Webb says the suffering of refugees on our Australia's doorstep exposes the cruelty of the government's obsession with so-called deterrence.
"The people our government secretly turns back or frightens away don't just vanish off the face of the earth - they're being forced to suffer elsewhere," he tells AAP.
Nimo, a 32-year-old Somalian refugee, was forced into hiding after the local refugee community discovered she was working as a prostitute.
Some in the conservative Muslim neighbourhood threatened her harm for betraying Islam's teachings.
The homeless mother says she's ashamed of the work and is often beaten by men.
"I would like to stop but I have no options," Nimo tells AAP.
"If I don't there will be no food for my family."
Nimo has fallen through the aid safety net.
Some two-thirds of the 13,800 asylum seekers and refugees in Indonesia are dependent on aid or live in government-run immigration detention centres, according to the UN Refugee Agency.
They're not allowed to work or access social security.
Many sleep in the streets near Jakarta's already-full immigration detention centre or queue - day after day - at the UNHCR office seeking help.
Others drift from one boarding house to the next begging for food. Some sleep on the steps of a local mosque.
"I could never have imagined this life before," Nimo says. "There is no hope. I have children and I am a prostitute. This is a really bad life. It's much harder than Somalia."
Nimo fled Somalia with her children after Islamists stoned her younger sister to death and then turned their guns on the rest of her family. She was shot during one attack.
Her 10-day journey through Dubai and Kuala Lumpur, and across the Malacca Strait, ended after a two-day bus ride to the Indonesian capital in 2015.
Her appeals for help from NGOs and the UNHCR have been refused.
During a recent interview - to discuss her sex work - no assistance was offered. Instead, she was lectured about breaking local laws, and the health risks of prostitution.
UNHCR Indonesia representative Thomas Vargas says recent humanitarian emergencies - such the Rohingya crisis in Bangladesh - mean money earmarked for Indonesia is being redirected.
"When there are those types of flashpoints, that's where the limited funding the UNHCR has globally goes," he tells AAP.
For refugees in Indonesia, aid is now even harder to come by.
"You have limited funding and you have to help the neediest. That's the harsh reality. It's a very tough situation," Vargas says.
At night refugee women living on the street risk sexual violence.
Refugee Suad, 27, lives in a tight network of laneways near Jakarta's central shopping district.
The Somalian says men regularly try to force refugee women to go with them for sex.
"When we sleep on the street, West African businessman come to this area. They threaten us and touch us and we are powerless to stop them," she tells AAP.
"If you don't say yes they say they can beat you. But I say no, I'm a Muslim, I can't do it. I am hungry and I want money, but I can't do that."
Fear of being labelled a prostitute or shunned causes many women to hide their abuse.
Suad's family was killed by a bomb in Mogadishu. She says she was abducted, raped and held captive by militants.
After she escaped a local mosque raised the money needed to pay people smugglers.
Suad says in Somalia rape victims are often accused of being prostitutes and are sent away so as not to shame their family or community.
But now, out of desperation, she's now considering going with men.
"When you don't have food, when you don't have shelter, life becomes very hard and that is the only option," she says.
Mr Vargas says "survival sex" is common among refugees who don't receive aid or have family to protect them.
"When you are not able to make a living you resort, unfortunately, to these types of survival techniques and that's a risk refugees have here," he admits.
Asylum seekers and refugees across the archipelago are protesting their treatment.
But the fact is the UNHCR deals with 65.6 million refugees and forcibly displaced people globally.
The crisis is unlike any seen since World War II, according to Mr Vargas. It's stretched aid budgets and led to tougher immigration policies in key resettlement nations.
US President Donald Trump's executive order on immigration and Australia's policy of refusing refugees from Indonesia if they arrived after mid-2014 are clear examples, he says.
It's created "unpredictability in the (resettlement) system" and left refugees stranded.
Immigration policies based on deterrence and criminalisation - rather than protection and human rights - came under the spotlight at the UN Human Rights Council in Geneva in March.
UN special rapporteur Nils Melzer says government policies - rather than criminal activity, corruption and dangerous travel - are the major cause of abuses inflicted on refugees.
storvideo: 

Akhriso Muudeey oo shaqo joojin ku sameeyey...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey ayaa soo saaray waraaq uu shaqadii si kumeel gaar ah kaga joojiyey xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.
Muudey ayaa waraaqdaan shaqo joojinta ah u kala diray Xafiisyada dowladda oo ay khuseyso sida Bankiga Dhexe, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra'isulwasaaraha Soomaaliya.
Muudeey ayaa Xoghayaha Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey Khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonka.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqaha kasoo baxay Muudeey

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Nolol xanuun badan: Sidee u noolyihiin Haween...

0
0

Jakaarta (Caasimadda Online) - Magaalada Jakaarta ee Caasimadda Dalka Indonesia waxaa ku sugan qaxooti ka badan 13,000 oo qof oo intooda badan ay diidday dowladda sidoo kalena hay'adaha Qaxootiga ay u diideen kaararka qaxootinimo.
Dadkaas waxaa ka mid ah Haween Somaaliyeed oo aad u tiro badan,waxaa ay darbi jiif ku yihiin Waddooyinka Magaalada Jakaarta,waxaa ay ku jiraan nolol aad u adag,ma heystaan cunto,cabid,Hooy iyo wixii la mid ah.
Dowladda Indonesia waxaa ay diidday in haweenka Qaxootiga ah ay shaqeystaan oo ay xitaa dhaq dhaqaaqa bulshada ku lugyeeshaan.
Taas beddelkeeda Haweenkan,waxaa ay dawarsadaan ama tuugsadaan Dadka kale ee Qaxootiga ah ee heysta kaararka aqoonsiga Qaxootinnimo.
Haddaba hoos ka eeg sawirrada iyo sheekooyinka ay wataan.
Istaahil,oo Salaad DukaneysaIstaahil,waxaa ay salaad ku dukaneysaa Guri si ku meel gaar ah loo dejiyay iyada iyo Haween kale,Ninka Gurigan iska leh,waxaa uu xilliga uu doono Haweenkan dhihi karaa iiga baxa.Tiro Haween Soomaali ah,waxaa ay fadhiyaan Masaajidka Al Barakah ee Jakaarta.
Raxma,waa 25 jir,waxaa ay 2015kii ka baxsatay Kufsi kaddib markii aabbaheed ka qoorgooyay,inta kale ee qoyskoodana la gubay,waxaa ay ahaayeen Ganacsato ay shaqaalaha dowladda Rukun u yihiin.
Iqra,waxa ay Hotel ku lahayd Muqdisho,waxaa ay carartay kaddib markii loogu hanjabay in labada gacmood laga jarayo,waxaa ay diidday in ay xirto Hoteelkeeda.
Haweenkan Somalida ah Dowladda ayaa u diidday in ay shaqeystaan,cunto iyo hooy raadsadaan,sidoo kale UNHCR iyo Hay'adaha kale ayaa u diiday qaxootinnimo,waxaana darbi jiif hadda.
Anisa; waxaa ay hurdeysaa qol ka mid ah Guri xanaano oo si ku meel gaar ah ay u degganyihiin.
Safiya,waxaa ay dhabta ku heysaa Gabadheeda Saabriin oo 8 jir ah,waxaa ay ku suganyihiihin Guri uu leeyahay saaxiib oo ku yaalla Jakaarta.
Sucdi, waa 27 jir reer keeda ay ku dhinteen Qarax ka dhacay Muqdisho,waxaa afduubtay,kufsaday jir dilka u geystay Malleeshiyo.
Haween Soomaali ah oo xilli Habeen ah fadhiya Waddo ka mid ah Jakaarta,waxaa ay halis ugu jiraan Ragga doonaya haween ay la seexdaan,mana laha awood ay isaga celiyaan.
Iqra,waxaa ay fadhidaa darbiga Masaajidka Al-Barakah.waxaa ay tiri "halkan nabad kuma dareemayo,qofkasta ayaan u nugulahay".
Istaahil iyo Safiya waxaa ay xilli Habeen ah joogaan Waddooyinka Jakaarta,waxaa ay ka midyihiin Haweenka loo diiday kaararka qaxootinimo.
Nuurto iyo Khadra waxaa ay xilli Habeen ah lugeynayaan Waddo marta bartamaha Jakaarta,waxaa eega Nin Indoneysian ah.
Labadan Gabdhood,waxaa ay jiifaan Darbi sida muuqata,lama sheegin magacyadooda,waxaa ay ka midyihiin Haweenka Soomaalida ee Darbi jiifka ku ah Jakaarta.
Isha: The Guardian.W/D: Adam Ibrahim Farah (Showqi)
storvideo: 

Khasaare Dhimasho Keenay Oo Ka Dhashay Darbi Ku...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Muqdisho(Waaheen):-Darbi ku yaala magaalada Muqdisho ayaa ku dumay shaqaale ka hawl galayey Dhisme weyn oo laga hir gelinayo agagaarka KM4 ee magaaladaasi.
Ugu yaraan sadex ka mid ah shaqaalaha ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen darbiga ku soo dumay halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa oo laga hoos baadhayo burburka darbiga soo dumay.
Gudoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhimashada dadka shaqaalaha ah ee darbigu ku soo dumay ay marayso sadex qof.
Ciidamada booliska soomaaliya iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wada hawl galo ay ku baadi goobayaan dad kale oo laga heli karo burburka gidaarka dumay.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDaawo: Berbera oo ay shacabku Biyo la'aan ka Cabanayaan iyo Mareeyaha oo u Jawaabay
Next articleBurco: Dadkii Ay Abaaruhu Xoolo Tireen Oo Mudaharaad isgu soo baxay + Daawo

storvideo: 

Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Oo ka hadlay Guud...

0
0

Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Oo ka hadlay Guud ahaan Khasaaraha uu gaysatay Roobkii Ka curtay Somaliland
[embedded content]
storvideo: 

Maxaabiis laga soo celiyey Iran oo la geeyey Boosaaso

0
0

Maxaabiis Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 24 maxbuus oo la kala socday laba markab oo lagu kala magacaabo Yahya iyo Naciim II, ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso.
Maxaabiistan ayaa laga soo celiyey dalka Iran oo ay muddo ku xirnaayeen.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari ee Puntland, ayaa ku soo dhoweeyey maxaabiistaas garoonka diyaraadaha.
Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo dirtay Boosaaso.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:35 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Xaaskii hore ee Mandela, Winnie Mandela oo geeriyootay

0
0

Haweenaydii u ololeyn jirtay dagaalkii ka dhanka ahaa midib takoorkii Koonfur Afrika Winnie Mandela ayaa geeriyootay iyada oo ay da'deedu tahay 81 jir, waxaa sidaasi sheegay kaaliyaheeda gaarka ah.

Daawo: Ciidamada Somaliya Oo Soo Bandhigay Maydadka...

0
0

Daawo: Ciidamada Somaliya Oo Soo Bandhigay Maydadka Ciidamo Al-Shabaab Ay roo Doonayey in ay Xasuuq Ka gaystaan Buula-madheeray Oo iyagii la xasuuqay
storvideo: 

Muse Bixi oo ku sii luga fidsaday qabyaaladdii soona...

0
0

Muse Bixi oo ku sii luga fidsaday qabyaaladdii soona saartay liis uu xilal ku magacaabay oo ku salaysan qabiil
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 2nd, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Taariikhda is qoraysaa, waxa ay wakhtiga ku habboon soo bandhigi doontaa, ceebaha iyo wanaagyada ay xukuumahada Somaliland la soo marsiiyey iyo madaxda nasiibka u heshay in ay hoggaamiyaan sida ay caadil amma caadillaawe u ahaayeen. Sidaasi daraaddeed, waxa maalintii shalay ahayd soo baxay liis uu Madaxweyne Bixi soo saaray oo ay ku qorraayeen dad uu mas'uuliyado u dhiibay.
Shacabka reer Somaliland oo qabyaaladdu halakaysayna waxa ay markiiba diiradda saareen sida liiskani loogu jaan-gooyey qabiilkii oo fadh-fadhiya. Tusaale ahaan inta aan garanayo, waxa la isku beddelay Badhasaabka Berbera oo Musafiin ( Habar Cafaan ) ahaa , oo lagu beddelay nin Xeebjira ( Habar Cafaan ah )......Kuwa kalena waa la wada mid haybtay doonaan ha ahaadeen.
Madaxweyne Muse Bixi oo la filayey in uu shaxda noocan ah beddelo ayaa aad u sii adkeeyey, sida la sheegayana waxa uu ku sii tun tuunsaday reeraha Beesha dhexe oo uu muujiyey in ay iyagu iska leeyihiin Somaliland. Beelaha kalena uu rajo la'aan tusay, taariikhduna sidaasi ayey ka markhaati tahay.
Calaa kulli xaal masuuliyiinta uu Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabay oo ku salaysan qabiil iyo beelo uu ninba ninkiisii ku beddelay iyo reeraha ay ka soo kala jeedaan halkan ka akhriso:
1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah-Samaroon2. Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga-samaroon
3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha-Arab
4. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha-Habaryoonis
5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha-Dhulbahante
6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda-7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska-Habarjeclo
8. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta-Ayuub
9. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta-Habarjeclo
10. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska-Ciise Muuse
11. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga-Habarjeclo
12 Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha-samaroon
13. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda-sacad muuse
14. Cali Maxamed Cali Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka-warsangeli
15. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka-ciidagale
16. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska-sacad muuse
17. Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha-Arab
18. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa-habarjeclo
20. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil-samroon
21. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle-dhulbahante
22. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex-Ciise Muuse
23. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) Habaryoonis
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil-24. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte(Ilka-case) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka -Dhulbahante.
Muuse Bixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland
This post has been viewed 140 times.
storvideo: 

Xaaskii hore ee Mandela, Winnie Mandela oo geeriyootay

0
0

Haweenaydii u ololeyn jirtay dagaalkii ka dhanka ahaa midib takoorkii Koonfur Afrika Winnie Mandela ayaa geeriyootay iyada oo ay da'deedu tahay 81 jir, waxaa sidaasi sheegay kaaliyaheeda gaarka ah.
Winnie Madikizela Mandela ayaa ahayd xaaskii hore ee madaxwaynihii ugu horreyay ee Afrikanka ah ee xilka qabta Koonfur Afrika Nelson Mandela.
Winnie Mandela ayaa dhalatay 26 bishii September 1936 waxa ayna ku dhalatay gobolka Eastern Cape .
waxa ay Mandela kala tageen horraantii 1990 ka hor inta uusan madaxwaynaha noqon , balse waxa uu furriinkooda si rasmi ah u dhacay 1996.
Lamaanahani ayaa sawir laga qaaday iyaga oo is barbar socda markii Mandela xabsiga laga soo daayay ka dib 27 sano oo uu xabsiga ku jiray.
Waxa ay qoyskani astaan u ahaayeen halgankii ka dhanka ahaan midib takoorkii Koonfur Afrika ka socday muddo 30 sano ah.
Winnie Madikizela Mandela ayaa ku jirtay da'da labaatameeyada markii ay siyaasada ku soo biirtay.
Adadkaanteeda ayaa soo baxday markii xabsi daa'in lagu xukumay Seygeeda Nelson Mandela sanaddii 1964 islamarkana waxa looga tagay in ay qaado culayskii siyaasada.

  1. Ahmed Kathrada, ninkii la xirnaan jiray Mandela oo dhintay
  2. Mandela iyo midab takoorkii Koonfur Afrika oo maxkamad isla aadaya
  3. Maxay dunidu uga dabo dhacday Fariinta uu Obama soo dhigay Twitter-ka?

"Waa in aan lumin rajada , dadkeeygu waa in aysan lumin rajada , xaqiiqadii waxa aan sugaynaa in shaqada ays ii socoto." ayay tiri.
Afhayeen u hadlay qoyskeeda Victor Dlamini ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: "waxa ay dhimatay ka dib xanuun muddo dheer hayay taasi oo dhowr jeer isbataalka ay la gashay tan iyo intii uu billaabmay sanadkan.
Balse sanooyiinkii ugu dambeeyay ayaa sumcadeeda dhaawac uu soo gaaray sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba.
storvideo: 

Israa'iil oo baajisay musaafurinta qaxooti...

0
0

Israa'iil ayaa baajisay oo meesha ka saartay qorshihii ay ku doonaysay in ay ku dhoofiso muhaajiriinta Afrikanka ah ee dalkaasi ku nool.
Tillaabadni ayaa ka dambaysay ka dib heshiis ay gaareen xukuumadda Israa'iil iyo hay'ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay.
In ka badan 16,000 oo magangalyo doon ah ayaa dib u dajin laga siin doonaa wadamada reer Galbeedka oo aan la carab baabin , sida uu sheegay xafiiska ra'isul wasaare Benjamin Netanyahu.
Tirada hartay oo dhan 18,000 oo qof ayaa deganaanshiyo joogta ah laga siin doonaa Israa'iil sida ay warbaahinta Israa'iil ku warantay.
Maxkamadda ugu sareysa Israa'iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay.
Qorshaha lagu doonayay in dadkani muhaajiriinta ah dib loogu celiyo Afrika gaar ahaan Uganda iyo Ruwanda ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha Israa'iil waxaana ka dhashay dibadbaxyo.
Qorshahan imika cusub waxaa lagu wadaa in lagu dhaqan galiyo muddo ka badan 5 sano.

  1. Israa'iil oo amartay in dhulkeeda ay ka baxaan qaxootiga Afrikaanka ah
  2. Qaxooti Australia haysay oo Maraykanku dib u dajin u samaynayo
  3. Toban su'aalood oo kaa caawin kara in aad fahanto xaaladda Suuriya

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskan "mid aan caadi ahayn".
"is afgaradkani waxa uu waddada u xaarayaa in Israa'iil laga qaado tira badan oo soo galooti ah taasi oo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay maalgalinayaan," ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaxootiga Israa'iil ku sugan ayaa waxa ay intooda badan ka soo jeedaan Eritrea - oo ah dal uu hal xisbi ka taliyo islamarkana hogaamiyayaashiisa lagu eedeeyya tacadiyo ka dhan ah aadanaha.
Waxa ay dadkan sheegeen in ay ka soo qaxeen halis ka jirta dalkooda islamarkana in dib loogu laabto ay adagtahay.
Balse Israa'iil ayaa u aragta aqlabiyada Afrikanka magangalyo doonka ah in ay yihiin dad dhaqaala doon ah.
Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa waxay Israa'iil ka soo galeen dhanka Masar dhowr sano ka hor inta aan darbiga laga dhisin xuduuda lama degaanka ah.
Arrintani ayaa imika soo afjartay safar dheer oo dhanka sharciga ah.
storvideo: 

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo la dhaariyay?

0
0

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo la dhaariyay?
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 2nd, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra'iisul wasaare u doortay Abiy Ahmed, waxaana isla markiiba loo dhaariyay xilka.
Ra'iisul wasaaraha cusub oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in "dimuqraadiyadda curdanka ah" ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.
Kumannaan dad ah ayaa la xidhay, tiro aan la ogayna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka socdeen Itoobiya tan iyo markii ay kacdoonnadu bilawdeen sannadkii 2015kii.
Dr Ahmed ayaa sidoo kale raaligaliyey dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.
Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra'iisul wasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay looga galay, lagana shaqeeqo midnimada dalka.
Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.
Dad badan ayuu ahmiyad gaar ah u leeyahay isbadalkani, sababtuna waxay tahay in Abiy uu ka soo jeedo qawmiyadda Oromada, gobolkaas oo ay mudaaharaadyo waawayn iyo degenaansho la'aan ka jirtay wakhtiyadii dambe.
Xulashadii hore ee xisbiga
Isbahaysiga haya talada Itoobiya ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo ee dalkaas, oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.
Abiy Axmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi.
Doorashadaasi waxay dhabbaha u xaadhay in uu xilka ra'isal wasaarenimo kala wareego lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Waxaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah maalintii ka dambaysay markii uu is casilay.
Warbixin laga sii daayey idaacadda dawladda ayaa sheegtay in xaaladda degdega ahi ahayd ma huraan lagu xakamaynayo mawjadaha mudaharaadada ah ee dawladda lagaga soo horjeedo ee dalka oo dhan ka kacsanaa ilaa 2015-kii, kuwaas oo ay sababeen arrimo door ah oo ay shacabku tabanayeen.
Waxa jirta rajo ah in isbedelka hogaanka sare suurto gelin doono in wax laga qabto tabashooyinkaa qaarkood.
Hadaba waa kuma Abiy Ahmed?
Abiy oo loo arkayey inuu ahaa kan ugu cadcad ragga tartanka ugu jiray buuxinta jagada uu banneeyey ra'isal wasaarihii is casilay, waa hogaamiyaha xisbiga Oromo People's Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (EPRDF).

Dadka lafa gura siyaasaddu, waxay ku sheegaan inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh.
Wuxu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromia oo waxa dhalay qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii.
Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Ethiopian ah oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda.
Wuxu ahaa ninkii aasaasay isla markaana agaasimaha ka noqday wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.
Dad badan baa waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta dad isku wadka leh.
Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero wayn ka haysto dhallinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale.
Dadka dhaliilaa se waxay leeyihiin maadaama oo uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, awood u yeelan maayo in uu isbedellada badan ee dadka mudaharaadayaa doonayaan meel mariyo.
This post has been viewed 80 times.
storvideo: 

Israa’iil oo baajisay Qorshe ay doonaysay in...

0
0

Tel Aviv (PP) - Israa'iil ayaa baajisay oo meesha ka saartay qorshihii ay ku doonaysay in ay ku dhoofiso muhaajiriinta Afrikanka ah ee dalkaasi ku nool. Tillaabadni ayaa ka dambaysay ka dib heshiis ay gaareen xukuumadda Israa'iil iyo hay'ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay.
In ka badan 16,000 oo magangalyo doon ah ayaa dib u dajin laga siin doonaa wadamada reer Galbeedka oo aan la carab baabin , sida uu sheegay xafiiska ra'isul wasaare Benjamin Netanyahu.
Tirada hartay oo dhan 18,000 oo qof ayaa deganaanshiyo joogta ah laga siin doonaa Israa'iil sida ay warbaahinta Israa'iil ku warantay.
Maxkamadda ugu sareysa Israa'iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay.
Qorshaha lagu doonayay in dadkani muhaajiriinta ah dib loogu celiyo Afrika gaar ahaan Uganda iyo Ruwanda ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha Israa'iil waxaana ka dhashay dibadbaxyo.
Qorshahan imika cusub waxaa lagu wadaa in lagu dhaqan galiyo muddo ka badan shan sano.
Xafiiska Mr Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskan "mid aan caadi ahayn".
"is afgaradkani waxa uu waddada u xaarayaa in Israa'iil laga qaado tira badan oo soo galooti ah taasi oo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay maalgalinayaan," ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaxootiga Israa'iil ku sugan ayaa waxa ay intooda badan ka soo jeedaan Eritrea - oo ah dal uu hal xisbi ka taliyo islamarkana hogaamiyayaashiisa lagu eedeeyya tacadiyo ka dhan ah aadanaha.
Waxay dadkan sheegeen in ay ka soo qaxeen halis ka jirta dalkooda islamarkana in dib loogu laabto ay adagtahay.
Balse Israa'iil ayaa u aragta aqlabiyada Afrikanka magangalyo doonka ah in ay yihiin dad dhaqaala doon ah.
Ugu dabmeyn, Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa waxay Israa'iil ka soo galeen dhanka Masar dhowr sano ka hor inta aan darbiga laga dhisin xuduuda lama degaanka ah. Arrintani ayaa imika soo afjartay safar dheer oo dhanka sharciga ah.Xigasho BBC PUNTLAND POST
The post Israa'iil oo baajisay Qorshe ay doonaysay in Dalkeeda ay uga ku Musaafuriso Afrikaanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Madaxweynaha Jubbaland oo guddi u saaray Xallinta Cabashooyinka Dhulalka ee ka taagan Magaalada Kismaayo.

0
0

Kismaayo ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmd Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) ayaa Guddi u saaray xallinta Is qab qabsiga ka taagan dhulalka Deegaanada Maamulka Jubbaland,
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Xasan oo u warramayay Warbaahinta ayaa xusay in wixii haatan ka dambeeyo ciddi tabasho la xiriirta arrimaha dhulalka qabto ay la soo xiriiri doonto Guddigaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka jiray is qab qabsi iyo Cabashooyin xoogan oo la xiriira arrimaha dhulalka.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegaa  in qudhooda ay qeyb ka yihiin Muran la xiriira dhulalka Magaalada Kismaayo.
The post Madaxweynaha Jubbaland oo guddi u saaray Xallinta Cabashooyinka Dhulalka ee ka taagan Magaalada Kismaayo. appeared first on Shabelle.

Madaxweynaha Jubbaland oo guddi u saaray Xallinta...

0
0

Kismaayo ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmd Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) ayaa Guddi u saaray xallinta Is qab qabsiga ka taagan dhulalka Deegaanada Maamulka Jubbaland,
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Xasan oo u warramayay Warbaahinta ayaa xusay in wixii haatan ka dambeeyo ciddi tabasho la xiriirta arrimaha dhulalka qabto ay la soo xiriiri doonto Guddigaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka jiray is qab qabsi iyo Cabashooyin xoogan oo la xiriira arrimaha dhulalka.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegaa in qudhooda ay qeyb ka yihiin Muran la xiriira dhulalka Magaalada Kismaayo.
storvideo: 

AU Mission in Somalia reviews its ICT capabilities to enhance effectiveness

0
0

A team of Information, Communications and Technology Services executives from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), are undertaking a technical and asset review exercise for the Mission’s ICT infrastructure.
The three-day review workshop, which opened today, aims to improve communication systems and secure networks in the Force.
The AU Mission’s Deputy Force Commander In-charge of Operations and Planning Maj. Gen. Charles Tai Gituai, told the group of 39 Mission personnel, that the review must ensure a “collated projection of the Force”.
“For any peace support operations to function effectively, or any other operation, military command, and control depends on a complex communication network of equipment, personnel and communication protocols to relay information among forces,” he said in his opening remarks.
While highlighting the importance of information and communication technology, in the success of any peacekeeping mission, he called for more robust methods of communications, that adequately addresses the needs of the Force and strengthens its effectiveness.
“And this calls for well-established communication systems that enhance cohesive, flexible and secure communication networks,” emphasized the Deputy Force Commander.
Other than deliberating on information sharing and the Mission’s communications needs, the three-day workshop, which is supported by the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), will evaluate and identify gaps that may impede the AU Mission’s work.
UNSOS’ support to AMISOM includes the provision of and management of Information Communication Technology facilities and equipment. The equipment provided by UNSOS range from secure email facilities, radio communication equipment, internet connectivity, satellite phones, asset management and maintenance of the communication infrastructure.
The post AU Mission in Somalia reviews its ICT capabilities to enhance effectiveness appeared first on Shabelle.

Museveni puts death toll of UPDF soldiers in Somalia attack to eight

0
0

President Museveni has put the death toll of Ugandan soldiers killed in the Sunday al-Shabaab attacks on UPDF camps in Somalia to eight.
In a tweet Tuesday morning, President Museveni said, “Unfortunately, two vehicles of the enemy entered one of the three sites attacked. One vehicle was detonated and killed eight of our soldiers. May their souls rest in eternal peace. I extend condolences to their families”.
The army and defence spokesman, Brigadier Richard Karemire, had put the death toll in the attacks to four and six injured.

Brig Karemire yesterday told journalists that the six injured soldiers were responding well to the treatment.
Brigadier Karemire on Sunday said that 30 al-Shabaab militants had been killed, while the Islamists claimed in a statement to have killed 59 Ugandan soldiers.

President Museveni praised the UPDF soldiers for the spirited fight against the militants, whom he said had six vehicles that were loaded with explosives.
“It is gratifying, however, that the bold but adventurous strategy of Al Shabaab failed. With constant vigilance, victory is assured. I congratulate our soldiers for the good work they did,” he said.
He said 36 Al shabaab attackers were killed in the fight.
Local media quoting sources said a massive blast was heard in the Bulomarer district, around 150 kilometres (93 miles) south of Mogadishu, and fighting broke out after dozens of heavily armed al-Shabaab militants stormed the base.

The Al-Qaeda linked al-Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM).
But the Islamists still hold sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu and ambushes on military convoys and outposts.
East African leaders contributing to the 22,000-strong AMISOM force last month called for the United Nations to reconsider plans to withdraw troops by December 2020, saying the timeline was unrealistic and could lead to a reversal of gains.

The post Museveni puts death toll of UPDF soldiers in Somalia attack to eight appeared first on Shabelle.

Wargeys kasoo baxa Uganda oo sheegay in 46 Askari...

0
0

Muqdisho (PP) - Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda oo soo xiganayay Wargeyska Guardian oo ayaa baahiyay in 46-askari oo u dhashay dalka Uganda, qaybna ka ah Hawl-gala Midowga Afrika lagu dilay weerarkii toddobaadkan ay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Jariidadda Guardian oo soo xiganaysay sarkaal Soomaali ah oo ku sugnaa saldhig ku dhaw saldhigga la weeraray ee Buulo-mareer ayaa sheegay in askarta lagu dilay weerarkaas ay qaarkood ahaa rag ay si wanaagsan isku yaqaaneen.
Col. Cabdi Nuur Xaashi oo ah sarkaal u waramay wargeyska Guardian oo ka soo baxa isla Uganda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid xoog leh oo lagu dilay askar badan oo dalka Uganda u dhashay, sidoo kalena lagu dilay goobta xoogag badan oo Al-shabaab ka tirsan.
"Inta badan askarta lagu laayay weerarkan Buulo-mareer waxaanu ahayn saaxiibbo, kuwaasoo aan wadaagi jirnay cunnada iyo cabitaanka," ayuu ku iri wargeysiga, isagoo intaas ku daray. "Waanu ku guul-darreysanay inaanu caawinno askartaas, waayo saldhiggeenna ayaa lagu soo weearray gaadiid qaraxyo lagu soo raray."
Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in askartan la dilay kaddib markii ay waayeen wax gurmad ah, waayo waxaa isku hareereeyay xoogaggii goobta weearray.
Dhanka kale, Col. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka oo u warramayay Idaacadda VOA-da ayaa isagana sheegay in 66-Al-shabaab ah lagu dilay weerarkaas, sidoo kalena ciidanka Uganda ay ka dhaawacmeen askar aan badnayn.
Geesta ka kale, Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa isagana horay u sheegay in afar askari oo qura weerarkaas looga dilay, iyaguna ay dileen tiro badan oo Al-shabaab ah.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 59-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan, iyagana ay ka dhinteen 14 ka mid ah xoogaggoda, inkastoo aan sheegashooyinkan la kala saari karin.PUNTLAND POST
The post Wargeys kasoo baxa Uganda oo sheegay in 46 Askari lagu dilay Weerarkii Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live