Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali parliament speaker urged again to resign amid...

$
0
0

A Members of Somalia's Lower House chamber of Parliament called for the resignation of the Speaker Mohamed Osman Jawari as the deadlock over the motion against him widens.
Speaking in an interview with Radio Shabelle, lawmaker Abdullahi Sheikh Ismail who is among the MPs tabled the impeachment motion blamed Jawari for violating the constitution and parliamentary procedures.
The parliament is split into two camps, one allegedly allied to the office of the PM and the other camp defending the long-serving Speaker who is currently in trouble as he faces motion.
The call comes in the wake of worsening political rift in Mogadishu after more than 100 lawmakers have signed out a motion of no confidence against Jawari last month.
The standoff has affected the normal seatings of the lower House and led the President of the country Mohamed Abdullahi Farmajo to intervene and mediate the rival sides.
The Senate suspended its mediation efforts and dissolved recently a 7-member committee tasked with the resolving of the political crisis and division in the parliament.
storvideo: 


Madaxwaynihii hore ee Brazil oo la amray in xabsiga...

$
0
0

Madaxwaynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa xabsiga la dhigi doonaa sida ay xukuntay maxkamada ugu sareysa dalkaasi.
Mr Lula ayaa doonaya in uu racfaan ka qaato dacwad musuqmaasuq oo muddo dheer soo daba jiitamaysay.
Waxa uu wajahayaa 12 sano oo xarig ah taasi oo la xiriirta dacwad ahayd in uu aqbalay laaluush.
Balse Mr Lula ayaa codsaday in aan la xirin oo uu banaanka sii joogo inta lagu guda jiro racfaanka uu ka qaatay xukunka.
Lula ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah ay yihiin kuwa la siyaasadeeyay islamarkana la doonayo in looga hor istaago in uu madaxwaynanimada u tartamo bisha October.
Sida ku cad ra'yi uruurinada la sameeyay mr lula ayaa hogaaminaya oo ah musharaxa ugu shacbiyadda badan.
Xisbigiisa ayaa gudoonka maxkamada ku tilmaamay "mid musiibo ka dhan ah dimuqraadiyadda Brazil".

  1. Senate-ka Brazil oo u codeeyay dacwaynta Rousseff
  2. Dad lagu tilmaamay "burcad" oo lagu laayay Brazil
  3. Jilaa caan ka ah Brazil oo wabi ku qarqaday

Golaha garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa dalkaasi ayaa 6 ka mid ah ay hal dhinac ay mareen ka dib guddoon dhacay saaka.
Luiz Inacio Lula da Silva waa 72 jir islamarkana horey madaxwayne uga soo noqday dalkaasi ,dibadda ayuu sii joogi doona ilaa laga dhamaystirayo dikumiintiyada lagu soo xirayo.
Lula ayaa dalka Barazil ka talinayay intii u dhaxaysay 2003 iyo 2011.
Dad gaaraya 20,000 oo qof ayaa Talaadadii dibadbax ka dhigay magaalada - ah ee Sao Paulo waxa ayna dalbanyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga loo dhigo.
storvideo: 

Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xayir "Maareeye" oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu xusayay 35- Sana guuradii kasoo wareegatay aas-aaska TV-ga Qaranka Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay Wasaarad muhiim u ah soo celinta Dowladnimada Soomaaliya.
" Runtii waa la sheegay muhiimadda Wasaaradda Warfaafinta, Waana mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaalliya,waxaa la yiraahdaa nolosha labo ayay ku horumartaa,waxay ku horumartaa Information iyo Aqoon, labadaba Wasaaraddaa ayaa faafisa,Qofka waa inuu Aqoon leeyahay waana inuu Aqbaar helaa markaasi ayuu wax qaban karaa,labadaba sidaan sheegay warbaahinta ayaa laga heli karaa,marka Wasaarad aad iyo aad u muhiim ah weeye," ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri" Anigu haddaan Ra'iisal wasaare ahaan lahaa dalkanna halkan uu mari lahaa saddex Wasaaradood keliya operationka ugu weyn xoogga saari lahaa,saddexdaasi oo ah Wasaaradda Warfaafinta,Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga saddexdaasi ayaan muhiimadda siin lahaa,mid quudkii bey keeneysaa,midna dadkey quluubtooda badaeleysaa oo xaqqa ku toosineysaa,nabaddana ku toosineysaa oo nolosha ku toosineysaa waa warfaafinta,midna waa Amnigiyoo marka intaa la helo Qof xun la weyn maayo oo meel socda,markaasi ayay tallaabo ka qaadeysaa.marka saddexdaasi ayaan dhisi lahaa Aniga."
Wasiir "Maareeye" oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska soo martay ayaa sheegay in Wasaaraddani uu labo jeer Wasiir ka soo kala noqday markii ugu horeysay 2005 ilaa iyo 2006-dii iyo sanadkii 2015-tii,isagoona ku amaanay shaqaalihii u soo dhabar adeegay waqtigii adkaa ee ay adkeyd inaad magaalooyinka qaar ku dhex lugeysid.
Wuxuuna ugu hambaleeyay guusha maanta la gaaray,isagoo sheegay in meel adag ay ka keeneen ayna shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta yihiin kuwo naftooda u huray sidii Shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiq ah loogana wacyi gelin lahaa qatarta kooxaha nabad diidka ah ee dalka ka jira.
Ugu danbeyntii,ku simaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna ku-xigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayuu ku booriyay inuu il gaar ah ku eego shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya maadama 24-saac oo xiriir ah ugu shaqeeyaan Bulshadooda.
Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaana dib loo howl-geliyay Sanaddii 2011-kii, iyadoo ay marba marka ka dambeysa sare usii kacaysay tayadiisa iyo howlaha uu bulshada u hayo.
storvideo: 

Liverpool iyo Barcelona oo guulo ka gaaray Siddeed...

$
0
0

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa xalay guulo muhiima ka gaaray lugta hore ee Siddeed dhammaadka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga.
Kooxda Liverpool ayaa guul layaab leh ka gaartay dhigooda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonkeeda Anfield, kadib markii ay nus saacii ugu ugu horeeyay ay go'aamisay natiijada ciyaarta oo ahayd 3-0, waxayna u sheegatay khibrad, maadaamada ay tahay kooxda ugu guulaha badan kooxaha England tartanka Champions League-ga.Wiilka reer Masar Maxamed Salaax oo ciyaarta dhaawac looga saaray ayaa goolka furitaanka dhaliyay ciyaarta oo socota Laba iyo toban daqiiqo, wuxuuna ahaa goolkii 38-aad ee uu u dhaliyo Liverpool, gool labaad Alex Chakberlain ayaa Siddeed daqiiqo kadib shabaga ku husbsaday, halka goolkii Saddexaad uu dhaliyay Sadio Mano daqiiqadii Soddon iyo kowaad, wuxuuna ahaa gool aad loogu riyaaqay oo uu caawiye ka ahaa Maxamed Salaax.
Waxaa xusid mudan in Liverpool ay tahay kooxda kaliya oo ka tirsan horyaalka England ee Premier League-ga oo ka badisay Manchater City xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou 4-1 ugu awood sheegatay kooxda reer Talyaani ee Roma oo kala bar goolasha laga dhaliaya hadiyad u bixisay.
Goolka furitaanka Barcelona waxaa siiyay De Rossi, halka Monolas uu goolka labaad iska dhaliyay, taas oo la micno ah in ciyaartoyda Roma ay ciyaarta 2-0 uga dhigeen Barcelona.
Gerard Pique ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Barcelona halka Edin Dzeko uu Roma siiyay goolka calanka, laakiin Luis Suarez ayaa Barcelona u saxiixay goolka afraad ee Roma sii niyadjabiyay.
Kooxda Roma ayaa noqotay kooxdii Afraad ee taariikhda tartanka Champions League-ga laba gool oo kama ah iska dhalisay, kooxdii ugu horeysay waxay ahayd Galatasaray.
Kooxaha Manchester iyo Barcelona ayaa lugta labaad ee Siddeed dhaammaadka Champions League-ga ciyaari doona iyagoo guulo waaweyn wata.PUNTLAND POST
The post Liverpool iyo Barcelona oo guulo ka gaaray Siddeed dhammaadka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: ” Saaka Waxan doonayaa in aan u jawaabo...

$
0
0

Daawo:" Saaka Waxan doonayaa in aan u jawaabo Xildhibaan Siciid Ma ogolin in madaxweyne Siiraanyo inan yari wax ka sheego waa Mandeelihii Somaliland" Nac nac oo Siiraanyo Eed ka difaacay
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Xildhibaan Dheeg Oo markii u horaysay Ka...

$
0
0

Daawo: Xildhibaan Dheeg Oo markii u horaysay Ka hadlay Dhalinayro Afduub loogu Haysto Magaalada Garoowe Kuwaas oo Pasapor rabay .. Hanjabaad iyo Fariin Adagna u diray Xukuumada Puntland@

[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Oo Qalab...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Oo Qalab Caafimaad oo Reer Awdal Baahi weyn u qabeen ku Wareejiyey Cusbataalka Wayn ee Degmada Boorama
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Munaasabada Caleemosaarka Caaqil ka soo Jeeda...

$
0
0

Daawo: Munaasabada Caleemosaarka Caaqil ka soo Jeeda Degaanka Baligubadle Oo maanta ka dhacay Magaalada Hargaysa
[embedded content]
storvideo: 


AKHRISO: Qodobbadii kala duwanaa ee looga hadlay...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay'adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Hanti-dhawraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317.
Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha Somalia Xasan Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka.PUNTLAND POST
The post AKHRISO: Qodobbadii kala duwanaa ee looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta XFS oo la...

$
0
0

Jabuuti (SONNA), Wasiir ku xiggeenka Wasaradda Owaqafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ibraahin Axmed Dhuubow iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa waxa ay kulan la qaatay Maayarka - Djibouti , Marwo Faduma Cawaale Cismaan, kulankaasi oo ay uga arinsadeen arrimo badan oo labada dhinac quseeya.
Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta, ayaa waxaa wehliyey agaasimaha guud iyo la-taliyaha Wasaaradda, waxaana labada dhinac kulankaan ay uga wada hadleen xaaladii ugu dambaysay ee dalka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Mudane Ibraahin Axmed Dhuubow, ayaa warbixin ka siiyey Duqa Magaaladda Jabuuti horumarka ka scda Magaaladda Muqdisho, isaggoo sheegay in - Soomaaliya ay ka socdaan dadaalo badan oo dib bilicdii loogu soo celinayo, Waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya dadaal weyn ay ugu jirto siddii ay markale cagaheeda iskugu taagi lahayd.
Maayarka - Djibuuti, Marwo Faduma Cawaale Cismaan , ayaa ku ammaantay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto dhib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta guud ahaan Soomaaliya, waxayna ku ammaantay Maamulka gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan soo celinta bilicdii -.
kulanka ay madaxda Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ay laqateen mayerka - Jabuuti, ayaa waxa uu qayb ka ahaa kulamo ay baryahanba laqadanayeen qaar ka mid ah madaxda dalkaasi.
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golihii Degaanka...

$
0
0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in la kala diray, Golaha Degaanka degmada Garoowe,sida ku cad qoraal uu soo saray madaxweyne Gaas.
wareegtadaan oo ku taariikhaysan 5 bishaan April ayaa lagu caddeeyay in Golaha Degaanka degmada Garoowe ay shaqadoodii gudan waayeen,islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah,sidaasi darteedna loo kala diray.
Dhinaca kale wareegto labaad oo ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas ayaa si ku meel gaar ah, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen u loogu magacaabay Golaha Degaanka Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa loo magacaabay,Axmed Maxamud Ducaale,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Cismaan Maxammed Siciid,sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas.
Kala-diridda Golaha Degaanka Garoowe ayaa ku soo beegmatay saacado kooban kadib markii lagu dhawaaqay in gebi ahaanba la xalliyay khilaafkii ka dhex jiray Golaha Degaanka,sidoo kalena laga noqday mooshin ay xildhibaannada qaarkood ka gudbiyeen duqa degmada,Xassan Maxammed Ciise(Goodir).
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golihii Degaanka degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Hobolada Nasra Cabdiraxmaan Dheere oo Maanta...

$
0
0

Daawo: Hobolada Nasra Cabdiraxmaan Dheere oo Maanta Si wayb loogu soo dhaweeyey Magaalada Boorama
[embedded content]
storvideo: 

Daawo-Wareysi-Xidhiidhka ciyaaraha fudud Ee...

$
0
0

(Togaherer)-Xidhiidhka ciyaaraha fudud Ee Somaliland Ayaa shaaciyey In Ay Dalka Ka Qabanayaan Tartano Ciyaaraha Fudud Ah Oo Lagu Dardargalinaayo Dhalinayada Wadanku..
Gudoomiayha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland ayaa si buuxda u shaaciyey in xihiidhkaasi dhawaan uu qaban doono tartano lagu dhiirigalinaayo da-yarta wadanka oo ay kor ugu qaadayaan ciyaaraha fudud ee wadanka.
Daawo:
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Wareysi-Xidhiidhka ciyaaraha fudud Ee...

$
0
0

(Togaherer)-Xidhiidhka ciyaaraha fudud Ee Somaliland Ayaa shaaciyey In Ay Dalka Ka Qabanayaan Tartano Ciyaaraha Fudud Ah Oo Lagu Dardargalinaayo Dhalinayada Wadanku..
Gudoomiayha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland ayaa si buuxda u shaaciyey in xihiidhkaasi dhawaan uu qaban doono tartano lagu dhiirigalinaayo da-yarta wadanka oo ay kor ugu qaadayaan ciyaaraha fudud ee wadanka.[embedded content]
storvideo: 

Faahfaahino laga helayo Muqdisho oo uu ka dhacay...

$
0
0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa galabta ka bilowday magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Saban Saban iyo Haanta dheer ee katirsan degmada Dayniile.
Dagaalka Galabta ka dhacay Xerada 77 iyo Haanta dheer oo ah mid soo lab laabtay ayaa Galabta socday waxka badan hal Saac,waxana jiray barakac ay dadka qaar ee goobalaha lagu dagaalamay deganaa sameeyeen.
Xerada 77 iyo Haanta dheer ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisada dagaal,waxana Galabta halkaasi weerar ku qaaday Maleeshiyaad hubeysan,iyada oo kuwo kale oo ku sugnaa Xerada Saban saban ay iyana iska difaaceen.
Ciidamada dagaalamayay oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa isku heesta dhul kuyaala xerada Saban Saban ee Degmada Dayniile, waxaana ciidamadan galabta dhax maray dagaal xoogan oo socday ku dhawaad labo saacadood.
Dagaalka ayaa hada qaboobay, waxaana mararka qaar aaga ay ku dagaalamayaan ciidamada iska soo horjeeda laga maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan labada ciidan.
Dadkii shacabka ahaa ee degmada xaafadaha lagu dagaalamayay ayaa ku barakacay dagaalka, waxaana rasaasta wiiftada ah ay gaareysay xaafado ka fog fog halka uu dagaalku ka socday.
Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo waliba ciidamada dagaalamaya, waxaana isbitaalada qaar la geeyay dad dhawacyo soo gaareen.
Ciidamada dagaalamay ayaa wali isku horfadhiya goobihii ay ku dagaalamayeen, waxaana saacda kasta laga cabsi qabaa in mar kale ay dagaalamaan ciidamada iska soo horjeeda oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaad.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan galabta ilaa caawa ka socday magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in aaga lagu dagaalamayo ay ka dhaw yihiin ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo AMISOM.
Xaafadahan lagu dagaalamayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo goos goos ah, waxaana dagaalka galabta ka dhacay uu ahaa kii ugu xooganaa ee mudooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho.
Share this:
Related
storvideo: 


DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo damaanad kusii deysay...

$
0
0

Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia Carles Puigdemont damaanad ku sii daysay, waxaanay xukuntay in aan dib loogu celin Spain oo lagaga oogay dacwad fallaagonimo ah.
Laakiin maxkamadaas oo ku taal magaalada woqooyiga ee Schleswig waxay sheegtay in ay ka fiirsan doonto oo ay go'aan ka gaadhi doonto in dib loogu celiyo Spain hadii lagu soo oogayo dacwado musuqmaasuq oo keli ah.
Maxkamadda ayaa ka baaraan degeysay go'aanka ay ka qaadan dooneyso codsi uga yimid dalka Spain kaasi oo ay ku dalbaneysay in lagu soo wareejiyo in ka badan toddobaad hogaamiyhii gobolka Catalonia Carles Puigdemont.
Dowladda Spain ayaa ku eedeysay Carles fallaaganimo.
Maxkamadda ayaa kusoo gabagabeysay kiiskan in waxa ugu u dhigma sharciga Jarmalka uu yahay inuu galay ninkaan qiyaano qaran.
Balse waxa ay xukuntay maxkmadu in kiiska Mr Puigdemont aysan ka mid ahayn wax rabshado ah oo uu galay,sidaasi darteedna eedeyntaasi aanan la aqbalin.
Sikastaba, waxaa la sheegay inuu jiri doono kiis u baahan in laga jawaabo kaasi oo ah inuu ku takri falay lacagta dowladda bishii October ee sanadki hore, xilligaasi oo uu ku qabtay afti madaxbanaani oo sharci daro ahayd.
Maxkamadu waxa ay codsatay macluumaad dheeraad ah iyada oo kusii deysay Carles Puigdemont damaanad ah sagaashan kun oo doolar.
storvideo: 

Hanti-dhowraha Qaranka oo hortagay Golaha Wasiirada...

$
0
0


Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay'adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya.
Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka.
storvideo: 

Puntland oo ka hadashay khilaafka ka dhexjira Golaha...

$
0
0


Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, xaaladaha bani'aadanimo iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen Golaha Wasiirada oo aad uga dooday xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho in khilaafkan hadii uu sii socdo uu wax u dhimayo qaranimada Soomaaliya.
storvideo: 

Maamulka Hir-Shabeelle Oo Magacaabay Duqa Degmada...

$
0
0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu Magacaabay Duqa degmada Balcad,kaas oo mudo dhowr Sano ah aysan laheyn degmadaas.
Wareegtada ayaa waxaa duqa degmada Balcad loogu Magacaabay Maxamed Xasan Tiitow oo mar soo noqday gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada degmada Balcad.
Sida Waregtada ku xusan ayaa waxaa la sheegay in Magacaabistaan ay timid kadib markii wadatashi lala sameeyey Xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda degmada Balcad,iyada oo ay soo dhaweeyeen Bulshada ku nool degmadaas.Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live