Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ardayda wax ka barata Jaamacadda PSU ee Garowe oo soo bandhigay filim ay ku jilayaan qaab aamusnaan

$
0
0

Ardayda wax ka barata Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa soo bandhigay filim ay ku jilayaan qaab aamusnaan ah balse uu qoraal saaran yahay.


Muqdisho: Madunayaal ku Jarmaaday X. Baarlamaanka

$
0
0

Waxaa maanta lagu wadaa in ay kulmaan mudanayaashii sheegay in Guddoomiye Jawaari ay mooshin ka wadaan, iyada oo Guddoomiyuhuna warsaxaafadeed uu qabtay uu ku sheegay in lagu hayo cadaadis lagu doonayo in uu isku casilo, madaxweynaha Somaliyana uu arrintaas qeyb ka yahay. Guddoomiey Jawaari ayaa sheegay in aanu sinnaba isku casileynin.
Is maandhaafkan ayaa haddaba laga cabsi qabaa in amniga magaalada Muqdisho uu khatar galiyo. Haddaba saaka waa sidee xaalka magaaladu?
Wariyaha VOAda ee Muqdisho Cabdulqaadir M. Abdulle ayaa xaaladdii ugu dambeysan uga waramay Maxamed Cabdi Sandhere.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:20 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Turkiga, Ruushka iyo Iiran oo ka shiraya xaaladda...

$
0
0

Xilli dowladaha Reer Galbeedka ay lumiyeen saamaynta ay ku lahaayeen Suuriya, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna ay isku mari waayaan xaaladda dalkaasi, ayaa Turkiga, Ruushka iyo Iran waxa ay buuxiyeen kaalinta bannaan.
Hogaamiyayaasha saddexdaasi dal ayaa maanta ku kulmi doona caasimadda Ankara si ay uga wadahadlaan iskaashiga ay ka yeelan karaan nabad kusoo dabaalidda Suuriya inkastoo ay kala duwan yihiin ujeedooyinka ay ka leeyihiin dalkaasi.
Turkiga ayaa diiddaan xukuumadda Suuriya ee ay taageeraan Ruushka iyo Iran, waxaana uu gacan siiyaa jabhado ay la dagaallamaan xukuumadaha Tehran iyo Moscow.
Balse Turkiga ayaa hadda mudnaanta siinaya dagaalka uu kula jiro Kurdiyiinta Suuriya waxaana uu garab uga baahan yahay Ruushka iyo Iran si uu u jebiyo kooxahaasi.
Arimaha kale ee ay isku hayaan dalalkan ayaa waxaa ka mid ah gobolka Idlib oo uu Turkiga taageero mucaaradka halkaa ka dagaallama, balse ay suuragal tahay in dhawaan Ruushka iyo xukuumadda Bashar Al-Asad ay duqeymo ka geystaan gobolkaasi.
Quwadaha caalamka ayaa kala qeybiyay Suuriya oo uu hadda ka socdo dagaal dhinacya badan leh. Turkiga, Ruushka iyo Iran-na waxa ay arkaan fursad ay ujeedooyinkooda kaga gaari karaan dalkaasi burburay.
storvideo: 

Xildhibaano ku sii qul qulayo xarunta Barlamaanka...

$
0
0

Xildhibaano ku sii qul qulayo xarunta Barlamaanka federaalka ee magaalada Muqdisho
Apr 4, 2018 -
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada mooshinka kawada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa bilaabay in ay sii tagaan xarunta golaha Shacabka.
Xildhibaano aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xiligan ku sugan yihiin xarunta golaha Shacabka, waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in qaarkood xarunta tageen salaadii subax markii la tukaday kadib.
Sida aan Wararka ku helnay hoolka ay ku shiraan Xildhibaanada ayaana wali la furin, waxa ayna Xildhibaanada iyaga oo koox koox ah xiligan ku sugan yihiin qeybo kamid ah dhismaha xarunta Golaha Shacabka.
Waxaa xarunta Baarlamaanka ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ay sameenayaan Xildhibaanada wada mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxa ayna Xildhibaanada isku balansanayaan sidoo ay xilka uga tuuri lahaayeen Jawaari.
Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in aysan wali tagin xarunta Baarlamaanka, waxa ayna kulamo xalay yeesheen ku balameen sidii ay uga hortagi lahaayeen in Jawaari xilka laga tuuro.
Dhinaca kale amaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Xildhibaanada iyaga oon hub wadan galayaan xarunta golaha shacabka, waxa ayna Ilaalada uga tagayaan Xildhibaanada meelo ka fog xarunta golaha shacabka.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo la dhigay ciidamo aad u badan oo dowlada katirsan.
Ciidamo cusub oo xaqiijinaya amaanka aadna u feejigan ayaa saakay lagu arkayaa magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana lagu xoojiyay ciidamadii horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho.
Dhaq dhaqaaqa shacabka ayaa maanta aad ugu yar wadooyinka Muqdisho qaarkood gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, waxa ayna shacabka Muqdisho badi maanta yihiin kuwa guryahooda ku sugan oo xaalada kor kala socda.Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulanka Baarlamaanka kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
English News
storvideo: 

Xildhibaano Saaka Aroortii sii tagay Xarunta Golaha...

$
0
0

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor hore oo saaka ah sii tagay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Xildhibaanadaan ayaa ah Xildhibaanadii mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.
Xildhibaanada ayaa salaadii subax ka dib qaarkood gudaha u galay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa loo balansanyahay 09:00 AM ee maanta xiligaasi oo mudanayaasha ay dhamaantood soo xaadiri doonaan.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaal is qilaafsan oo kala duwan.
Ajanadaha 1-aad waa Mooshinka Jawaari iyo Xiisada Baled-Xaawo oo la sheegay in iyana xubnaha qaar ay sheegeen in laga hadlayo.
lama sii saadaali karo xaalada iyo halka ay ku dambeeyndoonto waxaana xusid mudan in Gudoomiye Jawaari uu shirkaasi sharci daro ku tilmaamay.La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyayXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Xildhibaano Saaka Aroortii sii tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Faanadii hobalada waabari Sahra Axmed Jamac oo...

$
0
0

[embedded content]
[embedded content]
waxaa goor dhowayd magaalada Hargeysa ee Somaliland ku geeriyootay fanaananadii Soomaaliyeed ee caanka ahayd, Sahra axmed jaamac, taasoo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaas ku xanuunsanayd.
Sahra Axmed Jaamac, waxay ka mid ahayd hablaha fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu caansan looguna jecel yahay. Waxay ka mid ahayd kooxdii hobolada Waaberi, waxaana lagu naanaysi jiray qoruxda fanka Soomaaliyeed.
Sahara Axmed waxa la sheegay inay fanka ku soo biirtay sanadkii 1973-kii ilaa 75-kii.Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah.
Heesaheeda waxay xoogga ku saari jirtay dhinacyada wadaniga, jacaylka, guubaabinta, dhiirigelinta, amaanta, duco, wacyi'gelinta, wargelinta, iyo wax-sheega.
Share this:
Related
storvideo: 

Fanaanada Sahra Axmed Jaamac Oo ku Geeriyootay Hargeysa

$
0
0

Hargeysa ( Sh. M. Network )-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ku Geeritootay Fanaanada Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd fanaaninta Soomaaliyeed.
Fanaanada ayaa maalmihii dambe ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Geerida Sahra Axmed Jaamac.
Sahra Axmed ayaa Fanka Soomaaliya ku biirtay 1969-kii, iyadoona ka mid ahayd Hobollada Qaranka ee Waabari.
Waxaana lagu xauustaa heesihii kala duwanaa ee ay ku luqeysay, kuwaas oo isugu jira Wadani iyo Jaceyl intaba.
The post Fanaanada Sahra Axmed Jaamac Oo ku Geeriyootay Hargeysa appeared first on Shabelle.

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleid ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/04/2018.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanna Sahra lagu naanaysi jiray Quruxdii fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.
Ra'iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Sahra Axmed mid kamid ah xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Soomaaliyeed.
Waxaana uu Ra'iisalwasaare ku-xigeenku uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.
"Waxaan Tacsi u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkii ay ka baxday Allaha a u naxariistee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootey Magaalada Hargeysa. Sahra waxay kamid ahayd hormuudkii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanan ku tilmaami karaa inay safka hore kaga jirtay xidigihii ifiyey fanka Soomaaliyeed. Rabi Naxariistii janno ha siiyo." Ayuu yiri R/W ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Marxuumad Sahra Axmed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuusanaysay Cusbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa, halkaaso oo saaka Xaqii ugu yimmi.
storvideo: 


Muranka baarlamaanka: Ammaanka Muqdisho oo aad loo...

$
0
0

Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu wajahaya codka kalsoonida oo ay aad ugu kala qeybsan yihiin xubnaha baarlamaanka.
Xildhibaanada taagersan codka kalsoonida ayaa ku edeeyay guddoomiyaha inuu is hortagay dadaallada dhameystirka dastuurka iyo eedeymo kale. Guddoomiyaha ayaa beeniyay eedeymahaasi.
Taageerayaasha Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa diidan in codkan la qaada iyagoo ku eedeeyay xukumadda inay gadaal ka riixeyso codkan oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.
Wali ma kala cadda in codkaasi uu qabsoomi doona iyo in kale.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Talaadadii sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka ay guul darreysteen.
Jawaari oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho shalay ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana ''masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo''
''Aaad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan is casilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,'' ayuu yiri Jawaari.
Arrin Qariib ah
Jawaari ayaa sheegay in sida ku cad dastuurka shaqooyinka xukumadda iyo kan guddoonka baarlamaanku ay yihiin kuwa kala baxsan, oo ay wada shaqeyn uun ka dhexeysa.
''Waa arrin qariib ah in xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, micnaheedu waxay tahay inaan iyaga u shaqeeya ayay rabaan''
Sabtidii ayaa la baajiyay kulanka Golaha Shacabku oo ajandayaal iska soo horjeeda looga hadli lahaa balse hadda waxay u muuqataa in khilaafka labada dhinac ee goluhu u qaybsamay wali uu taagan yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wadahadalo la lahaa dhinacayda is haya tan iyo Sabtidii haseyeeshe waxa muuqata inaan lagu guuleysan waanwaanta.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shaqo joojin
Xafiiska madaxweynaha wali kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Jawaari.
Mar sii horreysay gudoomiye kuxigeenka Koowaad Cabdiwali Ibrahim Sheekh Muudey waxa uu shaqo joojin ku soo rogay xogeeyaha guud ee Baarlamanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, haseyeeshee isla shalay waxa warqadaasi ku gacan seyray gudoomiye Jawaari oo ku tilmaamay shaqo joojintaasi mid aan sharciyad haysan, wuxuna ku amray xogeeyaha guud inuu shaqadiisa sii wato.
Khilaafka ragaadiyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay Baarlamanka Soomaaliya waxa uu cuuryaamiyay hawlihii dawladda, iyadoo dhinacyada oo dhan isku dayayaan in midba midka kale uu ka guuleysto.
Gudoomiye Jawaari ayaa horay xukuumadda Kheyre ku eedeeyay inay duulaan ku soo qaaday Baarlamanka taasina ay khatar ku tahay habsami u wadashaqaynta hay'adaha dawladda. Illaa hadda wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaasi lagama hayo ra'isul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dalalka iyo hay'adaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay hay'adaha dawladda federaalka, waxayna ku baaqeen in loo hogaansamo dastuurka iyo sharciyada kale ee wadanka u yaala, laguna xaliyo khilaaf kasta oo jira.
Mooshin ka dhan ah Jawaari oo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka
Muxuu salka ku hayaa muranka mooshinka Jawaari?
storvideo: 

Troops loyal to embattled speaker seize parliament building

$
0
0

Heavily armed soldiers loyal to lower house speaker Mohamed Osman Jawari seized control of the parliament building in Mogadishu ahead on impeachment motion against him.
The troops were reported to have laid siege to the building before the arrival of the opposition lawmakers signed the no-confidence motion aimed at ousting the Jawari.
Speaking to Radio Shabelle, Dahir Amin Jesow, who is among the MPs tabled the motion has confirmed the takeover of the parliament headquarters by Jawari loyalists.
There were reports of heavy security presence outside the parliament building and main streets of the capital, halting public transportations and people’s movements.
Amid the chaos, pro-Jawari MPs are at the buildings are planning to debate Kenya’s security wall construction on Beled-Hawo-Mandera border, according to the speaker.
The post Troops loyal to embattled speaker seize parliament building appeared first on Shabelle.

Daawo: Gudoomiyaha Gudida Deegaanka iyo Khayraadka...

$
0
0

Daawo: Gudoomiyaha Gudida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga oo ka hadlay Abaaraha Soo noqnoqonaya oo uu ku saleeyey in ay tahay Xaalufinta dhirta
[embedded content]
storvideo: 

Fanaanada Sahra Axmed Jaamac Oo ku Geeriyootay Hargeysa

$
0
0

Hargeysa ( Sh. M. Network )-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ku Geeritootay Fanaanada Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd fanaaninta Soomaaliyeed.
Fanaanada ayaa maalmihii dambe ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Geerida Sahra Axmed Jaamac.
Sahra Axmed ayaa Fanka Soomaaliya ku biirtay 1969-kii, iyadoona ka mid ahayd Hobollada Qaranka ee Waabari.
Waxaana lagu xauustaa heesihii kala duwanaa ee ay ku luqeysay, kuwaas oo isugu jira Wadani iyo Jaceyl intaba.
storvideo: 

Bodies of eight UPDF soldiers killed in Somalia...

$
0
0

Bodies of the eight Ugandan soldiers killed in the Sunday al-Shabaab attacks on Uganda People's Defence Force's (UPDF) camps in Somalia were this afternoon returned home amidst cries of sadness.
Metallic boxes bearing the remains of the fallen soldiers were transferred from a plane to waiting for UPDF ambulances that took them to Bombo Military Hospital for embalmment.
It is not yet clear when the bodies will be handed over to relatives for burial. Names of the fallen soldiers were not readily available.
The army said the battle that left these soldiers lifeless, ensued after the suspected al-Shabab terrorists attempted to attack AMISOM Forward Operating Bases at Quoroyole, Buulo Mareer and Golwen in Lower Shabelle Region of Somalia.
President Museveni on Tuesday said that 36 al-Shabaab militants had been killed, while the Islamists claimed in a statement to have killed 59 Ugandan soldiers.
In a Tweet, Gen Museveni praised the UPDF soldiers for the spirited fight against the militants, whom he said had six vehicles that were loaded with explosives.
"It is gratifying, however, that the bold but adventurous strategy of al-Shabaab failed. With constant vigilance, victory is assured. I congratulate our soldiers for the good work they did," he said.
He said 36 al-Shabaab attackers were killed in the fight.Local media quoting sources said a massive blast was heard in the Bulomarer district, around 150 kilometers (93 miles) south of Mogadishu, and fighting broke out after dozens of heavily armed al-Shabaab militants stormed the base.
The Al-Qaeda linked al-Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 -- and subsequently other towns and cities -- by soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM).
But the Islamists still hold sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu and ambushes on military convoys and outposts.
East African leaders contributing to the 22,000-strong AMISOM force last month called for the United Nations to reconsider plans to withdraw troops by December 2020, saying the timeline was unrealistic and could lead to a reversal of gains.
storvideo: 

Somali MPs to vote on the impeachment motion against...

$
0
0

The lawmakers of Somalia's Federal parliament are expected to hold on Wednesday a key session with its agenda to vote on an impeachment motion against the house speaker.
The overall Security of Mogadishu has been tightened by Somali and AMISOM forces ahead of the impeachment motion against the Speaker of Lower House Mohamed Osman Jawari.
Abdiweli Ibrahim Mudey, the first deputy speaker of the parliament notified to the lawmakers on Tuesday through Massages on their mobile phones about the sitting.
For his part, the embattled speaker has alerted the legislators supporting him to attend a separate session to talk about Kenya's security wall construction on Balad Hawo border.
The MPs filed the motion accused Jawari of violating the constitution and being an impediment to the parliamentary producers.
On Tuesday, the speaker blamed President Farmajo for escalating the political crisis in the nation by asking him to resign and instead of resolving the crisis without taking sides.
storvideo: 

Troops loyal to embattled speaker seize parliament...

$
0
0

Heavily armed soldiers loyal to lower house speaker Mohamed Osman Jawari seized control of the parliament building in Mogadishu ahead on impeachment motion against him.
The troops were reported to have laid siege to the building before the arrival of the opposition lawmakers signed the no-confidence motion aimed at ousting the Jawari.
Speaking to Radio Shabelle, Dahir Amin Jesow, who is among the MPs tabled the motion has confirmed the takeover of the parliament headquarters by Jawari loyalists.
There were reports of heavy security presence outside the parliament building and main streets of the capital, halting public transportations and people's movements.
Amid the chaos, pro-Jawari MPs are at the buildings are planning to debate Kenya's security wall construction on Beled-Hawo-Mandera border, according to the speaker.
storvideo: 


Sucuudiga oo shaneemooyin laga furayo

$
0
0

Dalka Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay mudo tobanaan sano ah dalkiisa ka furaya sinimooyo, labada todobaad ee soo socda.
Arintani waxay qayb ka tahay heshiis Sucuudigu la galay AMC oo ah shirkadda ugu wayn dunida ee sinimooyada. Shirkadduna waxay bixisay ruqsadihii ugu horeeyey ee sinimooyo magaceeda ku shaqeeya lagaga furayo Sucuudiga.
Qorshuhu waxa weeyi in AMC ay shan iyo toban magaalo oo Sucuudiga ku yaal ka furto afartan sinimoo shanta sanadood ee soo socda.
Todobaataneeyadii dalka waxa ka jiray sinimooyo laakiin waxa la xidhay markii saamaynta wadaadada Muslimiinta ah ee mayalka adagi xoogaysatay.
Saraakiisha Sucuudigu waxay leeyihiin in dalka laga furo baayac mushtarka madadaaladu, waa arin muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha himilada dib u habaynta dhaqaale iyo bulsho ee loo bixiyey hiigsiga 2030-ka.
18-ka bishan April ayaa ah muddada loo qabtay in xadhiga laga jaro furitaanka sinimoogii ugu horeeyey ee laga furo - Riyad ee Sucuudiga.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaadhan oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe loogu hanqal taagayo isbadelo dhanka dhaqaalaha iyo bulshadaba ah, waxaana hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xidhiidha. .
Isbaddeladan ayaa waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusb loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay sinimooyo u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa.
storvideo: 

Bilooyin ka dib unbay K/Waqooyi awoodi kartaa in ay gantaallo ku weerarto UK

$
0
0

Waxay u badan tahay in haddii UK lagu rido gantaallada qaaradaha isaga kala goosha ee Kuuriyada Waqooyi ay halkaas ku gaaraan lix ilaa iyo 18 billood, sida ay xildhibaanno sheegeen.

Bilooyin ka dib unbay K/Waqooyi awoodi kartaa in ay...

$
0
0

Waxay u badan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay lix ilaa 18 billood ku qaadan doonto in ay awoodo in ay gantaallo ku rido dhulka UK.
Si kastaba ha ahaatee guddigga arrimaha difaaca ee baarlamaanka UK ayaa sheegay in aysan wali jirin caddaymo muujinaya in gantaalladaas ay xambmaari karaan madaxyo nukliyeer ah.
Xildhibaannadan oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan haliska ka soo fool leh Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ay tahay arrin suurtagalnimadeedu ay aad u yartahay.
Xildhibaannadaas ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay "nin arxan daran balse wax fahma"
Kuuriyada Waqooyi ayaa lix jeer tijaabixay hub nukliyeer ah, waxaa kale oo ay tijaabisay gantaal riddo dheer oo khuburadu rumaysan yihiin in uu gaari karo dhammaan dalka Maraykanka.

  • Maxaynu ka naqaanaa gantaalkan cusub ee ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi?
  • Sarkaal Qaramada Midoobey ka tirsan oo socdaal naadir ah ku tagaya K/Waqooyi

Markii ay Pyongyang tijaabadaas samaysayna waxay sheegtay in ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal Nukliyeer haysta.
Sikastaba ha ahaatee Kim ayaa sheegay "in uu doonayo in uu nukliyeerka isaga haro" ka dib bilo ay xiisad adag taagnayd.
Haddana Kim iyo Trump waxay ku heshiiyeen in ay wadahadlaan arrintaas oo ahayd mid aan la filaynin.

  • Askeri ka baxsaday Kuuriyada Waqooyi oo shan xabbadood lagu dhuftay
  • BBC oo bilowday Laamo cusub oo la hadla Itoobiya, Eritereya iyo Kuuriyada Waqooyi

Inkastoo horumarkaas la sameeyay haddana xildhibaannada UK waxay sheegeen in ay u badan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay sii wadato hawlaha hubkeeda, lagana yaabo in ay xaqiijiso damaceeda ah in ay si degdeg ah dalalka ka soo horjeeda u galiso halis nukliyeer.
Gudigan xildhibaanada ayaa sheegay in ay u badan tahay in UK aysan halis ka soo foodsaarin Kuuriyada Waqooyi marka la fiiriyo sida ay hanjabaadoodu ugu wajahan tahay Maraykanka.
storvideo: 

Madaxwaynihii hore ee Brazil oo la amray in xabsiga la dhigo

$
0
0

Madaxwaynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa xabsiga la dhigi doonaa sida ay xukuntay maxkamada ugu sareysa dalkaasi.

Somali parliament speaker urged again to resign amid political stand-off

$
0
0

A Members of Somalia’s Lower House chamber of Parliament called for the resignation of the Speaker Mohamed Osman Jawari as the deadlock over the motion against him widens.
Speaking in an interview with Radio Shabelle, lawmaker Abdullahi Sheikh Ismail who is among the MPs tabled the impeachment motion blamed Jawari for violating the constitution and parliamentary procedures.
The parliament is split into two camps, one allegedly allied to the office of the PM and the other camp defending the long-serving Speaker who is currently in trouble as he faces motion.
The call comes in the wake of worsening political rift in Mogadishu after more than 100 lawmakers have signed out a motion of no confidence against Jawari last month.
The standoff has affected the normal seatings of the lower House and led the President of the country Mohamed Abdullahi Farmajo to intervene and mediate the rival sides.
The Senate suspended its mediation efforts and dissolved recently a 7-member committee tasked with the resolving of the political crisis and division in the parliament.
The post Somali parliament speaker urged again to resign amid political stand-off appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live