Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Garaad Cali Ciid oo Ka hadlay Colaada Degmada Qardho

$
0
0

Bosaaso:- Afhayeenka Isimada PL Garaad C/laahi Cali Ciid oo wakhtigan ku sugan Magaalada Ganacsi ee Bosaaso ayaa ka hadlay colaada Beelaha ku Diriraya Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, Garaadka ayaa Beelaha walaalaha ah ugu baaqay inay Nabada ilaaliyaan isla markaana Mugdiga dhexdooda ku Jira iska saaraan.
C/laahi Cali Ciid ayaa Guud ahaan Beelaha Reer Puntland ugu baaqay inay Nabadooda Ilaashadaan isla markaana cid kasta oo Amaanka cagaha haysa ay iska qabtaan.
Hadalka Garaadka ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Qardho ay ka dhacday Dirar dhex martay Beelo walaalo ah oo wada dega Degmadaasi waxana Durba Gaadhay Magaalada Qardho Madaxwaynihii Hore ee PL Gen Cade Muuse Xirsi iyo Wasiirka  Amniga PL Coll Khaliif Ciise Mudan kuwaasi oo Rajo wanaagsan ka Muujiyay Hashiisiinta Beelahaasi.
 
Bahda- GalGalanews.com
 


Xukuumadda Oo Faah Faahisay Qaraxii Ay Ciidammada Ammaanku Fashiliyeen.WARSAXAAFADEED

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisey fal is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kaasi oo ay fashiliyeen Ciidammada Ammaanka kadib Warsaxaafadeed caawa kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
War Saxaafadeed 054/2011
Ciidamada Ammaanka oo fashiliyay weerar is-qarxin ah
 
(Muqdisho, Oktoobar 18, 2011) Saddex qof oo rayid ah iyo qof naftiisa halligay ayaa ku geeriyooday, 23 kalena waa ku dhaawacmeen weerar is-qarxin ah oo fashilmay oo ka dhacay meel u dhow dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee magaalada Muqdisho.
 
Ninka is-halligay ayaa lumiyay kontoroolka gaariga uu waday, kuna dhuftay darbi kaddib markii ay ka horyimaadeen ciidamada ammaanka ee wareega.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud oo booqday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa cambaareeyay qaraxaan naf-la-caariga ah ee ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab. Wuxuu yiri Wasiirku:
 
“Weerarkan wuxuu ka mid yahay weerarrada ay kooxda xagjirka ah ku beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.”
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu ku dhawaaqay abaal-marin la siinayo qof kasta oo keena macluumaad ku saabsan falalka gurracan ee is-qarxinta ah. Xukuumaddu waxay xifdin doontaa magaca iyo macluumaad kasta oo la xiriira qofka warbixinta keenay.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada ay dalka uga xoreynayaan kooxda arxan-laawayaasha argagixisada ah.
 
“Falalka fulaynimada ah nama hakin doonaan. Waxaan Shabaab u sheegeynaa inay u soo bareeraan furumaha dagaalka halkii ay beegsan lahaayeen meelaha shacabku u badan yahay”, ayuu yiri Wasiirka Difaaca.
 
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa tacsi u diray qoysaskii rayidka geeriyooday, isagoo u rajeeyay dadka dhaawacmay inay degdeg u bogsoodaan. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in qaraxaan uu mar kale noo muujinayo in argagixisadu ay tahay cadowga shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kaleba, loona baahan yahay in si wadajir ah loola dagaallamo.
 
 
DHAMMAAD
 
 

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Caawa

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 18-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 18-Octobar
 

Wareysi: Aabaha wiil Kenya lagu Qabtay

$
0
0

Wareysi gaar ah oo uu VOA siiyey ayaa Cabdiraxman Cabdalla ku sheegay in wiilkiisa lagu qabtay deegaan-xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Aabahan ayaa sheegay in wiilkiisu uu 1993dii dashay, muddooyinkii dambana uu ka shakisanaa. Aabaha ayaa sheegay in wiilkiisa maskaxda laga dhaqay, kadib markii uu la saaxiibay wiil asalkiisu Pakistan yahay oo isaguna safarka Kenya ku weheliyey. Labada wiil ayaa la sheegay inay doonayeen inay u gudbaan magaalada Kismaayo ee dalka Somalia si ay ururka Al-Shabab ugu biiraan.

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

MSF oo dalbaday in deg deg loo sii daayo shaqaalaha Soomaaliya lagu haysto

$
0
0

Geneva(GMN)-Hay’adda dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF ayaa dalbatay in si deg deg ah oo sharuud la’aan loo sii daayo labo haween ah oo u shaqeynayay MSF kuwaasoo todobaadkii hore laga soo qafaashay xerada qaxootoga ee Dhadhaab
War saxaafadeed ay hay’addaan ka soo saartayt xarunta ay ku leedahay magaalada Geneva ayaa waxay lagu sheegay in shaqaalaha MSF ay haatan shaqadii u joojiyeen sababo la xiriira cabsi amaankooda soo wajahday waxaana warku intaa ku darayaa in MSF ay cambaaraynayso falkii shaqaalahooda lagu afgduubtay
“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda saaxibadeen shaqada nala waday ee kooxaha hubeysan gacanta ugu jira waxaana dalbanaynaa in lagu sii daayo sharuud la’aan” ayaa lagu yiri warka ay MSF soo saartay
Sidoo kalena madaxa ugu sareeya MSF Jose Antonio Bastos, ayaa ugu sheegtay warbaahinta ayadooku sugan magaalada Barcelona dalka Spain in hay’adooda ay Soomaaliya ka shaqeynaysay tan iyo sanadkii 1991,kii isla markaana ay Soomaaliya ka qabatay adeegyo caafimaad oo dadka tabaalaysan lagu caawinayo
Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay aheyd markii koox hubeysan ay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo Kenya ku taala kasoo qafaasheen labo haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha MSF taasoo keentay in ciidamo Kenyan ah gudaha Soomaaliya soo galaan.
Gedo Online News
Gedonlinenews@gmail.com

Haweeneydii Faransiiska aheyd ee laga soo qafaashay Kenya oo geeriyootay

$
0
0

Paris(GMN)-Sida ay ku waramayso wasaaradda arrimaha dibadda dalka Faransiiska haweenaydii Faransiiska aheyd ee ay dhawaan gudaha Kenya laga soo qafaashay ayaa ku geeriyootay gudaha Soomaaliya xilli ay gacanta ugu jirtay kooxdii afduubatay
War ay wasaaraddu soo saartay maanta ayaa waxay ku sheegtay Marie Dedieu oo 66 sano jir ahayd gacanta ugu jirtay koox hubeysan oo Soomaaliya todobaadyo ka jor kasoo qafaashay xeebaha jaziiradda Lamu ee dalka Kenya ayaa ayaa u geeriyootay xanuuno hayay oo ay daawo u waysay sida lagu yiri warka ay wasaaradda arrimaha dibbadda Faransiisku soo saartay
Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska iyo wakaaladda Wararka ee AFP in haweenaydu ay u geeriyooday xanuuno ay horey u qabtay hase ahaatee ay daawo u waysay waxayse ka gaabsadeen inay si cad u sheegaan xilli ay naf baxday
Warku waxaa uu sidoo kale sheegayaa in qof waday dhex dhexaadin lagu sii dayn lahaa haweenaydaan ayaa u sheegay dawlada Faransiiska inay geeriyootay ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay dawlada Faransiiska
Marie Dedieu oo da’a aheyd waxay ka mid ah afar haween ah oo wadamada Yurub u dhashay oo bilo gudahood laga soo qafaashay gudaha Kenya waxaana haweeneydaan lagu haystay meelo u dhaw deegaanka Raas kambooni ee koofurta Soomaaliya
Gedo Online News
Gedonlinenews@gmail.com

Al Shabaab oo sheegtay inaysan iyadu ka dambeen qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay beenisay inay iyadu ka dambeysay qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay fulliyeen laba nin oo dhalinyaro ah oo watay gaari Kaarib ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ka dambeysay, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu soo ekeeyey meel ku dhaw Xaruuntii Hore ee Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ka dambeysay weerarkaasi.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab ay dhibaato xoogan ka wado gudaha dalka Soomaaliya, laakiin aysan taasi wax dhib ah u arki doonin.
War Saxaafadeed ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, ayaa waxaa lagu sheegay inaysan Xarakada Al Shabaab iyadu ka dambeen weerarkaasi isqarxinta ah, iyadoo sheegtay inaysan garaneen cidda dhabta ah ee ka dambeysay.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay waxba kama jiraan ay ku tilmaamtay eedeymaha xoogan ee uga imaanaaya dhinaca Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana waxay sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho

Dowladda Faransiiska oo shaaca ka qaaday inay geeriyootay haweyneydii Faransa u dhalatay ee Kenya laga afduubtay .

$
0
0

Dowladda Faransiiska ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay geeriyootay haweyney u dhalatay dalka Faransiiska oo 1-dii bishaan laga afduubtay gudaha dalka Kenya.
Dowladda Faransa ayaa waxay maanta sheegtay inay geeriyootay haweyneyda lagu magacaabo Marie Dedieu ee u dhalatay dalka Faransiiska, balse laga qafaashay gudaha dalka Kenya.
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Faransiiska, ayaa wuxuu sheegay inay maanta geeriyootay haweyneydii u dhalatay dalka Faransiiska ee laga afduubtay deegaanka Lamu oo ku yaalla Waqooyiga Dalka Kenya.
Wasaaradda Arrimaha Dibbadda ee Dowladda Faransiiska, ayaa waxay sheegtay in dhimashada Marie Dedieu ay tahay mid dhab ah, waxaana warkaasi inoo soo sheegay bay tiri dad ku mashquulsanaa sidii lagu soo sii deen-lahaa.
Marie Dedieu oo haweyney naafo ah, ayaa waxay 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku noolleed gudaha dalka Kenya, iyadoo ay da’deedu ahayd 66 sano jir, waxaana 19 maalmood kahor laga soo afduubtay gudaha dalka Kenya, waxaana intaas oo dhan lagu haayay gudaha dalka Soomaaliya
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  London.


Haweeneydii Faransiiska ee la afduubtay oo Soomaaliya ku geeriyootay

$
0
0

Wasaarada Arrimaha Dibada Faransiiska ayaa xaqiijisay inay geeriyootay Haweeneydii Faransiiska ee dhowaan laga afduubtay Xeebaha Waqooyi dalka Kenya. Haweeneydan Faransiiskaa curyaanka aheyd oo 66-jir ah ayaa la sheegay inay u dhimatay daawo la’aan, halka lagu heystay ee gudaha Soomaaliya. Marie Dedieu ayaa geerideeda la sheegay inay soo sheegeen Ragg ku guda jiray dhex dhexaadinta sii [...]

Qarax miino qasaare geystay oo maanta ka dhacay Buundada Xamar Jajab

$
0
0

Qarax ka dhashay dhaawacmay ilaa labo caruur ah ayaa maanta barqadii ka dhacay Buundada labaad , iyadoo qaraxaas ahaa miino bac madow la geliyay oo meel qashin ah buundada korkeeda lagu qariyay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala dan lahaa Gaari kuwa raaxada ah ee ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowladda, inkastoo aanay wax qasaare [...]

Mas’uul horay uga tirsanaa Dowladii hoose oo ugu baaqay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inuu is casilo

$
0
0

Iyadoo mudooyinkan ay isa soo tarayeen eedeymaha ballaaran ee loo jeedinayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan, ayaa Mas’uul horay uga tirsanaa Dowladii hoose Kacaanka waxaa uu ugu baaqay inuu is casilo, kadib markii uu iska dhega-tiray dhaliilo sharci ah loo jeediyay. Mukhtaar Cali Maxamuud (Anjalo) ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka [...]

Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Qarax noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa degmada Xamar-Jajab.

Qaraxan ayaa lala bartilmaameedsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ee Somalia, hasse yeeshee ciidamadan ayaa ka bad-baaday qaraxaasi.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba caruur ah oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca Muqdisho 24-kii saacadood ee la soo dhaafay. Ugu yaraa 4 qof ayaa dhintay shalay kaddib markii uu dhacay qarax baabuur oo lala eegtay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee DKMG ee Somalia.

Kenya: Waa inaan jabinaa Al Shabaab

$
0
0

Ciidamada dalka Kenya waxaa ay ku sii durkayaan gudaha Degaanno ku yaala dhinaca Konfureed ee dalka Soomaaliya

Kenya ready for showdown with Somali rebels

$
0
0

Kenyan forces were heading for a showdown with Somali militants 75km inside Somalia’s borders on Wednesday, as officials said that a French hostage seized on Kenya’s coast had died.
Kenya’s incursion into Somalia this week has put an end to a policy of containment that held for years. When other foreign armies tried and failed to impose solutions on its troubled neighbour, which has been without a functioning government since the overthrow in 1991 of Siad Barre, Kenya kept its distance.
But a string of kidnappings blamed on Somali militants has jeopardised the tourism industry, one of Kenya’s main sources of foreign exchange. Combined with growing domestic pressure, this has pushed Nairobi to drop its traditional caution, even though the risks of repercussions remain high.
As Kenyan troops crossed the border last weekend, al-Shabaab militants in Somalia, who have a network of supporters within Kenya according to UN reports, warned they would retaliate with terrorist attacks on the Kenyan capital.
There is also no guarantee that boots on the ground inside Somalia will be effective in curtailing the threat Somalia poses to regional stability.
“Kenya is certainly in the line of fire and invasion ramps it up further but Kenya decided the risk of doing nothing had become greater than the risk of invading,” a senior western official said.
France on Wednesday announced that 66-year old Marie Dedieu, whose kidnap on October 1 near the Kenyan island of Lamu was blamed by Kenya on Somali Islamists, had died in captivity inside Somalia.
Meanwhile, a Kenyan military spokesman said that Kenyan forces and Somali government troops had killed 73 al-Shabaab rebels and captured three towns. Residents of the Somali town of Afmadow said that rebels were fortifying defences in the town.
Kenya has supported proxies and militias inside Somalia in the past. But since the 1960s, when the two countries fought over border territory, it has avoided being drawn into direct confrontation.
Kenya has its own large Somali population to worry about. There are some 2.4m ethnic Somalis in Kenya, as well as close to 600,000 Somali refugees, a population that has grown as a result of conflict and recent drought.
There is also the history of other failed interventions. The war inside Somalia can be traced to Ethiopia’s invasion in 2006. The invasion was successful in overthrowing an administration backed by Islamic courts, in favour of an unpopular and weak transitional government propped up by western donors and Ugandan and Burundian African Union troops. But Al-Qaeda affiliated al-Shabaab militants have been fighting it ever since.
US and United Nations efforts to tackle starvation in the earlier years of the civil war and restore stability ended similarly in retreat and failure.
Kenya’s ambitions may be less grandiose. The government claims it has sent troops in “hot pursuit” of kidnappers. “If we think they [the kidnappers] are in Kismayo, we will go to Kismayo,” government spokesman Alfred Mutua told the Financial Times, referring to the port town that doubles as the militants’ stronghold and their main source of revenue from illegally trafficked goods.
However, Mr Mutua said Kenyan forces also aimed to “track down and dismantle the al-Shabaab”. Western diplomats believe they will attempt at least to secure the border area, and create a buffer zone manned by allied proxies.
In an interview with the FT two weeks ago, Raila Odinga, Kenya’s prime minister, hinted that the government was running out of options. He said Somalia was the “epicentre” of a dangerous crisis embracing piracy, terrorism and refugees that poses a serious security challenge. Initiatives such as training up Somalia militias had backfired.
“We’re told that some of them have run away, some of them have defected to the rebels or some have run away to Kenya, so that shows you the level of commitment of some of these mercenaries,” he said.
Kenya may be calculating now that al-Shabaab has been weakened by internal divisions and an offensive in the capital Mogadishu by transitional government militias backed by AU troops.
But with history in mind, many regional experts predict that a full-scale invasion against such a guerrilla force could be counter-productive. Somalis tend to unite when foreigners invade.
“There’s no way you can get the last man and the last gun,” said an international military source based in Kenya, adding that long supply lines in muddy ground ill-served by infrastructure would make the Kenyans vulnerable.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Bandhigay Sababta Beesha Caalamku Indhaha Uga Qabsatay Qadiyadda Somaliland

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin lagaga bixi karo caqabadahaasi
“Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub waxay ku shubaan god madow oo Soomaaliya ah, laakiin dadka reer Somaliland oo u tiro badan..”


Nuxurka qoraal madaxweyne Siilaanyo kula garnaqdasay beesha caalamka
Oct 19, 2011 Hargeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay soo bandhigay sababta beesha caalamku indhaha uga qabsatay qadiyadda aqoonsiga Somaliland iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay.
Qoraal ku qoran luuqada Ingiriisiga oo Madaxweyne Siilaanyo beesha caalamka kula garnaqsanayo qaddiyadda madaxbannaanidaSomaliland oo xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka caalamka, waxa uu ku dooday in sababta beesha caalamku indhaha uga qabsaday guulaha dimuqraadiyadeed iyo aqoonsiga Somaliland la xidhiidho fikrado gaboobay oo lagaga hortagayey in dalalka Afrika kala googo’aan.
“Sababta beesha caalamku iskaga indho-tirtay qaddiyaddayada iyo tijaabooyinka dimuqraadiyadda aannu ku guulaysanay waxay la xidhiidhaa go’aan gaboobay oo budoobay oo nus-qarni ka hor uu gaadhay ururkii hore ee Midowga Afrika (OAU) ee hadda ah Midowga Afrika (AU) oo dib ugu noqonayey xuduudihii gumaysigu kaga tagay qaaradda Afrika, kuwaas oo ka cabsiqabay iska horimaadyo qabiil iyo dagaallo sokeeye oo aan la tirinkarin, iyadoo xilligaa OAU-dii xukuntay in xuduudihii ay dhigeen reer Galbeedku sidooda loo tixgeliyo,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa oo ahaa mid dheer oo Jamhuuriya akhritayaashiisa u soo koobay.
Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in fikradaasi dhicisowday kadib markii Erateriya ka go’day Itoobiya, isla markaana Koonfurta Suudaan ka madaxbannaanaatay dalka Suudaan, sidaa daraadeedna aanay jirin sabab hadda loo hortaagnaado madaxbannaanida Somaliland oo si iskeed ah sannadkii 1960-kii ugu biirtay Soomaaliyadii uu guamaysan jiray Talyanigu, iyadoo halgan qadhaadh kadibna sannadkii 1991-kii dib ula soo noqotay madaxbaanideeda oo muddadii 20-ka sanno ka dambeeyey ku tallaabsatay horumar aan cidi ka taageerin.
Md. Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Midowga Afrika inay qashin-qubka raaciyeen warbixin ay Somaliland ka diyaariyeen guddi xaqiiqo-raadis ah oo ka socday Midowga Afrika oo sannadkii 2005 yimi Hargeysa, isagoo xusay in weftigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Miwowga Afrika Patrick Mazimhaka ay caddeeyeen in midowgii 1960-kii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aan marnaba la ansixin oo aannu dhaqangal ahayn. Haseyeeshee, markii warbixintaasi guddigu hordhigeen Midowga Afrika la iska indho-tiray, lana raaciyey xashiishka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin lagaga bixi karo caqabadahaasi.
Isagoo arrintaa qoraalkiisa kaga hadlayana waxa uu yidhi, “Goorma ayey dad awoodi doonaan inay ku dhawaaqaan madaxbannaanidooda oo ay heli doonaan aqoonsi caalami ah? Waxa arrintan badka soo dhigay Falastiin oo Qaramada Midoobay u gudbiyey codsigooda la xidhiidha inay dalka madaxbannaan noqdaan, shuruucda caalamiga ahina halkan ma taageerayaan, run ahaantii maxkamadda adduunku waxa qudha oo ay bixisay tilmaamid xadidan.

Mabaadida aasaasiga ah ee aan aaminsanahay in laga gudbo ee Somaliland-na la kulantay waxa weeye sidan;

1. Goosashada waa in aanay ka dhalan farogelin dibadeed, waa in caqabadha aqoonsiga goosashadu noqdo mid sarreeya
2. Madaxbannaanida waa in la aqoonsadaa oo keliya haddii aqlabiyadda (51% codeeyayaashu) si xor ah u doortaan afti xalaal ah oo laga qaado
3. Dhammaan dadka laga tirada badan yahay waa in si xushmad ah loola dhaqmo.”
Ugu dambayn Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in beesha caalamku si aan xaq ahayn u kala taageerto Somaliland iyo Soomaaliya, “Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub tusaale ahaan waxay ku shubaan god madow oo Soomaaliya ah, sababtuna waa aqoonsiga dawladnimo, laakiin dadka reer Somaliland oo u tiro badan sida kuwa Soomaaliya waxyar baa loo soo beddelaa iyaga oo qaada faro-guudkood ka hela lacagaha lagu khasaarinayo Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Source:Jamhuuriya-cadceed


Ma Ogtahay Akristoow?

$
0
0

1-Ma ogtahay Aqristow caasimada Indonesia in ay tahay Jakarta, mise ogtahay in dalkaas uu yahay dalka ugu badan ee ay ku nool yihiin Muslimiinta dunida, dadkiisa waxa ay gaarayaan 9,580,000 oo qof.
2-Ma ogtahay in xuruufta luqada Ingiliishka lagu soo kobo Ararta ah “The quick brown is fox jumping over a lazy dog”, taas oo markii aad Soomaali ku rabto lagu dhaho oraah uu horey u sameeyay Abawaankii Soomaaliyeed allaha unnaxariistee Cabdilaahi Suldaan Timacadde, taas oo ah “Sheekeena, wiilkiisa Curad, gabadhuu qabi jirey, foox la’aan ma heesi karto”.
3-Ma ogtahay Aqristow  dalka Thailand ay ra’iisal wasaare ka tahay haweeneey taas oo lagu magacaabo Yingluck Shinawatra, mise otahay in ay walaalo yihiin ra’iisal wasaarihii hore dalka Thailand Takisn Shinawatra.
4-Ma ogtahay in jabhadii koowaad ee Afrikaanka ahayd ee diyaarado lagu weeraraa in  ay ahayd jabhadii Daraawiishta, ee uu madaxda ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, jabhadan waxa uu Ingiriisku diyaarado ku weeraray 1920kii.
5-Ma ogtahay in idaacadii koowaad ee Afsoomaali ku hadasha ee hawada soo gasha in ay ahayd Radio Hargeisa, waxana ay ahayd sanadkii 1952.mise ogtahay Idaacaddii Labaad ee Soomaaliya laga dhageesto ay ahayd Radio Muqdisho.
5-Ma ogtahay in markii koowaad ee la adeegsado Nukliyeerka lagu dhuftay laba magaalo oo ku yaala dalka Japan kuwaas oo lakala yiraahdo jirey Hiroshiima iyo Nagasaaki,Mise ogtahay in gantalaadaas Japan ay ku qasabtay in uu isdhiibo waxana sidaas ku soo afjarmay dagaalkii labaad ee adduunka.
6-Ma ogtahay in Ururka Qaramada Midoobay lagu dhisay magaalada Sanfransisco oo ku taalla Maraykanka, sanadkii 1945.mise ogtahay in uu hada xoghaye guud uu ka yahay hey’addaas Ban-ki Moon.
7-Ma ogtahay Madaxweynaha Laiberia in la yiraahdo Ellen Johnson-Sirleaf , mise ogtahay in ay tahay haweeneydii ugu horreysay ee Africa Madaxweyne ka noqota.
8-Ma ogtahay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ay ku yalaan Masaajido Qadiim ah ama xili fog la dhisay, kuwaas waxa ka mid ah:
A-Masjidka Xamar-Weyne (jaamacada) waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .
B- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga.
C- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan.
D- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen.
———————————
W/Q: MaxamedKaafi Cali Muumin
RBC RADIO
RAXANREEB.COM

Dareen Noocee Ah Ayay Dadwaynaha Reer Boorama Ka Bixiyeen Maanta Imaatinka Wafdiga M/Kuxigeen Saylici

$
0
0

-Dareeno isku dhafan ayay dadka ku nool Boorama ka bixinayaan Booqashadan waftiga Madaxwayne ku xigeenka ee Boorama kaasi oo ah kii ugu balaadhnaa ee soo gaadha Boorama tan iyo inta ay jirto xukuumada Xisbiga Kulmiye.
Waxa xiisaha badan u samaynaya dad badan waa tirada ay leegyihiin madaxda ku wehelisa Madaxwayne ku xigeenka safarkiisan oo ay ka mid yihiin wasiirada wasaaradaha Beeraha, Dib u dajinta, Caafimaadka, Hawlaha guud iyo Guryaynta, Arimaha Gudaha, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Latiliyayaasha Madaxwaynaha ee Dhinacyada Haweenka Iyo Bariga Dalka, Agaasime Ku xigeenka Hayada Nerad, Xoghaya Guurtida, Xildhibaanada labada Gule iyo saraakiil kale oo dhinaca Amniga ah. Iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxa ay dadku is waydiinayaan miisaanka intan le’eg ee ay leeyihiin waftigan iyo hawlaha u yaala ee ay Boorama u yimaadeen oo ay ka hawlgali doonaan.
Dadwanaha qaar ayaa waxa ay u arkaan waftigan culus mid guul soo hoynaya isla markaana dardar galin doona maamulka aan miisaanka culus lahayn ee Gobolka Awdal halka ay dadwayne iyaguna ku dareen ciliyeen inay tahay booqashada waftigani mid aan arimo kale culayska saari doonta oo aan waxba ku soo kordhinayn doonin dardar galinta hawlaha maamulka gobolka.
Waxa kale oo xusid mudan oo indhaha ay dad badani ku hayaan qaabka ay u qabsoomi doonaan kulanada dhinaca dhaqanka ah ee ay xukuumadu doonayso inay xal ugu hesho xiisada lagu muransan yahay ee dhinaca dhaqanka ah ee u dhaxaysa oday dhaqameedyada Boorama. Waxana hubaal ah in ay dad badani u dhaga taagayaan siday sy si toos ah ugula socon lahaayeen waxyaabaha lagaga wada hadlayo kulanada ay albaabadu u xidhan yihiin ee aan saxaafada loo ogolayn ee suurto galka ah in arimaha dhinaca dhaqanka ah lagu gorfaynayo.
Sidoo kale waxa ay dadwayne kale oo ku sugan Boorama ayaa waxa ay iswaydiinayaan su’aalo salka ku haya bal qaabka ay waftigan xukuumada dhexe ka socda uu u guda gali doono indho indhaynta waxqabadka xukuumada ee caasimada G/Awdal ee Boorama, waxana ay su’aalahaas kuwooda muhiimka ahi la xidhiidhaan qaabka la xisaabtanka ee wasaaradaha qaar oo ah kuwo aanan ilaa hada qabanin wax hawlo ah oo muhiim ah uu u dhici doono iyaga oo markaasi walaac ka muujinaya in kormeerkan M/Ku Xigeen Eng. Cabdiraxmaan Saylici ay noqoto mid la mid ah kormeeradii looga bartay xukuumadihii hore iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Kulmiye ee tamashlaha ahaa.
Waxa kale oo xusid mudan in la is waydiinayo saamaynta ay waftigani ku yeelan doonaan gurmadka dhinaca abaaraha ah ee loogu gurmanayo dadka ku barakacsan degaano badan oo gudaha gobolkan ah kuwaas oo ilaa hada gargaarada deeqaha ah ee gaaray ay yihiin kuwo aad u kooban oo ka yimid hayado caalami ah marka la barbardhigo baahida ay u qabaan inay helaan gurmad balaadhan. Waxana ay dad badani odorosayaan in ay haboontahay in uu Madaxwayne Ku Xigeen Eng. Saylici booqdo deegaandaas si uu indhaha u soo saaro xaaladu sida ay tahay isla markaana xukuumadiisa ho dhigo xaqiiqda uu indhaha soo saaray ee ay ku sugan yihiin dadka barakacsan.
Waxa kale oo iyaguna xiiso badan in ay jiraan dad badan oo aanay wax micno ah u samaynayn booqashada waftigan isla markaana ahmiyda ugu muhiimsan ee ay leedahay ku tilmaamay inay tahay dhaqdhaqaaq dhinaca ganacsiga ah oo ay arkeen inuu ka socdo gudaha magaalada Boorama iyo waliba inay magaaldu noqotay mid soo camirantay oo ay jeclaan lahaayeen in wufuudani ay iska sii joogto dhawr todobaad oo kale.
Sikastaba ha ahaatee waa hubaal in miisaan culus ay leedahay Booqashadani dadbadana ay jecelaan lahaayeen inay noqoto mid taariikhda gasha oo ay ku xusuustaan sida ay u maaraysay amuuro tiro badan oo isku cakiran oo Boorama ka dhex socda kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay noloshii caadiga ahayd.
Source-Lughayanews

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
 
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 19-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 19-Octobar

Waa ilaahay Mahadii Waana ugu Hambalyaynayaa Hadii Mujahid Cali Guray uu Nala arkay Kooxdii Xisbiga Jebisay welina ku xeeran,By: Abdiraxman Ubaxle‏

$
0
0

Asalaamu Calaykum wa Raxmatu laahi wa barakaatul, Dhamaan Somalilanderku meel ay joogaanba waxaan ku salamayaa Salaanta islaamka waxaan ku hambalyaynayaa wada jirka iyo isku duubnaata ay wadankooda ku hore mariyeen, waxaan ku guubaabinayaa inay qof jeclaysi iyo danaysi ka hore mariyaan qaranimadooda, waxaan aad ugu adkaynayaa inay kala saaraan mucaaridada iyo waxyaabaha ka soo horjeeda qaranimada Somaliland sidoo kalena waa in aad  siyaasi kasta oo aad aragtaan inuu dimuqraadiyadii u isticmaalay si khaldana aydaan siinin jaanis ee aad ku cabudhisaan si ay cashar ugu noqoto kuwa raba inay inaga dhex kaluumaystaan.
 
Hadaan u soo noqdo ujeedada qoraalkaygan waxaan ku iftiimanayaa inaan aniga iyo intii aanu isku aragtida ahayn ee ka tirsanayd Xisbiga UDUB aanu ku taageersanahay Mujaahid Cali Guray dhaliilaha uu u xambaariyey kooxdii wasiirada ahayd ee horseeday guuldaradii xisbiga waanuna ku hambalyaynaynaa Mujaahidka sida uu taageerayaasha Xisbiga ugu iftiimiyey in Xisbiga UDUB uu saaxada Siyaasada ka baxayo hadii aan laga hor dhaqaajin kooxdan la daadegtey sumcadii Xisbiga, waxaan aaminsanahay in Mujaahidku uu indhihiisa ku arkay in sheegashada Xisbiga UDUB ay xiligan tahay Nusqaan, Siyaasiga nadiifta ahina uu ka fogaado inuu magaca UDUB kula Shuraakoobo kooxdii ay Bulshada reer Somaliland iska garatay ee iska eriday ka dib markay u bohoobeen boobka iyo kala fogaynta Bulshada walaalaha ah ee Reer Somaliland.
Anagoo ah xubno muhiim u ahaa Xisbiga waxaanu ilaa 2007 isku deyeynay in xisbigu uu noqdo xisbi adag oo ku midaysan aragti siyaasadeed oo dalka iyo dadka Somaliland u hor seedi kara horumara iyo ictiraaf, balse waxaanu dhaafi kari weynay  koox ujeedadaoodu ahayd inay hantida umada urursadaan isla markaana ku hawshaysnaa kala fogaynta iyo xaalad abuurka Bulshada dhexdeeda si ay xukunka ugu sii raagaan halka anagu aanu ku mashquulsanayn  sidii dalkan iyo dadkan loo gaadhsiin lahaa horumara iyo ictiraaf si cadaalad iyo sinaan ahna loogu shaqeeyo.
Xisbiga UDUB wuxuu ahaa xisbiga keliya ee ay bulshada reer Somaliland ku dhamaystirnayd balse waxaa nasiib daro noqotay inuu mar qudha waayo kalsoonidii umada taasi oo ay sababa u ahayd hab dhaqanka koox wasiiro ah oo si badheedha u boobayey hantida umada kana shaqaynayey  kala dilka umada reer Somaliland, anagu anagoo ka duulaynay sidii umada la isugu wadi lahaa isla markaana loo heli lahaa hogaan xaqsoora oo uu yeesho Xisbiga UDUB waxaanu mudo badan kor iyo hoosba ula hadalay hogaankii xisbiga iyo talada dalka hayey balse markii dhegaha laga furaystay taladayadii nadiifta ahayd lagana door biday danaysiga, aniga iyo dhamaan muwaadiniintii nadiifta ahaa ee xisbiga ugu jiray inuu noqdo kii umada ku hogaamin lahaa daacadnimo waanu xamili kari  waynay inaanu ka sii mid ahaano Madaxda Xisbiga waxaanuna si cad umada ugu sheegnay inaanu diyaar u nahay isbedel umadu hesho isla markaana aanu taageerayno figrad kasta iyo xisbi kasta oo xiligan adag  ay  isla qaataan majooratiga shacbiga reer Somaliland si loo helo hogaan lagu kalsoon yahay.
Mudooyinkaa iyo marxaladahaa adag ee uu xisbigu soo maray Mujaahid Cali Guray wuu nala arkayey ayaan filayaa inkastoo uu xili danbe nagu soo biiray hase yeeshee wuxu ku jiray difaac adag waase ilaahay mahadii hadii uu maanta nala arkay kooxdii aan daacada ka ahayn horumarka iyo jiritaanka Somaliland balse Jeeb Buuxsiga u joogay meesha iyadoo qaarkood hore u cadeeyeen inay Gafanayaal noqdeen siday u jaqajeen Dhiiga Shacbiga, Mujaahidka waxaanu leenahay anagoo ah xubnihii ugu mihiimsanaa Xisbiga waanu kugu garab taaganahay inaad isu sharaxdo hogaanka Xisbiga adiga iyo muwaadin kasta oo bulshada Somaliland aan ka gelin Denbi musuqmaasuq iyo ragaadin horusocodkiisa tona, waxaanu diyaar u nahay in Xisbiga UDUB boodhka laga tumo oo loo helo hogaan nadiif ah oo inaga iibsami kara si aan xisbigu uga bixin saaxada siyaasada Somaliland.

Wa bilaahi towfiiq
Dr. Abdirahman Ali Ubaxle
Xidhiidhiyihii Laamaha Xisbiga UDUB ee Yurub iyo xafiiska dhexe Hargeysa 
Birmingham Uk  

Gedo: Ciidamada Kenya oo Weerar isu Diyaarinaya

$
0
0

Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ee Somalia ee hadda ku sugan gobolka Gedo ayaa isu diyaarinaya weerarka degmada Baardheere ee Gedo. Dhinaca kale, ciidamada ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda diyaar ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaankaas ay qorsheynayaan ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah.

Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live